Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Releases Taiwan’s Agricultural Technology Lands in East Africa: Taiwan Technical Mission in Somaliland Unveils a Demonstration Farm Taiwan’s Agricultural Technology Lands in East Africa: Taiwan Technical Mission in Somaliland Unveils a Demonstration Farm The TaiwanICDF and Somaliland’s cooperation project Improving Production and Quality of Vegetables and Fruits officially opened the Demonstration Farm on October 4, 2021. The opening ceremony was co-hosted by H.E. Amb. Allen Chenhwa Lou, Taiwan Representative in the Republic of Somaliland, and Hon. Mohamed Haji Osman, Minister of Agricultural Development of the Republic of Somaliland. During the ceremony, Minister Osman praised the Demonstration Farm as the first “fruit” of the joint efforts between the two countries. He hoped that through this farm, more Taiwanese superior agricultural technologies would benefit local farmers. The Demonstration Farm is located in Arabsiyo town, 44 km west of Hargeisa, the capital of Somaliland. Mr. Mars Shiue, Leader of the Taiwan Technical Mission (TTM), said that he would choose to set up the farm here because of the precious underground water source. With the efforts of TTM, facilities such as pumping stations, water storage barrels, greenhouses, fields and warehouse offices have been established in order to allow the proper use of water resources. On the other hand, TTM plans to cultivate tomato, asparagus, cantaloupe and other crops with a drip irrigation system to display water-saving cultivation. TTM also collects field waste to make compost, and demonstrates circular economy and environmental friendly cultivation. On the opening day, Farmer Group Chairman Nimco Maxamuud brought farmers from Xamdi, and stood by the field and told them that “following training from TTM, these crops will soon be harvested in their own farms, and will be sold at a good price to improve family livelihoods.” There are now 3 farmer groups with a total of 116 farmers as the core farmers of this project. TTM will tailor a series of cultivation management knowledge and value chain improvement courses and field training for them. The successful Taiwanese agricultural model will be well-known in East Africa through these core farmers and the Demonstration Farm. Qaran News
  2. Minsk (Caasimada Online) – Boqolaal muhaajiriin ah ayaa dhooban xuduudda kala qeybisa dalalka Belarus iyo dalka xubinta ka ah Midowga Yurub ee Poland oo ay doonayaan inay galaan, si ay ugu sii gudbaan dalalka kale ee Midowga Yurub. Midowga Yurub ayaa wacad ku maray cunaqabteeno cusub oo ka dhan ah Belarus, ayaga oo ku eedeeyey madaxweynaha dalkaas Alexander Lukashenko inuu adegesanayo xeelad la mid ah “tan burcadda.” Xiisadda ka taagan xuduuddan ayaa soo socotay dhowr bil, waxaana ku dhintay toddoba qof oo muhaajiriin ah. Poland iyo xubnaha Midowga Yurub ayaa ku eedeeyey Belarus inay ku dhiiri-gelineyso muhaajiriinta – oo ka yimid Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto – inay si sharci-darro ah uga gudbaan xuduudda oo ay galaan Midowga Yurub. Arrintan ayaa la sheegay in madaxweyne Lukashenko uu u sameynayo inuu uga aarguto cunaqabteeno la saaray dalkiisa oo sabab looga dhigay xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha. “Dowladda Belarus waxay hab aan horey loo arag weerar ugu tahay xuduudda Poland iyo Midowga Yurub,” waxaa sidaas shir jaraa’id oo uu Warsaw ku qabtay ku yiri madaxweynaha Poland Andrzej Duda. “Waxaan hadda xero ku haynaa muhaajiriin loo diiday inay ku laabtaan Belarus, qiyaastii waa 1,000 qof, oo badankood ah dhallinyaro. Ficilkan waa daan-daansi ay tahay inaan iska caabinno, innaga uu fulineyna waajibaadkeena xubinnimo ee Midowga Yurub.” Dowladda Lukashenko oo ay taageero Russia ayaa beenisay inay ka dambeyso qalaalasaha muhaajiriinta, waxayna ku eedeyeysay Midowga Yurub iyo Mareykanka inay mas’uul ka yihiin silaca muhaajiriinta ku haysta xuduuda. Guddiga Midowga Yurub ayaa sheegay in hadda 2,000 oo qof ay ku xaniban yihiin xuduudda. “Tani waxay qeyb ka tahay hab aan bani’aadaminimo aheyn, oo sida burcadda oo kale ah, oo taliska Lukashenko uu adeegsanayo, isaga oo been u sheegaya dadka, si qaldan u adeegsanaya dadka, islamarkaana keenaya Belarus, isaga oo ugu been sheegaya inay si fudud ku geli karaan Midowga Yurub,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay guddiga Midowga Yurub. Wararka qaar ayaa sheegaya in Belarus ay xitaa dalal kale kasoo qaadeyso muhaajiriinta kadibna geyneyso xuduudda Poland, si ay ugu xumeyso Midowga Yurub. The post Dal Yurub ah oo muhaajiriin badan soo qaadaya, si uu ugu xumeeyo Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
