Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) - A suicide bomber was the lone casualty in Mogadishu on Friday afternoon after he blew himself up on a busy street, according to senior Somali police. Source: Hiiraan Online
  2. Kismayo (HOL) - Several people were injured Friday morning following an IED blast in the house of a youth leader in Kismayo. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid Musharaxiinta Mucaaridka ayaa dalbaday in guddiga waan-waanta ka dhex wada madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, cadeeyan mowqifkooda. Waxay sheegen inay lagama maarman tahay in dadkii wada-hadaladaas waday ay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday, si loo ogaado mas’uulka diidan in horumar laga sameeyo arrimaha taagan. Sidoo kale waxay si wada-jir ah garab istaag ugu muujiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaga oo ku booriyay in uu hore u sii wado arrimaha doorashooyinka, maadama ay tahay midda keli ah ee xiligan isbedel horseedi karta. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri: Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo. Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo. Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale yiri: Waa cadeyd in Farmaajo rabin wadahadal iyo tanaasul midna, mana aheyn wax horay looga bartay inuu wax tanaasul ah sameeyo, odaytinimana muujiyo. Waa ku mahadsan yahay RW Rooble inuu muujiyey wax kasta oo tanaasul ah si xal loo helo ama dadka dadaalada wadahadal waday ay u soo quustaan. Waxaa laga doonayaa dadkii wadahadalada waday inay umadda u cadeeyaan xaqiiqda jirto iyo cidda xalka diiday. Sidoo kale waxaa laga doonayaa inay garab istaag buuxa u muujiyaan Raisu wasaaraha. Raisu wasaare Rooble waxaan u soo jeedinayaa inuu horay u socdo oo uu doorashada dardar galiyo, maadaama ay tahay wada kali ah ee isbadal keeni karta, dalka lagu samato bixin karo, cadaaladna lagu xaqiijin karo. The post Siyaasiyiin dalab cusub soo jeediyey kadib burburkii wada-hadallada Rooble iyo Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  4. Siilaanyo +Amb: Baashe Cawil+Boqor Cismaan +Guddoomiye Cirro. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta oo jimce ah gelinkii dambe wuxuu booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay hoyga uu ka degen yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii Hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Wuxuu ahaa kulan lagu waddaagay fikiro togan oo siyaasi ah iyo faallooyin guud oo ku saabsan waaqaca iyo waayaha waddanku marayo. Ugu dambayntii Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kalmad mahad-celin ah kusoo xidhay booqashadii iyo salaan sharafeedkii Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu yimid. Waxa kale oo kulankaas ku wehelinaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Somaliland. Muniir Axmed Cigaal . Source
  5. Maxkamada ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ee Somalia & Kenya Qaran News
  6. NAIROBI (HOL) - Business is back to normal at Yare Plaza, which hosts many Somali companies a day after word went around that a bomb could explode in the 10-storey building. Source: Hiiraan Online
  7. Degdeg:Qarax is-miidaamin ah oo Gilgilay Qeyb ka mida ah Magaalada Muqdisho Goordhaweyd Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay meel ku dhow inta u dhaxeysa Isbitaal Media iyo Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla xarumo ay degan yihiin saraakiil militari oo ka tirsan dowladda federaalka ah Soomaaliya. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakadaha qarxa. Wararka horudhaca ah ee ana heleyno ayaa sheegaya in illaa hadda khasaaraha kaliya ee la xaqiijiyey inuu yahay qofkii is-qarxiyey. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.” Qaraxa ayaa imanaya laba toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Qaran News
  8. AUKUS: USA-UK-AUSTRALIA PARTNERSHIP The new AUKUS Partnership, the new geopolitical alliance of Australia, the United Kingdom and the United States, to enhance security in the Indian and Pacific Oceans zone envisages the provision of the necessary technology by the United States and Great Britain to Australia be able to develop nuclear- powered submarines. This hasty move is clearly a change of strategy and policy in the wider region. With this move, the USA shows that it is returning dynamically to a zone of great strategic importance, in order to defend its own interests and those of its allies, and to put a brake on the aggressive moves of the ruling Communist Party of China and to limit its influence primarily in Pacific Ocean, but also in the Indian Ocean, the South China Sea and the Indochina Basin. Washington with AUKUS is redeploying its forces on the world chessboard to face China, the country that is perceived as the biggest threat to USA supremacy. Great Britain, after Brexit, is trying to strengthen its global role, to launch its new geopolitical identity, that of World Britain, and is “burning” to be more actively involved in the South Asia and Pacific zone, while Australia shares the Anglo-American concerns about the growing power of the Chinese dragon. The USA needed a quick “superpower” level geopolitical action under the regime of bad handling of withdrawing from Afghanistan and so turned to the Anglo-Saxon countries, with