Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,357
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Todobaad gudahiisa ilaa saddex qarax ayaa ka dhacday caasimadda Muqdisho, in ka badan 15 ayaa ku dhimatay, waxaana sidoo kale jiray khasaare hanti, sidaas ay tahay dalku waxaa sii socda khilaaf u dhaxeysa hey’adda fulinta gaar ahaa xafiiska madaxweynahii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble, oo ma jirto saansaan ay qaraxyada ku istaagi karaan. Haddaba, Maxaa keenay qaraxyadan, sababta ay u tiro bateen iyo maxaa xal ah ayey Goobjoog News hordhigtay madaxa machadka amniga ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud. Xuseen Macalin oo horay usoo noqday lataliyaha amniga ee madaxweyneyaasha Farmaajo iyo Xasan Sheekh waxaa uu qabaa in Al-shabaab aaney qaraxyo sameyn bilihii February ilaa July sababo la xiriira iyaga oo aan ogeyn meesha loo socdo, iyada oo ay badnaayeen aaggaga amniga. “Bilaha February ilaa July qaraxyo ma sameyn Al-shabaab, oo waxaa ay sugayeen in la kala baxo, waxaa caasimadda joogay Badbaado qaran, ciidan ayaa meel walba daadsanaa, waxaa badnaa aaggaga amniga, hadda waxaa ay dareemeen in hey’adaha amniga dabceen, oo amniga furfurmay, in lasoo celinaya fududeen, marka waa ka faa’ideysteen”. Dhanka kale, Maxaa xal ah mar aan weydiinyey waxaa uu ku jawaabay “Waa sii socon doonaan haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, oo aan laga heshiin”. Madaxa Hiraal Xuseen Macalin welwelka uu qabo waa in dib u dhac ku yimaado heshiis siyaasi ah oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hey’adaha amnigana la siyaasadeeyo, taasi ay keento in qaraxyada sii socdaan, taasi oo saamey doonta doorashada iyo guud ahaan nolosha dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Waxaa deeganada dowlad gobaleedka Puntland saaka ka bilaabmaya olalaha doorashada qof iyo codka ah ee deeganada Qardho, Eyl iyo Ufeyn. Doorashadaan oo waqtigeeda laga soo horumariyay ayaa waxaa ku tartamaya illa iyo sagaal xisbi siyaasadeed oo ka dhisan deeganada dowlad gobaleedka Puntland. Olalaha ayaa socon doona illa iyo 25-ka Ocboter iyadoo xisbiyada ay uu xisbi walba leeyahay seddax maalin oo uu olalihiisa ku sameysanayo . Guddiga doorashooyinka oo muddooyinkii u dambeyay diyaar garowga doorashada ayaa saaka daahfuray olalaha, iyadoo sidoo kale deeganada ay doorashada ka dhaceyso dadka loo sameyay tababaro ku aaddan hanaanka ay u marayaan codbixinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Kismayo (HOL) - Kenyan warplanes bombarded areas under Elwak district last night, according to local residents. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala bar-tilmaameedsaday barkoontarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar oo qoraalkan soo saartay ayaa shaacisay in ay si xoogan u cambaareyneyso weerarkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Sidoo kale Qatar ayaa tacsi uga dirtay dowladda Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi, iyada oo kuwa dhaawaca ahna u rajeysay caafimaad deg-deg ah. Qatar ayaa markale ku celisay diidmadeeda rabshadaha iyo aragagixisada, waxayna intaasi ku dartay inay garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soonmaaliya. Weerarkii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay agagaarka Villa Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay illaa sideed qof oo ay ku jirtay gabar ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 9 kale oo isugu jiro askar iyo dad kale oo rayid ah. Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sidoo kale dusha u ridatay kooxda Al-Shabaab oo shaacisay inay la beegsatay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay hadalka u dhigtay. Si kastaba, Qatar ayaa ka mid ah dowladaha saaxibka la’ah Soomaaliya, waxaana dowlada federaalka ah ay ka taageertaa dhinacyo dhowr ah, sida dhaqaalaha iyo dhismaha ciidanka. The post Qatar oo soo saartay war ku saabsan Soomaaliya (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.
