Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu faafiyay sarkaal lagu magacaabo Jeeniqaar Sheikh Cumar oo ka tirsanaan jiray ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya. G/sare Jeeniqaar oo ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay in marxuumad Maryan Axmed Caato dhaawacii soo gaaray u dhimatay kadib markii Garoowe laga waayay irbad qiimaheedu joogo $1.5 Dollar oo keliya. Balse, Maxamuud Axmed Caato la dhashay marxuumadda oo Puntland Post la hadlay ayaa been-abuur ku tilmaamay warka uu faafiyay Jeeniqaar oo ku saabsan in Maryan loo waayay irbad $1.5 Dollar joogta. “ Walaashay looma waayin irbad $1.5 Dollar joogta waa borobagaandho warkaas. Dadka wararka noocaas ah wareejinaya Ilaahay ha ka cabsadaan” ayuu yiri Maxamuud Axmed Caato. Qoraalka Jeeniqaar PUNTLAND POST The post Qoyska marxuumad Maryan oo beeniyay war uu faafiyay Jeeniqaar Sheikh Cumar appeared first on Puntland Post.
  2. Taliye Degelle Nin hubaysan oo xalay duleedka caasimadda Garoowe ku dilay sarkaal rayid ah oo ka tirsan ciidanka PMPF ayaa gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac qaba sida uu Puntland Post u xaqiijiyay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle). G/sare Degelle ayaa sheegay in ninka dilka gaystay laga soo qabtay degaanka Budunbuto oo ka tirsan Gobolka Nugaal kadib markii uu halkaas u cararay. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Bootaan Axmed Bootaan ayaa xalay lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ahayd kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd. PUNTLAND POST The post Garoowe: Booliiska oo dhaawac ku qabtay nin dilay sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa maanta markale magaalada Muqdisho lagu dooranaya qaar ka mid ah kuraasta Gobalada Waqooyi ay ku leeyihiin Aqalka Sare. Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyay in markale maanta oo khamiis ah Afisyooni lagu dooranayo 5 kursi oo ka dhineyd 11 kursi Aqalka sare Somaliland ay ku ledahay. Shalay ayey aheyd markii Magaalada Muqdisho lagu doortay 6 ka mid ah 11 kursi ee Aqalka sare. Hoos ka akhriso magacyada Musharixiinta Kuraasta Maanta La dooranayo Source: goobjoog.com
  4. Waxaa la soo gabagabeeyay doorashadii kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqaooyi ee Somaliland, kadib markii shan ka mid ah Khamiista maanta ah la qabtay doorashadooda. Saciid Cabdi Xasan Cowke ayaa noqday Senator-ka toddobaad, kaddib markii uu u tanaasulay Jaamac Cabdullaahi oo la tartamayay. Senator Muna Cumar Xasan ayaa lumisay kursigeedii markii ay heshay 13 cod, waxaana kursigaas ku guuleysatay Naciima Xasan Xaaji oo heshay 30 cod. Deeqa Xasan Xuseen ayaa iyana mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare, halka labada kursi ee kalana ay ku kala guuleysteen Axmed Maxamed Siciid iyo Axmed Maxamed Ibraahim (Abwaan Qorane). Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay soo gabagabowday doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo qabsoontay muddo laba maalmood ah. PUNTLAND POST The post Doorashada Aqalka sare ee Gobolada waqooyi oo la soo geba-gabeeyay appeared first on Puntland Post.
  5. Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF ee Puntland oo lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa xalay lagu dilay duleedka caasimadda Garoowe. Sarkaalkan ayaa lagu dilay tuulada Laanta Hawada oo dhanka bari ka xigta magaalada Garoowe sida ay xaqiijiyeen Qoyskiisa. Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay. Saraakiisha Booliiska Gobolka Nugaal oo Puntland Post isku dayday in ay arrintan wax ka weydiiso ayaan weli ka jawaabin taleefonnada. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii ilaalada madaxweyne Deni Garoowe ku dileen gabar dhalinyaro ah kadib markii ay rasaas huwiyeen gaarigii ay saarnayd. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan hay’adda PMPF oo lagu dilay magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in xalay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada badda ee PMPF ee dowlad goboleedka Puntland lagu dilay duleedka magaalada Garoowe ee caasimada maamulkaasi. Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Laanta Hawada oo dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga. Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan, ‘waxaana dilkiisa ka dambeeyey’ askari kale oo la sheegay inay murmeen, ka hor dilka. Marxuumka ayaa ahaa nin dhalinyaro, isla-markaana ka tirsanaa saraakiisha rayidka ee hay’adda amniga PMPF ee Puntland. Taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Aaden jaamac (Degelle) oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in askariga dilka gaystay isaga oo dhaawac laga soo qabtay deegaanka Budunbuto, kadib markii uu cararay halkaasi. Gaanshaanle Sare Degelle ayaa intaasi ku sii daray in cadaaladda ay horkeeni doonaan eedeysanaha loo heesto dilkaasi, si looga qaado tallaabo adag oo waafaqsan sharciga. Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan ciidamada ilaalada madaxweyne Deni ay gabar dhalinyaro aheyd ku dileen gudaha magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. The post Sarkaal ka tirsan Puntland oo xalay lagu dilay duleedka Garowe – Yaa ka dambeeyey? appeared first on Caasimada Online.
