-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mahdi Guuleed oo sheegay in Cabdi Xaashi lala tartami doono
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa muujiyay in malxiis siyaasadeed oo la tartama loo soo helay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in la tashiyo badan, kadib la go’aamiyay in kursiga kowaad ee Aqalka saree e laga soo doorto Somaliland lagula tartamo Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Wuxuu sheegay in Cabdi Xaashi uu la tartami doono nin lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen, oo sida muuqata malxiis siyaasadeed u noqon doona. “Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen” ayuu yiri Mahdi Guuleed. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed oo sheegay in Cabdi Xaashi lala tartami doono appeared first on Puntland Post. -
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, uguna baaqay Jaamacadda Carabta in ay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa. Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo sheegtay in ay garab taagantahay Suudaan oo muran xoogan kala dhexeeyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Biyo xireenka ay ka sameysatay Itoobiya webiga Nile-ka ayaa muddo badan waxaa ka taagana khilaaf, kaasi oo saameyn ku yeelan doona mustaqbalka Soomaaliya, sida uu sheegay Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin. Prof. Xasan oo PHD ka haysta xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in arrinta muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya aysan ku koobnaan doonin labada dal, maadama uu ku doodayo in Itoobiya ay u soo jeesan doonto Jubba iyo Shabeelle, kadib marka ay kasoo dhamaato Nile-ka. “Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxa uu saameyn nagu yeelan doona waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeelle soo aado ayey saameynta iman doontaa,” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Soomaaliya ay hadda taageero u muujiso Masar oo ay si weyn biyo xireenka Nile-ka iskugu hayaan Itoobiya, oo ayadu saaxiib dhow la ah madaxda sare ee dalka. “Haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Masar ay isku dan yihiin, saameyn xoogana ay bulshadooda ku yeelan doonto qorshaha Itoobiya ee keli faa’iideysiga. Muranka biyo xireenka Nile-ka ayaa muddo badan ka dhex taagna dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayada oo muddooyinkii dambe ay si weyn uga dhex tafantay Masar iyo Itoobiya, mana jiro ilaa hadda heshiis rasmi ah oo laga gaaray arrintaas. The post Ethiopia ‘oo usoo socota’ Shabelle iyo Jubba iyo farriin loo diray DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Maxay wasiir Filsan Cabdullaahi isaga casishay Golaha Wasiirada Xukumada Abiy Ahmed Filsan Abdullahi Ahmed Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee qirta in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah. Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto. Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. AFP Qaran News
-
Nin Mareykanka aad u raadinayey oo ay CIA damacday inay London ka qafaalato Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa qorsheysay in ay safaaradda Ecuador ee magaaada London ka afduubato aasaasaha bogga xogta xasaasiga ah soo bandhigta ee Wikileaks, Julian Assange, sida ay sheegeen saraakiil horay uga tirsanaan jiray sirdoonka. Saraakiishan ayaa barnaamijjka baaritaanka sameeya ee Yahoo News u sheegay in madaxda hay’adda CIA-da ay sidoo kale ka wada hadleen kaarajinta ninkaas, balse waxaa jiray walaacyo ku aadan sida sharciga loo waafajin karo fal dil ah. Madax sarsare oo ka tirsanaa maamulkii Donald Trump ayaa ka dooday walwalka laga qabo in tallaabadaas la qaado, sida ay saraakiishan ku andacoodeen. Warkan aya 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u hadal hayay inta badan warbaahinta dalalka reer galbeedka, oo uu ka mid yahay wargeyska New York Times. Yahoo ayaa markii ugu horreysay warkan sii daayay galinkii hore ee maalintii Axadda. Sida lagu sheegay warbixinta Yahoo, arrintan uu soo jeediyay agaasimihii xilligaas ee CIA-da, Mike Pompeo, oo markii dambena noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii Donald Trump. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa qabay walaac weyn, iyagoo xitaa dareemayay in ay khasab tahay inay wargeliyaan xubnaha Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka. In ka badan 30 sarkaal oo hore ayaa laga soo xigtay xogtan ugu dambeysay ee muujineysa in la isku dayay afduubka ama dilka Assange. Julian Assange CIA-da ayaa ka carootay baahinta kumannaan dukumiinti oo ku saabsan xogta militariga Mareykanka iyo xiriirka diblomaasiyadeed oo bogga Wikileaks lagu daabacay, taasoo daaha ka rogtay. Arrintaas ayaa horseedday in mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan hay’addan ay codsadeen “fasax” la xiriira in ay dilaan Assange, sida lagu sheegay natiijada baaritaanka. Mid ka mid ah saraakiishii sarsare ee la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inuu xasuusto in xilligaas 2ay xaaladdu u muuqatay mid aan xuduudo lahayn”, gaar ahaan markii ay wadahadlayeen xubnaha sarsare ee maamulkii Trump, sanadkii 2017-kii. Doodda ayaa billaabatay markii bogga Wikileaks uu daabacay xogta loo yaqaanno Vault 7 – oo ah sir lasoo dusiyay oo ku saabsan sida ay CIA-da u damacsaneyd in ay u dhacdo xogta shirkadaha adeegga telefoonnada ee Apple iyo Android. Wikileaks ayaa xilligaas shaaca ka qaadday in dowladda Mareykanka ay iyadoo aan loo fasixin jabsan rabtay macluumaadka telefoonno iPhone ah, Google, telefoonnada Android iyo telefishinnada Samsung. Faafinta xogta uu sii daayay bogga WikiLeaks waxaa lagu tilmaamay sirtii ugu weyneyd ee CIA-da laga dusiyay intii ay jirtay taariikhdeeda. Trump oo soo jawaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay saxnimada warbixinta uu soo saaray Yahoo ee sheegeysa in la qorsheeyay dilka aasaasihii WikiLeaks, Julian Assange. Trump ayaa sheegay in xogtaas ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Assange ayaa horay loogu xukumay inuu muddo 50 isbuuc ah ku qaato xabsiga Belmarsh, oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada London, ka dib markii bishii Abriil lagu helay dambi ah inuu jabiyay xeerka u yaalla dadka damiinka lagu sii daayo. Waxaa lagu xiray safaaradda Ecuador, halkaasoo uu sanadkii 2012-kii tagay isagoo magangalyo doon ah, si uu uga badbaado in waddanka Sweden loogu gacan galiyo eedeymo la xiriira kufsi, kuwaasoo uu dhankiisa beeniyay. Qaran News
