-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa magaca Soomaaliya ku badashay midka Soomaaliland, ayadoo wasiirro xukuumadda Federaalka ka tirsan sheegtay inay matalayaan Soomaaliland oo mageceeda loo qoray “Jamhuuriyadda Soomaaliland” sida lagu baahiyay bogga shir weynaha world governments Wasiirradan oo kala ah wasiirka maaliyadda iyo wasiirka dhallinyarada XFS, ayaa magacyadooda si sax ah loo qoray, balse dalka ay ka socdaan ayaa lagu sheegay Soomaaliland oo loo dhigay “Jamhuuriyadda Soomaaliland”. Si kastaba ha ahaatee lama oga in qalad farsamo ay ku timid arrintani iyo inay ku talo-gal tahay, balse Madaxweynaha Soomaaliland ayaa asna isla shirkan lagu casuumay sida uu sheegay maamulkiisu, balse magaciisa bogga shirka lagu xusin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay waddanka Uganda Jimcihii, isagoo la kulmay dhiggiisa Uganda, Yoweri Musuveni. Booqashadan gaarka ah ayaa daarneyd arrimo ku saabsan howl-galka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya inay ciidanka Uganda la wareegaan fadhiyada ciidanka Itoobiya ee qeybo kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Gedo, si gaar ah goobaha uu Xasan Sheekh xiiseynayo in ciidan Ugandes ah la geeyo magaalada Baydhabo, ayada oo hadafku yahay mid siyaasadeed. Itoobiya ayaa la sheegay inay dhawaan aqbashay inay ka baxdo magaalada Baydhabo kadib cadaadis uga yimid dowladda federaalka, balse hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isna madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadinaya inuu ka leexdo Itoobiyaanka Baydhabo jooga, arrintaas ayuuna dhawaan kala hadlay. Warar ay soo dusiyeen xubno kamid ah wafdiga Xasan Sheekh u raacay Uganda ayaa xaqiijinay inuu madaxweynaha Uganda ka cago jiiday in ciidankiisa la geeyo meelo si waaweyn uga fog magaalada Muqdisho. Haddii uu ciidankeena dagaal qabsado ma heli karno gurmad, dalkuna iskuma furno, ciidan yar oo diyaarado lagu qaadeyna kuma filna gurmadkaas, ayuu ku dooday Museveni. Waxaa la sheegay in Yoweri Museveni uu kula taliyay madaxda dowladda Soomaaliya inay ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya u dhaafaan goobaha ay hadda joogaan, maadaama ay u dhow yihiin xadkooda, faham fiicana ka haystaan bulshada goobahaasi ku nool. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladda Soomaaliya sooma qaadan jawaab qancisa, waxaana la warinayaa in markale ay dalab cusub ka fikirayaan. Jawaabta Uganda faa’iido fiican ayey u tahay Lafta-gareen, oo isagu haatan olole ugu jira in Itoobiyaanka sii joogaan Baydhabo. Lafta-gareen oo sugaayey in Xasan Sheekh ka noqon doono go’aanka uu Itoobiyaanka kaga saarayo magaalada Baydhabo ayaa hadda fahamsan in codsigiisa uu wax weyn ka joogin dhinaca Xasan Sheekh. Ogaanshaha Lafta-gareen ee ah in Xasan Sheekh qaaday tallaabo lidi ku ah codsigiisa ayaa la aaminsan yahay inay labada nin dhex dhigi karto shaki cusub oo siyaasadeed. Howl-galka cusub ee AUSSOM waxaa doorka xulashada ciidanka iyo goobahaba iska leh dowladda federaalka Soomaaliya, welina si fiican uma bilaaban howsha.
