-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku geeriyooday majaajiliistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis), kaas oo maalmihii dambe ku xanuunsanayey gudaha caasimada. Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa iyo bahda TV-ga Universal oo uu la shaqeynayey. “Allaha unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho,” ayaa lagu yiri wr qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Telefishinka caalamiga ah ee Universal. Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa saddexdii maalin ee la soo dhaafay ku jiray mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ,halkaas oo lagu la tacaalayey xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun deg deg ah oo ku soo booday, xilli uu ku sugnaa xaafadiisa. Geeridiisa ayaa waxaa ka tacsiyeeyey qeybaha kala duwan ee Fanka Soomaaliyeed iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe. Wasiirka ayaa u tacsiyeeyey qoyska iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka waxaana uu Alle uga baryey in Jannadii Farowdsa aheyd ka waraabiyo. AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, isla-markaana ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. The post Majaajiliistihii caanka ahaa ee Ajakis oo geeriyooday appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu.” Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka Talaadada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin. PUNTLAND POST The post Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo dib u dhac uu ku yimid appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Muddo Xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa mar kale qaaday tallaabo carqalad ku ah doorashooyinka dalka, kadib markuu caawa fiidkii xarunta afisyooni uu ka kaxaystay 8 oday dhaqameed oo katirsan 46ka oday ee soo xulaya 11 senetor ee Aqalka Sare kumatalaya Soomaaliland. Xog ay GOOBJOOG NEWS ka heshay ilo wareedyo gudaha Villa Somalia ah aya tilmaamysa in sideeda Oday oo cawa ka tagay Afisyooni ay lakulmeen Farmaajo iyo Fahad yasiin iyagoo kala hadlay Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi. Waxayna taasi sababtay in Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi(Soomaaliland) uu sheego in dib udhac uu ku yimid habraacii doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo 27 september oo berri ah loo balansana in ay musharixiinta jeediyaan khudbaha. Ra’iisul wasaare Rooble oo uxilsaaran qabshada doorashooyinka dalka si gaar ah tan gobolada Waqooyi ayaa loo arka in arinkan uu ku noqon doono caqabad hor leh, kadib markii in muddo ah uu Rooble ku hawlana Xalinta Khilaafkii ka dhax aloolsana siyaasiyiinta Gobolada waqooyi. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa u yeertay 8 ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku jira Ergada soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Farmaajo loogu geeyay Madaxtooyada oo haatan uu shir kula leeyahay. Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in 8-da Oday dhaqameedka ee Madaxtooyada la geeyay ay ka mid yihiin kuwa ugu saameynta badan xubnaha Gobolada Waqooyi ee maanta lagu xareeyay teendhada Afisyooni, waxuuna qorshuhu ahaa in maalinta Talaadada ah ay soo doortaan Senatarada Aqalka Sare ee Somaliland. Ergooyinka doorashada ka qeyb qaadanaya ayaa maanta la xareeyey, balse tallaabadan uu caawa Farmaajo qaaday ayaa loo arkaa mid durba carqalad cusub noqotay doorashada Aqalka Sare ee Somaliland. Dhanka kale qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in berri ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. Markii laga soo tago in guddigu musharaxiinta ku wargeliyey in dib u dhac uu ku yimid jadwalka oo berri ay baaqatay hadal jeedintii loo balansanaa, hadana guddigu waqti kale ma cayimin oo wuxuu qoraalkaan ku sheegay in dib laga soo sheegi doono goorta ay bilaabaneyso hadal jeedinta Musharaxiinta. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay guddiga. The post DEG DEG: Doorashadii oo dib u dhacday iyo shir xasaasi ah Villa Somalia uga socda Farmaajo iyo … appeared first on Caasimada Online.