which it also has strong linguistic and cultural ties, while excluding negotiations with other powerful countries in area. In a statement issued by AUKUS on September 15 with the Prime Ministers of Australia and the United Kingdom, Scott Morrison and Boris Johnson, President Joe Biden emphasized that this was “an investment in our greatest source of strength, our alliances”. However, France’s non-invitation to the Partnership overlooks the fact that France has specific geopolitical interests in the Indian and Pacific region, both in terms of international security and because it has French overseas territories in the wider region. It has about 7,000 troops and has nearly 2 million civilians, including its island territories, such as New Caledonia and French Polynesia. The agreement provides for cooperation in many areas of defense and technology, information and quantum technology, as well as for the acquisition of cruise missiles, but its most important aspect concerns nuclear-powered submarines, which will be built in Adelaide, South Australia, with the involvement of the US and Britain. in a consulting role and know-how for their production. These submarines are much more difficult to detect than conventional ones, operate quietly and move easily. They are super-arms with state-of-the-art technology that the two countries have pledged since 1958 not to release to each other. Under the AUKUS agreement, at least eight nuclear-powered submarines will be built, but it has not been specified when they will join the Australian Navy, which has no nuclear infrastructure and therefore the process will be delayed. However, they will not carry nuclear weapons, as Australian Prime Minister Scott Morrison clarified. The Chinese government has also reacted to the announcement of a decision to equip Australia with nuclear submarines, accusing Washington that returns in logics reminiscent of the Cold War. It is clear that the data is changing at lightning speed and the whole planet seems to be watching the two greatest powers of the time prepare for all possibilities, even that of a military conflict. The sale of these eight nuclear submarines to Australia also raises the issue of nuclear energy, not the nuclear weapons not included in the sale, but the nuclear submarine propulsion reactors. It does not violate nuclear proliferation treaties, but if it finds imitators among countries negotiating their nuclear capabilities, such as Iran, the situation will become even more complicated. Most of the Indian and Pacific Oceans states concerned about China’s growing aggression are looking to the United States, not France, to balance Chinese power. So Japan and India, the two largest economies in the region outside of China, have welcomed AUKUS. Singapore, which has always carefully balanced its relations with the United States and China, also welcomed the agreement. New Zealand has also made positive comments about the new alliance and the role it can play in maintaining balance. However, he clarified that Australian submarines have no place in its territorial waters. On the other hand, the cost for this option seems to be very high because it alienates and divides the European allies. “The fundamental principles of any alliance are solidarity and transparency. “We are witnessing a complete lack of transparency and solidarity here,” said European Council President Charles Michel. “President Joe Biden owes explanations to France. Many questions remain unanswered. One of our Member States has suffered blatant and unacceptable injustice. That needs to be clarified before we get back to ours”, the head of the Commission, Ursula von der Leyen, also expressed her dissatisfaction in an interview with CNN. The rupture with France due to the cancellation of the order of 12 “Barracuda” type nuclear submarines, worth $ 90 billion, a critical aspect of “armaments diplomacy”, which clearly hurts the French shipbuilding industry and economy, and the justified great anger of the French government, strengthens the NATO crisis at a critical juncture. And at the same time, the sudden withdrawal of the United States from Afghanistan, without taking into account its allies, is creating a new landscape for collective security issues in a wider region. In closing, I would like to emphasize that the crucial and most important question that arises is whether AUKUS will be essential in trying to contain China. And the answer is that it was certainly at the level of political communication because it caused a stir and distracted attention from the humiliating defeat of the Americans in Afghanistan, but the real dimensions and the final results of this tripartite alliance, the goal of which is much more wide than the one mentioned in the announcement, are not yet visible. At the same time, however, the disorder and any split in the Western camp is very difficult to reverse or cure in a short period of time. Curriculum vitae Isidoros Karderinis was born in Athens in 1967. He is a novelist, poet and columnist. He studied economics and completed postgraduate studies in tourism economics. His articles have been published in newspapers, magazines and websites around the world. His poems have been translated into English, French and Spanish and published in poetic anthologies, literary