-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gothenburg (Caasimada Online) – Maamulihii hore ee iskuul madax-banaan oo Islaami ah oo ku yaalla dalka Sweden ayaa waxaa loo baarayaa xiriir ku saabsan lacag dhan $515,000 oo la rumeysan yahay in la qiyaameeyey. Abdirizak Waberi ayaa waxa uu maamule ka ahaa iskuulka Romosseskolan ee magaalada Gothenburg. Waxaa la tuhunsan yahay inuu maamulayey urur adeeg waxbarasho u fidinayey iskuullada Islaamiga ah ee magaalada. Waaberi, oo hadda madax ka ah xisbi siyaasadeed ka dhisan Soomaaliya, oo la sheego inuu xiriir la leeyahay ururka Ikhwaanul Muslimiin, ayaa iskuulka laga eryey sanadkan. Waxa uu sidoo kale madaxweyne ka ahaa xiriirka ururada Islaamiga ah (Federation of Islamic Organisations), oo dowladda Britain ay sheegtay inuu ahaa garabka Ikhwaanul Muslimiin ee Yurub. Isniintii, dacwad-oogayaasha maamulka dambiyada dhaqaalaha Sweden ee loo yaqaan Ekobrottsmyndigheten ayaa ku dhowaaqay inay dacwado kusoo oogayaan laba wakiil oo ka tirsan urur xiriir la leh iskuulka. “Mid ka mid ah dadka la eedeeyey waa hoggaamiyihii hore ee iskuulka iyo siyaasi,” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay Ekobrottsmyndigheten. Henric Fagher, oo ah dacwad oogaha ugu sarreeyay maamulka dambiyada ee magaalada Gothenburg, ayaa sheegay in eedeymaha loo haysto eedeysanayaasha ay yihiin “dambiyo waaweyn oo dhanka xisabaadka ah.” “Tani waxay ku leedahay lacag aad u badan oo dhan 4.5 milyan oo SEK ah ($514,830) oo aan la diiwaan-gelin,” ayuu yiri Henric Fagher. “Inkasta oo uu sameeyey dhacdooyin badan oo ganacsi, haddana ururka wuxuu la’aa xiisaabaad.” Waxa uu intaas ku daray in dambiga la tuhunsan yahay uu dhacay 2016 illaa 2018. “Waxaan go’aan la xiriir dacwad oogis sameyn doonaa dabayaaqada sanadka. Baaritaanka weli waa socdaa, mana ka hadli karo intan ka badan,” ayuu yiri Fagher. Abdirizak Waaberi ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey. The post Cabdirisaaq Waaberi oo loo haysto lacag $515,000 ah iyo dacwado lagu soo oogayo appeared first on Caasimada Online.
-
Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa saaka oo Arbaco ah duqaymo culus ka fuliyay tuulooyin iyo dhul miyi ah oo ka tirsan degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo. Wararku waxay sheegayaan in khasaare kala duwan ka dhashay duqaymahan inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin. Dowladda Kenya ayaa todobaadkan duqaymo dhawr ah ka fulisay Gobolka Gedo gaar ahaanna miyiga degmada Ceelwaaq kuwaas oo khasaare u gaystay dadka Rayidka ah. Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin duqaymaha ka dhacay Gobolkaas oo Kenya sheegtay in lagu beegsaday Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Diyaaradaha dagaalka Kenya oo saaka duqaymo culus ka fuliyay Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta o Arbaca ah magaalada Muqdisho lagu dooranaya Lix kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee Aqalka sare Somaliland ay ku leedahay. Musharixiintaan ayaa gaaraya illa iyo 13 Musharax kuwaas oo dhamaantood ku tartamaya 6 kursi ayaa doorashadooda lagu wada in ay ka dhacdo Teendha ku taalla xarunta tababarka ciidamada Cirka Soomaaliya ee Afisyooni. Hoos ka akhriso liiska Musharixiinta Maanta la dooranayo Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiskiisa ku booqday. Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal. Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal. Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya isu-socodka iyo duulimaadyada appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay ka hadlayay kulan uu magaalada Kismaayo kula qaatay qaybaha kala duwa ee bulshada ayaa soo hadal qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladnimada Soomaaliya ay maanta ku dhisan tahay qori isku dhiib, doorasho in la qabtaana ay muhiim u tahay jiritaanka dowladnimada dalka. “Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, saan horeyba u sheegayay dowladnimadeedu waxay ku dhisan tahay qori isku dhiib iyo wax la yiraahdo kugu sin, kugu sug. Marka ay doorashadu socoto dadka waa wada cadow, waa la dagaalamayaa, wax baa la’isku hayaa, laakiin marka ay arrintu dhammaato, qof weliba waxaa weeyaan waxa sharciga bisadaha la yiraahdo. Bisaduhu marka ay wax isku haystaan, aad bay u qayliyaan, way jiitamaan, laakiin marka midi ay wixii qaadato wax ka daba hadlayo ma jiro, doorashaduna waa noocaas,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. Madaxweynaha ayaa yiri “Waxa Dowladnimada Soomaaliya ee maanta aan abuureynaa, kuna socotaa waa doorashada iyo xilliga kala guurka, mar walba inay doorashada sideeda ku dhacdo. Waxaa nasiib darro ah doorashadii February 8, 2017 inaan maanta mareyno dhowr iyo labaatankii September, 2021, oo ay dhaaftay maanta muddo sanad ku dhowdhow. Waxaad ogaataan xilli kasta oo ay doorashadu jiitanto ama ay wax dhici waayaan xaaladda amnigu waxay ku taagan tahay faro yar-yaroo miskiina, khatar kasta ayay gelaysaa, caqabad kasta ayaa ku imanaysa.” Axmed Madoobe ayaa xusay inaanay dalka ka qabsoomi karin doorashada la fillayo, inta aanu Ra’iisal Wasaaruhu u madaxbannaaneyn waajibaadkii loo igmaday. “Doorashadu ma soconayso, haddaanan amniga iyo tiirarka kale iyada wehliya aan gacanta lagu qabaneynin. Ra’iisal Wasaaruhuna shaqo dhinaca la haysto ma qaban karo. Haddii maalin labaad ay bilaabato arrintii shalay dhacday ee Ilaahay naga badbaadiyay, Badbaado Qaran iyo ciidankii gadooday maalinta dambe ee dhacdaa cidina ma xakameyn doonto oo gacantee ka bixi doontaa, laakiin waxaa nasiib darro ah qofka isaga meel uu u cararo haysanin, ee isagu caqabadiina qayb ka noqonaya, intuu wixii jooggaa arkaya ee markaa wax ka qabaneynin,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa ku celiyay inaanu Rooble dalka ka qaban karin wax doorasho ah, inta lagu haysto cadaaladda uu u raadinayo qoyska Ikraan Tahliil Faarax. “Midda Ikraan waxay nasri u noqonaysaa dulmi badan oo la gaystay oo sabab u tahay inay kashifantoo bannaanka ay timaado, middaan kale ee ku saabsan in kiiskan siduu yahay loo qaadana Ra’iisal Wasaaraha tijaabee u tahay isaga naftigiisa. Waxaan oran lahaa Ra’iisal Wasaaroo si cad baa masuuliyadda ummaddani ay kugu dhiibtay, oo lagugu ogyahay, oo kugula shaqeynaynaa ee shaqada aad leedahay intaad qabato, diyaar baan kula nahay, waana kugu garab taaganahay, qofka la dulmiyayna cadaaladda u raadi, gabadha dhibana kiiskeeda maxkamaddii lahayd ee ciidanku ha qaaddo, doorashaduna ha noqoto mid xalaala oo sida ay tahay loo qabto, oo aan la qabanin doorasho mindi daabkeeda la haysto,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland. The post Axmed Madoobe oo sheegay in Rooble uusan qabin karin doorasho hal sabab darteed appeared first on Caasimada Online.
