-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Guruuje oo la dhaawacay,Yaa dhaawacay+Maxaa lagu dhaawacay Suldaan Saleebaan Cismaan Habaar oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa saaka dhaawac madaxa ah gaadhsiiyay Xildhibaan Nuur Guruje, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Dhaawaca xildhibaan guruuje ayaa lagu dabiibayaa cusbitaalka wayn ee magaalada hargeisa. Xildhibaanka ayuu dhaawucu ka soo gaadhay madaxa iyo gacanta midig oo ay laba meelood oo kala ah Cududa iyo faraha hore. Labada masuul ayaa hore Warbaahinta eedo isugu mariyay. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa sheegaya in saaka oo Arbaca ah si xun loogu dhaawacay magaaladaasi Xildhibaan Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee maamulkaasi. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inuu dhaawac gaarsiiyey xildhibaanka, isagoo dhagax uga dhuftay madaxa. Labada nin ayaa la sheegay inuu ka dhexeeyey dagaal dhinaca afka ah, iyaga oo horey eedo kulul isugu mariyey warbaahinta, kaas oo sababay gacan ka hadal-kooda. Sawirro laga soo qaaday xildhibaanka, kadib dhacdada ayaa muujinaya isaga oo uu dhiig fara badan ka socda madaxa, kadibna loogu duubay shaatigiisa, iyadoo dad badan ku soo xoomeen goobta, kuwaas oo isla markiiba caawimaad deg-deg ah u fidiyey mas’uulkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladda caafimaada ee xildhibaanka lagula tacaalayo isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. “Waa nasiib darro in xildhibaan Axmed Nuur Guruuje lagu fara-saaro Magaalada Hargeysa oo loo geysto dhaawac, sida sharciga ku xusan haddii gacan ka hadal dhaco oo qof waxyeelo qof kale waa dambi, sidaas awgeed waa in la xiraa lasoo xiro oo maxkamad la horgeeyo“ ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada oo ka hadlay falkaasi Dhanka kale illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee Somaliland oo ku aadan falka lagu dhaawacay xildhibaankaasi. Dhacdadan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana ay keentay in si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada oo lagu baahiyey sawirrada xildhibaankaasi. The post Xildhibaan reer Somaliland ah oo dhagax lagu dhaawacay appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa goordhaw la soo gaba gabeeyay doorashada kursiga labaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Ibraahim Iidle Suleyman iyo Saalax Axmed Jaamac. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saalax Axmed Jaamac oo helay 29 cod , halka uu Ibraahim Iidle Suleyman uu helay 12 cod. Hadaba waa Kuma Wasiirka Dastuurka Ee Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Aqalka Sare Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Waxa uu dhashay sanadkii 1980-kii, waxaa uu ku dhashay Ceerigaabo Sanaag, dhanka waxbrashada Degree-ga koobaad iyo Master ee cilmiga siyaadda ka heysta Jaamacadda Carleton University. Waxaa uu ka shaqeeyey barnaamijkii New Deal , Booliska Soomaaliya hay’adda qaramada midoobay iyo xubin ka tirsan guddidii doorashooyinka, waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka 10aad, 4-tii sano ee lasoo dhaafay waxaa uu soo qabtay labo wasaarad oo xukuumadda federaalka ah, wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo wasaaradda dastuurka. Waxaa uu sidoo kale isku duwe ka ahaa guddi dhanka Farsamada ka taagerayay doorashooyinkii 2016 kuwaas oo ka kala socday dowlad gobaleedyada dalka iyo dowladda Federaalka. Saalax ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Arrimaha Federaalka isagoo ahaa La -taliyaha Sare ee Doorashada oo loo xilsaaray hirgelinta ajendaha dimuqraadiyadda ee Dowladda Federaalka. Intii uu ka shaqaynayay Wasaaradda, Saalax wuxuu kaloo noqday La-taliyaha