-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Deegaanada Galmudug waxaa weli ka socda dadaallo nabadeed oo lagu doonaayo in lagu soo afjaro xiisadda u dhexeysa Galmudug iyo Ahlu Sunna oo dhalisay inay labada dhinac ku dagaallamaan gudaha magaalada Guriceel. Wararka ayaa sheegaya in maanta wafdi uu horkacayo General Aadan Abshir Nuure oo ah taliyaha ururka 6-aad ee guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ay gaareen deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiiyiinta iyo xoogaga Ahlu Sunna. General Aadan Abshir ayaa maalmihii u dambeeyey Dhuusamarabeen kulamo gaar gaar ah kula qaadanayey waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madaxda Galmudug, si xal buuxa loo gaaro Ujeedka wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Cali Dhoof oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Ganacsade Xaashi Carabey ayaa ah sidii loo dhammeyn lahaa tabashada Ahlu Sunna iyo ka gudbida waxyaabihii dhaliyey dagaalladoo ka dhacau degmada Guriceel. Xildhibaan Cali Dhoof iyo Ganacsade Xaashi Carabey waxa labaduna ka mid yihiin raggii ku guuleuystay inay Ahlu Sunna wada-hadal uga saaraan Guriceel, taas oo soo afjartay dagaalladii khasaaraha dhaliyey ee ka dhacay magaaladaas oo ka tirsan Galgaduud. Arrimahan waxa ay kusoo aadayaan, iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Ahlu Sunna ciidamadeeda ay isku ruruursaneyeen deegaanka Bohol oo dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb, halka ciidamada Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Guriceel. Si kastaba, xaaladda ayaa ah mid deggan, markii loo eego dagaalladii ka dhacay Guriceel, waxayna dadka Galmudug ay rajo ka muujinayaan inay guuleystaan wada-hadallada socda. The post Xagee ayey marayaan wada-hadalada lagula jiro Ahlu Suna? appeared first on Caasimada Online.
-
Free press advocates are calling for accountability for perpetrators of crimes against media workers as they commemorated the International Day to End Impunity for Crimes Against Journalists. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Baraawe oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose, waxa weli ka taagan xiisad colaadeed oo ka dhalatay doorashada golaha degaanka degmadaas. Baraawe waxa shalay ka dhacay dagaal sababay khasaare kala duwan, oo salka ku haya xiisadda colaadeed ee ka dhalatay muranka golaha degaanka ee loo dhisay magaalada. Dadaalo lagu xallinayo xiisadda ayaa ka socda gudaha Baraawe, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu kulamo la qaadanayo odayaasha dhaqanka iyo bulshada degmadaas. Baraawe ayaa kamid ah magaalooyinka loo qorsheeyay in ay ka dhacdo doorashada xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Xiisad colaadeed oo ka taagan magaalada Baraawe appeared first on Puntland Post.
-
Prime Minister Abiy Ahmed urged citizens to “bury the terrorist TPLF” Facebook has removed a post from Ethiopia’s prime minister for violating its policies against inciting violence. On Sunday, Abiy Ahmed called on citizens take up arms to block the advance of the rebel Tigray People’s Liberation Front (TPLF). The TPLF has fought a year-long campaign against government forces, capturing key towns in recent days. Facebook has been criticised for failing to do more to stop its platform being used to incite violence. In the post, Mr Abiy said that the rebel advance was “pushing the country to its demise,” and he urged citizens to “organise and march through [any] legal manner with every weapon and power… to prevent, reverse and bury the terrorist TPLF”. A spokesperson for Facebook, whose parent company recently rebranded to Meta, told the BBC: “We were made aware of a post by Ethiopia’s Prime Minister and removed this for violating our policies against inciting and supporting violence. “At Meta, we remove content from individuals or organizations that violates our Community Standards, no matter who they are.” In a massive leak of documents last month it was revealed that Facebook had been warned that its platform was being used by armed groups in Ethiopia to incite violence against ethnic minorities. Speaking to a US Senate hearing in October, whistleblower Frances Haugen said that the company was “literally fanning ethnic violence” in conflict zones such as Ethiopia due to its failure to properly police its services outside of the US. Thousands of people have been killed by the conflict in Ethiopia, millions more have been displaced and hundreds of thousands are facing famine conditions, according to the UN. The war broke out on 4 November last year, when Ethiopian Prime Minister Abiy ordered a military offensive against regional forces in Tigray. He claimed that his government did so in response to an attack on a military base that housed government troops. The TPLF has been designated a terrorist organisation, while it says it is Tigray’s legitimate government. Source: BBC The post Facebook deletes Ethiopia PM’s post that urged citizens to ‘bury’ rebels appeared first on Puntland Post.
