-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President Deni’s security forces shoot dead female civilian
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
GAROWE (HOL) - Puntland presidential guard shot dead a woman Monday night as president Abdullahi Deni returned to Garowe from Qardho region where he had been holding electoral campaigns. Source: Hiiraan Online -
Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu isaga iyo siyaasiyiin kale oo la soo halgamay uu dayriyey,waxaanu si dad-ban farriin ugu diray Xisbiga WADDANI,isagoo ishaaray in siyaasadda Somaliland halka laga istaadhaa tahay Gobolka Togdheer gaar ahaana Magaalada Burco. Siyaasi Cali Guray ayaa ugu horeyn sheegay in Muuse Biixi uu sharraxan yahay doorkan, balse ka beel ahaan aanay cid amaah siyaasadeed ku lahayn “Annana waa sharraxanay doorkan oo odaygii in mar labaad loogu celiyo xaq-na wuu u leeyahay, mid kalena waan idiinku darayaa oo doorkan amaah cidna kuma lihin oo cid aanu qaan la daba joognaa ma jirto,idin-na mar ayaad dhacdeen ,mar kalena waad soo socotaan, malaa annaga ayaa cokane si uun ayey wax noqon.”ayuu yidhi Waxa uu intaas ku daray“Waxa aan idin leeyahay ha naga baqanina oo annaga inta uu odaygu dayriyey ee uu iska nacay siddaydan ee uu yidhi intiinaa uma baahni ayaaba idinku fillan.” Geesta kale Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in reer Galbeedku ay yihiin Qarandi,isla markaana aanay wax-ba hore u dhaadin“Annagu reer Hargeysa ayaanu nahay oo reer galbeed ayaanu nahay reer galbeedkuna waa qarandi,qarandiduna waxa la yidhi dayaxu marka uu shan iyo tobban marayo ayey tidhaah ma bishii ayaa bilatay ,arrinka siyaasadda Somaliland Burco ayuu ka go’aa ceelkaa Burco ee halkaas-na oggaada .” Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda amaniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka wasaaraddaasi Jaamac Axmed Cali (Joofane) oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, 7 kalena ay ku dhaawacmeen. Jaamac Joofane ayaa sidoo kale xusay in todobada qof ee dhaawacantay saddex ka mid ah ay yihiin askar ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in ciidamada ammaanka ay weli wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaas oo lala beegsaday goob maqaaxi ah. “Qaraxa waxa uu ka dhacay goob maqaaxi ah, inta aan ognahay waxaa ku dhintay 2-ruux oo mid kamid ah uu carruur yahay, waxaana ku dhaawacmay 7-qof oo saddex ka mid ah Askar yihiin, Laamaha ammaanka waxa ay wadaan baaris,” ayuu yiri afhayeenku. Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, waxaana haatan dadka dhaawacyada ah lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magaaladaasi, si loola tacaalo xaaladooda caafimaad. Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan. The post JUBBALAND oo war ka soo saartay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay KISMAAYO appeared first on Caasimada Online.
-
Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa soo dhaweysay iscasilaadda ay sameysay wasiirkii wasaaradda Haweenka iyo carruurta Dalka Itoobiya. ONLF ayaa sheegtay in ay soo dhaweynayaan Iscasilaadda Filsan Ahmed oo horay u aheyd wasiirka Haweenka iyo carruurta, taas oo shalay iska cashisay xilka wasiirnimo. Filsan Cabdullahi ayaa ah sidoo kale mas’uulkii ugu horeyay ee heer federaal ah oo qiray in kufsi iyo jir dil ay dhaceen inta ay socdeen dagaaladii TPLF iyo Ciidamada Itoobiya. Hoos ka akhriso Qoraalka ONLF ee soo dhaweynta Iscasilaadda Wasiirka Haweenka Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ay dileen gabar shacab ah. Ciidamada ayaa la sheegay in gabadha oo lagu magaacabo Maryan Axmed Caato ay dileen xilli ay la socotay gaari ay saarneyd. Dilka ayaana yimid kadib gaariga ay gabadha la socotay uu soo dhex galay kolonyo Madxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni. Illa iyo hadda maamulka Puntland Kama hadlin dilka marxuumad Maryan Axmed Caato, ay u geysteen ciidamada ilaalada u ah madaxweynaha Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Dilka ayaa waxaa lagu warramayaa in loo geystay haweeney shacab aheyd oo la socotay gaari marayey bartamaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maryan Axmed Caato waxaana ay ka mid aheyd dadka deegaanka ee ku dhaqan caasimada Puntland ee Garoowe. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu yimid, kadib markii gaariga ay la socotay haweeneydaasi uu soo dhex-galay kolonyada galbineysay madaxweynaha, taas oo keentay inay rasaas ku furaan ciidamada ilaalada ee madaxweynaha oo ka shakiyey baabuurkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka loo geystay haweeneydaasi. Ehellada marxuumadda oo si adag uga hadlay dhacdadan ayaa dalbaday in cadaalad loo helo dilka marxuumad Maryan Axmed Caato oo ay ku eedeynayaan ilaalada Saciid Deni. Garoowe ayaa waxaa marar badan rasaas ay fureen ciidanka amaanka waxaa ay waxyeelo isugu jirta dhimasho & dhaawac kasoo gaartay dadka rayid ah oo aan waxba galabsan. The post Ciidamada ilaalada Saciid Deni oo dil ka geystay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
On International Day for Universal Access to Information (IDUAI), today the Somali Journalists Syndicate (SJS) and the Somali Media Association (SOMA) call on the right of access to information for journalists, the right to know and report independently and without restrictions. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabmaya dhageysiga khudbadaha Musharixiinta Aqalka sare ee Somaliland. Guddiga doorashooyinka Aqalka sare ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Talaado ah shaaciyay in ay dhageysanayaan Ergooyinka khudbadaha Musharixiinta. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharnimo” ayaa lagu yiri war qoraal oo ay baahisay warbaahinta dawladda. Dhageysiga khudbadaha ayaa ka dhaceysa Teendha ku taalla xerada tababarka ciidamada Cirka ee Afisyooni. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia’s largely unbanked population could still aid the growth of small and medium enterprises (SMEs) in the country, if they join mobile money service. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar flood victims lose livelihoods and flee to Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(ERGO) – After losing everything in recent river floods in southern Somalia’s Jowhar district, Maryan Mohamed Subeir and her 10 children walked from their village the sixty five kilometres to the town of Balad, where they were given a ride in a vehicle going further south to Mogadishu. Source: Hiiraan Online -
Mahdi Guuleed oo sheegay in Cabdi Xaashi lala tartami doono
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa muujiyay in malxiis siyaasadeed oo la tartama loo soo helay guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in la tashiyo badan, kadib la go’aamiyay in kursiga kowaad ee Aqalka saree e laga soo doorto Somaliland lagula tartamo Cabdi Xaashi Cabdillaahi. Wuxuu sheegay in Cabdi Xaashi uu la tartami doono nin lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen, oo sida muuqata malxiis siyaasadeed u noqon doona. “Markaan samaynay latashi badan dhegeysanay odayaasha dhaqanka waxaan go’aamsannay in kursiga koowaad ee Aqalka Sare ee Somaliland lagula tartamo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu la tartami doono Saciid Cumar Xuseen” ayuu yiri Mahdi Guuleed. PUNTLAND POST The post Mahdi Guuleed oo sheegay in Cabdi Xaashi lala tartami doono appeared first on Puntland Post. -
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo taageero garab istaag u ah u muujiyay Suudaan, uguna baaqay Jaamacadda Carabta in ay oofiso ballanqaadkeeda taageero ee doorashooyinka Soomaaliya Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi, oo ay ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa , laguna qoto dheereyn lahaa. Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadiiTalaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday Suudaan, wuxuuna ku dhawaaqay inay Soomaaliya si dhammaysriran u garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo sheegtay in ay garab taagantahay Suudaan oo muran xoogan kala dhexeeyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Biyo xireenka ay ka sameysatay Itoobiya webiga Nile-ka ayaa muddo badan waxaa ka taagana khilaaf, kaasi oo saameyn ku yeelan doona mustaqbalka Soomaaliya, sida uu sheegay Aqoonyahan Prof. Xasan Macalin. Prof. Xasan oo PHD ka haysta xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in arrinta muranka biyaha ee Masar iyo Itoobiya aysan ku koobnaan doonin labada dal, maadama uu ku doodayo in Itoobiya ay u soo jeesan doonto Jubba iyo Shabeelle, kadib marka ay kasoo dhamaato Nile-ka. “Haa, muranka Itoobiya iyo Masar, waxa uu saameyn nagu yeelan doona waqti fog, waayo hadda Itoobiya biyaha ay muran gelisay waa Nile oo galbeed ah, marka dhanka bari usoo jeesato, oo Jubba iyo Shabeelle soo aado ayey saameynta iman doontaa,” ayuu yiri Prof. Xasan Macalin. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in Soomaaliya ay hadda taageero u muujiso Masar oo ay si weyn biyo xireenka Nile-ka iskugu hayaan Itoobiya, oo ayadu saaxiib dhow la ah madaxda sare ee dalka. “Haddii ay Masar heshiis uga baxdo, Soomaaliyana waa uga bixi doontaa, sidaas darteed Soomaaliya waa iney taageerto Masar, waayo waa isku dan, haddii Itoobiya ay ku guuldareysato kiiska Masar, Soomaaliya berri waa ay ku doodi kartaa.” Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Masar ay isku dan yihiin, saameyn xoogana ay bulshadooda ku yeelan doonto qorshaha Itoobiya ee keli faa’iideysiga. Muranka biyo xireenka Nile-ka ayaa muddo badan ka dhex taagna dalalka Masar, Sudan iyo Itoobiya, ayada oo muddooyinkii dambe ay si weyn uga dhex tafantay Masar iyo Itoobiya, mana jiro ilaa hadda heshiis rasmi ah oo laga gaaray arrintaas. The post Ethiopia ‘oo usoo socota’ Shabelle iyo Jubba iyo farriin loo diray DF Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Maxay wasiir Filsan Cabdullaahi isaga casishay Golaha Wasiirada Xukumada Abiy Ahmed Filsan Abdullahi Ahmed Wasiirka Arrimaha Haweenka Ethiopia, oo ahayd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee qirta in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, ayaa Isniinta maanta xilkaasi iska casishay iyadoo aan sheegin sababta ay xilka uga degtay. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Bishii tegtay, Filsan ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegtay in warbixinta guddiga loo diray xeer-ilaaliyaha guud, islamarkaana ay u taallo saraakiisha hay’adaha fulinta inay go’aan ka gaaraan xaddiga dambiyada iyo cidda mas’uulka ka ah. Waxa ay intaas ku dartay inay rumeysan tahay in saraakiisha sharci-fulinta “ay sameynayaan intii karaankooda ah” laakiin ay rajeyneyso in shaqadu ay si dhaqso leh horey ugu sii socon doonto. Filsan kama jawaabin codsi loo diray maanta oo ku saabsanaa inay faah-faahin dheeri ah ka bixiso is-casilaaddeeda. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. AFP Qaran News
-
Nin Mareykanka aad u raadinayey oo ay CIA damacday inay London ka qafaalato Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa qorsheysay in ay safaaradda Ecuador ee magaaada London ka afduubato aasaasaha bogga xogta xasaasiga ah soo bandhigta ee Wikileaks, Julian Assange, sida ay sheegeen saraakiil horay uga tirsanaan jiray sirdoonka. Saraakiishan ayaa barnaamijjka baaritaanka sameeya ee Yahoo News u sheegay in madaxda hay’adda CIA-da ay sidoo kale ka wada hadleen kaarajinta ninkaas, balse waxaa jiray walaacyo ku aadan sida sharciga loo waafajin karo fal dil ah. Madax sarsare oo ka tirsanaa maamulkii Donald Trump ayaa ka dooday walwalka laga qabo in tallaabadaas la qaado, sida ay saraakiishan ku andacoodeen. Warkan aya 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u hadal hayay inta badan warbaahinta dalalka reer galbeedka, oo uu ka mid yahay wargeyska New York Times. Yahoo ayaa markii ugu horreysay warkan sii daayay galinkii hore ee maalintii Axadda. Sida lagu sheegay warbixinta Yahoo, arrintan uu soo jeediyay agaasimihii xilligaas ee CIA-da, Mike Pompeo, oo markii dambena noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda ee xukuumaddii Donald Trump. Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa qabay walaac weyn, iyagoo xitaa dareemayay in ay khasab tahay inay wargeliyaan xubnaha Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka. In ka badan 30 sarkaal oo hore ayaa laga soo xigtay xogtan ugu dambeysay ee muujineysa in la isku dayay afduubka ama dilka Assange. Julian Assange CIA-da ayaa ka carootay baahinta kumannaan dukumiinti oo ku saabsan xogta militariga Mareykanka iyo xiriirka diblomaasiyadeed oo bogga Wikileaks lagu daabacay, taasoo daaha ka rogtay. Arrintaas ayaa horseedday in mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan hay’addan ay codsadeen “fasax” la xiriira in ay dilaan Assange, sida lagu sheegay natiijada baaritaanka. Mid ka mid ah saraakiishii sarsare ee la dagaallanka argagixisada ayaa sheegay inuu xasuusto in xilligaas 2ay xaaladdu u muuqatay mid aan xuduudo lahayn”, gaar ahaan markii ay wadahadlayeen xubnaha sarsare ee maamulkii Trump, sanadkii 2017-kii. Doodda ayaa billaabatay markii bogga Wikileaks uu daabacay xogta loo yaqaanno Vault 7 – oo ah sir lasoo dusiyay oo ku saabsan sida ay CIA-da u damacsaneyd in ay u dhacdo xogta shirkadaha adeegga telefoonnada ee Apple iyo Android. Wikileaks ayaa xilligaas shaaca ka qaadday in dowladda Mareykanka ay iyadoo aan loo fasixin jabsan rabtay macluumaadka telefoonno iPhone ah, Google, telefoonnada Android iyo telefishinnada Samsung. Faafinta xogta uu sii daayay bogga WikiLeaks waxaa lagu tilmaamay sirtii ugu weyneyd ee CIA-da laga dusiyay intii ay jirtay taariikhdeeda. Trump oo soo jawaabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay saxnimada warbixinta uu soo saaray Yahoo ee sheegeysa in la qorsheeyay dilka aasaasihii WikiLeaks, Julian Assange. Trump ayaa sheegay in xogtaas ay tahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. Assange ayaa horay loogu xukumay inuu muddo 50 isbuuc ah ku qaato xabsiga Belmarsh, oo ku yaalla koonfurta-bari ee magaalada London, ka dib markii bishii Abriil lagu helay dambi ah inuu jabiyay xeerka u yaalla dadka damiinka lagu sii daayo. Waxaa lagu xiray safaaradda Ecuador, halkaasoo uu sanadkii 2012-kii tagay isagoo magangalyo doon ah, si uu uga badbaado in waddanka Sweden loogu gacan galiyo eedeymo la xiriira kufsi, kuwaasoo uu dhankiisa beeniyay. Qaran News
-
Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday Tanzania Sahra Cali Xasan, ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma. Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo. Safiirka Soomaaliya ayaa adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah. Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Tanzania oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay safiirka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta kala ah Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka soo wada jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, ayaa wadajir u soo saaray war-saxaafadeed ay uga soo hor jeedaan hanaanka ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed u maamulayaan doorashada kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga. Seddaxdaan siyaasi oo ra’iisul wasaare ku xigeen ka soo wada noqday dowladihii dalka soo maraya ayaa qoraal ay soo saareen ku yiri, “lyadoo aan aad soo dhawaynay heshiiskii labada daraf ee Siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland oo aan qayb ka ahayn, waxaa la rajaynayey in ay qabsoonto doorasho xor ah oo xalaal ah, oo ku dhisan tartan loo siman yahay kuna dhacda si caddaalad ah.” Siyaasiyiintaan oo nuoxurka qoraalkooda ku soo koobay shan qodob ayaa sheegay inay filayeen in doorshadaasi ay noqon doonto mid hufan oo tusaale u noqota doorashooyinka kale ee dalka, balse Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mahdi Maxamed Guuleed markii ay la wareegeen doorashada xubnaha Aqalka Sare ay u soo baxeen qodobada kala ah: 1 – Waxay si caddaallad darro ah oo baalmarsan sharciga iyo daah-furnaanta tartanka doorashada u soo qoreen liiska musharaxiinta Aqalka Sare, iyagoo ah musharaxiin la tartamaysa dadka ay qorayaan. 2 – Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi wuxuu isagu xayndaabtay kursiga 1-aad kaligiis, si aan cidina ugula tartamin, isagoo jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey. 3 – Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed waxay kuraasta inteedii kale u xireen dad gaar ah, iyagoo si gef ah oo bareer ah liiska uga reebay tartamayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa hadda kuraastaasi ku fadhiya xaqna u lahaa inay ku tartamaan, taasoo baal marsan hadalkii Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ka jeediyay kulankii iscafinta oo uu ku sheegay in xildhibaanada kuraasta ku fadhiya lagula tartami doono, si siman oo cadaalad ah. 4 – lyagoo sheeganaya magaca Guddoonka Sare ee doorashada Somaliland, waxay soo saareen habraac ay ku sheegeen in lagu maamulayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo aanay xaq u lahayn inay soo saaraan Habraac doorasho. Arrintaasi waxay khilaafsan tahay heshiisyadii 17-kii Sep. 2020 , 1-dii Oktober2020 iyo 27-kii May 2021 ee kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran. Magacaa ay iskood ula baxeen meelna kagama jiro shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka ee soo baxay. 