Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,387
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Saleebaan Xagla Toosiye wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland oo ku sugan magaalada Buuhoodle ayaa goordhweyd ii xaqiijiyay in aanu kamid aheyn garabka ka xisbiga Kulmiye ee wada hadalka kula jira Xisbiga Waddani. wuxuu sidoo kale ii xaqiijiyay in aanu sinaba uga mid noqon Karin Xisbiga Waddani. Ex Wasiir Xaglo Toosiye ayaa markii hore lagu tirinayay siyaasiyiinta Kulmiye ee Waddani wada hadalku u socdo, ee uu hoggaamiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Wariye Abdisamed Giirre Source
  2. Somalia's entry "The Gravedigger's Wife" by Finish-Somali writer-director Khadar Ayderus Ahmed won the prestigious Stallion of Yennenga grand prize for best film at the Pan-African film festival in Ouagadougou, Burkina Faso, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda colombia ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay burcadkii ugu weyna ee daroogada Dairo Antonio, kaas oo mudda dheer dowladdu ay baadi goobeysay. Otoniel, oo 50 jir ah, ayaa lagu qabtay hawlgal loogu magac daray Osiris oo ka socday miyiga gobolka Uraba ee Kolombiya. Colombia ayaa horay ninkaan madaxiisa u dul dhigtay adduun lacageed gaaraya seddax milyan oo abaal marin ah ciddii soo sheegta xogtiisa halka mareykanka uu horay ninka u duldhigay madaxiisa 5 milyan. Dairo Antonio, ayaa loogu yeera in uu yahay boqorkii labaad ee darooga kadib Pablo Escobar oo ahaa aabihii ka ganacsiga maandooriyaha. Madaxweynaha colombia Ivan Duque ayaa sheegey in tan eey tahay “guulweyn oo laga gaarey la dagaalanka Burcadka”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sharraxaad ka bixisay faa’iidooyinka heshiiska DP World iyo CDC u leeyahay koboca dhaqaale iyo shaqo-abuurka bulshada JSL. Wasiir-xigeenka Ganacsiga Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Salaf) oo u warramay Wargeyska The Afro Economics ee ka soo baxa magaalada Nairobi oo uu socdaal shaqo ku joogo ayaa sheegay in go’aanka ay Hay’adda CDC kula shuraakoobayso Shirkadda DP World uu la xidhiidho sidii loo casriyeyn lahaa marsada Berbera, waxaanu tilmaamay in himilada laga leeyahay maalgashigaasi uu yahay sidii dekeddaasi u noqon lahayd xuddunta iyo marin-ganacsiyeedka ugu muhiimsan Gobolka Geeska Afrika. Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu sheegay in maalgashiga DP World ee dekedda Berbera uu isbeddel togan u yeeshay dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu iftiimiyey in casriyeynta dekedda Berbera uu noqon abuuri doono fursado shaqo oo wada gaadha dalalka gobolka oo dhan. Wasiir Muuse Ibraahim oo la weydiiyey sababta ay Soomaaliya uga soo horjeedsato maalgashiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu sheegay in labada dal ay leeyihiin taariikho kala duwan, oo ay JSL xornimadeedii kala soo noqotay Soomaaliya soddon sannadood ka hor, iyadoo ku naaloonayso xornimo dawladnimo iyo dimuqraadiyad. Wasiir Ku-xigeenka Ganacsigu wuxuu riyo iyo dhallanteed ku tilmaamay sheegashada ay Soomaaliya ku andacooto inay Somaliland ka mid tahay dalkeeda qalalaasuhu hadheeyey. Wasiir ku-xigeenku wuxuu intaas ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dal buuxiyey dhammaan shuruudihii qaranimo isla markaana dimuqraadi ah, waxaanu xusay inay dhawaan filayaan in beesha caalamku aqoonsato JSL. Source