magazines and literary newspaper columns. He has published eight books of poetry and three novels in Greece. His books have been translated and published in the United States, Great Britain, Italy and Spain. Social media Facebook: Karderinis Isidoros Twitter: isidoros karderinis Linkedin: ISIDOROS KARDERINIS Gettr: ISIDOROS KARDERINIS As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  9. Xafiiska Farmaajo oo ka hadlay fashilka wadahadallada Isaga & Rooble Madaxweyne Farmaajo Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa beeniyay inay fashilmeen wadahadalladii u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo isbuucyadii dhawaa uu dhexmaray khilaaf ballaaran oo saaameyn ku yeeshay howlaha dolwadda. Warar soo baxay mar sii horreysay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dadaalkan ayaa waxaa gar-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida horey loo baahiyay. Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul. “Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil,”ayuu ku yiri qoraal uu wasiirka Galmudug soo dhigay Facebook, qoraalkaas oo ay sii faafiyeen Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi iyo dad kale. Wasiirka madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale dhaliilay xafiiska madaxweynaha, oo ku sheegay in ” lagala kulmay caqabad”. “Iyadoo Raysal Wasaare Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cumar Shido. Xafiiska Farmaajo muxuu sheegay Ma jira ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, balse mas’uul ka tirsan Villa Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wadahadallada ay wali socdaan, filayaana inay guul ku soo dhammaadaan “Waxay na bogaadinayaan dedaalada guddoomiye Mursal iyo madaxweyne Qoorqoor. Waxaan ku kalsoonahay dedaalka socda in uu guul ku dhammaanayo,” ayuu yiri sarkaalaasi oo ka gaabsaday in magaciisa. Madaxwayne Farmaajo iyo rai’sul wasaare Rooble Waxaan sidoo kale ilaa iyo hadda arrintan aan ka hadlin xafiiska Ra’iisal wasaaraha. . Muxuu salka ku hayaa khilaafka? Khilaafka madaxwayne Maxamed Cabdulahi farmaajo iyo Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaabmay ka dib markii uu rai’sul wasaaraha xilka ka qaaday agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji daahir. Tallaabadan ayaa waxaa ka soo horjeedsaday madaxwayne Farmaajo oo shirci daro ku tilmaamay islamarkana dhankiisa u magacaabay taliyaha nabad-sugidda Yaasiin fareey. Labada masuul ayaa sidoo kale isku maan-dhaafay xil ka qaadistii wasiirkii amniga Xasan Xundubeey iyo magacaabidii uu rai’sul wasaaraha u magacaabay Cabdulahi Maxamed Nuur wasiirka amniga. Balse dulucda iyo xuddunta khilaafka ayaa ahaa arrinta Ikraan Tahliil oo ahayd sargaalad ka tirsanayd hay’dda nabad sugidda oo la sheegay in Shabab ay dileen. Al-shabab ayaaa dhankooda beeniyay warkii lagu daabacay warbaahinta dowladda ee ahaa in Ikraan ay iyaga afdubteen ka dib-na ay dileen. Caddaalad u raadinta Ikraan iyo waddada loo marayo ayaa noqotay mid uu khilaaf xooggan ka dhasho. Safarkii Ra’iisul wasaaraha ee Kenya Wuxuu khilaaf kale soo baxay markii Raysal Wasaare Rooble uu booqashada ku tagay dalka Kenya. Laakiin xafiiska Rooble ayaa xilligaas beeniyay in uu khilaaf u dhexeeyo labada masuul. Booqashada Rooble waxa ay muujisay inuu daggan yahay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan – Soomaaliya iyo Kenya – balse safarkaas wuxuu yimid maalmo ka dib markii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray wareegto uu ku mamnuucayay in wax heshiisyo ah lala galo dowlado shisheeye, ilaa inta ay ka dhammaanayaan doorashooyinka. Safarka Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Kenya ayaa ka dhashay casuumaad rasmi ah oo Uhuru Kenyatta u fididay. Waxaa warqadda casuumaadda Muqdisho ugu gyesay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Raychelle Omamo, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal. Markaasi ka dib ra’iisul Wasaaraha ayaa booqasho ku tegay Kenya, wuxuuna la kulmay madaxweyne Kenyatta. Kulamadaas loogama wada hadlin kiiska badda ee labada dal, sida uu Rooble sheegay. Heshiisyada caalamiga ah Bilowgii bishii August ee sannadkan, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad “taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.” Qoraalka Villa Somalia waxaa lagu sheegay: “Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta hantida qaran iyo madaxbannaanida dalka, wuxuu xeer Madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is-afgarad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga”. Balse, War-saxafaadeed ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaare xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wataan shaqadooda. War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri: “Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray ra’isul Wasaaraha.” Markaasi ka dib ayaa waxaa dadka qaar oo siyaasadda u dhuun daloola sheegeen in marka la eego qoraalladii ka soo baxay dhinacyada raysal wasaaraha iyo madaxweynaha ay muuqdeen in khilaaf soo kala dhex galay madaweyen Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo la xiriira kala aragti duwanaan ay dad badan u arkaan in ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah. Inkastoo Raysal Rooble gaashaanka u daruuray in jiri khilaaf u dhaxeeya isaga madaxweyne Farmaajo. Qaran News
