-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Afhayeen u hadlay Booliska Federaalka Jarmalka ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah weerar mindi loo adeegsaday lagu qaaday dad saarnaa Tareen isaga kala gooshayay magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee gobolka Bavaria ee koonfurta Jarmalka. Sida uu sheegay Afhayeenka Booliska xilliga la weeraray Tareenka ayaa waxuu taagnaa xarunta Tareenada ee Zuipersdorf, weerarka lagu qaaday Tareenka ayaa waxaa ku dhaawacmay dhowr qof oo Rakaab ah. Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa jariidada Jarmalka ee Bild ayaa sheegtay in Sedax qof ay ku dhaawacmeen weerarka. Lama oga ilaa hadda waxa sababay weerarkan iyo cida fulisay, waxana durbadiiba gobta soo garay Ciidamada Booliska Jarmalka, oo halkaas baaritaano ka waddo. PUNTLAND POST The post Weerar Mindi loo adeegsaday oo lagu qaaday tareen ku sii jeeday gobolka Bavaria ee dalka Jarmalka appeared first on Puntland Post.
-
Wejigii u dambeeyey ee dhismaha Dekedda Maydh, ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay Magalada taariikhiga ah ee Maydh ee Gobolka Sanaag. Dhismaha dekedda oo muddooyinkii y dambeeyey gacanta lagu hayey, ayaa qaybihii y dambeeyey ee dhismaha Dekedda la bilaabay. Eng Mursal Ardaale oo ka mid ah Injineerada gacanta ku haya dhismaha Dekedda Maydh, ayaa bilowgan wejigan ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinac dhamaystirka Dekedda. Dhismaha Dekedda oo laga maal gelinayo Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa haddii la dhamaystiro dhismaheedu waxa uu noqon doonaa mid ay ka faa’iidaystaan dadka ku nool deegaannada Gobollada Bariga Somaliland. Caqabada ugu weyn ee loo baahan yahay in iyada xal loo helo ayaa noqon doona dhismaha jid isku xidha Maydh iyo gobollada kale, maadaama oo Maydh iyo Deegannada ku xeerani yihiin juquraafi ahaan dhul buuralayd ah, oo dhismaha jidka loo samaynayaan u baahan yahay dhaqaale badan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa duray tallaabadii ay dowladda Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergayga Midowga Afrika Simon Mulongo. Geelle ayaa sheegay in tallaabadii ay qaaday Dowladda Soomaaliya aysan wax faa’ido ah kusoo kordhin doonaan Soomaaliya, sida uu isaga aaminsan yahay. Geelle oo xaruntiisa ololaha doorashada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey uu ku fashilmay in uu dadka la wadaago tafaasiil ku saabsan sababta uu u cuskadey go’aankaas. “Horta tafaasiil badan lagama bixin. Dowladda waxay u muuqataa in ay rabtay in ay rikoor ka dhigto. Hadda kahor diblomaasi kale ayay sidaas u ceyrisay. Diblumaasigaas markii la ceyrinaayey wax sabab ah ma aysan muuqan laakiin wararka hadda dhacay wax xaqiiqo ah oo dowladda ay dadka la wadaagtey ma jiraan,” ayuu yiri Geelle. Musharax Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallaabadaan ku sheegay mid lamid ah middii Soomaaliya looga ceyriyey Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya. “Muhiimadu waxay tahay cayrinta waa meesha ugu dambeysa ee diblumaasiyadda. Habab badan oo loo xaliya ayaa jirta oo wax lagu saxo dowladda waxaa moodaa in ay ka dhacsan tahay hababkaas. Shalay lagama faa’iidin ceyrintii diblumaasigii hore, tanna lagama faa’iidaayo kaliya waxay dhaawacaysaa rikoorka diblumaasiyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran [Simon Mulongo] laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda. Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.” “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo. Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay eriday Nicholas Haysom oo ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasoo ay ku eedeysay in uu farageliyey arrimaha gudaha dalka. Diblumaasigan u dhashay Koonfur Afrika ayaa cambaareeyay xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u sharaxnaa xilka madaxtinimadda Koonfur Galbeed. The post Daahir Maxamuud Geelle oo sheegay ‘qorshe ka dambeeya’ ceyrinta Simon Mulongo appeared first on Caasimada Online.
