Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (HOL) - At least fifteen Al -Shabaab militants on Monday died in a deadly Improvised Explosive Device (IED) attack in Lamu near the Kenya- Somalia border, according to a KDF spokesperson. Source: Hiiraan Online
  2. Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda. Shalay ayey ahayd markii guddigu dib udhigay hadal jeedinta musharixiinta oo loo madlana 27 bishan Septemper. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  3. Faahfaahino dheeri aya kaso baxaya Qarax caawa fiidkii ka dhacay Maqaaxi ku Taala Magaalada kismaayo, Caasimada KMG ee Maamul Goboleedka Jubaland. Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaaxi lagu nasto oo Loo yaqaan Xeebta Cagaha Gali oo ay dad shacab ahi ku cawayaynayeen. Khasaaraha ka dhashay Qaraxaas ayaa gaarya 5 qof oo isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, dadkan wax yeeladu sooo gaartay aya ubadan dadkii Shacabka ahaa ee ku sugnaa Goobta. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  4. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Galmudug ayaa soo saaray digniin adag oo ku socota hogaanka ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, kuwaasi oo abaabul ciidan ka bilaabay deegaano ka tirsan maamulkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ayaa lagu faray hogaanka Ahlu-Sunna inay joojiyaan abaabulka iyo colaadda ay ka hurinayaan deegaanada Galmudug, gaar ahaan gobolka Galgaduud. “Waxaa deegaanka Huurshe soo gaaray taariikhdu markay aheyd 12-09-2021, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir, iyagoo u yimid sida ay sheegeen siyaarada Sheekh Yuusuf Direed, kadibna isla goobtii ka iclaamiyay abaabul iyo kicin dagaal, ilaa hadane ka shaqeynaya abaabulkaas dagaal oo ay uga soo horjeedaan Maamulka Galmudug, Horumarka iyo Amniga Bulshada,” ayaa lagu yiri qeyb kamid ah war-saxaafadeedka. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu faray ciidamada ayagu wata darajada iyo dirayskii ciidamada ee qeybta ka ah abaabulkan ay 24 saac gudahood ugu laabtaan xeryahooda, ciddii u hogaansami waysana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan. “Waxaa u sheegaynaa shacabka, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo qof walba oo ku howlan gacan-siinta kuwa ka shaqeynaya colaadda iyo duminta maamulka Galmudug in ay kala baxaan abaabulka iyo kicinta dadweynaha, ogaadaanna in ay tahay fal-danbiyeed, taliska ciidanka Booliskuna uu la socdo dhaq-dhaqaaqooda.” Taliska Ciidanka ayaa waalidiinta dhalintooda loo adeegsanayo abaabulka ka dhanka ah maamulka ugu baaqay inay ka ceshadaan caruurtooda raga hurinaya dhibaatada, sida lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntiina waxa qoraalka baaq nabadeed loogu diray beelaha colaaddu ku dhexmartay deegaanada Xanan-Buuro, ayagoona ugu baaqay inay ka wada-shaqeeyaan nabada iyo xasilinta deegaankooda, meelna iska dhigaan colaada soo noq-noqotay. “Waxaa bogaadineynaa dadaalada ay wadaan mas’uuliyiinta labada beelood iyo wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana kula talineynaa in ay sii wadaan howlaha nabadeynta.” The post Galmudug oo soo saartay digniin ku socota Sheekh Shaakir iyo Macallin Maxamuud appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddoomiyaha hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA, Cabdulqaadir Cali Xirsi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhammaan dhaqaalihii hay’addaas ay si sharci-darro ah u ula wareegtay wasaaradda Maaliyadda Puntland. Sidoo kale, wuxu wasaaradaha hawlaha guud, Qorshaynta iyo Maaliyadda in ay la wareegeen shaqadii ay u xil-saarnayd hay’adda waddooyinka PHA. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale wasaaradda Maaliyadda Puntland ku eedeeyay in ay joojisay dhammaan adeegyadii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaakka, Korontada iyo biyaha islamarkaana hay’adda laga jartay korontadii. Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka horyimid qoraalka guddoomiye Cabdulqaadir Cali wuxuuna sheegay in isagu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda. “Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu yiri Xayir. Halkaan ka akhriso qoraalka PUNTLAND POST The post Puntland: Hay’adda wadooyinka oo eedayn culus u jeedisay qaar kamid ah wasaaradaha dowladda appeared first on Puntland Post.