  10. PRESS RELEASE UN General Assembly 2021: United Nations Secretary-General Antonio Guterres applauds African Development Bank’s global leadership on climate adaptation Adesina welcomed the UN Secretary General’s message and recognition of the African Development Bank’s actions ABIDJAN, Ivory Coast, September 24, 2021/ — Six weeks ahead of this year’s global climate summit (COP26), African Development Bank (www.AfDB.org) President Dr. Akinwumi A. Adesina on Thursday spoke out on the urgent need to finance climate adaptation. He called on the developed world to deliver on its promise of $100 billion per year for climate change. The African Development Bank chief was commenting a day after United Nations Secretary-General António Guterres made his keynote address to the United Nations General Assembly – a speech in which the UN chief spoke of a planet “sleepwalking to disaster.” Guterres sounded alarm bells for a world buffeted by climate change, conflicts, and the global pandemic of Covid-19. He called for “coalitions of solidarity” to address inequality, instability, climate change and what he said was the planetary emergency of our time. The UN Secretary General lauded the great strides of the African Development Bank. “The African Development Bank set the bar in 2019 by allocating half of its climate finance to adaptation. Some donor countries have followed their lead. All must do so,” Guterres said. “My message to every member state is this: Don’t wait for others to make the first move. Do your part.” Adesina welcomed the UN Secretary General’s message and recognition of the African Development Bank’s actions. He said action and not promises in the key areas of mitigation, finance and adaptation are critical. “Action to avoid the worst impacts of the climate disaster must start with developed countries making true on their commitment of “new, additional” and predictable climate finance from a floor of $100 billion per year. We must boost Africa’s capacity for climate adaptation,” Adesina said. In 2019 the African Development Bank invested $10.3 billion in development projects on the continent. Some $3.6 billion of this went to climate finance. This was a four-fold increase from 2016. In 2020, the Bank invested 63% of its climate finance in adaptation, surpassing the 50:50 parity for climate mitigation and adaptation called for by the United Nations. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay meel ku dhow inta u dhaxeysa Isbitaal Media iyo Villa Baydhaba ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo ilo-wareedyo amni. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla xarumo ay degan yihiin saraakiil militari oo ka tirsan dowladda federaalka ah Soomaaliya. Sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof soo xirtay jaakadaha qarxa. Wararka horudhaca ah ee ana heleyno ayaa sheegaya in illaa hadda khasaaraha kaliya ee la xaqiijiyey inuu yahay qofkii is-qarxiyey. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yiri, “24-09-2021 Abaaro 15:03 PM waxaa Qarax ismiidaamin qof naftii halliga ah isku qarxiyey inta u dhaxaysa Isbitaal Madiina iyo Villa Baydhaba, ma jiraan wax khasaare ah ee uu geystay qaraxaas, marka laga reebo qofka naftiisa haligay.” Qaraxa ayaa imanaya laba toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus. Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga. Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. The post Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay aagga Villa Baydhaba ee Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  12. “CALAF IYO CUGASHO” Buuggani wuxuu ka hadlayaa waayihii la soo maray, duruufihii adkaa ee qaxa, iyo sida dadka Soomaaliyeed u wajaheen. Waa wiil iyo gabadh Soomaaliyeed Saxarla iyo Saxardiid oo hammigoodu sarreeyey, hoygoodii jooga, hilaadinayeyna in ay dalkooda ka hawlgeli doonaan ciyoon, oo mar qudha hungo ku soo dhacay. Bar biloowga sheekadu waa Jaamacaddii Lafoole iyo 1990. Xuddunta sheekadu waa Harare Zimbabwe iyo sannado dhawr ah dabadood 1995. Xarragada sheekadu waa xabsiyo loo badheedhay, xuduudo la weydaaranayao, xirsixidh diimeed, xaqdhowr dhaqan; iyo xubbi aadminnimo oo xishood lagu marriimayo. Buuggani wuxuu tilmaan ka bixinayaa kartida iyo kalsoonida gabdhaha Soomaaliyeed. Saxarla, waa gabadh dhallinyaro ah oo iyada oo keligeed ah ubadheedhay inay wajahdo duruufihii adkaa ee lasoo dersay dadka Soomaaliyeed. Saxarla waxa dani labodilble ugu xidhaysaa magaalada Harare ee dalka Zimbabwe. Waa cidla iyo ciirsi la’. Iyada oo garoonka diyaaradaha ee Harare ka dhoofaysa oo baasaboorkii isla dalkaas Zimbabwe wadata ayaa la qabanayaa. Gabadh reer Zimbabwe ah oo ay UN-ta u wadashaqayn jireen, oo markeedii horeba imaanshaheeda Zimbabwe sabab u ahayd, ayaa damaanad ku soo deyneysa. Saxarla xaalka ay ku sugnayd waqtigaasi waa; “Cakuye hawl adduun badanaa, Ma cidlo ciirsi laan fadhiyaa, Cirkaa dheer, dhul kaa dheer Caways ma kuududaa” (Axmed Cali Cigaal.) Saxarla markan waa maxkamad suge. Muddada ay haysataa waa maalmo kooban. Goobtu waa waddan shisheeye. Saxardiid, ayaa si lamofilaan ah ugula kulmaya badhtamaha magaalada Harare. Saxardiid waa qaxooti tiisa la ciirciiraya, oo aan beerkiisa beer ka xigin. Waxa halkaa kaga dhacaysa. Saxardiid wuxuu galay halka ay Soomaalidu kaga maahmaahdo, “aniga oo aabbahay la la yaabban, ayaa aabbahayna