Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxay ahayd dhacdo dareen culus xanbaarsan, oo ka ilmaysiisay in badan oo aan ka mid ahay. Waxa uu ahaa gurmad meesha ka saaray, xaalad go’doon ah oo hooyadu in muddo ah ku sugnayd. Waxa ay ahayd hooyo, rajadeeda iyo qofnimadeeda ba la soo nooleeyey. Garab la’aan iyo gashi/deyn, ayaa garbaduub u xidhay, oo hayaankii nolosheeda hagardaamo ku noqday. In badan ayey gocasho iyo quus la joogtay, gidaarada dadka xorriyadda ka qaada gadaashooda. Waxa aniga si gaar ah ii taabtay, in hooyadaasi u gashiyowday badbaadinta ubadkeeda. Nuura Maxamed Aw Cali, waa hooyada la xoreeyey ee hiilka heshay. Muddo saddex sano ah, waxay u xidhnayd gashi lagu yeeshay, oo ay is ka bixin kari weyday. Sida ay sheegeen dad xogogaal u ah xaaladdeedu, waxa ku go’day hagbad ay ururin jirtay, oo ay muddo dhawr iyo toban sano ah soo wadday. Sida la sheegay, ka dib markii aabbihii reerku xanuustay, iyada ayaa dusha u ridatay daboolista baahida qoyska. Hagbaddaa iyo dukaan yar oo ay furtay, ayaa noloshooda udubdhexaad u ahayd. Halkan ayey ka bilaabmaysaa qaabkii loo xoreeyey hooya Nuura. Nin weriye ah, oo ku hubaysan kamarad iyo mikrafoon. Weriye Maxamed Andar iyo sawirqaade wehelinayey, oo ka tirsan telfishanka MM TV, oo xaruntiisa guud ku taallo magaalada Hargeysa. Si ay ku heleen ba xogta qoyska, waxay booqdeen halkii ay ku noolaayeen qoyska Nuura. Waxa yaab noqotay xaalladda ay la kulmeen ee ay soo gudbiyeen; lix carruur ah oo ku sugan xaalad aad u qallafsan. Waxay deggenaayeen buul yar oo loogu deeqay, oo ku ag yaalla meel biyamareen ah. Dadka la jaarka ahi waxay sheegeen in marka roobku da’ayo, in ay carruurta daadgureeyaan, si aanu daadku u qaadin. Baahi iyo balanbal, ayaa u dhammaaday saddexdii sano ee hooyadood xidhnayd, waxbarasho na hadalkeedaa daa! Guddoon Maxamed Faarax, oo ah ininta carruurta ugu weyn oo ka hadlaysa noloshooda, ayaa tidhi: “Xaafadaha aanu jaarka nahay, ayaa noo keena oo naga caawiya wixii cunto ah. Waxa aanu ku nool nahay nolol aad u adag. Waxa aanu nahay lix carruura, oo ayeyday iyo abtigay na way na la joogaan.” Waxa weriyaha loo sheegay in xadhiga hooyo Nuura yimi, ka dib markii ay si amaaha lacagtii hagbadda ee ay haysay ugu maalgelisay dukaan, ay rabtay in ay nololmaalmeedka carruurta ka soo saarto. Hasa yeeshee, ay lacagtii bixin kari wayday, oo dadkii lacagta lahaa ay dacweeyeen, iyadoo maxkamadi laba sano oo xadhig ah ku xukuntay. Waxay ku xidhnayd xabsi haweenka u gaara, oo ku yaalla magaalada Gabiley. Markii ay dhammaadeen labadii sano, waxay sii xidhnayd hal sano oo dheeraad ah (way muddodhaaftay). Waxay u eekayd na, in la sugayey in deynta laga bixiyo si loo sii daayo. Gashigaasi waxa uu dhamaa $25,701 dollar. Markii uu telfishanku baahiyey, warbixintii ku saabsanayd xadhiga hooyo Nuura iyo xaalladdii cakirnayd ee qoyska. Waxay taabatay dadweyne ka la duwan, oo ku ka la nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ba. TV-ga oo maamulayey lacagtii ay dadku ku yaboohayeen, ayaa waxa suurtagashay in muddo todobaad ka yar, xabsiga laga sii daayo hooyo Nuura, ka dib markii lacagtii la bixiyey. Hawsha sii deynta oo xidhiidhsanayd maxkamadda ilaa xabsiga, waxa iskudubbariday maamulka telfishanka. Waxa kale oo ay qabteen in ay carruurtii ka rareen buulkii yaraa, oo ay u kireeyeen guri sandaqad ah. Markii hooyo Nuura laga soo daayey xabsiga ee loo soo gelbiyey dhanka guriga, waxa farxad aan la qiyaasi karin ku qaabilay carruurteeda, oo boholyow hooyo saddex sano