Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,367
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wiil Soomaali ayaa lagu dhawaacay magaalada Toronto ee dalka Canada, kaasoo la sheegay in xaaladdiisa ay aad u daran tahay. Booliska ayaa wada baadhitaan la xidhiidh ciddii ka dambeysa weerarka loo geystay wiilkaasi. Wararka ayaa sheegaya in goobta lagu dhawaacay wiilka uu ku yaallo hool lagu dhigto aroosyada. Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed ayaa shaaciyey in wax ka bedel lagu sameeyay liiskii musharaxiinta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii ay ka timid cabashooyin dhowr ah. Mahdi Guuleed ayaa sheegay in Kursiga 1-aad oo markii hore loo xiray Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi hadda dib loo furay, islamarkaana uu kula tartami doono musharax kale. Musharaxa lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa magaciisa lagu sheegay Saciid Cumar Xuseen, midaasi oo ka dhigan in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu wajahi doono loolan cusub. “Nasiib darro waxaa markii hore weynay hal qof oo la tartama Kursiga 1-aad Guddoomiyaha, sidaasa ku shaacinay, hase yeeshe marka aanu la tashi sameynay oo dhageysanay odayaashii deegaanka ee Kursiga 1-aad, waxaanu soo xulnay Saciid Cumar Xuseen oo kula tartami doono kursigaas Guddoomiye Cabdi Xaashi,” ayuu yiri Mahdi Guuleed. Musharax cusub ee lala qorayo Cabdi Xaashi ayaa waxa uu imanaya xili uu Liiska musharaxiinta Somaliland ee ay hore u soo saareen Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi u gudbay Guddiga doorashooyinka. Lama oga in arrintaan ay Mahdi Guuleed ka wada socdaan Cabdi Xaashi, ayada oo walaac laga muujinayo inay abuurto khilaaf cusub oo curyaamiya doorashada kuraasta gobollada Waqooyi. Si kastaba, waxay ku soo aadeysa tallaabadaan xili ay maanta qoraal cabasho ah soo saareen siyaasiyiin ka tirsan kuwa gobolada Waqooyi, oo ayagu ku eedeeyay Cabdi Xaashi inuu jebiyey habraacyadii iyo shuruucdii doorashooyinka ee lagu wada heshiiyey. Hoos ka daawo muuqaalka Mahdi Guuleed The post Daawo: Mahdi Guuleed oo shaaciyey in kursiga Cabdi Xaashi lagula tartami doono – Maxaa isbedelay? appeared first on Caasimada Online.
  3. Degdeg:20 Qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sweden Qaraxa Gothenburg, Sweden Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey. Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg. Afar qof oo ka mid ah – oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo – ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson. Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal. Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa. “Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg. Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am. Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay ‘inay aad u xumeyd” inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa. “In badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,” ayuu yiri Damberg, sida ay kasoo xigatay TT. Qaran News
  4. Sirta ku duugan Kitaabka Quraanka ah ee lagu qoray dhiigga Saddam Xuseen Maarso 2003, waxaad ku arki kartaa bogag Qur’aan ah oo la sheegay in lagu qorey dhiiga Saddam Hussein masaajidka. Dabayaaqadii sagaashameeyadii, Saddaam Xuseen ayaa la kulmay sawir qaade, wuxuuna watay codsi la yaab leh. Saddaam Xuseen, oo xukunka qabtay 1979-kii, wuxuu Ciraaq sii xukumayay illaa duulaankii Mareykanka uu dalkaas ku qaaday ee 2003-dii. Wuxuu doonayay inuu nuqul ka sameeyo Kitaabka Qur’aanka, wuxuuna adeegsanayay dhiiggiisa si loogu qoro Kitaab Quraan ah. Sida sheekada ku cad, Saddaam Xuseen wuxuu toddobaad kasta gacan siin jiray kalkaaliye caafimaad muddo laba sano ah, si uu u