Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Mareykanka Joe Biden ayaa xalay sheegay in uu cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter Biden, kaas oo wajahayay eedeymo fal danbiyeedyo kala duwan. Eedaha iyo fal danbiyeedyada loo heysto ina Biden ayaa waxaa ka mid ah, in uu been ka sheegay baaritaanka lagu hubiyo dadka raba in ay hub iib sadaan, in uu heystay hub sharci darro ah, iyo isaga oo qirtay fal danbiyeed la xiriira canshuurta dowladda federaalka. Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayuu Biden ku yiri, “Maanta waxaan saxiixay cafis aan u fidiyay wiilkeyga Hunter. Maalinti aan xafiiska imid, waxaan dhahay, ma faragelin doono go’aannada Waaxda Caddaaladda, hadalkeygi marna ma aanan baddalin, xitaa aniga oo arkaya wiilkeyga si gaar ah loo soocday, isla markaana loo maxkamadeynayo si aan caddaalad aheyn.” Aqalka Cad ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyay, in Biden uusan cafis u fidineyn wiilkiisa ama uusan dhimi doonin sannadaha ay maxkamadi ku xakunto. Wiilkiisa Hunter, oo kasoo kabanaya daroogo uu qabatimiay, ayaa bartilmaameed u noqday siyaasiyiinta Jamhuuriga, gaar ahaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump. Hunter Biden ayaa wajahaya Arbacada xakun ku saabsan eedo hub sharci darro ah, iyo jawaabo been ah oo uu siiyay hey’adaha danbibaarista. Bishii September, wuxuu qirtay inuu galay danbi ;a xoriira in uusan bixin canshuur heer federal ah oo gaareysa $1.4 milyan oo dollar. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Biden oo cafis u fidiyay wiilkiisa Hunter appeared first on Puntland Post.
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Jubbaland ayaa isku diyaarineysa inay iska difaacdo ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Jubbada Hoose, waxaana socda abaabul xoog leh. Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri ka dhigay taliyihii ugu sareeyey ciidanka Birjeex ee Jubbaland. Hadda waxaa la sheegay in ciidanka Jubbaland uu hoggaaminayo Abaanduulihii Ciidanka Birjeex, waxaana socda abaabulkii ugu cuslaa. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa la sheegay in xabsi guri uu ka dhigay saraakiil badan oo uu uga shakiyey inay xiriir hoose la leeyihiin Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Tallaabooyinka uu Axmed Madoobe qaaday saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka mid ah in kumanaan ciidamo ah uu ka diray magaalooyinka Kismaayo, Janaa-Cabdalla ilaa Buuloxaaji, kuwaas oo ku jawahan magaalo xeebeedka Kudhaa. Axmed Madoobe ayaa doonaya in maalamaha soo socda uu dagaal ka dhan ah ciidanka xoogga dalka ka abaabulo deegaanka Kudhaa, waxaana heysata kalsooni darro aad u weyn, sida aan xogta ku helnay. Ciidamada ayaa doonaya in aysan dagaalamin oo dowladda federaalka ay isku dhiibaan, balse Axmed Madoobe wuxuu ku cadaadinayaa inay dagaalamaan. Maanta oo ugu dambeysay ciidamo watay ilaa afar doomood ayaa iska dhiibay Raaskambooni, kuwaas oo diiday inay dagaalamaan, balse Jubbaland oo war ka soo saartay ayaa sheegtay in ciidankaas aysan markii hore ka tirsaneyn oo ay ahaayeen maleeshiyaad abaabulan.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah. Hani ayaa u xil saaran in dhallinyarada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Dadka ka aragti dhiibtay bogga Villa Somalia oo dikreetadaan lagu baahiyey ayaan eegnay, waxayna dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo yaab leh. Inta badan dadku waxay muujinayaan in la-taliye uusan xil aheyn, balse ay ka dhigan tahay in qofkaas loo xafiiska Madaxweynaha looga qoray ‘biil.’ Madaxweynaha ayaa horay u magacaabay la-taliyeyaal aad u badan.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Marwo Hani Cabdi Gaas in ay noqoto La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada iyo Cayaaraha. Marwo Hani Cabdi Gaas oo khibrad, aqoon iyo xirfad durugsan u leh Arrimaha Dhallinyarada ayaa muddo dheer ka soo shaqeysay hay’ado caalami ah iyo kuwo maxali ah, iyada oo dhallinyrada Soomaaliyeed ku matashay fagaareyaal kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeeyey Lataliyaha Arrimaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hani Cabdi Gaas in ay khibraddeeda dhanka horumarinta bulshada ay uga faa’iideyso dhallinyarada Soomaaliya oo maanta u taagan difaaca iyo horumarka dalkooda. Source: goobjoog.com
