-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Cuntadee ayay Soomaalidu caalamka ugu faantaa marka ay Itoobiya ku faanto Canjeelada? Musalsalka BBC-da ee lagu soo bandhigo sheekooyinka ay soo qoraan wariyeyaasha reer Afrika, ayuu Ismaaciil Caynaashe uga hadlayaa muhiimadda uu leeyahay raashinka ay karsadaan dadka laga qixiyay dalkooda. Muddo aan saas usii fogeyn, maqribnimo Jimce ah oo uu roob ka da’ayay London, ayaa koox saaxiibbadeey ah kusoo dhaweeyay guriga aan dagganahay, si ay iila wadaagaan cunto Soomaali aan diyaarinayay muddo saacado ah. Waxaa ku jiray noocyo badan oo ka mid ah raashinka ay Soomaalida jecel yihiin, sida bariis iyo hilib, kuwaasoo aan ku kariyay dhirta carafta ee ay ku jiraan heyl, xawaaji iyo dhagayare. Waxyaabahan waxay raashinka si rasmi ah uga dhigayaan cunto Soomaali – oo waxyaabo badan ka kooban aadna u macaan. Baariska waxaan la keenay hilib – gaar ahaan nooca hilib geel – oo ah mid si tartiib ah muddo saacado ah loogu huuriyay geedo caraf kulul oo ay ka mid yihiin basal iyo toon. Waxaa kale oo aan miiska soo dhigay cunto Soomaalidu aad u isticmaalaan oo ah baasto suugo looga dhigay hilib shiidan – waana raashin kasoo aasaasmay markii ay Soomaaliya ku jirtay gumeysigii Talyaaniga. Balse Soomaalida waxay ka baddashay in in ku darsato hilibka lo’da, ariga ama geela, annagoo ku carfinna geedo aan si gaar ah u naqaanno, kuwo kalena ku kululeyna, sida basbaaska. Cunto Soomaaliga waxaa laga heli karaa makhaayadaha Soomaalida iyo guryaha Soomaalida qurbo joogta ah Raashinka Soomaalidana wali ma dhammeystirna haddii aan lasoo raacinin moos iyo basbaas shigni. Shigniga waxaa laga sameeyaa basbaaska cagaaran oo lagu kariyay yaanyo, raqay iyo kabsar caleen. Mar walba waan jeclaan jiray inaan kariyo iyo inaan cuno raashinka ay caanka ku yihiin Soomaalida. Sannadihii aan barashada cunto karinta waday waxaan ku qaatay jikada anigoo daawanaya dumarka qoyskeenna oo diyaarinaya cunto aad cajiib u ah. Balse bilihii ugu dambeeyay, oo aan ku xayirnaa London, saraffadiina loo joojiyay cudurka Covid-19 awgiis, waxaan ogaaday in raashinka aan karsanayay uu aad ugu ekaaday cunto Soomaaligii la yaqaannay. Spaghetti oo la Soomaaliyeeyay Hadal-heynta cunto Soomaaliga waxay kusoo aadday xilli sanadkan uu ku asteysan yahay taariikh weyn – maadaama 2021-ka uu ku beegan yahay 30 guuradii kasoo wareegtay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo billaabashada dagaalka sokeeye. Marka aan sameeyo cunto Soomaaliga, anigoo jarjaraya basal badan ama isticmaalaya alwaaxa hibilka lagu jarjaro, ama xitaa aan cabayo shaah Soomaali – oo ka sameysan caano, caleen iyo geedo kulkulul – maskaxdeyda waxaa dib ugu soo dhaca maalmihii aan qoyskeyga kula noolaa magaalada Hargeysa, oo ah caasimadda meesha hadda loo yaqaanno Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Qoyskeyga waxay sida qoysas badan oo Soomaali ah ugu khasbanaadeen inay ka cararaan gurigooda ayna qaxooti ku noqdaan Itoobiya, ka hor inta aysan nolol cusub ka billaabin waddanka UK. Qaddarinta dhaqankaaga Hadda markaan daawado musiibada ka dhaceysay Afghanistan, waxaan soo xasuustaa xanuunka ay leedahay in gurigaaga lagaa qixiyo. Waxaad waayi kartaa waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin luuqaddaada, laakiin raashinka – waxyaabaha lagu daro, nooca cuntada iyo magacyadeeda way kula soconayaan. Waxay noqoneysaa hab aad ku qaddariso dhaqankaaga – iyo hab aad sidoo kale ku muujiso jacaylka aad u qabto saaxiibbadaada cusub ee aad ku baratay waddanka aad timid. Si ka duwan cuntooyinka dalalka kale ee Bariga Afrika, sida raashinka Eritrea ama Itoobiya, aad bay u yar yihiin dadka yaqaanna cunto Soomaaliga. Laakiin raashinka Soomaalida waxaa laga yaabaa inuu mar dhow soo caan baxo, taasoo looga mahad celinayo cunto karisada Mareykanka daggan ee lagu magacaabo Xaawo Xasan iyo buuggeeda raashin karinta sharraxaya. Buuggaas wuxuu toos ku ifinayaa qaar ka mid ah cuntooyinka ugu muhiimsan ee ay leeyihiin dalalka Bariga Afrika, oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Waxaa kale sii kordhaya kanaallo Youtube ah ama Instagram ah oo lagu sii daayo cashirro ku saabsan sida loo kariyo cunto Soomaaliga. Xaawo Xasan waxay ka mid tahay qurbo joogta soo caan bixisa cunto Soomaaliga Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, karinta cuntada Soomaalida waxay inta badan keentaa xasuus farxadeed oo qoyska dhexdiisa ah. Balse waxay sidoo kale igu abuurtaa walwal marka aan ka fikiro sida aan loo aqoonin cuntada Soomaalida – haddase waxaa la joogaa waqtigii ugu fiicnaa ee raashinka Soomaalida uu heli lahaa aqoonsiga uu mudan yahay. Cuntada Soomaalida marka la sameynayo, wax walba waxa uu ka billowdaa xawaash, oo ah geedo la isku dardaray oo isugu jira miraha xawaajiga, kabsarta, filfil, qorfe, heyl, dhagoyare iyo huruud. Qaran News
-