-
Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo culeyso xooggan kaga imaanaya ururo isbaheystay ayaa qiray jabka is daba jooga ah ee ka soo gaadhaya gulufka dagaal ee ka dhanka maamulkiisa. Abiy Axmed ayaa qiray inay jiraan saaxiibo badan oo uu lahaa, kuwaasoo sida uu carabka ku adkeeyay dhabarka u jeediyay xilligan adag ee uu wajaahayo, isagoo tilmaamay iney taageero siiyaan iska daayee ayna xitaa soo hadal qaadin colaada ka socota waddankiisa. Mr. Abiy inkastoo aanu si rasmi ah carabka ugu dhufan saaxiibada uu dhaleeceynayo, hadana waxaa laga warqabaa in gobolka uu ku lahaa labada saaxiib ee ugu dhaw, kuwaasoo oo kala ah madaxweynayaasha dalka Eritrea iyo Soomaaliya Afwerki iyo Farmaajo. Labadaasi mas’uul ayaan ilaa iyo haatan ka hadal colaada ka sii holceysa Itoobiya, iyadoo caasimadda Adis-Ababa ay mucaaradka u jirsadeen 300KM, iyagoo ku hanjabaya iney qabsanayaan saacadaha soo aadan. Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah raysal wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka. Source
-
Xubnaha Guddiga Fulinta Ee Xisbiga KULMIYE, Ayaa Maanta Xarunta Guud Ee Xisbiga Ku Yeeshay Shirkoodii Caadiga Ahaa, Iyaga Oo Halkaas Ku Lafo-Guray Hawlaha Shaqo Ee Horyaalla Guddiga Iyo Sidii Loo Dardargelin Lahaaba. Shirkan Oo Kamid Ah Shirarka Caadiga Ah Ee Ay Guddidani Isugu Timaaddo, Islamarkaana Ay Goob-Joog Ka Ahaayeen Xubnaha Guddida Fulintu, Ayaa Si Qoto Dheer Loogaga Dooday Ajendeyaasha Guud Ee Guddida Horyaalla Iyo Hawlmaalmeedka Caadiga Ah Ee Guddidu U Igman Tahay. Guddoomiye-Ku-Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga KULMIYE, Ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed Oo Markii Shirku Soo Gebogeboobay Warbaahinta La Hadlay, Ayaa Sharraxay Waxyaabaha Ay Guddi Ahaan Kaga Hadleen Shirkoodii Maanta, Waxana Uu Yidhi,“Saaka Waxa Xarunta Xisbiga Ka Qabsoomay Shirkii Caadiga Ahaa Ee Guddiga Fulinta Ee Xisbiga, Marka Ugu Horraysana Shirkani Ma Aha Shir Qayru-Caadi Ahe Waa Shirkii Caadiga Ahaa, Waxana Lagaga Hadlayey Hawl-Maamlkeedkii Xisbiga Iyo Sidii Hawlahaas, Abaabulkooda, Dardargelintooda Iyo Gacan-Ku-Hayntooda Loo Fulin Lahaa.” Wasiirku Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata Uu Intaas Ku Daray,“Waxanu Ka Hadlaynay Arrimaha Siyaasadda Iyo Arrimaha Hawlmaal-Meedka Xisbiga, Arrintaasina Meel Aad Iyo Aad U Fiican Bay Maraysaa, Shirarkaasina Way Sii Socon Doonaan.” Source
-
Washington (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab. Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar. Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar. Mahad Karate oo magaciisa saxda uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raadinaya 5 milyan oo dollar. Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka maaliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka dacwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku yabooheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbeysa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad. Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa howlgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar. Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya iyo inay “weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka. The post Mareykanka oo $19 milyan ku raadinaya afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan dhanka deegaanka Garasbaaley. Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan labo qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale, kadib markii ay miinadu qabsatay mooto ay saarnaayeen. Dadka ay waxyeelada soo gaartay ayaa ka soo jeeda degmada Afgooye, waxaana ku jiray Macalin aad looga yaqiinay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo waxyar ka hor maray halkaasi, siday ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo howl-gallo kooban ka sameeyey wadada uu qaraxu ka dhacay. Al-Shabaab ayaa inta badan jidka Afgooye oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha ka fulisa weeraro qaraxyo ah, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay Muqdisho + khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Dawlada Maraykanka ayaa fariin culus u dirtay madaxda maamul goboleedyada Somaliya si ay u dar dar galiyaan arimaha doorashada ee soo socota. Madaxda fariinta la gaadhsiiyay ayaa kala ah. Madaxweyne Said Abdullahi, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Ali Gudlawe yo Madaxweyne Lafta Gareen Dawlada Maraykanka ayaa ka mid ah dawladaha sida xaqiiqda ah ula socda arimaha Somal Qaran News
-
Wararka naga soo gaarayo deegaanka garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goordhaw uu ka dhacay qarax Xooggan. Qaraxa ka dhacay hareeraha waddada dheer ee deegaanka ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda ay ku dhinteen lab qof halka dad kalena uu dhaawac uu ka soo gaaray. Kala soco Goobjoog News wixii faahfaahin ah ee warkaan ku soo kordha. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) -Sagaal Urur oo ka mid ah mucaaradka dalka Itoobiya ayaa kaga dhawaaqay magaalada Washington isbaheysi cusub oo ka dhan ah ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo xukuumaduna ay shaacisay in isbahaysigan aanu haysan taageerada shacabka. Ururadani ayaa durbo bilaabay olole ballaaran oo la doonaya in xukunka looga tuuro Abiy Axmed, xoog iyo wada-hadal kii ay noqoto. Sidoo kale ururada mucaaradka ah ee ku kacsan Abiy ayaa qorsheynaya in marka laga adkaayo, ama la burburiyo xukuumadda in la sameeyo maamul ku meel gaar ah. “Annaga oo ka jawaabaya dhibaatooyinka waaweyn ee soo foodsaaray quruumaha kala duwan ee dalka, isla markaana aan meesha ka saarayno saamaynta xun ee taliska Abiy Axmed ku leeyahay dadkeenna iyo shicibkeenna, waxaanu aqoonsannay baahida degdegga ah ee loo qabo in la iska kaashado, oo aan ku biirno ciidamadeenna si aan u helno isbeddel nabdoon ,” Admassu Tsegaya, oo xubin ka ah Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga ee Agaw, oo qayb ka ah isbahaysiga cusub ee loogu magac daray United Front of Federalist and Confederalist Forces ayaa u sheegay warfidiyeenka. Jabhadda Tigrayan People’s Liberation Front (TPLF) oo haatan dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya ayaa ka mid ah ururada saxiixay heshiiska ay gaareen isbaheysigan cusub. Dhinaca kale golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saaray xaaladda cakiran ee wadanka Itoobiya, waxayna ugu baaqeen labada dhinac inay si deg deg ah xabadda u joojiyaan, isla-markaana ay wax weliba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka. Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dhinacyada isku haya Itoobiya ka dalbaday inay ka fogaadan hadallada nacaybka, hurinta rabshadaha iyo kala qaybinta. Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwareer ah, kadib markii ay sii xoogeysteen dagaallada u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Jabhadda TPLF oo ku sii dhowaaneysa Addis Ababa. The post Isbaheysi ka dhan ah Abiy oo lagu dhawaaqay iyo wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa la filayaa in todobaadkan in Muqdisho soo gaaro wafdi ka socda Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika. Wafdigan uu hoggaaminayo guddoomiyaha bishan November ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, iyaga kusoo aadan 8-10-ka November 2021-ka. Wararka ayaa sheegaya in ay golaha la kulmidoonaan madaxda dowladda, dowlad goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada oo ay ku jiraan bulshada rayidka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay kaga hadashay doorashooyinka 2021-ka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhowaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Warka kooban ee kasoo baxay safaaradda ayaa waxaa si gaar ah farriin loogu diray madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka, iyada oo laga dalbaday inay dardar-geliyaan qabashada doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Safaaradda ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale loo baahan-yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, ayna dhacaan ka hor dhammaadka 2021-ka. “Waxaan ku boorineynaa Madaxweyne Said Abdullahi, Madaxweyne Axmed Madoobe, Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Ali Gudlawe yo Madaxweyne Lafta Gareen si loo dhamaystiro doorashada Golaha Shacabka oo loo dhan-yahay laguna kalsoonaan karo ka hor dhamaadka 2021. Waa in la dardar geliyo hanaanka doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow ula socda xaaladda Soomaaliya, wuxuuna si aad ah ula socdaa doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo dib u dhac ballaaran ku yimid doorashooyinka Golaha Shacabka oo aad uga daahay waqtigii loo asteeyey, marka la eego jadwalkii hore. Si kastaba, warka kasoo baxay safaaradda Mareykanka ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay Beesha Caalamka ay walaac ka muujisay dib u dhaca doorashooyinka dalka. The post MAREYKANKA oo farriin u diray madaxda maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
ISTANBUL (HOL) - Turkey has called for a ceasefire in Ethiopia and indicated it would be ready to mediate the sides in the year-long fighting that is now making headway into the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
ISTANBUL (HOL) - Turkey has called for a ceasefire in Ethiopia and indicated it would be ready to mediate the sides in the year-long fighting that is now making headway into the capital Addis Ababa. Source: Hiiraan Online
-
Laamaha Amniga Magaalada Bosaaso ayaa dhalinyaro ku u soo qab qabtay dhaca Mobilada, oo Muddooyinkii La soo dhaafay Cabasho Wayn ka Imaanaysay dadwaynaha xaafadaha Bosaaso. Ciidamada Booliiska ee ka howlgala Magalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro Hab farsamo iyo toorey ku dhacayay shacabka ku dhaqan xaafado ka tirsan Magaalada oo manta lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Bosaaso. Burcadan ayaa xiliga la qabanayay ku howlanaa dhac ay u geesanayeen dad shacab ah, waxaana saldhiga lagu soo bandhigay moobeelo ay dad ka furteen iyo toorey ay wateen markaas. Qaar kamid ah dhalinyaradaan ayaa waxay dhaawacyo u geysteen dad shacabka oo hada xaaladohooda Caafimaad lagu dawaynayo Magaalada Muqdisho iyo waddanka Itoobiya, Qabaahada ragan dhalinyarada u badan ayaa timi kadib markii Booliska ay gacan ka heleen shacabka xaafadaha kuwaas oo ka cabanayeen rag dhac u geysanaaya, iyadoona intaas kadib ay howlgalo ay sameeyeen taliska booliska Gobalka Bari. Sidoo kalle waxaa jirtay dhalinyaro kale oo lagu soo qabtay dhaca Moobilada kadib markii Dadkii la dhacay ay weceen Lanbarka Gaaban ee Booliska Gobalka Bari 997 balse raadinti loo galay dhalinyaradaas ayay booliska heleen goob ay donayeen in ay dhac ka geystaan sidaas ayaa lagu helay dhanyaradaan oo qeybtood manta ay Booliska soo bandhigeyn. PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo magaalada Boosaaso ku soo bandhigay Burcad dhac iyo dhaawacyo gaystay appeared first on Puntland Post.