qalbigooda shidayey. Waxa kale oo si laabfurnaan ah u soo dhaweeyey jaarkeeda, oo muddadaa ay xidhnayd ba tebayey. Waxa uu ahaa kulan majeerashadiisa leh, oo xusuusta ma guurtada ah ee waalid iyo ubadkiisa dhex mara gelaya. Waxa iyana culays baaxad leh ka degay, Guddoon Maxamed, oo ah curadda qoyska hooyo Nuura, oo iyadoo yar intii ay hooyadeed xidhnayd, duruuftu ku kalliftay in ay dhexda u xidhato daryeelidda, ilaalinta iyo korinta walaalaheed ka yar yar. Guddoon, Hadda da’deeda waxa lagu sheegay shan iyo toban jir, taa macnaheedu waxa weeye, markii hooyadeed la xidhay laba iyo toban jir ayey ahayd. Waxay soo martay saddex sannadood, oo masuuliyad culusi dusha ka saarnayd. Mar haddii Nuura xabsiga laga soo daayey, oo ay noloshii dib u bilaabayso, waxa madaxda MM TV ku wareejiyeen lacag faraqabsi wanaagsan u noqon doonta. Lacagtaas oo qayb ka ah taakulayntii ay dadku ku soo caawiyeen, oo dhan $7943 doollar. Weriye Luqmaan Maxamed, oo ka mid ah masuuliyiinta TV-ga, ayaa sheegay in dhaqaalaha hooyada lagu soo caawiyey uu ahaa $33,644 dollar; $25,701 lagaga bixiyey deyntii lagu lahaa iyo intii soo hadhay ($7943) oo lagu wareejiyey. Waxa kale oo ay hooyada ku wareejiyeen masuuliyaddii lacag ururinta iyo telfoonkii ay lacagtu ku soo dhacaysay, oo hadda wixii ka danbeeya qofkii lacag dirayaa uu hooyada toos ugu hagaajinayo. Waxan bogaadin iyo mahadnaq u jeedinayaa bahda MM TV, oo Hooyo Nuura iyo qoyskeeda ba ka xoreeyey xabsi iyo xaalado nololeed oo ku gedaamnaa. Ilaahay ajar iyo denbidhaaf ba ha idiinku beddelo, hawshaa khayriga ah ee aad qabateen. Waxaad muujiseen karti iyo awood aad leedihiin oo aad ka shaqaysiiseen. Halkaa hawshaa ka wada, oo weli ba fiiro gaara u yeesha xabsiyada, oo ay ku jiraan dad u baahan in loo gurmado. Hawshan oo todobaad ku gabagabawday, waa dhacdo i na baraysa, in dadku diyaar u yihiin in ay wax caawiyaan, oo taakulayntoodu wuxu taabbagelaysaa marka ay is la helaan: cid ay aaminaan iyo meel ku habboon oo ay ku bixiyaan. Runtii na baahi weyn ayaa loo qabaa in warbaahintu dadaal badan ku bixiso, soo bandhigista dadka ay duruufuhu halakeeyeen. Waxan xusuustaa mar aan hawl shaqo u joogay Oodweyne 2009, ayaa waxan arkay nin dhallinyaro ah, oo markaa dugsiga sare dhiganayey. Waxa uu ahaa naafo. Dugsiga oo qiyaas ahaan u jira hal kiiloo mitir, ayuu ku tegi jiray oo uu kaga soo noqon jiray labada gacmood, oo halkii lugaha u beddelay; baabacooyinka labada gacmood ayuu ku socon jiray. Markii aan arkay ba, waan naxay oo dadku na way iiga warreen xaaladda haysata wiilka. Inankii waan la kulmay oo waan wareystay, sawirro na waan ka qaaday, ka dib na waan baahiyey. Muddo yar gudaheed ba, si fiican ayaa loo caawiyey, oo gaadiidka naafadu ku socoto na waa loo iibiyey. Way jiraan kale oo baahnaa oo aan wax ka sameeyey oo la caawiyey, bal se waxan tusaalaha u soo qaatay, dadka dhibaataysan ee codkoodu aanu muuqan, warbaahintu ha u kuurgasho, oo wareysiyo iyo warbixino ha ka samayso. Waxan ku soo afmeerayaa qoraalka, dawladda Somaliland xil baa kaa saaran dadka deynta loo xidho ee is ka bixin kari waayey, haddii ay maxkamadi xukun xadhig ah ku riddo, oo tusaale ahaan laba sano la xukumo, waa in marka uu xukunkiisu dhammaato qofka dib loogu noqdaa. Waa in uu jiro hannaan xal loogu raadin karo, qof gashiyoobay oo aan deynta is ka gudi karin. Halkii uu qofku jeel dhex fadhiyi lahaa ee uu fadhiid noqon lahaa, haddii uu shaqaysan karo, dawladdu shaqo ha siiso, oo inta ay deynta ka bixiso, muddo ha u qabato ay mushaharkiisa wax ka goyso, haddii aanu wada bixin karayn na ha kabto. Haddii kale inta ay gashiga ka bixiso, qofka shaqaqaran oo muddo soconaysa ha lagu xukumo, intii uu dhawr sano oo bilaa waxqabad ah xabsi ku jiri lahaa. WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse “Heersare” cabdiheersare01@hotmail.com Qaran News