Ujeedada qoraalkaan waa qiimeynta dhexdhexaadinta Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Karie usbuucyadaan ka dhex waday Madaxweynaha DF ee muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo R/W Xukuumadda Xilgaarsiinta DF, ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Qaranka, Inj. Maxamed Xussein Rooble. Sida lala wada socdo, maalmahaan baraha bulshada waxaa qabsaday hadal haynta Madaxweyne Qorqor oo ilaa maalintii Taliyihii hore Fahad Yaasin Xaaji Daahir shaqada laga joojiyay, kaddibna la yiri waa is casilay, ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta Farmaajo + Fahad Yaasin iyo R/W Rooble. Dad badan waxay is weydiinayaan mudnaanta gaarka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ku muteystay inuu dhexdhexaadiyo labada mas’uul, mudnaantaaso aysan laheyn madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, iyo Hirshabelle ama mas’uulin kale iyo Beesha Caalamka. Muddo dheer waxaa la ogaa in Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madoobe iyo Golaha Midowga Musharrixiinta ka soo horjeedeen siyaasadda Farmaajo halka Madaxweyne Qoorqoor, Laftagareen, iyo Guudlaawe taagersanaayeen siyaasadda Farmaajo iyo Fahad. Madaxweyne Sicid Deni, Axmed Madoobe, iyo Guudlaawe waa ka gaabsadeen inay dhexdhexaadiyaan Farmaajo iyo Rooble. Si gaar ah, Madaxweyne Sicid Deni iyo Axmed Madobe waxay caddeeyeen in Farmaajo gardaran yahay, kuna dhawaaqeen in Farmaajo joojiyo qaska iyo carqalada si R/W Rooble u gudo xilkiisa hoggaaminta xukuumadda xilgaarsiinta, loona dhammeystiro doorashada muddo dhaafka ah. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor diiday inuu taagero mowqifka Sicid Deni iyo Axmed Madobe qaateen, taaso soo dedejin laheyd xakameynta qaska Farmaajo, isla markaana dardargelin laheyd dhammeystirka doorashada iyo caddaalad marinta kiiska sarkaalad Ikram Tahliil Faarax ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugidda, sarkaaladdaaso nolol iyo geeri lagu la’yahay, lana tuhunsan yahay saraakiil uu madax u yahay Fahad Yaasin Xaaji Daahir ay mas’uul ka yihiin afduubkeeda iyo khaarijinteeda (kidnapping and assassination). Haddii khilaaf dhexmaray Farmaajo iyo Rooble, muxuu yahay heerka ku kalsoonaanta dhexdhexadnimada Qoorqoor oo ay R/W Rooble ay isku beel yihiin, hase yeeshe aysan isu laab furneyn, iyo Farmaajo iyo Fahad Yaasin ay kala dhexeyso abaal gudid, nafti hurid, laab furnaan, iyo daacadnimo? Dad badan waxay qabaan in ujeedada dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor ay tahay jaahwareerin, waqti lumis iyo waqti dheereyn, beddelka dulucda khilaafka, abuuritaanka riwaayado been ah, taaso ah xeeladaha Farmaajo iyo Fahad ku gaaraan ujeedooyinkooda gurracan ee siyaasadda. Taagerayaasha R/W Rooble iyo dad badan oo dhexdhexaad ah waxay qabaan in dhexdhexaadinta tooxsiga ah, jujuubka ah ee Madaxweyne Qoorqoor ay abuurtay khilaaf iyo kala eed sheegasho ballaaran oo dad badan saameysay, faafinta sheekooyin iyo warbixinno been ah, marin habaabin bareer ah, talooyin lagu hor istaagayo baaris sharciga waafaqsan ee kiiska Ikram Tahlil Faarax si runta iyo cadaaladda loo gaaro, iyo kala aamin bax iyo is cadowsi. Inkastoo Madaxweyne Qoorqoor hadlin, haddana wasiirro la shaqeeya waxay warbaahinta ka sheegeen in dhexdhexaadinta Madaxweyne Qoorqoor guuldarro ku dhammaatay, sababtana dusha laga saaray Farmaajo. Haseyeeshe, Madaxtooyada iyo taagerayaasha Farmaajo iyo Fahad Yaasin waxay warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegayaan in dhexdhexaadinta Qoorqoor aysan dhammaan, taaso u eg marin habaabin iyo waqti gadasho lagu abuurayo colaad sokeeye iyo dib u dhaca doorashada muddo dhaafka ah. Madaxweyne Qoorqoor wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka hagraday inuu u sheego aragtida dhexdhexaantiisa iyo sababaha fashilkiisa. Aamusnaanta Madaxweyne Qoorqoor waxay sare u qaaday saluugga iyo kalsooni darrada shacabka Soomaaliyeed ka qabo Madaxdooda. Inta Madaxweyne Qoorqoor ku jiray dhexdhexaadinta waxaa dalka ka dhacay qaraxyo iyo ismiidaaminno dad badan ku dhinteen, ku dhaawacmeen, hanti badanna ku burburtay, dhibaatooyinkaasoo Al Shabab sheegteen, haseyeeshe loo aaneynayo qaska Farmaajo iyo Fahad wadaan oo shaqadii hay’adaha maamulka iyo nabadgelyada curyaamiyay. Waxaa la isweydiinaya qiimaha iyo culeyska Madaxweyne Qoorqoor siiyay ama siinayo qoraalka Fahad Yaasin ugu soo jawaabay R/W Rooble markuu weydistay warbixin ku saabsan kiiska Ikram Tahlil Faarax, iyo warqadaha Farmaajo ku baabi’iyay go’aankii sharciga ahaa ee R/W Rooble shaqada uga joojiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasin, kuna amray Xeer Ilaalinta iyo Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida inay baaraan waxna ka qabtaan kiiska Ikram Tahlil Faarax oo la la’yahay geeri iyo nolol, fulinta amarkaaso ilaa maanta Farmaajo iyo Fahad hortaagan yihiin, warqaddii Farmaajo ku magacaabay Fahad Yaasin jagada laTaliyaha nabadgelyada Madaxweynaha taaso sharci darro ah, laguna xadgudbay R/W Rooble, iyo warqaddii Farmaajo ku sheegay inuu ku dhimayo ama awood ugala soo noqonayo R/W Rooble, kuwaasoo dhammaantood ka soo horjeeda dastuurka, ilaalinta cadaaladda, iyo dhaqanka wanaagsan ee dowladnimo. Beesha Caalamka waxay hoosta ka xariiqday inaan la hor is taagin baarista kiiska Ikram Tahlil, isla markaana la carqalateyn, la wiiqin guulaha R/W Rooble ka soo hooyay hirgelinta doorashada daahday, lana taagero dhammeystirkeeda. Waxaa kaloo la isweydiinaya in Madaxweyne Qoorqoor maanka ku hayay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka isku raacay 27 Maajo 2021 iyo isbeddelka siyaasadeed, maamul, iyo nabadgelyo ee uu xambaarsanaa marka uu dhexdhexaadinayay Farmaajo+Fahad iyo Rooble. Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu dhaliyay shaki weyn oo ah in Farmaajo ahaan karo Madaxweyne ama mas’uul qaran Fahad Yaasin la’aantiisa. Sidaaso kale, dhexdhexaadinta afduubka ah waxay dhalisay shakiga ah in Madaxweyne Qoorqoor gudan karo xilkiisa Madaxweynaha Galmudug Farmaajo iyo Fahad Yaasin la’aantooda? Dadka Reer Galmudug waxay ku cabanayeen muxuu Madaxweyne Qoorqoor u dayacay danaha dowlad goboleedka Galmudug, uguna mashquulsan yahay difaaca iyo daboolka xadgudubyada dowladda federaalka oo muddo dheer caqab ku ah nabadda, midnimada, iyo horumarka Galmudug. Aqlabiyadda Reer Galmudug waxay jecel yihiin in Madaxweyne Qoorqoor mudnaanta siiyo arrimaha ay ka mid yihiin: 1- Dhammeystirka doorashada Aqalka Sare iyo diyaargarowga iyo bilaabidda doorashada Golaha Shacbiga oo ku dhacda jawi nabad ah, xor iyo xalaal ah; 2- Wax ka qabashada halista Al Shabab ku hayaan Magaalo Madaxda Galmudug ee Dhusamareb iyo deegannada kale ee Galmudug kaddib markii Al Shabab ay dedeg dib u qabsadeen deegammo laga xoreeyay; 3- Wax ka qabashada colaadda dabadheeratay ee ka dhex taagaan beelaha walaalaha ah ee reer Galmudug; 4- Ka heshiinta iyo daawoobidda cabashooyinka iyo uur xumida laga dhaxlay dagaalkii Ahlu Sunna iyo Wal Jamaaca lagu muquuniyay oo ciilqabkiisa dul hoganayo deegaanka Galgudud. Waxaan rajeynaya in qoraalkaan isu soo dhoweeyo dareenka reer Galmudug, isla markaana Galmudug ka badbaadiyo dhibaatooyinka dowladda federaalka lugaha kula jirto kaddib markii ay ku xadgudubtay ilaalinta dastuurka kmg. Danta iyo sumcadda wanaagsan ee Galmudug waxay ku jirta la safashada R/W Rooble sida ku cad dastuurka kmg iyo heshiiska 27 Maajo 2021 si loo helo dowlad sharciyad heysata oo hanata hoggaaminta dalka. Dr. Maxamud M. Culusow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid The post Maxay tahay mudnaanta gaarka ah ee Qoorqoor ku dhex-dhexaadinayo Farmaajo iyo Rooble? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan caqabadaha hortaagan hirgelinta doorashooyinka dalka ee 2021-ka. Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay nasiib darro tahay in haatan dalka uu ku jiro xaalad hubanti la’aan, iyada oo heshiiska doorashooyinka dalka uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sanad ka hor, gaar ahaan 20-kii Septembar 2020-kii. “Hal sano ayaa ka soo wareegatay markii 20-kii Septembar 2020-kii uu baarlamaanka federaalka meel-mariyey heshiiska doorashooyinka dadban. Sanad, kadib doorashadii waxay ku jirtaa hubanti la’aan,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Cabdikariin Guuleed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in is jiid-jiidka siyaasadeed iyo caqabadaha taagan uu halis ku yahay amniga iyo dhaqaalaha dalka, isaga oo shaaciyey inuu mas’uuliyadda qaadayo Farmaajo. “Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya waxay ku jiraan khatar. Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa mas’uul ka ah,” ayuu markale ku yiri qoraalkiisa. Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Farmaajo wuxuu ka baqayaa in uu doorasho galo,”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay hakad-galeen doorashooyinka dalka, waxaana saameyn ku yeeshay khilaafka hadda u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. The post Maxay tahay arrinta uu Cabdikariin Guuleed sheegay in Farmaajo uu ka baqayo? appeared first on Caasimada Online.
-
Majaajilaystihii caanka ahaa ee Soomaaliyeed Cabdi Muridi Dheere oo loo garan-ogaa Ajakis ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Marxuumka Ajakis ayaa maalmahii la soo dhaafay ku jiray mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, halkaas oo lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun ku soo booday isagoo ku sugan xaafadiisa. Alle ha u naxariistee Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) ayaa caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, wuxuuna hadda ka mid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Ajakis. PUNTLAND POST The post Jilaagii Soomaaliyeed ee Ajakis oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
-
The Federal Government of Somalia (FGS) developed the 9th National Development Plan (NDP-9) for 2020-2024. This five-year strategy covers four main pillars- Inclusive and Accountable politics Improved security and the rule of law Inclusive economic growth Improved social and human development The strategy has two limitations that affect its success. Financial Limitation According to the strategy, the FGS can only finance recurrent expenditures and has no room for development project financing. The strategy adds that although the FGS is in need of finding alternative source of financing to supplement strategy implementation, yet the only sources for consideration is the off-budget development expenditures by the development partners. One major solution to the funding gap is the use of “Islamic social finance”. Islamic social finance incorporates the Zakat, Waqf and Charity (Sadaqa) that can provide not only financial solution but also eliminate socio-anomie (erosion of principles and values of community). The latest data from Islamic Development Bank (IsDB) estimates annual zakat collection of over 500 billion. Private sector is also contributing much in donations (Waqf) and charity (Sadaqa). Zakat is paid annually to 8 categories of people mentioned in the Quran- the poor and the needy- are the most deserved people. If the FGS can establish an independent national Zakat committee for the management and planning of the Zakat, this would have at least lessened or eliminated the poverty in the country. Historically, Zakat proved to completely eliminate poverty during the reigns of Khalif Umar bn Khadab and the 5th Khalif Umar II. It was to such an extent that there was no one to receive Zakat. Incorporating the NDP-9 strategy with “Islamic social finance” can address poverty, insecurity, environmental crisis, inequality, and unemployment. Among the recipient of Zakat is the zakat collector- this creates job for the unemployed youths thus lessening unemployment and insecurity in the country. Under Zakat system, money is paid by the rich to the poor- this decreases socio-political crisis and inequality. It also reduces environmental degradation as families can obtain affordable energy for household activities such as cooking gas instead of charcoal or firewood. Ownership Limitation Under the