  5. (SLT-Garoowe)-Doorashooyinkii ugu horreeyay oo qof iyo cod ah oo golayaasha deegaanka ah, ayay Puntland markii ugu horraysay qabanaysaa, 23 sanno kadib aas aaskeedii. Doorashooyinkaan oo dhicidoona maalinta berri ah oo ah 25ka Octobar, ayaa ka kala dhicidoona saddex degmo oo kala, Qardho, Eyl iyo Ufayn, oo ka kala tirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari. Ku dhawaad afartan kun oo dadweyne ah oo iska diiwaan galiyay saddexda degmo ayaa la filayaa in ay noqdaan codbixiyaasha doorashooyinkaan. Maalmihii ugu dambeeyay, waxaa magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan lagu qabanayay isku soo baxyo ay siddeeda urur siyaasadeed ee doorashada ka qeyb galaya isugu diyaarinayaan doorashada. Illaa iyo hadda 3 urur siyaasadeed, ayaa ugu cad cad doorashada, kuwaas oo kala ah, ururka muxaafidka ah ee Kaah, Mideeye iyo ururka Sinnaan iyo Caddalad. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, ayaa berrito noqono doona qofka ugu horreeya ee codkiisa dhiibta, isagoo ka coddayndoona magaalada qardho oo ah deegaan doorashadiisa. Sannadkii 2013, ayay Puntland doorashooyinkan oo kale ku fashilantay, kadib markii kacdoon loogasoo horjeedo lagala horyimid. Source
  6. Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in goordhaw uu dab xooggan ka kacay warshad sameysa Isbuunyada oo ku taalla gudaha magaalada Boosaaso. Warshadda dabka uu ka kacay oo lagu magacaabo Tabaarak ayaa farsameysa isbuunyada barkiba, joodariyada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado Isbuunyada. Dabka ayaa ka kacay gudaha warshadda, illa iyo hadda ma cadda waxa rasmiga ah ee uu dabka ka kacay warshadda uu ka dhashay. Dadka shacabka iyo gadiidka dab damiska ayaa gurmad weli ugu jira sidii ay u damin lahaayen dabka kacay warshadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Ouagadougou)-Filimka Soomaaliga ee “The Gravedigger’s Wife” (Xaaska xabaal Qodaha) oo uu sameeyey Khadar Ahmed ayaa ku guulleystay abaal-marinta ugu sarreysa ee Bandhigga Filimada Afrika (FESPACO) ee lagu qabtay dalka Burkina Faso. Khadar Ahmed, oo ah 40 jir haysta dhalashada Finland, ayaan xalay ku sugnaa xafladda si uu u guddoomo abaal-marinta Golden Stallion, hase yeeshee waxay shakadiisa ka guuleysatay 16 filim oo kale oo African ah oo kaalinta koowaad kula tartamay. Aflaanta kale ee tartanka la galay ayaa waxaa sameeyey agaasimeyayaal ka socda 15 dal oo African ah. Kooxda xeer-beegtida ee go’aanka ka gaadhay filimada tartantaka galay ayaa waxaa hoggaaminayey filim soo-saaraha u dhashay dalka Mauritania Abderrahmane Sissako, oo sannadkii 2015 billadda aadka loo raadiyo ee Faransiiska ee Cesar ku helay filimkiisa “Timbuktu”. Sissako ayaa yidhi “biladda Golden Stallion waa tan ugu sarreysa ee filim sameeye African ah uu ku guuleysan karo, waa wax aad loogu farxo.” Filimkan ayaa horraantii sannadkan wuxuu abaal-marinta filim sameeyeyaasha cusub ka helay banhdigga filimada Cannes. Waxa uu ahaa filimkii ugu horreeyey ee dhameystiran ee uu sameeyo Khadar. Khadar Ahmed ayaa ku koray Soomaaliya kahor inta aanu u guurin Finland, waxaana filimkiisa maal-geliyey dalalka Finland, France iyo Germany. Bandhigga Filimada Afrika oo markii ugu horreysay la qabtay 1969-kii ayaa waxaa labadii sanaba mar lagu qabta caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou. Dhacdadan ayaa waxaa aad ula socda shirkadaha filimada ee Mareykanka iyo Yurub oo ka raadiya aflaan cusub, fikrado iyo xirfadleyaal. Source
  8. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sabtidii ku dhawaaqay arrin ka yaabisay dunida, isaga amray in uu ceyriyo 10 safiir oo ay ku jiraan 7 safiir oo dalalkooda ay ku wada jiraan NATO, safiiradan qaladka keliya ay galeen waa iney dalbadeen sii deynta Cusman Kavala, oo 4 sano iska xiran. Dalalka Canada, Denmark, France, Germany, the Netherlands, Norway, Sweden, Finland, New Zealand iyo Mareykanka ayaa dalbaday in la fasaxo Kavala oo madax ka ah hey’ado u dooda xuquuqda aadanaha. Kavala ayey kooxda Erdogan sheegayaan inuu qeyb ka ahaa iskudey afgambi oo ka dhacay dalkaas 2016-kii. Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo Erdogan sheegayo inuu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Biden oo ay ka wada qeyb galayaan shirka G20 oo dhacaya dhammaadka bishan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ururada bulshada rayidka ah ayaa walaac ka muujiyay xaaladda colaadeed ee ka taagan magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud. Bulshada rayidka ayaa war ay ka soo saareen xaaladda guriceel ayaa lagu sheegay in dhowrjeer ay ka digeen xaaladda magaalada guriceel. Ururada ayaa ugu baaqay in maamulka galmudug iyo ururka ahlu sunna in ay joojiyaan xabadda ka socota magaalada guriceel. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka ka soo baxay bulshada rayidka Source: goobjoog.com