  7. The CARE survey – carried out across five different administrative regions in July 2021 - shows that 77.5% of communities reported that ongoing drought was their biggest challenge, closely followed by COVID-19 (identified by 72%). Source: Hiiraan Online
  8. Somali officials have recently extended congratulations on the 72nd founding anniversary of the People's Republic of China during a virtual reception. Source: Hiiraan Online
  9. Piratical attacks on vessels are as old as the hills. Vessels traversing stretches of sea have, since time immemorial, been subjected to piratical attacks. Source: Hiiraan Online
  10. Vietnam has called on Somalia to create favourable conditions for women to engage in political activities and ensure a 30 percent rate of legislative seats for women. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa Dowlad Goboleedyada ugu baaqay inay si degdeg ah u soo dhameystiraan, una qabtaan doorashada kuraasta ka harsan Golaha Aqalka Sare. Wakiilka oo shalay Warbaahinta kula hadlayay Xerada Afisyooni, intii ay ka socotay Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la guda galo wejiga 2aad ee Doorashooyinka Qaranka. “Waxaan ugu baaqaynaa Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, ee aan weli soo dhameystirin Doorashada Aqalka Sare inay sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhameystiraan,” ayuu yiri James Swan. James Swan ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in hadda Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba ay diiradda saaraan wejiga 2aad ee Doorashooyinka Federaalka, lana bilaabo u diyaargarowga Doorashada Golaha Shacabka, si waqtigii loogu talagalay iyo si waafaqsan heshiiskii 27-kii May loogu soo dhameystiro Doorashooyinka Qaranka, una noqdaan kuwo lagu wada kalsoonaan karo.” Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya ayuu yiri “Waxaan rabaa inaan ku nuuxnuuxsado in tasiilaadkii loo baahnaa oo dhan la wada heli karayo, iyadoo laga helayo saaxiibada caalamka ee Soomaaliya, lacagihii laga qaaday musharaxiinta iyo kaalmada Dowladda Federaalka.” Swan ayaa afka ku ballaariyay inaanay jirin sabab muuqata oo hortaagan in la bilaabo Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka. “Mana jiri karto sabab wejiga xigga ee howlaha Doorashada Golaha Shacabka, sida soo xulista Ergooyinka oo kale aysan si degdeg ah ugu bilaaban karin.” Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka ayaa imaanaya, xilli weli uu taagan yahay khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaarihiisa, Maxamed Xuseen Rooble, taasoo ay dadka qaarkii qabaan inay carqalad ku noqon karto howlaha doorashooyinka. The post SWAN oo farriin deg deg ah kasoo saaray MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  12. Wefti Wasiiro ka tirsan Xukumada oo gaadhay Laascaanood+Ujeedada Safarkooda Gudiddii Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xal u helida Amaanka Magaalada Laascaanood oo isugu jira Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan ayaa gaadhay Caawa fiidkii Magaalada Laascaanood. Magaalada Laascaanood dhawaanahan waxa kuso noq-noqonayay dilal qorshaysan oo lagu beegsaanayo haldoorka magaalada Laascaanood kuwaas oo Aan ila hada si dhab ah lo Aqoonsan cida ka danbaysa. Bulshada Magaalada Laascaanood iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha qaranka ayaa sida fiinta uga qayliyay dilalka qorshaysan ee lagu beegsanaayo haldoorkii magaalada Laascaanood, iyago Xukuumada Somaliland ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta Amniga magaalada. Qaran News
  13. Maxaa kusoo kordhay wada-hadallada Sacuudiga iyo Iran? Iran Saudi Arabia Flag Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan. Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiriirka kala goosteen 2016. Wada-hadallada oo ay marti-gelienyso Ciraaq oo isku dayeysa inay noqoto dhex-dhexaadiyaha gobolka, ayaa waxaa la billaabay intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, oo bishii August uu beddelay Ebrahim Raisi. Wada-hadallada ayaa horseeday “horumar dhab ah” oo ku saabsan amniga Gacanka, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh, 23-kii September. Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo Ciraaqi ah, oo dhammaantood codsaday inaan la magacaabin. “Sarkaal Iranian ah ayaa Baghdad kula kulmay sarkaal Sacuudi ah, kadib kulamadii ay horey u yeesheen labada dal,” waxaa sidaas yiri il-wareed la hadlay wakaaladda wararka AFP. Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ciraaq iyo il-wareed ku dhow dowladda ayaa xaqiijiyey kulanka, ayaga oo aan bixin faah-faahin. Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz, oo dhowaan khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay inuu rajeynayo inay miro dhalaan wada-hadallada labada dhinac. “Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman. Qaran News
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, oo hore dacwad uga gudbiyey wasaaraddo kamid ah xukuumaddiisa. Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilkaasi si kumeel gaar ah loogu igmaday Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka, oo asagu sii wadi doona shaqada Hay’adda. Xil ka qaadista Cabdulqaadir Cali Xirsi, Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa waxay imaneysa labo maalin kadib markii uu soo saaray qoraal ku eedeynayo in dakhligii hay’adda ay si toos ah ula wareegen Wasaaraddaha Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Qorsheynta ee maamulka Puntland. Sidoo kale waxa uu sheegay in dacwadii ay Hay’addu ka gudbisay Wasaaraddaha ay sababsatay in laga joojiyo adeegii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaalka, Korontada, Biyaha, Internet-ka IWM. “Hay’adda waxaa laga goostay korontadii laga soo bilaabo bishii June 2021-ka illaa iyo haatan wey maqan tahay korontadu. In dhakhliga hay’adda PHA usoo xarooda ay Wasaaradda Maaliyada soo dhaafi waydo, markii laga reebo mushahaarka Shaqaalaha, In dowrkii hay’adda PHA si toos ah ula wareegeen Wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta iyo Howlaha guud iyo gaadiida Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka, ka hor inta aan laga qaadin xilka. Waxa kale oo uu qoraalkaas uu ku sheegay in Wasaaradahaas ay si sharci darro ah ku bixiyeen qandaraasyo waddooyin lagu dhisayo, ayaga oo iska indho tiray hay’addii loo igmaday horumarinta iyo dayactirka wadooyinka Puntland. Sidoo kale waxaa xusid mudan, in maalintii uu qoraalkas soo saaray Guddoomiye Cabdulqaadir uu si adag uga horyimid Ku-xigeenkiisa lagu wareejiyay in xilkaas uu si kumeel gaar ah u hayo. Guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Cabdulqaadir uu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda. “Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu Xayir ku yiri qoraalka. The post DENI oo qaaday tallaabo ka dhan ah mas’uul dacwad ka gudbiyey xukuumaddiisa appeared first on Caasimada Online.