horumarinta Istiraatiijadda siyaasadda Siyaasadda. Saalax Axmed Jaamac, ka hor inta uusan dowladda ku biirin waxa uu ka shaqeyay Adeegyada horumarinta Bulshada. Waxa uu sidoo kale wasiirka ka shaqeyay arrimaha dowlad dhisidda, Nabadeeynta, Xalinta khilaafaadka, isagoo qoraallo ka sameeyay Dimoqoraadiyadda iyo fursadaha dowlad dhiska ee dalalka nugul. Goobjoog Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)- Xildhibaan Axmed Yuusuf Nuur (Guruuje) oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland, oo saaka uu dhaawac u gaystay Suldan Saleebaan Boqor Cismaan, oo kamid ah madaxda dhaqanka Somaliland, ayaa sheegay in suldaanku uu weerar gaadmo ah u gaystay isla markaana, uu meelo kala duwan ka dhaawacay. Guruuje ayaa sheegay in Suldaan Saleebaan uu dil toogasho ah ugu hanjabay, hanjabaadaas oo uu u gudbiyay ciidamada amaanka. Xildhibaan Guruje isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Saaka 9:00am aniga oo ku socda shaqo aanu ku lahayn golaha wakiillada, oo maraya Xarunta Gobolka Maroodijeex, oo aan telefoon ku hadlayo, ayaa ninka la yidhaaho Suldaan Saleebaan Cismaan oo maalin dhawaydna iga weeraray warbaahintu iga daba yimid, kadibna hangool uu sitay ayuu halkaa qadaadka danbe igaga dhuftay anoo sii jeeda oo aan arkaynin” Xildhibaanku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray.”Markii aan ku soo jeedsadayna laba jeer oo kale ayuu ii taagay (igu dhuftay), halka nabar ayaa iga gaadhay (gacanta midig) mar-labaadna gacantaas (gacanta bidix) ayuu ku burburay hangoolkii, markii intaasi dhacday dadkii ayaa nagu soo ururay isna meeshi ayuu ka carararay, hangoolkii oo jaban iyo warbixintiina waxan geeyay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa” Guruuje ayaa sheegay in Suldaan Saleebaan uu dil toogasho ah ugu hanjabay, hanjabaadaas oo uu u gudbiyay ciidamada amaanka.”Dil iyo xabad ayuu iigu hanjabay, oo wuxuu yidhi xabad baan kugu dhufanayaa, arintaana hay’addaha sharciga ayaan ku wargaliyay” Xildhibaanka ayaa sheegay in lagu daweeyay cisbitaalka weyn ee Hargaysa, isla markaana ay xaaladiisu hadda wanaagsan tahay marka laga yimaado waxooga dawakhaad ah oo uu dareemayo dhiig badan oo ka yimid awgeed. Source
-
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle ayaa u mahadceliyay weriye Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar) oo Muqdisho ka aas aasay akadeemiyada da’yar, isagoo u balanqaaday in maamulka Xiriirka Kubadcag yaraha ay diyaar u yihiin garab istaagida Itaal. “Runtii Macallin Aweys Aar wuxuu qaaday talaabo wanaagsan oo kubdayasho mudan, waxaan u rajaynaynaa isag iyo ciyaartooyda uu gacabta ku hayo guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha Xiririka Kubadcag yaraha Soomaaliya mudane Xaaji Aadan Cabdulle. Guddoomiye Xaaji Aadan Cabdulle oo heerar kala duwan ka soo qabtay Ciyaaraha dalka ayaa maamulka ku bogaadiyay fursad ay abuureen da’yarta soo koraysa, isagoo sheegay in ay arintaas fursad weyn u tahay guulaha Xulka Qaranka. “Dhalinyarada Itaal ee maanta sida wanaagsan loo barbaarinayo waxay door weyn ka ciyaarikaraan horomarka iyo guulaha guud ahaan Ciyaaraha dalka” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiye Xaaji Adan Cabdule. Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha adag waxay balanqaadeen in ay si dhaw u gacan qaban-doonaan horomarinta iyo guulaha akadeemiyada Itaal Football. “Hadii aanu nahay maamulka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadcag yaraha , waxaan xooga saaraynaa dardargelinta iyo guulaha akadeemiyada Itaal Football Club” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha Xiririka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Xaaji Aadan . Daawo Guddoomiye Xaaji iyo Dardaraanka Da’yarta Itaal Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA Macallin Aweys Aar “Xiriirka Kubadcag Yaraha Soomaaliya Waan Kaga Mahadcelinaynaa Dhiirigelinta Ay Noo Sameeyeen” W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulahi Waxaa uu ku dhashay Baabiley , Itoobiya sanadkii 1946-dii Waxbarasho: 1964-1968: Dugsi sare, Madahania-Alam, Harar 1975-1977: Kuliyadda siyaasadd, Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, Muqdisho 1980-1981: Machadka Maamulka iyo Maareynta, SIDAM, Muqdisho 1985-1990: Kuliyadda Dhaqaalaha, Jaamacadda Umadda, Muqdisho Shaqo: 1972-1974: Macalin Ceel Jaalle 1974-1975: Qasnajiga guud ee Wakaaladda ONAT, Muqdisho. 1977-1979: Xogheyaha xarumaha waxbasrashada UDHKS 1979-1980: Kaaliyaha 1aad ee gobolka Waqooyi beri, Hargeisa. 1979-1980: Guddoomiyaha degmada Marka 1981-1990: Maareeyaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada ama Theater-ka 1979-1990: xubin golaha shacabka Soomaaliyeed. 1991-1992: Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta. 1992-1996: Agaasimaha Maareynta ee Hey’adda Afri-Action. 1997-2004: Agaasmiha Maareynta Tubta Nabadda. 2004-2009: Xubin Baanrlamaan. 2005-2007: Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka. 2008-2009: Wasiirka Caafimaadka 2012-2016: Xubin Baarlamaanka, iyo guddoomiyaha guddiga warfaafinta ee golaha shacabk Source: goobjoog.com
-
Maxkamada Gobolka Togdheer maaanta waxa ay xukuntey abwaan Abdilaahi Adan Qanciye oo ahaa abwaan dhawaantan gabeygiisa Baraha Bulshada lawareejinayey , laguna eedeyey in uu Af lagadeyey Madaxweynaha Dalka Mudane Muuse Biixi Cabdi , waxana lagu xukumey hal sano iyo sadex bilood oo ganaax ah. Sidoo kale waxa la xukumey inantii muuqaalka ka duubtey , waxana lagu edeyey in ay xukunkii maxkamada ka baxsatey waxana lagu xukumay 2 sano xaniga ah iyo shanboqol oo shilinka Somalilan oo ganaax ah, waxa xusid mudan inanta muqaalka ka duubtey abwaanka ayaan joogin maxkamada . Source
-
Waxaa goordhaw la soo gaba gabeeyay doorashada kursiga labaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Ibraahim Iidle Suleyman iyo Saalax Axmed Jaamac. Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Saalax Axmed Jaamac oo helay 29 cod , halka uu Ibraahim Iidle Suleyman uu helay 12 cod. Waxaa sidaas kursiga labaad ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Saalax Axmed Jaamac . Source: goobjoog.com
-
Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya James Swan, ayaa goobjoog ka ah doorashada kuraasta Aqalka sare ee Somaliland. Doorashada oo hadda ka socota hool ku yaalla Afisyooni ayaa maanta lagu dooranaya Lix kursi oo ka mid ah 11-kursi ee Aqalka Sare Somaliland ku leedahay. Dhanka kale goobjoog ka ah doorashada wafdi ka socda midawga Afrika oo uu hogaaminayo Ambaasador Francisco madeira. Sawiaro Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa goordhaw Teedhada Afisyooni lagu doortay kursiga koowaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Cabdi Xaashi Cabdillaahi, oo horay afartii sano ee la soo dhaafay ugu fadhiyay kursigaan ayaa markale loo doortay in uu ka mid noqdo senatorada Aqalka sare. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay Natiijada doorashada Kursiga koowaad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada booliiska degmada dhuusamareeb ay xabsiga u taxaabeen wariye Maxamed Cabdiwali Tooxoow oo ka mid ah wariyayaasha deegaanka. Xariga wariyaha ayaa yimid kadib markii ciidamada booliiska ay xalay kala baxeen hooygiisa oo uu ku sugna wariyaha. Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigiisa, waxaana sawiro la baahiyay ay muujinayaan wariyaha oo labada lugood silsilad looga xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)-Labaatan sanno oo dhiig iyo hanti Mareykan ah oo lagu kharash gareeyay Afghanistan kaddib ayaa salaasadii Aqalka Senate-ka wuxuu muddo lix saacadood ah su’aalo ka weydiiyay saraakiisha ugu sarreysa ciidanka Mareykanka, iyaga oo qiray in dagaalkaas uu ahaa ‘guuldarr istiraaji ah.” “Waxay ahayd guul xagga saadka ah, laakiin waa guuldarro istiraatiiji ah, oo ay dhici kartay in aan ugu dambeyntiina lagu guuleysan.” ayuu yidhi taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, ahna sarkaalka ugu darajada sarreeya militariga Mareykanka General Mark Milley. Wuxuu sharci-dajiyeyaasha u sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Kabul laga daadgureeyay 124,000 oo qof, oo ay ku jiraan ilaa 6,000 oo Maraykan ah. “Natiijooyinka ka soo baxa dagaal noocan oo kale ah, waa natiijo guuldaro istiraatiiji ah – cadowga ayaa hada mas’uula Kabul; ma jirto si kale oo lagu sifeeyn karo arrinkan – natiijadaasi waxay ka timid natiijooyin 20 sano is biirsaday, ma aha 20 maalmood,” ayuu General Milley sii raaciyay. Iyadoo su’aalo adag laga weydiinayay in Washington ay si kale u maareyn kartay howlgalkan si looga hortago in dowladda ay taageerto Mareykanka ee Afgaanistaan ay burburto oo ay kahortagto qabsashada Taalibaan, ayuu General Milley si qayaxan u sheegay in mar kasta xaaladda ka bixintaanku isku nooc ahaan laheyd. Dhageysigan su’aalaha lagu weydiinayay General Milley, waxaa isna qeyb ka ahaa General Kenneth “Frank” McKenzie, oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, wuxuuna sheegay in marka loo eego heshiiskii Doha 2020, kaas oo u gogol xaarayay bixitaanka Mareykanka, uu “saameyn weyn oo nafsaani ah ku yeeshay” ciidamada Afghanistan, ayna dhici karto inay soo dedejiyeen burburkoodii. Source
-
Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ayaa saaka dhaawac madaxa ah gaadhsiiyay Xildhibaan Nuur Guruje, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland. Labada masuul ayaa hore Warbaahinta eedo isugu mariyay. Xildhibaanka ayaa hadda lagu dhex daawaynayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa. Source
-
Khartoum (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska imaad u dhexeeyey ciidamada siroonka waddanka Suudaan iyo rag ka tirsan kooxda Daacish, kaas oo ka dhacay xaafadda Gabra oo ku taalla koofurta magaalada caasimadda ah ee Khartoum. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee uu dhexmaray iska hor imaadka. Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamo ka tirsan kuwa sirdoonka ay howl-gal ku qaadeen xaafadda Gabra, kadib markii ay heleen xogo amni, waxaana marka ay tageen halkaasi ay iska caabin kala kulmay rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Daacish. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi Suudaan looga dilay ugu yaraan 5 sarkaal oo ka tirsanaa sirdoonka dalkeeda, halka mid kalena looga dhaawacay. Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda ayaa xaqijiyey in dhankooda ay dileen illaa toban ka tirsanaa kooxda hubeysan ee ay dagaalka la galeen, dad kale oo laga shakisan-yahayna ay gacanta ku dhigeen, kuwaas oo lagu tuhumayo inay ka tirsan yihiin Daacish. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuk ayaa ka hadlay weerarkan, isagoo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan dad raba inay qalalaase gelinayaam dalkaasi. Cabdalla Xamduuk ayaa sidoo kale tacsi u diray ehehllada saraakiisha iyo askarta ku dhimatay iska hor imaadka ay la galeen kooxda hubeysan ee ka dhacay Khartoum. Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo 21-kii bishan September uu Suudaan ka dhacay afgembi dhicicsoobay, kaas oo ay ka hortageen ciidanka amaanka ee dalkaasi. The post Sirdoonka Suudaan oo shan askari looga dilay dagaal appeared first on Caasimada Online.