  2. Siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur, oo ka tirsan As’aasayaasha Urur Siyaasadeedka Mideeye, islamarkaana xilal kala duwan oo siyaasadeed ka soo qabtay Puntland, ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Xildhibaan Siibad uu ka hor-jeediyay Baarlamanka sidoo kalena wuxu talooyin u soo jeediyay Baarlamanka Puntland, Guddiga KMG ee Doorashooyinka iyo Madaxweyne Siciid Deni. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Siyaasi Axmed Siciid Aw Nuur oo u jawaabay Xil. Siibad baaqna u diray Baarlamanka TPEC iyo Siciid Deni appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada Tigray ee Itoobiya, kooxo kale oo hubaysan iyo kuwa mucaarad ah ayaa dhisay isbahaysi ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyaga oo raadinaya isbeddel siyaasadeed ka dib sanad uu socday dagaal qaraar, sidaasina waxa ay AP ka soo xigatay qabanqaabiyeyaasha. Saxiixa Jimcaha maanta ah ka dhacay magaalada Washington ayaa waxaa kooxaha ku biiray ka mid ah ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jira ciidamada Itoobiya iyo kuwa huwanta ah. Sidoo kale, waxaa ka mid ah ciidanka xoreynta Oromada oo hadda ka barbar dagaalamaya kuwa Tigreega iyo 7 kooxood oo kale oo ka kala yimid qeybaha dalkaasi. Isbaheysigan ayaa la unkay xilli ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Jeffrey Feltman uu ku sugan yahay caasimadda Itoobiya uuna la kulmay madaxda sare ee dowladda, iyo xilli ay xoogeysanayaan baaqyo lagu dalbanayo xabbad joojin iyo wadahadal lagu soo afjarayo dagaalka ay ku dhinteen kumanaanka qof tan iyo November 2020-kii. Mareykanka ayaa sheegay in Feltman uu Khamiistii la kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirrada gaashaandhigga iyo maaliyadda. Isbahaysiga cusub ayaa loogu magac-daray Jabhadda Midowga Ciidamada Federaalka Itoobiya, waxaana ujeedku yahay in “Itoobiya uu ka abuurmo nidaam ku-meel-gaar ah” islamarkaana uu ra’iisul wasaaruhu sida ugu dhakhsa badan Meesha uga baxo, sidaasina waxaa sheegay Johnes Abraha, oo ka tirsan kooxda Tigray isaga oo la hadlay Associated Press goor dambe oo Khamiistii ah. “Tallaabada xigta waxa ay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo la kulanka iyo xiriirka wadamada, diblumaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee ku sugan Itoobiya iyo caalamkaba.” Waxa uu sheegay in isbahaysigan cusub uu ka kooban yahay dhinacyada siyaasadda iyo militari-gaba. Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin xiriir ay la sameeyeen dowladda Itoobiya. Afhayeen u hadlay Oromo Liberation Army (OLA), Odaa Tarbii, ayaa xaqiijiyay isbahaysiga cusub. Mar la weydiiyay in tani ay ka dhigan tahay in Abiy lagu qasbo in uu meesha ka baxo ayuu ku jawaabay in taasi ay ku xiran tahay dowladda Itoobiya iyo dhacdooyinka iman kara toddobaadyada soo socda. “Dabcan, waxa aan door-bideynaa haddii uu jiro kala guur nabad ah oo nidaamsan oo Abiy meesha kaga baxayo,” ayuu yiri. Afhayeenka xafiiska ra’iisulwasaaraha Billene Seyoum ayaa ka hadashay isbahaysigan cusub fiidnimadii khamiistii mar ay Twitter-keeda ku qortay “cid kasta oo diiday hannaanka dimuqraadiyadda ee Itoobiya qaadatay ma noqon karto koox dimuqraadiyadeed,” iyadoo