Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka jawaabay eedeyn uu maalmihii lasoo dhaafay maamulkiisa u jeediyey wasiirka qorsheynta dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xasan, oo sheegay in maamulka Puntland uu kala kulmay is hor-taag, kadib markii laba maalin ka hor uu ka degay magaalada Garowe. Wasiir Jamaal oo Khamiistii la soo dhaafay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa uga sii gudbay degmada laga soo doorto ee Dhahar oo ka tirsan gobolka Sanaag. Shir jaraa’id oo magaalada Dhahar uu wasiir Jamaal ku qabtay ayuu ku sheegay in dadkii ku soo dhaqeyn lahaa Garowe ay hor-istaag ku sameeyeen qolyo uu ugu yeeray ‘siyaasiyiin iyo shakhsiyaad qowleysato ah.’ Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo maanta ka hadalayey xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayaa sheegay in dad waayahaan ka maqnaa deegaanka ay hadda dacaayado raqiiska ah ka faafinayaan maamulkiisa. “Dad badan oo beryahaan naga maqnaa oo nidaamkaan iyo degaanaantaan soo ilaaway ayaa raba inta deegaanka doorashada federaalka darteed u yimaadeen inay buuq nagu furaan, laakiin waxaan ugu nasteexeynayaa war dadkaan ka mid tihiine la qabsada sida ay wax u rabaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha ayaa sheegay in gabi ahaanba aysan jirin cid la hor istaagay, “Dacaayadaha raqiiska ah ee dadka mustaqbalkooda lagu xumeynayo halaga waantoobo, reer Puntland waa il-bax cid been u sheegi kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Saciid Deni. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Saaxiibada siyaasadda ku jira waxaan kula talinayaa qof kasta waxa uu ku hadlaayo waa la xisaabinaayaa, waxaana ku jaan go’naa doonta mustaqbalkiisa siyaasadeed.” Hoos ka daawo muuqaalka Deni The post Daawo: Saciid Deni oo si kulul ugu jawaabay wasiir Jamaal appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ka hadlay heestii uu soo qaaday maalinkii uu dhaarinayey wasiirka cusub ee amniga Cabdullahi Maxamed Nuur, taas oo markii uu soo dhigay bartiisa Tiktok-ga aad ugu baahday baraha bulshada, dadkuna ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen. Heesta oo erayadeeda ugu caansan ay ka mid yihiin “Maantoo kalena madaxaa na furan” ayaa abuurtay hadal heyn badan, maadaama uu taagnaa khilaafkan weli jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble. “Heesta Madaxaa na furan fariin bay iga ahayd aniga, qofku suu doono ha u qaato, fariintaas meeshaan rabay way gaartay, oo shacabku sida ay uga falceliyeen waan arkay, marka hada iyaga dhanna shacabka madaxaa wada furan maanta,” ayuu yiri wasiirka cadaaladda Soomaaliya. Wasiir Jaamac ayaa ka mid ahaa wasiirrada saaxiibka la ahaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo madaxweyne Lafta Gareen, balse hadda waxa uu u wareegay dhanka ra’iisul wasaare Rooble, taas oo dad badan ay heestiisa ku macneeyeen inay ku kaliftay inuu soo qaado heestaan. Sidoo kale Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siiyey TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay warar sheegaya in loo diiday inuu olole doorasho u aado deegaanada Koonfur Galbeed oo deegaan doorashadiisu tahay, gaar ahaan degmada Waajid ee gobolka Bakool. Hoos ka Daawo The post Daawo: Wasiir Jaamac oo shaaciyey ujeedka uu ka lahaa heesta “Maantoo kalena madaxaa na furan” appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu (PP News Desk) — President of Puntland State of Somalia Said Abdullahi Deni has called on Somalia President Mohamed Abdullahi Mohamed and Prime Minister Mohamed Hussein Roble to compromise to end the political deadlock. President Deni urged Somali federal leaders to break the political deadlock “In May 2021 the Federal Member States signed an agreement on the electoral model. The blame for failing to implement the agreement lies with leaders who have fallen short” said Deni without specifying who should take the blame for disagreements between President Mohamed and Prime Minister Roble. “It is the responsibility of the Prime Minister to oversee the security of elections in line with 27 May 2021 agreement” added Deni, who brushed aside constitutional controversy arising from Roble’s firing of the intelligence agency director in violation of presidential privilege codified in the draft constitution. A revised electoral agreement tasks Federal Member States with overseeing the selection of MPs in addition to Senators whom parliamentarians of Federal Member States have selected. An extraordinary summit organised by Puntland following the limiting of Roble’s executive powers by President Mohamed has been cancelled. “If Federal Member States in conjunction with the Federal Electoral Implementation Team finalise the selection of MPs, the political deadlock will be broken. Neither President Mohamed nor Prime Minister Roble can interfere with the electoral process” said Hussein Ali, a political analyst in Mogadishu. © Puntland Post, 2021 The post Puntland President Urges Somalia President and Prime Minister to Reconcile appeared first on Puntland Post.