  3. WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE: 10 /11/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-781/112021 iyo JSL/XM/WM/222-782/112021 uu xil ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumada. Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:- Ku: Saleebaan Diiriye Cabdi; Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sool UJEEDDO: XIL KA-QAADIS Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka. UJEEDDO: MAGACAABID Wareegto Madaxweyne Magacaabid Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Aadan Cumar Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland. UJEEDDO: MAGACAABID WAKIIL Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad; Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa; Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan; Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aansaday; In Maxamed Axmed Maxamuud Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Kiiniya. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in markale uu safar ku tagi doono gobollada dalka, isaga oo booqan doono magaalooyinka qaar ee maamul goboleedyada. Rooble ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkiisa uu la xiriiro goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka Soomaaliya. ”Wixii ka bilowda Jimcaha ama Sabtiga waxaan diyaariyey safaro aan ku tagayo goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka,” ayuu yiri Rooble. Ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashooyinka ayaa u kuur -geli doona goobaha loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka, si uu u qiimeeyo xaaladda guud. Sidoo kale Rooble ayaa warbixino ka dhageysan doono guddiyada doorashooyinka iyo saraakiisha qaabilsan sugidda ammaanka magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada. Ujeedka ugu weyn ee Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriira sidii loo dardar-gelin lahaa doorashada Golaha Shacabka oo haatan si rasmi ah uga bilaabatay Muqdisho. Doorashadan ayaa ah mid xiiso badan, kana adag mida Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama xildhibaanada cusub ay soo xulayaan ergo gaareysa 101 xubnood. Si kastaba, Soomaaliya waxaa ay weli ku jirtaa xaalad kala guur ah oo ka dhalatay daaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, kuwaas oo haatan maraya meel wanaagsan. The post Muxuu yahay ujeedka safarka R/W ROOBLE uu ku tegayo Maamul Goboleedyada? appeared first on Caasimada Online.
  5. Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inuu Wax Badan Ku Soo Kordhin Doono Xisbigaasi, Haddii Guddoomiyihiisa Loo Doorto Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna murrashax u taagan xilka Guddoomiyaha ee Xisbigaasi, ayaa ka hadlay markii u horreysay xifiltan siyaasaddeed oo la sheego inuu u dhexeeyo, isaga iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi. Hoggaamiye Xirsi, waxa uu xusay in Maxamuud Xaashi wax xifiltan siyaasaddeed oo gaar ah oo u dhexeeya aanu jirin, oo ay horena u soo wada shaqeeyeen, haddii uu Waddani ku biirana ay wada shaqayn doonaan. Xirsi Cali Xaaji Xasan u warramayey Telefishanka Saab Tv, ayaa mar la weydiiyey sida ay isla jaanqaadi karaan Maxamuud Xaashi iyo Xifiltanka siyaasaddeed ee la weriyo inuu ka dhexeeyo, waxa uu ku jawaabay “Waxan is leeyahay kuwa ugu yidhi xifaaltan ayaa ka dhexeeya, waa wax aan raad weynayn uun. Noloshu tartan ayey iska leedahay, oo qof walba wax buu doonaa, wax buu damacaa. Qofka wax uu raadinayaa sidii uu nolosha uga jirbo keeni lahaa, taas ayaanu kula simanahay siyaasadda dalka, wax gaar ah oo labadayda naga dhexeeyaa oo xifaaltan ah amma is diid ah ma jirto, horena waanu u soo wada shaqaynay imika haddii uu Xisbiga Waddani yimaado Maxamuud Xaashi waanu wada shaqaynaynaa.” Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlayey wada hadallada u socda Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, waxa uu yidhi “Wada hadallada Siyaasiga Maxamuud Xaashi iyo Xisbiga Waddani, weli ay socdaan, waxaan rajaynayaa in ay hore u soo dhamaadaan. Maxamuud Xaashi waa nin Siyaasi ah oo saameyn leh oo soo shaqeeyey, oo Somaliland iyo agtayadaba ku leh.’ Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, oo ka jawaabayey su’aal ahayd, waxyaabaha uu Waddani ku soo kordhin karo, haddii loo doorto Guddoomiyaha Xisbiga, waxa uu ku jawaabay “Waa run Xisbiga waan joogay, laakiin Hoggaankiisa rasmiga ah amma Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro ayaa ahaa, markaa wixii aan ku biirinayey waan ku biirinayey, imikina waxa aan is leeyahay haddii aad u gacan bannaanaato, wixii aad ku biirinaysay wax ka badan ayaa ku biirinaysaa, haddii ay tahay aqoon iyo awoodba waad gelin kartaa, runtiina waxaan is leeyahay taageero iyo taloba waad ku biirin kartaa” Source
  6. Somalia received an additional 336,500 doses of the Johnson and Johnson (J&J) COVID-19 vaccine on Sunday through the COVAX facility. Source: Hiiraan Online
  7. (ERGO) – Hussein Mohamoud Abdi spends up to nine hours of his day lining up at the only well in Dhagtuur village in central Somalia’s Adado district to get a minimal amount of water for his family. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa lagu soo warramayaa in maalmaha soo socda uu u bixi doono safar dalka dibaddiisa ah, kaas oo uu ku tegayo Uganda, sida uu xaqiijiyey wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya. Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Farmaajo uu magaalada Kampala uga qeyb-gali doono shirweyne looga hadlayo xaaladda Itoobiya iyo mida Sudan, kaas oo qabsoomaya 15-ka beshan ayenu ku jirno November ee 2021-ka. Wasiirka ayaa shaca ka qaaday in shirkaas ay sidoo kale tegi doonaan dhammaan madaxda dalalka dhaca Bariga Afrika ee ku jira Urur Goboleedka IGAD. “15-ka November waxaa magaalada Kampala ka dhici doona shir ay isugu imaanayaan Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qaybgeli galayo Madaxweynaheena, waxaa looga hadlayaa Inqilaabkii ka dhacay Suudaan & Xaaladda Itoobiya” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in muhiimadda shirkaasi uu yahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha iyo qalaalasaha dhiiga uu ku daadanayo ee ka jira labadaasi dal. Mudane Maxamed Cabdirasaaq oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Soomaaliya ay ku baaqeyso in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. “Wadahadalka iyo wax isla meel dhigidda ayaa ka wanaagsan in dad aan wax galabsan ay ku dhintaan, in dhaqaalaha & Dalka uu ku burburo, sidaas darteed waxa aan soo jeedineynaa in la wada hadlo” ayuu sii raaciyey wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. Safarka Farmaajo ee Kampala ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay Soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo sidoo kale marxalad doorasho. Si kastaba, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa saaxib dhow la’ah ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Axmed oo haatan dagaal adag kula jira jabhadda TPLF. The post Farmaajo oo u baxaya safar dibadda ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  9. Nairobi (HOL) - Muslim Residents in Kenya will be protesting against the forced disappearance and extrajudicial killings of members of the Muslim Community. Source: Hiiraan Online
  10. Nairobi- HOL- The world's most wanted woman, Samantha Lewthwaite, famously known as the 'white widow' in East Africa, has been traced to Yemen, where she is fighting alongside Al Qaeda. Source: Hiiraan Online