  10. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo dheeraad ah oo ka tegay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb, xilli Galmudug iyo dowladda ay jab weyn kala kulmeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Guriceel ee ay la galeen Ahlu-Sunna. Dagaalkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 30 qof oo u badnaa ciidan, oo ay ku jiraan saraakiil sare oo dhanka dowladda ah, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40 kale. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in diyaarad siday ku dhowaad 300 oo ciidan ay qorax dhicii shalay gaartay Dhuusomareeb. Ciidankan ayaa waxaa ka mid ah Waran, Duufaan, Haramcad iyo Gorgor. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Ahlu-Sunna, inkasta oo la sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ay kasoo horjeedaan. Ciidamada ayaa waxaa shalay asiibay khasaarooyin xooggan, waxeyna waayeen saraakiil sare, ayada oo xubno ayaga ka mid ah ay diideen in dad walaalo ah la isku laayo. Dhinaca kale, ciidan horey u joogay Dhuusomareeb ayaa xalay u dhaqaaqay dhanka Guriceel, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu qarxo dagaal loogu hoobto sida kii shalay oo kale. Dagaalkii shalay oo socday in ka badan 12 saacadood ayaa xalay iskiis u istaagay, waxayna wararkii u dambeeyey ee aan ka heleyno goobaha ay kala joogaan ciidamada labada dhinac ee Ahlu-Sunna iyo dowladda sheegayaan. 1 – In Ciidamada dowladda ay ku suganyihiin saldhiga booliska, xarunta degmada, dhismaha Beder 1 iyo xaafadaha xiga dhinaca koofureed ee magaalada. 2 – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafadaha dhaca dhinaca waqooyi ee magaalada, sida Tuullo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax ilaa halka loo yaqaano Jaamacadda oo ah goob istaraatiiji ah dhanka waqooyi bari uga taalla degmada Guriceel The post Xog: Diyaarad ciidan horleh gaarsiisay Qoor Qoor kadib dagaalkii shalay lagu hoobtay appeared first on Caasimada Online.
  11. Waxaa saaka dagan xaaladda magaalada guriceel oo tan iyo xalay dagaallo ay ku dhaxmarayeen ciidamada dowladda iyo ururka Ahlu-sunna. Dagaalka oo waaberigii shalay ka bilaawday gudaha magaalada ayaa sababay in ciidamada dowlad gobaleedka Galmudug oo kaa shanaya kuwa dowladda federaalka iyo ururka ahlu-sunna dhowr jeer gacan ku heynta magaalada ay isku dib maraan. Illa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka 24-ka saac qaatay ee ka dhacay magaalada guriceel ka dhashay. Inta la xaqiijiyay dagaalkan oo ay ku dhinteen saraakiil labada dhinac ka kala tirsan ayaa waxaa ka mid ah ciidamada ku dhintay dagaalka Taliyihii ciidamada danab ee galmudug Cabdiladiif Feyle, taliyihii ciidamada ahlu sunna ee magaalada guriceel sarkaal lagu magacaabo Xasan iyo saraakiil kale ayaa lagu soo waramaya in dagaalka ay ku dhinteen. Xaaladda magaalada ayaa saaka dagan xilli gacanta magaalada ay ugu jirto ciidamada dowladda, saraakiisha hogaaminaysay ciidamada dowadda ayaa ugu baaqay in dadka shacabka ah ee magaalada ku nagaadaan guryahooda inta laga soo gaba gabeynayo howl galka. Ciidamada ayaa saaka soo bandhigay ciidamo ka tirsan kuwa ahlu sunna oo ay sheegeen in ay qabteen intii uu socday dagaalka. Saraakiisha ciidamada dowladda ma aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada ahlu-sunna ee dagaalka lagu soo qab qabtay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhaqaaqay in uu eryo danjirayaasha 10 dal oo reer galbeed ah oo codsaday in la sii daayo hoggaamiye ka tirsan bulshada rayidka ah oo xidhan. Qoddobo ka mid ah danjirayaasha ayaa matalaya