-
Guddiga doorashooyinka gobolada waqooyi(Soomaaliland) ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in dib udhac uu ku yimid habraacii doorashada aqalka sare ee gobolada waqooyi oo 27 september oo berri ah loo balansana in ay musharixiinta jeediyaan khudbaha. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu” ayaa lagu yiri bayaankan oo kaso baxay gudiga. GOObJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta magaalada Garoowe kula kulmay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in xubnaha beesha caalamka ay walaac ka qabaan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. James Swan ayaa sheegay in beesha caalamka ay rumeysan tahay in khilaafka madaxda Soomaalida uu halis ku yahay hanaanka doorashooyinka dalka ka socda. “Waxaan kala hadalnay Deni dedejinta wejiga xiga ee doorashooyinka, oo ah doorashada Golaha Shacabka. Waxaan la wadaagnay walaaca beesha caalamka ay ka qabto halisaha ay khilaafyada taagan ee u dhaxeeya madaxda qaranka kusoo rogi karaan hanaankan,” ayuu yiri James Swan oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe. Waxa uu sheegay in wafdigii uu hoggaaminayey iyo madaxweyne Deni ay isku raaceen in madaxda Soomaalida ay sii wadaan inay wada-shaqeeyaan, si ku dhisan midnimo qaran, ayna ka guuleystaan khilaafyadooda. “Waxaan dhammaan ku boorineynaa inay horey u socdaan, si ay uga dhabeeyaan ballan-qaadyadooda ah inay qabanayaan doorashooyin qaran oo la isku haleyn karo, kuna dhacwa waqtigooda, si waafaqsan heshiiska 27-ka May,” ayuu yiri James Swan. Hadalka James Swan ayaa imanaya ayada oo ay burbureen wada-hadallo u socday Farmaajo iyo Rooble, oo ay dhex-dhexaadinayeen guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Wada-hadalladaas ayaa u burburay kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in taliyaha NISA iyo wasiirka amniga laga dhigo xubno isaga daacad u ah, islamarkaana xilalka laga qaado taliye Bashiir Goobe iyo wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur. Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya inaan la baarin kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo dilkeeda lagu tuhmayo hay’adda NISA. The post James Swan oo ka digay halis kasoo socota khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Warsaxafadeed 26/09/2021 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysa Xadhiga Siyaasiyiinta iyo Weriyaha Xidhan. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay siidayso siyaasiyiinta iyo wariyaha xidhan. Waxa 28/08/2021, laxidhay Xoghaye ku Xigeenki Warfaafinta Xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, Saleebaan Cawaale Good, kasoo laxidhay kadib marki uu warbaahinta dhaliil u mariyey Badhasaabka Gobolka Awdal. 9/09/2021, ayaa xoghaye kuxigeenka Maxkamadda lakeenay waxaana loo jaray 45 cisho oo xabsi ku hayn ah. waxaanu hada kuxidhan yahay xabsiga weyn ee Boorama. Waxa sidoo kale 16/09/2021, laxidhay Gudoomiye ku xigeenki Gobolka Moroodijeex ee Xisbiga Wadani, Wali Cabdi Jaamac, kadib markii uu warbaahinta ka dhaliilay madax waynaha Jamuuriyadda Somaliland, Muddane Muuse Biixi Cabdi. Dhanka kale waxa 23/09/2021, laxidhay Maxamed Cabdi Cumar, oo ku magacdheer (Wadiil) kasoo ah wariye ka howlgala -SBC TV. Xadhiga wariyahani waxa uu yimid kadib markii uu warbixin ka diyaariyay Laydhka cusbitaalka degmadda Kalabaydh oo cabasho ka jirtay. Xaruntu waxay aad uga walaacsantahay, xadhiga macnodarada ah ee siibadanaya. Xadhiga siyaasiyiinta iyo wariyuhu waxa uu siweyn uga hor imanaya mabaadiida Dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqal insaanka. Dastuurka Somaliland Qodobka 25 (1) waxa uu dhigayaa “Qofna xoriyadisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn” Sidoo kale Qodobka 32 (1) waxa ku cad oo uu leeyahay “Muwaadin kasta waxa u xor u yahay in uu rayigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal suugaan ama qaabkale. Xaruntu waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badanle usiidayso siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo wariyaha xidhan, isla markana dhowrto oo ixtiraamto sharciga iyo Dastuurka dalka. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka, Hargeysa Somaliland hrcsomaliland@gmail.com Twitter: @hrcsomaliland Qaran News