  15. Nin Soomaali ah oo Haweeney 30 sano ka hor Noloshiisa badbaadisay dib u raadiyay MAXAMED JAAMAC Kalmadda mahadsanid eray ahaan way koobantahay balse micno ahaan waa kalmad ballaaran oo qofka lagu dhahayana tusinaysa wixii uu qofka ku oranaya u taray halka qofka adeegsanaya uu dareemayo in qofkaasi uu muteystay maadama wax uun uu taray. Haddaba Maxamed Jaamac Maxamed oo ah ninka sheekaddaan saldhiga u ah wuxuu Soomaaliya ka soo qaxay markii ay dowladdii Soomaaliya ay dhacday sanadkii 1991-dii. Xiligaas Maxamed wuxuu ka shaqeynayay wasaaraddii beeraha isaga oo ka howlgalayay goallada koofurta, wuxuuna ku jiray wakhtigisii dhalinyaranimada. Balse nasiib darro wuxuu habeen habeennada ka mid ahaa si lama fillaan ah ugu dhaawacmay fuusto uu ka shubayay shidaal oo sida uu sheegay u ka codsaday nin saaxiibkii ahaa inuu arrintaa ku caawiyo hase yeeshee isaga oo shubaya shidaalkii ayaa qof kula soo dhawaaday Faynuus iftiin ahaan loo isticmaalayay taas oo qabsatay gaaskii sababtayna in Maxamed Jaamaca Maxamed uu dhaawac ka soo gaaro qaybo badan oo jirkiisa ka mid ah gaarahaanna wajahadda hore. Maadaama xilliga uu dhaawacmayo Maxamed uu dalku ku jiray jahawareer siyaasadeed isla markaana dadkii ay qaxayeen ma aysan jirin meel xaalladiisa caafimaad wax looga qaban karay wuxuuna ka mid noqday dadkii ugu horreeyay ee ka soo qaxay magaalada Kismaayo halkaa oo isaga iyo dad kale ay ka soo raaceen Markab ugu dambeyntii geeyay dalka Kenya. Tagitaankii dalka Kenya ka dib maxaa dhacay? Isaga oo dhaawac ah safarana uu soo galay ayuu gaaray Kenya kadibna maadama uu dareemayay xanuun wuxuu durba bilaabay inuu raadiyo meel xaalladiisa caafimaad lagu daryeello waxaana xusid mudan in xanuunka ay u dheered gacan marnaan oo ma uusan haysan wax qarash ah oo xaalladiisa caafimaad wax looga qabto. Magaalada Nairobi markii uu tagay dad ayaa kula taliyay Maxamed inuu aado magaalada Siyellow,ee bartamaha dalka Kenya halkaa oo loogu sheegay inuu ka heli karo Isbitaal xaaladdiisa lagu dabiibo. “Nairobi ayaan imid markii aan joogay hal toddobaad, ilaa laba asbuuc ayaa dad igula taliyeen in aan aado Siyellow oo la iigu sheega in aan ka heli karo dhaqtar wanaagsan”, ayuu yiri Maxamed. MAXAMED JAAMAC Waa halka uu kula kulmay Kalkaalisada caafimaad ee muddo uu ku raadinayay Mahadcelinta Markii uu tagay Siyellow, wuxuu galay Isbitaalkii waxaana lagu sameyay qalliin iyo dhayitaan maadaama qaybo ka mid ah jirkiisa uu gubtay.Maxamed wuxuu halkaa kula kulmay haweeney lagu magacaabo Florence Lintari oo Kenyaan ah oo xiligaa kalkaaliso ka ahayd Isbitaalka taas oo u gashay Maxamed abaal iyo naxariis uu hilmaami kari waayay. Mar Maxamed Jaamac uu sharaxyay qaabka uu ula kulmay Florence wuxuu yiri: “Markii aan tagay Siyellow waxaan halka kula kulmay gabar kalkaaliso ah oo si aad iyo aad ah naxariis fara badan iigu muujisay,naxariistii waxaa ka mid ahaa in ay markiiba garatay in aan ku hadlin luuqadda Sawaaxiliga iyo luuqadda deegaanka waxayna mar walba iga waraysan jirtay xaalladeyda”. Waxaa Intaas dheeraa in mar kasta oo ay shaqada tagayso Florence Lintari ay Maxamed u keeni jirtay khudaar iyo waxyaabo cuno maadaama uu meesha kaligii ku ahaa isla markaana aaney jirin cid wxa u keenaysa ama soo booqanaysa. Sidoo kale dadka bukaannada ah ee Isbitaalka jiifa waxaa laga qaadi jiray hebeenkii xiligaas lacag boqol Shiling ah oo kenya ah (100 ) una dhiganta hal doolar ($1) taas oo markaa uusan awoodin Maxamed,balse Florence Lintari ayaa kala hadashay mamaulkii Cisbitaalka una sheegtay in lacagta laga dhaafo Maxamed maadaama uusan awoodin cid caawisaana aaney deegaanka u joogin. “Cisbitaalku wuxuu qaadan jiray oo dadka bukaanka ah ka qaadan jiray lacag aan aad u badneyn lacagtii waxay ku dadaashay kalkaaliso Florence intay u tagtay ilaa dadkii maamulka hayay in la iga dhaafo sababtoo ah waxaan ahaa nin qaxooti ah dadna aan haysan” ayuu yiri Maxamed Jaamac Maxamed oo sheekadiisa BBC-da la wadaagay. Naxariis caawin iyo u dhimrin badan oo Florence Lintari muddo la garab taagneed Maxamed kadib wuxuu dareemay caafimaad Cusbitaalkiina wuxuu ka baxay wuxuuna ku laabtay magaalada caasimadda ah ee Nairobi, halkaa oo uu ka bilaabay geedigiisii uu ku tagay dalka Mareykanka. Bilooyin uu ku jiray howshii iyo qaabkii uu Mareykan ku tagi laha augu dambeyn wuu ku guuleysatay oo uu tagay. Dib u raadintii kalkaalisadii caawisay kolkii xaalladu ku adkeyd Aadumuhu isku mid maaha oo inta badan wax walba way ku kala duwanyihiin sida arrintaan oo kale oo ah in Maxamed Jaamac Maxamed aanu hilmaamin haweenaydii caawisay