xulafada NATO ee Turkiga, haddii la fuliyo ceydhintan waxay furi doontaa khilaafka ugu qotada dheer reer Galbeedka 19 -kii sanno ee Erdogan uu xukunka hayay. “Waxaan ku amray wasiirkayaga arrimaha dibedda inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu dhawaaqo 10 -ka safiir persona non grata,” ayuu yidhi Erdogan, isagoo tixraacaya erey loo adeegsaday diblomaasiyadda oo tilmaamaysa tallaabada ugu horreysa ka hor inta aan la eryin. Cismaan Kavala ayaa xabsiga ku jiray tan iyo dabayaaqadii 2017, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu maalgeliyay dibadbaxyo ka dhacay dalka oo dhan sannadkii 2013 -kii iyo inuu ku lug lahaa afgambigii dhicisoobay ee 2016 -kii. Wuu beeninayaa eedeymaha loo soo jeediyay. “Waa inay ogaadaan oo fahmaan Turkiga,” ayuu raaciyay Erdogan, isagoo ku eedeeyay ergooyinka “dhaqan -xumo”. “Waa inay halkaan ka baxaan maadaama aysan aqoonin Turkiga,” ayuu yidhi Erdogan. Ergooyinku waxay soo saareen bayaan wadajir ah oo aan caadi ahayn isniintii iyagoo sheegay in sii-haynta sii-hayaha u ololeeyaha ku dhashay Paris Osman Kavala ay mugdi galisay Turkiga. Mareykanka, Jarmalka, Kanada, Denmark, Finland, Faransiiska, Netherlands, New Zealand, Norway iyo Sweden waxay ku baaqeen in si deg deg ah loo xalliyo kiiska [Kavala]. Kavala ayaa sheegay Jimcihii inuusan mar dambe ka soo qeybgali doonin maxkamadeyntiisa maadaama dhageysiga cadaalada ah uusan macquul aheyn kadib hadalo dhawaan ka soo yeeray Erdogan. Golaha Yurub, oo ah hay’adda ugu sarraysa xuquuqda aadanaha ee qaaradda, ayaa digniintii ugu dambaysay u dirtay Turkiga inay u hoggaansanto amarka Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ee 2019 si loo sii daayo Kavala inta dacwaddu socoto. Haddii Turkigu ku guuldareysto inuu sidaas yeelo kulankooda soo socda laga bilaabo Nofeembar 30-Diseembar 2, golaha fadhigiisu yahay Strasbourg ayaa u codayn kara inay bilaabaan dacwadooda anshaxeed ee ugu horreeya oo ka dhan ah Ankara. Madaxweynaha Baarlamaanka Yurub David Sassoli ayaa bartiisa Twitter -ka ku soo qoray: “Cayrinta 10 safiir waxay calaamad u tahay qulqulka kaligii taliska ah ee dowladda Turkiga. Ma na cabsiin doono. Xorriyadda Cismaan Kavala. ” Erdogan ayaa laga soo xigtay isagoo sheegay in danjirayaasha la hadal hayo aysan sii deyn doonin ‘burcad, dilaa iyo argagixiso’. Source
  13. Deep in the sprawling Andover estate in Finsbury Park, north London, talk turns to an identity crisis holding back teenage and twentysomething British Somalis. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saaray baaq nabadeed oo ku aadan xiisada dagaal ee Guriceel. Senator Mashruuc ayaa ugu horeyntii sheegay in dagaalka ka socda Guriceel uu dabaal-deg u yahay kooxaha argagixisada, ugana dhigan yahay cadow isku jabay, sida uu sheegay. “Xabbadda Guriceel ka socota waxa kaliya ay dabaal deg u tahay kooxaha argagaxisada oo ay uga dhigan tahay cadow isku jabay. Waa in la joojiyaa dagaalka, lana aadaa dhanka ka shaqeysiinta caqliga, wada hadalna lagu dhameeyaa caqabadaha taagan, lagana baaqsadaa dhiigga inuu sii qulqulo,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Senator Mashruuc. Senator-ka ayaa ugu baaq Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in uu si deg deg ah u fara-geliyo xiisada dagaal ee Guriceel, oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan hogaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca. “Guryo ay tacsi taal, doorasho ayaan ka qabaneynaa caqli beniaadnimo iyo mid Dawladnimo ma aha. Mudane Mohamed Hussein Roble, Raisal wasaaraha JFS waxaan ugu baaqayaa inuu si deg deg ah u soo fara geliyo una istaago joojinta dhiigga walaalaha Soomaaliyeed.” “Guul, nabad, barwaaqo iyo Dawladnimo waarta ayaan u rajeynayaa Galmudug,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa Senator Maxamuud Mashruuc. The post Senator Mashruuc oo R/W Rooble u diray farriin la xiriirta dagaalka ka socda Guriceel appeared first on Caasimada Online.