aabbihii ii keenay!” Illeyn geed la cuskadaana. Rag talo kama dhammaato’e, Saxardiid wuxuu go’aan ku gaadhayaa inuu u badheedho samtobixinta Saxarla. Khatarta kaga imaan kartaa labadooda oo baxsanaya oo laamaha ammaanku gacanta ku dhigaan waa mid aan la malayn karayn. Yeelkeed, tii Allay noqon, Saxardiid way ka go’antahay inuu u badheedho khatar walba oo uu Saxarla ku badbaadin karo. Dhexda ayuu marada ku xidhanayaa. Saxarli waa qof dhiifoon, oo garasho dheer. Intaa waxaa u dheer keni-adayg, karti iyo dhiirranaan aan xad lahayn. Waa hablihii Soomaaliyeed ee Hadraawi ku sifeeyey. Hablo weerar geli kara Hablo geela dhicin kara Hablo geesi dili kara Gobonimana hanan kara Hablo talada goyn kara Garta madal ka niqi kara Garashaan iskaga mida Quruxdana ka wada gob ah Geesteenna mooyee Geyi kale ma joogaan! Waxa qoraagu buuggan ku soo bandhigayaa kalgacayl aadminimo oo duruufaysan; kalgacaylkaas oo aan daaha laga feydeyn dibnahana la soo marinayn, hase yeeshee, dareen-ficil lagu koolkoolinayo iyada oo diiinta iyo dhaqanka lagu dalandalinayo. Duruuf kasta oo adag oo ay la kulmaan, marnaba laga tallaabi maayo dhaqanka hufan ee Soomaalida iyo dhextaalka diinteenna xaniifka ah. Waxa qoraagu soo tebinayaa, qaabka wanaagsan ee xilka ku saaran loo guto iyada oo aan xarrago iyo xishood laga tegayn. Buuggani waa xusuus marna xoodaaminaysa maanka, marmarka qaarkoodna xadantaynaysa dhaawacyo iyo haaro qalbiga ku kaydsanaa oo inbadan oo inaga mid ahi soo mareen. Siyaasad, gobol, qabiil, iyo qaniinyo colaadeed midna qayb kama aha buuggan Calaf iyo Cugasho. Waa arrimo bulsho oo qof kasta oo inaga mid ahi meel ama meelo badan kasoo gelayo. Buuggani sheekada Saxarla iyo Saxardiid ha qaadaadhigo, laakiin, dulucda qoraagu qalinka u qaatay way ka qotodheer tahay sheeko labo qof u khaas ah; waxa sheekadan wax ku leh oo ay taabanaysaa, wiil kasta iyo gabadh kasta oo Soomaaliyeed oo duruufahan oo kale soo maray, ama haddaba ku dhexjira oo maraya; waa inteenna badan dadka Soomaaliyeed ee maanta nool wax taabanaya. Inta dhalan doontaana ay tahay in ay wax ka bartaan. Gobannimadii lix jirka gashay, ayaa qoraagu idin kabbasiinayaa. Waa Hanadyare oo isaga oo lix jir ah oo aan weligii dhul Soomaaliyeed arag, naftiisa khatar u geliyey in uu marti sooro rag Soomaaliyeed oo socoto ahaa. Geesi Ilaahay ma xilo’e, Hanad wuu ku guulaysanayaa in uu raggaas kafaalo qaato oo si gobannimno leh u sooryeeyo. Filashadii Gaarrisa iyo fajacii ka dhashay, waa qiso xanuukeeda iyo xusuusteeda leh oo buuggani idiin xantoobinayo. lamafilaanno badan, iyo taariikho la halmaala meerisyada buugga marba meesha la marayo, ayaad buuggan ka heli doontaa. Dhul iyo dad barasho kama madhna. Suugaantii Soomaaliyeed oo sixin iyo sabiib looga dhigayo sheekada buugga ayaad iyana buuggan kaga bogan doontaan. Buuggani wuxuu diyaar kuugu yahay amazon.co.uk lifaaqan hoose taabo. https://t.co/mceUCIqYF7?amp=1 SI WAXQORISTU DHAQAN INOOGU NOQOTO, QORAAGUNA DHIIRRIGELIN U HELO, QOF WALOOWBA QAADO NUQULKAAGA. Qore: Maxamuud I. Jaamac dalmarbilaal@gmail.com saxarlaiyosaxardiid@gmail.com Qaran News
  13. Dal dhex-dhexaad ka ahaa arrimaha caalamka 500 ee Sanadood ee ugu danbeeyay Dagaalkii Marignano In kasta oo Switzerland ay tahay dal buuraley ah oo xiran, haddana juqraafiga ay ku leedahay bartamaha Yurub iyo dhex -dhexaadnimadeeda, waa arrinta siisay xasilloonida siyaasadeed ilaa ay ka mid noqoto waddamada ugu qanisan adduunka. Qarniyo badan, Switzerland waxay ahayd waddan dhex-dhexaad ah taas oo macnaheedu yahay in aysan ka qayb-qaadan karin iska-horimaad hubaysan haddii aan la weerarin, waxayna u adeegsan kartaa oo keliya ciidamadeeda is-difaaca iyo amniga gudaha. Waxay ku biirtay Qaramada Midoobay sannadkii 2002, Waxaa ku hareereysan Midowga Yurub, waxay ka dhexbaxday inay raadiso xiriir dhow oo ay la yeelato deriskeeda awoodda leh iyo ururada kale ee caalamiga ah dhinacna, iyadoo doorbideysa waddo gooni u goosad ah oo dhinaca kale ah. Dadka reer Switzerland, waxay si toos ah u gutaan doodahooda quseeya qaabka loo xukumayo iyaga oo adeegsada waxa loo yaqaano nidaamka dimoqraadiyadda tooska ah taasi oo aan ka dhicin wadamada kale, halkaas oo muwaadiniinta loogu yeero goobaha codbixinta, sannadkiiba dhowr jeer, si ay ugu codeeyaan afti qaran ama gobol iyo hindisayaal caan ah. Maxay tahay sheekada dhexdhexaadnimada Switzerland? Khubarada taariikhda ayaa sheegaya in Switzerland ay tahay dal taariikhda horyaalka difaac dhexe oo laga sameeyay gobol aan lahayn awood boqortooyo. Muuqaalka magaalada Zurich Switzerland waxaa la aasaasay sannadkii 1291 taasi oo xilligaas ahayd isbahaysi la oran jiray Cantons oo ka soo horjeeday boqortooyadii Habsburgs, waxaana isbahaysigaas uu la magac baxay Isbahaysiga Switzerland. Deegaannada kala duwan (dhaqan ahaan loogu yeero Orte Jarmal), waxay ahaayeen inta badan dowlado madaxbannaan, oo ay ku midoobeen difaaca guud ee xorriyadda. Switzerland waxay ka badbaaday saamaynta dowladaha kuwa ugu sarreeya iyadoon la qabsanin, inkastoo khilaaf gudaha ah uu si ba’an u saameeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay dib-u-habayntii qarnigii 16-aad. Casriyadii dhexe Qarniyadii dhexe, dadka Swiss-ka aad bay uga fogaayeen dhex-dhexaadnimada iyo nabadda. In ka badan hal milyan oo calooshood u shaqeystayaal Swiss ah ayaa qarniyo badan ku dagaalamayay ciidamo shisheeye. Waxaa