xilligii adkaa. Maxamed Jaamac wuxuu bilaabay inuu dib u raadiyo Florence Lintari kalkaalisadii ka howlgalaysay Cusbitalkii Siyellow ee u dhigatay abaalka quluubtiisu ay had iyo jeer ka ahaan waydo. Sheekadiisa Maxamed wuxuu la wadaagi jiray saaxiibbadiis iyo dadka kale wuxuuna mar walba dadka waydiin jiray Florence cid garanaysa haddii ay jirto si uu ugu mahadceliyo oo ugu yiraahdo waad mahadsantahay maadaama aad xili adag isoo gacan qabatay wuxuuna intaa raaciyay in sheekadiisu ay noqtay mid muhiim ah taariikhdiisa oo kaga duwan dhacdooyinkii kale ee uu la so kulmay. Sidee isku helleen Maxamed iyo Florence? Inuu dib u helo Florence Lintari Maxamed Jaamaac waxay ku qaadatay in ka badan 30 sano, oo uu ku jiray waydiinteeda iyo wax ku saabsan halkii ay ku dambeysay hase yeeshee muddo hadda laga joogo laba bilood iyo xoogaa ayuu si lama fillaan ah ku helay xiriirka haweenadii uu malmaha iyo habeennada badan doondoonayay si uu ugu mahadnaqo. Nin saaxiibkii ah iyo gabar la socotay ayaa Maxamed oo ku nool hadda dalka Mareykanka gurigsiisa ugu tagay kadibna gabadhii ayay is barteen waxayna u sheegtay in ay deganaan jirtay Siyellow, wuxuuna la wadaagay sheekadii markii uu Siyellow tagay sanado badan ka hor isaga oo dhaawac ahaa kalkaalisadii garab istaagtayna uu raadinayo. Gabdhii ayaa u sheegtay Maxamed in ay u raadinayso gabadhaas isla markaana waxay u ballan qaaday in ay si walba isugu dayayso in ay keento xiriirka iyo halka laga heli karo Florence. Gabadhii waxay gashay dadaal dheer ugu dambeyna waxay keentay Telefoonka gacanta ee Florence Lintari oo howlgab ka noqtay shaqdii kalkaalisnimada kuna nool ismaamulka majaakoos ee dalka Kenya. Isaga oo ka jawaabayay sida ay u wada xiriireen ayaaa waxa auu yiri: “Waan wacay markii aan teleefoonkeeda helay kadibna waa la igu dhigay waxaan gartay inaaney garanin, fariin ayaan u qoray fariinta waxaan ugu qoray ima garanaysid soddon sanadood ka hor ayaynu kulanay Cusbitaalka Siyellow markada kalkaalisada ka ahayd ayaan bukaankaada ahaa si fiican ayaad ii caawisay maana ilaawi karin xusuutaada soddon sanana waan ku raadinayay waxaan doonayay in aan ku iraahdo waad mahadsantahay”. Intaas kadib Maxamed Jaamac Maxamed wuxuu go’aan ku gaaray inuu baxo oo uu tago dalka Kenya si uu hor fariisto isla markaana uu waji-ka waji ugu yiraahdo Florence Lintari “Mahadasanid”taas oo ugu dambeyn u suurta gashay ayna ku kulmeen Kenya. Florence Lintari Sidee u aragtay dib ula kulmidda bukaan ay 30 ka hor caawisay? Waxay sheegtay in markii uu la soo xiriiray Maxamed ay dareentay faraxd hase yeeshee waxay xustay in markii hore aysan si wanaagsan u xasuusan balse markii uu sharaxaad siiyay oo dib u xasuusiyay wanaagii iyo garab istaageedii ay garowsatay. “Markii uu isoo wacay wuxuu ii sheegay inaan caawiyay xiligii aan kalkaalisada ka ahaa soddon sano ka hor Cusbitalka Siyellow, xilligaas uu gubtay wuxuuna ahaa qoxooti aan si wanaagsna u daryeellay sidaasi ayuu ii sheegay wuxuuna i xasuusiyay wax aan fillayo in aan u sameeyay isaga markaa kadib waan xasuustay inuu ahaa isaga mar hore ayayna ahayd,” ayay tiri Florence Lintari. Florence Lintari waxay sheegtay in dad badan ay caawisay sida Maxamed oo kale muddadii ay ka shaqeynaysay arrimaha caafimaadka hase yeeshee waxay intaa raacisay in aysan qaar badan xasuusan marka laga yimaado Maxamed oo isagu soo raadiyay si uu ugu mahadceliyo. Maxamed wuxuu aas-aasay urur lagu magacaabo Hepto oo ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo sidii dadka danyarta ah ee u baahan gacan-qabashada u heli lahaayeen adeegyo caafimaad taas oo si wada jir ah looga qayb qaadanayo, waxaana ururkaan dadka ka shaqeeya ka mid ah Florence Lintari oo sabab u ahayd in Maxamed uuba sameeyo urur ka qayb qaata caawinta dadka caafimaadka u baahan. Hadda oo uu ku noolyahay dalka Mareykanka Maxamed wuxu ka shaqeeyaa arrimaha caafimaadka. Qaran News