soo saaro dhiiggiisa looguna isticmaalo qorista Qur’aanka. In kasta oo kharash badan uu ku baxay, tafaasiisha laga hayo ayaa haddana ah kuwa dad badan ay ku wareereen. Laakiin sida ku cad sheegashooyinka soo noqnoqday, Saddaam Xuseen wuxuu isticmaalay 24 litir oo dhiig ah si loogu qoro 605 bog (114 suuradood) oo Quraanka ah. Joseph Sasson, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Carabiga Casriga ah ee Jaamacadda Georgetown ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Qur’aanka lagu guddoonsiiyay Saddaam Xuseen uu ahaa mid uu si wayn ugu farxay. Sasson sidoo kale waa qoraaga buug ka hadlaya Saddaam Xuseen, hoggaamiyihii hore ee Ciraaq. “Sadam aad buu u faraxsanaa,” ayuu yiri Samuel Halfont, oo ah brofosoor ku xeel dheer istaraatiijiyadda siyaasadda ee Dugsiga Sare ee Badda ee California. Masjidka Umm al-Qura ee Baqdaad waxaa dhisay Saddaam Xuseen Nuqul ka mid ah Quraanka ayaa sidoo kale lagu keydiyay Masjidka Ummul-Quraa ee Baqdaad. Masaajidka waxaa sidoo kale dhisay Saddaam Xuseen wuxuuna leeyahay afar minaaradood oo waaweyn. Dadka qaar ayaa rumaysan in minaaradda u eg tahay caarada qoriga Kalashnikov (AK-47). Markii la soo bandhigayay kitaabkaasi Qur’aanka waxaa ka warramay warbaahinta Ciraaq iyo kuwa caalamiga ah. 24 litir oo dhiig ah ayaa la sheegay in loo adeegsaday qorista Qur’aanka Halfont ayaa BBC -da u sheegay in 24 litir oo dhiig ah oo lagu daray kiimikooyin kala duwan loo isticmaalay sida khad ahaan. Ma noqon kartaa dhiiggii Saddaam Xuseen? Joseph Sasson, oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka Carabiga Casriga ah ee Jaamacadda Georgetown ee dalka Mareykanka ayaa yiri,, waa run in Saddaam uu dhiigiisa bixiyay, laakiin wuxuu weli ka shakisan yahay in dhiigga oo dhan uusan isaga ahayn; “maxaa yeelay waxaa loo baahnaa dhiig badan.” Waxaa lagu qiyaasaa in qofkiiba uu deeq ahaa u bixin karo illaa 470-ml oo dhiig afar jeer sannadkii. Tani waxay si cad u muujinaysaa in Saddaam uu ku deeqay diigiisa muddo saddex sano ah. “Markaa sax iyo khalad ma wada noqon karo, laakiin isaga oo ka duulaya wixii ku dhacay wuxuu go’aansaday inuu ku deeqo dhiig si loogu adeegsado qorista Qur’aanka.” Saddaam Xuseen Dhicitaankii dawladdii Saddaam Xuseen, 2003-dii ka dib, waaxaa la qariyay nuqulkii Quraanka ee dhiigga ku qornaa. Weriyeyaal ayaa loo diiday nuqulkaas, waxaana lagu amray in marka hore ay raadsadaan oggolaanshaha Guddiga si loo tuso kitaabkaas. Cabaas Shaakir Judi, oo mas’uul ka ahaa qorista, ayaa go’aansaday inuu ka tago Ciraaq oo uu ku noolaado gobolka Virginia ee Mareykanka. Qaar badan oo ka mid ah taalooyiinkii Saddaam Xuseen ayaa laga qaaday Ciraaq, sannadkii 2003-dii. Dhismayaasha uu isaga lahaa ayaa laga dhigay kuwa dad wayne. Sida laga soo xigtay Halfont, “tani waxay caddeysay in ay tahay arrin la xiriirta diinta.” Dhinaca kale, hoggaamiyeyaasha diinta iyo aqoonyahannada waxay sheegaan in dhiigga la isticmaalay uusan ka nadiifinayn qofka waxii uu galay, sidoo kale taariikhda Islaamka kuma jirto Kitaab dhiig lagu qoray. Aaway Kitaabkaas Dhiiga lagu qoray? Saddam Hussein Waxaad ka heli kartaa oo lagu qariyay mid ka mid ah masaajidada Baqdaad. Markii Maraykanka uu galay waddanka, qofka masuulka ka ahaa kitaabkaas ayaa u sheegay wargeyska The Guardian ee Britain in “loo baahan yahay saddex fure si loo helo waraaqo badan…” Furayaashaasi mid waxaa haystay saddaam, midna taliyaha booliiska halka midka saddexaad uu yaallo Baqdaad. ‘U adeegsiga diinta ujeeddooyin siyaasadeed’ Sasson wuxuu leeyahay Qur’aanka dhiigga lagu qoray wuxuu tusaale u yahay sida “kaligii-taliyaha u adeegsan karo wax kasta si uu u gaaro himilooyinkiisa siyaasadeed, iyada oo aan loo eegin diinta”. “Dhammaadkii dagaalkii ay Iiraan la gashay