  5. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa xog cusub ka bixiyay shirweynihii saddex geesoodka ahaa ee bishii October ka dhacay magaalada Asmara, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda Eritrea, Masar iyo Soomaaliya. Shirkaas oo xilligaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xasilloonida gobolka, iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo ixtiraamka wadajirka ah ee dalalka dariska ah, ayaa wuxuu Afwerki sheegay in shirka uusan aheyn mid duullaan ku ah dal kale. Madaxweyne Isaias Afwerki oo wareysi siiyay warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay in shirkaasi aan looga dan laheyn in lagu dhibaateeyo Itoobiya, isagoo dhinacyo kale ku eedeeyay inay dacaayado uu ku tilmaamay “marin-habaabin” iyo “been-abuur” ka baahiyeen. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa dadaal loogu tala-galay sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wadajirka Geeska Afrika, xilli ay ka taagan yihiin xasarado isbiirsaday. “Shirweynihii saddex-geesoodka ahaa ee lagu qabtay Asmara ma hayn wax Itoobiya lagu dhaawacayey ee waxa uu ahaa wax u adeegayay Geeska Afrika,” ayuu Afwerki ku yiri wareysiga. Shirka ayuu ku tilmaamay mid muhiim ahaa oo lagu taageerayo yoolal waaweyn, sida xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika, harooyinka Nile iyo deegaanka badda cas. Afwerki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii loo heli lahaa nabad iyo horumar wadajir ah oo dan u ah dhammaan dadka ku nool gobolka. Shirkan oo dhacay xilli xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala furtay kadib is-afgaradkii Somaliland, ayaa ahaa mid siyaabo kala duwan loo turjumay maadaama saddexdan dal ay Itoobiya isku hayaan si weyn.
  6. Mogadishu (HOL) — Six Somali family members died in a suspected gas heater accident at their home in Cairo, relatives confirmed Sunday. Source: Hiiraan Online
  7. Paris (Caasimada Online) – Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay taageerada ay ka geysanayo howl-galka cusub ee Soomaaliya iyo amniga badda, iyadoo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya. Faransiiska ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, xilli ay Itoobiya ku kacday xad-gudb ka dhan ah qarannimada Soomaaliya, kadib markii heshiis is-afgarad oo la xiriira badda ay la saxiixatay Somaliland. Faransiiska ayaa arrimahaan ku xaqiijiyey kulan ka dhacay Paris, kaasi oo dhex-maray wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar iyo wasiiru-dowlaha Faransiiska ee Francophonie iyo iskaashiga caalamiga, Thani Maxamed Soilihi. Kulanka ayaa lagu faaqiday iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Faransiiska, waxaana diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada muhiimka ah sida amniga, socdaalka, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wada-hadallada ayaa lagu muujiyay doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ee saaxada caalamka, oo ay ku jirto doorashadii dhawaan loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Faransiiska ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya guulaha ay ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, isaga oo ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan. Sidoo kale waxaa kulanka lagu gorfeeyay iskaashiga dhaqaalaha ee labada dhinac, iyadoo laga wada-hadlay dib u soo nooleynta maalgashiga Faransiiska ee kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya, sida kaluumeysiga iwm. Labada dhinac ayaa ugu dambeyntiina isla soo qaaday baahida loo qabo la-dagaallanka tahriibinta dadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo dowldda Soomaaliya ay uga mahad-celisay Faransiiska dib u furista safaaradeeda Muqdisho, taasi oo ah tallaabo loo qaaday xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed.