-
I’ve been mercilessly pilloried in the past when I’ve suggested the Somali state is nonsense on stilts that should be unwound, or dismembered. I understand the patriotic jingoism and the pain my Somali brethren must feel when I utter this bitter truth. I would see red too, and curse the speaker. But facts are stubborn things. Undeniable. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa markii u horeysay ka hadlay warar sheegaya in ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca uu qorshenayo duulaan uu dib ugula wareegayso magaalada Dhuusamareeb oo ay hore gacanta ugu haysay. Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax welwel ah oo maamulka Galmudug uu ka qabo duulaan uga yimaada dhanka Ahlu-Sunna. “Maamulkeena dhibaato uma arko in Ahlu-Sunna ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, kuna sameystaan siyaaro, taasi oo qeyb ka ah dabacsanaanta ay muujineyso dowlad goboleedka Galmudug,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay inay jiraan Saraakiil Ahlu-Sunna ka tirsan oo ku sugan Galgaduud, kuna howlan yihiin arrimo la xiriira siyaarada Sheekh caan ah, islamarkaana meesha ka saaray in uu jiro duulaan iyo abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulkooda. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili ay soo baxayaan warar la xiriira in Ahlusunna ay ku howlan tahay ururinta hub iyo ciidamo, gaar ahaan deegaano ka tirsan Galgaduud. Ahlusunna ayaa dhawaan maamulka Galmudug ku eedeysay inay ka gaabisay la dagaalanka Al-Shabaab oo ayagu ay kal hore ka xoreeyen deegaanadaas, lamana oga in arrintaas ay daba socoto dar-darta cusub ee ay wadaan. The post GALMUDUG oo war kasoo saartay duulaan la sheegay in uu kasoo socdo Ahlu-Sunna appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga hadlayay dar-dar gelinta howlaha doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi. Kulanka ayaa sidoo kala looga hadlay bixinta dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada gobolada Waqooyi oo muddo badan uu curyaamiyey muran hor leh. Waxaa ka qeyb-galay kulankaas Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Gobollada woqooyi ee Somaliland Khadar Xariir Xuseen oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in la isla qaatay in la dadajiyo bixinta dhaqaalaha doorashadaas. “Diiwaan-gelinta waxay noo soo gaba-gabowi doonta caawa, berrina waxaa noo bilaabmi doona khudbad jeedintii musharaxiinta, saddexda cisho ee ku xigana doorashada ayaa noo dhici doonta, meel fiican ayey wax noo marayaan,” ayuu sidoo kale yiri Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi ee Somaliland. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada Aqalka Sare ee goboladda Waqooyi. Kulankaas ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland. The post R/W Rooble ‘oo billaabaya’ bixinta dhaqaale ku baxaya… appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Soomaaliland ka guddoomay Shahaadada murashaxnimo ee Aqalka Sare. Cabdi xaashi ayaa ku tartamaya kursiga kowaad ee 11 sanator oo Soomaaliland kuleedahy aqalka sare, hase ahaate waxa xusid mudan inaysan cidina kula tartamayn. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd soo galay magaalada Gaowe, kadib markii Puntland tuulada Sin-ujiif kaga reebtay gaadiid ciidan oo la socday. Wasiirka Jamaal muddo saacad ah xanibnaa ayaa gaadiidka ciidanka reebay markii ay wadahadleen Taliye ku xgeenka ciidanka Booliska Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur oo isku deegaan ka soo wada jeedaan. Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa hadda waxaa amnigiisa la wareegay ciidamo ka tirsan Booliska Puntland. Waxaa xusid mudan in ciidamada laga reebay Wasiir Jamaal ay yihiin kuwo ka tirsan Puntland oo markii hore ka kaxeeyay Garowe. Puntland ayaa intii Wasiir Jamaal ku xanibnaa Sin-ujiif soo saartay go’aan ay musharaxiinta u tartamaya doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaga mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah. Go’aanka Puntland ayaa dadka qaarkii u arkaan mid siyaasadeysan oo loola dan’ lahaa Wasiir Jamaal oo Puntland ku jooga olole uu ku doonayo in uu mar labaad ka mid noqdo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Wasiir Jamaal oo soo galay Garowe, kadib markii laga reebay ilaalo uu watay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa goordhoweyd gudaha u galay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii laga reebay ilaaladii la socotay. Wasiir Jamaal ayaa watay kolonyo ciidamo ah oo galbinayay, taasi oo keentay in muddo ku dhow saacad ku xanibnaado duleedka magaalada Garoowe, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online. Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar deg deg ah oo gebi ahaanba lagu joojinayo in musharaxiinta Golaha Shacabka aysan isticmaali karin gaadiid gaashaman iyo ciidan ilaalo intaba. “Iyadoo laga duulayo waajibaadka joogtada ah ee adkeynta amniga Dowladda Puntland, lana tixgalinayo xaalada ololaha qabsoomida doorashada Golaha Shacabka ee heer federal iyo doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, waxay Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ku wargelinaysa musharaxiinta inaysan isticmaali karin gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah toona,” ayaa lagu yiri waraaq wargelin amar ah oo kasoo baxday xafiiska Wasiirka Amniga Puntland. “Qofkii sababo gaar ah uga maarmi waaya ilaala wuxuu lasoo xiriiriya Taliyaha Booliska Puntland. Haddaba waxaa dhamaan la farayaa laamaha amniga fulinta awaamiirtan iyo gudashada waajibaadkooda.” Amarka Musharaxiinta ay Puntland uga maamnuucayso ilaalada iyo gaadiidka gaashaman ayaa imanaya un kadib markii Wasiir Jamaal lagu xanibay duleedka Garoowe. Maamulka Puntland ayaa kal hore ku eedeyay Wasiirka Qorsheynta dowladda federaalka in uu abaabulayey kacdoon bulsho, kadib markii ay si weyn u faafeen warar sheegaya in la kala ceyriyay dad kusoo dhaweynayay garoonka Garoowe. The post Wasiir Jamaal oo laga reebay ilaaladiisa iyo amar culus oo kasoo baxay Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
PRESS RELEASE UNGA 2021: The World has the Resources to End Hunger, African Development Bank Head tells UN Food Systems Summit The welfare of the 70% of Africa’s population working in agriculture and agribusiness is a barometer of the state of the continent’s health ABIDJAN, Ivory Coast, September 26, 2021/ — “The world has the resources to end hunger,” African Development Bank President Dr. Akinwumi A. Adesina (www.AfDB.org) said in a message on the first day of the United Nations Food Systems Summit. Convened by UN Secretary General António Guterres, the event is billed by its organisers as “a historic opportunity to empower all people to leverage the power of food systems to drive our recovery from the COVID-19 pandemic and get us back on track to achieve all 17 Sustainable Development Goals (SDGs) by 2030.” The summit brings together thousands of youths, food producers, members of civil society, researchers, the private sector, women and indigenous people, all of whom are participating both physically and virtually in the summit. It is taking place on the sidelines of the 76th UN General Assembly in New York. In his opening address, Guterres said the participants represented “energy, ideas and the willingness to create new partnerships,” and was a time to celebrate the dignity of those who produce and create the world’s food. Decrying the 246 million people in Africa who go to bed daily without food and the continent’s 59 million stunted children as “morally and socially unacceptable,” Adesina said that delivering food security for Africa at greater scale called for prioritising technologies, climate and financing. “The $33 billion per year required to free the world of hunger, is just 0.12% of $27 trillion that the world has deployed as stimulus to address the Covid-19 pandemic. I am confident that zero hunger can be achieved in Africa by 