ee sagaashamaadkii, Sadaam wuxuu ogaaday in fikirka diimeed ee Iiraan uu ku salaysan yahay Ciraaq”. Waxa uuna si cad u sheegay in dhalinyarada xisbiga Ba’ath ay u jeesanayaan xagjirnimada. “Uma maleynayo inay noqdeen kuwo rumaystay,” ayuu yiri Sasson. Waxay arrintan u soo bandhigeen qaabab ujeeddooyin siyaasadeed ah. Sawir la qaaday November 1988, oo muujinaya Saddaam Xuseen iyo qoyskiisa Wuxuu sheegaa inuu saddaam dhisay masaajidyo iyo jaamacad weyn, taas oo uu ugu yeeray xarunta ugu weyn ee barashada Quraanka. Wuxuu u haystay in ay tahay fikrad wanaagsan, sababtoo ah wuxuu u malaynayay in ay dadka ku qancin doonaan in ay taageeraan xisbigiisa. Waxay u maleeyeen in taas ay u “sahlayso in ay dadka maamulaan iyaga oo adeegsanaya diinta,” ayuu yiri Sasson. Waxa uu tusaale u soo qaatay Saddaam Xuseen, oo beddelay hab-dhaqankii uu kula macaamili jiray haweenka si uu u gaaro himiladiisa. Wuxuu u ololeeyay xuquuda haweenka sida in ay yeeshaan xuquuqda codeynta, waxbarashada ama shaqada. “Wuxuu ahaa qof si dhab ah ugu dooda doorka haweenka ee bulshada laakiin 1990-kii ayuu beddelay codkiisii, wuxuuna billaabay inuu dhaho ‘haweenku waxay ku fiican yihiin guriga, shaqadooduna waa inay helaan carruur badan intii suurtogal ah’.” Wuxuu leeyahay laba sababood ayaa jiray. “Nacaybka diinta iyo shaqo la’aanta ayaa kordhay.” Toddoba milyan oo askari ayaa sidoo kale lagu dilay dagaalkii Kuwait. Sida laga soo xigtay Sassoon, “wuxuu rabay in shaqooyinka haweenku ay ragga qaataan (sida ka dhacday Yurub dagaalkii koowaad ee adduunka ka dib) si loo yareeyo xiisadaha bulshada ee ka dhasha shaqo la’aanta.” Qaran News
  5. Gothenburg (Caasimada Online) – Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu dhaawacay, oo ay ku jiraan afar xaaladdooda ay liidato, qarax maanta kala dhantaalay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Gothenburg ee dalka Sweden, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa intaas u daray in qaraxa uusan u muuqan inuu ahaa mid kama’ ah, ayada oo dalkaas ay sanadihii dhowaa ka dhaceen qaraxyo ama isku dayo qaraxyo oo lala xiriiriyo kooxaha burcadda ah. Baaburta gurmadka deg degga ah, kuwa dab-damiska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa ku cararay goobta qaraxa, sida ay muujinayaan muuqaallo ay baahiyey taleefishinada. Waxa sababay qaraxa, oo dhaliyey dab ku baahiyey dhismaha badankiis, ayaan weli caddeyn. “Goobta waa la xiray, waxaana socda howlgal gurmad ah,” waxaa sidaas yiri Hans-Jorgen Ostler, oo ah afhayeenka booliska gobolka galbeed ee Sweden. Wargeys kasoo baxa Gothenburg oo lagu magacaabo GP ayaa ilo-wareedyo boolis kasoo xigtay inay rumeysan yahay in walxo qarxo la dhigay mid ka mid ah marinada qolalka laga galo ee apartment-ga. Isbitalka Sahlgrenska University, oo ah kan ugu weyn magaalada Gothenburg ayaa la dhigay 20 qof oo ku dhaawacmay qaraxa iyo dabkii ka dhashay ee xigay, sida ay sheegtay Ingrid Fredriksson oo dhanka warbaahinta u qaabilsan. Afar ka mid ah dhaawaca, oo kala ah saddex haween iyo nin, ayaa xaaladdoodu ay aad u liidataa sida ay sheegtay Fredriksson. Dadka degan apartment-ga ayaa taleefishinka TV4 u sheegay in qaraxa uu waxyeello xooggan gaarsiiyey dhismaha. Sweden ayaa sanado badan la xarbineysay inay ka hortagto sare u kaca dambiyada xiriirka la leh burcadda hubeysan, kuwaas oo sare u qaaday dilalka iyo qaraxyada ka dhaca dalkaas, oo sidiisa kale ah mid nabdoon. Sanadii 2020, booliska ayaa diiwaan geliyey 107 qaraxyo yar yar ah oo ka dhacay dalkaas, oo ay ku nool yihiin 10.3 milyan oo qof, iyo sidoo kale 102 isku day qaraxyo ama diyaarintooda ah. The post DEG DEG: Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Gothenburg, Sweden appeared first on Caasimada Online.