  16. Wax ka ogow Farqiga u dhaxeeya Qoriga AK-47 ee Ruushku farsameeyay & M16-ka Maraykanka AK-47 AK-47 iyo M16 waa laba ka mid ah qoryaha ugu badan ee la adeegsado, haddii ay ahaan lahayd fallaago, militari ama booliis. Doodda ku saabsan sinnaanta qoryahaan ayaa dib loo soo nooleeyay dhawaan ka dib rabshado ka dhacay deegaanka Laikipia ee dalka Kenya ka dib markii saraakiisha maamulka ay cabasho ka muujiyeen in burcadda halkaasi jooga ay ku hubeysnaayeen qoryaha casriga ah sida M16 halka ay booliisku ay adeegsanayeen qoryaha sida G3. Labada qoriba waxay caan ku noqdeen u adeegsiga dagaalada, waxayna aad u soo shaac baxeen Dagaalkii Qaboobaa. Waxaa hubkan kala adeegsan jiray Mareykanka iyo ciidamada Soofiyeeti Hubka noocan ah meel waliba maanta wuu yaalla, waxaana adeegsada milateriga, booliska, argagaxisada, dambiilayaasha, iyo xitaa dadka rayidka ah – waxaana ka dhashay in is-barbar-dhig lagu sameeyo. Soofiyeedku waxay soo saareen qoriga AK-47 wax yar ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Qorigan waa mid fudud oo si sahlan loo adeegsan karo, qiimihiisu yar yahay islamarkana aan kaa istaagayn. Horraantii 1950 -meeyadii, waxay bilowday in ay adeegsadaan Ciidankii la oran jiray ciidamada Cas ee Ruushka. Ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Ciidanka Mareykanka ayaa markii hore diiradda saarey sameynta hubka loogu talagalay in ay darandoori u dhacaan, taasoo horseeday in la soo saaro M14. Ilaa dagaalkii Vietnam, waxaa tartamayay qoryaha AK-47 iyo M14, si loo tayeeyo qorigan M14, ayaa aakhirkii waxaa la soo saaray qoriga M16. M16 Qaab dhismeedka qoriyahan Qoriga AK-47 waa qori, adeegsada rasaasta 7.62x39mm. Qorigan AK-47 inta badan sida ay sheegeen dadka isticmaala waa mid la isku haleyn karo oo aan kaa joogsanayn. Dhanka kale qoriga M16 -ka ayaa ah qori loo adeegsado rasaas 5.56x45mm ah. Qoriganqaab -dhismeedkiisu wuxuu ku salaysan yahay xoogga si toos ah uga yimaada rasaasta marka la ridayo. Waxaa loogu talagalay ugu horrayn in uu noqdo qori fudud, iyo rasaastiisa oo fudud, leh-na xawaare sare si ay dadka isticmaala ugu suurta gasho in ay qaataan rasaas badan. Toogashada Toogta iyo masaafada uu gaaro qoriga AK-47 ayaa dhererkeedu yahay 415 mm, M16 uu dhererkiisu yahay 508 mm. AK-47 waa qori gaas ku shaqeeya oo dhinac walba ku leh meere wareegsan Qoriga M16 ayaa sidoo kale ah qori darandoori u dhaca ama qori leh boorso wareegsan. Dhanka miisaanka Qoriga AK-47 Miisaankiisu wuxuu u dhexeeyaa 3.26 ilaa 4.0 kiiloogaraam, halka M16 uu yahay 4.3 kiilogaraam. In Intee dhan ayaa la isku hallayn karaa? AK-47 wuxuu caan ku yahay adayg iyo cimri dherer. Qorigan waxaa xitaa si sahlan u adeegsan kara qof aan lahayn tababar. Waxa kale oo loo qaabeeyey si ay ugu shaqayn karto jawiyo kala duwan. Qoriga M16 ayaa horey u yeeshay sumcad wuxuuna ku dhawaad laba jeer ka heer sareeyaa dhanka waxqabadka marka la barbar dhigo AK-47. Naqshadaynta M16 waxay u baahan tahay adeegsi joogta ah islamarkana haddii muddo dheer aan la isticmaalin waxaa ku iman karta cillad ama in uu joogsado. M16 si joogto ah ayaa loo cusbooneysiiyaa si kor loogu qaado tayadiisa iyo adkeysigiisa. Farsameyntooda Midowgii Soofiyeeti ma xakamayn soo saarista AK-47 iyadoo la raacayo xuquuqda daabacaadda sharciga ah. Markaa, AK-47 waxaa lagu sameeyaa dalal badan, waxaana kala duwan tayadiisa. Waxaa loo naqshadeeyay hub fudud, jaban, oo si sahlan loo isticmaali karo, inta badan way fududahay in la helo nooc kale oo qorigan ah haddii ay kii hore cillad kaaga timaado. M16, dhanka kale, wuxuu ka samaysan yahay qalab tayo sare leh. Si ka duwan AK-47, M16 waa la beddeli karaa oo la casriyeyn karaa. Qiimaha AK-47 v M16 In kasta oo ay jiraan noocyo badan oo loo heli karo labada qori, haddana marka la barbardhigo naqshadda, AK-47 wuu ka jaban yahay M16. Qiimaha dowladda ee AK-47 wuxuu u dhexeeyaa $ 150 illaa $ 200, waxayna ku xiran tahay soo saaraha iyo qandaraaska. Qiimaha dowladda ee M16 waa $ 673 halkii qori oo cusub marka loo eego qandaraaska Ciidanka Mareykanka ee sanaddii 2012. Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay loolanka iyo khilaafka ka dhex taagan wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab iyo duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish. Dagaalkan oo billowday markii Cumar Filish uu dalbaday in maamulka gobolka lagu soo wareejiyo isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira oo wasiirka uu leeyahay, yaa hadda saameynaya ardayda Muqdisho. Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa faray Jaamacadaha Dalka in aysan qaban karin arday aan heysan Shahaadada dugsiga sare ee saxda ah oo ay soo saarto Wasaaradda Waxbarashada. Agaasimaha ayaana ku amray Jaamacadaha dalka inay soo gudbiyaan xogta iyo macluumaadka ardayda ay diiwaan geliyeen muddo 20 maalin ah. “Laga bilaabo sanad dugsiyeedkaan waxaa laga rabaa Jaamacadaha dalka inay Wasaaradda Waxbarashada usoo gudbiyaan xogta ardayda sanadkaan bilaabaya waxbarashada mudo ku siman 20 Maalmood, macluumaadka laga rabana waa tirada ardayda iyo documentyada ay ku diiwaan geliyeen,” ayuu yiri agaasime Ismaaciil. Agaasimaha ayaa ugu hanjabay Jaamacaddii u hoggaansami weyso amarka wasaaradda Waxbarashada in lagala noqon doono