-
Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Tanzania Sahra Cali Xasan, ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma. Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Safiirka Soomaaliya ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah. Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Tanzania oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay safiirka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kala ah Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka soo wada jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay uga soo hor jeedaan hanaanka ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed u maamulayaan doorashada kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga. Seddaxdaan siyaasi oo ra’iisul wasaare ku xigeen ka soo wada noqday dowladihii dalka soo maraya ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “lyadoo aan aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aan qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan loo siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah.” Siyaasiyiintaan oo nuoxurka qoraalkooda ku soo koobay shan qodob ayaa sheegay inay filayeen in doorshadaasi ay noqon doonto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, balse Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed markii ay la wareegeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ay u soo baxeen qodobada kala ah: 1 – Waxay si caddaallad darro ah oo baalmarsan sharciga iyo daah-furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan. 2 – Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1-aad kaligiis, si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey. 3 – Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xireen dad gaar ah, iyagoo si gef ah oo bareer ah liiska uga reebay tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono, si siman oo cadaalad ah. 4 – lyagoo sheeganaya magaca Guddoonka Sare ee doorashada Somaliland, waxay soo saareen habraac ay ku sheegeen in lagu maamulayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo aanay xaq u lahayn inay soo saaraan Habraac doorasho. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay heshiisyadii 17-kii Sep. 2020 , 1-dii Oktober2020 iyo 27-kii May 2021 ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran. Magacaa ay iskood ula baxeen meelna kagama jiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka ee soo baxay. 5 – Waxay fara galin ku sameeyeen Odayada Dhaqanka( Saxiixayaasha) qaarkood oo ay ka qaadeen xuquuqdii iyo masuuliyadii ay dadkii ay wakiilka ka ahaayeen u dhiibteen , taas oo aan horay loogu arag dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka leh dano gaar ah. Ugu danbayntii Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed qoraal ay soo saareen waxay baaq ugu direen Ra’iisul Wasaaraha Rooble, iyagoo ka dalbaday in la saxo qaladaadka ku jira doorashada, lana waafajiyo shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee lagu heshiiyey, waxayna soo jeediyeen in laga digtoonaado tan oo kale laga ilaaliyo doorashada Golaha Shacabka, loona qabto si caddaalad ah oo daahfuran. The post “Doorashadii xildhibaanada waqooyi oo noqon weysay sidii la filayey” – Siyaasiyiin soo saaray qoraal xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka ee gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in Talaadada maanta ay bilaaban doonto hadal jeedinta musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana oo horay loo soo saaray liiska xubnaha u tartamaya 11-kaas kuraasi ee reer waqooyiga. Guddiga ayaa dhamaan musharixiintii is diiwan gelisay ku war-geliyey in Talaadada maanta ee 28-ka bisha ay si rasmi ah u bilaaba doonto hadal jeedinta musharaxiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisyooni oo xeyndaabka Xalane ku taalla. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta. Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, subaxnimo Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. Khudbadaha musharaxiinta kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga oo loo balansanaa in Isniintii shaalay la bilaabo ayaa waxaa habeen ka hor lagu baajiyey qoraal ka soo baxay isla gudigaan, iyadoo aan weli la shaaciyey sababta keentay dib u dhacaas halka maalin ah. Qoraalkii horay uga soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa lagu yiri, “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga.” The post War cusub oo kasoo baxay gudiga maamulka doorashada xildhibaanada G/Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Raysalwasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa u sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu ka tallaabay dhammaan khadadka cas ee dalkiisa. Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay doonayso inay ka taliso Bariga Dhexe iyadoo ka abuuraysa dallad nukliyeer gobolka, wuxuuna ku adkaystay in Israa’iil aysan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hubka nukliyeerka. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay suurtogalnimada in Israa’iil kaligeed wajihi doonto Iiraan, arrintaas oo uu dalkiisu marar badan ku hanjabay. “Barnaamijka nukliyeerka Iiraan wuxuu gaaray heer biyo -galeen ah sidoo kale dulqaadkeenna ayaa isna gaaray heerkii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Bennett. PUNTLAND POST The post Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo hanjabaad u jeediyay dalka Iran appeared first on Puntland Post.