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in caawa qarax xoog leh oo ka dhacay gudaha Maqaayad ku taalla magaalada ay ku geeriyoodeen dad u badan rayid, kuwo kale ay ku dhaawacmeen. Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka ugu yaraan shan kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, waxaana haatan dhaawacyada dadkaas lagu dabiibayaa isbitaalada magaalada Kismaayo. Qaraxaas ayaa noociisa lagu sheegay miino lagu sii diyaariyey gudaha Maqaayada uu ka dhacay oo lagu magacaabo Xeebta Cagaha Gali, halkaas oo dad badan ay ku caweynayeen. Sida aan xogta ku helnay Maqaayada waxaa iska leh sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Jubbaland, kaas oo dadka nala hadlay magaciisa noogu soo koobeen Mafoofe. Maqaayada qaraxu ka dhacay waxay ku taallaa xaafad lagu magacaabo Qoryooley oo ka tirsan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Jubbaland ay durba tageen halka uu qaraxa ka dhacay, waxayna haatan xaafadaas ka wadaan howlgallo ay ku baacsanayaan kuwii ka dambeeyey qaraxaas Maqaayada gudaheeda lagu sii diyaariyey. The post Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay qarax ka dhacay Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  7. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashiftay in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah. Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto. Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. AFP + VOA The post Wasiir Soomaali ah oo iska casishay xukuumadda Abiy Ahmed kadib sir ay kashiftay appeared first on Caasimada Online.
  8. Galmudug ayaa sheegtay in hoggaanka Ahlusunna ay abaabul iyo kicin dagaal oo looga soo horjeedo maamulka Galmudug ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud. War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Guud ee Booliiska Galmudug ayaa lagu sheegay in Macallin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ay 12-bishan deegaan Huurshe u yimaadeen siyaaro, hase ahaatee markii dambe ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Galmudug. Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud. Sidoo kale saraakiisha ciidamada ee raacay Ahlusunna ayay ugu baaqeen in ay 24 saac gudahood dib ugu soo laabtaan xeryohooda, ciddii diidana tallaabo laga qaadi doono. PUNTLAND POST The post Galmudug oo sheegtay in Ahlusunna ay wado abaabul dagaal appeared first on Puntland Post.
  9. Ethiopia's women's minister, the first federal official to acknowledge rape had taken place during the Tigray war, announced her resignation Monday, without specifying a reason. Source: Hiiraan Online
  10. Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyihii Boolsika degmada Xudun ee gobolka Sool, Cismaan Maxamuud Saalax ayaa maanta ku geeriyooday iska hor-imaad ka dhacay degmadaas, sida uu xaqiijiyey maayirka degmada Xudun. Maxamed Jaamac Xirsi, maayirka degmada Xudun ee gobolka Sool oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in Taliyaha uu ku baxay iska hor-imaadkaas oo u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo soo weeraray saldhiga booliska Xudun. “Howl-gal laga galayay degmada ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska, waxaan tacsi u direyna ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan dadka reer Xudun, tacsi baa uga direynaa falkaas dhacay ee foolxumada lahaa,” ayuu yiri. “Waxaa ku dhaawacmay nin askari ah oo saarna gaadiidkii nooga yimid Laascaanood, meel xun ayey xabadu kaga tiiley inkasta oo uu iska ladnaa, waxaana ku celinay Laascaanood.” Sidoo kale waxa uu sheegay in weerarka kooxda uu daba socday gaari khamri ah oo ay gacanta kusoo dhigeen iyo raggii waday, oo ay ku xireen saldhiga booliska Xudun. Maayir ayaa cabasho xoogan ka muujiyey ciidamo yari iyo mukhadaraadka oo uu sheegay inay faro ba’an ku hayaan deegaanadaas, isagoona ugu baaqay odayaasha dhaqanka inay kala qeyb qaatan sugida amaanka. The post SOMALILAND oo taliye sare looga dilay DAGAAL culus appeared first on Caasimada Online.