  15. At least 20 people were killed and more than 40 wounded on Saturday when a moderate Islamist group clashed with Somali government troops over control of a town in central Somalia, according to witnesses and regional officials. Source: Hiiraan Online
  16. Xoogagga Ahlusunna iyo Ciidamada dowladda Federaalka, oo ay weheliyaan kuwa Galmudug ayaa weli isku hor fadhiya gudaha magaalada Guriceel, halkaas oo shalay dagaal culus ku dhexmaray. Labada dhinac oo mid kasta xalay gurmadyo soo gaareen ayaa ku kala sugan xaafado ka tirsan Guriceel, waxaana mararka qaarkood halkaas laga maqlayaa rasaas goos goos ah. Ciidamada dowladda Federaalka iyo Galmudug ayaa sidoo kale soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalka kaga qabteen xoogagga Ahlusunna. Wararku waxay sheegayaan, in laga cabsi qabo dagaal kale in uu ka qarxo Guriceel, iyadoo aysan jirin cid kala dhex gashay labada dhinac ee hubaysan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee Dagaalka Guriceel appeared first on Puntland Post.
  17. Mogadishu (HOL) - Somali government forces are reportedly in control of Guriel town on Sunday morning, according to a government military source. Source: Hiiraan Online
  18. MOGADISHU, Oct. 23 (Xinhua) -- At least 20 people were killed and more than 40 others injured in clashes between regional Galmudug forces backed by the Somali National Army (SNA) and a paramilitary group in central Somalia on Saturday, officials confirmed late Saturday. Source: Hiiraan Online
  19. OUAGADOUGOU (Reuters) - Somalia's entry "The Gravedigger's Wife" by Finish-Somali writer-director Khadar Ayderus Ahmed won the prestigious Stallion of Yennenga grand prize for best film at the Pan-African film festival in Ouagadougou, Burkina Faso, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  20. ISTANBUL (Reuters) - Turkish President Tayyip Erdogan said on Saturday that he had told his foreign ministry to expel the ambassadors of the United States and nine other Western countries for demanding the release of philanthropist Osman Kavala. Source: Hiiraan Online
  21. Xubno horey xilal kala duwan uga soo qabtay Dawlad-degaanka Soomaalida oo Cabdillaahi Itoobiya ku jiro oo Xabsiga Jigjiga laga siidaayay+Sababta Wararka naga soo gaadhaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in xabsiga magaalada Jigjiga laga sii daayay siyaasiyiin hore oo muddo ku xidhnaa magaalada Jigjiga. Siyaasiyiintan maanta la siidaayay ayaa qaar kamid ah waxay horey xilal kala duwan uga soo qabteen dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka mid ahaa ragga xilalka ka soo qabtay degaanka, Cabdulaahi Itoobiya oo madaxwayne ka soo maray dowlad degaanka Soomaalida. Haddaba siyaasiyiinta maanta la siidaayay ayaa waxay kala ahaayeen:- 1: C/Fataax Maxamuud 2: C/laahi Itoobiya 3: Cabdi Kuus 4: Cabdiwahaab 5: C/fataax Sulub Siidaynta raggan ayaa waxaa soo dhaweeyay dhammaan shacabka ku dhaqan dowlad degaanka Soomaalida, waxayna siidayntoodu kusoo beegmaysaa xilli degaanka isbaddal laga sameeyay, lagana hirgaliyay dowlad cusub oo ay shacabku soo dhaweeyeen. Qaran News
  22. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan Agaasimaha Xalka Waara Marwo Zahra Cabdi Mohamed, Madaxa xariirka deeqaha ee Bahwadaagta Soomaaliya Asad Yuusuf, ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle iyo Madaxa Hay’adda NIS- Soomaaliya, kaasoo looga hadlay mashruuca yaraynta fatahaadaha deegaannada Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa. Wasiir Jamaal ayaa ku wareejiyay Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle mashruuca yaraynta fatahaadaha kaas oo la doonayo in xal waara looga gaaro fatahaadaha kusoo noq-noqday magaalada Beledweyne iyo degaanada kale ee maamulkaasi. Mushruuca ayaa ku kacaya 1.1 Milyan Dollar oo ay Dawladda Norway ugu deeqday Soomaaliya, iyada oo ay fulinayso mashruucaan hay’adda NIS Foundation isla markaana loo daadejiyay Wasaaradda qorsheynta ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle. Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa dedaallo ugu jirto sidii Xal Waara looga gaari lahaa fatahaadaha kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo saameeyay dadka Shacabka ah. PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka iyo Maaamulka Hirshabeelle oo ka wada-hadlay ka hor tagga Fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