implementation principles of the NDP-9, the second principle states “implementation will preserve national ownership and be commensurate with government capacities”. The statement here specifically addresses the Development Partners (DPs). For the FGS to align national ownership in its strategy, the strategy should contain components that ensure the application of the socio-economic developments enshrined in the values and beliefs of the citizens (Islamic values that address socio-economic development). One of such socio-economic development is the addition of Zakat in the national development plan. This is the least the plan can have local acceptance. Source: ABDIHAKIM SHARIF The post How can the FGS address “ownership and financing limitations” in NDP9? appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu si weyn daaha uga qaaday is-maandhaafka Farmaajo iyo Rooble, haddana waxaa la fahamsan yahay in aysan labada nin isku wacneyn muddo dhowr bilood ah, waxa ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa lagu sheegay arrimaha doorashooyinka dalka ee hadda socda. Madaxweyne Farmaajo ayaa la diriray Ra’iisul wasaarihiisii hore ee Xasan Cali Kheyre, isagoo ka careysan damiciisa kursi doonka ah, wuxuuna laba bilood raadinayey qof aan kusoo jeesaneyn oo aan musharax noqon doonin, haddii uu Ra’isul wasaare u magacaabo. Rooble oo malaha qaatay heshiis noocaas ah, illaa hadda wuxuu diidan yahay inuu u tartamo xilka madaxweynaha, ballantii aheyd ha is sharaxin iyo aniga i dhis waxaa ka dambeeyey dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxaana awoodii doorashada cadaadis badan kadib iska wareejiyey madaxweyne Farmaajo. Inkastoo uusan Rooble ka bixin ballantii musharaxnimada, haddana waxaa si weyn isku badalay jadwalkii u Farmaajo u qorsheystay dib u doorashadiisa. Rooble uma muuqan waqti dheer nin raba inuu Farmaajo dakano u galo oo uu doorashada u boobo, tan iyo marki uu Rooble muujiyey inuu yahay siyaasi dhexda ka taagan loolanka doorashada, waxaa kor usoo kacday rajada dhinacyada kale. Farmaajo marna kuma qancin doorka uu Rooble albaabada ugu wada furay tartamayaasha, waxay aheyd sunno soo jireen ah inuu mar walba madaxweynaha xilka haya gacan weyn ku yeesho sida ay doorashadu u socoto, laakiin hadda waxaan daawaneynaa mid taas ka duwan. Rooble waxaa si aan rasmi aheyn loogu arkayey inuu daacad u yahay Farmaajo oo uu isaga dhisi doono, xittaa Farmaajo waa sii aamini karay arrintaas, laakiin wixii ka dambeeyey wada-hadaladii uu Rooble la furay Sacuudiga, Imaaraadka iyo Kenya. Farmaajo waxaa la sheegay inuu ka laab-xirtay Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Wax walba ayaase cirka isku shareeray markii uu dilaacay kiiska Ikraan Tahliil, hadda labada nin waxay kala fogaadeen masaafo aad u dheer, si walba oo hadda loo xaliyo khilaafkooda way adag tahay in Rooble lagu qanciyo inuu Farmaajo dhiso ama inuu mar kale Farmaajo aamino inuu Rooble dhisi doono. Taas waxa ka dhigan tahay in gorgortanka hadda jira uusan ku dhammaan karin arrinta Ikraan Tahliil, Bashiir Gooble iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur . Dhowr jeer ayaa Farmaajo lagu eedeeyey inuu fashiliyey wada-hadalada xal doonka ah, sababtu kaliya maahan inuu difaacayo Fahad Yaasiin ee sidoo kale wuxuu Farmaajo xoogga saarayaa inuu gacanta dib ula galo maamulka doorashada. Waa adag tahay inuu Farmaajo aqbalo inuu banaanka ku sugo natiijada doorashada oo uu marti ka ahaado ayey leeyihiin dadka sida fiican u yaqaana hab-dhaqankiisa siyaasiga ah. Marka la eego ahmiyadda maamulka doorashada ku fadhiyo waxaa adag inay si fudud ku dhammaato xiisadda hadda taagan. Farmaajo uma badna inuu aqbali doono inuu galo doorasho uusan wax talo iyo awood ah ku laheyn, Rooblana way ku adag tahay inuu dib usoo celiyo maamulkii doorashada ee uu madaxweynaha ugu wareejiyey baarlamaanka hortiisa. Sidoo kale, saamileyda kale ee siyaasadda ayaa iyagana la aamisan yahay inay ka hor imaan doonaan in mar kale la badalo hab-maamulka doorashada, waxayna ka dhigan tahay arrintaan inaan si fudud looga gudbi doonin xiisadda labada nin. Kooxda madaxweyne Farmaajo waxay sheegayaan inay u sawiran tahay natiijo guuldaro ah, haddii ay galaan doorasho uu Rooble maamulayo, iyadoo la wada ogyahay wixii dhex maray muddooyinka lasoo dhaafay, waxayna aamisan yihiin inay khasab tahay inay miiska maamulka doorashada dib ugu soo laabtaan. The post FARMAAJO oo ku qasban in uu soo ceshado maamulka doorashada + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Shalay oo Axad aheyd, waxaa dunida la maamuusay maalinta webiyada dunida, iyada oo dadka lagu wacyigeliyo ahmiyadda biyaha webiga, isbadalka cimilada, in kaalin la iska saaro ilaalintiisa iyo arrimo kale. Maalinta webiyada, oo la xuso ilaa 2001-dii, waxaa ay ka dambeysay kadib markii ay dhibaato soo gaartay webiyada badan, 20 sano kadib waxaa muuqata in webiyada ay yihiin khilaafka ugu badan. Khilaafka hadda taagan ee webiga Nile-ka ayaa ka mid ah, taas oo Itoobiya ay biyo-xireen ugu sameysay webiga, iyada oo saameyn ku yeelatay xisadda ay Masar ku laheyd biyaha, dhalisana muran badan, ilaa haddana aan xal laga gaarin. Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin, oo PhD ka heysta xiriirka caalamiga ah, waxaa uu Cabdi Caziz Gurbiye u sheegay in arrintan muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya ay saameyn ku yeelan doonto Soomaaliya, oo Itoobiya marka ay kasoo dhamaato Nile-ka ay usoo jeesan doonto Jubba iyo Shabeello, oo haddii heshiiska ay uga baxeyso Masar u meel-marto ay uga bixi doonto Soomaaliya, haddii ay dhici weysana ay Muqdisho rajo leedahay. ” Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxaa uu saameyn nagu yeelan doonaa waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeello soo aado ayey saameynta iman doontaa, haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa”. Prof. Xasan Macalin, waxaa uu soojeediyey in Soomaaliya ay taageerto Masar, labada dalna ay isku dan yihiin marka la eego webiyada ay ku noolyihiin oo kasoo baxaya Itoobiya, haddii midkood la dhibaateeyana tan kale loosoo socdo. Akhriso: Biyo-xireennada Itoobiya ee Webi Shabeelle Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Abdi Muridi Dheere alias Ajakis known for his rib cracking jokes and whose works brought laughter for decades especially amidst the pains and anguish of civil war inSomalia has died. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xalay kulan la yeeshay la-taliyaha amniga qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Qoor Qoor ka degan yahay nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado Fahad. Sida aan xogta ku hadalnay, Qoor Qoor iyo Fahad Yaasiin ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble ee weli xalka loo la’yahay. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xilligan loo arkaa inuu yahay garabka ugu weyn ee Villa Somalia ay heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble, isaga oo horey isugu dayey inuu Rooble ku shirqoolo heshiis u daneynaya Farmaajo, balse ku fashilmay. Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabad-Sugida oo aanu faraha kala bixin. Wararka ayaa sheegaya in Villa Somalia ay weli aad u daneyneyso inay heshiis la gaarto Rooble, oo hadda gacanta ku dhigay maamulka dhaqaalaha iyo warbaahinta dowladda, balse dooneyso heshiis u daneynaya Farmaajo, kaasi oo la marsiin la’yahay Rooble Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilka la-taliyaha amniga qaranka ee dhowaan loo magacaabay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. The post Xog: Maxaa looga hadlay kulankii xalay dhex-maray Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor? appeared first on Caasimada Online.
-
Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka Jarmalka aya ala shaaciyay wakhti yar ka hor iyadoo xisbiyada mucaaradku ay heleen aqlabiyada codadka iyo kuraasta. Waxalaga adkaaday xisbiga raysalwasaare Angela Merkel, iyadoo uu guulaystay xisbiga bidix-dhex ee Social Democrats loo yaqaano. Kuwaas oo guul dirqi ah helay Xisbiga Social Democrats ayaa u baahan in uu samaysto xulafo xisbi kale si uu u hanto aqlabiyadda laga rabo, una smaeeyo dawlad bilaha soo socda. 15 sanno kadib, xisbiga Midawga kiristanka ee Jarmalka ayaa ka tagaya talada Source
-
Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku geeriyooday majaajiliistahii caanka ahaa Cabdi Muriidi Ajakis oo dhowr maalin xunuunsanaa. Ajakis ayaa isbitaalka la dhigay 23-kii bishan kadib markii uu joogga ka dhacay, isaga oo ilaa intaas ku jiray Koomo. Muruudi, in ka badan 25 sano ayaa tarjumay filimaanta isaga oo kasoo shaqeeyey shirkado kala duwan oo Imaankey iyo Al-faghi ka mid ah ahaayeen, waxaa kale uu ahaa jilaa riwaayado isaga oo sidoo kale barnaamijyo kasoo jeedin jiray idaacado iyo Telefeshinno maxali ah. Ilaa hadda lama xaqiijin sababta geeriyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allah unaxariisto, majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho. Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa. Source
-
Iyadoo ay ka hadhsan tahay wakhtiga la filayo inay Doorashaddii Madaxtooyadu dalka ka qabsoono muddo sannad ku dhawi, ayaa waxa isasoo tararaya saadaasha iyo halka loo badaniyo inay guushu ama codadka bulshadu u bataan, arintani ayaa maalmihii u dambeeyay laga dareemayay siyaasiyiinta guur guur ee marba halka naqo ku da’o ama Guushu u janjeedho u doog dhabta. Inkasta oo aanaan helin daraasad caalami oo si rasmi ah daaha uga rogtay ama u soo bandhigtay Arintani balse anaga oo ka shidaal qaadanayna dabaysha Siyaasaddeed ee hadda dhacaysa iyo waxyaabaha ay ka matasho waayihii siyaasadeed ee aan soo marnay, ayaa waxa si weyn loo dareemayaa in dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee hadda socdaa uu si dhaw ugu sansaan egyahay Dabaylihii siyaasadeed ee wakhtigii UDUB iyo KULMIYE 2010-kii, waxaana muuqda in KULMIYE hadda kujiro booskii UDUB Wakhtigaasi kujiray kaasi oo si weyn loo saluugsanaa hogaamintiisa, halka uu Xisbiga WADDANI isna ku jiro kaalintii wakhtigaasi uu KULMIYE ku jiray. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu waajahayaa laba caqabadood oo guuldaraddii ugu weynayd u horseedi kara, lagana sii dheehan karo Doorka uu ku yeelan karo doorashada soo socota. Arinta koowaad ayaa ah, in Madaxweyne ay si weyn u saluugsan yihiin Bulshada Somaliland, guud ahaan iyo gaar ahaan deegaamaddii markii hore uu ka helay codadka ugu badan kuwaasi oo qaar ay sugi kari laayihiin codaynta aadna loo aaminsan yahay inay codadkoodu u janjeedhsadaan dhinaca Xisbiyada Mucaaridka. Dadka badan kooda ayaa u arka inay hungo kala kulmeen Hogaaminta Madaxweyne Biixi. Caqabada labaad ayaa waxay tahay in Madaxweyne Biixi uu sidoo kale ka waajahayo Xisbigii KULMIYE tafaraaruq la mid kii UDUB qabsaday wakhtiyaddii 2010kii. Siyaasiyiin miisaan ku lahaa Xisbiga ayaa maalin walba ka huleelaya, dhinaca kale Xisbigii ayaa fadhiid ah islamarkaana la garan laayahay cid hogaamisa iyo hanaanka uu u shaqeeyo midnaba. Kulmiye ayaa xaalad adag ku jira oo taageerayaashiisu ay aad u saluugsan yihiin. Dhinaca kale, Xisiga WADDANI ayaad moodaa inay cadceed cusubi u soo baxday waxaanu Musharaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi rajo fiican u arkaa inay mar kale iswaajahaan Madaxweyne Muuse Biixi oo uu u arko inuu galin horeba ka guulaysan karo haddii ay doorashada Madaxtooyaddu wakhtigeeda ku qabsoonto. Arrimo badan ayaa uu WADDANI u arkaa innay Guusha u horseedi karto, taasi oo ay ka mid yihiin in hogaaminta Madaxweyne Biixi aad loo saluugsan yahay islamarkaana aanay bulshadu mar kale cod siin karin, dhinaca kale waxa uu WADDANI u arkaa in Deegaamaddii laga soo doortay Madaxweyne Muuse Biixi wakhtigii hore uu hadda WADDANI gacanta ku dhigay intooda badan oo ay is baddaleen. Source