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Komishanka Doorashooyinka Qaranka u xaqiijiyey in ay Doorashooyinku ku dhici doonaan Waqtigii loo Muddeeyey . Hargeysa,(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ). Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha. Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay. Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh. Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul. Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2026-ka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka. 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐀𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
SAFARKA MADAXWAYNAHA EE UAE SHIRKA LAGU SOO CASUMEY EE UU KA QEYB GALAYO #Fursadd_Dahabiya_Somaliland_Dan_U_Ah Shirka Madaxwaynaha JSL Cabdiraxmaan Cirro kaga qeyb galayo magalaadda Dubai oo lagu qaban doono 11-13 bisha. (City Hall Dubai) World Governments Summit 2025. Waxa ka soo qayb galaya hogaamiyayaasha Hay’adaha dhaqalaha addunka iyo PM dalal kala duwan iyo ururo kala duwan ee hogaamiya dhaqalaha addunka iyo gamacsiga abuurana isdhexgalka maalgashiga addunka Dhamaan madaxda ugu mihiimsan ee shirka ka qeyb galeysa halkan hoose ka eeg sawiradooda iyo mansabkooda. Waxa lagu gorfeyn doona qodobo mihiima Waa shir sanadeed caalamiya oo lagaga hadlo sidii caalamku isugu xidhmi lahaa. Sanadkan qodobadda shirka lagu gorfeynayo waxa ka midda 1. Government efficiency 2. Financing the future 3. Emerging Global influences 4. Future scannario 5. Leadership strategies 6. Global Trade and economy Waxa kale ka soo qeyb galaya wufuud heer caalamiya oo kala duwan ey ka mid yihiin. Hogaamiyayaal dalal kala duwan ka socda. Waxana ka midda madaxda idiinka muuqata sawiran aan idinla wadaagey. Shirka Somaliland Waxey ku kasban doonta saxiibo cusub oo heer caalamiya kuwaas oo wadamadoodi iyo ururadda ey madaxda ka yihiin aan la sameyn karno cilaaqaad ina dhexmara oo ku dhisan mid diplomasiyadeed iyo Ganacsi is weydaarsi taaso keeneysa in wufuud cusub aan Somaliland hore iman dalkeena lagu soo casumo. Si aan ula sameysano saxiibo caalamiya oo dhaqaale iyo.kuwa ah xulufeysi siyasadeed oo diplomasiyadeed. Somaliland Guul. Dal iyo Dad Mideysan Waxqabad iyo Waddajir Bulsho World Governments Summit 2025 Where governments, international organizations, thought leaders, and private sector innovators come together to inspire the next generation of governments Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ). Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha. Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay. Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo. Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh. Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2014. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul. Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2025-ka. Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka. Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha. Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2025-ka. Source
-
Luuq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal qaraar uu dib uga qarxay aagga degmadaasi, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo indhowaanahan colaadoodu ay ka taagnayd halkaasi. Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa lasoo wariyay inuu saaka ka dhacay aagga Beerta Salaadey oo qiyaastii 4 KM oo kalita u jirta degmada Luuq, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Labada dhinac ayaa isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu daba socdo mid kale oo shalay maleeshiyaadkan ku dhex-maray isla degmada Luuq, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan ilaa 2 qof halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana labada beelood helayaan ciidamo gurmad ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi. Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa waxaa horay heshiis u kala dhex-dhigay madaxweynaha Jubbaland, balse waxaa ku yimid fashil, iyada oo mar kale ay dib u bilaabatay xabadda. Gedo ayaa waxaa ka jira xaalado adag, waxaana gobolka ka taagan xiisad kale oo u dhexeyso Jubbaland iyo dowladda dhexe oo ku dagaalamay degmada Baardheere.
-