-
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay 10 askari oo Ciidanka Kenya ah ku dishay gudaha Gobolka Laamu kadib markii ay qarax miino la beegsatay kolonyo ciidan. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in kolonyadaas lagu beegsaday xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kinyonga iyo Mirani oo ka tirsan Gobolka Laamu. Dowladda Kenya weli kama hadlin sheegashada Al-shabaab mana jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo sheegtay in ay qarax miino ku dileen 10 askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Baraha bulshada ee waddanka Turkiga waxaa si weyn ugu faafay qoraal ku saabsan in uu “dhintay” madaxweynaha dalkaas Recep Tayyip Erdoğan. Sida ay tabisay BBC-da laanteeda af Turkiga, barta Twitter-ka ayay tan iyo shalay tobannaan kun oo ruux ku faafinayeen geerida Erdogan, arrintaas oo abuurtay caro weyn. Madaxweyne Erdogan qudhiisa ayaa gudbiyay cabasho ka dhan ah dadka faafinaya hashtag-ga Twitter-ka ee meel ka dhaca ku ah isaga. Sheegashada been abuurka ah ee lagu dhibaateynayo madaxweynaha ayaa soo socotay tan iyo galinkii dambe ee Talaadadii, waxaana sii kordhaya dadka xoojinaya warkaas marin habaabinta ah. Sida ay tabiyeen warbaahinta ugu waaweyn Turkiga ee DHA iyo NTV, waxaa kiis dacwad dambi ah laga diiwaan galiyay xafiiska dacwad oogaha guud uu ku leeyahay magaalada caasimadda ah ee Ankara. Agaasimaha guud ee amniga qaranka ayaa sidoo kale shaaciyay in saaka aroortii ka qaaday tallaabo sharci ah oo ka dhan ah 30 qof oo lagu eedeeyay inay “aflagaaddeeyeen sharafta madaxweynaha” ayna “xog marin habaabin ah ku khaldeen shacabka”. Dadkaas ayaa dhammaantood loo heystaa arrinta ku saabsan “dhimashada” lagu sheegay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Turkiga (AKP), Recep Tayyip Erdoğan. Ilaa hadda 50,000 oo jeer ayaa shalay ilaa hadda baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka la iskula wadaagay warka ka careysiiyay madaxweynaha. Arrintan ayaa kusoo aadday xilli Turkiga ay ka taagneyd hadal heynta ku saabsan kaftanka mooska oo xanaaq badan ka dhex abuuray dalka Turkiga. Maalmihii lasoo dhaafay, Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa dadka qaxootiga ah ee kasoo jeeda Suuriya ku eedeeyay inay “nacayb abuurayaan” iyagoo moos u cunaya “qaab caro kicinaya”. Dad badan oo kasoo jeeda Suuriya ayaa arrintaas darteed xabsiga loogu taxaabay, waxayna wajahayaan in laga musaafuriyo Turkiga. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii la soo dhaafay ciidan ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka dhaca xeebta ee Lamu, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo ka tirsan ciidamada Kenya, xilli ay ku socdaalayeen deegaan ka tirsan gobolkaasi. Wararka ayaa sheegaya in miinada haleeshay mid ka mid ah kolonyada ay wateen ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan qaraxa loo adeegsaday ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 10 askari, sida ay hadalka u dhigay. Qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee ay wateen ciidamada qaraxa lala eegtay ee dowladda Kenya. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi ee ay guulaha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab. Inta badan waxaa deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya weeraro khasaare geysta ka fuliya xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha Soomaaliya. The post Askar ka tirsanaa ciidanka Kenya oo qarax lagu laayey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo afar bilood ah nolol iyo geeri lagu la’yahay Ikraan Tahliil Faarax oo kamid aheyd Hey’adda NISA, iyadoo hey’addii ay ka tirsaneyd ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay dishay inkastoo kooxdana ay iska fogeysay. 21-kii bishii lasoo dhaafay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay sheegeen in la dhammeeyey khilaafkii u dhaxeeyey ee ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’yahay tan iyo 26-kii bishii June ee sanadkaan. Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa sheegay in hey’adaha Garsoorka loo diiday inay baaritaan ugu tagaan xarunta Hey’adda NISA, taas oo keentay inuu istaago baaritaanka kiiskaan. Hadaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa taariikhda Ikraan Tahliil oo dhameystiran Ikraan Tahliil Faarax waxay ku dhalatay magaalada Mandheera ee Gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya 24-kii bishii August 1996-kii. Yareenteedii waxay ku kortay deegaanka Mandheera, halkaas oo ay ku qaadatay tacliinta aas-aasiga ah, kadibna Ikraan waxay u wareegtay magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka gashay waxbarashada Dugsiga Sare, iyadoo lagu daray mid kamid ah iskuullada ugu wanaagsan dalkaas ee gaarka loo leeyahay oo ah Iskuulka Aga Khan High School. Ikraan markii ay ka qalinjabisay dugsiga sare waxay gashay Jaamacadda The United state International University qeybteeda Africa oo ku taalla magaalada Nairobi, waxayna ka qaadatay Shahaadada koowaad ee xiriirka Caalamiga ah. Markii ay ka qallin jabisay waxay shaqo dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah ka bilowday Banki ku yaalla dalka Kenya, kadibna waxay timid Soomaaliya horraantii sanadkii 2017-kii, waxayna shaqo ka bilowday Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) wuxuu xilligaasi ahaa Agaasimaha Hey’adda NISA, isaga ayaana Ikraan Tahliil siisay shaqadii ugu horeysay ee dowladeed. Shaqadii ugu horeysay oo ay Hey’adda NISA ka qabato ayaa aheyd inay gacan yare u noqoto Agaasimihii hey’adda ee xilligaas oo ahaa Sanbaloolshe, sida uu VOA u sheegay. Ikraan Tahliil waxay xafiiska Agaasimaha ka shaqeeneysay illaa bishii October 2017-kii, bishii October 2017 illaa 18-kii Aprill 2018-kii waxay ka shaqeeneysay xafiiska xuquuqda aadanadaha iyo arrimaha haweenka ee Hey’adda NISA oo Agaasime looga dhigay. Shaqooyinka ay qaban jirtay waxaa kamid ahaa xiriirinta Hey’addda Nabad sugidda iyo AMISOM iyo sidoo kale NISA iyo Safaaradda Ingiriiska, waxayna ka shaqeeneysay tayeynta hey’adaha Amniga Soomaaliya. Waxay sidoo kale ku dadaali jirtay inay u doodo, korna u qaado arrimaha xuquuqda aadanaha ee dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Hey’adda NISA, sida ku qoran Document uu helay barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA. Laga bilaabo October 2018-kii illaa July 2019-kii waxay ka shaqeyn jirtay Ikraan xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo markaas uu madax ka ahaa Allaha u naxariistee Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo 1-dii bishii August 2019-kii u dhintay dhaawicii kasoo gaaray Qarax ka dhacay xafiiskiisa. Dilkii Eng. Yariisow kadib Ikraan waxay kusoo laabatay shaqadii Hey’adda, shaqada hey’adda ka sokowna waxay ku howlaneyd inay kor usii qaado aqoonteeda, iyadoo ka faa’ideysaneysay fursadaha waxbarasho ee soo baxayey. Isla sanadkaas 2019-kii Ikraan Tahliil waxay gashay Jaamacadda University of Nottingham ee dalka Britain, iyadoo ka qaadaaty shahaado ku saabsan xuquuqda Aadanaha. Sanadkii ku xigay ee 2020-kii waxay koorso sanad ah oo ah Shahaadada labaad ee xiriirka Caalamiga ah ka qaadatay Jaamacadda King’s College London, waxbarashadaas oo uu carqaladeeyey dilaacii cudurka COVID-19, waxuuna qorshaheedu ahaa inay qallin jabiso bishii August ee sanadkaan 2021-ka. Ikraan Tahliil Faarax waxay ku hadli jirtay Luuqadaha Soomaaliga, Ingiriiska, iyo Sawaaxiliga, waxayna aheyd Gabar firfircoon oo aan marnaba ka caajisin shaqadeeda, sida uu xaqiijiyey Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe taliyihii hore ee NISA oo ay la soo sahaqeysay Ikraan. Xogtan waxaan kasoo xiganay barnaamijka Galka Baarista The post Taariikhda IKRAAN Tahliil Faarax oo dhameystiran iyo arrimaha aadan ka ogeyn appeared first on Caasimada Online.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee xulafada la sameystay kooxda Tigrayga. Kooxda Tigrayga ee TPLF iyo kooxda Oromada ee OLA ayaa sheegtay in maalmihii tegay qabsadeen dhul badan, kadaal dagaal xooggan oo ay la galeen ciidamada dowladda Abiy Ahmed. Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.” “Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa isna sheegay in kooxdiisa ay kala shaqeyneyso kooxda OLA inay qabsadaan magaalada Kemissie ee gobolka Amxaarada oo 325 km u jirta magaalada Addis Ababa. “Howlgalka wada-jirka ah wuu sii socon doonaa maalmaha iyo toddobaadyada soo aadan,” ayuu Getachew ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter. Ethiopia ayaa Talaadadii dalka gelisay xaalad deg deg, waxayna ku amartay dadka degan Addis Ababa inay isku diyaariyaan inay xaafadahooda difaacdaan. Abiy ayaa sidoo kale Arbacadii ugu baaqay shacabka inay taageeraan dagaalka ka dhanka ah mucaaradka oo uu ku eedeeyey inay Ethiopia ka dhigayaan sida Libya iyo Syria oo kale. “Waa cadowga Ethiopia, waxaana loo baahan yahay in la baabi’iyo, si sidaas loo sameeyana waa inana dhammanateen taageernaa xaaladda deg degga ah,” waxaa sidas yiri Azmeraw Berhan, oo ka mid ah dadka degan caasimadda. Getachew ayaa xaaladdda deg degga ah ku macneeyey tallaabo “lagu doonayo in sidii la rabo loogu xabiso ama loogu dilo” dadka Tigray-ga. The post Muddada ay mucaaradka Ethiopia ku qabsan karaan Addis-Ababa oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.
-
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay walaaca ku saabsan xaaladda degdegga ah ee la geliyay waddanka Itoobiya. “Waxa uu aad uga walaacsan yahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya iyo ku dhawaaqista xaalad degdeg ah oo dhowaan lagu soo rogay dalkaas” ayuu yiri Guterres. Xaalada degdega ah ayaa timid kadib shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada xili ay sii kordhayaan iska horimaadyada ay kula jiraan jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Jabhada Oromada ee Shene (OLA-shene). Malaayiin qof ayaa ku barakacay colaadda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyadoo ka digaysa masiibo bini’aadantinimo. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay xaaladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxaa ka taagan khilaaf salka ku haya awood qeybsiga maamulka magaalada, waxaana shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidamo militeri ah iyo dadka deegaanka oo isku dhinac ah iyo ciidan gaar ah oo dhawaan uu Baraawe geeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga golaha deegaanka oo haatan la doonayo in Baraawe loo dhiso. Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Mogadishu Clan ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada. Mid ka mid ah waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee degan magaalada Baraawe ayaa la hadlay Caasimada Online, waxaana weydiinay sababta ka dambeysa gacan ka hadalka ka dhashay dhismaha golaha deegaanka, waxuuna aad u eedeeyey madaxweynaha K/Galbeed, isagoo sheegay in beesha Mogadishu Clan uu duudsiinayo xaqa ay ku leedahay maamulka uu hoggaamiyo ee KGS. “Dagaalka Baraawe waxa uu salka ku hayaa dulmi uu Cabdicasiis Laftagareen ku hayo beelaha Mogadishu Clan oo bulshada Baraawe ku nool ka ah 90%, horay Laftagareen waxuu Mogadishu Clan ugu diiday saamigii Madaxweyne ku xigeenka oo ay beeshu ku heshay awood qeybsiga iyo deganaashaha gobollada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose, waxaan nahay qabaa’ilka ugu canshuur bixinta badan Koonfur Galbeed, waxay socotaba, waxay soo gaartay in maanta golihii deegaanka ee la yiri Baraawe haloo sameeyo uu Cabdicasiis Laftagareen Mogadishu Clan u diido,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool degmada Baraawe. Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan aan ula xariirnay waxay noo xaqiijiyeen inay jiraan ciidamo gaaraya 100 askari oo maalmo ka hor laga dejiyey Baraawe, kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan ammaanka goobta ay ka dhaceyso doorashada golaha deegaanka. Ciidamadaas oo sida naloo sheegay toos u hoos taga madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay maalmo ka hor is-rasaaseeyeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo gacan ka helaya ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya oo fariisimo ku leh degmada Baraawe. Dadka nala hadlay waxay noo xaqiijiyeen in is-rasaaseyntaas uu ku dhintay hal qof oo dadka deegaanka ah, kaas oo ka soo jeeda beesha Mogadishu Clan ee ka cabaneysa awood qeybsiga laga hor istaagay ee golaha deegaanka. Nabadoonka ku sugan Baraawe ee la hadlay Caasimada Online oo faahfaahiyey sababta ka dambeysay dagaalkii ka dhacay gudaha degmada ayaa yiri, “Markii ciidamada Laftagareen ay naga dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka ayuu Madaxweynuhu soo diray ergo, si looga xaaltamo dhibkii dhacay, balse gogoshii aan ka sugeynay waxay u bedeleen weerar ay nagu soo qaadeen ciidamadii uu magaalada keenay Laftagareen, waan iska dhicinay, waxaana halkaas ku dhintay 3 ka mid ah askartii uu Baydhaba ka keensaday Laftaagreen.” Ugu dambeyntii qofkaan noo waramay oo magaciisa aan u qarinay sababo ammaan, islamarkaana ka mid ah waxgaradka magaalada Baraawe ayaa sheegay in dagaalkaas kadib, ay hadda inta badan magaalada gacanta ku hayaan ciidanka is uruursaday ee ka soo jeeda beelaha Mogadishu Clan ee dega Baraawe. Sidoo kale waxuu sheegay in ciidamadii uu Laftagareen magaalada keenay ee dagaalka la galay dadka deegaanka, gaar ahaa qabaa’ilka Hawiyaha ay ku carareen xerada ciidamada AMISOM oo magan geliyo ay u raadsadeen, sida uu hadalka u dhigay. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee wax ka dega magaalo xeebeedka Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Mogadishu Clan, waxayna wacad ku mareen in taas aysan aqabali doonin. Baraawe oo la qorsheynayey in loo dhiso gole deegaan oo soo doorta maamulka magaaladaas, ayaa haatan marti gelineysa dagaallo u abaabulay qaab qabiil, sidoo kale waxaa la qorsheynayey in Baraawe ay ka bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka ee ka imaanaya, sida ay horay u sheegeen R/Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Laftagareen oo booqasho ku tegay. The post Xog: Muxuu salka ku hayaa dagaalka Baraawe, muxuuse yahay qorshaha Laftagareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Baraawe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ay deggan tahay xaaladda magaallo xeebeedka Baraawe oo caasimad u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa inoo sheegay in saaka lagu guuleystay kala qaadida labadii dhinac ee shalay ku dagaalamay halkaasi, xaaladduna ay haatan tahay mid xasilan. Waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baxay xiisaddaas ayaa ku guuleystay in ciidamada iyo maleeshiyaadka dagaalamay ay kala qaadaan, iyaga oo ka dajiyey dabaqyo ku yaalla magaalada oo ay dhufeyso uga jireen dhinacyada diriray. Sidoo kale waxaa weli socda wada-hadallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Baraawe oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqyo guud ee magaaladaaso. Caasimada Online waxay u kuur gashay waxa la isku hayo iyo sababta keentay dagaalka, waxayna ogaatay in khilaafkaan gaaray gacan ka hadalka uu salka ku hayo awood qeybsiga dhismaha golaha deegaanka oo haatan la doonayo in loo dhiso magaalada Baraawe. Madaxweynaha Koonfur albeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in beesha Mogadishu Clan ay xubno ku yeelato golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu maalmo ka hor ciidamo si gaar ah uga amar qaata ka soo daabulay Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Baraawe, kuwaas oo shalay dagaal ku galay magaalada. Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay isa soo tareysay cabashada waxgaradka beelaha Mogadishu Clan ee wax ka dega magaalada Baraawe, kuwaas oo sheegay Madaxweyne Lafta Gareen uu si cad ugu sheegay in golaha deegaanka ee loo dhisayo Baraawe aysan hal xubin ku yeelan doonin beesha Mogadishu Clan, waxayna shaaciyeen in taas aysan aqabali doonin. The post Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda degmada Baraawe? appeared first on Caasimada Online.