jiray ciidamo badan oo reer Switzerland ahaa oo xilliyadaas ka dagaalamayay wadamo shisheeye. Waxaa la yaab leh, in askarta la amaahiyo dhammaan waddammadaas oo si isku mid ahna ay ahayd in tallaabadii ugu horreysay ee loo qaado taas oo ahayd dhex-dhexaadnimada Switzerland. Dagaalkii Marignano Taariikhyahannada ayaa sheegaya in marka laga hadlayo xididdada sheekada dhex-dhexaadnimada Switzerland ay tahay in dib loogu laabto guushii Faransiiska uu ka gaaray ciidankii Switzerland ee Dagaalkii Marignano, bishii Sebtember sannadkii 1515, intii lagu jiray ololihii ugu horreeyay ee Taliyaaniga uu hoggaaminayey ee Boqor Francis I ee Faransiiska. Dagaalkaas waxaa uu ka dhacay meel u dhow tuulada Marignano, oo 16km kaga beegan koonfur-bari ee magaalada Milan. Dagaalkii Mariganano Dagaalka wuxuu keenay in Faransiiska uu dib u qabsado Milan iyo gunaanadkii Heshiiskii Nabadda ee Geneva ee 7dii Nofembar 1515 ee dhex maray Faransiiska iyo isbahaysigii Switzerland. Waxay ahayd iska hor-imaad caadi ah oo u dhexeeyay ciidamada lugta Switzerland, iyo ciidamada Faransiiska oo ku hubeysnaa madaafiic iyo Fardaan. Faransiiska ayaa si dirqi ah ugu adkaaday dagaalka, iyadoo ay jirtay in tira ahaan ciidamada Faransiiska ay aad u badnaayeen. Boqorka Faransiiska, Francis I, wuxuu damacsanaa inuu qabsado Duchy of Milan, sidaas darteed wuxuu is bahaysi ka helay Venice, wuxuuna ka gudbay Alps, waxayna ciidamadii Faransiiska qabsadeen Novara, waxayna u jiheysteen dhanka Milan, oo ay ka difaaceen xulafadooda Switzerland. Ka dib markii Switzerland ay la kulantay guuldarro iyo dhimasho aad u badan, dagaalkii Marignano, waxaa caddaatay in siyaasadaha fidinta ay kaliya horseedi doonaan burbur, islamarkana wixii xilligaasi ka dambeeyay, Switzerland waxay u janjeersatay dhanka nabadda. Dhex-dhexaadnimada shuruucda caalamiga ah Switzerland waxay si cad ugu dhawaaqday in ay dhexdhexaad tahay, sannadkii 1674. Shirkii Vienna ee la qabtay sannadkii 1815, waxaa lagu aqoonsaday dhex-dhexaadnimada Switzerland iyadoo lagu daray sharciga caalamiga ah. Switzerland waxay casriyeysay qaab-dhismeedkeedii siyaasadeed, markii la ansixiyay dastuurkii 1848-kii, oo ay ku jireen mabaadi’da xorta ah sida xuquuqda shaqsiga, kala-tagga awoodaha, nidaamka baarlamaan ee labada Aqal ee lagu aasaasay Kacaankii Faransiiska ee 1789-kii iyo Dastuurka Mareykanka. Wixii ka horeeyay 1848, colaadda gudaha aad bay u badnayd, laakiin Switzerland waxay ku naaloonaysay xasillooni gudaha ah ilaa bartamihii qarnigii 19aad. Waxaa laga sameeyay in ka badan 3,000 oo degmo ama dowlado hoose, oo ku yaal 26 maamul-goboleed, oo 6 ka mid ah dhaqan ahaan loogu yeero demikantons (kala badh koontiyada). Dhex-dhexaadnimo ‘firfircoon’ Ka dib dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, dhex-dhexaadnimadii Switzerland ayaa lumisay muhiimaddeedii, sababtoo ah shaqadeeda difaaca ayaa duugowday. Intaa waxaa dheer, Switzerland waxay bilowday in ay kaalin firfircoon oo sii kordheysa ku yeelato siyaasadaha caalamiga ah iyadoo sanado badan si wayn uga qeybqaadaneysay arrimaha bani’aadamnimada iyo xafiisyada caalamiga ah ee diblomaasiyadda ee loo arkayay in ay liddi ku yihiin dhex-dhexaadnimadeeda. Xitaa in ay ka mid noqoto Qaramada Midoobay waxaa loo arkayay inay la jaanqaadi karto dhex-dhexaadnimadeeda. Waxay UN ka mid noqotay sannadkii 2002. Dowladda Switzerland waxay codsigeeda ku qortay inay dhexdhexaad ka ahaan doonto arrimaha oo dhan xitaa haddii ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay. Ciidamada dalka Switzerland Switzerland weli waxay leedahay dood joogto ah oo ku saabsan waxa la jaanqaadaya dhex-dhexaadnimadeeda iyo waxa aan ahayn. Dhoofinta hubka, tusaale ahaan, waa il dakhli oo muhiim u ah Switzerland, laakiin badanaa waxaa loo arkaa in ay tahay mid xadgudub ku ah dhex-dhexaadnimadeed. Laga soo bilaabo 1953, Switzerland waxay ka qaybgashay ergooyin nabadeed, laakiin militariga Switzerland ayaa laga yaabaa in aysan ka qaybqaadanin dagaallada sababta oo ah waxay dhowreysaa dhex-dhexaadnimadeeda. Su’aasha ah in loo oggolaan doono in ay is hubeeyaan si ay naftooda u difaacaan ayaa ahayd arrin taaganayd illaa aftidii 2001-dii. Kala duwanaanshaha dadka Swiss Inta badan aqoonsiyada dhaqameed ee ugu weyn Yurubta Galbeed, Jarmal, Faransiis iyo Talyaani, waxay ku kulmaan Switzerland. Haddaba, mid ka mid ah astaamaha lagu garto dalkan waa kala duwanaanshaha afafkaas. Dastuurka Switzerland wuxuu u aqoonsan yahay Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga luuqadaha rasmiga ah. Laga soo bilaabo 1996, (Luqadda Gypsy), oo ah luuqad laga helo gobollada buuraleyda ah, waxay lahayd maqaam rasmi ah oo heer federaal ah. Bilowgii qarnigii labaatanaad, in ka badan saddex meelood shan meelood oo ka mid ah tirada guud ee dadka ayaa ku hadlay Jarmal, shan meelood hal-meel waxay ahaayeen Faransiis, qiyaastii 12% waa Talyaani, iyo in ka yar 1 boqolkiiba oo ku hadli jiray Roomaan. Ku dhawaad ​​toban meelood meel dadka ayaa ku hadla luuqad aan rasmi ahayn, iyadoo dadka ka soo jeeda Croatia, Portuguese, Serbia iyo Isbaanish ay ku jiraan qaybtaan. Qaybsanaanta qowmiyadeed ee dalka ayaa si weyn uga tarjumaysa kala qaybsanaanta luqadaha. Nabad waarta Switzerland waxay iska ilaalisay inay kala daadato sida waddammada kale ee qeybo ka mid ah caalamka. Dalka Switzerland waxay nabad ku naaloonaysay muddo dheer, waxayna