  11. Macallinka kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare ayaa u mahadceliyay tababarihii hore kooxda Raadsan Cabdiwali Maxamed Maxamuud ( Cabdi Joon) sida wanaagsan uu u dhisay kooxda Raadsan oo ka mid ah kooxaha kubbadda cagta horyaalka Soomaaliya. “Ma aheyn shaqo fudud sida uu Tababare Cabdi Joon u dhisay kooxda Raadsan, runtii waa wax aad looga mahadceliyo laguna amaano” ayuu Goobjoog Sports u sheegay macallinka Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare Sidoo kale Macallin Farayare wuxuu bogaadiyay da’daalka maamulka sare ee kooxda kubbadda cagta Raadsan, isagoo qiray in ay is badal ka sameeyeen horomarka naadiga Raadsan. “Runtii waxaan qirayaa in da’daal sare lagu bixiyay horomarka ay gaartay kooxda Raadsan, maanta Raadsan waxay ka mid tahay kooxaha tayada wanaagsan ee kubbadda cagta Soomaaliya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay macallinka kooxda kubbadda cagta Raadsan Maxamed Cabdulle Farayare. Tababare Maxamed Cabdulle Farayare wuxuu sheegay in sababta uu u qabtay shaqada kooxda Raadsan ay tahay in aqoontiisa uu ku biiriyo iyo in uu wax ku daro, halkii ay naadiga keeneen macallintii soo maamulay Raadsan ee kala ahaa Cabdi Weli Maxamed (Cabdi Joon) iyo Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gidaamow). Daawo Macallin Farayare Oo Amaanay Cabdi Joon Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Tababare Maxamed Cabdulle Farayare “Horomar Weyn Ayaan Ka Geysan Doonaan Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Maamul goboleedka Galnudug ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ay Ahlu-sunno ka wado degaano ka tirsan gobolka Galgaduud. Taliska Guud ee Booliiska Galmudug oo war-saxaafadeedkan soo saaray ayaa ugu baaqay madaxda Ahlusunna sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Shaakir in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ay ka wadaan Deegaanka Huurshe. Taliska ayaa sidoo uga goodiyay saraakiisha ku hawlan inay garabsiiyaan Ahlusunno in wajihi doonan tallaaboyin sharciga waafaqsan, waxaana la faray saraakiisha Ciidamada ee Huurshe jirta in ay xeryohooda dib ugu soo laabtaan oo aysan qayb ka noqon abaabulkaasi, iyadoo qaybaha kale ee bulshada loogu baaqay in aysan gacan siinin abaabulkaasi. Ugu dambeyn Taliska Booliiska Galmudug ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamey Xananbuure in ay colaadaasi ku badalaan nabad iyo wada xaajood. GOOBJOOG NEWS. #ILASOCO Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa soo faro-gelisay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, ayada oo taliyaha Ciidamada lugta Uganda Lt. General Muhoozi Kainerugaba iyo Saraakiil ciidan uu hoggaaminayo ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Generaal Muhoozi oo uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la geeyay madaxtooyada, ayada oo uu la kulmay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxay Muhoozi iyo Saraakiisha ku wehlinayay safarkiisa kulan la qaateen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo madaxweynaha. Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay in uu la xiriiro hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka. Si kastaba, Wafdigan ayaa imanaya xili uu dhawaan madaxweynaha Ugand uu sheegay in uu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya, haddii aan xal loo helin khilaafka madaxda sare ee dalka, taasi oo wax u dhimeysa howl-galada amaanka. Museveni oo xiligaas la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is-jiid-jiidka weli ka jira qabsoomida doorash ooyinka dalka. Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego ciidamada waddamada ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika. The post Sawirro: General Muhoozi oo Villa Somalia kula kulmay Farmaajo iyo Rooble, xilli la faro-geliyey khilaafkooda appeared first on Caasimada Online.