  4. (Hargeysa)- Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa suuqyada Somaliland ka maraysa meel sare. Raashinka kala duwan ee daruuriga ah, ayaa mid walba waxa ku biiray Lacag ku dhow intii hore loogu iibin jiray, taasi oo muujinaysa heerka Sicir-bararka ee xilligan ka jira Magaalooyinka Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay Qiimaha Maceeshadda kala duwan halka ay ka marayso Somaliland, ayaa xog-warran la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Suuqa Badhtamaha Hargeysa isla-markaana waydiiyey kala duwanaanshiyaha Qiimaha Raashinka ee xilligan iyo Qiimihii hore, waxayna sheegeen in Qiimaha Raashinku aad u kordhay, inkasta oo aanay tilmaamin sababo Cadcad oo keenaya Sicir-bararka Raashinka. Tusaale ahaan, waxay sheegeen in Kiishka Sonkorta ah oo hore loogu iibin jiray 26 Dollar uu hadda marayo 30 illaa 31 dollar, Daqiiqda oo la siin jiray 22 Dollar ay hadda marayso 26 Dollar, Kiishka bariiska ah oo hore loo siin jiray 27 Dollar, hadda wuxuu marayaa 32 dollar, Jirikaanka Saliidda ah hore waxa loo siin jiray 25 dollar, imika waa 29, halka Saliidaha kale qaarkood 10 Dollar ku kordheen Qiimihii la siin jiray, Kartoonka Baastada ah oo hore loo siin jiray 8 dollar, ayaa hadda maraya 9.5 dollar, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa. Si rasmi ah looma oga waxa sababta u ah Qiimahan sar ee Raashinku gaadhay, Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiguna illaa hadda kama hadal arrintan oo culays ku ah guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka hayntoodu yar tahay. Wargeyska Geeska Afrika Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markiisii ugu horreysy ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo weli xal loo la’yahay. Deni ayaa sheegay in Madaxweyne Farmajo uu si cad baarlamanka hortiisa ka sheegay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib qalalaasihii April dhacay ee ka dhashay isku daygii muddo kororsiga. “27-kii May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay,” ayuu yiri madaxweyne Deni. Waxa uu intaas ku daray “Waxaan rajeynayaa in heshiiska uu sidiisa u hirgelo, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka uu u guto sidii loogu talo-galay, madaxda kalena, oo madaxweynuhu ugu horreeyo ay fuliyaan wixii ay ballan-qaadeen, oo ay ra’iisul wasaaraha siiyaan fursad uu shaqadiisa ku guro.” Hadalka Saciid Deni ayaa imaanaya xilli uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo la sheegay in dalka uu u horseeday hoos u dhac dhaqaale iyo amni daro, maadama labada dhinac uu mid kasta ku taagan yahay go’aankiisa. Waxaa burburay wada-hadallo maalmihii tegay laga dhex-qaday labada dhinac kadib markii Farmaajo uu ku adkeystay in shaqsi isaga ku xiran loo magacaabo taliyaha NISA, sidoo kalena la beddelo wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur. Wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa xalay sheegay in Galmudug ay waqti badan ku bixisay u kala dabqaadida Farmaajo iyo Rooble, isla markaana ay mudadaas ka dayacmeen howlo badan oo maamulka hor yaallay. Wasiirka ayaa cadeeyey in hadda Galmudug ay faraha kala baxday dhexdhaxaadintii labada masuul, waxuuna garabka madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in dhankiisa ay waxba ka socon waayeen. The post Daawo: Deni oo ka hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble, sheegayna ballan laga baxay appeared first on Caasimada Online.