President of Somaliland administration Abdirahman Abdullahi. Mogadishu (Hargeisa PP News Desk) — In Hargeisa, the President of Somaliland’s administration, Abdirahman Mohamed Abdullahi, is grappling with a formidable political problem: who to credit with his electoral victory — Hersi Haji Ali Hassan or Mohamud Hashi? Hersi joined the Waddani party after he resigned from the government of the former Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamud (Silanyo) in 2015. He wrote Miyiga ilaa Madaxtooyada (From the Countryside to the Presidency ), an autobiography in which he deplored the state of Somaliland governance during his tenure as the minister at the presidency. He argued that the Somaliland government serves only a few businesspeople at the expense of the rest of the population. His critics accused him of betraying President Silanyo. Hersi has proposed governance reforms based on accountability and transparency. Hashi was appointed after Hersi’s resignation and served under President Silanyo until November 2017, when Muse Bihi was elected President. Hashi was a vocal opponent of Bihi, whom he accused of undermining the 2017 agreement that Somaliland’s administration had signed with the late leader of the Khatumo Movement, Dr Ali Khalif Galaydh. President Bihi rejected the agreement and forced Dr Galaydh to shift his focus to political lectures, which came to be known as Tabliiq Siyaasadeed (political propagation). Alongside Professor Ahmed Samatar, Galaydh toured several districts and delivered political lectures. Bihi believed that Somaliland’s method of capturing Laascaanood relied on militia leaders rather than political figures. He saw reliance on the fugitive Mahad Ambashe’s militias as the only means for Somaliland forces to maintain their presence in the territories of Sool, Sanaag, Cayn and the Khatumo administration. Hashi seeks to cash on the party status of Kaah, which was a political association before 2024 Somaliland administration presidential elections. Hersi was more opposed to the 2023 Laascaanood conflict than Hashi was. Although Hashi entered politics before Hersi, it was Hersi whose political judgments reflected a sound understanding of the fragility of relying on unpopular local militias. However, Bihi faced a dilemma: whether to sever ties with the local militias—known as caaglayaal—in favour of a lone politician claiming to represent Laascaanood and other districts under the banner of Khatumo. Bihi chose to remain loyal to the militias in Laascaanood to prolong the presence of Somaliland forces there. The same militias later revolted against Somaliland forces in Laascaanood in January 2023, eventually expelling them from both Laascaanood and Tukaraq. “I cautioned against antagonising Jabutawi by Somaliland’s administration,” Hashi told Ina Ba’alul, the former intelligence chief of Somaliland administration. Jabutawi mobilised the militias that forced Somaliland’s forces to flee Laascaanood on 5 January 2023. The autobiography of Hersi published in 2018. Hashi formed Kaah, a political association that contested and won party status during the 2024 Somaliland presidential elections. He supported President Abdirahman Somaliland, but confided in some of his friends that the incumbent president is struggling to manage the political rivalry between Hashi and Hersi, who is the chairman of Waddani, the party that won the 2024 Somaliland presidential elections. Hersi advocates for governance reforms, whereas Hashi seeks political dividends from supporting President Abdirahman during 2024 presidential elections. President Abdirahman aims to avoid repeating the mistakes of his predecessor, Muse Bihi Abdi, who prioritised hubris and rhetoric based on legally dubious colonial borders as the foundation for Somaliland’s secession claims. © Puntland Post, 2025 The post Reform vs Rewards: Somaliland President Caught Between Rival Politicians appeared first on Puntland Post.
-
Marxuum Jiib Bootaan Alle ha u naxariistee, waxaa maanta qarax miino ku geeriyooday sarkaal, Maxamed Maxamuud Bootaan oo ka tirsanaa guutada Duufaan ee Ciidamada Daraawiishta Puntland. Marxuum Maxamed Maxamuud Bootaan oo ku magac dheeraa (Jiib) ayaa ku geeriyooday qarax miino oo uu ka saarayay nawaaxiga degaanka Qurac ee togga Jeceel, halkaasi oo ciidamadu maanta ka wadaan hawlgal miino-baaris ah, kaddib markii laga saaray Argagixisada Daacish. Sarkaal Jiib Bootaan ayaa si weyn loogu xasuustaa in uu bishii hore gacantiisa ku qabtay diyaarad yar oo qaraxyo xambaarsan, taasi oo ay xilli habeenimo ah mileeshiyaadka Daacish ku soo dhex tuureen ciidamada Puntland ee Hawgalka kaga jira buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sidoo kale dhawaan bogaadiyay in geesinimada ciidamada Puntland gaartay heer ay diyaarado qaraxyo sida gacanta ku qabtaan, islamarkaana ku guulaystaan in ay dhulka soo dhigaan. PUNTLAND POST The post Puntland: Sarkaalkii gacantiisa ku qabtay drones-kii qaraxyada siday oo maanta qarax ku dhintay appeared first on Puntland Post.
