-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) - Abdi Muridi Dheere alias Ajakis known for his rib cracking jokes and whose works brought laughter for decades especially amidst the pains and anguish of civil war inSomalia has died. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado Fahad. Sida aan xogta ku hadalnay, Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ee weli xalka loo la’yahay. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xilligan loo arkaa inuu yahay garabka ugu weyn ee Villa Somalia ay heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isaga oo horey isugu dayey inuu Rooble ku shirqoolo heshiis u daneynaya Farmaajo, balse ku fashilmay. Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabad-Sugida oo aanu faraha kala bixin. Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli aad u daneyneyso inay heshiis la gaarto Rooble, oo hadda gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha iyo warbaahinta dowladda, balse dooneyso heshiis u daneynaya Farmaajo, kaasi oo la marsiin la’yahay Rooble Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka la-taliyaha amniga qaranka ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. The post Xog: Maxaa looga hadlay kulankii xalay dhex-maray Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor? appeared first on Caasimada Online.
-
Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Jarmalka aya ala shaaciyay wakhti yar ka hor iyadoo xisbiyada mucaaradku ay heleen aqlabiyada codadka iyo kuraasta. Waxalaga adkaaday xisbiga raysalwasaare Angela Merkel, iyadoo uu guulaystay xisbiga bidix-dhex ee Social Democrats loo yaqaano. Kuwaas oo guul dirqi ah helay Xisbiga Social Democrats ayaa u baahan in uu samaysto xulafo xisbi kale si uu u hanto aqlabiyadda laga rabo, una smaeeyo dawlad bilaha soo socda. 15 sanno kadib, xisbiga Midawga kiristanka ee Jarmalka ayaa ka tagaya talada Source
-
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Ajakis oo dhowr maalin xunuunsanaa. Ajakis ayaa isbitaalka la dhigay 23-kii bishan kadib markii uu joogga ka dhacay, isaga oo ilaa intaas ku jiray Koomo. Muruudi, in ka badan 25 sano ayaa tarjumay filimaanta isaga oo kasoo shaqeeyey shirkado kala duwan oo Imaankey iyo Al-faghi ka mid ah ahaayeen, waxaa kale uu ahaa jilaa riwaayado isaga oo sidoo kale barnaamijyo kasoo jeedin jiray idaacado iyo Telefeshinno maxali ah. Ilaa hadda lama xaqiijin sababta geeriyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allah unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho. Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa. Source
-
Iyadoo ay ka hadhsan tahay wakhtiga la filayo inay Doorashaddii Madaxtooyadu dalka ka qabsoono muddo sannad ku dhawi, ayaa waxa isasoo tararaya saadaasha iyo halka loo badaniyo inay guushu ama codadka bulshadu u bataan, arintani ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay siyaasiyiinta guur guur ee marba halka naqo ku da’o ama Guushu u janjeedho u doog dhabta. Inkasta oo aanaan helin daraasad caalami oo si rasmi ah daaha uga rogtay ama u soo bandhigtay Arintani balse anaga oo ka shidaal qaadanayna dabaysha Siyaasaddeed ee hadda dhacaysa iyo waxyaabaha ay ka matasho waayihii siyaasadeed ee aan soo marnay, ayaa waxa si weyn loo dareemayaa in dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee hadda socdaa uu si dhaw ugu sansaan egyahay Dabaylihii siyaasadeed ee wakhtigii UDUB iyo KULMIYE 2010-kii, waxaana muuqda in KULMIYE hadda kujiro booskii UDUB Wakhtigaasi kujiray kaasi oo si weyn loo saluugsanaa hogaamintiisa, halka uu Xisbiga WADDANI isna ku jiro kaalintii wakhtigaasi uu KULMIYE ku jiray. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu waajahayaa laba caqabadood oo guuldaraddii ugu weynayd u horseedi kara, lagana sii dheehan karo Doorka uu ku yeelan karo doorashada soo socota. Arinta koowaad ayaa ah, in Madaxweyne ay si weyn u saluugsan yihiin Bulshada Somaliland, guud ahaan iyo gaar ahaan deegaamaddii markii hore uu ka helay codadka ugu badan kuwaasi oo qaar ay sugi kari laayihiin codaynta aadna loo aaminsan yahay inay codadkoodu u janjeedhsadaan dhinaca Xisbiyada Mucaaridka. Dadka badan kooda ayaa u arka inay hungo kala kulmeen Hogaaminta Madaxweyne Biixi. Caqabada labaad ayaa waxay tahay in Madaxweyne Biixi uu sidoo kale ka waajahayo Xisbigii KULMIYE tafaraaruq la mid kii UDUB qabsaday wakhtiyaddii 2010kii. Siyaasiyiin miisaan ku lahaa Xisbiga ayaa maalin walba ka huleelaya, dhinaca kale Xisbigii ayaa fadhiid ah islamarkaana la garan laayahay cid hogaamisa iyo hanaanka uu u shaqeeyo midnaba. Kulmiye ayaa xaalad adag ku jira oo taageerayaashiisu ay aad u saluugsan yihiin. Dhinaca kale, Xisiga WADDANI ayaad moodaa inay cadceed cusubi u soo baxday waxaanu Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi rajo fiican u arkaa inay mar kale iswaajahaan Madaxweyne Muuse Biixi oo uu u arko inuu galin horeba ka guulaysan karo haddii ay doorashada Madaxtooyaddu wakhtigeeda ku qabsoonto. Arrimo badan ayaa uu WADDANI u arkaa innay Guusha u horseedi karto, taasi oo ay ka mid yihiin in hogaaminta Madaxweyne Biixi aad loo saluugsan yahay islamarkaana aanay bulshadu mar kale cod siin karin, dhinaca kale waxa uu WADDANI u arkaa in Deegaamaddii laga soo doortay Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii hore uu hadda WADDANI gacanta ku dhigay intooda badan oo ay is baddaleen. Source
-
Waxa wali xaalad dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ah ku jira kulammo hoose oo xidhiidh ahina u socdaan xubno kaadiriin ah oo xilal kala duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo dheerna ka tirsanaa xisbiga KULMIYE oo ay si weyn ula soo shaqeeyeen. Mid ka mid ah kulamadii ugu dambeeyey oo toddobaadkan ka qabsoomay Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa waxa isugu yimid xubno badan oo xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siiilaanyo kuwaasi oo la sheegay in ay si weyn u saluugsan yihiin xaaladda xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda Hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filayo in uu sannadkan dabayaaqadiisa si rasmi ah u shaaciyo in uu u taagan yahay doorashada Madaxtooyada ee sannadka dambe la filayo in ay dalka ka qabsoonto oo uu u tartami doono muddo xileedkiisa labaad. Xubnahan is baddal doonka ah ee KULMIYE horena uga tirsanaa xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Aqoonyahan Wasiir hore Yuusuf Cismaan Garas, Wasiir hore Cabdirashiid Gargaar, Wasiir hore Cumar Shucayb Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland horena xilal wasiiru dawle uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wasiir Hore Axmed Cali Ubaxle. Ilo-xog ogaal ah oo wargeyska FOORE u warramay waxa ay noo xaqiijiyeen in Kulankan oo ka mid ahaa kulamada xidhiidhka ah ee u socda xubno badan oo kuwan iyo kuwo kaleba isugu jira oo dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan weyn ku leh deegaamada dalka, xukuumadihii kala dambeeyey ee Kulmiye-na si weyn ula soo shaqeeyey, xisbiga KULMIYE na xilal badan ka haya haddii ay tahay Golayaashiisa kala duwan ayaa waxa ay ka wada xaajoodeen sidii ay u qaadan lahaayeen mawaaqif siyaasadeed oo degdeg ah iyada oo ay dhawaan bilaabmeen dhaqdhaqaaqyada ay xubnahani wadaan waana isla xubnaha ay ka mid yihiin wasiirradii hore ee Cukuse, Maxamuud Xaashi iyo Saleebaan Xaglo-toosiye kuwaasi oo la sheegay in ay isu abaabulayaan sidii ay uga digo rogan lahaayeen xisbiga KULMIYE cududdooda siyaasina ugu biirin lahaayeen xisbi iyo musharrax madaxweyne oo kale oo ay wax la qabtaan, sidoo kalena ay si weyn uga ololeeyaan xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wararka aanu ka helnay kulamadani waxa ay noo xaqiijiyeen in siyaasiyiintan waaweyn ee is abaabulay ay Masuul-Hawleed (Focal Point) ka dhigteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isagu hogaamin doona kooxahan is baddal doonka ah ee abaabulan. Kuwaasi oo la filayo in ay dhawaan shaaca ka qaadaan ugu dambayn go’aankooda siyaasiga ah iyo halka ay isugu lugo-duwanayaan. Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayay xogaha aanu helaynaa sheegayaan in uu isu diyaarinayo in uu siyaasiyiintan kasbado si ay taageeradooda siyaasadeed iyo cududdooda ula garab joogsadaan taasi oo dhawaan la filayo in ay si rasmi ah u soo shaac baxdo. Source
-
Sharci-yaqaano waaweyn ah oo reer Somaliland ah, in muddo ahna baadhis daraasadeed oo sharci ku hawlanaa ayaa waxa ay soo saareen warqad furan oo ay ku socodsiiyeen dhammaanba laamaha kala duwan ee qaranka sida Madaxtooyada, Golayaasha sharci dejinta iyo garsoorka iyo cid kasta oo ay khusayso, qoraal dheer oo nuxurkiisu yahay lafa-gur sharci oo ay ku sameeyeen sida uu dhaqan-galka u yahay Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 kaasi oo dhawaan wax ka baddal iyo kaabis golayaasha qaranku ku sameeyeen sidaana dhaqan gal ku noqday ansax ah loona baahan yahay in la dhaqan galiyo oo lagu camal falo shacabka Somalilandna ka faa’iidaystaan fursaddaasi sharci oo dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan ururadii siyaasadda maadaama xisbiyada qaranka ee haddu wakhtigoodii wax aad u yari ka hadhay. Qoraalka khubaradan sharci soo saartay waxa uu u dhignaa sidan: “Golaha Baarlmaanka waxa la isku yidhaahdaa labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda, oo labaduba ka tirsan waaxda sharci-dejinta. Waaxda sharci dejintu waxa ay u xil-saaran tahay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay; dejinta shuruucda. Sharci kasta oo la samaynayo ama wax laga beddelayo (Marka laga reebo kuwa maaliyada la xidhiidha) wuxuu ka billaabmayaa labada gole midkood, wuxuuna u gudbaa Madaxwaynaha. Haddaba, shuruucda habkan maraysa, waxa la yidhaahdaa mashruuc sharci oo looga jeeddo soo jeedin sharci qabyo ah oo u furan dood iyo wax ka beddel. Mashruuc kasta oo sharci ee mara habka dooda labada aqal wuxuu u gudbayaa Madaxwaynaha. Madaxweynuhu waa in uu sameeyo saddex midkood: In uu saxeexo sharciga loo soo gudbiyey muddo 21 maalmood ah oo ka bilaabanta maalinta isaga loo soo gudbiyey, kuna faafiyo faafinta rasmiga ah ee dawladda. In uu dib u celiyo ka hor dhammaadka muddada 21 Maalmood ah isagoo sidaas ku war-gelinayo Golaha. Haddii marka hore Mashruuc sharci ay labada aqal ku ansixiyeen 3/2 laba meelood, saddex, madaxweynuhu ma leh awoodda celinta balse wuxuu leeyahay in haddii sab-ab macquul ah ay jirto uu dacwad dastuuriya ku furo Mashruucaas sharci. Haddaba, haddii uu madaxweynuhu mashruuca sharci ee loo soo gudbiyey ku celin waayo muddada sare ku xusan, isla markaasna ku saxeexi waayo, sharcigu wuxuu dhigay sida ku dhigan Qodobka 77aad (6) Ee dastuurka JSL oo loo akhriyo sidan: “Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc- sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay” Haddaba, sida qodobkan ka muuqata, madaxweynuhu haddii muddada 21 maalmood gudahood ah, ku celin waayo, isla markaasna aanu ku saxeexin, mushruuca sharci ee loo gud-biyey wuxuu noqnayaa Xeer, waxaana dhaqan-gelinta Xeer kaas xilkiisu saaran tahay Golaha Madaxwaynaha u soo gudbiyey. Haddaba, Wax ka beddelka Iyo kabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr. 14/2011” , waxaa uu golaha guurtidu ansixiyey markay ahayd taariikhdu 27 June 2021 , waxaanu gaadhey Xafiiska Madaxwaynaha markay taariikhdu ahayd 4 July 2021. Iyadoo soo