  6. For Edna Adan, the so-called “mother” of Somaliland, the hospital she set up in the capital city of Hargeisa is a reminder both of one of the worst massacres in the region and of the urgency of gaining international recognition for the self-proclaimed state. “We are at the top of an extermination camp,” said the former foreign minister, a president’s wife and midwife, referring to Somali dictator Siad Barre’s massacre of 200,000 Somalis who wanted independence in the 1980s. “I want this place to be a place where human life and human dignity are preserved and respected, showing the dignity and compassion and recognition that Somaliland deserves,” he told the Financial Times. Three decades after Somaliland first seceded from Somalia, the self-proclaimed nation state this year successfully held democratic elections and attracted large investment from Dubai’s DP World in the port of Berbera Somaliland officials hope that all of this means it is creeping closer to achieving its goal of international recognition, without which it will struggle to obtain much-needed multilateral financing to power its $ 3.5 billion economy, backed by remittances. and camel cattle. “It may seem like a miracle that in 2021 there is an unrecognized state that, at the same time, functions properly as a recognized state,” said Saad Ali Shire, Somaliland’s finance minister. Ismail Ahmed, founder of the global remittance platform Zepz, which is investing 500 million dollars in education, health and infrastructure, said: “It is quite regrettable that one of the most democratic governments in Africa, a country that has managed to rebuild after a war, it is denied recognition. “ Hargeisa Independence Monument: Somaliland has brought relative peace and stability to its 5.7 million people, with an elected parliament and their own passports © André Khalil / FT But fearing it would encourage their own restless regions, some regional players are reluctant to recognize Somaliland. “It won’t happen anytime soon,” said an official from a Horn of Africa country. Still, the United Kingdom, the United Arab Emirates, Turkey, and Ethiopia have a presence in Somaliland. This month, Kenya established a diplomatic delegation, a year after Taiwan, a move that angered China. The former British protectorate of Somaliland became independent on June 26, 1960. Five days later, it joined the former Italian colony of Somalia, only to separate in 1991 after the fall of Barre. While Somalia collapsed into civil war and has been besieged by al-Shabaab jihadists, Somaliland has delivered relative peace and stability to its 5.7 million people. It has its own elected bicameral parliament, with the Guurti of elders similar to the House of Lords of Great Britain: he drafts his own army, prints his own currency and issues his own passports. “We have tried to be a functioning democratic country for 30 years, but it seems that to get the world’s attention you need to be a troublemaker,” said Ayan Mahamoud, a former Somaliland representative to the UK. The Mogadishu government has been fighting al-Shabaab for years, aided by billions of dollars in US aid. Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed, popularly known as Farmaajo, is now at odds with his prime minister ahead of the October elections. In April, he tried to request a two-year extension of his mandate, sparking armed clashes between rival factions. Insider voice Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka iyo khilaafka madaxda sare, ayaga oo taageero u muujiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Guddoomiyaha Golaha oo warbaaahinta la hadlay ayaa ugu horeyntii sheegay in cidda ka hor timaada hanaanka doorashada dalka ay u aqoonsanayaan Qaswade aan raali ka aheyn in waddanka nabad ka dhalato oo doorasho la gaaro. “Waxaa u arkeynaa cidda ka hortimaada in waddanka uu dowlad yeesho Qaswade anagana ma taageereyno, waxaa rabnaa in doorashada u dhacdo hanaankii lagu heshiiyo, ciddii ku guuleysaneysa ha ku guulaysate,” ayuu yiri. Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku rabo in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, laguna wada qanacsan-yahay, ayaga oo taageero u muujiyey in Kiiska Ikraan si cadaalad ah loo qaado, iyo go’aanka uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha “Xilkii Dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waa dhamaaday, waxa keli ah oo hadda hogaanka haya waa xil-gaarsiinta Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada, waxaa soo jeedinayna wanaag bey tahay in doorasho la aado, ciddii uu calaf u galo la doorto waxna doorato.” “Howsha doorashadu ha socoto, Xil-gaarsiinta (Ra’iisul Wasaaraha) ayaa mas’uul ka ah arrimaha doorashooyinka iyo amniga loona daayo howlahaas, waxna laga raad-raadin, laguna garab istaago.” Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in waan-waanta muddooyinkii dambe laga dhex waday Rooble iyo Farmaajo aan loo curyaamin howlaha doorashada iyo amniga oo uu mas’uul ka yahay Ra’iisul Wasaaraha. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Golaha hogaaminta HABAR-GIDIR oo go’aano culus kasoo saaray xiisadda taagan appeared first on Caasimada Online.