  11. Stephen M. Schwartz, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah, kana tirsan Machadka Cilmi-baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadd (Heritage Foundation) ee dalka Maraykanka, ayaa bilaabay olole siyaasaddeed oo uu ku taageerayo qaddiyada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Stephen M. Schwartz ayaa dalalka midawga Afrika u soo jeediyay in ay xalliyaan xaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo macnaheedu yahay in wadamada Afrika ay aqoonsadaan qaddiyada madax-bannaanida Somaliland. Waxaanu dawladda Maraykanka ku boorriyay in ay iyadu tallaabadaasi hoggaamiso. Stephen M. Schwartz waxa uu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee dawladda Maraykan ah ee Soomaaliya (2016-17) tan iyo 1991-kii, waxa uu shaqada ka fadhiistay 2017-kii isaga oo xubin ka noqday adeegga siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka iyo darajada Wasiir La-taliye. Muddadii uu ku jiray shaqadiisa arrimaha dibadda, Mr. Schwartz waxa uu soo noqday ku xigeenka madaxa ergada ee Zambia iyo Mauritius, iyo sarkaal heer dhexe ah oo uu ka soo qabtay Itoobiya, Koonfur Afrika, Burundi, iyo Cuba. Warbixintan oo lagu daabacay mareegta uu leeyahay Machadka Cilmi-baadhista Siyaasadda Arrimaha Dibadd (Heritage Foundation) FPRI, ayaa lagu bilaabay sidan “Joshua Meservey, oo ah falanqeeye sare oo dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan hay’adda Heritage Foundation, ayaa ku ololeeyey warqad siyaasaddeed oo dhawaan la filayo in uu Maraykanku Somaliland u aqoonsado dal madax-bannaan. Soo jeedintan halista ah way habsaantay in la tixgeliyo. Meservey ayaa ka sheekeynaya in Somaliland ay soo afjartay midowgii ay iskeed ula gashay Soomaaliya bishii May, sannadkii 1991-kii, isla markaana ay si guul ah isu maamuleysay muddo 30 sanno ah. Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka qabsooma doorashooyin loo tartamo, waxaana ka jira isbedelo dawladeed oo nabdoon. Somaliland waxay leedahay ciidan, dastuur, calan iyo baasaboor. Dekedda Somaliland ee Berbera waxa horumarinaysa shirkadda Dubai Ports World oo si xawli ah u koraysa. Somaliland waxa ay dhacdaa bariga Djibouti iyo koonfurta Yemen ee gacanka cadmeed, waxana ay ku taalaa marinka Bab-el-Mandab oo ah istaraatiijiyad muhiim ah. Meservey waxa ay si sax ah ugu doodaysaa in aqoonsiga madax-banaanida Somaliland ay siinayso ciidamada Maraykanka bedelka baahida weyn ee ay u qabaan Jabuuti, isla markaana ay hoos u dhigayso khatarta Shiinuhu ku hayo xarumaha, shaqaalaha iyo hawl-gallada Maraykanka. Talaabadan noocan oo kale ah waxay sidoo kale siinaysaa Maraykanka iyo kuwa kale inay helaan saaxiib degan, shaqaynaya, nabad ah gobolka ay colaaduhu aafeeyeen iyo xoojinta dawladnimada iyo dhaqaalaha dimuqraadiyadda Somaliland. Meservey waxa kale oo uu tilmaamay dhawr arrimood oo hoos u dhigi kara aqoonsiga Maraykanka. Waxa uu taxay cadaawadda Shiinuhu u qabo Somaliland ee ku saabsan xidhiidhka Taiwan iyo in ay u badan tahay in uu diiday in uu fadhiisiyo Qaramada Midoobay; Cadhada ay Soomaaliya ka qaaday Mareykanka. Walaaca ka imanayay dowladaha kale ee Afrikaanka ah ee ku aadan in tallaabadani ay kicin doonto dhaqdhaqaaqyo gooni-goosi ah iyo suurto-galnimada in Somaliland ku fashilanto sidii Koonfurta Suudaan (iyo Ereteriya la odhan karo). Aniga iyo isagaba waxaan u aragnaa natiijadan dambe mid aan macquul ahayn. Mana aaminsanin in Somaliland xaaladdeeda gaarka ahi ay kor u qaadi doonto dooda dhaqdhaqaaqyada kale ee Afrikaanka ah ee gooni-goosadka ah. Waxa jirta koorso haddii lagu guulaysto Maraykanka u gaadhi lahaa dhammaan faa’iidooyinka ku jira aqoonsiga Somaliland iyada oo aanay midna ka mid ahayn arrimahan hoos u dhaca: Maraykanku waa in uu la shaqeeyaa dawladaha Afrikaanka ah iyo kuwa aan Afrikaanka ahaynba si uu Midowga Afrika ugu qanciyo in uu hoggaamiyo geeddi-socodkii lagu xallin lahaa. Somaliland meeqaamkeeda. Midowga Afrika wuxuu awood iyo sharci u leeyahay inuu arrintan wax ka qabto oo uu si awood leh ugu dhaqmo rabitaanka Afrikaanka iyo beesha caalamka. Ururka Midowga Afrika ayaa arrinkan qaatay 2005-tii isagoo wefti xaqiiqo raadin ah u soo diray Somaliland. Soo koobida rasmiga ah ee natiijadeeda ayaa ah mid aad ugu riyaaqsan sheegashada Somaliland, isagoo leh, “Ictiraaf raadinta Somaliland waa mid taariikhiyan ah oo gooni u ah taariikhda siyaasadeed ee Afrika,” waxayna ku boorinaysaa Midowga Afrika inay arrintan kala hadlaan dawladaha Muqdisho. iyo Hargeysa oo aan dib loo dhigin. Ururka Midowga Afrika ayaan ku dhaqmin warbixintaas oo door yar ayuu ka qaatay tan iyo markaas. Hadda, 16 sano ka dib, waa waqtigii Midowga Afrika uu wax ka qaban lahaa. Qaramada Midoobay waa golaha ugu