-
Galmudug ayaa xabbad joojin ka dhaqan galisay degaanka Dhagtuur ee Koofurta gobolka Mudug, markii saacadahii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 qof oo xoolo dhaqato ah. Mas’uuliyiin isugu jira maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Galmudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato labada dhinac ee dilalku dhexmartay ayaa ku baxay daminta xiisaddaan dagaal, kuwaas oo ku guulaystay baajinta inaan dhib kale dhicin. Dhinacyada oo maanta ku kulmay duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray heshiis ah in xiisadda la damiyo, isla markaana maalinta berri ah ayay u balameen shir weyne ka dhici doona degaanka ay shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo dhibaatadii dhacday. PUNTLAND POST The post Galmudug oo xabbad joojin ka dhaqan gelisay degaanka Dhagtuur oo lagu dagaallamay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xuseen Carab Xiise ayaa ka hadlay dacwada uu ka gudbiyey kursiga HOP239 oo shalay doorashadii ka dhacday Muqdisho uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, islamarkaana la hakiyey. Xildhibaan Xuseen Carab oo isagu baarlamaankan waqtigiisa dhamaadey ku fadhiyey kursigaas ayaa sheegay in doorashada Mahdi meel looga dhacay qaranimada Soomaaliyeed. “Qof adeegsanayay guddi xafiis iyo awood xukuumadeeda oo sheeganaya waxaan ahay maamulka doorashada Somaliland oo haddana musharax ah, kursina dhacayey ku asteystan reer kale, koodana lambar kale leeyahay,” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab. “Qof aan la garaneyn inta uu meesha soo fariisto oo musharax xildhibaan baan ahay sheegto ihaano ayey ku aheyd Soomaaliya iyo doorashooyinka, iyo weliba Kalsoonidii la siin lahaa doorashooyinka.” Sidoo kale waxa uu arrin la yaab leh ku tilmaamay in aan la garaneyn shaqsiyada musharaxa ee la tartamay Mahdi Guuleed, oo warbaahinta kasoo muuqatay ayada oo xijaaban. “Maanta guddiga haddii la weydiiyo gabadha keena ma garanayaan, ma keeni karaan, maba diiwaan gashana shaqsiyadeeda,” ayuu yiri Xildhibaan Carab oo si adag uga horyimid musharax la tartamayey Mahdi Guuleed. Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan marnaba ogolaan doonin in shaqsi raba in uu isku noqdo garsoorkii iyo tartamihii, taasi oo uu ku tilmaamay arrin fool xun oo lagula kacay qaranimada. Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa maanta bilaabay baaris la xiriirta dacwadda loo soo gudbiyey oo ka timid xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horay ugu fadhiyey kursigaasi. Guddiga ayaaa shalay soo saaray qoraal xasaasi ah oo lagu hakiyey ku dhowaaqista natiijada rasmiga ah ee kursiga loo doortay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu socodsiiyey guddiga doorashooyinka waxaana looga dalbaday in aysan shaacin natiijada kursigaas oo tirsigiisu yahay Hop 239, illaa inta ay kasoo dhammaaneyso dacwadda. Mahdi ayaa waxaa lagu eedeeyey in kursigaan uu ka dhacayo beel aan aheyn tan uu ka dhashay, isla-markaana uu doonayo inuu isaga ku fariisto afarta sano ee soo socota. Si kastaba, Mahdi Guuleed ayaa kusoo baxay 97-cod, waxaana seegtay afar cod oo mid halaabay, sida uu shaaciyey guddiga maamullada doorashada kuraasta gobolada waqooyi. The post Xuseen Carab Ciise oo xog cusub ka bixiyey sida Mahdi Guuleed ‘u xaday’ kursigiisa appeared first on Caasimada Online.
