-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta soo saaray dalab xasaasi ah, kadib isku daygii dil ee uu xalay ka bad-baaday ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, isaga oo soo jeediyey in si weyn loo baaro diyaaradaha Drones-ka ah ee dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in isku dayga dil ee ra’iisul wasaaraha Ciraaq loo adeegsaday Drone qarax loogu soo xiray, sidaas darteedna uu ku talinayo in si madax bannaan loo xaqiijiyo waxa ay yihiin diyaaradaha lagu qabtay magaalada Muqdisho. “Maadama xalay Raysalwasaaraha Ciraaq uu ka badbaaday isku day dil oo loo adeegsaday drone qarax loogu soo xiray, waxaan dalbanaynaa in si madaxbannaan loo xaqiijiyo waxa ay tahay drone ka la sheegay in Xamar lagu qabtay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ha’yadaha iyo dowladaha waaweyn ee Soomaaliya haatan ka caawiya ammaanka inay laamaha amniga ku gacan-siiyaan baaritaanka diyaaradahaasi. Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku daray inay muhiim tahay in la ogaado halka ay ku socdeen diyaaradahaas iyo ujeedka laga lahaa. “Waa in hay’adaha iyo dawladaha naga gacansiiya tababarka ciidanka iyo arrimaha amniga ay hubiyaan nooca drone la qabtay, iyo halka ay ku socotay,” ayuu markale sii raaciyey. Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo gaaray illaa lix diyaarad ayaa waxaa dalka keenay, sida uu sheegay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo ujeedada uu u keenay ku sheegay inuu ku waraabinayo beeraha, sidoo kalena uu kula dagaalamayo Ayaxa, sida uu hadalka u dhigay. The post CC Shakuur oo soo jeediyey dalab la xiriira Drones-ka lagu qabtay garoonka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa laga soo xigtay in ay magaalada Baydhaba ku qabatay shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo doonayay in ay weeraro fuliyaan. Warbixin ay qortay wakaaladda Wararka SONNA, ayaa lagu sheegay in hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ay gacanta ku dhigtay Shabakad Alshabaab ay u diyaarisay qalqal-gelinta Amniga Baydhabo. Shabakadda ay Ciidamada Amniga ee NISA ay qabteen waxaa ku jiro dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan sida ay wakaaladdu sheegtay. PUNTLAND POST The post Shabakad ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab oo Baydhaba lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Nestcoin is Yele Bademosi’s latest crypto venture. In the last decade, bitcoin and other cryptocurrencies (and their underlying blockchains) have teased eye-catching use cases for their technology, from non fungible tokens (NFTs) and decentralized finance (DeFi), to decentralized autonomous organizations (DAOs). Despite their enthusiastic adoption around the globe, not everyone is convinced that cryptocurrencies are anything more than a dangerous fad (ask Jamie Dimon, Warren Buffet, Nassim Taleb, or the Chinese government). Central banks are happier to pursue their own digital currencies. And while Facebook, in its curious rebrand to Meta, hopes crypto will form a central role in its future success, FT columnist Jemima Kelly believes it will be as useless in the metaverse as it is right now in the real world. “The hypocritical fantasy that underpins crypto also lies at the heart of the metaverse,” Kelly wrote. “This isn’t about building a decentralized paradise where everyone can prosper and live in harmony; this is about making a small group of people rich.” That hasn’t stopped audacious attempts in emerging economies in Africa to make crypto and blockchain the norm for regular consumers. The latest example is Nestcoin, a Nigerian startup which launched today (Nov. 1). Nestcoin wants crypto to stop being confusing The adoption of cryptocurrencies has grown by 1,200% in Africa to $105 billion in market value in the last year alone, according to Chainalysis, a New York-based research firm. Rather than be another marketplace for people to trade crypto, Nestcoin is setting up as a parent company that builds and invests in products that will introduce crypto’s evolving uses to novices. As part of this effort, it aims to engage writers to explain complex crypto subjects such as