-
Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ku leeyihiin Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Guddiga Maamulada doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa shaaciyay Magacyada musharixiinta lixda kursi ee Maanta la dooranayo, iyada oo ay codeeynayaan Ergooyin la soo xulay. Saddex kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa aad u adag, waxaana ku tartamaya Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Soomaaliya. lixda kursi waxaa u sharaxan rag iyo dumar, kuwaas oo xalay sameeyay ololahooda doorashada, waxaana Magacyadooda ay kala yiihn. 1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi 2 Siciid Cumar Xuseen 1.Saalax Axmed Jaamac 2. Ibraahin lidle Saleebaan 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari 2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar. 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali 1. Cismaan Abokor Dubbe 2. Cabdikariim Maxamed Xasan. 1. Layla Axmed Ismaaciil 2. Maxamed Maxamuud Cabdi. 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi 2. Saynab Axmed Boqore. PUNTLAND POST The post Doorashada xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Somaliland oo maanta ka dhacaysa Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa sheegtay in ay magdhow siin doonto qoyska gabadhii dhallinyarada ahayd, ee ay habeen hore ciidamadeeda ku toogteen Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Puntland ayaa rasaaseeyay gaari ay la socotay Maryan Axmed Maxamed, xilli wadada uu marayay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, G/sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa sheegay in ciidamada ay si aan ku talagal ahayn u dileen gabadhaasi, ka dib markii ay ka shakiyeen wadihii gaariga oo damcay inuu ka cararo ciidamadii amniga sugayay. “Ninka gaariga waday illaa iyo hadda waxaan fahmi la’nahay sababta uu ciidanka uga soo orday, inuu sasay (naxay) iyo in wax kale ka si noqdeen. Gaariga wadada ayuu taagnaa in laga dhaqaajiyaa la rabay, laakiin gaariga xaggii ciidamada buu ula soo orday.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray “Ciidankuna rasaas bay huwiyeen, iyagoo ka taxadaraya inuu yahay dadka dhagarqabe-yaasha.” Taliyaha ayaa yiri “Ninkaasi illaa iyo hadda wuu xiran yahay, waana la baari doonnaa, jawaab baana laga soo saari doonnaa sababta kaliftay inuu ciidanka oo la hadlaya uu haddana xagga ciidanka uu gaariga ula soo ordo, arrintaasi geeri baa ka qorneyd, gabadhaasi baana ku dhimatay. Gabadhaasna arrinteeda waa la dhammeeyay.” G/sare Maxamed Aadan Jaamac, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal ayaa dhanka kale sheegay in Puntland ay qaaday masuuliyadda dilka gabadhaasi, ayna bixin doonto wixii xuquuq ay yeeshaan qoyskeeda. “Gabadhaasi waxay ku dhammaatay kiiskeedii Dowladda Puntland oo qaadatay masuuliyadda, qaabishayna dadka ehelka ah. Dadkaasi wixii ay xuquuq u yeeshaan dowladda ayaa bixineysa,” ayuu yiri Taliyaha. The post Puntland oo shaacisay inay magdhow ka bixineyso dilkii Maryan Axmed Maxamed appeared first on Caasimada Online.
-
Shil dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay Gudaha Somaliland Hal qof ayaa ku nafwaayay 4 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur nooca yar yar ee raaxada ahi, ku qalibmay degmada Gabilay ee Somaliland. Shilka ayaa dhacay kadib markii mid kamida taayirada baabuurku qarxay, sida sarkaal katirsan ciidamada ilaalada wadooyinka Somaliland warbaahinta u sheegay. “Shilka oo hal qof ku dhintay samir iyo imaan baan leeyahay inta kale ee dhaawaca ahna Alle caafimaad sareeca ah ha siiyo, waxaa sababay taayir qarxay, kolay sabab ayaa jirta baadhistuna way socotaa” taliyaha ciidamada nabad galyada wadooyinka Gabilay ayaa sida yidhi. Dadka shilka ku dhaawacmay, ayaa lagula tacaalayaa,Cusbitaalka guud ee magaalada Gabilay, “Waxaa abaaro saaka 10 subaxnimo nasoo gaadhay 5 qof oo mid kamid ahi marka horeba mayd ahaa, qoyskiisana waxaanu leenahay samir iyo iimaan, 4 ta kale ee qof oo uu kamidyahay ninkii dirawalka ahaa waxaa lagula tacaalayaa qaybta adeega dag daga ah ee Cusbitaalka Gabilay” sidaa waxa tidhi sarkaal caafimaad oo ka tirsan Cusbitaalka Gabilay. Shilalka ayaa sanad walba galaafta nolosha boqolaal qof oo reer Somaliland ah, waxaana inta badan sababa wadooyinka oo aan fiicnayn, iyo wadayaasha oo lagu dhaliilo in anay samayn taxadarkii loo baahnaa. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay sababta ka dambeyso safarkii uu Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku yimid Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda (CLF), Sarreeye Guud, Muhoozi Kainerugaba. AMISOM ayaa sheegtay in taliyaha ciidamada Lugta ee Uganda oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda uu Soomaaliya u booqay si uu u qiimeeyo Shaqada Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo inuu ku bogaadiyo howsha ay hayaan ee Taageeradda Nabadda. “Lt. Gen. Kainerugaba wuxuu Soomaaliya joogay intii u dhaxeysay 23-kii ilaa 27-kii Sebtember, isagoo tegay xarumaha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah dagaalka Al-shabaab iyo soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay AMISOM. “Ujeeddada booqashadayda ayaa ah inaan ku bogaadiyo ciidamada howlaha baaxadda leh ee ay ka wadaan Soomaaliya. Marka labaad, waa in lala hadlo oo la dareemo dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wajahayaan ciidamada,” ayuu yiri Lt. Gen. Kainerugaba. Intii ay socotay booqashadiisa shaqo ee shanta maalmood ah, Lt. Gen. Kainerugaba, wuxuu u