ka badbaaday laba dagaal oo adduunka ka dhacay, qarnigii 20aad, markii la soo saaray fikradda “dhex-dhexaadnimo ee hubaysan”. Muwaadiniinta Switzerland waxay u codeeyaan arrimaha la isku hayo sida socdaalka Switzerland waxaa ixtiraamayey deriskeeda, waxaana taa xigay koboc dhaqaale, iyadoo Switzerland si fiican ula qabsatay kacaankii warshadaha iyo koboca suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah. Switzerland waxay waligeed tusaale u ahayd bulsho ka kooban qowmiyado kala duwan iyo afaf badan, oo ah meel ay dadyowga kala duwan ku noolaan karaan is-dhexgal bulsho oo ay u midoobaan danta guud, waana wax Swiss-ka ay ku faanaan. Sannadkii 1999-kii, Ruth Dreyfus waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah iyo haweeneydii ugu horreysay ee Yuhuud ah oo qabata jagada madaxweynenimo. Si ay ugu noolaadaan sidii unug isku xiran oo ay u ilaalin lahaayeen dhex-dhexaadnimada ay dammaanad-qaadeen, qaybaha kala duwan ee dadka Swiss-ka waa in ay bartaan wada-shaqaynta dhexdooda ah. Aragtida Swiss-ka waxaa si weyn u qaabeeyey baahi dhaqaale iyo mid siyaasadeed, taas oo ka dhigtay in ay noqdaan kuwo waaqaca ku nool, taxaddar leh oo caqli badan islamarkana aqbalay hal-abuurka iyo isticmaalka kheyraadkooda. Qaran News
  14. Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcagyaraha ayaa kulan dhiirigelin ah u sameeyay akadeemiyada Itaal oo magaalada Muqdisho ka aas aasay agaasimha Goobjoog TV ahna macalllinka Akadeemiyada Itaal Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar), waxaana munaasabada dhiirigelinta ka soo qeybgalay madaxda Xiriirka Minifootbolka iyo mas’uuliyeen kale. “Waxaan diyaar u nahay dhiirigelinta iyo garab istaaga Akadeemiyada Itaal, runtii waan ku amaanayaa dadkii ka danbeeyay is barashada akadameemiyada Itaal iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha” ayuu sheegay Xoghayaha guud ee Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya mudane Daa’uud Shire Maxamed. “Hadii aan ahay wakiilka Koonfur Galbeed ee Xiriirka Kubadcag yaraha waxaan balanqaadayaa in aan deegaanada Koonfur Galbeed ka dhisno akadeemiyada la mid ah tan uu aas aasay weriye Aweys Aar” ayaa isna munaasabada dhiirigelinta da’yarta Itaal ka sheegay Wakiilka Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Cabdirashiid Maxamed Ibraahim. “Goobjoog iyo Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya waxaa ka dhaxayso wada-shaqeyn ku dhisan horomarin, madaxda Xiriirka kubadcag yaraha waan kaga mahadcelinaynaa da’daalka muuqda ay ka wadaan dalka iyo dibadda” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Tafatiraha Goobjoog Media Group Mudane Hanad Cali Guuleed. “Ma garanayo si aan ugu mahadceliyo madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, waxaan diyaar u nahay in aan si dhaw u wada-shaqayno” ayuu munaasabaada ka sheegay aas aasaha ahna macallinka kooxda kubbadda cagta Akadeemiyada Itaal mduane Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar). “Warbaahinta Goobjoog way ku mahadsantahay horomarka ay na gaarsiiyay, hadii aanu nahay madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka, waxaan u hayaan abaal weyn” ayuu sheegay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle Mahadi. Daawo Warbixin Kulan Itaal Iyo SOMFA Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Daa’uud Shire Maxamed “Waa Muhiim Dhiirigelinta Shirkaddaha Ganacsiga Ee Horomarinta Xiriirka Kubadcag Yaraha” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  15. Hage (Caasimada Online) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku xaqiijisay inay ku dhowaaqi doonta xukunka kiiska muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, 12-ka October 2021. “Fadhi shaaacsan oo ay maxkamadda leedahay ayaa ka dhici doona 3:00pm xarunta Peace Palace ee Hague, markaasi oo madaxweynaha maxkamadda garsoore Joan E. Donoghue uu aqrin doono go’aanka maxkamadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay maxkamadda. “Ayada oo la eegayo xaaladda COVID-19, kaliya xubnaha maxkamadda iyo wakiilada dhinacyada ayaa jooga doona Hall-ka Cadaaladda. Xubnaha diblomaasiyiinta, warbaahinta iyo shacabka kale waxay awoodi doonaan inay aqrinta kala socdaan website-ka maxkamadda iyo UN Web TV.” Dowladda Soomaaliya ayaa dacwadda badda gudbisay sanadii 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii ay Kenya isku dayday inay wada-xaajood ku qaadato qeyb ka mid ah baddeena. Kiiska muranka baddeena ayaa dhowr jeer dib loo dhigay dhageysigeeda, ayada oo markii dambe ay maxkamadda dhageysigiisa guda gashay, ayada oo ka maqan tahay Kenya, oo la fahamsan-yahay in sheegashadeeda ay tahay mid aan sharci ku dhisneyn. Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda soo geba-gebeysay 18-ka March 2021. Soomaaliya ayaa maxkamadda u gudbisay dood afeedkeeda ugu dambeeyey15-kii iyo 16-kii March. Ma dhicin wax dhageysi ah 17-kii March kadib markii Kenya ay diiday inay ka qeyb gasho doodda afka ah ee maxkamadda ka socoto. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa sidoo kale 17-kii March 2021 ku gacan seertay codsi ka yimid Kenya oo ahaa inay dib ugu soo laabato dhageysiga dacwadda oo ay qaadacday 11-kii bishan, sida ay sheegeen guddiga matalaya Soomaaliya. The post Maxkamadda ICJ oo war cusub kasoo saartay kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya appeared first on Caasimada Online.