  6. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaare Rooble looga dambeeyo arrimaha amniga iyo doorashooyinka dalka. Madaxweyne Deni oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu 1-dii May 2021 baarlamaanka hortiisa ku wareejiyay nidaamka amniga iyo doorashada, sidoo kale 27 May dowladda goboleedyada iyo dowladda federaalka ku heshiiyeen in amniga iyo doorashada dalka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble. Wuxuu tilmaamay in heshiiskaas la fuliyo oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu guto mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka, Madaxweyne Farmaajo uu fuliyo wixii uu ballan-qaaday oo fursad siiyo Ra’iisul Wasaaraha. Madaxweyne Deni ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan Ra’iisul Wasaaraha sidii ay nabad ugu dhici lahayd doorashada. Madaxweyne Deni ayaa ku macneeeyay khilaafka madaxda federaalka mid la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashooyinka dalka. Hoos ka daawo muuqaalka Madaxweyne Deni PUNTLAND POST The post Puntland oo taageertay Ra’iisul Wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.
  7. Masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka iyo kuwa Heer faderaal ah aya maanta xariga ka jaray Dakadda Kalluumaysiga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid, wasirada Amniga iyo Dakedaha Galmudug Axmed Fiqi iyo Saabir shuuriye, Xildhibaan mahad salaad, Senator Abdiqeybdiid iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta Faderaalka Abdirahman Al cadaala aya si waa jir ah uga qeyn galay munaasbad kooban oo xariga loiga jarayay Dakadda. Galmudug dawladda Talyaqniga iyo Barnaamijka Cunada aduunka ee WFB aya iska kaashaday dhismaha Dakaddan kallumaysi Oo socday mudo 10 Bilood ah. Wasiirka Dakadaha Galmudug oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook aya sheegay in ay wadaan qorshaha Dekadda Weyn Ee Hobyo:- “Dhinaca Kale howshii Dekedda weyn ee Magaalada Hobyo waxa ay maraysaa meel wanaagsan waxa aan soo dhammaystirnay heshiisyada shirkaddo calami ah iyo ganacsato deegaanka ah, waxa aan idiin xaqiijinayaa in caqabadihii jirey inta badan laga soo gudbay, waxaa hadda socda abaabulkii qeybta ganacsatada Galmudug iyo billawga dhismaha Dekedda” ayuu yiri wasiir Saabir Nuur Shuuriye. Source: goobjoog.com
  8. Macallin Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo Muqdisho ka aas aasay kooxda Itaal Football Club ayaa u mahadceliyay madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha dhiirigelinta wanaagsan ay u sameeyeen da’yarat Itaal Football Club, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay horomarinta iyo guulaha da’yarta kooxda kubbadda cagta Itaal. “Waan u mahadcelinaynaa madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha aqoonsiga ay u sameeyen akadeemiyada Itaal, runtii ma garanayo si aan ugu mahadnaqo, balse waxaan lee yahay mahadsanidiin 100%” ayuu Goobjoog Sports macallinka kooxda Kubbadda Cagta Itaal Football Club Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) Dhinaca Kale Macallin Aweys Aar wuxuu bogaadiyay dadkii gacanta ka geystay horomarka ay kooxda Itaal Football Club, isagoo sheegay in maanta Itaal ay horseed u tahay horomarka iyo geedi socodka kubbadda cagta Soomaaliya sanadaha soo aadan. “Macallin Cawil iyo maamulka Som United, waxay ahaayeen dadkii gacanta weynta naga siiyay guulaha akadeemiyada Itaal, waligay ma iloobi-doono garab ay i siiyeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay aas-aasaha ahna tababaraha akadeemiyada Itaal Aweys Aar. Daawo Macallin Aweys Oo Ka Warbixiyay ITaal FC Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Xiriirka Kubacag Yaraha Soomaaliya Oo Kulan Dhiirigelin Ah U Sameeyay Akadeemiyadda ITAAL Oo Muqdisho Ka Aas-aasay Weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  9. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay ololaha ururadda siyaasadda oo todobaadkan ka bilaamanaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay xaflada daah-furka ayaa sheegay in dowladdiisu ka dhabeynayso hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay ururadda siyaasadda iyo shacabweynaha Puntland. Daah-furka ololaha ururadda siyaasadda Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor ay ururrada Mustaqbal, Ifiye iyo Dhallinyarada cabasho wadajir ah oo ka dhan ah Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Madaxweyne Deni, ogeysiiyeyna beesha caalamka. Seddexda urur waxay ku tilmaameen doorashada tijaabbada ah mid baalmarsan dastuurka Puntland laguna qancinayo qaaraan-bixiyeyaasha. Waxay ku baaqeen in laga dhursugo dhammaystirka Maxkamadda Sare, in meesha laga saaro habka liiska xiran ee doorashada goleyaasha deegaanka iyo maamulka Deni uu bixiyo yaboohii laagu talagalay ururrada siyaasadda diiwaangashan. Waxay seddexda urur soo jeediyeen shirweyne ururrada siyaasadeed ka qeybgalaan si wax looga qabto daahfurnaan la’aanta Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland. Seddexda urur waxay u arkaan doorashada TPEC korjoogtaynayso mid tijaabo uun ah oo ururradu aysan ku kala badin doonin waayo ururro aan looga codaynin dhammaan degmooyinka ay Puntland ka taliso ma yeelan doonaan sharciyad siyaasadeed. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo daahfuray ololaha ururadda siyaasadda, xili ay qaar kamid ah cabasho u gudbiyeen appeared first on Puntland Post.
  10. Wasaaradda amniga XFS ayaa war kasoo saartay weerar ismiidaamin ah oo barqadnimadii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku taalla isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho. Wasiirka Amniga soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa warka qoraal ah ee uu soo saaray waxa ku cambaareeyay qaraxan isagoo balan qaaday inay tallaabo aargoosi ah qaadi doonaan. “Waxaan Cambaaraynayaa weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana tacsi u dirayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelada iyo asaxaabta shacabka ay bartilmaameedsatay argagixisado, Waxaana shacabka Soomaaliyeed u balan qaadaynaa in hay’adaha amnigu qaadi doonaan talaabo amniga dalka gaar ahaan magalada Muqdiaho wax muuqda looga qabanayo hadii alle idmo.” Ayuu yiri wasiir Cabdullahi Nuur. Alshabaab ayaa sheegtay weerarkan oo ugu yaraan ay ku dhinteen 8 ruux halka aya toboneeye kalena aya ku dhaawacmeen. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimadad Online) – Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ayaa ka hadlay qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Isgoyska Ceel Gaabta. Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku dhintay qaraxii ay Al-Shabaab maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo. ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta. Dadka dhintay waxaa ka mid ah gabdhaho walaalo ah oo saarnaa gaari nuuca raaxada ah, waxaana gaari oo guud ahaan bas beelay ka badbaaday halgabar sida ay saraakiisha Caafimaadka u sheegeen warbaahinta. Al Shabaab dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan. Shalay ayay ahayd markii ismiidaamin ay ka dhacay afaafka Villa Baydhabo. The post Farmaajo oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  12. MELBOURNE (HOL) - A group of Somali lawyers in Australia has said it has filed four cases against the Somali government at the International Criminal Court (ICC) over what it termed as ‘crimes against humanity’. Source: Hiiraan Online
  13. MELBOURNE (HOL) - A group of Somali lawyers in Australia has said it has filed four cases against the Somali government at the International Criminal Court (ICC) over what it termed as ‘crimes against humanity’. Source: Hiiraan Online
  14. Inta la xaqiijiyay sideed qof ayaa ku dhimatay, tobaneeyo kalana waa ku dhaawacmeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay bar kantarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho. Dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiiru- dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho”. “HIbaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl” ayaa qoraalka raaciyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay afaafka madaxtooyada. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia. Qoraalka ayaa la raaciyay “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo”. Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka. Qaraxa ayaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo waday qofka ismiidaamiyay, kaas oo ku qarxay goob kantarool. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo kii maanta ugu khasaare badan yahay. PUNTLAND POST The post Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  15. Wax ka ogoow 10-ka Diyaaradood ee ugu waaweyn dunida Gaadiidka cirka waa fududeeye muhiim ah si loo gaaro koboc dhaqaale iyo horumar. Gaadiidka cirka wuxuu fududeeyaa is -dhexgalka dhaqaalaha adduunka wuxuuna sidoo kale sare u qaadaa xiriirada muhiimka ah ee heer qaran, gobol iyo heer caalamiba. Kuwani waa tobanka diyaaradood ee rakaabka ee ugu waaweyn dunida. 10. Diyaaradda Airbus ee tirsigoodu yahay A333-300 Diyaaradda ayaa soo degtay 2 -dii bishii Nofembar 1992. Waxayna ayaa qaadi karta 250 ilaa 440 rakaab ah. 9. Airbus A340-300 Airbus A340 300 waa diyaarad rakaab oo Faransiis ah. Waxaa markii ugu horreysay la sameeyay 1993-dii waxayna leedahay awood ay ku qaadi karto 295 rakaab ah dabaqa koobaad halka dabaqa labaadna ay ku qaadi karto ilaa 267 qof. 8. Airbus A340-500 Tani waa diyaarad rakaab ah oo Faransiis ah. Waxay si rasmi ah hawada soo gashay 2006, inkasta oo markii hore hawada la soo geliyay 2002. Waxaa loogu talagalay in lagu qaado 372 rakaab ah hal dabaq halka dabaqa labaadna lagu qaado 313 qof. 7. Airbus A350-900 Diyaaraddan oo ah kuwa qaaradaha isaga kala goosha ayaa waxay awood u leedahay inay ku socoto inay jarto masaafo dhan 15,000 oo kilomitir waxayna qaadi kartaa inta u dhaxaysa 300 ilaa 350 rakaab ah. 6. Boeing 777-200 Boeing 777 200 waa diyaarad rakaab oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka. Waxay ku qaadi kartaa 440 rakaab ah nidaam hal-dabaq ah iyo 400 oo ah nidaam laba heer ah. Waxay safri kartaa masaafo dhan 14,260 km ama 7700 mayl. 5. Airbus A340-600 Diyaaradda A340-600 waxaa la aasaasay sannadkii 2002, waa mid ka mid ah diyaaradaha A340 ee ugu awoodda badan. Waxay leedahay afar matoor waxayna qaadi kara 380 rakaab ah. 4. Boeing 777-300 Diyaaradan oo nooceedu yahay Boeing 777 300 ayaa ah diyaarad rakaab ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka, waxaana qeybta koobaad ay ku qaaddo 550 qof halka qeybta labaadna ay ku qaaddo 451. Emirates Airlines ayaa ah shirkadda ugu weyn ee adeegsata Boeing 777 adduunka. 3. Boeing 747-400 Boeing 747 400 waa diyaarad rakaab ah oo ay leeyihiin Maraykanka iyo Boeing oo awood u leh inay qaaddo 1,600 oo rakaab. Waxay jartaa masaafo dhan ah 13,446 mayl. 2. Boeing 747-8 Diyaaradan oo nooceedu yahay Boeing 747 8 waa diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Maraykanka. Waxay qaadi kartaa ilaa 13 kun oo rakaab. 1. Airbus A380-800 Airbus A380 800 waa diyaarad rakaab oo Faransiis ah , waxay qaaddaa 1497 oo . Waxay leedahay baaxad safar oo ah 8,208 waxay safri kartaa masaafo gaareyso 15,200 km. Waxay hawada soo gashay 27 -kii Abriil, 2005. Qaran News
  16. War goordhow ay soo saareen guddiga doorashada Aqalka sare ee gobollada waqooyi ayaa lagu sheegay in ay bilaabatay diiwangelinta musharaxiinta Aqalka sare. Qoraal kasoo baxay ayaa u qornaa Diiwaan gelinta musharixiinta Aqalka sare ee Gobolada waqooyi Somaliland ayaa si habsamiya uga socota Xarunta Villa Rosa ee Magaalada Muqdisho. Mudane Siciid Cabdi Xuseen ayaa noqday musharixii ugu horeeyay ee is diiwan geliyay. Dhinaca kale xubno ka tirsan guddiga oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in diiwangelinta oo aheyd khamiistii ay dib u dhacday sababo la xiriira CID iyada oo maanta oo sabti ah iyo axadda laga dhammaan doonto diiwaan gelinta, kadibna Isniinnta la dhageysan doono khudbadaha. Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Somaliland ayaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda u magacaabey Maxamed Cabdillaahi Ducaale, halka Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi Cabdirisaaq Jaamac Naakhuude loo baddalay Wasaaradda Waxbarashada. Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Axmed Abokor u baddalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Jidadka. Waxaa xilkii laga qaadey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mubaarik Cabdillaahi Daljir, iyadoo aan cidna lagu baddalin. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Hibaaq Abuukar Xasan oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxii is-miidaaminta ee maanta ka dhacay isgoyska Ceelgaabta. Geerida Hibaaq ayaa waxaa xaqiijiyey afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab. Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.” “Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo,” ayuu yiri Macallimuu. Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in la isku kaashado dagaalka ka dhan ah argagixisada. “Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya,” ayuu yiri Rooble. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha, ayaa xaqiijiyey in qaraxa uu fuliyey nin isa soo miidaamiyey, watayna gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna sheegay inuu soo dhex-galay baabuur lagu baariyey koontaraalka laga galo madaxtooyada ee ku yaalla dhanka Beerta Nabadda. Sidoo kale waxa uu shaaciyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo uu mid ka mid ah ahaa askari ka tirsanaa ciidanka Taraafikada, halka 7 kale uu ku sheegay shacab. Dhaawaca ayuu sidoo kale sheegay inuu gaarayo illaa 9 qof, kuwaas oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada caafimaadka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Gabar ka tirsaneyd xafiiska Rooble oo ka mid noqotay dadkii ku dhintay qaraxa iyo Rooble oo war soo saaray appeared first on Caasimada Online.
  19. DHUSAMAREB (HOL) - Galmudug State has said it is withdrawing from mediation talks between Prime Minister Mohamed Roble and President Mohamed Farmaajo. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha S/land Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Cabdi Arabey. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qeyb-galay Aas qaran oo loogu sameeyey Xabaalaha Baqiic ee Caasimadda Hargeysa Alle how naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabay oo ka mid ahaa waayeelka, waxgaradka iyo halgamayaashii qaranka Somaliland. Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyska iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Arabey ayaa xusay inuu ahaa Halgamaa taariikh weyn ku leh qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi Madaxweynuhu sidan“ Xaaji Maxamed Cabdi iyo inta kale ee maanta la aasayo Ilaahay how naxariisto qoyskiisii iyo qaranka Somaliland ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo Maxamed intaa laga sheegay wuxuu ahaa oday xeer-beegtiya Sheekh, Halgamaa, talo-yaqaan intaba Ilaahay waa ku kulmiyey”. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo qarabaadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo booskii uu ka baxayna cawil khyer qaba ugu bedelo “Ilaahay waxaan uga rajaynaynaa dadkiisa uu ka tegay iyo da’adan danbe inay wadadii odayaashaasi mareen ay maraan oo sida ay wax u maamulayeen Diin ahaan, dad ahaan iyo dal ahaan aynu waddadoodii raacno oo ilaahay ina waafajiyo isaga uu Jannadii uu ka waraabiyo, qoyskiisiina cawil kheyr qaba Alle keeno innagana inooga daba naxaariisto”. Wa-bilaahi Tawfiiq Qaran News
  21. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska ceelgaabta ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay goob lagu hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada dalka . Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda war ka soo saartay qaraxa barqanimadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xammarw-weyne. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 8 qof oo ay ku jirto hooyo laba carruur ah wadato ay ku dhinteen qaraxa. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray in ka badan 9 qof oo shacab iyo Askar isugu jira. Dadka qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Hibaaq Abuukar, oo ka mid ah shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka . Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mocalimuu ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Hibaaq Abuukar. Qoraal uu soo dhigay mocalimuu ayuu ku yiri “Ilaah ha u naxariisto Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka mid aheyd dadkii saaka ku dhintay weerar bahalnimo ah oo argagaxisadu ay ka sameeyeen bar koontorool oo ku taalla Isgoyska Ceel Gaab, Allaha u naxariisto dhamaan dadka aan waxba galabsan ee ku dhintay qaraxaasi fuleynimada ah.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. M/weyne-Xigeenka S/land Cabdiraxmaani Saylici oo hoyga uu Abu Dubia ka deggan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee S/land Axmed Siilaanyo. Madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland iyo Xubno kale oo hoyga uu Abu Dubia ka deggan yahay ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo. Shalay ayaa isna waxa booqday Guddoomiye Cirro. Qaran News