-
CAPE TOWN - Nine asylum seekers can renew their appeal for refugee status after the Supreme Court of Appeal (SCA) ruled on how refugee applications must be dealt with and adjudicated Source: Hiiraan Online
-
The 39th fleet of the Chinese People's Liberation Army (PLA) Navy set out from the city of Qingdao, in east China's Shandong Province, on Sunday to conduct an escort mission in the Gulf of Aden and the waters off Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda. Shalay ayey ahayd markii guddigu dib udhigay hadal jeedinta musharixiinta oo loo madlana 27 bishan Septemper. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Faahfaahino dheeri aya kaso baxaya Qarax caawa fiidkii ka dhacay Maqaaxi ku Taala Magaalada kismaayo, Caasimada KMG ee Maamul Goboleedka Jubaland. Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu nasto oo Loo yaqaan Xeebta Cagaha Gali oo ay dad shacab ahi ku cawayaynayeen. Khasaaraha ka dhashay Qaraxaas ayaa gaarya 5 qof oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, dadkan wax yeeladu sooo gaartay aya ubadan dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo abaabul ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan maamulkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ayaa lagu faray hogaanka Ahlu-Sunna inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud. “Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu faray ciidamada ayagu wata darajada iyo dirayskii ciidamada ee qeybta ka ah abaabulkan ay 24 saac gudahood ugu laabtaan xeryahooda, ciddii u hogaansami waysana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. “Waxaa u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan-siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda iyo duminta maamulka Galmudug in ay kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaq-dhaqaaqooda.” Taliska Ciidanka ayaa waalidiinta dhalintooda loo adeegsanayo abaabulka ka dhanka ah maamulka ugu baaqay inay ka ceshadaan caruurtooda raga hurinaya dhibaatada, sida lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntiina waxa qoraalka baaq nabadeed loogu diray beelaha colaaddu ku dhexmartay deegaanada Xanan-Buuro, ayagoona ugu baaqay inay ka wada-shaqeeyaan nabada iyo xasilinta deegaankooda, meelna iska dhigaan colaada soo noq-noqotay. “Waxaa bogaadineynaa dadaalada ay wadaan mas’uuliyiinta labada beelood iyo wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana kula talineynaa in ay sii wadaan howlaha nabadeynta.” The post Galmudug oo soo saartay digniin ku socota Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii hay’addaas ay si sharci-darro ah u ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Sidoo kale, wuxu wasaaradaha hawlaha guud, Qorshaynta iyo Maaliyadda in ay la wareegeen shaqadii ay u xil-saarnayd hay’adda waddooyinka PHA. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Puntland ku eedeeyay in ay joojisay dhammaan adeegyadii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaakka, Korontada iyo biyaha islamarkaana hay’adda laga jartay korontadii. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka horyimid qoraalka guddoomiye Cabdulqaadir Cali wuxuuna sheegay in isagu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda. “Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu yiri Xayir. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland: Hay’adda wadooyinka oo eedayn culus u jeedisay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen. Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo. Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen. Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe. Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay durba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna haatan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey. The post Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashiftay in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah. Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto. Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. AFP + VOA The post Wasiir Soomaali ah oo iska casishay xukuumadda Abiy Ahmed kadib sir ay kashiftay appeared first on Caasimada Online.
-
Galmudug ayaa sheegtay in hoggaanka Ahlusunna ay abaabul iyo kicin dagaal oo looga soo horjeedo maamulka Galmudug ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa lagu sheegay in Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ay 12-bishan deegaan Huurshe u yimaadeen siyaaro, hase ahaatee markii dambe ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Galmudug. Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha ciidamada ee raacay Ahlusunna ayay ugu baaqeen in ay 24 saac gudahood dib ugu soo laabtaan xeryohooda, ciddii diidana tallaabo laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in Ahlusunna ay wado abaabul dagaal appeared first on Puntland Post.