-
Believe it or not, the president is planning a moonshot Where next?photograph: imagery courtesy of axiom space Space is a matter of national prestige for Mr Erdogan, but it is also an important auxiliary to the booming Turkish defence industry. The government has confirmed that it also wants to use its spaceport as a place to test missiles; from Somalia they can safely be fired east. Read more here (subscription required) The post Turkey is building a spaceport in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai . Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan in ka badan 30 madaxweyne ayaa diiradda lagu saarayaa xasilloonida dhaqaalaha iyo Tiknoolojiyadda, waxaana Soomaaliland ku marti-qaaday dalka Isku tagga Imaaraadka carabta oo madashan hormuud u ah sida uu sheegay Afhayeenka madaxweyne cirro. Madaxweynaha Soomaaliland iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda u duulaan Imaaraadka, safarkii labaad oo muddo bil ka yar uu dalkaas ku tagayo Madaxweyne cirro. Dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ayaa Soomaaliland iyo qaar kamid ah maamullada kale ee dalka ula dhaqanta qaab u muuqda sida inay yihiin dowlado madax-bannaan, haddana waxay xariir wanaagsan la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Afhayeenka Madaxweynaha JSL Xussen Aadan Cige Dayr ayaa faahfaahin ka bixiyey . Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/02/2025-ka, dhaariyay Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL. Mudanaha la dhaariyay ayaa buuxiyay jago uu dhawaan banneeyay, AHN mudane Diini Cabdilaahi Hande, taasi oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo Cabdilaahi Diini Cabdilaahi Hande. Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday. ALLAA MAHAD LEH Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Sanad kaddib markii maamulka Somaliland uu heshiis is-afgarad ah oo dhanka badda ah la saxiixday dowladda Itoobiya, ayaa maamulka cusub ee Hargeysa wuxuu haatan doonayaa inuu dib u furo wadahadalladii uu la lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa soo dhisay gole wasiirro ah oo aqlabiyad ahaan taageersan in dib loo hagaajiyo xiriirka Muqdisho, iyadoo ujeedadu tahay in la soo celiyo saameyntii diblomaasiyadeed ee luntay. Wax yar kaddib doorashadii madaxtinimada Somaliland ee 2024-tii, Maxamuud Aadan Jaamac (Galal), oo ah afhayeenka xisbiga Waddani, isla markaana dhowaan loo magacaabay wakiilka maamulka Somaliland u fadhiya Taiwan, ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka cusub uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiskii is-afgaradka badda ee lala galay Itoobiya. “Xisbiga Waddani wuxuu heshiiskaas is-afgaradka badda u arkaa tallaabo khaldan oo uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, u adeegsaday si uu ku qariyo guul-darrooyinkii hoggaamineed, isla markaana uu uga faa’iidaysto siyaasad ahaan ka hor doorashadii madaxtinimada ee 2024-ka,” waxaa sidaas qortay xarun cilmi-baaris oo ku taalla Hagreysa. Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoos u dhigtay howlihii Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland, xafiiskaas oo sanadkii 2023-kii loo xil saaray inuu wadatashiyo qaran ka sameeyo arrimaha wada-hadallada lala yeelanayo maamulka Somaliland. Cabdikariim Guuleed, oo ah madaxa Xafiiska Ergeyga, ayaa booqasho ku tagay Galmudug sanadkii 2023-kii, taasoo qeyb ka ahayd socdaallo wadatashi ah oo uu ku marayay dalka, xilligaas oo uu socday dagaalkii Laascaanood. Guuleed ayaa si cad oo aan shaki ku jirin u diiday sheegashadii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ee ku saabsanayd in xuduudihii gumeysiga lagu saleeyo gooni-isu-taagga Somaliland. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dib u bilaabo wada-hadallada -maamulka Somaliland, hal sano kaddib munaasabaddii arooska ee sanadkii 2022-kii ka dhacday Jabuuti. Dadaallada Madaxweyne Geelle ayaa horseeday heshiiskii bishii December 2023-kii ee Jabuuti ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Heshiiskaas ayaa maamulka Somaliland u aqoonsaday hay’ad ka madax-bannaan Dowladda Federaalka, waxaana lagu soo nooleeyay heshiisyo hore oo ay ku jirtay qodob dhigaya “in aan la siyaasadayn gargaarka bani’aadminimo,” qodobkaas oo uu Madaxweyne Biixi u cuskaday inuu saxiixo heshiiskii is-afgaradka badda ee Itoobiya. Heshiiskaas is-afgaradka badda ayaa xumeeyay xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ka hor inta uusan dhalan heshiiskii Ankara ee 2024-kii, kaas oo ku qasbaya dowladda Addis Ababa inay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay si sharciga waafaqsan u raadsato marinno ganacsi oo badda ah. Heshiiskii is-afgaradka badda ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay mabaadii’ cad oo hagta wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Halka siyaasiyiinta Muqdisho ay u arkayeen matalaadda Somaliland ee hay’adaha federaalka tallaabo dano gaar ah laga leeyahay, ayaa maamulka gooni-u-goosadka ah waxa uu matalaaddaas u fasirtay mid lagu taageerayo sheegashadiisa gooni-isu-taagga oo ku dhisan xuduudihii gumeysiga. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday baaqyo loogu jeedinayay inay dib u bilowdo wada-hadallada ay la yeelan lahayd maamulka Somaliland. La-taliye sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri, “Mabda’a hagaya wadahadal kasta oo mustaqbalka dhaca waa inuu ku qasbayaa maamulka Somaliland inuu u hoggaansamo waajibaadka ka saaran ixtiraamka midnimada dhuleed iyo madaxbanaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.” Magaalada Diridhaba, halkaas oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay aqoonsiga ay hay’adda UNESCO u aqoonsatay Xeer Ciise inuu ka mid yahay dhaxalka dhaqameed ee aan la taaban karin ee adduunka, ayaa dowladda Itoobiya waxay u diiday wafdi ka socday maamulka Somaliland inay khudbad ka jeediyaan munaasabadda. Taas beddelkeeda, waxaa madasha khudbadda loo ogolaaday wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
Madaxweynaha Ghana, John Dramani Mahama, ayaa soo saaray go’aan mamnuucaya in madaxda dalkaasi ay raacaan diyaaradaha qaaliga ah, isaga oo sidoo kale gebi ahaanba joojiyay safarrada aan muhiimka ahayn ee dibadda. Madaxweyne Mahama ayaa ku sababeeyay go’aankan in qarashka lagu bixiyo safarradaasi uu ka yimaado cashuurta dadweynaha, taasoo ah mid loogu talagalay horumarinta dalka. Sidaa darteed, wuxuu sheegay in aan la aqbali karin in madaxdu si sahlan ugu dhoofaan lacagtii ay dadku bixiyeen, halkii ay wax loogu qaban lahaa shacabka Ghana. Madaxweynaha ayaa xilka la wareegay kadib doorashadii sannadkii hore, wuxuuna dadaal ugu jiraa dhimista kharashaadka dawladda si wax looga qabto xaaladda dhaqaale ee uu dalkaasi wajahayo. Go’aankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakamaynayo kharashaadka aan loo baahnayn, si wax looga qabto baahiyaha dhaqaale ee Ghana. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wafti uu hogaaminaayo oo maanta u baxaya dalka Imaaraadka ayaa mar kale martiqaad ka helay dawlada Imaaraadka si loo dhamaystiro heshiisyadii ay dhawaan gaadheen labada dawladood. Sidoo kale waxa ay Madaxweynaha iyo waftigiisu ay halkaasi kaga qayb gali doonaan shir heer caalami ah oo qaadan doona mudo sadex maalmood ah Qaran News
-
Ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan degaanka Haraaryo ee togga Jeceel ayaa xalay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah ku garaacay mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo ku dhuumanayay nawaaxiga halka lagu magacaabo Qurac ee toggaasi. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ay si weyn u garaaceen saldhig kooxda Daacish kaga harsanaayeen aga-gaarka degaanka Qurac ee togga Jeceel kaddib markii ay duqeyn xooggan oo dhinaca dhulka ah la beegsadeen taasi oo keentay in kooxdu dib uga sii cararaan goobtaasi. Ciidamada oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka hawlgal iyo miino baaris ka wada nawaaxigii ay xalay ka carareen Argagixisada Daacish kaddib markii ay u adkeysan waayeen duqeynta qoryaha waaweyn oo ay adeegsadeen Ciidamada difaaca Puntland taasi oo si ba’an u burburisay dhufaysyo kooxda uga qodnaa nawaaxiga Qurac. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo duqeyn culus kooxda Daacish kaga saaray saldhigyo horleh appeared first on Puntland Post.