aqoosiga. “Jaamacaddii aan u hoggaansamin amarka wasaaradda waxaa lagala noqon doonaa aqoonsiga, waxaana jiri doono kormeel lagu sameyn doono Jaamacadaha seddexdii bil hal mar, Jaamacaddii lagu helo qalad waxay mudan doontaa ciqaab adag” ayuu mar kale yiri Agaasimaha Wasaaradda. Hadalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa kusoo aadayo xilli khilaafka u dhaxeeyo Wasiirka Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu gaaray meel sare. Khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirka Waxbarashada salkana ku hayo Isbitaalada Yerdameli iyo Jazeera ayaa sababay in xogyahihii ardayda iyo Iskuulada Gobolka Banaadir laga xirto xogaha ardayda taas badalkeedana si toos ah loogu diro iskuulada. The post Dagaalka Cumar Finish iyo C/llaahi Carab oo xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
  18. Dr. Sagal Ali, a physician with advanced training in internal medicine, digestive disorders, and liver diseases, is joining the University of Maryland Charles Regional Medical Group – Gastroenterology practice as the team of clinical providers continues to grow to meet the needs of the region’s patients. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyinta Abgaal ee taageersan maamulkiisa islamarkaana lagu sheegay guddi nabadeed, waxa uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble. Guddigaan ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, guddoomiye ku-xigeenka xoogaga Wadaniyiinta Xuseen Carraale, Garaad Cageey iyo Boqoe Cabdullaahi Geedi Shadoor. Xubnahaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ula tagi doonaan laba qodob oo kala ah. 1- In Yaasiin Cabdullaahi Fareey loo dhaafo in uu sii ahaado Agaasimaha kumeel gaarka ee hay’adda NISA, oo uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Farmaajo. 2- In Madaxweyne Farmaajo ay ka keenayaan in uu booskiisa u dhaafo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ilaa hada magacaabistiisa dood ka taagantahay. Sidaasna labada boos la isku dhaafsado. Xubnahaan ayaa xalay la balansanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, balse waxaa la sheegay in kulankaas uu dib u dhacay waxaana la filayaa in uu qabsoomo Sabtida todobaadka soo socdo. Xubnahaan ayaa dhamaantood 4-tii sano ee la soo dhaafay kamid ah shaqsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsado siyaasadda Hawiyaha, gaar ahaan midda Mudulood, isaga oo lacag joogto ah siiya. Sidoo kale Intooda badan waxay la-taliyaal usoo noqdeen Farmaajo, si loogu daboolo lacagta ay ku qaateen taageeradooda. Lama oga go’aanka uu Rooble ka qaadan doono qorshaha xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan oo la rabo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post Xog: Farmaajo oo ergo Abgaal ah u diray Rooble appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kala duwan, Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasiyinta Abgaal ee taageersan maamulkiisa islamarkaana lagu sheegay guddi nabadeed, waxa uu u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Injineer Maxamed Xuseen Rooble. Guddigaan ayaa waxaa qayb ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, guddoomiye ku-xigeenka xoogaga Wadaniyiinta Xuseen Carraale, Garaad Cageey iyo Boqoe Cabdullaahi Geedi Shadoor. Xubnahaan ayaa la sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble ula tagi doonaan laba qodob oo kala ah. 1- In Yaasiin Cabdullaahi Fareey loo dhaafo in uu sii ahaado Agaasimaha kumeel gaarka ee hay’adda NISA, oo uu dhowaan u magacaabay Madaxweyne Farmaajo. 2- In Madaxweyne Farmaajo ay ka keenayaan in uu booskiisa u dhaafo Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ilaa hada magacaabistiisa dood ka taagantahay. Sidaasna labada boos la isku dhaafsado. Xubnahaan ayaa xalay la balansanaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, balse waxaa la sheegay in kulankaas uu dib u dhacay waxaana la filayaa in uu qabsoomo Sabtida todobaadka soo socdo. Xubnahaan ayaa dhamaantood 4-tii sano ee la soo dhaafay kamid ah shaqsiyaadka uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsado siyaasadda Hawiyaha, gaar ahaan midda Mudulood, isaga oo lacag joogto ah siiya. Sidoo kale Intooda badan waxay la-taliyaal usoo noqdeen Farmaajo, si loogu daboolo lacagta ay ku qaateen taageeradooda. Lama oga go’aanka uu Rooble ka qaadan doono qorshaha xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya ay wadaan oo la rabo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. The post Xog: Farmaajo oo ergo Abgaal ah u diray Rooble appeared first on Caasimada Online.