-
Waxa wali xaalad dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ah ku jira kulammo hoose oo xidhiidh ahina u socdaan xubno kaadiriin ah oo xilal kala duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland gaar ahaan xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo muddo dheerna ka tirsanaa xisbiga KULMIYE oo ay si weyn ula soo shaqeeyeen. Mid ka mid ah kulamadii ugu dambeeyey oo toddobaadkan ka qabsoomay Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa waxa isugu yimid xubno badan oo xilal wasiirro ah ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siiilaanyo kuwaasi oo la sheegay in ay si weyn u saluugsan yihiin xaaladda xisbiga KULMIYE iyo siyaasadda Hogaamineed ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo la filayo in uu sannadkan dabayaaqadiisa si rasmi ah u shaaciyo in uu u taagan yahay doorashada Madaxtooyada ee sannadka dambe la filayo in ay dalka ka qabsoonto oo uu u tartami doono muddo xileedkiisa labaad. Xubnahan is baddal doonka ah ee KULMIYE horena uga tirsanaa xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen Aqoonyahan Wasiir hore Yuusuf Cismaan Garas, Wasiir hore Cabdirashiid Gargaar, Wasiir hore Cumar Shucayb Maxamed, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Somaliland horena xilal wasiiru dawle uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Maxamuud Warsame Jaamac iyo Wasiir Hore Axmed Cali Ubaxle. Ilo-xog ogaal ah oo wargeyska FOORE u warramay waxa ay noo xaqiijiyeen in Kulankan oo ka mid ahaa kulamada xidhiidhka ah ee u socda xubno badan oo kuwan iyo kuwo kaleba isugu jira oo dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan weyn ku leh deegaamada dalka, xukuumadihii kala dambeeyey ee Kulmiye-na si weyn ula soo shaqeeyey, xisbiga KULMIYE na xilal badan ka haya haddii ay tahay Golayaashiisa kala duwan ayaa waxa ay ka wada xaajoodeen sidii ay u qaadan lahaayeen mawaaqif siyaasadeed oo degdeg ah iyada oo ay dhawaan bilaabmeen dhaqdhaqaaqyada ay xubnahani wadaan waana isla xubnaha ay ka mid yihiin wasiirradii hore ee Cukuse, Maxamuud Xaashi iyo Saleebaan Xaglo-toosiye kuwaasi oo la sheegay in ay isu abaabulayaan sidii ay uga digo rogan lahaayeen xisbiga KULMIYE cududdooda siyaasina ugu biirin lahaayeen xisbi iyo musharrax madaxweyne oo kale oo ay wax la qabtaan, sidoo kalena ay si weyn uga ololeeyaan xisbiga KULMIYE iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Wararka aanu ka helnay kulamadani waxa ay noo xaqiijiyeen in siyaasiyiintan waaweyn ee is abaabulay ay Masuul-Hawleed (Focal Point) ka dhigteen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo isagu hogaamin doona kooxahan is baddal doonka ah ee abaabulan. Kuwaasi oo la filayo in ay dhawaan shaaca ka qaadaan ugu dambayn go’aankooda siyaasiga ah iyo halka ay isugu lugo-duwanayaan. Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayay xogaha aanu helaynaa sheegayaan in uu isu diyaarinayo in uu siyaasiyiintan kasbado si ay taageeradooda siyaasadeed iyo cududdooda ula garab joogsadaan taasi oo dhawaan la filayo in ay si rasmi ah u soo shaac baxdo. Source
-
Sharci-yaqaano waaweyn ah oo reer Somaliland ah, in muddo ahna baadhis daraasadeed oo sharci ku hawlanaa ayaa waxa ay soo saareen warqad furan oo ay ku socodsiiyeen dhammaanba laamaha kala duwan ee qaranka sida Madaxtooyada, Golayaasha sharci dejinta iyo garsoorka iyo cid kasta oo ay khusayso, qoraal dheer oo nuxurkiisu yahay lafa-gur sharci oo ay ku sameeyeen sida uu dhaqan-galka u yahay Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011 kaasi oo dhawaan wax ka baddal iyo kaabis golayaasha qaranku ku sameeyeen sidaana dhaqan gal ku noqday ansax ah loona baahan yahay in la dhaqan galiyo oo lagu camal falo shacabka Somalilandna ka faa’iidaystaan fursaddaasi sharci oo dib loo furo sida ugu dhakhsaha badan ururadii siyaasadda maadaama xisbiyada qaranka ee haddu wakhtigoodii wax aad u yari ka hadhay. Qoraalka khubaradan sharci soo saartay waxa uu u dhignaa sidan: “Golaha Baarlmaanka waxa la isku yidhaahdaa labada Gole ee Guurtida Iyo Wakiiladda, oo labaduba ka tirsan waaxda sharci-dejinta. Waaxda sharci dejintu waxa ay u xil-saaran tahay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay; dejinta shuruucda. Sharci kasta oo la samaynayo ama wax laga beddelayo (Marka laga reebo kuwa maaliyada la xidhiidha) wuxuu ka billaabmayaa labada gole midkood, wuxuuna u gudbaa Madaxwaynaha. Haddaba, shuruucda habkan maraysa, waxa la yidhaahdaa mashruuc sharci oo looga jeeddo soo jeedin sharci qabyo ah oo u furan dood iyo wax ka beddel. Mashruuc kasta oo sharci ee mara habka dooda labada aqal wuxuu u gudbayaa Madaxwaynaha. Madaxweynuhu waa in uu sameeyo saddex midkood: In uu saxeexo sharciga loo soo gudbiyey muddo 21 maalmood ah oo ka bilaabanta maalinta isaga loo soo gudbiyey, kuna faafiyo faafinta rasmiga ah ee dawladda. In uu dib u celiyo ka hor dhammaadka muddada 21 Maalmood ah isagoo sidaas ku war-gelinayo Golaha. Haddii marka hore Mashruuc sharci ay labada aqal ku ansixiyeen 3/2 laba meelood, saddex, madaxweynuhu ma leh awoodda celinta balse wuxuu leeyahay in haddii sab-ab macquul ah ay jirto uu dacwad dastuuriya ku furo Mashruucaas sharci. Haddaba, haddii