  14. Taliyihii Ciidanka Booliiska S/land ee Degmada Xuddun oo Hawlgal lagu dilay Taliyihii saldhiga booliska ee degmadda xudun ee gobolka Sool Sadex-Xidigle Cismaan Maxamuud Saalax ayaa hadda ku geeriyoodey hawlgal ay Ciidanka booliska ee degmaddaasi ku qab-qabanayeen Gaadiid sida khamri Dablay watey. Iska hor imaad dhexmaray Ciidanka booliska ee degmada xudun iyo rag watay gaadiid uu saarna khamrigu ayaa sababay dhimashada taliyaha sidoo kalana waxa hawlgalkaasi ku dhawacmay mid ka mid ah Ciidanka booliska ee degmada xudun . Maayirka degmada xudun Maxamed Jaamac xirsi ayaa dhimashada taliyihii Ciidanka booliska ee degmada xudun u xaqiijiyey warbaahinta Qaran News
  15. Taliyaha ciidamada lugta Uganda oo maanta booqasho ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa kulamo gaargaar ah la yeeshay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble. Gen.Muhorzi Kainerugaba ayaa warar ay heshay Goobjoog News sheegayaan inuu Farmaajo kala hadlay Khilaafka u dhaxeeya isaga iyo ra’isul wasaaraha, oo ay tahay in la fogaado, isaga oo dalbaday in la xasiliyo siyaasadda guud ahaan, lana sugo amniga doorashada iyo dardargelinteeda. Lt. Gen. Muhorzi oo dalkiisa Soomaaliya ka joogaan ciidamada ayaa ra’isul wasaare Maxamed Rooble oo hadda hoggaamiyaha doorashada kala hadlay guud ahaan amniga iyo hawlgalada dalka ka socda, amniga doorashada iyo arrimo kale . Waa mas’uulkii ugu horeeyey ee ajnabi ah ee iska xilsaara xalinta Khilaafka labada mas’uul. GOOBJOOG NEWS. Source: goobjoog.com
  16. Wararka ka imaanaya degmada Xuddun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaas dagaal ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Cabtooy hubaysan. Dagaalka oo ka dhacay inta u dhexaysa Xuddun iyo Awrboogays oo ka wada-tirsan Gobolka Sool ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isu’gu jira. Inta la xaqiijiyay waxa dagaalkaas ku dhintay Taliyihii ciidamada Somaliland ee degmada Xuddun waxaana ku dhaawacmay in ka badan lix ruux oo kale. PUNTLAND POST The post Taliye ka tirsan Somaliland oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  17. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba. Gen. Muhorzi Kainerugaba oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan gaar ah yeeshay kadib markii uu ku qaabilay xafiiskiisa. Ra’iisul wasaaraha ayaa Gen. Kainerugaba uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble. PUNTLAND POST The post Rooble oo qaabilay Taliyaha ciidanka Lugta Uganda appeared first on Puntland Post.
  18. Xisbiga Dimuqraadiga bidixda dhexe ee dalka Jarmalka ayaa si dirqi ah ugu guuleystay doorashooyinkii federaalka ee ka dhacay dalkaasi, iyagoo ka adkaaday xisbiga Chancellor Angela Merkel ee xilka ka sii degaya, sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah. Xisbiga Dimoqraadiga ee SPD ayaa xaqiijiyay in ay heleen codad gaaraya 26% , halka xisbiga muxaafidka ah ee talada haya uu helay 24.1%. kaalinta sadexaad waxaa galay Xisbiga The Greens oo isna helay 14.8% ,waana natiijadii ugu wanaagsaneyd taariikhda ee ay helaan xisbigaasi ama ay gaaraan. Inkastoo aysan jirin xisbi sheegan kara aqlabiyad ama in uu helay 50%,haddana,waxaa suurtagal ah in fursad la siiyo xisbiga ku guuleystay doorashooyinka ama in la abuuro isbaheysi si loo dhiso dowlad muddo afar sano ah matasha shacabka dalka Jarmalka. PUNTLAND POST The post Xisbiga Angela Merkel oo looga guulaystay doorashada Jarmalka appeared first on Puntland Post.