sarreeya adduunka ee ku saabsan qadiyadda madax-bannaanida qaranka, go’aankeeda ay ku oggolaato ama u diido xubinnimada waddan codsi ah. Codsadayaashu waxay u baahan yihiin cod wanaagsan oo ka yimaada Golaha Ammaanka iyo taageerada saddex-meelood laba meelood ee Golaha Guud. Ka sokow tixgelinta danahooda gaarka ah iyo faa’iidada kiiska la soo bandhigay, dalalku waxay eegayaan mawqifka gobolka ee ay khuseyso, kiiskan Midowga Afrika. Haddii la aqbalo xubin ka mid ah Midowga Afrika ama xitaa talo wanaagsan, Somaliland waxay u badan tahay in loo oggolaan doono inay ku biirto Qaramada Midoobay; la’aanteed AU-da, uma badna in ay xubin ka noqoto. Shiinuhu waxa laga filan karaa inuu Somaliland ka horyimaado ogolaanshiyaha ilaa iyo inta uu xidhiidhka dhow la leeyahay Taiwan, balse arrintani waa arin u taalla Somaliland. Si loo go’aamiyo in Qaramada Midoobay ay tixgaliso qadiyadda Somaliland, Midowga Afrika waa inuu sameeyaa afar arrimood si uu u caddeeyo arrinta: In la abaabulo guddi cusub oo xaqiiqo raadin ah oo madaxda Afrika ku baraarujinaysa xaaladda Somaliland ee wakhtigan. In dawladda Faderaalka ee Soomaaliya la siiyo waqti ay ku bilaabato wada-hadallada ay AU-du gadhwadeenka ka tahay ee Jamhuuriyadda Somaliland, ee ku saabsan halka ay marayso iyo xidhiidhka labada maamul. Hoggaaminta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo looga baahan yahay in dhinacyadu si niyad-sami ah uga qayb-galaan, kuna heshiiyaan natiijada taariikh cayiman. In lagu dhawaaqo in haddii dhinacyadu ay heshiis gaadhi waayaan Midowga Afrika uu soo bandhigi doono aragtidiisa ku aaddan cidda masuulka ka ahayd burburka, isla markaana ay talo u soo jeediso Golaha Midowga Afrika tallaabooyinka xiga. Soomaaliya iyo Somaliland waxay hore u yeesheen wada-hadallo iyaga oo ku kulmay weftiyo heer wasiir ama madax dawladeed ilaa toban jeer tobankii sano ee la soo dhaafay si ay uga wada hadlaan meeqaamka Somaliland. Nasiib darro, wadahadaladu weligood ma horumariyaan heshiisyadii hore ee arrimaha habraaca. Dhexdhexaadin adag oo joogto ah ayaa loo baahan doonaa si looga gudbo shuruudaha, madax-adaygga, dib u dhaca, iyo diyaargarow la’aanta mid ama labada dhinacba. Wada xaajoodyadu sidoo kale waa inay sugaan natiijada ka soo baxda geeddi-socodka doorashada Soomaaliya ee daba dheeraaday. Awood la’aanta Soomaaliya ama rabitaan la’aanta in laga wada xaajoodo xal u helida meeqaamka Somaliland waxa ay wiiqaysaa dedaalka ay ugu jirto horumarinta dib u heshiisiinta gudaha iyo in ay culays aan cadaalad ahayn ku hayso shacabka Somaliland. Iyadoo aan la helin sharci cad. ha noqoto madax-banaani ama nooc ka mid ah ururada. Somaliland waxay ka maqan tahay maalgashi shisheeye, kaalmo iskaashi, helitaanka suuqyada daymaha caalamiga ah, lacag bixinta ku habboon isticmaalka hawadeeda, IWM. Soomaaliya ayaa u diidan faa’iidooyinkan si fudud iyaga oo iska indho-tiraya ama dib u dhigaya wada xaajoodka. In Soomaaliya ay si dhab ah u wadahadlaan waa ubucda arrintan. Caalamku guud ahaan waxa uu u hoggaansamaa mawqifka dawladda lumisay ee ku aaddan codsadayaasha aqoonsiga Qaramada Midoobay. Tobannaankii sano ee u dambeeyay, dhammaan dalalkii ka go’ay hal dal oo kuraas ka helay Qaramada Midoobay waxay ku dhaqaaqeen oo keliya ogolaanshaha dawladdii lumisay. Itoobiya waxay ogolaatay madax banaanida Eritrea 1993, Indonesia waxay ogolaatay madaxbanaanida Timor Leste 2002, Serbia waxay ogolaatay Montenegro inay ka go’do midawgooda 2006, Sudan waxay ogolaatay madaxbanaanida South Sudan 2011. Taas bedelkeeda, Serbia ma aqoonsan madax banaanida wadankeedii hore. gobolka Kosovo, sidaas darteed, inkasta oo ay aqoonsan yihiin ilaa 100 waddan, Kosovo ma helin kursi Qaramada Midoobay ah. Haddii la doorto, nooca gooni-isu-taagga waa in ay u taallo madaxda iyo shacabka Somaliland, laakiin waxaan qabaa inay door bidayaan faa’iidada ka mid noqoshada Qaramada Midoobay oo dhan iyo in la soo afjaro halgankii soo dhawaynta ee tobanaan sano socday. Midowga Afrika waxa uu awood u leeyahay in uu dhexdhexaadiyo nabadda oo uu go’aan ka gaadho madax-bannaanida. Waxa ay Soomaaliya ku qasbi kartaa in ay wadahadlaan ama ay iyadu go’aansato in ay aqbasho dalabka Somaliland ee ah in la soo celiyo qaranimadeeda. Ku qancinta