tagay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaana la sheegay inuu kala hadlay hoos u dhigista khilaafka labada mas’uul iyo arrimaha amaanka. Sidoo kale taliyaha wuxuu la kulmay hoggaanka militariga AMISOM wuxuuna booqday saldhigyo kala duwan oo hore u hawlgala, halkaas oo uu kula falgalay ciidamada Uganda ee jiidaha hore. “Wuxuu kormeeray ciidamada Uganda ee AMISOM, wuxuuna markii dambe kulan albaabadu u xiran yihiin la yeeshay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, Sarreeye Guuto, Don William Nabasa, iyo Maj. Gen. Lucky Joseph. Kidega, Lataliyaha Difaaca Uganda ee Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Saldhigyad AMISOM ee uu taliyaha booqday ayaa waxay kala yihiin: Carbiska, Ceeljaale, Baraawe, iyo Balidoogle, halkaas oo uu kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa, xirfadda iyo xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin bulshooyinka maxalliga ah maadaama ay gudanayaan waajibaadkooda nabad -ilaalineed. “Waa inaad fahanto inaad tihiin safiirrada Uganda ee halkan jooga Soomaaliya,” ayuu yiri, isagoo raaciyay, “Ha sameynina wax sumcad -darro u keenaya magaca Uganda iyo UPDF,” ayuu yiri, isagoo la hadlayey ciidamada Uganda. The post Xog cusub oo laga bixiyey sababta uu Jeneral Muhoozi u tagay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Shiidaal khal-khal ku habsaday UK Dalka ingiriisku wuxuu leeyahay mid ka mid ah keydadka ugu waaweyn adduunka ee dhinaca shiidaalka iyo Gaasta, ingiriisku wuxuu sannadkii keydsada shiidaal dhan 4.4 Bilyan oo foosto oo shiidaal ah.Ingiriisku wuxuu sidoo kale maalin kasta badda waqooyi ka soo saara 1.7 milyan oo barrel oo salliid ah oo uu dhoofiyo. Waxaa inta u dheer ingiriiska waxaa ku jira shiidaal lagu qiyasay 20 Bilyan oo foosto sannadkii oo aan la taaban oo ay keyd ahaan dhulka hoostiisa ugu jira. Sidaasi oo ay tahay waxaa dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay ingiriiska ka jiray khal-khal shiidaal la’aan baahsan oo kaalmahii shiidaalka ku habsatay. Gawaadhida ayaa safaf dhaadheer ugu jira kaalmaha shiidaalka, iyagoo qaarkoodna kaalmaha shiidaalku xadidayay cadadka shiidaal ee aad gaadhiga ku shuban karto Maxaa sababay Shiidaal saskani Ingiriiska ka dhacay Usbuucii hore ayaa madaxa guddida shiidaalayda ingiriisku wuxuu warbaahinta u sheegay in darawal la’aan baahsani soo food saartay gaadiidkii shiidaalka u kala daabuli ama qaybin jiray degmooyinka dalka ingiriiska, isla markaana ay suurtagal tahay in Shidaal la’aani dhacdo. Markii warbaahintu warkaasi tabisay ayaa mar qudha malaayiin qof ay ku xoonmen kaalmahii shiidaalka iyagoo dadkaasi badidood Shiidaal aanay u baahnayn ku qaadanaayay caagado iyo taangiyo, si ay u keydsadaan, taasi waxay keentay in mar qudha ay kala bataan shiidaalkii kaalmaha ku jiray iyo dadkii saska qabay ee sida qayral caadiga ah shiidaalka u iibsanaayay. Wasiirka gaadiidka ingiriiska oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay inaanay shiidaal la’aani jirin, balse shiidaal-sas jiro, dadkana been loo sheegay. Darawalada Gaadiidka oo Ingiriisku Baahi Badan U qabo Dawladda ingiriisku waxay shaacisay inay bixinayso kumanaan fiisooyin ah si darawalada gaadiidka xamuulka iyo shiidaalka ah dalka dibadiisa looga soo shaqo galiyo. Darawalada gaadiidka xamuulka ayaa sannadkii mushahar u qaata ilaa 70,000 oo gininga ingiriiska ah waa lacag ku dhaw 100 kun oo dollarka maraykanka ah, oo noqonaysa ilaa 6 kun oo Pound bishii ama ilaa 9 kun oo dollarka maraykanka ah bishii. Mohammed Abdi Hassan Diridhaba Qaran News
-
220 Dumar ah oo ka dhuumanaya Niman dadka dila oo ay Talibaan ka sii daysay xabsi Waxa ay hormuud u ahaayeen dadka xuquuqda dumarka u taagan ee dalka Afghanistan. Waxa ay ahaayeen difaacayaasha sharciga, waxayna xuquuq u raadinayeen kuwa sida ugu daran loo gacan bidixyeeyo waddankaas. Balse hadda, in ka badan 220 ka mid ah dumarka garsooreyaasha ah ayaa dhuumanaya iyagoo ka cabsanaya in lagula kaco falal aargoosi ah, xilli ay xukunka gacanta ku hayaan Taliban. Lix ka mid ah dumarkaas ayaa BBC-da la hadlay iyagoo ku sugan meelo qarsoofdi ah oo ku yaalla gudaha Afghanistan. Dhammaan magacyadooda waa la baddalay si loo ilaaliyo amnigooda. Gabdha aan ku magacownay Masooma, intii ay ku jirtay xirfaddeeda garsoorenimada waxay xukunno ku ridday boqollaal rag ah oo lagu helay dambiyo la xiriira qalalaase ka dhan ah haweenka, oo ay ka mid yihiin kufsi, dil iyo tacaddiyo jirdil ah. Laakiin maalmo yar kaddib markii ay Taliban la wareegeen maamulka magaaladeeda, waxaa xabsiyada laga sii daayay kumannaan dambiileyaal ah, islamarkiina waxaa ku billowday hanjabaado dil ah oo loo soo dirayo. Farriimo qoraal ah, codad iyo wicitaanka lambarro aan la aqoonin ayaa kusoo dhacayay telefoonkeeda. “Habeen saq dhexe ayay ahayd markii aan maqalnay in Taliban ay maxaabiis sii daayeen,” ayay tiri Masooma. “Islamarkiiba waan cararnay. Waxaan ka tagnay guryaheenna iyo wax walba oo noo yaallay.” Haweeney ayaa ku oyneysa mudaharaad looga soo horjeeday in xubnaha dowladda ku meel gaarka ah oo dhan ay yihiin rag 20-kii sano ee lasoo dhaafay, 270 dumar ah ayaa garsooreyaal ka noqday dalka Afghanistan. Maadaama ay yihiin qayb ka mid ah dumarka ugu awoodda badan waddanka, waxaa loo yaqaannaa inay yihiin dad caan ah. “Gaari ayaan ugu safray magaalada bannaankeeda, waxaan xirtay dhar i wada daboolaya, qof i aqoonsan karayna ma jirin. Nasiib wanaag, waxaan ka gudubnay dhammaan baraha ay joogeen ciidanka Taliban.” Wax yar kaddib markii ay baxeen, dariskeeda ayaa usoo diray farriin qoraaleed ay ugu sheegayeen in dhowr xubnood oo ka tirsan Taliban ay tageen guriga ay ka carartay. Masooma waxay sheegtay in markii loo tilmaamay ragga gurigeeda tagay ay garatay qofka raadinayay. Dagaalyahannada Taliban oo hor taagan mudaharaadeyaal haween ah oo ku dibad baxayay Kabul Dhowr bilood ka hor, intii aysan Taliban xukunka qabsanin, Masooma waxay go’aan ka gaareysay kiis ku saabsan nin kooxdan ka tirsan oo loo heystay in uu si arxan darro ah u dilay xaaskiisa. Markii ay dambiga ku heshay, Masooma waxay ku xukuntay 20 sano oo xabsi ah. “Wali niyaddeyda ayaan ka dhex arkaa sawirka haweeneydaas da’da yar. Wuxuu ahaa dambi arxan darro ah,” ayay tiri Masooma. “Markii uu kiiska dhammaaday kaddib, dambiilihii ayaa ii soo dhawaaday, wuxuuna igu yiri: ‘Markii aan xabsiga kasoo baxo, waxaan kugu sameynayaa wixii aan ku sameeyay xaaskeyga.’ “Markaas warkiisa uma qaadanin wax weyn. Balse tan iyo markii ay Taliban xukunka qabsadeen, wuxuu isoo wacay marar badan, wuxuuna ii sheegay inuu dhammaan macluumaadkeyga kasoo helay xafiiska maxkamadda. “Wuxuu igu yiri: ‘Waan ku heli doonaa, waana kaa aar gudan doonaa.'” Ugu yaraan 220 dumar ah oo horay u ahaan jiray garsooreyaal ayaa la ogyahay in waqti xaadirkan ay ku dhuumanayaan qeybaha kala duwan ee dalka Afghanistan, sida lagu xaqiijiyay baaritaan ay sameysay BBC-da. Lix ka mid ah haweenkaas oo BBC-da kula hadlay gobollo kala duwan shantii isbuuc ee lasoo dhaafay gudahooda waxay sheegeen sheekooyin isku eg. Dhammaantood waxay heleen hanjabaado dil ah oo ay usoo direen xubnaha Taliban ee ay horay xabsiga ugu xukumeen. Afar ka mid ah raggaas waxaa si gaar ah loogu sheegay in ay yihiin niman loo xukumay dambi ku saabsan inay xaasaskooda dileen. Kulligood way baddaleen lambarradooda telefoonka ugu yaraan hal mar, sababo la xiriira hanjabaadaha dilka ah ee loo soo diray. Hadda dhammaantood waxay ku nool yihiin meelo ay ku dhuumanayaan, dhowr maalmood oo kasta kaddbna way baddalaan meesha ay joogaan. Waxay wada sheegeen in guryihii ay ka tageen ay u daba mareen xubno ka tirsan Taliban. Darisyadooda iyo dad saaxiib la ah ayaa soo tabiyay in la weydiiyay su’aalo ku saabsan meelaha ay ku maqan yihiin. Taliban oo ka jawaabeysay eedeymahan, waxa uu afhayeenkooda lagu magacaabo Bilal Karimi ku yiri BBC-da: “Garsooreyaasha dumarka ah waa in ay guryahooda ugu noolaadaan sida qoysaska kale, iyagoo aan cabsaneynin. Ma jirto cid halis galin karta. Militarigeenna khaaska ah ayaa u xil saaran in ay baaraan cabashooyinka noocaas ah iyo in ay tallaabo ka qaadaan wax walba oo xad gudub ah.” Ciidanka Taliban oo ilaalinaya bannanaka garoonka diyaaradaha ee Kabul Waxa uu sidoo kale ku celiyay ballan qaadkii Taliban ee ahaa “cafiska guud” ee loo fidiyay shaqaalaha dowladdii hore ee ku sugan guud ahaan dalka Afghanistan: “Cafiskeenna waa mid aan ku raadineyno wanaag. Balse dadka qaarkood haddii ay sameynayaan kiisas ay dalka uga baxayaan, waxaan ka codsaneynaa in aysan sidaas sameynin oo ay iska joogaan waddankooda.” Intii la sii deynayay baxaabiista faraha badan, dambiileyaal badan oo aan xiriir la lahayn Taliban ayaa sidoo kale lasii daayay. Markii uu ka hadlayay amniga haweenka garsooreyaasha ahaa, Mr Karimi waxa uu yiri: “Arrinta ku saabsan dadka daroogada ka ganacsada, tuugada maafiyada ah, qorshaheennu waa inaan baabi’inno. Tallaabada aan ka qaadi doonno waa mid dhab ah.” Maadaama ay yihiin haween si fiican wax u bartay, garsooreyaashan waxay ahaayeen kuwa biilka u soo shaqeeya qoysaskooda. Balse hadda, mar haddii mushaarkii uu ka istaagay, bangiyadoodiina la xayiray, dhammaantood waxay dib ugu soo noqdeen nolosha ku xiran in ay qaraabadooda gacanta u hoorsadaan. Gabdhaha reer Afghanistan oo iskuulka dhiganaya ka hor inta aysan Taliban qabsanin xukunka In ka badan soddon sano, garsoore Sanaa waxay sameyn jirtay baaritaanno ku saabsan dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta. Waxay sheegtay in kiisaskeeda badankood ay ku soo idlaan jireen in xukun lagu rido xubno ka tirsan Taliban iyo maleyshiyaad kale oo ka tirsan Isis. “Waxaa telefoonka la iga soo wacay in ka badan 20 jeer iyadoo la ii hanjabayo, dadka isoo wacayayna waxay ahaayeen maxaabiis hore oo hadda lasii daayay.” Hadda waxay meel kula dhuumaneysaa in ka badan toban qof oo ka tirsan xubnaha qoyskeeda. Hal mar oo kaliya ayuu nin ka mid ah qoyskeeda dib ugu laabtay gurigii ay kasoo tageen. Balse isagoo laalaabaya dhar uu kasoo qaadi rabay halkaas, ayay u imaadeen xubno ka tirsan Taliban iyagoo watay gawaari dhowr ah oo ay ciidan hubeysan ka buuxaan, hal ninna uu hoggaaminayay. “Albaabka ayaan ka furay. Waxay i weydiiyeen in gurigan uu yahay kii haweeneyda garsooraha ah,” ayuu yiri. “Markii aan u sheegay inaanan ogeyn meesha ay joogto, waxay iga soo tuureen jaranjarada. Mid ka mid ah raggii ayaa igu garaacay qorigiisa baadkiisa wuxuuna billaabay inuu i garaaco. Sankeyga iyo afkeyga waxaa qariyay dhiig.” Markii ay baxeen raggii hubeysnaa, ninkii ka tirsanaa qoyska Sanaa wuxuu aaday isbitaal. “Qof kale oo qaraabadeyda ah ayaan u sheegay inay khasab nagu tahay inaan mar walba baddalno guriga ay walaashey ku nooshahay. Ma jiro xal kale oo aan heli karno. Waddan kale uma baxsan karno, xitaa Pakistan.” U dagaallamidda xuquuqda haweenka Muddo tobannaan sano ah Afghanistan waxay safka hore uga jirtay liiska waddamada ugu nolosha adag ee caalamka. Sida ay sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, qiyaastii 87% ka mid ah haweenka iyo gabdhaha yar yar ee dalkaas waxay la kulmaan tacaddi waqti ka mid ah noloshooda. Balse dumarkan garsooreyaasha ahaa, oo ku dadaalayay in