5 – Waxay fara galin ku sameeyeen Odayada Dhaqanka( Saxiixayaasha) qaarkood oo ay ka qaadeen xuquuqdii iyo masuuliyadii ay dadkii ay wakiilka ka ahaayeen u dhiibteen , taas oo aan horay loogu arag dhaqanka Soomaaliyeed, iyagoo ka leh dano gaar ah. Ugu danbayntii Xuseen Carab Ciise, Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi Maxamed qoraal ay soo saareen waxay baaq ugu direen Ra’iisul Wasaaraha Rooble, iyagoo ka dalbaday in la saxo qaladaadka ku jira doorashada, lana waafajiyo shuruucda iyo habraacyada doorashooyinka dalka ee lagu heshiiyey, waxayna soo jeediyeen in laga digtoonaado tan oo kale laga ilaaliyo doorashada Golaha Shacabka, loona qabto si caddaalad ah oo daahfuran. The post “Doorashadii xildhibaanada waqooyi oo noqon weysay sidii la filayey” – Siyaasiyiin soo saaray qoraal xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta baarlamaanka federaalka ee gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in Talaadada maanta ay bilaaban doonto hadal jeedinta musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana oo horay loo soo saaray liiska xubnaha u tartamaya 11-kaas kuraasi ee reer waqooyiga. Guddiga ayaa dhamaan musharixiintii is diiwan gelisay ku war-geliyey in Talaadada maanta ee 28-ka bisha ay si rasmi ah u bilaaba doonto hadal jeedinta musharaxiinta oo ka dhaceysa teendhada Afisyooni oo xeyndaabka Xalane ku taalla. “Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021(Talaada) ay si rasmiya u bilaaman doonto hadal jeedintii(khudbadihii) musharixiinta. Goobta: Xerada Afisiyoone Saacada: 8:00 Am, subaxnimo Fadlan Waxa Laga codsanayaa musharixiinta in ay dhowraan wakhtiga,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga. Khudbadaha musharaxiinta kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee reer waqooyiga oo loo balansanaa in Isniintii shaalay la bilaabo ayaa waxaa habeen ka hor lagu baajiyey qoraal ka soo baxay isla gudigaan, iyadoo aan weli la shaaciyey sababta keentay dib u dhacaas halka maalin ah. Qoraalkii horay uga soo baxay guddiga maamulka doorashada kuraasta gobollada waqooyi ayaa lagu yiri, “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in uu dib u dhac ku yimid hadal jeedintii berri ay jeedin lahaayeen musharixiintu. Dib ayaan kasoo sheegi doonaa wakhtiga.” The post War cusub oo kasoo baxay gudiga maamulka doorashada xildhibaanada G/Waqooyi appeared first on Caasimada Online.
-
Raysalwasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa u sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu ka tallaabay dhammaan khadadka cas ee dalkiisa. Wuxuu ku eedeeyay Iiraan inay doonayso inay ka taliso Bariga Dhexe iyadoo ka abuuraysa dallad nukliyeer gobolka, wuxuuna ku adkaystay in Israa’iil aysan u oggolaan doonin Iiraan inay hesho hubka nukliyeerka. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay suurtogalnimada in Israa’iil kaligeed wajihi doonto Iiraan, arrintaas oo uu dalkiisu marar badan ku hanjabay. “Barnaamijka nukliyeerka Iiraan wuxuu gaaray heer biyo -galeen ah sidoo kale dulqaadkeenna ayaa isna gaaray heerkii ugu dambeeyay,” ayuu yiri Bennett. PUNTLAND POST The post Rai’sul wasaaraha Israa’iil oo hanjabaad u jeediyay dalka Iran appeared first on Puntland Post.
-
CAPE TOWN - Nine asylum seekers can renew their appeal for refugee status after the Supreme Court of Appeal (SCA) ruled on how refugee applications must be dealt with and adjudicated Source: Hiiraan Online
-
The 39th fleet of the Chinese People's Liberation Army (PLA) Navy set out from the city of Qingdao, in east China's Shandong Province, on Sunday to conduct an escort mission in the Gulf of Aden and the waters off Somalia. Source: Hiiraan Online