  21. Yemeni national says 2 others drowned after being thrown overboard by Greek Coast Guard in middle of Aegean Sea Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ku guuleystay kursigii uu maanta u tartamay ee doorashadii Aqalka Sare, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xoog leh oo kaga yimid dhanka Villa Somalia. Wasiir Dubbe ayaa ka adkaaday musharaxii Villa Somalia ay wadatay oo ahaa Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 17-cod, halka Cusmaan Dubbe uu ku soo baxay 28-cod. Guusha uu gaaray Wasiir Dubbe ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaga oo ku faraxsan guul-darrada Villa Somalia. Halkan hoose ka akhriso falcelinta siyaasiyiinta. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri, “Hambalyo mudane Cismaan Obokor Dubbe oo kamid noqday xubnahay Aqalka Sare ee maanta la doortay. Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.” Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna yiri, “Hambalyo sanetor Cismaan Obokar Dubbe oo loo doortay xubinimada kursiga Aqalka Sare ee reer Somaliland. Doorashada Somaliland ee maanta waxay si cad u muujineysaa guuldarida ku soo wajahan nidaamka Farmaajo. Hambalyo reer Somaliland waad u hiiliseen demoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.” Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Prof. Cusmaan Obokar Dube oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Dube wuxuu tilmaam u yahay guuldarida kooxda N&N, maadaama uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii isdabaqabtay xilligii danbe, qaybna ka noqday dib u heshiisiinta reer Somaliland.” Axmed Macallin Fiqi ayaa yiri, “Hambalyo senatarada gobolada Somaliland ku mateli doona golaha aqalka sare ee BFS. Allaha idinla garab-galo gudashada waajibka adag ee idin hor yaalla. Si gaar ah waxaan ugu hambalyaynayaa saaxiibkay wasiir Dubbe oo N&N la’aanteed kursigiisa soo qaatay astaanna u noqon doona inta aaminsan in la heli karo kursi ayadoon N&N aysan ku wadan. Aqalka sare sanadkan gobolada waqooyi dad miisaan culus leh ayaa u soo galaya sida muuqata.” Mahad Salaad ayaa isna yiri, “Hambalyo Senator Cusmaan Obokar Dubbe oo loo doortay in uu ka mid noqdo Senetarada Aqalka Sare BFS. Hoolka Afisyoone duqii Farmaajo ahaa maanta labo guuldaro ayaa looga soo xambaariyay: doorashadii Senetarada oo dhamaan dadkii uu watay looga soo adkaaday iyo maalintii Arbacada ee faalshowgu u curraafeyn jiray oo sixirfurkeedii la soo helay! Arbaco dambe iyo doorasho hoolka Afisyoone lagu qabanayo hada kadib duqa Farmaajo ah in lagu kari waayo ayaan u malaynayaa!” The post Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Dubbe uu ka gaaray dagaalkii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) –Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ku guuleystay kursigii uu maanta u tartamay ee doorashadii Aqalka Sare, saacado kadib markii lagu soo qaaday dagaal xoog leh oo kaga yimid dhanka Villa Somalia. Wasiir Dubbe ayaa ka adkaaday musharaxii Villa Somalia ay wadatay oo ahaa Cabdikariin Maxamed Xasan oo helay 17-cod, halka Cusmaan Dubbe uu ku soo baxay 28-cod. Guusha uu gaaray Wasiir Dubbe ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaga oo ku faraxsan guul-darrada Villa Somalia. Halkan hoose ka akhriso falcelinta siyaasiyiinta. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri, “Hambalyo mudane Cismaan Obokor Dubbe oo kamid noqday xubnahay Aqalka Sare ee maanta la doortay. Waxaan Eebbe uga rajeynayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.” Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna yiri, “Hambalyo sanetor Cismaan Obokar Dubbe oo loo doortay xubinimada kursiga Aqalka Sare ee reer Somaliland. Doorashada Somaliland ee maanta waxay si cad u muujineysaa guuldarida ku soo wajahan nidaamka Farmaajo. Hambalyo reer Somaliland waad u hiiliseen demoqraadiyadda iyo dowladnimada Soomaaliya.” Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan hambalyo u dirayaa Prof. Cusmaan Obokar Dube oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Dube wuxuu tilmaam u yahay guuldarida kooxda N&N, maadaama uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii isdabaqabtay xilligii danbe, qaybna ka noqday dib u heshiisiinta reer Somaliland.” Axmed Macallin Fiqi ayaa yiri, “Hambalyo senatarada gobolada Somaliland ku mateli doona golaha aqalka sare ee BFS. Allaha idinla garab-galo gudashada waajibka adag ee idin hor yaalla. Si gaar ah waxaan ugu hambalyaynayaa saaxiibkay wasiir Dubbe oo N&N la’aanteed kursigiisa soo qaatay astaanna u noqon doona inta aaminsan in la heli karo kursi ayadoon N&N aysan ku wadan. Aqalka sare sanadkan gobolada waqooyi dad miisaan culus leh ayaa u soo galaya sida muuqata.” Mahad Salaad ayaa isna yiri, “Hambalyo Senator Cusmaan Obokar Dubbe oo loo doortay in uu ka mid noqdo Senetarada Aqalka Sare BFS. Hoolka Afisyoone duqii Farmaajo ahaa maanta labo guuldaro ayaa looga soo xambaariyay: doorashadii Senetarada oo dhamaan dadkii uu watay looga soo adkaaday iyo maalintii Arbacada ee faalshowgu u curraafeyn jiray oo sixirfurkeedii la soo helay! Arbaco dambe iyo doorasho hoolka Afisyoone lagu qabanayo hada kadib duqa Farmaajo ah in lagu kari waayo ayaan u malaynayaa!” The post Siyaasiyiin si weyn uga fal-celiyey guusha Dubbe uu ka gaaray dagaalkii Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  24. PRESS RELEASE United Nations issues guidance on negotiating trade agreements for increasing trade resilience in times of crisis and pandemic The Handbook is based on inputs collected from a wide range of experts, including from civil society, academia and the private sector, under the Global Initiative on Model Provisions for Trade in Times of Crisis and Pandemic in Regional and other Trade Agreements ADDIS ABABA, Ethiopia, September 28, 2021/ — The United Nations has released a first version of a Handbook on Provisions and Options for Trade in Times of Crisis and Pandemic’. Work on the handbook was initiated by the United Nations Economic and Social Commission for Asia and the Pacific (ESCAP), in collaboration with the United Nations Economic Commissions for Africa (ECA), Latin America and the Caribbean (ECLAC), West Asia (ESCWA) and Europe (UNECE), the United Nations Conference on Trade and Development (UNCTAD), and the World Trade Organization (WTO) after realizing that the hundreds of regional trade agreements in place provided no guidance to countries on how to keep trade going during the COVID-19 pandemic. In many cases, especially during the first half of 2020, many countries took ad-hoc unilateral measures that seriously disrupted