farta ku fiiqeysa in Abiy uu furfuray siyaasaddii dalkaasi ka dib markii uu xafiiska yimid 2018-kii. Dib u habeyntiisii siyaasadeed waxaa ku jiray in uu dalka ku soo dhoweeyay kooxo mucaarad ah oo ka soo laabtay masaafuris. Afhayeenka ayaa Jimcaha maanta ah sheegtay in aysan markale ka hadleynin isbahaysiga, aysanna sidoo kale haynin wax war ah oo ku saabsan in ra’iisulwasaaruhu uu la kulmayo ergayga gaarka ah ee Mareykanka. Kooxaha kale ee Isbahaysigan wax ka saxiixay Jimcaha maanta ah waxaa ka mid ah Afar Revolutionary Democratic Unity Front, Agaw Democratic Movement, Benishangul People’s Liberation Movement, Gambella Peoples Liberation Army, Global Kimant People Right iyo Justice Movement/ Kimant Democratic Party, Sidama National Liberation Front iyo Somali State Resistance, sida ay sheegeen qabanqaabiyeyaashu. VOA The post Itoobiya: Jabhado iyo Kooxo Mucaarad ah oo ku Dhawaaqay Isbahaysi ka Dhan ah Abiy Ahmed appeared first on Puntland Post.
  4. An aging bulker and its crew have been abandoned off of a far-flung foreign port, according to the International Transport Workers' Federation, and this particular case is worse than most: the location is inside of the Somali piracy high-risk zone, and the vessel is actively taking on water. Source: Hiiraan Online
  5. (ERGO) – A severe drought in Dawa, in Ethiopia’s Somali Region, has affected more than 62,000 families and killed nearly 50,000 livestock. The affected families are living in a dire situation with lack of food and water. Radio Ergo’s local correspondent, Abdirahman Abdullahi Osman, has interviewed Siad Ibrahim Ali, head of Dawa zone’s disaster risk management office. Source: Hiiraan Online
  6. The family of a Somali refugee whose death is being investigated as a murder are demanding answers – claiming police ignored his three reports of alleged racist abuse. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid Odayaasha, waxgaradka iyo culimada Beelaha Banaadiriga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kuraastooda si sharci daro ah loo boobayo. Waxay sheegen in markii hore lagu soo koobay kuraasta, haddana aysan aqbali doonin in laga qaato kuraastaas, taasi oo ay sheegen inay carqalad ku tahay geedi socodka doorashooyinka dalka. “Dadka dhahay kuraasta waa lama taabtan waa noo xiran yihiin, halkee ka soo gateen? Waxaa la metalaa umad Soomaaliyeed, oo waxaa la rabaa in umad Banaadir oo laga shaqeeyo midnimo Soomaaliyeed,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta. “Waxaa rabnaa in kuraasta la furo oo cidkasta oo Banaadiri ah loo ogolaado inay tartamaan. Waxaa leenahay reer Koonfur Galbeed oo uu ugu horeeyo madaxweynahooda Lafta-gareen waa inay ka waantooban dadka ay noo soo dirayaan.” Sidoo kale waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu garab siiyo cadaalada, islamarkaana uu wax ka qabto boobka lagu hayo kuraastooda oo ay sheegen inay iska xirteen dad gaar ah oo sheeganaya. “In kuraasteena la soo fara-geliyo oo la yiraahdo anaga 2016-kii wax gad-gadinay, waxaa leenahay haddii Ilaahay laga cabsanayo Mudane Ra’iisul Wasaare wax hanaga weydiin nimkaas, guddigii hore ee maamulka.” Khilaafka kuraasta Banaadiriga ayaa salka ku haya gacan ku haynta kuraastaas oo maamulkeeda uu sheeganayo guddigii hore ee 2016-kii iyo mid cusub oo ay sameysteen, sida ay sheegen qaar kamid ah odayaasha. The post Mid ka mid ah beelaha Muqdisho oo boob lagu hayo kuraasteeda oo farriin u dirtay Rooble appeared first on Caasimada Online.