-
Iraan ayaa ku goodisay inay xirayso marin biyoodka Hormus ee gacanka Faaris, ayadoo tillaabadaas sheegtay inay uga jawaabayso go’aanka maamulka Trump uu ku dhimayo saliidda ay dhoofiso Tehran. taliyaha ciidamada badda ee ilaalada kacaanka Iran ayaa ka digay in haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe uu ku dhimayo dhoofinta saliidda Iran, dhankooda ay awood u leeyihiin inay xiraan marin-biyoodka Hormuz. Madaxweyne Trump ayaa dhowaan saxiixay amar lagu dhimo saliidda ay dhoofiso Iran, si Tehran loogu cadaadiyo inay ku noqato miiska wada xaajoodka Nukliyeerka, laguna soo rogo cunaqabatayn dhaqaale oo adag. Source: goobjoog.com
-
Danta Istiraatiijiga ah ee Sucuudigu ka leeyahay Somaliland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Danta Istiraatiijiga ah ee Sucuudigu ka leeyahay Somaliland Sucuudiga wuxuu sii xoojinayaa xiriirka uu la leeyahay Somaliland sababo la xiriira xeel-dheerida juquraafiyeed, dhaqaalaha, iyo amniga, gaar ahaan xilligan ay xiisadaha gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas sii kordhayaan. Halkan waxaa ku xusan sababaha muhiimka ah ee Somaliland ay muhiim ugu tahay boqortooyada Sucuudiga: 1. Xaqiijinta Badqabka Ganacsiga iyo Marinaha Tamarta Xeebta Somaliland ee Gacanka Cadmeed iyo dhowrsanaanta ay u leedahay Bab el-Mandeb waxay ka dhigaysaa mid muhiim ah dhanka ganacsiga iyo amniga badda. Marinkan ciriiriga ah waxaa mara: • 9% shidaalka caalamka, taas oo muhiim u ah dhoofinta tamarta Sucuudiga. • 30% ganacsiga badda ee adduunka, taas oo ka dhigaysa lafdhabarta sahayda ganacsiga caalamiga ah. Marka la eego khataraha ka imaanaya Xuutiyiinta Yemen, ilaalinta marinkan waxay lama huraan u tahay dhaqaalaha iyo tamarta Sucuudiga. Dekedda Berbera ee Somaliland, oo ay maalgelisay Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, waxay Sucuudiga siinaysaa beddelka Djibouti, halkaas oo Shiinuhu uu saldhig milatari ku leeyahay. Haddii Sucuudigu xoojiyo doorkiisa Berbera, waxay u suurtogelinaysaa: • Yaraynta ku tiirsanaanta Djibouti iyo la dagaallanka saameynta Shiinaha. • Hubinta in dhoofinta tamarta Sucuudiga aysan istaagin. • Xoojinta gacanta Sucuudiga ee Badda Cas iyo marinada muhiimka ah. Xiriirka Sucuudiga iyo Somaliland wuxuu ka caawin karaa boqortooyada inay xajisato marinada muhiimka ah ee ganacsiga. 2. Ka Hortagga Xulafada Xifaaltanka Kala Dhaxeeya Geeska Afrika wuxuu noqday gobol ay ku loolamayaan dalal kala duwan, oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Imaaraadka, Turkiga, Iran, iyo Qatar. • Imaaraadka wuxuu maalgashi badan geliyay Somaliland, gaar ahaan dekedda Berbera. • Turkiga iyo Qatar waxay taageerayaan Soomaaliya, taas oo si adag uga soo horjeedda madax-bannaanida Somaliland. • Shiinaha wuxuu ballaariyay saameyntiisa gobolka isagoo ka faa’iidaysanaya Djibouti iyo Itoobiya, halka Somaliland ay iskaashi la yeelatay Taiwan. Haddii Sucuudigu xoojiyo xiriirka Somaliland, waxay ka caawinaysaa: • Inuu xakameeyo saameynta Imaaraadka, isagoo weli la shaqeynaya. • Inuu xaddido saamaynta Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya. • Inuu carqaladeeyo ballaarinta Shiinaha ee Geeska Afrika. Sucuudiga wuxuu heli karaa fursad uu ku xoojiyo saamayntiisa, isla markaana ka hortago in dalal kale awood buuxda ka helaan gobolka. 