la hirgeliyo shuruucda lagu xoojinayo xuquuqda haweenka, waxa ay gacan ka geysteen in loo doodo fikradda ku saabsan in ciqaab la marsiiyo dadka lagu helo tacaddiga ka dhanka ah dumarka iyo gabdhaha. Dadaalkaas waxaa ka mid ahaa in maxkamad lasoo taago rag lagu eedeynayo inay geysteen kufsi, jirdil, guur khasab ah, iyo sidoo kale in haween laga mamnuucay inay yeeshaan hanti ama ay iskuulka wax kasoo bartaan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo shalay jeedinayay khudbadiisa musharaxnimo ee Aqalka Sare ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu Aqalka Sare usoo wareegsado. Wasiirka ayaa sheegay inuu Aqalka Sare usoo aaday si uu miiska usoo saaro doodaha masiiriga ah ee Gobolada Waqooyi iyo midka Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in dadka Somaliland ay dhibaato ku qabaan helitaanka Basaaboorka Soomaaliga, taasina ay ka dhalatay dhibaatooyin farabadan. “Dadka ku dhaqan Gobolada waqooyi waxay dhibaato xoog leh ku qabaan helitaanka Baasaboorka la aqoonsan yahay ee Soomaaliya, waxaa aragnay dadka xanuunsan oo kiliyaha fadhiya oo Muqdisho loo keeno sidii ay Baasaboor u heli lahaayeen, inta loo raadinayo baasaboorkana ay nafta ka baxdo, waxaana rabaa inaan ka shaqeeyo sidii dhibaatadaan looga saari lahaa dadka reer Somaliland oo loo heli lahaa xal siyaasadeed,” ayuu yiri Wasiir Saalax. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka shaqeeyo sidii dadka Gobolada Waqooyi ay u noqon lahaayeen dhammaantood kuwa wadaniyiin ah oo ka shaqeeya midnimada Soomaaliya isagoo sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Muqdisho aysan kaligood keeni karin Somaliland oo midnimo ogol. Waxaa uu sheegay Wasiirka in Matalaada Reer Somaliland ee Aqalka sare laga siiyay 11 kursi in ay ku yartahay oo aysan ku filneyn. Hadalka Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa kusoo aadaya xilli Somaliland ay weli aaminsan tahay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale. The post Wasiir ka hadlay dhibaatada ay reer Somaliland ku qabaan baasaboorka Soomaaliga appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya Senetor Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay dadaalka dhismaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerada aan kala joogsiga laheyn oo ay siiso. Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Turkiga oo ballan-qaad horleh u sameeyay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saacadaha soo socda ee maanta ka dhaceysa doorashada kuraas ka mid ah Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan xubnaha ka imaanaya dhinaca gobollada waqooyi ee Somaliland. Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee gobollada waqooyi ayaa shaaciyey in ay maanta si rasmi ah u bilaabaneyso doorashadaas, isla-markaana la dooranayo illaa 6 Senatar. Xubnaha tartamaya ayaa kala ah: 1.Cabdi Xaashi Cabdilaahi, 2 Siciid Cumar Xuseen, 1.Saalax Axmed Jaamac, 2. Ibraahin lidle Saleebaan, 1. Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, 2. Prof. Cabdi Ismaacil Samatar., 3. Cabdiraxmaan Cismaan Cali, 1. Cismaan Abokor Dubbe 2. Cabdikariim Maxamed Xasan, 1. Layla Axmed Ismaaciil, 2. Maxamed Maxamuud Cabdi, 1. Bilaal Idiris Cabdilaahi iyo 2. Saynab Axmed Boqore. Kursiga ugu horreeya ayaa waxaa ku loolamaya Cabdi Xaashi oo afartii sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Saciid Cumar Xuseen. Sidoo kale kuraasta kale ee la dooranayo ayaa waxaa ugu saameyn badan, isla-markaana isha lagu hayaa midka ay ku tartamayaa saddexda musharrax ee kala ah Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, Prof. Cabdi Ismaacil Samatar iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali, halka kan labaad uu noqonayo kursiga ay u tartamayaan Saalax Axmed Jaamac oo ah wasiirka dastuurka iyo Ibraahin lidle Saleebaan guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare ee dalka. Waxa kale oo kursiga saddexaad ee la sugayo tartankiisa uu yahay midka ay u sharraxan yihiin Cismaan Abokor Dubbe oo ah wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya iyo Cabdikariim Maxamed Xasan oo isna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyey kursigaasi. Musharixiinta tartameysa dhammaantood shalay ayey jeediyeen khudbadooda ku aadan doorashada, iyaga oo ballan qaadyo u sameeyey ergada & dadka Soomaaliyeed. Si kastaba, doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa muddo waxaa ka taagnaa khilaaf culus, kaas oo ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed. The post Senataro cusub oo maanta lagu dooranayo Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) joins the rest of the world in marking the International Day for Universal Access to Information under the theme “Building Back Better with Access to Information”, and highlights the growing concerns over the access to information limitations in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay isugu yimaadeen ururrada bulshada rayidka Jubaland iyo hay’adaha kala duwan ee maamulkaas, waxuuna ka hadlay arrimaha doorashada iyo khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble. Waxuu sheegay in mowqofka Jubaland uu cadyahay oo arrimaha doorashada ay u daba fadhiyaan Ra’iisul wasaare Rooble oo meel fagaare ah uu kula wareejiyey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo. “Ma laba labeynayo shaqada maanta dalka ka socota ee doorashada hoggaaminteeda waxaa iska leh golaha fulinta ee Ra’iisul wasaaruhu hoggaamiyo, waxaa lagula dhegan yahay inuu go’aan ka gaaro, oo maxkamad u diro kiiska gabar la dilay ee ma doorashuu qaban