DeFi, NFTs, DAOs, and more to consumers. It’s hoping that doing so will further encourage users to use its platform to make money, by playing games on a blockchain, and investing in digital art. Users will be able to trade high-value coins like bitcoin and ether within this one-stop shop. A user can decide to use one product without engaging with other ones. Yele Bademosi, Nestcoin’s CEO and co-founder, says the work of its media arm is key to the company’s broader goal of increasing crypto adoption. “The first problem you have to solve with crypto is making it easier to understand. You cannot use what you don’t understand,” he tells Quartz, citing a survey by crypto platform Luno that suggests 55% of Nigerians avoid crypto because they don’t know enough about it. (It’s 56% and 64% in South Africa and Kenya, respectively.) Nestcoin’s pitch with a media service is not dissimilar to Mirror, a publishing platform created by former Andreesen Horowitz partner Deniz Nazarov, which uses the ethereum blockchain to help writers share expert knowledge and earn royalties in cryptocurrency. Some Nigerian writers publish crypto-related topics on Mirror, but the difference with Nestcoin’s version could be that articles are shorter and more consciously framed as introductions for the uninitiated. Building crypto platforms is one side of Nestcoin Bademosi is looking to two successful businesses to inspire Nestcoin’s growth: Digital Currency Group (DCG), an American company that creates crypto products and invests in crypto startups; and Bytedance, the Chinese owners of TikTok and other consumer internet companies. By creating products and investing in others, Bademosi says, DCG and Bytedance have deep expertise in their separate industries, in ways that would not be possible if they chose to build or invest but not do both.Bademosi’s ambition for the company is grounded in his experience as a African tech entrepreneur. Before Nestcoin, he started a crypto exchange called Bundle in 2019, giving up his chief executive position in July. (The startup remains active). For a year, he was the director for Binance’s venture capital program in Africa. He began his career in this sector as the founding partner of VC firm Microtraction, one of Nigeria’s most active investors in very early-stage startups, and remains active in its operations. Nestcoin is part of a trend of African crypto infrastructure startups One of Bademosi’s first investments with Microtraction was in Buycoins, a Nigerian startup that used to be just a crypto exchange platform, but has slowly evolved into a holding company for other crypto products called Helicarrier. Helicarrier, at least for now, appears focused on creating financial products, while Nestcoin wants to dabble in NFTs and DAOs. But both companies are moving in a direction that suggests a new paradigm for what crypto companies should be in Africa, especially as regulators like the Central Bank of Nigeria crack down on crypto trading. That is, coin trading can’t be the only attraction for users. While it launches with a Nigerian team, including a veteran digital bank product manager and a former business news editor, Nestcoin’s ambitions are continental. Yet Bademosi will need Nigerians, who are among the most enthusiastic crypto traders in the world, to get on board and drive the network effects that will scale his platform. He is confident that Nestcoin will be able to do so by providing “a more cohesive way to experience crypto.” Source: Quartz Africa The post Nestcoin is a former Binance director’s plan to make crypto in Africa mainstream appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka xogyhayah guud ee Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya James Swan. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay dardargelinta doorashooyinka dalka iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka sida uu sheegay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka. Ra’iisul Wasaare Maxamedd Xuseen Rooble ayaa horay ugu boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabislan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo ku jira Kal-fadhiga 49-aad ayaa la fasaxay mudda saddex maalmood ah. Mudanayaasha ayaa la fasaxay saddexda maalmood ee Axad, Isniin iyo Talaado, si ay u soo akhriyaan Wax-ka-bedelka Xeerka Maandooriyaha Puntland oo shalay loo qaybiyay. Guddoonka ayaa ku wargeliyay xildhibaannada in ay fasax yihiin saddexdaas maalmood, islamarkaan waxa lagu ballamay in maalinta Arbacada dib la isu’gu soo laabto. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo la fasaxay saddex maalmood appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, oo ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin maamulkiisa in Tigree dalka laga difaaco. Cagjar oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka DDDS ayaa sheegay in haddii ay TPLF ay Addis ababa gasho ciidamada Soomaalidana ay gali doonaan si ay uga xurooyaan. “Aroorta Tigree baa Addis Ababa ku socda la yidhaa waxaad ogaataaan Soomaali addisababa ku socdana in aad maqlaysaan oo la gelayo, intay dawlad nagu noqdaan oo xerooyinka qabsadaan oo taangiyo soo qaataan diyaarado soo samaystaan oo iyaga oo dawlada nagu soo noqdana oo jigjiga ku dagaallanno marna in aanay dhacay, markaa haba yaraatee wax laga cabsadaa ma jiraan.” ayuu yiri madaxweyne Cagjar. Madaxweynaha ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in soo laabashada Tigrayga ay ku soo noqdaan awoodda dalka ay dhib ku tahay maamulka Soomaalida. ‘annagu waxaannu aaminsannayay Tigree soo laabta in aanu waddo noo ahayn’ ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar. Xaaladda dalka Itoobiya ayaa sii cakirantay kadib markii ay TPLF ay dagaalka kula soo biireen qowmiyado kale kuwaas oo aan dagaalka sanadka socda horay ugu jirin. Dagaalka Abiy iyo TPLF ayaa hadda sanad jirsaday kadib markii Abiy uu November sanadkii hore 2020 uu amray in awood militeri xukunka laga tuuro xisbiga TPLF ee ka ariminayay gobalka Tigrayga kaas oo qaaddacay muddo kororsi iyo doorasho ku shubasho uu ku tilmamay uu qabanayay xisbiga Barwaaqo oo uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Mareykanka iyo dowladdaha Yurub ayaa ku guuldareystay in ay kala qaadan xabadda sanadka socota kadib markii labada dhinac ee dagaalka ku jira ay diideen in wax wadahadal ah uula furo midba midka kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Jigjiga)-Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Jabhadda hubeysan ee Tigray-ga oo dagaal ku jirta Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya. Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Jigjiga, iyagoona taageero u muujinaya howlgalka Ciidanka Itoobiya ay kula dagaalamayaan Jabhadda Tigray-ga oo ku dhawaatay Magaalada Caasimadd ah ee Addis Ababa. Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa wata boodhadh ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin “Waxaan taageersanahay howlgalka Ciidanka Qaranka, ma iloobeyno weerarkii wuxushnimada ahaa ee TPLS ku qaaday Waqooyiga dalka”, waxaana dadka sidoo kale ay wataan Sawiradda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Magaalada Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka socda Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Jabhadda hubeysan ee Tigray-ga oo dagaal ku jirta Ciidanka dowladda Federaalka Itoobiya. Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Jigjiga, iyagoona taageero u muujinaya howlgalka Ciidanka Itoobiya ay kula dagaalamayaan Jabhadda Tigray-ga oo ku dhawaatay Magaalada Caasimadd ah ee Addis Ababa. Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid yihiin “Waxaan taageersanahay howlgalka Ciidanka Qaranka, ma iloobeyno weerarkii wuxushnimada ahaa ee TPLS ku qaaday Waqooyiga dalka”, waxaana dadka sidoo kale ay wataan Sawiradda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Source
-