dawladaha Afrika iyo AU inay qaataan mas’uuliyaddan waa inay noqotaa mid diiradda saaraysa diblomaasiyadda Mareykanka. Somaliland waxay ku naaloonaysay afar maalmood oo ah dal madax-bannaan oo ka bilaabmaya 26-kii June 1960-kii, ka hor intii aanay dooran inay la midowdo Soomaaliyadii Talyaaniga ee la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maalintii ay xornimada qaadatay, markaas-U.S. Xoghayaha arrimaha dibadda Christian Herter ayaa qoraal u diray golaha xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan idiin soo jeedinayaa hambalyo iyo bogaadin guusha aad gaadhteen madax-banaanidiinna. Tani waa mid taariikhi ah oo mudan in la xuso, waxaana farxad ii ah in aan salaan diiran ka soo diro munaasabaddan farxadda leh.” Haddii ay Soomaaliya ku guul darreysato in ay si niyad sami ah uga wada xaajoodaan xalinta maqaamka Somaliland, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken waa in uu tixgeliyo soo jeedinta Josh Meservey oo uu warqad la mid ah u qoro maamulka Hargeysa.” Source
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray diginin ku aadan in dowladda federaalka Soomaaliya ay heshiisyo kusoo gasho shirka shidaalka Afrika ee ka socda magaalada Dubai, oo lasoo geba-gebeyn doono maalinta Khamiista. Shirkaaas oo ay kasoo qayb-galeen dalal badan, oo Soomaaliya ay ka mid tahay, ayaa lagu soo bandhigayaa shidaalka dabiiciga ah ee dalalka Afrika. Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri Africa “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed iyadoo ka duulaysa mowqifkeeda hore ee 9th – January iyo 11- February 2020, waxay cadaynaysaa in aysan qayb ka ahayn fulinta Sharciga Shidaalka ee la saxiixay 8th February 2020, maadaama uusan wafaqsanayn Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Federaalka iyo hannaanka qaybsiga khayraadka dalka oo aan wali lagu heshiin.” “Dowladda Puntland waxa ay ka digaysaa in Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ay xilligan gasho heshiisyo aan waafaqsanayn sharciga ee lagu xaraashayo khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto xasilooni daro,” ayaa lagu yiri qoraalka “Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay uga digaysaa Shirkadaha Caalamiga ah in aysan heshiis sharci-daro ah la gelin Dowladda wakhtigeedu dhammaaday.” Shirkii golaha wasiirada Soomaaliya ee 31-kii October ayaa lagu ansixiyey guddoonka hay’adda batroolka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Cabdulqaadir Aadan Maxamuud. Ansixintaas ayaa timid toddobaad kahor shirka Dubai, waxaana ka dhashay deg degtaas shaki ku saabsan in dowladdu qorsheyneyso heshiisyo ka gaarsiin ah, oo laga cabsi qabo in shirkado shisheeye lacago looga qaato kahor inta aanay iman xukuumad cusub. The post Deni oo digniin culus kasoo saaray shir ay DF uga qeyb-galeyso Dubai + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  13. Saxafiga lagu magacaabo Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa 13 sano kadib ka sheekeeyey dhibaato fool xun oo uu kala kulmay burcad barcad badeed Soomaaliyeed xili uu baarayay dhibaatada iyo halista burcad baddeeda sanadkii 2008-dii, xiligaasi oo Soomaaliya lagu afduubtay markabka ‘Sirius Star’ oo shidaalka qaada ee Sacuudiga. Colin Freeman, ayaa u afduubnaa kooxaha burcad badeeda Soomaalida muddo lix todobaad ah wuxuuna daaha ka qaaday in kooxihii afduubtay ay doonayeen inay kula xiriiraan shirkaddi uu ka tirsanaa email ahaan. Colin Freeman, oo 52 jir ah, ayaa madax furasho lagu sii daayay lix toddobaad oo argagax leh kadib sanadkii 2008-dii. Colin ayaa loo diray in uu baaritaan ku sameeyo oo uu ka shaqeeyo magaalada Boosaaso, waxaana afduubkiisa ka dambeeyey dadkii uu lacagta siiyay si ay u ilaaliyaan maadaama ay ahaayeen burcad badeed iska dhigaya ilaalo sida ay daabacday warbaahinta MyLondon Colin oo ah wariye khibrad u leh in uu ka shaqeeyo goobo halis ah ayaa sheegay in ay ahayd maalintii u dambaysay ee safarkiisa markii ilaalo ku hubaysnaa qoryaha Kalashnikovs, kuna amreen isaga iyo saaxiibkiis sawir qaade José Cendon in ay gaariga ka soo degaan. Hase ahaatee markii uu damcay in uu la xiriiro xafiiskiisa uu sheegay in madaxa looga dhuftay qori xabadi ay raacsaneyd. Colin oo sharaxayay qaabkii loo afduubtay ayaa