  5. Waxaa saaka xiran dhamaan goobaha ganacsiga ee magaalada Wajeer ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya, kadib cabasho ay shacabka ka muujiyen ciidamada booliiska Magalaada. Ganacsatada ayaa sheegay in maalmihi la soo dhaafay ay ciidamada Booliiska magaalada ay gubeen dhowr ganacsi oo suuqa weyn ee magaalada ku yaalay iyagoo sidoo kale sheegay in ay ciidamadu qaateen qaar ka mid ah hantida shacabka. Dadka ku dhaqan magaalada ayaa sheegay in ganacsiga guud ee magaalada uu sidaan u sii xirnaan doono illa maamulka magaalada ay wax ka qabtaan ciidamada. Xirnaashaha suuqa ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaqaalaha maagalada, xilli maamulka Wajeer aysan weli bilaabin in ay xaliyaan cabashada shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Xildhibaan Cali Qaran oo golaha wakilada Somaliland ka tirsan ayaa faah faahiyay sababta keentay in kor u koco qiimihii Maciishada ee gudaha Somaliland. ” FB 1902.. Suuqa kirada contains oo kor kac xooga sameeyey 1) Noolkii containerka 40ft January 2021 $2800 ila $3500 Hada waxa uu marayaa Noolkii containerka 40ft bishan sept 2021 $11,000 ila 14,000$ 2) Noolkoo container 20ft January 2021 $1250 ila $1600 Hada waxa uu marayaa Noolkii containerka 20ft bishan sept 2021 $6000 – 7000$ Markaad faraqaa sidaa u badan eegto taasi waxa ay sababtay in ay kor u kac xad dhaafa ku keento meceeshadii dad badan oo danyarina awoodi waayeen in ay iibsadaan qawtudaruurigii. Ganacsatadeenu berigii hore xoog umay isticmaali jirin containerka hada tobankii sano ee u danbeeyey dhamaan ganacsigii waxa uu isu dedelay in lagusoo rito contains kaa halka markii hore la isticmaali jiray maraakiib dulfuran oo iyagu khanankooda ku soo qaada badeecada. Waxa aan soo jeedin lahaa si umada danyarta ah loogu naxariisto waa in ganacsatada waaweyni dub u bilaabaan maraakiibtii bangaaliyada ahaa ee ay raashinka ku keeni jireen si sixirka maceeshadu hoos ugu dhaco.” Xil. Cali Qaran. Source
  7. Xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya laba beelood ayaa saaka ka aloosan degaanka Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud halkaas oo labada beelood shalay dagaal xooggan ku dhexmaray. Dagaalka shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaanka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xananbuuro, xilli dhaqdhaqaaqyo xooggan ay ka socdaan deegaanka. Ciidamada dowlad gobaleedka galmudug ayaana weli ku bixin dagaalka, iyadoo ciidamada siada gaarka ah u tababar ee Gorgor oo ku sugan banaanka deeganka Xananbuure loo diiday in ay dagaalka kala dhex galaan, kadib markii mid ka mid ah beela ay ka biya diiday in ciidamada ay xiisadda damiyaan. Maamulka galmudug iyo Odoyaasha dhaqanka beelaha ayaa dhankooda bilaabay waanwaan ciidamada labada dhinac lagu kala qaadayo, iyadoo aanan weli dhaqan galin middaas. Dagaalkaan ayaa muddooyinkii u dambeyay deegaanka ku soo noqnoqonayay iyadoo ay Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Doorashada Saaka ka socota dalka Jarmalka ayaa waxaa Musharixiinta tartamaya ka mid ah Nuha Sharif Ali, oo ah gabar Soomaali ah. Nuha ayaa ka sharaxan gobalka Hessen iyadoo u sharaxan xisbiga Die Linke oo ka mid ah xisbiyada ugu waweyn ee dalka Jarmalka. Gabadhaan Soomaali Jarmalka ah ayaa ka mid ah kuwa u dooda xuquuqda dadka madowga ah iyo kuwa Islaamka. Nuha Sharif Ali, ayaa sidoo kale ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo u tartanta baarlamaanka dalka Jarmalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Waxaa gudaha dalka Jarmalka ka socda olalihii ugu xoogganaa ee doorashada Baarlamaanka dalkaasi oo maanta oo Axad ah dalka bilaabmaya. Dadweynaha ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, xilli musharixiinta ay soo gaba gabeeyeen olalohiidii mudada dheer u socday. Musharixiinta ugu cad cad ee doonaya in ay kursiga kala wareegaan kursiga Angela Merkel ayaa waxaa hogaaminaya Armin Laschet, Olaf