  8. Shan arrimood ka ogow doorashada Itoobiya Doorashada Itoobiya Doorashada lixaad ee ka dhacaysa Deegaanka Soomaalida 30 bishan sagaalaad oo ka dib martay doorashadii badi dalka ka dhaxday 21 june ee isla sanadkan ayaa waxaa loo tartamayaa kuraasta baarlamaanka golaha deegaanka oo dhan 273 kursi iyo 22 ka mid ah 23 ka kursi ee Soomalida ku leeyihiin aqalka wakiilada shacabka ee dalka iyadoo kursiga 23aadna uu yahay kursiga Soomaalida ku leedahay ismaamulka Magaalada Diridhaba oo wareegii koobad ay ka qabsoontay doorashada 21 june Goobaha doorashada ay ka dhacayso 30 bisha September waxaa kale oo ay ka dhacaysaa Deegaanka Herarida iyo qaybo kamid ah deegaanka Shucuubta Koonfureed Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxa uu iminka ka koobanyahay 11 gobol iyo sagaashan iyo sadex degmo inkastoo gudiga doorashada uu ku saleeyay goob doorashooyinka 9kii gobol ee hore waana sidan habka ay kuraasta ugu qaybsantahay Gobolada deegaanka Soomaalida. 1:Gobolka Afdheer wuxuu leeyahay 32 kursi oo heer deegaan ah iyo 3 kursi oo heer federaal ah 2: Gobolka Fiiq/Erer& Nogob wuxuu leeyahay 33 kursi oo heer deegaan ah iyo 2 kursi oo heer federaal ah 3: Gobolka Goday/Shabeele heer deegaan 36 heer Federaal 2 4: Gobolka Jigjiga/Faafan heer deegaan 44 heer federaal 3 5:Gobolka Qoraxeey heer deegaan 23 heer federaal 1 6: Liibaan heer deegaan 27 kursi 1 heer federaal ah 7: 7:Shiniile/Siti heer deegaan 22 kursi iyo 3 kursi oo heer federaal ah 8: Wardheer/Doolo heer deegaan 18 kursi iyo 3 heer federaal ah 9: Jarar/Dhagaxbuur Heer deegaan 38 kursi iyo 4 kursi oo heer federaal ah 1- Xisbiya ka qeybgalaya Doorashadan oo markii hore ay isku diwaangaliyeen shan xisbi siyaasadeed taas oo ka dhigaysay doorashadii ugu horeesay ee xisbiyo intaa le’eg ka qaybgalkeeda ay isku diwaangaliyaan ayaa waxaa qaadacay ilaa iyo sadex xisbi oo miisaan leh ururka ONLF oo ugu danbeeyay in uu ka baxo loolanka doorashada lixaad ayaa warsaxaafadeef ay soo saareen 17 bishan ku sheegay in aysan ka qayb galeynin doorashadn oo xisbiyada mucaaradka ay ku eedeeyeen xisbiga talada dalka haya ee barwaaqo in ay boobeen kaararkii codeynta 2- Shan Milyan oo codbixiyeyaal ah Doorashada sanadka waxaa isku diwaangaliyay sida ay sheegeen gudiga qaran ee doorashooyinka tiradii ugu badneed ee codbixiyayaal ah tirada is diwaangalisay oo lagu sheegay in ka badan shan milyan oo qof ayaa noqonaysa in doorashadan ay codeyn doonaan tirada ugu badneed ee codbixiyayaal ah walow siyaasiyinta axsaabta mucaaradka ay tiradaasi shaki weyn ka muujinayaan 3 – Ololaha Ololaha ayaa si xoog leh ku socda Waxaa heerkii ugu sareesay gaadhay isku soo baxa taageerayaasha xisbiga talada haya iyadoo degmooyinka iyo magaalooyinka deegaanka lagu arkayay olole xoogan oo xisbiga talada haya uu ku muujinayo taageeradiisa xili aysan jirin xisbi loolan kula jira Caasimadda deegaanka ee jigjiga ayaa maalmahii ololaha lagu arkayay isku soo baxyo taageero loogu muujinayo xisbiga barwaaqo oo aad abaabul uga muuqda mararka qaarna hakad galinayay isku socodka bulshada taas oo ay cabasho ka miujinayeen qaar ka mid ah bulshada caasimadda ku dhaqan 4- Haweenka Musharixiinta ah Dumar badan ayaa musharixiinta Tiradii ugu badneed ee hawern ah ayaa waxaa soo sharaxday xisbiga talada deegaanka haya ee barwaaqo 81 ka mid ah 273ka kursi ee golaha baarlamaanka deegaanka ayaa waxaa u sharaxan haween halka ay 23ka murashax ee kuraaasta baarlamaanka heer federaalna ay 9 ka mid ah haween yihiin 5- Musharixiinta Madaxa banaan Tiradii ugu badneed ee murashaxiin madax banaan ayaa isku diwaangalisay loolanka doorashadan lixaad ee ka dhacaysa sanadkan Deegaanka soomaalida 92 murashax ayaa isku diwaangalisay in si maadax banaan ay ooga qeybgalayaan doorashadan kwaas oo shan ka mid ah u tartamayaan kuraasta heer federaal laakin waxaan ila hadda xog rasmi ah laga hayn tirada dhabta ah ee ilaa hadda mowqifkoodaas ku sii dhagan iyadoo doorashadan ay hadheeyeen eedeymo ka dhan xisbiga talada deegaanka haya ee barwaaqo oo lagu eedeeyay in kaakarkii codbixinta musuqay Qaran News
  9. Mogadishu (HOL) - Somalia Ambassador to Canada, Hassan Dahir Dhimbil, hosted a meet-and-greet for the Somali community in Ottawa. Source: Hiiraan Online
  10. Ra’lisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga yo kiiska Ikraan Tahliil. Muuqaalka Rooble Ra’lisul Wasaare Rooble oo khudbad u jeediyay murashaxiinta iyo ergada dooraneysa xildhibaannada Agalka Saree e Somaliland ayaa sheegay in aysan jirin wax weyn oo dhanka siyaasadda ah oo la isku hayo, wixii jirana looga bixi doono doorashada. Wuxuu mar kale ku celiyay in Ikraan Tahliil caddaalad heli doonto xilligii ay noqotaba, wuxuuna intaas ku daray in ay sugayaan go’aanka maxkamadda ciidamada ee uu horey ugu xilsaaray. Ra’iusul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan xasiloonidda iyo nabadgelyada dalka. Dowlad goboleedyada ayuu ugu qaabay in ay soo dhammeystiraan xubnaha ka dhiman xildhibaannada Aqalka Sare, si loo doorto guddoonka Aqalka Sare. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Waasre Rooble oo hadlay dhowr qodob appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland. Rooble oo Afisyooni kaga qeyb galay Dhageysiga khudbadaha Musharixiinta aqalka sare ee Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland mar waliba ay ku caan tahay qabashada doorashooyin lagu wada qanco. “Somaliland waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo cadaalad ah, sidaa datreed indhaha ayey shacabka Soomaaliyeed idiinku hayaan, marka waxaa rabaa iney noqoto doorasho lagu dayan karo, taariikhda gasho oo qof kasta ka hadlaayo cadaaladeeda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Rooble ayaa sidoo kale maamulada dalka ugu baaqay in ay soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman ee Aqalka sare. “Dowlad goboleedyada waa iney soo dhameystiraan aqalka sare, labada Galmudug, afarta Jubbaland iyo labada Hirshabelle sida ugu dhaqsiyaha badan aqalka sare usoo gudbiyaan, sababta aan sidaa u leeyahay wax kale ma aha, Somaliland aqalkeeda sare marka uu dhamaado, waxaan rabaa in ay taariikhda gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada aqalka sare si ay u sameystaan guddoonkoodii iyo nidaamkoodii sidaasna ay Soomaaliya ku yeelato hey’addii ugu horeysay oo dastuuri ah, dalkana u yeesho madax lagu soo hagaago anigana ila xisaabtamo, anigana aan la xisaabtamo.”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa in mar walba u taaganahay cadaaladda, Ikraan cadaalad waa ay heleysaa, kuwii dhibka u geystay ama maanta aan helno ama berri gacanta shacabka waa ay soo gelin doonaan..Maxkamadda militariga go’aaneeda ayaan sugeysnaa, horayna waa u faray haddana waa farayaa si hawlaha u bilaabaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble. Goobjoog New Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabadda hadal-jeedinta musharixiita Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday. Rooble ayaa ayaa muujiyey in weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee u dhexeeyo isaga iyo Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in wax weliba ay ka muhiimsan tahay xasiloonida dalka. “Xaaladda dalka Alxm maanta meel fiican ayuu marayaa doorashaan ku jirnaa carab iyo ilkaa isugu dhow khilaafaad waa iska yimaadaan, laakiin wax weyn ma’ahan wax kasta waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka iyo nabad-gelyada,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in is-qab-qabsigan siyaasadeed iyo khilaafka jira uu soo dhammaan doono, marka ay hagaagto doorashada, sida uu hadalka u dhigay. “Khilaaf kasta iyo is-qab-qabsi kasto wuxuu dhammaanayaa, marka ay doorashadan noo hagaagto,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaciyey inuu weli cadaalad u taagan yahay, uuna ku dadaali doono cadaalad u helida qoyska Ikraan. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu markale yiri Rooble. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Qalbigiina qeyr u sheega howsha waa lagu daba jiraa maxkamadda milatariga ayaa loo xil-saaray go’aankeeda ayaan sugeynaa dhammaan,”. Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo uu haatan gaabis ku yimid wada-hadalladii ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble. The post ROOBLE oo war cusub kasoo saaray xiisadda Villa Somalia iyo kiiska Ikraan appeared first on Caasimada Online.
  13. Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagula tartamidoono kursiga uu ku qoran yahay oo markii hore uu kaligii ku qornaa. Raysal wasaare ku xigeenku sheegay in la waayay cid markii hore soo gudbisa in ay la tartamayso Cabdi Xaashi, haddana wuxuu sheegay in odayaasha ay markii dambe usoo gudbiyeen musharrax kursigaas kula tartamaya. Musharrax lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen ayaa kursigaan kula tartamidoono guddoomiye Cabdi Xaashi. Balse, dhawaan waxaa warbaahinta kasoo muuqday shakhsiyaad dumar ah oo ka cabanayay in loo diiday in ay u tartamaan kursiga Cabdi Xaashi ku fadhiyo. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Mudisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay hadal jeedinta xubnaha musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland. Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo furay hadal jeedinta musharixiinta, wuxuuna sheegay in tani ay muujineyso hore u socodka doorashooyinka bilowday ee ka dhacaya guud ahaan dalka. Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in Isbuuc gudihiis ay ku soo dhammaan doonto doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, isaga oo kula dar-daaramay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi inay ka shaqeeyaan cadaaladda doorashadaasi. “Maanta cadaalad ayaa ina deeqdo, qof kasto haku xisaabtamo inay jirto meel kale oo lagula xisaabtami doono,” ayuu yiri ra’iisu wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Intaasi kadib ayaa waxaa la guda-galay khudbad jeedinta musharixiinta isku soo sharraxay kuraasta gobollada waqooyi ee ku tartamaya 11 kursi ee Somaliland, waxaana hadalka ugu horreeyey Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la tartami doono Saciid Cumar Xuseen. Musharixiinta ayaa la siiyey ugu badnaan illaa 10 daqiiqo, waxaana guddiga uu shaaciyey in isla maanta lasoo gaba-gabeyn doono dhammaan hadal-jeedinta musharixiinta. Sidoo kale beri oo Arbaco ah ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashada Aqalka Sare ee kuraasta gobollada waqooyi ee Somaliland. Si kastaba, doorashada kuraastan ayaa waxaa muddo dheer ka taagnaa khilaaf xoogan, kaas oo u dhexeeyey 2 garab oo ay kala hoggaaminayeen Cabdi Xaashi & Mahdi Guuleed. The post Khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota AFISYOONE appeared first on Caasimada Online.