  8. NAIROBI, Nov 5(Reuters) - Rebellious forces from Ethiopia's Tigray region have pushed to within a day's drive of the capital Addis Ababa and are threatening to march on the city of 5 million people. Source: Hiiraan Online
  9. Stockholm (HOL) - A former MP and head of a Swedish Muslim school in Gothenburg has been accused by Swedish authorities of embezzling millions of Swedish kroner from the school to his political party in Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Stockholm (HOL) - A former MP and head of a Swedish Muslim school in Gothenburg has been accused by Swedish authorities of embezzling millions of Swedish kroner from the school to his political party in Somalia. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa jawaab adag kasoo saartay muuqaalo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ay ku baahinayeen afkaartooda, waxayna iclaamisay shirweyne ka dhan ah tallaabadaas. Muuqaalladaas taxanaha ah ayaa Al-Shabaab waxay ugu magac dareen “Saa’a Maa Yaxkumuun,” waxayna ka hadlayaan qodobo ku jira dastuurka Soomaaliya, oo ay sheegeen inay ka hor-imanayaan diinta Islaamka. War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa waxa lagu sheegay in ujeedka muuqaaladaas uu yahay cudur u sameynta afkaarta qaldan ee argagixisada iyo qiil u raadinta baneysiga dhiiga umadda Soomaaliyeed. “Dhawaanahaan ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab waxa uu sii deynaayey muuqaalo iyo war saxaafadeedyo ujeedkoodu yahay in kooxdu ugu cudur-daarto fikradahooda khaldan ee aan sal iyo raad toona ku laheyn Diinta Islaamka, kuna magacaabeen daliil Diimeed oo ay ku marin habaabinayaan umadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Wasaaradda ayaa sheegtay in muuqaaladaas ay si dhow ula socotay, islamarkaana ay diyaar u tahay inay mid mid uga jawaabto dhamaan qodobada ay ku xuseen doodooda, kuwaasi oo aan raad ku laheyn Diinta Islaamka. “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxa ay ugu baaqeysaa Culimada muslimiinta guud ahaan, gaar ahaan Culimada Soomaaliyeed shirweyne lagu iftiiminayo, loogana jawaab celinaayo doodad ururka Al-Shabaab u cuskatay kuna difaacayaan ficiladooda, si umadda Soomaaliya looga badbaadiyo dhagarta fikirka kooxda.” Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay inay diyaar u tahay marwalba in si xikmad iyo cilmi ah uga hortagto duulaan kasta oo fikri ah umadda Soomaaliyeed kaga yimaada kooxaha argagixisada. The post DF oo jawaab kasoo saartay barnaamij ‘halis ah’ oo ay baahiyeen Al-Shabaab, iclaamisayna shirweyne appeared first on Caasimada Online.
  12. Organized jointly by the Ministry of Foreign Affairs (MOFA), Taiwan External Trade Development Council (TAITRA), and the Importers and Exporters Association of Taipei (IEAT), the 2021 Taiwan Expo in Somaliland and the Business Matchmaking Program for Imports from East Africa officially kicked off on Thursday (Nov. 4). The opening ceremony saw over 130 Somaliland government officials and business representatives in attendance, while Taiwan MOFA Vice Minister Alexander Yui (俞大㵢) attended online, MOFA said in a press release. In his opening remarks, Yui compared the two countries’ key locations on maritime trade routes, and suggested that they may serve as each other’s base for market expansion in respective regions. With the Taiwan-Somaliland partnership as foundation, Taiwan may also further promote interactions with countries that share values of democracy and freedom such as Ethiopia, Kenya, and Uganda. These exchanges will be based on transparency, responsibility, and continuity, and will become mutually beneficial business partnerships, said Yui. Yui also joined a video conference with Somaliland Minister of Commerce, Industries and Tourism Mohamed Hassan Saad to discuss both countries’ economic trade and collaboration. Meanwhile, MOFA staff members and various East African commercial association representatives met in another video conference to develop momentum for potential partnerships. Over 130 officials and business representatives attend the event in Somaliland. (MOFA photo) According to MOFA, 73 Taiwan businesses will be showing over 400 medical, communication, food, solar power, and automotive part products during the expo. During the event, the IEAT signed sister association memoranda of partnership with the Somaliland Chamber of Commerce, Industry and Culture, Addis Ababa Chamber of Commerce and Sectoral Associations, and the Kampala City Traders Association. The IEAT also announced the online instant business exchange platform, while products from East African countries were also flown into Taipei for Taiwan businesses to see. Since Taiwan and Somaliland set up mutual official representative offices, the relationship between both countries has steadily warmed. On Oct. 13, Somaliland’s new Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Essa Kayd Mohamud Raagsale thanked Taiwan Minister of Foreign Affairs Joseph Wu (吳釗燮) and Yui for the Taiwan government’s and people’s help during the COVID-19 pandemic and reaffirmed Somaliland’s dedication to strengthening Taiwan-Somaliland relations Taiwan News Qaran News