karaa? Arrinta Ikraan waxay banaanka soo dhigi doontaa dulmi badan oo horay looga geystay dalkaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska Ikraan sida cadaaladda loo waafajiyo ay tusaale u tahay shakhsiyada ra’iisul wasaaraha, isagoo sheegay in wado saxan uu u maray markii uu u xil-saaray inay baarto maxkamadda ciidamada. “Waxaan dhihi lahaa Rooblow si cad ayey umadaan mas’uuliyadda kuugu dhiibatay ee qofka la dilay cadaalad u raadi oo gabadhaas kiiskeeda maxkamadda ciidanka ha qaado, doorashadana u qabo si xalaal ah oo yeysan noqon doorasho midida daabkeeda lagula heysto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Jubbaland. Axxmed Madoobe ayaa Ra’iisul wasaaraha ka dalbaday in markii uu culeys dareemo uu golaha wadatashiga qaran isugu yeero, si wixii caqabad ah ay uga wada tashadaan. “Madaxweyne Farmaajo waxaan uga diyagayaa oo aan leeyahay kiiska gabadhaas yuusan ku sababsanin, mustaqbal xumo iyo madow siyaasadeed yuusan idiin hor seedin adiga iyo dad badan oo maanta siyaasada ku jira, arrinta doorashooyinka ka wareeg oo u daa ra’iisul wasaaha, kana dhaaf caqabadaha aad maalin kasta hor dhigeyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Hoos ka daawo, ka biloow daqiiqadda 6-aad The post Daawo: Axmed Madoobe oo si cajiib ah uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.
-
Sawirada qaar kamid ah dadka ciidanku dilay Sagaal qof oo aan waxba galabsan ayaa ciidamada Puntland ku dileen magaalada Garowe, tiro intaas ka badana waa ku dhaawaceen mudadii uu xilka hayay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Dadka rayidka ah ee ciidamada Puntland ku dileen Garowe 2021, 2020 iyo 2019 ayaa u badan dhallinyaro, waxaana ku jira labo gabdhood oo da’yar. 27 Sebtember 2021: Maryan Axmed Caato oo ahayd gabar dhalinyaro ah ayaa xalay ku dhimatay raasaas ay ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Deni ku fureen gaari yar oo dhexmarayay magaalada Garowe. 28 August 2021: Ciidan ka tirsan Puntland ayaa magaalada Garowe ku toogtay Cabdikariin Xuseen Mire oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj. 5 Jun 2021: Dr Mukhtaar Maxamed Jaamac oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa xili habeen ah ciidan ku toogteen magaalada Garowe. 2 January 2021: Nadiiro Faysal Shire oo ahayd gabar yar oo 15 sano jir ah oo ardayad ah ayaa u dhimatay dhaawac ka soo gaaray raasaas ay Booliska Puntland ku fureen dad mudaharaadayay. 28 September 2020: Cabdiqaadir Siciid Aw Yuusuf oo ahaa ganacsade ka mid ah waxgaradka Garowe ayaa askari ka tirsan Booliska Punrland ku dilay magaalada Garowe. 19 October 2020: Axmed Maxamuud Jaamuus oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa xili habeen ciidamada Booliska Puntland ku dileen magaalada Garowe. 2 August 2020: Nin lagu magaaci jiray Shuceyb Cabdiqaadir ayaa askari ka tirsan ciidamad Booliska Puntland ku dilay gudaha magaalada Garowe. 20 October 2019: Ciise Maxamuud Buraale oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa ciidamada Puntland ku dileen bartamaha magaalada, waxaana dilkaasi uu sababay mudaharaad rabshada wato oo ka dhacay Garowe. 6 November 2019: Cabdikariin Maxamed Faraax (Dhagaweyne) oo ahaa ganacsade caan ka ahaa deegaannada Puntland ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland, xili uu ku sugnaa goob ganacsi oo uu ku lahaa meel ku dhow xarunta baarlamaanka. Dadkaas qaar ka mid ah dilkooda waxaa ka wada-hadlay qabiilo, halka kuwo kalana ay dowladdu ballan-qaaday diyadooda. PUNTLAND POST The post Diiwaanka rayidka ciidamada Puntland ku dileen Garowe, intii uu xilka hayay Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta hadal ka jeediyey munaasabadii ay khudbadahooda ka jeedinayeen musharaxiinta Aqalka Sare ee xubnaha Somaliland, ayaa sheegay in markii laga hadlayo midnimada Soomaaliya ay reer waqooyiga iyo reer koonfurku hal heys ka dhigteen laba eraya oo midkood uusan sax aheyn. Cabdi Xaashi ayaa sheegay in dadka reer koonfurka ah ay mar kasta dhahaan midnimada Soomaaliya waa muqadas, halka reer waqooyiguna ay dhahaan gooni isu-taaga Somaliland waa muqadas, balse midkood labadaas eray uusan sax aheyn. “Laba eray oo aan leeyahay midna sax maaha ayaa ka yeera halkaan iyo Hargeysa, waxaan qabaa labadaas eray midna muqadas maaha, waxaa muqadas ah kaliya Kitaabka Qur’aanka, labada dhinac waxaan u soo jeedinayaa inay aragtidaas meel iska dhigaan, waxa isku kaana diray waa baahi, dalkaana maaha kii lagu baahan lahaa ee aan wax wada qabsano,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi. Waxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay maanta ka dhisan tahay xukuumad xil-gaarsiin ah oo kaliya, isagoo dib u dhacaas ku eedeeyey dowladda madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo. “Dowladdi waxay fulin weysay doorashadii, taasina waxay keentay in xukuumadda loodhiibo doorashada, waxaana hadda Ra’iisul wasaaraha ka sugeynaa in deg deg uu doorashada u dhameystiro, dadka Soomaaliyeed-na waxaan ka codsanayaa inay ku gacan siiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Cabdi Xaashi. Hoos ka daawo The post Cabdi Xaashi: Midnimada Soomaaliya iyo gooni isu-taagga Somaliland midna muqadas maaha (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta khudbad ka jeediyay kulankii hadal jeedinta musharraxiinta doorashada Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi, taas oo ka dhacday xerada Afisyoone, ayaa ka hadlay dhowr arrimood. Inta badan hadalka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu diiradda ku saarayay arrimaha doorashada ee hadda taagan, hase ahaatee Rooble ayaa si guud u soo hadal qaaday afar qodob oo uu ku soo daray khudbaddiisa. 