  8. Ruushka ayaa qaaday shan weerar oo cirka ah oo xidhiidh ah oo lala beegsaday xero qaxooti oo ku taal xaafad ku taal Idlib, sida ay sheegtay kooxda xuquuqul insaanka ee Syrian Observatory for Human Rights (SOHR) ee fadhigeedu yahay UK. Duqeymaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid ah kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay hay’addu. Mar sii horreeysay, SOHR waxay sheegtay in Ruushka uu garaacay qaybo ka mid ah miyiga Idlib iyo Hama halkaas oo kooxda hogaaminaysa weerarka fallaagada “ay dhawaan la wareegeen”. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo dawladdu u dirtay “gurmad ballaaran” Idlib iyo Hama waxay ku yaalaan dhanka koonfurta Xalab. Xoogaga mucaaradka ayaa weli gacanta ku haya magaalada Idlib ee waqooyi-galbeed iyo inta badan gobolka ku xeeran. Shalay, Idlib iyo nawaaxigeeda waxaa lagu garaacay sagaal gantaal. Qaran News
  9. Kismayo (HOL) — Jubbaland State administration has denied reports that many of its troops joined federal military forces in the southern town of Raskamboni as political tensions with the federal government intensify. Source: Hiiraan Online
  10. Ayadoo sanad walba dunida laga xuso 1-da bisha december oo ku astaysan maalinta caalamiga ah ee xanuunka HIV AIDS-ka ayaa munaasabado arrintaas ku saabsan lagu qabtay magaalooyin ay kamid tahay caasimadda Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay muhiimadda ka hortagga xanuunka HIV-ka ayaa sheegay in loo baahanyahay inaan la takoorin dadka qaba cudurkan, islamarkaana bulshada laga wacyi-geliyo inay si qaldan u fahmaan kuwa la nool AIDS-ka. Maalintan caalamiga ah oo la asteeyay sanadkii 1988-dii ayaa xuskeeda looga faa’iidaystaa wacyi-gelinta bulshada iyo baraarujinta siyaabaha looga hortagi karo xanuunka halista, islamarkaana loola dhaqmi karo dadka la nool. Cudurkan ayaa deegaanada Soomaalida ku soo badanaya, waxayna bahda caafimaadku ka digayaan in la fududaysto waxyaabaha uu ku faafo sida guurka aan baaritaanka caafimaad ka horrayn, wada isticmaalidda qalabka cidiyaha ama timaha lagu jarto sida sakiimaha, iyo taabashada dhiigga qof kale gacmo-gashi la’aan. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – 13 Sano kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalka khilaafka siyaasiga ah ka jiriyay dalka Itoobiya oo xilligaasi uu xiriirkooda wanaagsanaa. Markale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalka xiisadda maamulka Jubbaland ka jirinaya Kenya, oo saaxiib dhow la’ah Axmed Madoobe, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in haatan Nairobi looga xaajoonayo arrintaas, ayna is horfadhiyaan saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. “Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal,” ayuu yiri Warsame. Sidoo kale wuxuu sheegay in dhaq-dhaqaaqa ka socda Nairobi ee la xiriira xiisadda dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland uu ku dambeyn doono “Soomaaliyeey heshiiya oo aan idin wada hadashiino”. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Seddax iyo toban sano ka hor ayaan qayb ka ahaa wadahadalkii dowladdii uu Madaxweyne Xasan hoggaaminayey iyo maamulka Jubaland. Xal dalka gudihiisa lagu gaari karay ayaa xilligaas Itoobiya loo raray. Maanta Nairobi isla arrinkii ayaa looga xaajoonayaa, saraakiil ka tirsan amniga qaranka Kenya; sirdoon, milateri iyo diblomaasiyiin iyo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya oo kaligii ah ayaa is horfadhiya. Labada dowladood ee deriska inala ah waxay fahamsan yihiin in madaxda Soomaalidu ay shakhsigooda kaga kalsoon badan yihiin hay’adaha dowladda, in aysan lahayn istiraatiijiyad, taaktiko iyo xirfad wadahadal. Waxay kaloo ogyihiin in dulqaadku ku yaryahay, doonayaana in degdeg ugu aarsadaan goobtii ay dibirtu kula dhacday. Waxay aqrinayaan in waxa wadaahi ay yihiin damac shakhsi ah, dan gaaban iyo aargoosi siyaasadeed oo maalmo gudahood is beddelaya, saa daraadeed hadalkoodu wuxuu ku soo idlaanayaa, Soomaaliyey heshiiya oo aan idin wada hadashiino.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caasimada ka wada ololaha doorasho qof iyo cod, kaas oo qorshaheeda wado dowladda madaxweyne Xasan Sheekh. Madaale ayaa maanta kulan la qaatay hogaanada ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Cumar Cabdiraxmaan Macow. Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Yabooh ayaa wuxuu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka doorasho ee la rabo in shacabka reer Muqdisho ay kusoo doortaan hoggaankooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiye Madaale ayaa dhalinyarada u sheegay inay isku diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee xukuumadda federaalka dooneyso inay dalka ka hirgeliso, si gaar ahaan gobolka Banaadir. Intii uu kulanka socday waxaa warbixin sanadeed lagaa dhageystay hogaanada ururka dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dar-daarmay hogaanka dhalinyarada gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska. Madaale ayaa muddooyinkii dambe taageero bulsho u raadinayay qorshaha doorasho ee diidan yihiin mucaaradka, isagoo maalmo kahor magaalada Muqdisho iskugu soo saaray boqolaal kamid ah bulshada caasimada, si loo taageero hanaanka doorasho qof iyo qof oo haatan uu ansixintiisa wado baarlamaanka Soomaaliya.