  13. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamad Kaahin Axmad ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay sameynayso hoggaanka la dagaalanka Maandooriyaha, isaga oo sheegay in mukhaadaraadku uu dhibaato ku hayo deegaanada dalka. “Waxaan wadnaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Ciidanka Booliiska in la abuuro oo la balaadhiyo hoggaanka la dagaalanka mukhaadaraadka maandooriyaha, oo xilligan-ba si weyn loola dagalamo, laakiin ciidan si gaar ah loogu tababaro iyo qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen ayaan samanyn doonaa. Md Kaahin ayaa boggaadiyey sida ciidanka booliisku ugu guulaysteen la dagaalanka dhammaan mukhaadaraadka sida khamriga, xashiishada iwm, isagoo ka hadlayey munaasibadda Booliiska JSL ayaa tilmaamay in shilalka badan ee dhaca loo nisbaynayo badashada dadka mukhaadaraadka maandooriyaha isticmaala. Wasiir Kaahin ayaa shacabka ka dalbaday inay ciidanka booliska ku garabsiiyaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadka ka ganacsada maandooriyaah ee deegaanada Soomaaliland, isagoo yidhi, “Waxaan ka codsanayaa shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka booliiska, oo ogaadaan in saldhigu iyaga u shaqeeyo, waxii warbixino ahna keenaan.” Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Maxamed ayaa u digay dadka ka horimanaya ciidanka booliiska marka ay waajibaadkooda ilaalinta amaanka gudanayaan, isla markaana ku tilmaamay inay yihiin tuugta, dadka khamriga caba, qaran-dumiska, nidaam-diidka, isla markaana ay dhibayso raacitaanka nidaamka, isagoo sheegay “Dad dawlada ka soo horjeeda ayaa u haysta in ciidanka booliiska dawladu leedahay, sidaana kula dagaalamayaan. Dawan Qaran News
  14. Violence, state impunity and threats to journalists appear to go hand in hand, according to new findings by a press freedom lobby. Source: Hiiraan Online
  15. On the warm shores of Adale, a coastal city 220 kilometres north of Somalia’s capital Mogadishu, Sakina Mahmoud Moalin, known by others as ‘Mama Sakina’, stands watching a group of women in yellow vests, shovels, and rakes in hand, picking up every piece of trash they find on their way. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Muran ayaa weli ka taagan kursiga uu qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed Khadar kadib markii uu si farsameysan usoo wareejistay kursi aysan jufadiisa laheyn. Guddiga khilaafkaadka doorashooyinka ayaa joojiyey ansixinta kursiga kadib markii ay dacwad soo gudbisay jufadii laheyd kursiga oo ku doodeyso in laga boobayo kursigooda. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa tan iyo markii la hakiyey ansixinta kursigiisa wuxuu waday dadaallo uu ku doonayo inuu ku sharciyeysto kursigaas. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay Mahdi Guuleed ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna dacwad ka gudbiyey Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe oo meel fagaare ah ka weeraray doorashadii uu kusoo baxay Mahdi Guuleed. Mahdi Guuleed ayaa ergadii dooraneysay kursigiisa wuxuu ka reebay suldaanka Beesha uu kasoo jeedo Dubbe taasoo keentay inuu Dubbe ka shaqeeyo sidii dacwad looga gudbin lahaa kursiga uu qaatay. Rooble ayaa guddi ka kooban seddex xubnood oo laba kamid ah yihiin wasiirada Xukuumadda u xil saaray xalinta arrintaan, waxaana la xaqiijiyey inay meel isugu keeneyn Duube iyo Mahdi, islamarkaana la dhameeyey khilaafkooda. Sidoo kale, guddiga uu Rooble kiiskaan u xil saaray ayaa la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka, waxayna kala hadleyn sidii kursigaan loo ansixin lahaa shuruud la’aan. Wararkii ugu dambeeyey ee la helayo ayaa sheegaya in guddiga ay aqbaleen soo deejinta guddiga uu Rooble magacaabay, balse waxay dalbadeyn in la sugo waqtiga ay sheegeyn inay go’aan kusoo gaarayaan oo aheyd 7 Maalin oo ka bilaabatay 2 Bishaan November. The post Wararkii ugu dambeeyey ee kursiga Mahdi Guuleed iyo Rooble oo soo farogeliyey appeared first on Caasimada Online.