-
(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times ayaa qoray warbixin ku Wajahan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalka ay muddada soddonka sannadood ah ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah. Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland. Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii. Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah. Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya. Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Financial Times ayaa qoray warbixin ku Wajahan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dedaalka ay muddada soddonka sannadood ah ugu jirto aqoonsiga caalamiga ah. Warbixintaasi oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu Wargeysku ka hadlay Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ahayd Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Somaliland oo cisbitaal ka sameysay magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay xasuusato xasuuqii ugu xumaa ee ka dhacay Mandaqada oo lagu sameeyey dadkeeda reer Somaliland. Marwo Edna Aadan Ismaaciil waxay sheegtay in taliskii Siyaad Barre uu dilay 200 oo Kun oo qof oo reer Somaliland ah,kuwaasi oo doonayey xornimo Sideetamaadii. Marwo Edna Aadan waxay intaas ku dartay in Somaliland ay tahay dal lagu xushmeeyo bini’aadanimada, waxaanay tilmaantay inay Somaliland istaahisho aqoonsi caalami ah. Wargeyska Financial Times wuxuu sheegay in tan iyo markii ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya saddon sannadood ka hor, ay ku guulaysatay inay qabato doorashooyin dimuqraadi ah, oo soo jiitay inay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabtu ay maalgeliso marsadda Berbera, waxaanu warsiduhu tilmaamay in madaxda Somaliland ay sheegeen in maalgashigaasi ka dhigan yahay jidkii lagu heli lahaa ictiraaf caalamiya. Source
-
Saraakiil sare sare oo ka tirsan ciidamada Militeriga Mareykanka ayaa ka digay suura galnimada ururka Al-qaacidda ay ku soo weerari karaan gudaha Mareykanka Sanad gudihiis. Mark Milley, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa golaha Wakiilada Mareykanka ee Congress-ka ka horsheegay in ka bixitaanka Mareykanka ee Afghanistan kadib ay suura gal tahay in ay weerar ku soo qaadaan gudaha Maraykanka. “Taliban ma aysan jarin xiriirkii ay la wadaagayeen kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 9/11, iyaga laftooduna wali waa argagixiso,” ayuu yiri Janaraal Milley. Senatorada golaha ayaa Sarkaalka iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamad Militeriga Mareykanka su’aallo hor dhigay xilli looga yeeray fadhiga oo su’aallo lagu weydiinayay. Mudanayaasha ayaa sidoo kale su’aallo ka keenay sababta Mareykanka uu ula socon waayay in ay bur buri rabto dowladda Afghanistan. Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin, ayaa dhankiisa sheegay in ciidamadii mareykanka uu tababarayay 20-ka sano laga adkaaday. “Ciidanka Afghanistan ee aan labaatanka sano tababareeynay waxa laga adkaaday iyaga oo aanan xal xabad ah ridin” ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin. 26-kii bishii hore intii uu socday howl galkii ka bixitaanka Mareykanka ee dalka Afghanistaan in ka badan 182 qof ayaa qarax lagu dilay kuwaas oo ay ku jiraan 13 ka mid ah Askarta Mareykanka. Dowladdii uu hogaaminayay Madaxweyne Ashraf ghani ayaa meesha ka baxday kadib markii kooxda Taaliiban ay la wareegtay gacan ku heynta Kabul iyo gobalkada kale ee dalka. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa horey u sheegay in Mareykanka uu 10-sano ka hor fushaday qorshihii uu Afghanistan u tagay, taas oo uu ula jeeday in ay Toban sano ka hor dileen hogaamiyihii Al-qaacidda ee Usama Binu-ladi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, KENYA — Female circumcision, known as female genital mutilation, is illegal in Kenya but is still being forced on young girls in some areas. Cases increased after schools closed due to the pandemic, but one survivor is fighting the practice in an ethnic Somali community. Source: Hiiraan Online
-
Johannesburg (HOL) - A Somali national and a South African woman were shot dead by gunmen in South Africa on Tuesday night. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - Delegates from the northern regions of Somaliland will elect six members to Somalia's Upper House of Parliament on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Somalia is currently at a crossroads, and the likelihood of civil strife cannot be discounted. Source: Hiiraan Online