Scholz iyo Musharxa xisbiga Die Grüne ee Annalena Baerbock. Markel ayaa la kulmeysa loolan keedii ugu adkaa abid ee doorashada iyadoo dhamaan hogaamiyayasha mucaaradka kala kulmeysa cadaadis xooggan. Codbixinta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo doorashada Baarlamaanka dalkaas Jarmalka, doorashada ayaana waxa ay ka dhaceysa in ka badan 299 deegaan doorasho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Xiisad dagaal iyo hub urursi u dhexeeya laba beelood, ayaa saaka ka aloosan degaanka Xananbuurre oo ka tirsan Gobolka Galgaduud. Labada beelood oo muddooyinkii u dambeeyay colaad ka dhex taagnayd, ayaa shalay dagaal ku dhexmaray degaankaas, waxaana weli labada dhinac isku hor-fadhiyaan goobihii dagaalka. Labada dhinac ayaa waxa soo gaaray gurmad xoogleh, waxaana laga cabsi qabaa in ay mar kale ku dagaaallaman degaanka. Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa socda, iydoo aysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado dhinacyada is hor-fadhiya sida ay sheegayaan weriyaasha Gobolka Galgaduud. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  11. On a rainy Friday evening in London not long ago, I welcomed a group of friends to my flat to enjoy a Somali culinary feast that I had spent hours preparing. Source: Hiiraan Online
  12. The security forces, including the army, the police, and NISA are already deeply divided by the dispute and pundits expect the military courts and the judicial system to be drawn in too, leading to serious worries about whether there will even be a state apparatus for the next president to inherit. Source: Hiiraan Online
  13. Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa xalay duqaymo culus ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaankaas. Duqaymaha ayaa khasaare kala duwan gaarsiiyay dadka reer miyiga ah oo ku nool baadiyaha degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Wararku waxay sheegayaan in duqaymahan oo ka dhacay degaannada Warbeele iyo Samaroole ay khasaare gaarsiiyeen dadka rayidka ah inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Dowladda Kenya ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay duqaymo la beegsato shacabka Gobolkaas iyadoo sheegaysa in ay Al-shabaab beegsanayso. PUNTLAND POST The post Dowladda Kenya oo diyaarado ku duqaysay dad rayid ah oo ku nool Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
  14. Waxaa saacadaha soo socda maanta magaalada Muqdisho tababar uga furmaya Ergooyinka dooranaya Senatarada Aqalka Sare ee dalka. Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ee Somaliland ayaa maalmihi la soo dhaafay waday bixinta shahaadooyinka Musharixiinta iyo diiwaan gelinta. Maanta oo Axad ayaa ergooyinka dooranaya Senatarada Aqalka sare ku matalaya Somaliland tababar looga furaya Muqdisho, iyadoo beri oo isniin ah ay bilaaban doonto dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare. Todobaadkaan ayaa lagu wada in guud ahaan doorashada Aqalka sare senatarada ku matalaya Somaliland lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho. Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdillahi iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka ayaa horay si wadajir ah ugu soo magacaabay Musharixiinta Aqalka sare Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto,ka dib markii ay halkasi ka fuliyeen weerarro milateri. Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegayAhmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan. Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa. Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba ruux. Iska hor imaadyo dhexmaray Falastiin iyo ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay in sidoo kale uu sababay shan dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka reer Falastiin. PUNTLAND POST The post Ciidamada Israa’iil oo Falastiniyiin ku laayay daanta Galbeed appeared first on Puntland Post.