2030,“ Adesina said. The African Development Bank’s Feed Africa Strategy, through its Technologies for African Agricultural Transformation program – widely known as TAAT – has provided 11 million farmers across 29 African countries with proven agricultural technologies for food security. Food production has expanded by 12 million metric tons while saving $814 million worth of food imports. “We are well on our way to achieving our target of reaching 40 million farmers with modern and climate-resilient technologies in the next five years,” the African Development Bank chief added. At a meeting on food security in Africa organized by the Bank and the International Fund for Agricultural Development (IFAD) earlier this year, 19 African heads of state called for the establishment of a facility for financing food security and nutrition in Africa. “The Facility for Financing Food Security and Nutrition in Africa should be capitalized with at least $ 1 billion per year,” Adesina said. The welfare of the 70% of Africa’s population working in agriculture and agribusiness is a barometer of the state of the continent’s health. “If they aren’t doing well, then Africa isn’t doing well,” Rwandan president Paul Kagame said in a message at the official opening. The many other heads of state and government who spoke on Thursday included, Prime Minister Mario Draghi of Italy, President Felix Antoine Tshisekedi of the Democratic Republic of Congo, Prime Minister Sheikh Hasina of Bangladesh and Prime Minister Jacinda Arden of New Zealand. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
GAROWE (HOL) - Allow Prime minister Mohamed Hussein Roble to spearhead the implementation of the electoral process including key election security arrangements in accordance with 27 May poll agreement, Puntland leader, Saed Abdullahi Deni told outgoing president Mohamed Abdullahi Farmaajo. Source: Hiiraan Online
-
Leicester (Caasimada Online) – Booliska Magaalada Leicester ee dalka UK ayaa qofkii todobaad usoo xiray dilkii loo geystay Cabdiraxiim Maxamed oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Soomaaliya oo u dhintay dhaawacyo badan oo kasoo gaaray toorey lagu dhuftay. Cabdiraxiim Maxamed ayaa 8-dii bishaan September waxaa laga soo qaaday isagoo dhaawac ah wadada Melbourne ee magaalada Leicester, waxaana la geeyey Isbitaal halkaas oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday. Qofka cusub ee loo xiray kiiska dilka wiilkaan ayaa waxaa lagu magacaabaa Zakir Brant oo ah 25 jir ku nool Magaalada Leicester. Booliska ayaa sheegay in Ninkaan la qabtay Maalintii Jimcaha aheyd uu kasoo muuqan doono maxkamad Isniinta soo socoto isagoo qeyb ka ah dadka lagu tuhunsan yahay dilkaan loo adeegsaday Toorey. Sidoo kale, nin kale oo magaciisa la helin oo noqonayo kii sideedaad ayaa loo soo xiray kiiskaan. Tirada eedeysanayaasha kiiskaan ee la shaaciyey inay maxkamadda kasoo muuqaan doonaan ayaa illaa hadda kala ah:- 1- Mohammed Israfeel Gul oo 27 isla markaasna dagan of New Way Road 2- Daniel Pollard oo 29, dagan Calder Road 3- Mohammed Hansrod oo 29, degan Dulverton Road 4- Abdul Hemid Suleman oo 58, dagan Jupiter Close 5- Bhavic Parmar oo 25, Dagan Bowling Green Street Horraantii toddobaadkan, Fahad Ali Saleem, oo ah 25 jir deggan waddada Frederick Street ee magaalada Leicester, ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu caawiyey mid ka mid ah ragga weerarka geystay. Sidoo kale, Muhamad Firoz Khan, oo 32 jir, iyo Khatib Gul oo 57 jir ah, islamarkaana degan Apollo Court, Leicester, ayaa wajahaya eedeymo kuwaas la mid ah, waxaana la filayaa inay maxkamada kasoo muuqdaan bisha dambe. The post Yaa ka dambeeyey dilkii Cabdiraxiim Maxamed? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Cabdi Goodax ayaa u mahadceliyay madaxda iyo shaqsiyaadkii aas aasay 24 koox ee Minifootboolka, isagoo aas aaska kooxahaas ku tilmaamay halka uu u socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbolka sanadaha soo socda. “Lix sanno oo shaqo adag iyo d’daal dheeraad ah, waxaan ku faraxsanahay aas aaska kooxaha Kubadcag yaraha dalka, runtii waan amaanayaa milkiilayaasha iyo shaqsiyaadkii hergeliyay howshan taariikhda wanaagsan” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Xasan Cabdi Goodax. Dhinaca Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax wuxuu u mahadceliyay ciyaartooydii Soomaaliya kaga qeybgashay tartankii Qaarada Afrika ee ku qabsoomay magaaalada Abidan ee Nigeria, wuxuuna arintaas ku tilmaamay guusha ugu weyn ay gaareen sanadkii kowaad ee doorashadooda ka dib. “Waxay aheyd taariikh cajiib ah ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, ciyaartooyda Soomaaliyeed waxay muujiyeen Wadaniyad iyo ciyaar wanaag” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xasan Cabdi Goodax. Xasan Cabdi Goodax oo shantii sanno la soo dhaafay ka mid ahaa maxda Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya ayaa balanqaaday in ay diyaar u yihiin ka mira-dhalinta balanqaadkii ay ku galeyn doorashadii ay ku guulasyteyn bishii September 2020 ee ka dhacady Magaalada Muqdisho. “Waxaan diyaar u nahay is badal iyo horomar, yoolkeenu waa in Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya uu ka duwnaadaa Xiriirada kale ee ka dhisan dalka, sidoo kalane guulo waaweyn uu ka soo hooyaa dhacdooyinka Minifootboolka Caalamka” ayuu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadcag yaraha dalka mudane Xasan Cabdi Goodax. Ugu danbeyntii Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ciyaaraha dhalinyarada kaga mahadceliyay kaalinta wanaagsan ay ka qaateen dhiirigelinta iyo garab-istaaga ay ka qaataa horomarinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootbooka. “Lashaqeynta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda iyo dhiirigelinta bahda isboortiga waxay kor u qaaday in Xiriirka Minifootboolka uu ka dhaq-dhaaq bato Xiriirada kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Guddoomiye Ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xasan Cabdi Goodax. Daawo Warbxin Soo Koobaysa Guddoomiye Goodax Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Daa’uud Shire Maxamed “Waa Muhiim Dhiirigelinta Shirkaddaha Ganacsiga Ee Horomarinta Xiriirka Kubadcag Yaraha” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Puntland ayaa musharaxiinta u tartamaya doorashada xidlhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka mamnuucday in ay isticmaalaan gaadiid ciidan iyo ilaalo gaar ah. Sidoo kale waxaa gaadiidka ciidanka iyo ilaalada gaarka ah laga mamcuunay mas’uuliyiinta ururada siyaaasadda Puntland. Wasaaradda Amniga Puntland oo amarkan soo saartay waxay sheegtay in ciddii sababo gaar ah uga maarmi wayda ilaalo la soo xiriirto Taliyaha Booliska Puntland. Puntland ayaa warkan soo saartay, iyadoo galabta Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan loo diiday in uu Garowe la soo galo ilaalo gaar ah iyo gaadiid ciidan. PUNTLAND POST The post Puntland oo ka mamnuucday musharaxiinta Golaha Shacabka ilaalada gaarka ah iyo gaadiidka ciidanka appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ENG Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shir gudoomiyay kulan heerkiisu sarreeyo, oo a kasoo qeyb galeen saraakiisha ugu sareysa booliska amisom iyoTaliska booliska Soomaaliya. Kulankan oo ka dhacay xafiiska rooble waxa goobjoog ka ahaa Taliyaha booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Cabdi Maxamed xijaar iyo gudoonka Guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, waxana looga wada hadlay sugitaanka amniga doorashada aqalka sare ee Gobollada waqooyi. “Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya, taliska booliska AMISOM iyo guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland),ayaa kala hadlay fududeynta iyo amniga doorashada aqalka sare ee Somaliland oo toddobaadkan bilaabaneysa” ayaa lagu war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) - Somalia's PM, Mohamed Hussein Roble, met with AMISOM Police Commissioner, Somali Police Commissioner and the Chairman of the Northern Regional Electoral Commission in Somaliland on Sunday to discuss the security preparations ahead of next week's Senate election for the Northern Regions. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Taliyaha booliska Soomaaliya iyo taliska booliska AMISOM, isagoona kala hadlay amniga doorashada. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddoonka guddiga doorashooyinka gobollada woqooyi (Somaliland), ayada oo Ra’iisul Wasaaraha uu faray taliska booliska iyo kuwa AMISOM fududeynta howlaha amniga ee doorashada aqalka sare ee Somaliland. Doroashada Aqalka Sare ee gobolada waqooyi ee loo yaqaano Somaliland ayaa lagu wadaa inay qabsoomto toddobaadkan gudahiisa, wuxuuna kulankaan qeyb ka ahaa dar-dar gelinta amni ee doorashada. Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa inay billaabato jeedinta khudbadaha musharaxiinta, waxaana kadib si rasmi ah loo gudo gali doona doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi. Doorashada Somaliland ayaa noqoneysa middii u dambeysay ee Aqalka Sare, halka ay dowlad goboleedyada badankooda ay soo dhameystireen. The post Sawirro: Muxuu Rooble kala hadlay taliyeyaasha ciidamada ee uu maanta la kulmay? appeared first on Caasimada Online.
-
Agaasimihii hore ee ha’adda NISA Fahad Yasiin oo Madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday uu umagacaabay, lataliyaha amniga qaranka ayaa la wareegay maanta xilkiisa cusub. “Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii Hore ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali” ayuu agaasinka warfaafinta Villa Somalia Cabdarashid Xaashi ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray. Fahad yaasiin ayaa dhaliayay xiisad siyaasadeed iyo mid amni ka gadaal markii ay Ha’addii uu Madaxda ka ahaa ee NISA gacanteeda lagu waayay Sarkaalad Ikraan tahliil oo isla ha’adan ka tirsanayd. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Garowe kula kulmay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Per Lingarde. Madaxweyne Deni iyo wakiilada Ceesha Caalamka ayaa ka wadahadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, sida doorashada hordhaca goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufryn, doorashada heer federaal iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland. Muuqaal: Shirka jaraa’id Madaxwene Deni iyo James Swan “Waxaan aad xoogga u saarnay sidii xal looga gaari lahaa sidii ay u qabsoomi lahayd Doorasho ku dhacda Jawi degan, oo nabdoon oo laga gudbo dhammaan caqabadaha hadda hareeyay ee hortaagan, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee jira iyo kuwa farsamo ee imaan kara ama taaganba, waxaan aad u rajeynaya in dalka Soomaaliya hore u tallaabsan doono, doorashadana wakhtigeeda ay noqon doonto hadii alle idmo , caqabadaha jirana runtii dadka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya beesha caalamka ee ay qaybta ka yihiina , ay xallin doonaan hadii illaahay idmo si hore loogu socdo. Waxaan rajeynaya in Isbedelka dadka Soomaaliyeed ay sugayaan iyo deganaansho nabad u horseeda inuu abuurmi doono hadii alle idmo” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland wuxuu boggaadiyey mashaariicda ka qabsoomay Puntland “Waxaan ku faraxsanahay waxyaabihii qabsoomay sanadka lagu jiro oo Hay’addaha iyo ururada deeqda bixiya , ee ay ugu horeyso Midowga Europe, Wadamada Sweden ay gacanta ka geysteen mashaariicda socota iyo guud ahaan Hay’addaha UNKa ah ee halkan ka howlgala , waxaan rajeynaya in ay muhim aheyd waxyaabihii qabsoomay.” James Swan Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo hoggaaminayay wakiilada ka socday Beesha caalamka, ayaa dadka reer Puntland Dowladd iyo Shacab ugu hambalyeeyay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo maanta ololihii ururadda siyaasadda ka bilowday Qardho, Ufeyn iyo Eyl, degmooyinkaasi oo 25-ka October 2021 ay ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod ah. Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xgeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland. PUNTLAND POST The post Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Beesha Caalamka? appeared first on Puntland Post.