  17. Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa kasii dareysa xaaladda dalka Itoobiya oo halis ugu jirto burbur kadib markii uu xoogeystay dagaalka u dhaxeeya xooggaga Tigray oo kusoo dhawaanaya Addis Ababa iyo cidiamada Federaalka Itoobiya. Cabsi weyn ayaa ka jirto Addis Ababa kadib markii ay kusoo dhawaadeen ciidamada TPLF oo usoo jirsaday wax kayar 300Km, waxayna dowladaha reer Galbeedka qaarkood ugu baaqeen muwaadiniintooda inay u diyaar garoobaan ka bixitaanka Addis Ababa. Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan. Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed. “Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka. Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigrayga, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo. Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, islamarkaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye. Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda. Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya. The post TPLF oo shaacisay sabab ay u dooneyso qabsashada Addis Ababa oo aan aheyn xukun appeared first on Caasimada Online.
  18. Bohol (Caasimada Onlie) – Waxaa deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud oo saldhig ay ka dhigteen Ciidamada Ahlu Sunna gaaray Taliyaha Ururka 6-aad ee Guutada 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka General Aadan Abshir Nuure Laba-Afle oo wehliyaan ganacsato, Odoyaal iyo Xildhibaan Cali Dhoof. Sida ay Caasimada Online ogaatay, ujeedka wafdiga ayaa ah xal u helida dagaaladii ka dhacay Guriceel iyo deegaanka Bohol ee gobolka Galgaduud ee u dhexeeyay ciidanka Ahlu Sunna iyo ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mid kamid ah xubnaha gaaray Bohol, oo la hadlay Caasimada Online, islamarkaana codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in Sheekh Shaakir lagala hadli doono sidii xiisadda taagan loogu dhameyn lahaa wada-hadal maadaama uu sheegay inaan wax aan khasaaro aheyn laga dhaxlin dagaalkii ka dhacay Guriceel. Wafdiga gaaray Bohol ayaa waxaa kamid ah Ganacsade Xaashi Carabeey, oo horay ugu guulaystay in uu joojiyo dagaalkii Guriceel laguna qanciyo Ahlu Sunna in ay magaaladda ka baxdo, waxaana la rajeenayaa in xiisadda lagu dhammeeyo wada-hadal iyo isfaham. Sheekh Shaakir oo ka hadlay sababta ay uga bexeen Guriceel ayaa sheegay in ay magaaladda ugu bexeen codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada, bulshada rayidka, Senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah ayna sugayaan in wada-hadal lagu dhameeyo dagaalka. Ciidamadii Ahlu Sunna ee isaga baxay Guriceel ayaa saldhig weyn ka sameystay deeganka Bohol, waxayna xogta sheegeysaa in Ahlu Sunna ay waddo hub aruursi iyo diyaar garow dagaal ay mar kale la gasho ciidamada Galmudug. Madaxda Ahlu Sunna ayaa dhawaan ciidamadooda u qeybiyey mushaar gaarayo illaa 300 oo Dollar askari kasta, mana la ogo halka ay lacagtaas uga timid. The post Saraakiil ka tirsan DF iyo Ganacsato gaaray Bohol iyo Sheekh Shaakir oo lagu wado… appeared first on Caasimada Online.