  19. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo taliyaha ciidamada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba. Kulanka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha dalka ku wehlinayay wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Xil Cabdullahi Maxamed Nuur. Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidammada lugta Uganda Gen.Muhorzi Kainerugaba oo booqasho ku yimid Muqdisho, ayaa uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ciidammada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM & wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidammada Soomaaliya”. Source: goobjoog.com
  20. Dadkan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ku taallo ay muddo dheer, ka diidaneyd u cusbooneysiinta baasabooradooda. Dadka ayaa sheegay in dowladda sudan ay dhowr jeer xirtay iyagoo loo heysto aqoonsi la’aan. Cabdi salaad geeddi oo Goobjoog la soo xiriiray ayaa sheegay in Safaaradda Cabashadooda ay wax ka qaban weysay. Safaaradda ayeey ku eedeyeen in ay muddo ka badan shan bil ay iskaga daba wareejineysay cusbooneysiinta baasabooradooda. Waxa ay sidoo kale sheegen in dowladda Sudan ay dhowr jeer xabsiga u taxaabtay kadib markii uu ka dhacay Aqoonsigooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay wareysi uu bixiyey ninkii isku qarxiyey Koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya ee Isgoyska Ceel Gaabta eemagaalada Muqdisho, kaasi oo uu kaga hadlay qorshaha uu naftiisa ku dilay. Wareysiga uu bixiyey naftii haligahaan ayuu ku sheegay in lagu magacaabo Maxamed Amiin Xaaji Xubbi loona garan ogaa (Carafaat). Ninkaan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, islamarkaana uu ka dhashay Beesha Shabeelle, gaar ahaan Reer Geedow. Ninkaan oo ahaa 20 jir ayaa markii hore ka tirsanaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab ee ka dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose ka hor inta uusan ku biirin qeybta is-qarxinta, sida uu ku sheegay wareysiga uu bixiyey. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay la beegsatay kolonyo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda, iyadoo sheegtay inay ku dishay 16 qof oo ka tirsan Dowladda. Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa isna dhankiisa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen, ku dhawaad 9 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee 25 Bishaan ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya. Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ku saabsan weeraro ka dhici kara magaala madaxda kuwaasoo loo diray shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah. Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya. Qaraxyadaan ayaa sidoo kale ku soo aaday iyada oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Xafiiska wasiirka 1aad ee xukumadda iyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday dalkuna uu isku diyaarinayo doorasho. The post Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo beesha ninkii isku qarxiyey isgoyska Ceel Gaabta appeared first on Caasimada Online.
  22. Yaa ku guuleystay doorashadii ka dhacday Dalka Jarmalka? Olaf Scholz Jarmalka ayaa Isniinta maanta ah galay xaalad siyaasadeed aan hubanti laheyn ka dib markii xisbiga Social Democrats uu si dirqi ah ugu guleystay doorashadii guud ee baarlamaaniga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu wajahayaa xisbiga muxaafidka ee ay hoggaamiso Angela Markel oo helay natiijo aad ugu dhow. Dalkan oo 16 kii sano ee ay hoggaamineysay Markel haystay xasillooni ayaa toddobaadyada iyo bilaha soo socda waxa uu galayaa xaalad adag, iyadoo xidbiga SPD ee uu hoggaamiyo wasiirka maaliyadda Olaf Scholz iyo hogaamiyaha xisbiga conservatives-ka Armin Laschet ay ku loollami doonaan in ay helaan axsaab ay dowlad la dhistaan. Natiijooyinka hordhaca ah ayaa sheegaya in xisbiga bidixda dhexe ee SPD uu helay 25.7 boqolkiiba, halka xisbiga midigta dhexe ee CDU-CSU ee Markel uu helay natiijadii ugu hooseysay oo ah 24.1 boqolkiiba. Hoggaamiyaha SPD Olaf Scholz ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu xukuumad isbaheysi ah lasoo dhiso xisbiyada Greens iyo Liberals-ka FPD, isaga oo yiri, in Jarmalka ay go’aansadeen in kadib 16 sano oo xukun ah ay xisbiga Merkel ka dhigaan mucaarad. Dalkan ugu dhaqaalaha badan Yurub ayaa sanadka danbe qaban doona xilka madaxweynenimo ee kooxda G7 ee ay ku mideysan yihiin dalalka hodanka ah, iyadoo uu u baahnaan doono dowlad awood leh dejinta ajandayaasha caalamiga ah. Qaran News