sheegay in lagu amray in ay ka soo degaan gaariga xili ay isku arkeen qolada hageysa buur hoosteeda ka hor inta aan maalmo badan aysan lugayn afduubashadiisa kadib Laba maalmood kadib oo socod dheer ah kadib Colin iyo Saaxiibkiis Jose waxaa lagu wareejiyay nin magaciisa lagu sheegay Yusuf, waxaana Colin lagu qasbay inuu taleefoon u diro UK isagoo qori madaxa looga haayo iyadoo burcadbadeeddu ay dalbadeen lacag dhan 3-milyan oo doollar in midkiibalaga doonayo si loo sii daayo labadan qof, waxaana si toos ah loola xiriiriyay xafiiska wargeyska The Telegraph ee London. Si kastaba, ha ahaatee, markii dalabaadka la fulin waayay, Colin wuxuu sheegay inuu u baqay naftiisa iyo inay cabsi gelinta sii kororto. Waxa uu yiri: “Waxa ay ahayd wax iska cad wixii markaa ka dambeeyay, in haddii arrimuhu sidii la rabay u socon waayaan, xaaladu in noqon doonto mid kasii darto markii lasoo wacay talleefanka oo xaaladu sidii la rabay noqon weyday markii aan u maleynayay inay bilaabayaan inay na jirdilaan iyo wax la mid ah, nasiib wanaag ma aysan samayn. Ugu danbeyntii waxaa loo sheegay in la sii deyn doono balse qorshaha ayaa isbedelay kadib muran dhexdooda ah oo dhex maray kooxda afduubka geysatay, balse xal laga gaaray. Colin waxa uu sheegay in kooxda aduubka ku haysatay ay si fiican u quudin jirtay intii la hayay, iyagoo cuni jiray hilib ari duban oo bariis iyo baasto la raaciyay, sidoo kale, Shaah Soomaali sonkortiisa lix qaando “Malqacad” la siin jiray aadna ugu heleen. Colin waxa uu sheegay in afduubayaashu aysan ku hadli kareyn Ingiriisi badan, laakiin ay awoodeen inay ku wada xiriiraan Ingiriisi dirsi ah iyo Carabi aan badneyn”maadaama Colin uu ku hadli karo xoogaa luqaddo kala duwan. Mid ka mid ah aduubayaasha ayaa u sheegay Colin in Britain, uu ka taageero kooxda Arsenal ee uu ka tirsanaa Thierry Henry xiligaasi. Colin ayaa si yaab leh u sheegay in mid ka mid ah budhcad-badeedda uu xataa u soo bandhigay in jecel yahay inuu kula xiriirho email ahaan marka uu wadankiisa ku laabto. Ugu danbeyntii Colin ayaa sheegay inta badan aysan sameyn dhacdadaasi foosha xun ayna jiraan dad badan oo walaac ka qaba arrimahaasi sumcad xumida ah halka buu yiri ay jiraan dhalinyaro yar oo burcad badeednimada ay ka heleen in afduubku yahay habka keliya ee lagu gaari karo nolosha.” Qisadaan ayaa buug logu magac daray shaydaanka iyo badda buluuga ah: Hawlgalka badbaadinta la haystayaasha dunidu illowday. kaasoo wax badan lagaga hadlay wanaag iyo xumaanba dunida ku faafay. Waxaa turjumay: Ali Muhiyaddiin Source
  14. (SLT-Addis Ababa)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 16 ka mid ah shaqaalaheeda lagu xidhay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa. Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in lix kale la soo daayay. Waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay waydiisteen in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan shaqaalahaasi. Xadhigga howlwadeennadaas ayaa imanaya xilli fallaagada Tigray ay usoo ruqaansanayaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Dhanka kale dowladda Britain ayaa muwaaddiniinteeda kula talisay inay iskaga baxaan waddanka Itoobiya. Sidoo kalana waxa ay ku baaqday in xabbadda la joojiyo, dhinacyada dagaalka ku lugta lehna ay ogolaadaan in gargaarka la gaadhsiiyo dadka u baahan. Source
  15. DHUSAMAREEB (HOL) - Galmudug president Ahmed Qoorqoor has released the list of candidates who will contest for the remaining seats for the Upper House. Source: Hiiraan Online
  16. DHUAMAREEB (HOL) - Galmudug president Ahmed Qoorqoor has released the list of candidates who will contest for the remaining seats for the Upper House. Source: Hiiraan Online
  17. “Fortune Men” is the third novel by acclaimed novelist Nadifa Mohamed and the first by a British Somali to be shortlisted for the prestigious Booker Prize. Source: Hiiraan Online
  18. A hostage who was held to ransom by Somali pirates for a petrifying six weeks has admitted the “food wasn’t that bad” and one of the gang “offered to stay in touch by email”. Source: Hiiraan Online