celinta uu sameeyey Madaxweynuhu ay dhacday sida uu sheegay Guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo u warramay Tvga Saab, 25 August 2021, ayaa yidhi sidan: “..Haa wuu na soo gaadhey Xeer-kaasi, Dhowr cisho ka hor ayuu na soo gaadhey maalintii Sabtida, Xafiiska Guddoomiyaha ayuu soo gaadhey, Madaxweynuhu na wuu soo celiyey ..” Sidaas buu SaabTv u sheegay Guddoomiyuhu, haddaba, maadama oo uu Guddoomiyuhu warreysigan bixiyey maalin Arbacada ee bishu ahayd 25 August 2021, maalinta Sabtida ee uu sheegay waxa ay ku beegan tahay bisha August 21, 2021. Taas oo macnaheedu yahay, in Madaxwaynaha uu gaadhey Mashruuca sharci markay ahayd taariikhdu 4 July 2021, iyadoo uu soo celinta sameeyey 21 August 2021, waxaana labada muddo u dhaxeeyay 48 Maalmood. Sabab taas awgeed, waxaa muddada celinta ee sharcigu tilmaamayo ka soo wareegay in ka badan 27 Maalmood. Sida ku dhigan Qodobka 77(6)Ee Dastuurka JSL ayaa loo akhriyaa sidan: “Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku {saxeexi waayo} {muddadaas la gooyey} ama {ku soo celin waayo Baarlamaanka}, mashruuc-sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa{xeer;} …” Haddaba, markaad eegto qodobkan iyo xogta kale ee sare ku xusan waxaad arkaysaa in muddada loo qabtey Madaxweynuhu intii lagu gudda jiray aanu ku sameyn saxeexa iyo soo celin midkoodna, balse ay dhacdey soo celintiisu markii ay dhacdey muddada 21 Maalmood ah. Haddaba, waxaa laga xisaabin doonaa muddada maalinta uu Madaxweynuhu soo celiyey (ma aha Madaxweynuhu uu qorey Waraaqda soo celinta). Tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday, ma noqon doonto soo celin, maadaama ay dib uga dhacdey wakhtiga loo qabtay, dib dhacaa oo sababay in uu dhaqan-gal noqdo sharcigu. Sida qodob ku sheegayo, wuxuu si toos ah u noqonayaa Xeer ansax ah oo leh ku dhaqan sharci. Sababaha sare ku xusan awgood, Barlamaanka Golaha (Wakiiladda Iyo Guuritda) Somali-land, waxaa ku waajib ah in ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka JSL Iyo Xeer-hoosaadkiisa. Maadama oo aynu dastuurka kaga hadalnay xagga hore, bal aynu eegno Xeer-hoosaadka uu ka hadlayo qodobkani, waa ka Golaha Wakiiladda, haddaba, Sida ku dhigan Qodobka 34(18) Ee Xeer Hoosaadka Goluhu Wakiiladda oo loo akhriyo sidan: “Haddii aanu Madaxweynu ku saxeexin (3) saddex todobaad guddahood ama aanu ku soo celin Barlamaanka, mashruuc sharcigaasi sidaas ayuu ku noqonayaa Xeer dhaqan-gal ah, waxaa saxeexaya Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Golaha Wakiiladda, waxaana faafinaya Go-laha Wakiiladda” Iyadoo, isku day kasta oo ka yimaada Golaha oo khilaafsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka aynu sare ku sheegnay waxa ay noqnayaan waxba kama jiraan. Sababtaas darteed, waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan sharci-darrada isla markaasna ay dhawraan shuruucda waddanka, oo aanay ka eegin rabitaan kooda shakhsiga ah iyo doonistooda gaarka ah, balse ay ka eegaan sida uu sharcigu qabo iyo hannaanka saxda ah. Haddii kale, waxaa ay tani horseedaysaa in ay abuurto Qaran ay sharci giisa kale weyn tahay dan shakhsi ah iyo mid shurug (Xisbi) ahi. Gebaggebo Haddaba, sababaha sare ku xusan awgood, waxaa uu noqday Xeerkan aan sare ku sheegay mid dhaqan-gal noqday, waxaana sida aan sare ku xusay ay tahay faafinta xeerkani mid saar-an Golaha Wakiiladda. Sabab-taas awgeed, ayaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo hawshaasi ay khuseyso in ay ka gudato waajib keeda. Dad-weynaha reer Somaliland waxaanu u soo jeedi-naynaa in ay sidaas ula socdaan. Soo-Jeedin In Golaha Wakiiladdu faafiyo sida sharcigu dhigay Xeerka Ururada Siyaasadda Iyo Ax-saabta Qaranka Ee Madaxweynuhu u soo gudbiyey; In Golaha Wakiiladdu ay ixtiraamaan rabitaanka iyo iraadada shacabka doortay