1- Hufnaanta doorashada Aqalka Sare Ugu horreyn Ra’iisul Wasaarah wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in uu ku faraxsan yahay hannaanka guda galista doorashada gobollada Waqooyi ee Somaliland, taas oo uu sheegay “inay astaan u tahay sida ay Soomaaliya u aadday doorasho”. Waxa uu dalbaday in la xaqiijiyo hufnaanta doorashada kuraasta Aqalka Sare ee hadal jeedinta musharraxiinteeda ay maanta qabsoontay. “Waxaan farayaa dhammaan guddiyada doorashooyinka, guddiga wax dooranaya, odayaasha, iyo musharraxiinta, in la ilaaliyo hufnaanta doorashada, in la ilaaliyo caddaaladda doorashada,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble. Shacabka oo dhan ayuu sheegay in ay si gaar ah ula socdaan doorashada kuraasta Somaliland. Isagoo taas sharraxayana waxa uu yiri: “Gobollada Waqooyi, Somaliland, waxay caan ku tahay doorasho hufnaan iyo caddaalad ah, sidaas darteed shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan indhaha ayay idinku hayaan, marka waxaan rabaa in ay noqoto doorasho lagu dayan karo oo taariikhda gasha.” Odayaasha ayuu uga mahad celiyay “dadaalkooda”, waxa uuna ku adkeeyay in ay xaqiijiyaan caddaaladda doorashada, “oo ah mid dadka oo dhan deeqda”. 2- Farriin ku saabsan khilaafka hadda taagan Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kooban uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ay gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba laga hadal hayay dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay. Inkastoo uusan si toos ah carrabka ugu dhufanin magaca madaxweynaha oo ay isku khilaafeen arrimo dhowr ah, haddana waxa uu sheegay in xaaladdu ay “mareyso meel wanaagsan”. Shacabka ayuu u diray farriin uu ugu sheegayo in aysan khilaafkaas wax walwal ah ka qabin. “Dalku maanta meel fiican ayuu marayaa, doorasho ayaan ku jirnaa, khilaafaad way iska imaadaan, carrab iyo ilko ayaa isugu dhow laakiin wax weyn ma aha, wax weynna yaan loo qaadanin, wax walba waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka, nabadgelyada, wada noolaanshaha. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay ilaaliyaan xasiloonida, cadowga shabaabna uusan ka faa’iideysanin waxyaabaha tuhunka abuuraya ama xaaladda uga sii daraya ee dhinaca siyaasadda ah. Wax weyn oo siyaasadda la isku hayo maba jiraan,” ayuu yiri Rooble. 3- Kiiska Ikraan Tahliil Sida ay dad badanba ka war sugayeen, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa khudbaddiisa dhinacyada badan taabaneysay kusoo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ka tirsaneyd saraakiisha hay’adda Sirodonka aranka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya, oo la la’yahay tan iyo bishii June. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan mar kasta u taaganahay caddaaladda, dhammaanteen caddaalad ayaa na deeqdo. Walaasheey, gabadheennii Ikraan Tahliil caddaalad way heleysaa, kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno inshaAllah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan, waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray in “howsha lagu guda jiro, oo maxkamadda militariga loo xil saaray, go’aankeedana la wada sugayo”. “Maxkamadda howlaheeda inay wadato ayaan rajeynayaa, horayna waan u faray haddana waan farayaa inay sida ugu dhakhsiyaha badan howlaheeda u billowdaan.” Kiiska Ikraan ayaa la aaminsan yahay inuu xuddun u yahay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan qarsoodi ahayn oo toos ah isugu qabtay arrimaha ku biyo shubanaya kiiskan, sida uu BBC-da u sheegay Mursal Maxamed Saneey, oo ka tirsan macadka Heritage. “Waa hal kiis oo isku wada xiran. Qof walba oo caqli leh, oo arrimaha Soomaaliya la socdana wuu garan karaa meesha ay wax ka khaldan yihiin. Haddii uusan jiri lahayn Kiiska Ikraan lama taaban lahayn taliyeyaasha, lagamana wada hadli lahayn amniga dalka, sidii uu u socday ayuuna u socon lahaa,” ayuu yiri. 4- In Aqalka sare uu noqon doono meel madax u ah dalka Arrimaha uu khudbadda maanta ku sheegay Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah in uu doonayo dhammeystirka doorashada Aqalka Sare, si uu u noqdo meel loogu soo hagaago Soomaaliya. “Khilaaf kasta iyo isqabqabsi kasta wuxuu dhammaanaya amar ay doorashada noo hagaagto,” ayuu yiri. Dowlad goboleedyada wali ku howlan doorashada Aqalka Sare ayuu ka dalbaday in ay soo dhammeystiraan kuraasta wali harsan. “Waxaan rabaa inaan halkan baaq uga diro saaxiibbadeey dowlad goboleedyada oo aan rabo inaan u sheego in ay sida ugu dhakhsiyaha badan u billaabaan Aqalka Hoose.” “Waxaa kale oo aan rabaa inaan xasuusiyo siddeedda kursi ee Aqalka Sare ee ku hartay dowlad goboleedyada – 4 Jubaland, 2 Galmudug iyo 2 Hirshabeelle – inay sida ugu dhakhsiyaha badan usoo gudbiyaan,” ayuu yiri Rooble. Marka uu Aqalka Sare istaago ayuu sheegay inuu noqon doono masiir loogu soo hagaagi karo arrimaha Soomaaliya. “Marka lasoo afjaro doorashada Aqalka Sare ee Somaliland, waxaan rabaa taariikhda inay gasho in la isugu yeero dhammaan xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliya si ay si ay u sameystaan guddonkoodii iyo nidaamkoodii, sidaasna ay Soomaaliya u yeelato hay’addii ugu horreysay ee dastuuri ah, dalka uu u yeesho madax lagu soo hagaago, oo anigana ila xisaabtama anigana aan la xisaabtamo.” Isbuuca soo socda ayaa la filayaa in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada Waqooyi lagu dhammeystiro, haddii kuraasta ka dhiman dowlad goboleedyada kale lasoo