  16. Ethiopia told the international community Saturday to steer clear of sanctions and avoid meddling over its war with forces from its Tigray region, and to let the African Union work on bringing all parties together. Source: Hiiraan Online
  17. (SLT-Hargeysa)-Magaaladda Hargeysa gaar ahaan Degmadda Ibrahim Koodbuur Waxa xalay Ka Dhacay Iska hor imaadka Laba Kooxood Kuwaas Oo Rasaas Isweydaarsaday. In Kasta oo Ay Qadar Kooban Socotay Dadkuna ay ku Tooseen waxa Ay Wararku sheegayaan In Ay Ahayd Muran dhinaca Dhulka ah, Lamana Oga Wax Khasaare Oo Ka Dhashay. Magaalada Hargeysa In dhaweyd Waxa Laga Raystay Muranka Dhinaca Dhulka Oo Mararka Qaarkood Sababi Jiray Khasaare Nafeed. Source
  18. Dhammaan goobaha ganacsiga degmada Wajeer ee Gobolka waqooyi bari waddanka Kenya ayaa maalintii saddexaad xiran kadib markii ganacsatadu ka carootay badeecado u rarnaa oo Booliska Kenya dab qabad-siiyay. Xubin ka tirsan guddiga ganacsatada degmada Wajeer ayaa warbaahinta u sheegay in ay go’aan ku gaareen in aysan furin xarumahooda ganacsiga inta laga xallinayo dhibaatada ay Booliiska Kenya ku hayaan. Ganacsatada ayaa sheegay in marar kala duwan ay cabasho ka gudbiyeen hab-dhaqanka Booliiska balse waxba laga qaban waayay. PUNTLAND POST The post Kenya: Ganacsiga degmada Wajeer oo maalintii saddexaad xiran appeared first on Puntland Post.
  19. Xildhibaan Guruuje oo u jawaabay Suldaan Saleebaan habaar Suldan Saleebaan waxaan odhan lahaa:. Saleebaanoow arrintii tiyaatarka ee aan Facebook kagga hadley 5 sanadood baad igaga cabanaysey , adigoo sheeganaya inaad tahey xisbiga kulmiye oo habeen iyo maalin u hadlana aniga iyo axmed yoonis oo ahaa musharixiintii reerka ee kulmiye oo waliba maalintii Soo dhawayntoodana aad isku sawirtayna hadana waad ka ololaysay , musharixiin waddani ahna waad u codaysay , inaad sabawanaag noo raacdo oo calankii kulmiye aad gaysana waadigii diidey . Sidaa markey tahey , waxaan ku odhan lahaa abti anigu wax kale oo aad 5 sanadood oo danbe aad igaga cabato iyo uurxumo sokeeye midna taag Uma hayee adigu ama afeef horre lahoow , ama adkaysan danbe , oo hadii aad saxaafadda dayn waydo hadhow ha IGA cabanin ilayn saxafiggii kamaal marajan ee Ina dhex galayna waakan joogee . Qaran News
  20. Doolow (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed ayaa shakay waxa uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Doolow, Cali Faarax Mire, wuxuuna wareegto uu soo saaray ugu magacaabay Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey) inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow. Xil ka qaadista Gudoomiyihii hore ayaa lagu sababeeyay ku takri-fal awoodeed iyo musuq maasuq. “Dhammaan laamaha amniga waxaa la farayaa inay la shaqeeyaan Gudoomiyaha cusub ee Degmada Doolow, Mudane Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey), si uu u guto waajibaadka adag ee horyaalla.” Ayaa lagu yiri wareegtada. Dhanka kale wararka ka imaanaya Degmada Doolow ayaa sheegaya in Gudoomiyihii hore ee degmada lagu xiray degmadaasi. Sarkaal ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo oo la hadlay Universal TV ayaa yiri “Gudoomiyihii Degmada waa la jirdilay, waana la xiray. Xabsi kunteenar ah oo ku yaala Degmada Doolow ayuu ku xiran yahay.” Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa yiri “Waddo sharci ah looma marin xariga Gudoomiyihii Degmada. Gudoomiyaha Gobolka Gedo xilka waa uu ka qaadi karaa, laakiin iskama xiri karo sharci ahaan, waxa lagu eedeynayana waa inay marka hore maxkamad ku caddeysaa, ka dibna la xiro, haddii la rabo in sharciga lagu dhaqmo.” The post Guddoomiyihii deegmada Doolow oo xilka laga qaaday, kadibna xabsiga la dhigay appeared first on Caasimada Online.
  21. Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa Sabtidii sheegay in aqoonsi Dowladnimo oo Taaliban la siiyaa ​​uusan hadda ahayn miiska wada hadalka saarayn. Wasiirka oo ka hadlayay shir jaraa’id oo dhinac socday kalfadhigii 76 -aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Lavrov wuxuu yiri: “Su’aasha ku saabsan aqoonsiga caalamiga ah ee Taalibaan xilligan xaadirka ah miiska ma saarna.” Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xiriir la leeyihiin Daalibaan, isla markaana ay aad muhiim u tahay inay Taliban fuliyaan ballanqaadyadooda. PUNTLAND POST The post Ruushka oo ka hadlay aqoonsiga Taalibaan appeared first on Puntland Post.