isla markaasna aanay u fulin xilkooda iyo waajibkooda iyagoo xeerinaya dan dad kooban ama codsiyo leexsan oo uga yimid Asxaab wakhtigeedu dhacay; In baahida loo sameeyey wax ka beddelka iyo kaabida Xeerkani wali ay taagan tahay, iyadoo markii la diyaarinayey ay ka timid doonistu dadweynaha reer Somaliland dhammaantood, iyagoo dadku intooda badan ay dalbanayeen in tartanka xisbiyadu noqdo mid aan xidhneyn, taasina aanay dhammaan wali; In heshiiska xisbiyada ee ah qabashada doorashada Golaha Deegaan ka Iyo Wakiiladda oo dib u dhac badani ku yimid aan loo adeegsan si loogu baro-bixiyo tartanka iyo loollanka Ururada siyaasada ee ay ahayd 10 Sano mar in uu dhaco; Xubnaha Ku saxeexan warqaddan furan waxa ay kala yihiin: Maxamuud Cabdiraxmaan Sarmaan- Qareen Iid Cabdi Saciid – Qareen Guuleed Axmed Jaamac (Dafac)- Qareen Cabdinaasir Maxamuud Cabdi – Qareen Cabdiraxmaan Cali Maxamed- Qareen Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)- Qareen Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi – Qareen Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud – Qareen Source
-
Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ee Xilka looga qaaday baadhista kiiskii Haweenaydii ka tirsanayd Hay’adda oo looga shakisan yahay inuu Dilkeeda ku lug lahaa ayaa shalay la wareegay Xilkii muranka dhaliyay ee uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Shalay si rasmi ah ula wareegay xilkaas cusub ee dhowaan loo magacaabay ee la taliyaha Amniga Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Xilkaas ayaa waxaa horey u hayey oo laga qaaday Cabdisaciid Muuse Cali, oo loo wareejiyay inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo uu si rasmi ah ula wareegay 11-kii September 2021. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray Shalay ku yidhi “La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta la wareegay waajibaadkiisa kadib markii dhowaan la magacaabay.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Fahad ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey xilkan, halka uu ballan-qaaday inuu dalka ugu adeegi dooni, naf-hurid iyo wadanninimo, si sare loogu qaado amniga.” Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Fahad 7-dii September, markaasi oo qoraal uu soo saaray ku yidhi “Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Go’aanka Farmaajo ugu magacaabay Fahad la-taliyaha amniga qaranka ayaa yimid maalin kadib markii uu ku guul-darreystay isku day uu ku hor-istaagay shaqo ka-joojin uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey Fahad, oo ahaa agaasimaha NISA. Source
-
Waxaa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Imaaradda Dubai ku kulmay madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo faalooyin kala duwan laga bixiyey. Laakiin anigu waxa aan ka eegayaa dhinaca diblomaasiyadeed iyo saameynta uu ku leeyahay Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo imaraatka carabta oo uu isagu xiligii uu talada joogey sameeyey. Xidhiidhka imaratku ma laga yaabaa in uu raaco Siilaanyo, sababta oo ah markii la wad-waday arinkaasi madaxweynaha talada hayaa waxa uu ahaa dadkii saluugsanaa , haddana dantiisa siyaasadeed ayaa uu ilaashanayey. Dhawr goor intan uu talada hayey hadalo ka dhan ah waa ka sheegay gaar ahaan Airportka Berbera, xafiiskii UAE iyo Somaliland ee Dubai waxa inoogu dambaysay markii laga badelay wiilkaasi ambassador baashe cawil . Xiligii kaambaynkii doorashada madaxtooyada ee 2017 gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si cad u sheegay in hadii uu talada dalka ku guuleysto dib loo eegi doono heshiiskaasi , xiligaasi ayaa waxa dalka imaratka carabta si deg-deg ah loogaga yeedhay madaxwayne Biixi oo murashax ah , soo noqodkiisiina waa kii Djibouti soo mari jirey xiligii xaalada ina Geelle Arab iyo Dawladda Djibouti cirka maraysay. Haddaba ma laga yaabaa hadii Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu siyaasiyan ugu guuraan dhinaca waddani in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi dawlada UAE soo taageerto imikana lagala hadlayey qorshihiisii kaambaynkii hore ee doorashada ee lidiga ku ahaa mashaariicda UAE Somaliland ka wado sida loo maamulay in la leeyahay ka noqo. Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil) Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saarayu geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Allaha u naxariistee Jilaagii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis). Ugu horreyn Farmaajo yaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.” Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanuunsanayey Muqdisho. Rooble ayaa ehellada marxuumka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis). “Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri. AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, kuwaas oo ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. The post Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Cabdi Muriidi Dheere (AJAKIS) appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee sheegta inay matalaan Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee berrito oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay guddiga. Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka salaasada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin. Source
-
Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda. Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan. Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in isku dayga weerar uu ka dhacay degmada Umm Barakit. Warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay sidatan, “Waxaan beenineynaa wararka sheegayo in ciidamadeena ay u dhaqaaqeen dhinaca xadka Suudaan ama ay duulaan ku qaadeen deegaanka” Degmada Umm Barakit waxay dhacdaa gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaqa halkaas oo ay ka taagneyd xiisad. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweynaha maamulkaasi, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni). Wasiir Jamaal ayaa shaaca ka qaaday inay laba qodob isku hayaan isaga iyo hoggaanka sare ee Puntland, kuwaas oo salka ku haya arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in intii uu wanaagsanaa xiriirkoodu ay kaliya kala hadli jireen inuu siiyo arrimo mashariiic ah iyo sidoo kale dad shaqaaleysiinta dad ay ehel dhow yihiin. Jamaal Maxamed Xasan ayaa xusay in xayiraadaha lagu sameeyey ay sidoo kale keeneen kala aragti duwanaanta siyaasadeed ee haatan u dhexeysa isaga iyo Saciid Deni. “Madaxda Puntland waxa aan isku qabanay dhaqaalaha & siyaasad kala duwanaanta, wax gaar ah iskuma heyno balse keliya waxa ay igala soo xiriirayeen intii aan isku fiicneen mashaariic in aan siiyo & u shaqo gelinta dad ehel dhaw ay yihiin, Siyaasadda hadda dhaceysa oo keliya ay ka eegayaan doorashada hadda dhaceyso” ayuu yiri wasiir Jamaal. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inuu haatan doonayo u tartamo ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray odayaal kale ee ay is hayaan. “Qof ahaan waxa aan doonayaa in aan dib ugu soo laabto xubinta Beesheyda balse waxaa jirto gacmo-gacmeen badan, Odoyaasha aan is heyno waxa aan leeyahay yaan isku soo degdegin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka qorsheynta xukuumadda Soomaaliya. Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay kolonyo uu watay lagu xanibay duleedka Garoowe, balse mar dambe oo laga soo reebay ilaaladii uu watay uu galay magaaladaas. The post Jamaal oo sheegay laba arrin oo ay isku hayaan Saciid Deni appeared first on Caasimada Online.