  23. Qarax xooggan oo ka dhacay Kampala + Khasaaraha Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qarax xalay ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, sida uu sheegay madaxa booliska Uganda Asan Kasingye, oo qoraal soo dhigay twitter. Qaraxa ayaa abaare 9:00 pm ka dhacay banaanka maqaayad caan ah oo ku taalla deegaanka Kawempe ee waqooyiga Kampala. Weli ma cadda waxa sababay qaraxa, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyaddiisa. Ugu yaraan toddoba qof oo kale ayaa lagu dhaawacay qaraxa, sida ay weriyeen warbaahinta gudaha. “Booliska waxay ka jawaabeen qarax weyn oo qiyaastii 9:00 pm ka dhacay maqaayadda Digida,” waxaa sidaas twitter soo dhigay afhayeenka booliska Fred Enanga. “Goobta qaraxa ayaa la xiray, waxaana cutubka qaraxyada ay tageen goobta, si go’aan looga gaaro in qaraxa uu yahay ficil caalami ah iyo in kale,” ayuu yiri. Uganda ayaa waxaa saaran Bandow dalka oo dhan ah oo ka billowda 7 pm hase yeeshee lama hirgeliyo. Kooxda Daacish ayaa 8-dii bishan sheegatay mas’uuliyadda qarax bam oo aan la xaqiijin oo ka dhacay bar boolis oo ku taalla isla deegaanka Kawempe ee qaraxii xalay uu ka dhacay. Ma jirin wax qarax ah ama waxyeello ah oo ay mas’uuliyiinta ama warbaahinta gudaha soo weriyeen xilligaas, inkasta oo booliska ay goor dambe sheegeen dhacdo yar oo dhacday. Dalalka UU iyo France ayaa wixii markaas ka dambeeyey uga digay muwaadiniintooda inay u safraan Kampala, ayaga oo sheegay inay suurta-gal tahay qaraxyo ka dhaca halkaas. Qaraxyada ayaa naadir ku ah Uganda. Kampala ayaa waxaa asiibay weerar culus oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay ka fulisay 2010. Weerarkaas oo lala beegsaday taageerayaal daawanayey koobka adduunka kaasi oo lagu dilay 76 qof. Qaran News
  24. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar oo maalmahii u dambeeyey hawlo shaqo u joogay dalka Turki-ga ayaa kulan is-xog-waraysi ah la qaatay ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan magaalooyinka Istanbul & Ankara. Kulanka oo ay Wasiirka ku wehelinayeen Safiirka Soomaaliya ee Turkey-ga Amb. Jaamac Caydiid, U-qaybsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkey Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa wuxu ganacsatada ka dhagaystay xog-waran guud oo ay ka siiyeen xaaladda ganacsatada Soomaalida ee dalka Turkey, cabashooyinka jira iyo weli ba dood ay ka yeesheen sida ugu habboon ee wax loogga qaban karo dhacdadii dhawaan ku dhacday ganacsatada Soomaalida ee Ankara. Wasiir Khaliif Abdi Cumar oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa ugu horreyn boggaadiyey ganacsiyada waaweyn ee Soomaalidu ka samaysay dalka Turkey, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in ganacsatadu u midowdo danahooda si aanay mar kale ugu dhicin wax dhibbaato ah sidoo kale na ay ixtiraamaan sharciga u yaala dalkaasi. Wasiirku, wuxu tilmaamay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow u la socdaan xaaladda Ganacsatada Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan wixii dhibaato ah ee soo waajaha Ganacsatada isaga oo xusay in dhibbaatadii dhacday ay si toos ah uga la hadleen Madaxda dalka isla-mar-ahaantaana ay ka codsadeen in culaysyada laga dulqaado ganacsatada Soomaalida sidoo kale na loo fududeeyo ganacsiyada dalka. PUNTLAND POST The post Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya oo la kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Turkiga appeared first on Puntland Post.