uu madaxweynuhu mashruuca sharci ee loo soo gudbiyey ku celin waayo muddada sare ku xusan, isla markaasna ku saxeexi waayo, sharcigu wuxuu dhigay sida ku dhigan Qodobka 77aad (6) Ee dastuurka JSL oo loo akhriyo sidan: “Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka, mashruuc- sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya Golaha soo gudbiyay” Haddaba, sida qodobkan ka muuqata, madaxweynuhu haddii muddada 21 maalmood gudahood ah, ku celin waayo, isla markaasna aanu ku saxeexin, mushruuca sharci ee loo gud-biyey wuxuu noqnayaa Xeer, waxaana dhaqan-gelinta Xeer kaas xilkiisu saaran tahay Golaha Madaxwaynaha u soo gudbiyey. Haddaba, Wax ka beddelka Iyo kabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda “Xeer Lr. 14/2011” , waxaa uu golaha guurtidu ansixiyey markay ahayd taariikhdu 27 June 2021 , waxaanu gaadhey Xafiiska Madaxwaynaha markay taariikhdu ahayd 4 July 2021. Iyadoo soo celinta uu sameeyey Madaxweynuhu ay dhacday sida uu sheegay Guddoomiye xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Mudane Cali Xaamud Jibriil, oo u warramay Tvga Saab, 25 August 2021, ayaa yidhi sidan: “..Haa wuu na soo gaadhey Xeer-kaasi, Dhowr cisho ka hor ayuu na soo gaadhey maalintii Sabtida, Xafiiska Guddoomiyaha ayuu soo gaadhey, Madaxweynuhu na wuu soo celiyey ..” Sidaas buu SaabTv u sheegay Guddoomiyuhu, haddaba, maadama oo uu Guddoomiyuhu warreysigan bixiyey maalin Arbacada ee bishu ahayd 25 August 2021, maalinta Sabtida ee uu sheegay waxa ay ku beegan tahay bisha August 21, 2021. Taas oo macnaheedu yahay, in Madaxwaynaha uu gaadhey Mashruuca sharci markay ahayd taariikhdu 4 July 2021, iyadoo uu soo celinta sameeyey 21 August 2021, waxaana labada muddo u dhaxeeyay 48 Maalmood. Sabab taas awgeed, waxaa muddada celinta ee sharcigu tilmaamayo ka soo wareegay in ka badan 27 Maalmood. Sida ku dhigan Qodobka 77(6)Ee Dastuurka JSL ayaa loo akhriyaa sidan: “Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku {saxeexi waayo} {muddadaas la gooyey} ama {ku soo celin waayo Baarlamaanka}, mashruuc-sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa{xeer;} …” Haddaba, markaad eegto qodobkan iyo xogta kale ee sare ku xusan waxaad arkaysaa in muddada loo qabtey Madaxweynuhu intii lagu gudda jiray aanu ku sameyn saxeexa iyo soo celin midkoodna, balse ay dhacdey soo celintiisu markii ay dhacdey muddada 21 Maalmood ah. Haddaba, waxaa laga xisaabin doonaa muddada maalinta uu Madaxweynuhu soo celiyey (ma aha Madaxweynuhu uu qorey Waraaqda soo celinta). Tallaabada uu Madaxweynuhu qaaday, ma noqon doonto soo celin, maadaama ay dib uga dhacdey wakhtiga loo qabtay, dib dhacaa oo sababay in uu dhaqan-gal noqdo sharcigu. Sida qodob ku sheegayo, wuxuu si toos ah u noqonayaa Xeer ansax ah oo leh ku dhaqan sharci. Sababaha sare ku xusan awgood, Barlamaanka Golaha (Wakiiladda Iyo Guuritda) Somali-land, waxaa ku waajib ah in ay xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka JSL Iyo Xeer-hoosaadkiisa. Maadama oo aynu dastuurka kaga hadalnay xagga hore, bal aynu eegno Xeer-hoosaadka uu ka hadlayo qodobkani, waa ka Golaha Wakiiladda, haddaba, Sida ku dhigan Qodobka 34(18) Ee Xeer Hoosaadka Goluhu Wakiiladda oo loo akhriyo sidan: “Haddii aanu Madaxweynu ku saxeexin (3) saddex todobaad guddahood ama aanu ku soo celin Barlamaanka, mashruuc sharcigaasi sidaas ayuu ku noqonayaa Xeer dhaqan-gal ah, waxaa saxeexaya Guddoomiyaha Iyo Xoghayaha Golaha Wakiiladda, waxaana faafinaya Go-laha Wakiiladda” Iyadoo, isku day kasta oo ka yimaada Golaha oo khilaafsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka aynu sare ku sheegnay waxa ay noqnayaan waxba kama jiraan. Sababtaas darteed, waxaanu ugu baaqaynaa in ay ka waantoobaan sharci-darrada isla markaasna ay dhawraan shuruucda waddanka, oo aanay ka eegin rabitaan kooda shakhsiga ah iyo doonistooda gaarka ah, balse ay ka eegaan sida uu sharcigu qabo iyo hannaanka saxda ah. Haddii kale, waxaa ay tani horseedaysaa in ay abuurto Qaran ay sharci giisa kale weyn tahay dan shakhsi ah iyo mid shurug (Xisbi) ahi. Gebaggebo Haddaba, sababaha sare ku xusan awgood, waxaa uu noqday Xeerkan aan sare ku sheegay mid dhaqan-gal noqday, waxaana sida aan sare ku xusay ay tahay faafinta xeerkani mid saar-an Golaha Wakiiladda. Sabab-taas awgeed, ayaanu ugu baaqaynaa cid kasta oo hawshaasi ay khuseyso in ay ka gudato waajib keeda. Dad-weynaha reer Somaliland waxaanu u soo jeedi-naynaa in ay sidaas ula socdaan. Soo-Jeedin In Golaha Wakiiladdu faafiyo sida sharcigu dhigay Xeerka Ururada Siyaasadda Iyo Ax-saabta Qaranka Ee Madaxweynuhu u soo gudbiyey; In Golaha Wakiiladdu ay ixtiraamaan rabitaanka iyo iraadada shacabka doortay isla markaasna aanay u fulin xilkooda iyo waajibkooda iyagoo xeerinaya dan dad kooban ama codsiyo leexsan oo uga yimid Asxaab wakhtigeedu dhacay; In baahida loo sameeyey wax ka beddelka iyo kaabida Xeerkani wali ay taagan tahay, iyadoo markii la diyaarinayey ay ka timid doonistu dadweynaha reer Somaliland dhammaantood, iyagoo dadku intooda badan ay dalbanayeen in tartanka xisbiyadu noqdo mid aan xidhneyn, taasina aanay dhammaan wali; In heshiiska xisbiyada ee ah qabashada doorashada Golaha Deegaan ka Iyo Wakiiladda oo dib u dhac badani ku yimid aan loo adeegsan si loogu baro-bixiyo tartanka iyo loollanka Ururada siyaasada ee ay ahayd 10 Sano mar in uu dhaco; Xubnaha Ku saxeexan warqaddan furan waxa ay kala yihiin: Maxamuud Cabdiraxmaan Sarmaan- Qareen Iid Cabdi Saciid – Qareen Guuleed Axmed Jaamac (Dafac)- Qareen Cabdinaasir Maxamuud Cabdi – Qareen Cabdiraxmaan Cali Maxamed- Qareen Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)- Qareen Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi – Qareen Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud – Qareen Source