3. Xoojinta Amniga iyo La Dagaallanka Argagixisada Somaliland waa gobol nabdoon marka loo eego Soomaaliya, waana meel ay adagtahay in Al-Shabaab iyo kooxaha xagjirka ah ay ka hawlgalaan. Sucuudigu wuxuu la shaqeyn karaa Somaliland si loo: • Looga hortago dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta iyo saamaynta Iran ee Badda Cas. • Loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad-badeedka Gacanka Cadmeed. • Loo xoojiyo iskaashiga la dagaallanka Al-Shabaab iyo argagixisada kale. Somaliland horey ayay uga qaybqaadatay hawlgallada isku-xirka Sucuudiga iyo isbahaysiga Carabta ee Yemen, taasoo muujinaysa inay tahay xulafo lagu kalsoonaan karo. Sucuudiga oo xoojiya iskaashiga la dagaallanka argagixisada iyo badbaadinta marinada badda waxay u sahlaysaa inuu noqdo mid saamayn weyn leh oo Geeska Afrika ah. 4. Ballaarinta Maalgashiga Dhaqaalaha iyo Kheyraadka Marka laga soo tago dhinaca amniga, Somaliland waxay u furan tahay fursado dhaqaale oo kala duwan, sida: • Sahminta shidaalka iyo gaaska, maadaama Somaliland ay leedahay kheyraad dabiici ah oo aan wali si buuxda loo isticmaalin. • Ganacsiga xoolaha, Somaliland waxay tahay mid ka mid ah ilaha ugu weyn ee xoolaha loo dhoofiyo Sucuudiga. • Xoojinta ganacsiga goboleed, maadaama Somaliland ay tahay marinka ganacsiga Itoobiya, oo ah xulafo muhiim u ah Sucuudiga. Sucuudigu wuxuu horey maalgelin ugu sameeyay dalal badan oo Afrikaan ah si uu u xoojiyo badqabka cunnada, waxaana sii xoojinta xiriirka Somaliland: • Damaanad-qaadaya in xoolaha iyo sahayaha cuntada ay si joogto ah u yimaadaan Sucuudiga. • Fursado maalgelin u abuuri kara Sucuudiga, gaar ahaan dhinaca tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha. • Ka dhigaya Somaliland xarun muhiim ah oo kaalmayn karta dhaqaalaha Sucuudiga ee Bariga Afrika. 5. Xoojinta Saamaynta Dibloomaasiyadeed ee Afrika Haddii Sucuudigu si rasmi ah u taageero Somaliland, waxay u suurto gelinaysaa in uu kororsado saamayntiisa Qaaradda Afrika. Inkastoo Midowga Afrika (AU) uu ka soo horjeedo gobollo gooni isku taaga, taageerada Sucuudiga waxay: • Xoojin kartaa aqoonsiga caalamiga ah ee Somaliland. • Ka dhigi kartaa Sucuudiga dhexdhexaadiye khilaafaadka Geeska Afrika. • Ka hortagi kartaa saameynta Turkiga iyo Iran ee Qaaradda Afrika. Sucuudigu wuxuu horey u ballaariyay xiriirka uu la leeyahay dalal Afrikaan ah, waxaana Somaliland noqon kartaa meel muhiim ah oo uu kaga faa’iidaysto saameyntiisa gobolka. 6. Maaraynta Qaxootiga iyo Xasilloonida Gobolka Sabab kale oo muhiim ah oo Somaliland u tahay xulafo la isku halayn karo ayaa ah xasilloonideeda marka la barbar dhigo Soomaaliya iyo Yemen. • Waxay yaraynaysaa qulqulka qaxootiga u sii socda Sucuudiga iyo Khaliijka. • Waxay yareynaysaa saamaynta dhibaatooyinka ka dhasha dagaallada gobolka. • Waxay kor u qaadaysaa dadaallada horumarinta, taasoo hoos u dhigi karta baahida gargaar bini’aadanimo. Haddii Sucuudigu taageero horumarinta Somaliland, waxay caawin kartaa xasilinta dadka, taasoo yaraynaysa qaxootiga iyo dhibaatooyinka la xiriira muhaajiriinta. Gunaanad Somaliland waxay u tahay Sucuudiga fursad istiraatiiji ah oo dhinacyo badan leh: • Xoojinta amniga badda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. • Ka hortagga saameynta Imaaraadka, Turkiga, Iran, iyo Shiinaha ee Geeska Afrika. • La dagaallanka argagixisada iyo xasillinta gobolka. • Kobcinta xiriirka ganacsiga iyo maalgelinta Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Sucuudiga iyo Somaliland wuxuu la kulmi karaa caqabado, gaar ahaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, oo aan aqoonsan Somaliland. Sidaas darteed, Sucuudigu wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyad taxaddar leh si uu u gaaro danihiisa isagoo iska ilaalinaya xiisado siyaasadeed oo aan loo baahnayn. BIDHAAN XAAJI DAAHIR Qaran News -