  19. Jacfar oo ka tirsanaa maxaabiistii Shabaab looga qabtay dagaalkii Suuj iyo Garmaal isago aan weli qaan-gaarin oo ay la wareegtay hay’adda Elman Peace ayaa sannado dhaqan-celin ah kadib ku laabtay Al-Shabaab. Jacfar oo Puntland mar kale gacanta ku dhigtay ayaa sheegay in uu Al-shabaab ku noqday kadib markii laga fasaxay xarunta dhaqan-celinta hay’adda Elman Peace oo ku taalla Muqdisho loona celiyay Qoyskiisa. Wareysi looga qaaday barnaamijka AFMEER ayuu ku sheegay in uu Al-shabaab dib ugu biiray markii loo celiyay Qoyskiis oo ku nool Muqdisho islamarkaana uu kayb ka noqday dilal iyo qaraxyo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir. Cadaadis iyo hanjabaad uga timid Al-shabaab kadib ayuu go’aansaday in uu dib ugu biiro isagoo ka cabsaday in ay dilaan sida uu ku sheegay wareysiga AFMEER. PUNTLAND POST The post Jacfar: Maxbuuskii dhaqan-celin kadib ku laabtay Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Bashiir Maxamed Cali oo maanta shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay falkii shalay lagu rasaaseeyey Ciise Sharaawe Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda ee Wadajir, kaas oo lagu weeraray degmadaasi. Bashiir Maxamed Cali ayaa marka shaaca ka qaaday inuu ka xun-yahay falkaas oo ahaa ‘isku day dil’ oo la doonayey in lagu khaarijiyo guddoomiye ku xigeenkiisa siyaasadda. “Annaga ka maamul ahaa waan ka xunahay falkii halkaasi ka dhacay, sababtoo ah annaga oo waajibaadkeena shaqo gudaneyno oo Ummadda u shaqeyneyno waa waxa dhibaatada soo gaartay waa maamulka, haddii boolis yahay ama maamulka mid ayaan ka nahay dhibaatadii shalay halkaasi ka dhacday,” ayuu yiri guddoomiye Bashiir Maxamed Cali Sidoo kale wuxuu si adag isaga fogeeyey eedeyntii uu guddoomiye ku xigeenka la weeraray u jeediyey maamulka degmada Wadajir, wuxuuna yiri “Ma aqbaleyno in la eedeeyo maamulka oo la yiraahdo waa ka dambeeyey, sababtoo ah maamulka wax uu shaqo ku leeyahay falkii shalay dhacay ma jirto,”. Guddoomiyaha degmada Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Ciise Sharaawe ay tahay inuu caddeeyo dadka uu tuhmaayo ee ku jira maamulka, si baaris loogu sameeyo. “Waxaan rabaa haddii guddoomiye ku xigeenku ka tabanaayo dad ka mid ah maamulka ha caddeeyo, si ay laamaha amniga u baaraan” ayuu markale yiri guddoomiyuhu. Ugu dambeyn Bashiir Maxamed Cali ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inuu arrintan soo fara-geliyo, isla-markaana u saaro guddi gaar ah oo xaqiiqo raadin ah. “Markale waxaan leeyahay maamulka gobolka Banaadir waxaan ka rajeyneynaa inuu noo soo diro guddi xaqiiqo raadin ah,” ayuu Bashiir ku soo gaba-gabeeyey shirkiisa. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo shalay guddoomiye ku xigeenka siyaasadda maamulka degmada Wadajir uu shaaciyey in xubno ay is kala tirsan yihiin maamulka ay weerar ku qaadeen, kaasi oo uu sheegay inuu ahaa ‘isku day dil’ oo uu ka bad-baaday. The post Gudoomiyaha Wadajir oo ka hadlay weerarkii shalay lagu dili rabay Ciise Sharaawe appeared first on Caasimada Online.
  21. Somali Prime Minister Mohamed Hussein Roble instructed the federal and state electoral commissions Tuesday to immediately begin the process of electing members of parliament. Source: Hiiraan Online
  22. Kenya Revenue Authority plans to establish posts at Rhamu and Mandera on the Ethiopia and Somali borders respectively. Source: Hiiraan Online
  23. Guddoga doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyaya jadwalka Doorashada kuraasta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Galmudug. Jadwalka ayaa lagu sheegay in bilawga todobaadka soo socda la qabanayo doorashada kuraasta Aqalka sare ee ka dhineyd maamulka Galmudug. Hoos ka akahriso Jadwalka Doorashada Labada Kursi Source: goobjoog.com
  24. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse ayaa sheegay in dhul dan-guud loo aqoonsan doono dhammaan bogcadaha aan laga diiwaan-gelin waaxda dhulka u qaabilsan dowladda hoose. Axmed Barre ayaa ku wargeliyay dhammaan dadka leh boosaska cabbiran in ay sida ugu dhakhsaha badan uga diiwaan-geliyaan waaxda dhulka si loogu sharciyeeyo. Sidoo kale wuxu digniin adag ka bixiyay in la kala gato dhul aan sharciyad ka haysan dowladda hoose ee degmada Garoowe. PUNTLAND POST The post Duqa caasimadda Garoowe oo sheegay in dan-guud loo aqoonsan doono dhulka aan sharciyeysnayn appeared first on Puntland Post.