Ra’iisulwasaaraha dalka Ciraaq Mustafa Al-khadimi, ayaa xalay ka badbaday isku day lagu doonayay in lagu qaarijiyo. Isku dayga dilka ra’iisul wasaaraha ayaa ka dhacay xilli dambe xalay hoygiisa kadib markii lagu soo weeraray hoygiisa diyaarad nooca drone-ka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa. Mid ka mid ah ilaalada ra’iisul wasaaraha ayaa qaraxa diyaaradda uu ka soo gaaray dhaawac. Mustafa ayaa qoraal uu soo dhogay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu aad uga xunyahay dhaawaca soo gaaray Ilaaladiisa. Xaaladda dalka Ciraaq ayaa aad u kacsan labadi maalin ee la soo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ankara)-Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sannadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo helo nabad iyo xasillooni. Maamulka Recep Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo kooxda TPLF. Baaqan ayaa imanaya xilli dalal ay ka mid yihiin US,UK iyo Belgium ay ku baaqeen xabad joojin, Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sanadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ku baaqay in la joojiyo dagaalka iyo in laga fogaado hadalada xanafta leh ee nacaybka ah iyo hurin colaadaha iyo kala qaybinta. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 7 milyan oo qof oo ku nool gobolada Itoobiya ee Tigreega, Axmaarada iyo Canfarta ay u baahan yihiin gargaar, kuwaas oo ay ku jiraan 5 milyan oo qof oo ku nool Tigray halkaas oo ilaa 400,000 oo qof lagu qiyaasay inay la nool yihiin xaalado macluul oo kale ah. Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) ayaa Jimcihii diray codsi ay u direen askartii hore si ay u soo laabtaan si ay u xoojiyaan difaacyada ka dhanka ah Ciidamada Difaaca Tigray (TDF). Baaqa ayaa si kastaba ha ahaatee ku salaysan shuruud ah in ciidamada cusub ee loo soo dirayo dalka ay ‘aqoonsadaan oo ay aqbalaan dastuurka jamhuuriyadda dimuqraadiga federaalka Itoobiya oo ay aaminsan yihiin madax-banaanida iyo midnimada shacabka oo ay diyaar u yihiin in ay si adag ugu adeegaan. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa heshiis rasmi ah oo laga gaaray hannaanka saami qeybsiga ee Kheyraadka dalka, kaas oo muddo soo socday, isla-markaana ay soo wadeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka. Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran ka soo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa ugu dambeyn si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka, kaas oo muhiim u ah ka faa’iideysiga kheyraadka. Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka Batoolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ka warbixiyey heshiiskan ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horumarka loo qaaday. “Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa ku howlan in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo, loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka. Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, si dadka Soomaaliyeed iyo dalkaba ay u gaaraan horumar ballaaran. The post Muxuu yahay heshiiska laga gaaray saami qeybsiga Kheyraadka dalka? appeared first on Caasimada Online.
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya waxaa maanta ka dhacay dibad-bax ballaaran oo looga soo horjeeday jabhaddda hubeysan TPLF ee haatan dagaalka kula jirta ciidamada dowladda federaalka ee Itoobiya. Boqolaal shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Jigjiga, si ay taageero ugu muujiyaan ciidamada milatariga Itoobiya ee wada howl-galka ka dhanka ah TPLF. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay boorar ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan xaaladda sii cakirmeysa ee dagaalka ka socda waddanka Itoobiya. Erayada ay isticmaanayaan dibad-baxayaasha waxaa ka mid ah “Waxaan taageersanahay howl-galka ciidanka Qaranka, Ma iloobeyno weerarka wuxushnimada ah ee TPLF ku qaaday waqooyiga dalka iyo Ereyo kale oo ay shacabka Jigjiga ku cabirayaan dareenkooda. Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa gacsmaha ku sitay boorar waa weyn oo lagu soo xardhay sawirka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Banaan-baxan ayaa daba socday khubadii uu shalay jeediyey madaxweynaha deegaanka Mustafe Cagjar oo walaac ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, haddii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto. Si kastaba, Itoobiya ayaa ku jirta xaalad jahwaeerer ah oo ka dhalatay dagaalka ay wado jabhadda TPLF oo haatan ku sii dhowaaneysa magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. The post Sawirro: Dibad-bax ka dhan ah TPLF oo ka dhacay Jigjiga appeared first on Caasimada Online.