  13. Suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo xiligan uu ka socdo dib u dhis balaadhani ayaanu saaka booqanay si aanu u ogaano waxa uu shalay galab Muuse Biixi uu xadhiga ka jaray. Waxa yaab iyo amakaag nagu noqtay in aanu aragnay suuqa oo qabyo ah oo aan la dhamaystirin walina qabyo ah . Sideedaba waxa xadhiga laga jaraa marka ay shirkada wax dhosaysaa ay ka faraxalato ee ay soo wareejiso dhamaan furayaasha ee shirkadana la siiyo wixii lacag u hadhsan. Suuqa Waaheen waxa ay u eegtahay in si miyir qabta xadhiga looga jari doono marka ay shirkada ku jirtaa ay dhamaystirto dhamaan dhismayaasha oo dhan. Qaran News
  14. Mogadishu (HOL) — Somali State Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ali Mohamed Omar, met with French State Minister for Francophonie and International Partnerships, Thani Mohamed-Soilihi, in Paris on Saturday to discuss enhancing bilateral relations across various sectors. Source: Hiiraan Online
  15. One of the first 911 calls made about Abdirahman Abdi on July 24, 2016, was from a woman in Hintonburg who said he'd reached inside a car a few minutes earlier and groped her. Source: Hiiraan Online
  16. A decade after he entered a woman’s bedroom in the dark of night and sexually violated her, leaving her with an STD and him with her laptop and other things he stole, Mohammed Abdiwali has lost his refugee status. Not because of his lengthy and serious criminal history, but because it’s been deemed he’s no longer at risk in Somalia. So will he be deported? Source: Hiiraan Online
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee ku aadan in ciidamo horleh oo ka tirsan maamulkaasi ay maanta isku dhiibeen ciidamada qalabka sida ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose. Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka lasoo bandhigay oo watay doonyo aanay kamid ahayn markii hore Daraawiishta maamulkaasi, balse ay yihiin ciidamo uu abaabulay guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Badhaadhe Maxamed Fanax. “Goor hore oo saaka ah ayaa baraha bulshada lagu baahiyay muuqaal sadex Doomood oo sidda ciidan lagu sheegay in ay yihiin kuwa daraawiishta Jubaland, hayeeshee aysan ciidankaasi aheyn ciidan Jubaland ka tirsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Jubbaland. Waxaa kale oo lasii raaciyay in arrintan ay ka dambeyso dowladda Soomaaliya, si ay u sumcad disho ciidanka Daraawiishay maamulka Jubbaland. “Warbaahin uu isticmaalaayo Eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maalmahanba waday sumcad dilka, qeybaha kala duwan ee ciidamada Jubaland kuwaas oo sida caadiga ah kujira howlahoodi shaqo ee ay dadka iyo deegaanka u hayeen” ayaa mar kale lagu yiri. Saaka dowladda Soomaaliya ayaa baahisay inay ciidamada dowladda ee ku sugan Raaskambooni ay isku soo dhiibeen ciidamo ka tirsan Jubbaland, aadna loo soo dhaweeyay. “Ilaa iyo afar Doon oo ay la socdaan qaar ka mid ah ciidanka geesiyaasha ah ee Qaranka qaybtooda Jubbaland ayaa ku biiray Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo isku diyaarinaya in cadowga Khawaarijta ah ka xoreeyaan deegaannada ay ka joogaan Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal kale oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.