  22. Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay markale xalay ka fuliyeen qeybo ka mida gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan ay xoogeeda ka dhacday deegaano iyo tuulooyin hoostaga magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo lagu arkay diyaarado joog hoose ku socoda. Deegaanada la duqeeyey ayaa waxaa ka mid ah Warbeele, Buralaha-Samaroole iyo Golgola Cali, halkaas oo ay ku nool yihiin dad shacab ah, isla-markaana ah Xoolo Dhaqato. Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa shaaciyey in weerarkan dhanka cirka ah uu khasaare ka soo gaaray rayidka, balse ma cadda inta uu gaariisan-yahay tiro ahaan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku sugan deegaanada la duqeeyey ay bilaabeen barakac xoogan, si ay uga fogaadaan waxyeelo ka soo gaarta duqeymahaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gedo iyo maamulka gobolkaasi oo ku aadan duqeynta ka dhacday halkaasi. Xaaladda ayaa saaka deggan, balse dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya weerarada is-daba jooga ah ee ay Kenyo ka fulineyso gobolka Gedo oo ku yaal koonfurta Soomaaliya. S- kastaba, marar badan ayaa Kenya lagu eedeeyey inay tacadiyo iyo dhibaatooyin kale ay dadka shacabka ah ugu geysatay deegaanada Jubaland oo ay ka howlgalaan ciidamadeeda. The post KENYA oo markale duqeyn ka fulisay gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
  23. PRESS RELEASE Coronavirus: Africa CDC Encouraged by the Downward Trend of COVID-19 Cases in Africa The continent is still going through a severe third wave ADDIS ABABA, Ethiopia, September 25, 2021/ — The African Union (AU) through the Africa Centres for Disease Control and Prevention (Africa CDC) continues to lead the continent in the fight against the COVID19 pandemic. Since its outbreak, the viral infection has affected economies and millions of families, leading to a change in the customary way of living life. With several member states left dealing with the disease, the Africa CDC has continued to lead the fight against the pandemic by supporting several governments in several ways, including through the acquisition and distribution of vaccines. To date, the highly contagious variants of the coronavirus continue to spread across the continent. As of September 23rd, 8.1 million cases had been reported in the different member states, accounting for 3.6 percent of the COVID-19 cases reported globally. “The continent is still going through a severe third wave. 78 per cent of our member states are currently going through the third wave. And of these, 32 are experiencing a severe third wave. Seven countries, including Algeria, Benin, Egypt, Kenya, Mauritius, Somalia, and Tunisia, are currently experiencing the fourth wave. Of that number, four of them are going through a fourth wave”, said the director of the Africa CDC, Dr. John Nkengasong. However, the Africa CDC is encouraged by the recent downward trend in the number of coronavirus COVID-19 cases registered across the region. “Between the period of September 13-19, a total of 104,000 new cases were reported across the continent, and this represents a 22 percent decrease in the number of new cases reported during that period compared to the previous week.” “If you look at the four-week period between August 30 and September 19, we observed a 19 percent average decrease in new cases reported during this period. We continue to be encouraged by the progress we are seeing in several countries as they move towards full vaccination”, said Dr Nkengasong. SOURCE African Union (AU) Qaran News
  24. TACSIDA Md Siilanyo ee Marxuum AHN Maxamed Arabay INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynahii hore Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Qoyskiisa, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qoyskii, Qaraabadii, Waayeelka, Waxgaradka, shacabka Somaliland, & Ummada Islaamka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Arabey oo xalay 25/09/2021, ku geeryooday caasimada Somaliland ee Hargeysa, maantana lagu aasay Xabaalaha Baqiic. Md Axmed Siilanyo ayaa marxuumka Maxamed Arabay ku sifeeyey Waxgarad ku sifoobay nabada, door muhiimana ka soo qaatay, nabadayntii iyo dib u dhiskii waddanka. Waxaanu marxuumka Ilaahay SW uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Waxgaradka, Waayeelka, Shacabka Somaliland & Ummada Islaamka ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo, aamiin…aamiin…. Qaran News