-
Taagerayaasha xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhigay isku soo baxyo ay kaga soo horjeedaan Warbaahinta caalamiga ah ee ka howl gasha Itoobiya taas oo ay ku eedeyeen in ay baahiyaan warar been ah. Banaanbaxa Tageerayaasha ayeey ku sheegeen in warbaahinada Caalamiga ah ee ka jira gudaha dalka ay baahiyaan warar iyo boranbogaaddada dowladda looga soo horjeedo. Taageerayaasha isku soo baxa dhigayay ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin “Joojiya wararka Beenta ah”. Boorarka banaanbaxayaasha ayaa u badnaa kuwa ay kaga soo horheedaan warbaahinada BBC iyo CNN kuwaas oo ay diideen wararka xasaradaha ah ee dalka laga tabiyo. Itoobiya ayaa waxaa sii xoogeysanaya dagaalka sanad jirsaday ee u dhaxeeya Abiy iyo Tigray iyo xulafadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Addis ababa ku sugan dhamaan Ajaanibta iyo diblomaansiyiinta dowladaha reer galbeedka ee ka howl galayay dalka Itoobiya kuwaas oo lagu Amray in ay isaga baxaan dalka. Safaaradaha dalalka yurub ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa horay muwaadiniintooda ugu baaqay in ay isaga baxaan Dalka kadib markii ay adkaatay xaaladda Itoobiya. Ciidamada Tigrayga ee dagaalka kula jiro kuwa Itoobiya ayaa dhankooda waxa ay kaabiga ku soo hayaan magaalada Addis ababa oo ay sheegen in dhawaan la wareegi doonaan. Muwaadiniinta Ajaanibta ah ee ku sugan caasimadda Itoobiya ayaa saaka indhuhu qabanayeen iyagoo ku sii qul qulaya madaarka caalamiga ah ee diyaaradaha oo ay ka dhoofayaan. Source: goobjoog.com
-
Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida waxa saaka ka socda bannaanbaxyo waaweyn oo looga horjeedo Jabhadda TPLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya. Kumanaan kamid ah Shacabka Jigjiga ayaa saaka buuxiyay waddooyinka magaalada si ay taageero ugu muujiyaan ciidamada Milatariga Itoobiya ee dagaalka kula jira jabhadda Tigreeyga ee TPLF. Dibad-baxayaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah jabadda Tigreey ee TPLF kuwaas oo sidoo kale lagu taageerayo hawlgalka dowladda Itoobiya kula dagaallamayso Kooxahaas. Magaalooyin kale oo ka tirsan Itoobiya ayna ku jirto caasimadda Addis Ababa ayaa sidaan oo kale maanta looga dhigayaa bannaanbaxyo ka dhan ah xoogagga TPLF. PUNTLAND POST The post Bannaanbaxyo looga horjeedo Jabhadda TPLF oo ka socda magaalada Jigjiga appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga wasaaradaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka. Wasiirka Badtoolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa tallaabo muhiim ah ku tilmaamay heshiiskan. “Waa talaabo muhiim ah oo hubaashii kaalin ka ciyaareysa dadaaladeena aan ku sahmineyno ugana faa’iideysaneyno kheeyraadkeena, si aan ugu faa’iideyno Qarankeena,” ayuu yiri wasiirka badroolka iyo macdanta XFS Cabdirashiid Maxamed Axmed. Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarisay in ay ka faaa’iidaysato kheyraadkeeda dabiiciga oo noocyo kala duwan leh, waxayna Dowladda Federaalka ku howlan tahay in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo kheyraadka dalka. PUNTLAND POST The post Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka oo la ansixiyay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa maamulka Puntland oo xalay ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday agagaarka xarunta Taraafikada Garoowe, waxayna u dhexeysay ciidamo ka tirsan xaruntaasi iyo kuwa kale oo ilaale u ah madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan oo loo yaqaano (Karaash). Inta la xaqiijiyey waxaa iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac ku dhaawacmay ugu yaraan hal askari, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay. Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Taraafikada ay gaari ka xereeyeen ciidanka madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo keentay inay wada dagaalamaan. Sidoo kale waxaa shaqaaqada kadib goobta ay wax ka dhaceen waxaa gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay dagaalka ka dhacay halkaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in falka kadib xabsiga loo taxaabay illaa afar askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada u ah Axmed Karaash, kuwaas oo su’aallo laga weydiinayo, sida ay wax u dhaceen, waxaana loo heystaa inay iyagu bilaabeen rasaasta. Weli ma jiro wax faah faahin ah oo ka soo baxay taliska Booliska ee Garoowe oo ku aadan dhacdadaais, waxaase weli socda baaritaano ay wadaan laamaha ammaanka. Garoowe ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo dhex-maray ciidamada Puntland dhexdooda, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa dadka rayidka ah. The post Askar ka tirsan ilaalada Axmed Karaash oo lagu xiray Garoowe + sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Regional leaders worry escalating violence in Ethiopia could make it difficult to end the crisis, signalling a dangerous path for the country. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq Mustafa al-Kadhimi ayaa ka badbaaday weerrar lagu soo qaaday gurigiisa ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimadda dalkaas. Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in hoyga ra’iisul wasaaraha oo ku yaal aagga Green Zone-ka loo yaqaan lagu soo weerraray diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ee drone-ka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Al-Kadhimi ayaa sida la xaqiijiyay ka badbaaday isku daygaas dil waxaana farriin kooban uu ku sheegay in uu bed-qabo islamarkaana la is dejiyo iyadoo la dhawrayo danta guud ee Ciraaq. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ciraaq oo ka badbaaday isku day dil appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa ka digay in ciidammada deegaankiisu ay diyaar yihiin in fallaagada Tigray-ga ay ka difaacaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Mustafe Muxumed Cagjar oo xalay magaalada Jigjiga kula hadlayay qaar ka mid waxgaradka deegaankaasi ayaa sheegay in aanay aqbali doonin cidkasta oo Addis Ababa timaada oo maamul u sooo dhista deegaanka ama keenta ciidan aan kan federaalka ahayn. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xaaladda taagan aanay u baahnayn mucaarad iyo muxaafad ee ay tahay oo kaliya in cadowga laga wada hortago, sla mar ahaantaana ka maamul ahaan aysa dan u ahay soo laabashada Tigray. ‘annagu waxaannu aaminsannayay Tigree soo laabta in aanu waddo noo ahayn’ Mar uu ka hadlayay fallaagada Tigray iyo waxa maamulkiisa uga qorshaysan waxa uu sheegay in aanay marna aqbali doonaan in Tigreegu ay qabsadaan magaalada Addis, haddii ay dhacdana in ay iyaguna ay geli doonaan oo halkii dagaal ku dhex mari doono. ‘Ciidan qoomiyadeed oo Addis Ababa soo gala, inaan la dagaalanno ayaa noo qorshaysan, waxaannuna aamminsannahay ciidan qaran oo aan ka Tigreega ka yarayn oo wax qabsan kara in aannu haysano” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe. Aroorta Tigree baa Addis Ababa ku socda la yidhaa waxaad ogaataaan Soomaali addisababa ku socdana in aad maqlaysaan oo la gelayo, intay dawlad nagu noqdaan oo xerooyinka qabsadaan oo taangiyo soo qaataan diyaarado soo samaystaan oo iyaga oo dawlada nagu soo noqdana oo jigjiga ku dagaallanno marna in aanay dhacay, markaa haba yaraatee wax laga cabsadaa ma jiraan.” ayuu sii raaciyey hadalkiisa. Dhanka kale Mustafe Cumar ayaa ku eedeeyey Tigray in qorshahoodu yahay in maamulka dadka deegaanku lahayn, ay rabaan in ay u dhisaan isaga oo tusaalo u soo qaatay isbahaysigii washinton ka dhacay. Isbahaysigaas oo agaal urur ay Washington kaga dhawaaqeen ayaa qorshuhu yahay olole xukunka xoog lagaga tuurayo ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Waxaa isbahaysigaasi ka mid ah urur aan horay loo aqoon oo magaciisa lagu sheegay Somali State Resistance, uuna hogaamiyo Maxamuud Ugaas Muxumed Kaas oo ah kan uu durba Madaxweynuhu shakiga ka muujiyey. BBC-da ayaa waxaa u suurogashay inay wareysato Maxamuud Ugaas oo hadda ku sugan Washington, waxa uu sheegay in ujeedka loo asaasay ololihiisa uu yahay in “qofkasta uu helo xuquuqdiisa madaxbanaanida oo sidaa lagu wada joogo ama lagu kala tago.” Waxa uu yiri dhammaan ururada isbahaysigan waxay ka mideysan yihiin hadafka ah in lagu wada noolaado Itoobiya loo dhanyahay ama in lakala tago. Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF. Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxeysa sababta ay dowladda federaalka Soomaaliya dalka uga ceyrisay ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Simon Mulongo. Warqad 4-tii November kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda ayaa Simon Mulongo ku eedeysay “inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga Soomaaliya,” waxayna ku amartay inuu dalka uga baxo toddoba maalmood gudahood. Ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa horey Caasimada Online ugu sheegay in Mulongo uu ku kacay xadgudubyo ay ka mid yihiin; arrimo dhaawacaya qarannimada Soomaaliya, baqemaal (Black Mailing) ka dhan ah siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah madax Soomaaliyeed, u jaajuusidda hay’ado shisheeye, iyo qodobo kale, Xog cusub oo aan helnay ayaa sheegeysa in arirnta dhaawaceysa qarannimada Soomaaliya ee lagu eedeeyey Mulongo ay tahay inuu caqabad ku noqday qorshaha kala guurka Soomaaliya “Somali Transition Plan” oo ah isku dayga ay dowladda Soomaaliya ku dooneyso inay Amisom ugala wareegto amniga, dalkana ay uga baxaan ugu dambeyn 2023. Midowga Afrika ayaa bishii tagtay soo jeediyey qorshe kaas ka duwan oo ah in howlgalka Amisom loo beddelo mid ay ku mideysan yihiin QM iyo Midowga Afrika, kaasi oo dowladda federaalka ay ka hortimid. Mulongo ayaa la rumeysan yahay inuu yahay maskaxda ka dambeysa qorshahaas, ay sida weyn u diiday dowladda federaalka. Maalin ka hor inta aan la ceyrin Mulongo, 3-dii November ayaa wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Cabdirisaaq waxa uu twitter soo dhigay qoraal u muuqday inuu horudhac u ahaa ceyrinta Mulongo “Soomaaliya waxay xaqiijin doontaa hirgelinta Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, qof walba waa lagula xisaabtami doonaa ficilladeeda, cidna looma ogolaan doono inay carqaladeyso qaranka Soomaaliyeed, ma joogno meel aan dib uga laabano,” ayuu yiri. Mulongo oo isaga oo Muqdisho jooga khadka taleefonka kula hadlay wargeyska Daily Monitor ee dalka uu kasoo jeedo ee Uganda ayaa yiri “aad ayaan ula yaabay ceyrinta sababtoo ah waxaan ogahay inaan sameyn wax khalad ah.” “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,” ayuu yiri Mulongo. Mar wax laga weydiiyey tallaabada xigta, Mulongo waxa uu sheegay inuu hoggaanka Midowga Afrika ka sugayo inay jiheeyaan, sidaas darteedna uusan waxba oran karin. The post XOG: Qorshaha DF ee uu caqabada ku noqday Simon Mulongo ee keenay in la eryo appeared first on Caasimada Online.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Urur aysan dunida horey u maqaly oo isku magacaabay Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda ayaa sheegtay inay afduubteen laba askari oo Israeli ah. Barnaamij baaris ah oo uu Jimcihii sii daayey taleefishinka Aljazeera, ayey kooxdan ku sheegtay inay afduubteen labadan sarkaal “xilli ay howlgal amni oo qarsoodi ah ka fulinayeen meel ka baxsan Israel.” Barnaamijka ayaa baahiyey muuqaallada laba nin, oo afduubayaasha ay sheegeen inay yihiin laba askari oo Israeli ah. Mid ka mid ah labada nin ayaa magaciisa ku sheegay David Ben Rousey, wuxuuna magaca saaxiibkiis ku sheegay David Perry, ayaga oo intaas ku daray inay yihiin Israa’iiliyiin. Ururkan ayaa sidoo kale bishii September ee sanadkii tegay sheegtay inay afduubteen laba askari oo kale oo israa’iiliyiin ah. Xilligaas Israel kama bixin wax jawaab ah. Sida ay ku warrameen afduubayaasha, labadi askari ayaa lagu qabaty laba howlgal oo kala duwan. Muuqaalka ayaa Ben Rousey wuxuu ku codsaday caawimaad deg deg ah, sababtoo ah Perry “wuxuu ku sugan yahay xaalad caafimaad oo liidata,” wuxuuna xaaladdooda guud ku qeexay “mid aad u xun.” Sida lagu sheegay barnaamijka Aljazeera, aayaha labada askari wuxuu ku xiran yahay sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay haysato Israel. Ururkan isku magacaabay Dhaqdhaqaaq Xoriyadda ayaa ah mid aan horey looga maqal dhulka Falastiiniyiinta. Barnaamijka baaritaanka ah ee Aljazeera ma shaacin waqtiga iyo goobta laga afduubtay labada askari, iyo halka lagu hayo intaba. Saraakiisha Israel weli jawaab kama aysan bixin. The post Urur aysan dunida horey u maqal oo afduubtay laba askari oo Israeli ah (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