  18. Dowladda ayaa maanta shaacisay warbixin ku saabsan heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC oo shaacisay warbixintaasi ku saabsan heerka xanuunka ayaa sheegtay in tirada guud ee dawada HIV/AIDS-ka qaadata yihiin 646 qof. Sida ay muujinayso warbixinta hay’adda PAC, waxaa magaalada Gaalkacyo oo keliya daawada AIV/AIDS-ka qaata 205 oo qof, halka caasimadda Garoowe ay daawada qaataan 197 ruux. Magaalada Boosaaso waxaa daawada AIDS-ka qaata 181 qof, halka Qardho ay 54 qof ay qaataan dawooyinka HIV-ga, islamarkaana degmada Badhan 9 qof oo keliya qaataan daawada xanuunkani, sida ay tilmaantay warbixinta PAC. Hay’adda La-dagaallanka xanuunka AIDS-ka u qaabilsan Puntland ee PAC ayaa warbixintani ku soo bandhigay xuska maalinta Aids-ka aduunka oo maanta Garoowe lagu qabtay. PUNTLAND POST The post Warbixin laga soo saaray heerka xanuunka HIV/AIDS-ka ee guud ahaan degaannada Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. NAIROBI: Kenya’s President William Ruto said on Saturday he and Ugandan President Yoweri Museveni would help mediate a dispute between Ethiopia and Somalia, threatening the region’s stability. Landlocked Ethiopia, which has thousands of troops in Somalia to fight Al-Qaeda-linked insurgents, has fallen out with the Mogadishu government over its plans to build a port in the breakaway region of Somaliland in exchange for possible recognition of its sovereignty. Somaliland has struggled to gain international recognition despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991. The spat has drawn Somalia closer to Egypt, which has quarreled with Ethiopia for years over Addis Ababa’s construction of a vast hydro dam on the Nile River, and Eritrea, another of Ethiopia’s foes. Somaliland has struggled to gain international recognition despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991. “Because the security of Somalia … contributes significantly to the stability of our region, and the environment for investors, business people, and entrepreneurs to thrive,” he told a news conference. Several attempts to resolve the feud in Ankara, Turkiye, failed to make a breakthrough. Ethiopia’s government and foreign affairs spokespeople did not immediately respond to requests for comment. Somalia’s foreign minister could not immediately be reached by Reuters. The government of Somalia’s semi-autonomous Jubbaland state said earlier it was suspending relations and cooperation with the federal government in Mogadishu following a dispute over regional elections. Jubbaland, which borders Kenya and Ethiopia and is one of Somalia’s five semi-autonomous states, reelected regional president Ahmed Mohammed Islam Madobe for a third term in elections on Monday. However, the national government based in Mogadishu, led by President Hassan Sheikh Mohamud, opposed the election, saying it was held without federal involvement Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar ka dhan ah qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo loo gudbiyay saraakiisha ku sugan garoonka Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xildhibaannadaasi ayaa ah kuwa kasoo jeedo dhanka deegaannada Jubbaland, waxaana kamid ah Xasan Yare oo dhowaan buuq ka sameeyay kulankii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, isaga oo feeray askari ku sugnaa xarunta. Saraakiisha gacanta ku haysa garoonka ayaa loo geeyay liiska xildhibaanno uu ku jiro Xasan Yarare oo loo yaqaan Firinbi, iyadoo loo sheegay in aanay ka dhoofi karin garoonka. Arrinta ayaa salka ku hayso gacan qaadkii todobaadkii hore ka dhacay gudaha xarunta baarlamaanka iyo xiisadda kasii dareysa ee ka taagan Jubbaland, Dhinaca kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isna Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa qiray inay jirto xildhibaanno ay dowladda warqad ka dhigtay garoonka Aadan Cadde, si loogu sameeyo xanibaad dhanka socodka ah. “Warqad ayaa garoonka diyaaradaha laga dhigay Xildhibaan Xasan Yare iyo Xildhibaano kale, Anaga Xildhibaanka waan aragnay waxa uu nagu yiri Muuqaalka dagaalka waa lasoo jarjaray” ayuuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif. Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dalka ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo wayn, isla markaana u dhexeyso Villa Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe.