-
Click here to read more about this article Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka, Waxuuna ka dhageystay warbixin ku aadan waxa uga qabsoomay doorashooyinka dalka ka socda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga kula dardaarmay inay dardar-geliyaan kaalinta uga aadan qabsoomida doorashada, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. “Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah. “Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda uu guddigu ugu fadhiyo hannaanka hufnaanta doorashada, maadaama ay iyagu yihiin kuwii kala saari lahaa wax walboo khilaaf ka dhasha doorashada, bulshaduna uga fadhido in ay caddaalad u wada sameeyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka uu xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ka soo saaray kulankaas. Guddigaan oo kaalintiisu tahay inuu xaliyo Khilaafaadka ka dhasha doorashada ka socota dalka ayaa horay u korjoogteeyey doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo, Baydhaba, Garowe, Dhuusamareeb iyo Jowhar. 28-ka bishan waxaa teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo guddiga xalinta khilaafaadka laga doonayo inuu xaliyo wixii cabasho ah ee ka yimaada doorashada 11-kaas kursi ee gobollada waqooyi. The post Guddi warbixin u gudbiyey R/Wasaare Rooble + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
The United Nations and European Union have called for pragmatic actions to strengthen resilient agri-food systems in Somalia, saying urgent actions are needed to address the challenges and the negative impacts associated with malnutrition in Somalia, which has some of the highest rates of malnutrition globally. Source: Hiiraan Online
-
Wararka ka imaanaya Gobolka Lamu ee waddanka Kenya, ayaa sheegaya in halkaas qarax culus lagula eegtay ciidamo ka tirsan Kenya. Qaraxa oo lagu tilmaamay miino dhulka la sii geliyay ,ayaa qabsaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Kenya, xilli ay marayeen inta u dhexaysa degaannada Kayunga iyo Shangani ee Gobolka Lamu. Wararku waxay sheegayan, in qaraxaas ay ku dhinteen in ka badan 15 askari oo ka tirsan Ciidamada Kenya. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, balse dowladda Kenya weli kama hadlin dhacdadaas. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo qarax ku laayay askar ka tirsan Ciidanka Kenya ee Gobolka Lamu appeared first on Puntland Post.
-
Learning Turkish is becoming popular in the world, and foreign students in Turkey are seeking to polish their skills, on their own and with a little help from Turkey. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo xalay su’aalo lagu weydiiyay kulan ka qabsoomay caasimadda Garoowe ayaa ka hadlay khilaafka isaga iyo madaxda Puntland. Wasiir Jamaal ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya isaga iyo mas’uuliyiinta dowladda Puntland uu yahay mid ku salaysan arrima dhaqaale iyo siyaasad oo keliya. Wasiirka ayaa tilmaamay in mar kasta mas’uuliyiinta Puntland ay kala hadlaan mashaariic ku kooban dana shakhsiyeed, balse aysan kala hadlin wax la xiriira danaha iyo horumarinta Puntland. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Wasiir Jamaal: Aniga iyo madaxda Puntland laba qodob baan isku-haynaa appeared first on Puntland Post.
-
Militariga Sudan ayaa sheegay in ay iska caabiyeen isku day ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen xuduudda kala qeybisa labada dal. Ciidamada Ethiopia waxaa lagu qasbay in ay dib uga gurtaan aagga Umm Barakit, waxaa sidaas lagu yiri wa-saxaafadeed militariga kasoo baxay, oo aan bixin faah-faahin intaas dheer. Madaxa militariga Sudan, Jeneraal Abdel Fattah al-Burhan, ayaa weriyayaasha u sheegay dhacdadaas. Waxa uu sheegay in ay muujisay sida militariga ay u ilaalinayaan dalka, xilli uu isku day afgambi ka dhacay Khartoum, toddobaadkii tegay. Afhayeenka militariga Ethiopia, Colonel Getnet Adane ayaan ka jawaabin codsi ku saabsanaa in uu ka hadlo dhacdadan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay xiisad ka dhex jirta Sudan iyo Ethiopia appeared first on Puntland Post.