gudbiyana waxaa billaaban doonta howsha doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya. Isha: BBC The post Daawo: Rooble oo ka hadlay afar qodob oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)- Siyaasi Cabdow Axmed Aayar oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE,isla markaana xilal ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE uu marayo meeshii ugu liidatay,waxaau sheegay in aanu dhaadanayn Madaxweyne Biixi,haseyeeshee uu daawanayo filan hore,iyadoo ay kawaadirtii Xisbiga tacabka baddan soo gelisay ay tooraha is daba haystaan oo ay ka haajirayaan Xisbiga,kaddib markii talladii KULMIYE ay noqotay mid uu gosha ku qaatay Madaxweyne Biixi. Cabdoow Aayar oo arrintaas ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bibaabay sidan:-“Xisbigii KULMIYE maanta waxa uu taagan yahay meel aad u liidata,Xisbigiina wuu sii liciifayaa oo laf dhabartiisii iyo raggii aasaaska iyo bud-dhiga u ahaa nin-ba maalin ayuu ka socdaa,weli Muuse waxa aan u arkaa in aanay u muuqan oo dhalanteed kale uu daawanayo oo hortiisa yaalla.” Isagoo intaas ku daray “ Xaqiiqadu waxa weeye Xisbigii KULMIYE ee tacabka baddani ku baxay ee sida fuddud kursiga loogu fadhiisiyey Muuse Biixi Cabdi in ummaddii Xisbiga laf dhabarta u ahayd ee dhaqaalaha iyo dedaalka baddan kaga soo baxay uu dayriyey,waxaanay ku socotaa hadda in inta ku hadhay maanta ee midhadhka ahi inay iyana jidkaa ku soo wadda jiraan oo nin-ba jaho uu u dhaqaaqoba uu nin waliba ka bixi.”ayuu yidhi Cabdoow Aayar Siyaasi Cabdoow Aayar ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay inuu Guddoomiynimadda iyo Musharraxnimada Xisbiga wareejiyo, haddii uu rabo bad-baada Xisbiga “Waxaan leeyahay oo kula tallinayaa Xisbiga nafi kuma hadhin halkii ugu dambaysay ayuu marayaa waa dhuun yeedhis, Xisbiga iska wareeji,weliba haddii aan talladayda raacsado Xisbiga iyo Musharrax-nimaddaba iska wareeji,sida maanta kuu sharafta roon waa addiga oo labadaba dhiiba oo hanneeya.”ayuu yidhi Sidoo kale Siyaasi Cabdoow Aayar ayaa sheegay in aanu Madaxweyne Biixi fullin ballan-qaad-yadii uu sameeyey xiligii ollolaha doorashada Madaxtooyadda“Lakiin sida aad maanta aad wax u waddo dadkii ma garaad la’a caqli ayey leeyihiin ballanqaad ayaad u fidisay barri illaa Galbaad, meel qudha haddii aad sheegatid oo aad tidhaah-did waxaas ayaan ka fulliyey,waa kuu guul, lakiin meel qudha oo aad wax ku fullisay oo aad shaaganaysaa ma jirto aan ahayn fartiina ayaad eedaysaan dadku fartoodii eedde, xaqiiqda iyo runta marka la sheegana dadka garaadkoodu maaha wax la caayo.” Dhanka kalena Cabdoow aayar ayaa ugu baaqay shacabka reer Somaliland in ay codkooda u meel dayaan,isla markaana aanay eeddin codkooda iyo fartooda mar labaad“Ma garanaayo maanta Muuse wuxuu dadka kula soo bixi doonno,ma garanaayo waxa uu u sheegti doonno,waayo waxa qudha oo uu fulliyey oo umadda tusay oo uu ballan-qaaday ma jirto,iima muuqato wuxuu dhigtay,waxaan leeyahay bushada reer Somaliland codkiina iyo fartiina mar labaad ha eeddina .” ayuu yidhi Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa go’aan cajiib ah oo ku dayasho mudan ku tilmaamay is-casilaada Wasiirkii Arrimaha Haweenka Ethiopia, Filsan Cabdullaahi Axmed. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in is-casilaada Filsan ay ka dhigan tahay in xilka uu qofku hayo ay ka muhiimsan tahay mabda’a iyo damiirkiisa dadnimo, taasi oo ugub ku ah Soomaalida, sida uu sheegay. “Filsan C/laahi waxay iska casishay xilka wasiirka haweenka, dhallinyarada iyo dhallaanka Itoobiya. Waxay sabbab uga dhigtay in ay is diideen xaaladda laga doonayo in ay ku shaqeyso iyo mabda’a ay aaminsantahay, qiyamkeeda iyo damiirkeeda dadnimo. Waa arrin ugub ku ah dhaqan siyaasadeedka qowmiyadda Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu sheegay inay tusaale wanaagsan u noqoneyso Jiilka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan cadowga ugu weyn ee siyaasadda, midaasi oo mas’uulka oo ka dhigta mid keliya ilaashada xilkiisa. “Waxay tusaale u tahay jiilka Soomaaliyeed ee laga doonayo in ay jebiyaan cadawga ugu wayn ee siyaasadda Soomaalidu leedahay oo ah siyaasad ka maran mabda’a iyo mowqif sugan, qiyam iyo akhlaaq. Siyaasadda muufaysiga, maxaa iigu jira iyo macaashka maalinlaha ah.” Filsan ayaa aheyd sarkaalkii u horreeyey ee heer federal ah ee kashifa in uu kufsi ka dhacay gobolka Tigray xilligii uu dagaalku ka socday, waxayna is-casilaadeeda ku sheegtay sababo shaqsi ah oo aad ugu weyn damiirkeeda. “Xaalad kasta oo wax u dhimaysa anshaxayga waxa ay lid ku tahay mabda’ayga iyo qiyamkayga, qiyaamaynta caqiidooyinkaasina waa jebinta kalsoonida naftayda iyo muwaadiniinteena,” ayay farriin ay soo dhigtay Twitter-ka ku tiri Filsan Cabdullaahi Axmed, oo kasoo jeeda gobolka Soomaalida. “Sababo shaqsi oo aad ugu weyn damiirkeyda dartood, waxaan aniga oo ku faraxsaneyn gudbiyey warqaddeeda is-casilaadda, oo u dhaqan geleysa si deg deg.” Bishii February ayay Filsan sheegtay in “shaki la’aan” ay tahay in kufsi uu dhacay tobankii bilood ee uu socday dagaalka gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi kaasi oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa jabhadda TPLF, iyadoo ku dhawaaqday guddi arrintaasi baara. Is-casilaaddeeda ayaa timid toddobaad ka hor xilliga lagu wado in Abiy, oo xisbigiisa PP uu si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii dhacay horraantii sanadkan, uu soo magacaabo dowlad cusub. The post Maxay siyaasiyiinta Soomaalida uga dhigan tahay is-casilaada Filsan Cabdullaahi Axmed? appeared first on Caasimada Online.