  21. Abdulqadir Mohamed Adan “Zippo” was a senior member of Hizbia Dastur Mustaqil Somali. Mogadishu (PP Editorial) — Shamsa Sheegow, a Somali writer, raised questions about what she believes to be the supine political attitudes of the Digil and Mirifle constituencies towards the unfolding political crisis in Somalia. “The Digil and Mirifle clans have repeatedly had the opportunity to act as neutral mediators and work towards unifying Somalia. However, each time they have had this chance, they have not fully leveraged it. This raises questions about the underlying causes of their inaction,” Shamsa tweeted yesterday. Under the discriminatory 4.5 system, Digil and Mirifle constituencies maintain a key role in Somali politics. They boast a federal member state (South West), have political representation in Jubaland, and are campaigning for representation in Banaadir. Shamsa deplored the failure of D & M political elites to offer a third way out of the current political crisis. Aadan Madoobe, the Speaker of the Federal Parliament and a former senior leadership member of Rahanweyn Resistance Army, supports violations of the provisional constitution by the incumbent Federal Government of Somalia. Unlike Puntland State and Jubaland, the South West State administration allowed its constitution to be manipulated by Villa Somalia through the National Consultative Council summits held in Mogadishu. Hassan Mohamed Nur “Shaatiguud” was the leader of Rahanweyn Resistance Army. In 2012, Baydhabo hosted a conference to form a federal member state comprising six regions. The objective, then promoted by Villa Somalia, was to foil efforts to establish Jubaland State after Kismaayo was liberated from Al-Shabaab. The establishment of South West State, made up of three regions, strengthened the political position of D & M elites in the Somali federal system. In 2022, Abdiaziz Laftagareen, the President of South West State, signed a security pact with the Somali region of Ethiopia. His administration rejected the abrupt withdrawal of Ethiopian peacekeeping forces demanded by the Federal Government of Somalia due to the maritime Memorandum of Understanding between the secessionist Somaliland Administration and Ethiopia. During the 1950s, Hizbia Digil E Mirifle (also known as Hizbia Dastur Mustaqil Somali, HDMS), a political party, was a significant force shaping the trusteeship politics of what was known as the Trust Territory of Somaliland. Before independence, Hizbia Digil E Mirifle proposed a federal system for Somalia. The position of HDMS, cynically misrepresented by rival parties, aimed to forestall a centralised post-independence state. Somalia’s adoption of a federal system in 2004 arguably vindicated Hizbia Dastur Mustaqil Somali. © Puntland Post, 2024 The post The Historic Role of Digil and Mirifle Elites in Somalia’s Federal System Under Scrutiny appeared first on Puntland Post.
  22. Kismaayo (Caasmada Online) – Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta isku dhiibay ciidamada dowladda ee ku sugan aagga deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Ciidamadan oo watay 4 doomood oo kuwa dheereeya ah ayaa dhanka xeebta ku yimid, waxaana kadib soo dhaweyn u sameeyay saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi. Taliyaha hoggaaminayay ciidanka kasoo goostay Axmed Madoobe oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin inay kusoo biiraan dowladdooda. Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababaha ay uga soo baxeen Jubbaland, isaga oo tilmaamay in muddo dheer ay dhibaato tirsanaayeen, maantana ay garteen inay kasoo baxaan. “Sababta keentay ciidankan iyo aniga oo xukuma ma ahan in dowladda aan number ka helno ma ah inaan dhaqaale helno, waxaan halkan joognay 20 sano oo aysan jirin cid na caawineyso oo xagga badda naga taagan tahay, dhinaca kalena Al-Shabaab” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Deegaankan waxaa dhibaateeyay oo cunaqabateeyay waa argagixisada oo cid ka qabatana waayay”. Horay waxaa sidaan oo kale usoo goostay ku dhawaad 100 askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland, kuwaas oo la keenay Muqdisho, si loogu sameeyo diiwaan gelin, loona siiyo mushaaraad iyo abaal-marinno ay u ballan qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintan ayaa u muuqato mid ay dowladda federaalka ku kala furfureyso ciidanka Jubbaland, si meesha looga saaro Axmed Madoobe oo mar kale dib loogu doortay.
  23. Inspired by Bukayo Saka, Arsenal scored five goals in a wild first half at West Ham before settling for a 5-2 win that lifted the team into second place in the English Premier League in its bid to chase down Liverpool. Source: Hiiraan Online
  24. Mogadishu (HOL) — Somali federal military forces welcomed four boats carrying Jubbaland troops in Raskamboni, Lower Jubba region, on Sunday as preparations intensify for a major operation against al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online