Sacuudiga ayaa xaqiijiyay diidmadiisa ku aaddan hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulkooda, sida wasaaradda arrimaha dibadda ay ku sheegtay war ay saakay soo saartay. Saraakiisha Israa’iil ayaa soo keediyay in gobol Falastiiniyiinta leeyihiin laga sameeyo dhulka Sacuudiga. Netanyahu ayaa wareysi siiyay telefishinka Channel 14 isagoo kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan arrimaha Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Warka Sacuudiga si gaar ah looguma xusin soo jeedinta Netanyahu ee in gobol ay Falastiyiinta leeyihiin laga sameeyo Sacuudiga. Dhanka kale, Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale ka horyimid warka Netanyahu, iyagoo ku sheegay inay tahay faragelin toos ah oo dhulka Sacuudiga ah. Bbcsomali Qaran News
-
Meydka ugu yaraan 28 tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin saxare ku yaalla koonfurta bari ee dalka Liibiya, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi. Xabaalaha ayaa laga helay waqooyiga Kufra, maalmo uun kadib markii xabaal wadareed kale oo 19 meyd ah laga helay beer ku taal isla magaaladaas. Saraakiisha ayaa helay xabaalaha ugu dambeeyay kadib weerar lagu qaaday goob dadka lagu tahriibiyo, halkaasoo mas’uuliyiintu ay ku sii daayeen 76 muhaajiriin ah oo la xiray lana jirdilay, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo dhigay Facebook. Hal Liibiyaan ah iyo laba ajaanib ah ayaa la xiray, ayay raacisay. “Waxaa jirtay koox burcad ah oo xubnaheedu ay si bareer ah xorriyadda uga qaadeen tahriibayaal si sharci darro ah u soo galay, way jir dileen, waxayna u geysteen dhibaatooyin naxariis la’aan ah oo xun, oo ceebeyn iyo tacaddi ka dhan ah bini’aadamnimada,” ayaa lagu yiri warbixinta. Sawirrada lagu wadaagay internetka – oo BBC aysan si madax-bannaan u xaqiijin – waxay muujinayaan booliska iyo mutadawiciinta oo ciidda qodayay ka hor inta aysan maydka gelin bacaha madow. Waxaa weli socda baadigoobka oo laga sameynayo Kufra oo in ka badan 1,700 kilomitir (1,056 meyl) u jirta caasimadda Liibiya ee Tripoli. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in meydadka la helay loo qaaday si baaritaano loogu sameeyo, iyadoo baarayaashu ay tuhunsan yihiin inay xiriir la leeyihiin shabakadaha wax tahriibiya. Maamulka ayaa diiwaangelinaya marqaatiyada kuwa badbaaday dhacdada. Sannadkii hore, xabaalo-wadareed ay ku jiraan ugu yaraan 65 qof oo tahriibayaal ah ayaa laga helay Koonfur-galbeed ee Liibiya. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa ku tilmaantay arrin aad looga naxo waqtigaas. Tan iyo markii la afgambiyay hogaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sanadi 2011, dalkaasi waxa uu noqday marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee halista ugu jira saxaraha halista ah iyo marinka badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub. Unicef ayaa sheegtay in sanadkii 2024-kii tirada dadka ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka ee isku dayay in ay gaaraan Yurub ay kor u dhaaftay 2,200 oo qof. Qaran News
-
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan sheegay inaysan jirin cid awood u leh inay dadka reer Qasa ka saarto dhulkooda la burburiyay, islamarkaana dalal kale ugu masaafiriso. Hadalka uu madaxweyne Erdogan ka yiri gegiga diyaaradaha magaalada Istanbul, asagoo ku sii jeedday dalka maleesiya ayaa ku soo beegmaya xilli dunida Muslimka ay si weyn u diidan tahay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo doonayo in lagu barakiciyo dadka ku nool marinka Qasa. “Waxaan jeclaan lahaa in aan si cad u sheego in soo jeedinta ay soo bandhigeen maamulka cusub ee Maraykanka ee ku saabsan Qasa kuma jiraan wax qiimo ah oo tixgelin ama ka doodis mudan aragtidayada,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Maamulka Trump ayaa wada qorshe ay dunida Islaamku si weyn u diidantahay oo ku saabsan mustaqbalka marinka Qasa, ayadoo Trump uu saacado ka hor sheegay inuu doonayo inuu iibsado guud ahaan Qasa,ka dib qeybo kamid ah uu dalal kale siin doono. Source: goobjoog.com