-
Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya ee Xilka looga qaaday baadhista kiiskii Haweenaydii ka tirsanayd Hay’adda oo looga shakisan yahay inuu Dilkeeda ku lug lahaa ayaa shalay la wareegay Xilkii muranka dhaliyay ee uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Shalay si rasmi ah ula wareegay xilkaas cusub ee dhowaan loo magacaabay ee la taliyaha Amniga Farmaajo, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Xilkaas ayaa waxaa horey u hayey oo laga qaaday Cabdisaciid Muuse Cali, oo loo wareejiyay inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada, xilkaas oo uu si rasmi ah ula wareegay 11-kii September 2021. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray Shalay ku yidhi “La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin ayaa maanta la wareegay waajibaadkiisa kadib markii dhowaan la magacaabay.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Fahad ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey xilkan, halka uu ballan-qaaday inuu dalka ugu adeegi dooni, naf-hurid iyo wadanninimo, si sare loogu qaado amniga.” Farmaajo ayaa xilkan u magacaabay Fahad 7-dii September, markaasi oo qoraal uu soo saaray ku yidhi “Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Go’aanka Farmaajo ugu magacaabay Fahad la-taliyaha amniga qaranka ayaa yimid maalin kadib markii uu ku guul-darreystay isku day uu ku hor-istaagay shaqo ka-joojin uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey Fahad, oo ahaa agaasimaha NISA. Source
-
Waxaa dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan Imaaradda Dubai ku kulmay madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani oo faalooyin kala duwan laga bixiyey. Laakiin anigu waxa aan ka eegayaa dhinaca diblomaasiyadeed iyo saameynta uu ku leeyahay Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo imaraatka carabta oo uu isagu xiligii uu talada joogey sameeyey. Xidhiidhka imaratku ma laga yaabaa in uu raaco Siilaanyo, sababta oo ah markii la wad-waday arinkaasi madaxweynaha talada hayaa waxa uu ahaa dadkii saluugsanaa , haddana dantiisa siyaasadeed ayaa uu ilaashanayey. Dhawr goor intan uu talada hayey hadalo ka dhan ah waa ka sheegay gaar ahaan Airportka Berbera, xafiiskii UAE iyo Somaliland ee Dubai waxa inoogu dambaysay markii laga badelay wiilkaasi ambassador baashe cawil . Xiligii kaambaynkii doorashada madaxtooyada ee 2017 gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa si cad u sheegay in hadii uu talada dalka ku guuleysto dib loo eegi doono heshiiskaasi , xiligaasi ayaa waxa dalka imaratka carabta si deg-deg ah loogaga yeedhay madaxwayne Biixi oo murashax ah , soo noqodkiisiina waa kii Djibouti soo mari jirey xiligii xaalada ina Geelle Arab iyo Dawladda Djibouti cirka maraysay. Haddaba ma laga yaabaa hadii Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu siyaasiyan ugu guuraan dhinaca waddani in Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi dawlada UAE soo taageerto imikana lagala hadlayey qorshihiisii kaambaynkii hore ee doorashada ee lidiga ku ahaa mashaariicda UAE Somaliland ka wado sida loo maamulay in la leeyahay ka noqo. Qalinka: Maxamed Cabdi Jaamac (Maxamed Dhimbiil) Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saarayu geerida naxtinta leh ee maanta ku timid Allaha u naxariistee Jilaagii Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis). Ugu horreyn Farmaajo yaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Ajakis oo ku geeriyooday Muqdisho. Qoraalka kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri “Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed.” Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ka hadlay geerida ku timid Marxuumka oo maalmahan ku xanuunsanayey Muqdisho. Rooble ayaa ehellada marxuumka, bahda fanka, saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Jilaa Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis). “Allaha u naxariisto jilaagii caanka ahaa Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheeraa Ajakis oo maanta ku geeriyooday Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska marxuumka, asxaabtiisii, bahda fanka iyo saxaafadda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri. AUN marxuumka ayaa sidoo kale caan ku ahaa jiliinka iyo madadaalada, isaga oo tabin jiray barnaamijyo toos ah, kuwaas oo ay jeclaayeen dadka Soomaaliyeed. The post Farmaajo iyo Rooble oo war kasoo saaray geerida Cabdi Muriidi Dheere (AJAKIS) appeared first on Caasimada Online.
-
Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee sheegta inay matalaan Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si maalinka xiga ee berrito oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato. “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay guddiga. Jadwalkii horay uga soo baxay guddigaan ayaa dhigayey in doorashadu ay bilaabaneyso maalinka salaasada ah ee 28-ka bishan, lana soo gabagabeeyo 30-ka bishan September, balse waxay doorashadu hada dib u dhacday waqti aan la cayimin. Source
-
Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda. Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan. Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in isku dayga weerar uu ka dhacay degmada Umm Barakit. Warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay sidatan, “Waxaan beenineynaa wararka sheegayo in ciidamadeena ay u dhaqaaqeen dhinaca xadka Suudaan ama ay duulaan ku qaadeen deegaanka” Degmada Umm Barakit waxay dhacdaa gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaqa halkaas oo ay ka taagneyd xiisad. Source