  15. Deputy Prime Minister Mahdi Guled has announced a candidate to contest with Senate speaker Abdi Hashi had been identified following sharp criticism from politicians from Somaliland. Source: Hiiraan Online
  16. Laacibkii hore kooxaha Heegan, Elman, LLP Jeenyo iyo Horseed Maxamuud Cabdi Nuur ( Mayman) ayaa sheegay in uu gabi ayaan ka fariisnaayo dheliista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka Soomaaliya. “Maamulka kooxda Heegan waxaan kaga mahadcelinaynaa fursad ay ii siiyeen in aan ka mid noqdo, runtii waxaan sameeyay intii aan joogay Heegan da’daal wanaagsan, balse waqtigeena ayaa kala dhamaaday” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacibkii hore kooxda Heegan Maxamud Cabdi Nuur. Ciyaaryahan Mayman wuxuu sidoo kale ka hadlay imaatinka kooxda Heegan ee tababare Cabdi Joon iyo xiriirka kala dhaxeeya isaga, mahadama labadooda ay ka soo wada-shaqeeyeen kooxo badan oo dalka ah. “Tababare Cabdi Joon waa saaxiibkay,waana aabahayga labaad, waxaan u ahayaa xushmad mana jiro khilaaf naga dhax labadeena” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xidigihii hore kooxda Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman). In badan oo ka mid ah xidigaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa iyagoo da’yar ah ka fariista Ciyaaraha kubbadda cagta, wuxuuna laacib Mayman arinta ku sheegay in ay sabab u tahay dhiirigelin ka timaada Maamulka maxa kooxaha iyo Xiriirka Kubbadda cagta Somalia. “Adiga ku jira waqti wanaagsan ayaa laga yabaa in lagu dhaho way ka dhamaatay, taas ayaa ciyaartooyda ku abuuraysa niyad jab iyo hor u socod la,aan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay laacib ciyaaryahan Maxamuud Cabdi Niuur (Mayman). Ugu danbeyntii laacib Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) wuxuu sheegay in labo sanno ka dib uu gabi ahaan ka fariisanayo dheelista kubbadda cagta kooxaha iyo Xulka Qaranka. “In aan k fariisto Ciyaaraha waxaa igu kalifay sababo badan oo jira, waxaana samaysan dooonaan xirfadiisa kale” ayuu hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay xidigihii hore kooxaha LLP Jeenyo, Horseed,Elman, Heegan Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman). Daawo Waraysi Oo Mayman Siiyay Goobjoog Sidoo Kale Warar Dheeraad Ah Ciyaaryahan Xasan Xasaasi “ Horomarka Iyo Guulaha Aan Ka Gaaray Kubbadda Cagta Waxaa Sabab U Ahaa Dhiirigelinta Xaaskayga” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. Nairobo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya Esther Wanjiku ayaa faah faahiyey qarax miino oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Laamu, kaas oo uu tilmaamay inay waxyeelo kasoo gaartay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Esther Wanjiku ayaa shaaca ka qaaday in qaraxa uu ka dhacay inta u dhexeysa Sarira iyo Ras Kiamboni oo u dhow Ishakani, Lamu County, weliba Isniintii abaare 9:30 subaxnimo. Afhayeenka ayaa xaqiijiyey in qaraxaas ay ku dhinteen ay ku dhinteen ugu yaraan 15 ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii ay miinadu la kacday gaarigii ay la socdeen. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in raggaasi ay hayeen laba kooxood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana mid ka mid ah kooxahaasi ay dhigeenmiinada, kadibna kooxdii kale oo aan ka war heyn ay la kulmeen qaraxa, sidaasina ay miinada ku haleeshay. “Waxaan xaqiijin karaa inay dhinteen 15 ka tirsan Al-Shabaab. Waxay ahaayeen laba kooxood. Mid ka mid ah kooxaha ayaa wadada dhigay miino si ay ula eegtaan balse kooxda labaad oo aan ka warqabin miinada wadada ku jirta si ay u maraan way garan waayeen wadadii, Gaarigii ay wateen ayaa dul maray oo qarxay. Dhammaan 15 -kii saarnaa gaariga way dhinteen, ”ayuu yiri Afhayeenka ciidamada difaaca ee dalka Kenya. Waxa kale oo uu Esther Wanjiku intaasi kusii daray “Haddii cadow dhinto, taasi waa noo muhiim. Dadka deegaanka ah yaan la niyad jabin. Hay’adaheena amniga waxaa ka go’an inay ilaaliyaan amaanka shacabka iyo hantidooda. ” Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay kooxda Al-Shabaab ka bixisay hadalka Kenya, balse waxaa jirtay in shalay kooxdu baahisay in qaraxa ka dhacay Laamu ay laayeen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Booliska ee dowladda dalka Kenya. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro culus ka fuliso deegaanada dhaca xadka dheer ee ay wadagaan labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya. The post KENYA oo shaacisay in xubno Shabaab ah ay ku dhinteen qaraxii LAMU appeared first on Caasimada Online.