  19. Forty-five soldiers of the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM) and the Somali National Army (SNA) have completed training to enhance coordination and mutual interaction between humanitarian and security actors in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu bilowga todobaadkan safar gaar ah ugu baxo dalka dibaddiisa. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay safarkiisa ugu baxaya magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya. Nairobi waxa haatan ku sugan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo ay weheliyaan siyaasiyiin miisaanleh. Wararku waxay sheegayaan in Puntland iyo Jubaland ay halkaas ka wadaan olole ku saabsan Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaanna soo saarista xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamanka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Siciid Deni oo safar siyaasadeed ugu baxaya dalka dibaddiisa appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa si kulul uga hadlay dhaqa xumada kusoo korortay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Xijaar ayaa sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliya ay bilaabeen qorsho looga hortagayo dadka waxyabaha dhaqan xumadaha ah sameynaya. Taliyaha ayaa xusay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya dawooyin maanka doorinaya. Taliye Xijaar waxaa uu sheegay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka caawin doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya. Hadalka kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kusoo bateen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, isla markaana isticmaalaya maandooriye. Dhaqan-xumada ugu badan ayaa waxay dhallinyarada gaar ahaan gabdhaha ku sameeyaan baraha Bulshada si gaar ah Tiktok, waxaana horey uga digay culumada Soomaaliyeed oo sheegay in dhaqan-xumadaan aysan raali ka aheyn. The post Taliye Xijaar oo go’aan culus kasoo saaray dhaqan xumada kusoo korortay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  22. A Somali YouTuber based in Kuwait has raised $1 million in just over a day to aid refugees and the displaced in Syria, Lebanon, Iraq and Jordan. With nearly 21 million followers, AboFlah, whose real name is Hassan Suleiman, is one of the best-known influencers in the Arab world. He launched his site, dedicated to reviewing video games, in 2016. His campaign, launched in coordination with the UN refugee agency (UNHCR), this week raised $1 million within 28 hours. “This is all thanks to my followers… thank you all with all my heart,” AboFlah, 23, said in an interview with AFP on Wednesday. He said the donations surpassed his expectations. The vlogger launched the campaign, dubbed “Warm Their Hearts”, during a live stream in which he marked reaching 20 million followers. Millions of people have been displaced by conflicts around the region, including in Syria and Iraq. Many Syrian refugees now reside in camps in Jordan and Lebanon, which also host large numbers of Palestinian refugees. The funds collected by AboFlah are expected to provide food, clothing and heating fuel to over 17,000 people as winter approaches. Nasreen Rabiean, the UNHCR representative in Kuwait, hailed the initiative and the “spirit of shared responsibility and solidarity”. AFP The post Somali YouTuber raises $1m for refugees appeared first on Caasimada Online.
  23. Ethiopia's government said Thursday it was on the verge of victory in its year-long war against Tigrayan rebels and vowed to fight on, in an apparent rebuke of international ceasefire calls. Source: Hiiraan Online
  24. Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo. Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, isla markaana aysan Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda. Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya. Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay dagaalka sii xoogeysanaya ee Itoobiya, ayna si dhaw indhaha ugu hayso xaaladda waddankaas. Dhanka kale Xooggaga Tigray ee la dagaallamaya dowladda Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gelitaanka caasimadda Addis Ababa, walow aysan dooneyn inay xukunka la wareegaan. Ciidammada Tigray aya weerarayey gobollada deriskooda ah Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed. “Dan gaar ah kama lihin in aan galno caasimadda si aan xukunka ula wareegno. Naguma jiro damac ah dhul ballaarsi. Ujeedka keliya ee aan leenahay ayaa ah in aan xaqiijino in Abiy uusan khatar ku sii ahaan shacabkeena. Haddii ujeedkaas aan ku gaari karno gelitaanka Addis Ababa, waan geli doonnaa,” ayuu yiri afhayeenka. Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka. Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in gelitaanka Addis Ababa ay meel adag gaarsiin doonto xaaladda bani’aaddannimo ee hadda ka taagan Itoobiya. Tigray – qodobada saldhiga u ah qalalaasaha Itoobiya waxay u qaybsan tahay 10 dowlad goboleed Xiisadda udhaxeysa dowladda Federaalka iyo gobolka Tigreega ee ay hogaamiso kooxda TPLF ayaa bilaabatay kadib markii raiisul wasaare Abiy uu xukunka qabtay bishii April 2018. TPLF oo mar awood badneed oo maamuli jirtay dowlada in kabadan 27 sannadood, waxaa booska ka saaray Abiy Axmed. Saddexdii bishii Nofember 2020 ayay ciidamada amniga ee gobolka Tigray ay weerareen saldhigyada ciidammada qaranka ee Tigray Mr Abiy wuxuu ku dhawaaqay khilaafka dabayaaqadii bishii Nofeembar, balse dagaalka wuxuu socday tan iyo markii la qabtay doorashooyinka qaran ee 21 Juun Xoogaga kacdoonka ee daacada u ah Jabhadda Xoreynta Tigray (TPLF) ayaa qabsadeen magaalo-madaxda gobolka ee Mekelle In ka badan 350,000 oo qof ayaa wajahaya xaalado macluul, iyadoo qiyaastii 5 milyan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Qaran News