-
Xaalada dalka Itoobiya ayaa xiligan u muuqata mid kasii dareysa, waxaana cabsi xoogan laga qabaa in kooxda TPLF iyo kooxo kale oo isbaheysi la sameestay ay galaan magaalada Adis Ababa ee caasimada Itoobiya. Safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada Adis Ababa, ayaa qoraal ay soo saartay ugu baaqday muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Itoobiya in ay si deg deg ah uga baxaan dalkaasi. Qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in xaalada Itoobiya ay tahay mid qasan, waxa ayna ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga baxaan dalkaasi. Digniintan kasoo baxday dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili shalay gudaha Mareykanka heshiis ku gaareen 9-Urur oo TPLF ku jirto kuwaa oo isku baheestay dagaal ka dhan ah taliska Ra’iisul wasaaraha Itoobiaya Abiy Axmed. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo baaqii u dambeeyay u diray muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa ka warbixiyay hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose. Saraakiisha Danab ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu beegsaday Al-shabaab islamarkaana si dhammaystiran loo burburiyay dhammaan saldhigyadii Al-shabaab. Hawlgalka ayaa laga fuliyay tuulooyinka Tawakal iyo Daarusalaam oo ka tirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Kumaandooska Soomaaliya oo burburiyay Saldhigyadii Al-shabaab ee Gobolka Shabeellada hoose appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday laba maalin oo baroordiiq qaran ah kadib markii kooxa aan la aqoon haybtooda 69 qof oo uu ku jiro duqa magaalo ku taalla koonfur galbeed dalka Niger lagu dilay weerar maalmihii khamiista iyo Jimcaha. Weerarka ayaa ka dhacay dalka kala qeybiya dalalka Mali, Burkino Faso iyo Niger waana goob ay inta badan weeraro ka geeystaan kooxo hubeysan. Kooxda weerarka fulisay ayaa markii hore weerar ku qaaday wafdi uu hoggaaminayo duqa magaalada Banibangou, taas oo lagu dilay isaga, ilaaladiisa iyo wafdigii la socday. Tan iyo bilawgii sanadkaan xadka kala qeybiya seddaxda dal ee Burkino Faso, Mali iyo Niger ayaa kooxaha hubeysan weeraro ay ka geysteen waxa ay ku dileen in kabadan 530 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 91 qof ayaa ku dhintay caasimadda dalka Sierra Leone qarax ka dhashay booyad shidaal siday oo qaraxday ka dib markii ay shil gashay, sida ay Reuters ka soo xigatay mas’uuliyiinta dalkaasi. Dowladda ayaan weli xaqiijin tirada dhimashada, balse maareeyaha xarunta qaabilsan meydadka ee magaalada caasimadda ah ee Freetown ayaa sheegay in qaraxa ka dib ay heleen 91 meyd ah oo ku dhintay qaraxa. Dhibanayaasha ayaa waxaa ka mid ahaa dad ku soo xoomay goota si ay u badbaadiyaan shidaal ka daadanayay booyadda ka dib markii ay dillaacday, sidaasina waxaa qoraal ay Facebook soo dhigtay ku sheegtay duqa magaalada, Yvonne Aki-Sawyerr. Brima Bureh Sesay, madaxa hay’adda ka hortagga masiibooyinka qaranka ee dalkaasi ayaa muuqaal goobta lagu duubay ku sheegtay in ay jireen waxyeelo badan iyo meydad jirkoodu gubtay. PUNTLAND POST The post Sierra Leone: 91 Qof oo ku Dhintay Qarax Booyad Shidaal appeared first on Puntland Post.