  18. Siyaasi Cali Warancade oo tan iyo markii uu Madaxweyne Biixi xilka qabtay ku jiray buulka siyaasadda,isla markaana u basaasay xilkii Wasiir-nimo ayaa hadda u muuqda inuu hanqalka la soo kacay,kaas oo ka dhex bilaabay dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed beeshiisa, kuwaas oo ah qaar uu ku wacdiyayo in ay doorashada Madaxtooyadda la dhisaan Madaxweyne Biixi,isla markaana ay codka siiyaan. Kullamo tabliiq siyaasadeed ah ayaa la sheegay inuu bilaabay Siyaasi Cali Warancade,kuwaas oo uu ka bilaabay beeshiisa,waxaana la sheegay inuu kullamo la yeeshay dhallinyarada wax-garadka iyo wayeelka beeshiisa, kuwaas oo u sheegay in isaga xil wasiir-nimo la siinayo,isla markaana loo baahan yahay inay taageeraan doorashada soo socota Madaxweyne Biixi, maddaama oo uu beesha siiyey xilal culus oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Taliyaha ciidanka Booliska. Dhanka kalena waxa la sheegay in warancadde uu garabsanayo oo uu soo aakhri toosiyey Suldaan Xiirey, kaas oo isna la wadda olollaha aan xilligiisa la gaadhi ee uu warancadde beeshiisa ka dhex bilaabay,kaas oo ah mid uu kaga dhaadhicinayo inay doorashada Madaxtooyadda marka la gaadho ay codkooda siiyaan Madaxweyne Biixi. Suldaan Xiiray ayaa la sheegay inuu shidhka u saaran yahay Warancadde markasta, waxaana la sheegay in isaga qudhiisu maddalo uu ka qayb-galay uu beeshiisa u jeeddiyey oo uu ku wacdiyey inay taageeraan oo ay codka siiyaan Madaxweyne Biixi doorashada Madaxtooyadda ee soo socota,waxaanu ku andacooday Xiirey in Muuse Biixi uu beesha abaal gashaday, isla markaana uu xilalka ugu waa weyn siiyey, haddana ay ka naawilayaan in wasiir shilis uu u magacaabo Siyaasi Cali Warancadde,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo. Si kastaba ha-ahaatee Suldaan Xiiray iyo Cali Warancadde ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaq-dhaqaaq-yo Siyaasadeed iyo olollaha doorashada Madaxtooyadda ee aan wakhtigiisa la joogin,kuwaas oo ah qaar ay beesha ay ka soo jeedaan kaga sii dhaadhicinayaan in doorashada Madaxtooyadda ay dhisaan Madaxweyne Biixi,kuwaas oo ku andacooday inuu beesha siiyey Madaxweyne Biixi xilal culus,isla markaana uu muddan yahay in loo abaal celiyo. Source
  19. Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya ee ONLF ayaa soo dhaweysay iscasilaadda ay sameysay wasiirkii wasaaradda Haweenka iyo carruurta dalka Itoobiya Filsan Cabdulaahi. Qoraal ay soo saartay Jabhadda ayaa lagu sheegay in ay jabhadu soo dhaweyneyso tallaabada geesinimada leh ee ay qaaday marwo Filsan. Jabhadda ONLF ayaa ku eedeysay dowlada Itoobiya in ayna siin shacabka Soomaalida Itoobiya xaqa ay ku lahaayeen inay ka helaan xukuumadda uu raysal wasaaraha ka yahay Abiy Ahmed. Filsan Cabdullahi ayaa ah mas’uulkii ugu horreyay ee heer federaal ah oo qiray in kufsi iyo jidh-dil ay dhaceen inta ay socdeen dagaaladii TPLF iyo Ciidammada Itoobiya. Bayaanka ay soo saartay Jabhadda ONLF ayaa sidoo kale lagu sheegay in mowqifka doorashada lagu waday inay ka dhado deegaanka Soomaalida Itoobiya uu yahay sidiisii ayna qaadaceen. Source