  16. (SLT-Muqdisho)-Warar soo baxayay saacadihii u dambeeyay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Dadaalkan ayaa waxaa gadh-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida hore loo baahiyay. Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul. “Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saacadood, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil,”ayuu ku yidhi qoraal uu wasiirka Galmudug soo dhigay Facebook, qoraalkaas oo ay sii faafiyeen Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi iyo dad kale. Wasiirka madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale dhaliilay xafiiska madaxweynaha, oo ku sheegay in ” lagala kulmay caqabad”. “Iyadoo Raysal Wasaare Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cumar Shido Source
  17. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay meelo kamid ah Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta barqadii waxaa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degmada Afgooye iyo degaanka Mareereey ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa goobjoogayaal sheegeen in lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo ka yimid dhinaca degaanka Mareereey kuna soo wajahnaa degmada Afgooye. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kale Ciidamada qaraxa kadib ay fureen rasaas farabadan. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada dowladda ee qaraxa lala beegsaday ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degaanka Muuri, halkaas oo dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen. Maamulka iyo laamaha amniga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxa lala eegtay Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. GOOB JOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  18. Warar madax-bannaan ayaa xaqiijinaya, in wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal, uu cabsi xooggan ka qabo in urur siyaasadeedka KAAH looga guulaysto doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha degaanka. Wasiir Abgaal, ayaa muddooyinkii dambe isku sawirayay barnaamijyada lagu fulinayo Canshuurta dadweynaha, gaar ahaana dib u-dayactirka waddooyinka, isago u isticmaalaya ololaha urur siyaasadeedka KAAH. Sidoo kale, wuxu jawaab kulul ka bixiyay dhaliilo kala duwan oo loo jeediyay urur Siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH, kuwaas oo uu ku tilmaamay been-abuur. Ururada siyaasadda Puntland ayaa wakhtigan ku jira ololaha doorashooyinka hordhaca ah ee dowladaha hoose oo dhowaan laga qaban doono saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn. PUNTLAND POST The post Xasan Abgaal oo ka walaacsan xaalada urur siyaasadeedka KAAH appeared first on Puntland Post.
  19. Wararkii Ugu Dambeeyay Qarax Ka Dhacay inta udhaxeysa wadada Mareerey iyo Afgooye Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax weyn oo si weyn looga maqlay inta udhaxeysa wadada afgooye iyo marerey oo ee Shabellaha Hoose, kaasi oo khasaare geystay. Qaraxa ayaa ahaa miino dhulka lagu Aasey oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka oo marayey wadadaas. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashag Qaraxa. Source: goobjoog.com
  20. Sanca (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku xukuntay 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Maxkamadda ayaa sidoo kale liiska 10-ka ee la xukumay ku dartay Boqorka da’da ah ee Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, waxaana dadka la xukumay loo heystaa xasuuq laba sano ka hor lee geystay arday reer Yemen ah. Riyaad al-Ruzaami oo ah garsooraha xukunka riday ayaa sheegay inuu seddexdaan eedeysane xukunka ku riday iyagoo ka maqan maxkamadda horteeda isla markaasna mar uun lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday. Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, waxaana xukunka ay soo saartay si weyn u hadal hayo warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Carabta. Xasuuqa loo heysto 10-kaan qof ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha xulafada Sacuudiga, waxaana sanadkii 2018 lagu beegsaday Bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA. Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Garsooraha Xukunka riday ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan 10-ka la xukumay laga rabo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta. Dadka kale ee xukanka kasoo muuqday ayaa waxaa kamid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen. The post Maxkamad dil ku xukuntay Trump iyo Maxamed Bin Salman appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - The Galmudug State Minister of Presidency, Omar Shido, has said that talks between President Farmajo and Prime Minister Roble have failed recently. Source: Hiiraan Online
  22. Mogadishu (HOL) - The Galmudug State Minister of Presidency, Omar Shido, has said that talks between President Farmajo and Prime Minister Roble have failed recently. Source: Hiiraan Online
  23. Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid ka quustay soo laabasho sidaas darteedna doonaya in uu rahmad ku fadhiyo kursiga Villa Somalia. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo diiday xallinta khilaafka taagan kadib markii Ra’iisul wasaare Rooble ogolaaday waan-waantii loo soo bandhigay labada dhinac. Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in aan wakhti danbe lagu khasaarin dhex-dhexaadinta Farmaajo iyo Rooble islamarkaana Ra’iisul wasaaruhu sii wado Arrimaha doorashada dalka. PUNTLAND POST The post Fiqi: Farmaajo waa quustay kursigana Rahmad buu ku fadhiya appeared first on Puntland Post.
  24. Waan-waantii laga dhex-waday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa fashil ku dhammaatay sida laga soo xigtay madaxtooyada Galmudug. Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Galmudug oo lagu magacaabo Cumar Shiddo ayaa sheegay in ay fashilantay waan-waantii labada dhinac uu ka dhex waday madaxweyne Axmed Qoor Qoor, kadib markii Villa Somalia caqabad ku noqotay. “Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan.” Wasiiru-dowle Cumar Shiddo ayaa tilmaamay in Galmudug mar kasta u taagantahay xallinta Khilaaf walba oo caqabad ku ah doorashooyinka iyo Amniga. “Galmudug waxay u taagan tahay in ay xaliso khilaaf walba oo hormarka, doorashooyinka iyo amniga caqabad ku ah, waxayna qeyb ka noqon doontaa dadaal walba oo dowladnimada Soomaaliya ku hana qaadi karto.” PUNTLAND POST The post Galmudug oo Villa Somali ku eedaysay fashilinta Wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.
  25. Nairobi (HOL) - Kenyan President Uhuru Kenyatta sent his Cabinet Secretary (CS)in charge of Internal Security Dr. Fred Matiang'I to Doha on Wednesday to deliver a message to the Qatari Emir Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani. Source: Hiiraan Online