-
His Excellency, the President of Puntland State, Mr. Said Abdullahi Dani, and Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) Somalia Country Representative, Mr Etienne Peterschmitt, have today opened the National Desert Locust Monitoring and Control Centre in Somalia. The centre, which is based in Qardho, Bari Region will not only serve Puntland but will also act as the National Desert Locust Early Warning and Control base. The construction of the centre was implemented by FAO and generously funded by the UK Foreign, Commonwealth and Development Office (UKaid) and United States Agency for International Development (USAID) through two projects in support of the Desert Locust response to mitigate impacts of Desert Locusts on food security and livelihoods in the region. The two donors have been supporting Desert Locust survey and control activities as well as supporting the livelihoods of communities affected by the Desert Locust upsurge.His Excellency, the President of Puntland State, Mr. Said Abdullahi Dani, and Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) Somalia Country Representative, Mr Etienne Peterschmitt, have today opened the National Desert Locust Monitoring and Control Centre in Somalia. The centre, which is based in Qardho, Bari Region will not only serve Puntland but will also act as the National Desert Locust Early Warning and Control base. The construction of the centre was implemented by FAO and generously funded by the UK Foreign, Commonwealth and Development Office (UKaid) and United States Agency for International Development (USAID) through two projects in support of the Desert Locust response to mitigate impacts of Desert Locusts on food security and livelihoods in the region. The two donors have been supporting Desert Locust survey and control activities as well as supporting the livelihoods of communities affected by the Desert Locust upsurge. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xubnaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa war ka soo saaray diyaaradihii uu ka keenay dalka Turkiga ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la wareegtay hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA. Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in diyaaradahaas oo lagu waraabiyo beeraha, cayayaankana looga dilo, ay si sharci darro ah kula wareegtay hey’adda Nabad sugidda, kadib markii uu ka soo dejiyey garoonka Aadan Cadde. “Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha, sida buufinta Ayaxa iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fatahaan, ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Zakariye. Xildhibaanka ayaa codsi uu u diray NISA waxuu ku yiri, “Waxaan ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan, looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.” Ka hor hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Zekeriye, Caasimada Online ayaa baahisay in NISA ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo Turkiga laga soo iibiyey. Xogta aan helnay ayaa sheegeysaa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix xabo, dalka Turkiga ayaa laga soo iibiyey, waxaana diyaarad lasoo saaray ayagoo kala furfuran, si gudaha dalka loogu rakibo. Waxaa sidoo kale diyaarada la socday oo NISA ay qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan. Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay kiiskooda soo faro-gelisay safaaradda Turkiga ee Muqdisho. Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online, balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. Hoos ka eeg sawirrada diyaaradaha la qabtay The post Xildhibaan Zakariye oo ka hadlay diyaaradihii Drones-ka ahaa ee NISA ay kala wareegtay appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia and the Food and Agriculture Organization (FAO) of the United Nations on Wednesday opened a center to monitor desert locusts in the country. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa qiimo yaab leh ku iibineysa diyaarado ay lahaayeen ciidamada xoogga Soomaaliya iyo labo kale oo ay laheyd Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways. Kenya ayaa soo bandhigtay diyaarado ay ku sheegtay inay yihiin kuwa aan la isticmaalin muddo dheer, kuwaas oo kala yaalla garoomada dalkeeda, sida Jomo Kenyatta International Airport, Moi International Airport, Lokichoggio Airport iyo Wilson Airport. Waxay dowladda Kenya sheegtay in dhammaan diyaaradahaan la xaraashi doono marka la gaaro 17-ka bishaan November, waxaana lasoo dhigay goobaha lagu iibiyo diyaaradaha. Diyaaradaha la xaraashayo waxaa kamid ah laba diyaarahood oo ku diiwaan-gashan 3C-ZZA iyo 8204 oo ah nooca AN24 oo ay lahaayeen ciidamada Cirka ee Soomaaliya. Labadaan diyaaradood oo lagu farsameeyey dalka Ruushka ayaa waxay iska dhex yaaleen garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) muddo badan, mana helin cid dayactirta ama soo qaada. Sida lagu qoray qarashka lagu doonayo mid weliba waa KShs. 73,000 oo u dhiganta $730, waxaa xusid mudan in diyaaradaha la iibinayo ay ku jiraan labo ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo kala ah EY-534 iyo 5Y-BXZ, oo midiiba lagu doonayo $4,006. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qorshaha ay Kenya ku dooneyso inay ku xaraashto diyaaradahaan laga leeyahay Soomaaliya. Diyaardihii ay laheyd Soomaaliya ayaa gacanta u galay dowlado kale, kadib burburkii ku yimid dowladdii uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre, mana jirto illaa hadda hal diyaarad oo lagu soo celiyey gacanta Soomaaliya. The post Kenya oo qiimo yaab leh ku iibineysa laba diyaarad oo ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan. Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dmabi ay galeen. Sawirro ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaya in diyaaradaha ay yihiin kuwa waa weyn, oo u eg kuwa fuliya weerarada. Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu dhowaan warbaahinta la hadlo, oo uu faah-faahiyo kiiskan. Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin. Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shisheeye oo kale. Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iibkan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga. Hoos ka arag sawirrada diyaaradaha la qabtay oo ay heshay Caasimada Online. The post Xog: NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah iyo xildhibaan sheegtay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa markii u horeysay sheegay inay ciidamada iyo hogaanka Ahlu-Sunna ay joogaan deegaanka Bohol, islamarkaana ay socoto waan-waan lagu xalinayo xiisada. Wasiir Falagle ayaa sidoo kale sheegay in mas’uuliyada dagaalkii Guriceel ay qaadayaan hogaanka Ahlu-Sunna, oo ayadu iskaga baxday deegaankaas, kadib maalmo ay degmada kula dagaalameen ciidamada maamulka oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka. “Nimankii odayaasha ahaa ee meesha qabsaday wey ka baxeen waxay joogaan meel la yiraahdo Bohol, waxaa ku maqan odayaal iyo waxgarad oo laga yaabo inay soo afjarmato saacadaha soo socda,” ayuu yiri Wasiir Falagle. Waxa kale oo uu sheegay in Ahlu-Sunna ay sharci darro ku soo weerartay maamul, islamarkaana ay waxyeelo gaarsiisay ishii dhaqaalaha ee dowladda goboleedka Galmudug. “Mas’uuliyadaas waxa qaaday ciddii dowlad sharci daro kusoo weerarta oo dhulka qabsata ayaa sharciyadaas qaadeysa, sharci iyo sharci daro wax isa-saaran maaha, meeshu maaha labo qabiil oo dirirtay.” Sidoo kale waxa uu sheegay in Galmudug aysan u baahneyn dad ka macaasha xiisadaha ka taagan, isagoona weeraray siyaasiyiintii garabka saaray Ahlu-Sunna oo ku tilmaamay kuwa curyaaminaya maamulka. “Maalintii dagaalka uu istaagay subaxii ayuu tagay madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo kaalmooyinkii ayaa la geeyay, dadkii ayaa la soo celiyay oo howlihii iyo tacsidii ayaa lala qeybsaday.” “Dadkii guryihii wey kusoo noqdeen, aad baa loo fahamsan yahay macno darada uu dagaalka leeyahay iyo hadaf la’aantiisa, dadka marka ay baraarugsan yihiin oo dowlad la socdaan wax loodin karaa majiro.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Ahlu-Sunna ay qaladay dhalinyarada deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii, xili ay mas’uuliyiinta degmada ay wacad ku mareen inay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo garab siisay ururka. The post GALMUUDG oo war kasoo saartay CIIDAMADA isku urursaday deegaanka Bohol appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada rasmiga ah ee kursiga Nambarkiisu yahay #HOP239 oo doorashadii ka dhacday Iskool Boolisiya loogu doortay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed. Guddiga ayaa qabtay dacwad uu soo gudbiyay Musharax Xuseen Carab Ciise oo kurisgaas ku fadhiya, waxaana la faray guddiga hirgelinta doorashada in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ee kursigaas laga bilaabo 2-da November inta Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kursigaas. Doorashadii uu kusoo baxday Mahdi Guuleed waxaa hareeyey fadeexado waaweyn kadib markii uu la yimid ergo wajiga qarsatay oo aan la hubin inay yihiin ergadii rasmiga ahaa, musharaxad wajiga qarsatay oo illaa iyo hadda aan la aqoon cidda ay aheyd. Guddiigii doorashada ayaa ku fashilmay inay xaqiijiyaan wax caddeyn kara inay sax yihiin la doortaha iyo dadka wax dooranayo intaba, intaas oo ay jireen ayaa haddana waxaa laga gudbiyey dacwad. Haddaba maxaa lagu heystaa Mahdi Guuleed? Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed waxaa lagu eedeynayaa inuu boobayo kursi aysan xisaab ahaan u laheyn reerkiisa hoose. Marka la eego magaca kore Mahdi waa uu ka dhashay reerka kursigaan ku qoran, laakiin markii hoos loo soo dago oo jufo jufo loo wada hadlo kursigaan malahan jufada uu ka dhashay Mahdi. Isaga iyo qolada kursiga laga qaatay ee uu Xuseen Carab kasoo jeedo isku xarig ma’ahan xagga jufooyinka hoose oo xarig xarig kuraastooda isku raacdo. Kursigii ay laheyd jufada Mahdi Guuleed waa ay heystaan, waxaana la xaqiijiyey inuu ku fadhiyo nin ay qaraabo yihiin, waxayna taas keentay in laga soo gudbiyo dacwad. Lama qiyaasi karo sida ay ku dhammaan doonto dacwadda laga gudbiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, waxaase loo badinayaa in guddigu uu ugu dambeyn aqbali doono xildhibaanimada Mahdi. The post Sababta loo haysto kursiga Mahdi Guuleed iyo xukunka laga filayo guddiga xalinta appeared first on Caasimada Online.