international supply chains, including supplies in essential goods, such as medical equipment as well as food. The Handbook is based on inputs collected from a wide range of experts, including from civil society, academia and the private sector, under the Global Initiative on Model Provisions for Trade in Times of Crisis and Pandemic in Regional and other Trade Agreements (IMP). It is a living document, which will be updated based on feedback from users and as new lessons emerge. It is freely accessible at: https://www.unescap.org/kp Along with the Handbook, the UN also has made available a free online self-paced course based on the Handbook. Everyone interested can take the short course and get the certificate upon completion of online testing requirements at https://www.unescap.org/training/rta-ttcp. Professors and teachers of international trade law and development are welcome to integrate the short course in their own programmes. The United Nations Economic and Social Commission for Asia and the Pacific (ESCAP), in collaboration with the United Nations Economic Commissions for Africa (ECA), Latin America and the Caribbean (ECLAC), West Asia (ESCWA) and Europe (UNECE), the United Nations Conference on Trade and Development (UNCTAD), and the World Trade Organization (WTO) will also organize facilitated global and regional courses based on the Handbook starting later this year. Distributed by APO Group on behalf of United Nations Economic Commission for Africa (ECA). SOURCE United Nations Economic Commission for Africa (ECA) Qaran News
  25. PRESS RELEASE Urgent Need to Restore Degraded Land at Scale: A Call for Action in Africa Climate Week Degradation of land can be reversed by investing in the right technology, tools and skills ACCRA, Ghana, September 29, 2021/ — “It’s much more than tree-planting. It’s huge social and economic benefits for rural farming communities. It’s a bulwark against climate change. It’s bringing technology to enhance traditional knowledge. It’s supporting dignity and pride. Restoring land back to productive good health and protecting forests is a huge and beneficial opportunity for Africa. And it’s urgent.” The passion is evident in the voice of Moctar Sacande, expert in restoration at the UN’s Food and Agriculture Organization and International Programme Coordinator of Action Against Desertification in support of Africa’s Great Green Wall, as he calls for urgent action in Africa Climate Week. “We must stop and reverse land degradation in Africa. We must bring back to life the more than 200 million hectares of degraded land, pledged by both the AFR100 and Great Green Wall initiatives which are viable for restoration by 2030”. The continued loss of so much forest and the challenging and somewhat slow pace of restoration is highlighted in the newly published Review of Forests and Landscape Restoration in Africa 2021, a stocktaking of the work done so far and that which is ongoing. The Review was carried out in partnership with the African Union Development Agency AUDA-NEPAD, and calls for action on finance, security of tenure and continued commitment to protecting forests and other natural ecosystems and restoring degraded land to mitigate the impacts of climate change which threatens vulnerable people in Africa. Moctar Sacande presses home the importance of using new technologies in combination with local knowledge and engagement as a key to success. “In Burkina Faso, for example, a third of the land is degraded – that’s over 9 million hectares of what was productive land -and if it’s not tackled, degradation will expand at 360 000 hectares every year. We cannot allow this to happen.” FAO brought in what’s known as a Delfino plough, which digs large half-moon shaped holes beyond half a metre deep with a raised edge and does so at scale. It makes soil more permeable for planting than digging by hand and allows a tenfold increase in rainwater harvesting. One hundred farmers digging traditional half-moon rainwater harvesters cover a hectare a day. When the Delfino is hooked to a tractor, it can cover 15 to 20 hectares. The seeds of woody and herbaceous native resilient species are then sown directly, and inoculated seedlings planted. The whole community is involved and benefits from fodder crops up to their knees just 2 years after work began on dry, bare land. “The degradation is still reversible, we can turn this situation around,” says Nora Berrahmouni, Senior Forestry Office in FAO’s Regional Office for Africa and joint author of the Review of Forest and Landscape Restoration in Africa 2021. “The key is community engagement as well as equipment and technology. We ask the farmers first how they want to benefit.” The benefits are many when land is restored and forests are protected from clearance for more cropland. Farming in harmony with nature – its forests and biodiversity – maintains land and landscape productivity and lessens degradation. People can harvest crops but also non-timber forest products such as edible fruits, natural oils for soaps, wild honey and plants for traditional medicine, food and feed. “For us too, this is also about dignity and supporting women farmers,” says Nora Berrahmouni. “The season when the back-breaking work of hand-digging the half-moons comes when the men of the community have had to move with the animals. So, the work falls on the women, and the weather is at its hottest. It is one of the things we are determined to improve for everyone.” The Delfino plough, with local people recruited and trained in its maintenance, is an excellent tool to support large-scale land preparation for restoration interventions in the fight against deforestation, degradation, desertification and climate change. “In the end, the Delfino is just a plough. A very good and suitable plough, but a plough all the same. It is when we use it appropriately based on land conditions and in consultation and cooperation with communities that we see such progress,” says Moctar Sacande. “But it is urgent. The Review of Forest and Landscape Restoration in Africa 2021 shows us that we cannot continue to lose forest and we must pick up the pace of regeneration. Land loss is a driver of many other problems such as hunger, poverty, unemployment, forced migration, conflict and an increased risk of extreme weather events related to climate change. That’s too many problems for us to allow vulnerable people to face.” Distributed by APO Group on behalf of FAO Regional Office for Africa. SOURCE FAO Regional Office for Africa Qaran News