Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The expression Black Hawk Down, the title of a Hollywood film, has become shorthand for a 1993 US military disaster in Somalia. Source: Hiiraan Online
  2. Somalia has said it will refuse to be part of any plan to displace Palestinians from Gaza, following Israeli and British media reports that breakaway and autonomous regions of the country could take in Gazans. Source: Hiiraan Online
  3. Kimilili MP Didmus Barasa has insisted that the Somali community from the Northern region are Kenyans. Source: Hiiraan Online
  4. dawlad cusub ayaa la filayaa in laga dhiso Suudaan ah dib markii militarigu ay si buuxda u wada qabsadaan magaala madaxda Khartoum, ilo-wareedyo milateri ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. madaxa ciidamada Suudaan General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ku meelgaar ah oo ka shaqayn doonta soo afjaridda kooxda RSF iyo Xasillinta dalka, sida ay sheegeen ilaha militari ee ay soo xigatay Reuters. Ciidamada Suudaan oo muddo dheer dagaal kula jira fallaagada RSF ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dib u qabsaday inta badan degmooyinka caasimadda Khartoum, iyagoo go’doomiyay qasriga madaxtooyada oo ay gacanta ku hayso maleeshiyada RSF. Dagaalka Suudaan uu qarxay bishii Abriil ee sanadkii 2023 ayaa sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca in ka badan 12 milyan oo qof, halka burbur baahsan iyo xaalado bini’aadantinimo oo aad u xuni ay colaadda ka dhasheen. Source: goobjoog.com
  5. Premier League leader Liverpool was knocked out of the FA Cup by second-tier struggler Plymouth after losing 1-0 in a stunning fourth-round upset on Sunday. Source: Hiiraan Online
  6. Qaab-dhismeedka Kooxda Daacish Puntland Soomaaliya iyo Qabiillada Hoggaanka Kooxda! 1) Cabdulqaadir Muumin Yuusuf; Majeerteen, Cali Saleebaan. Waa aas-aasaha iyo aabaha kooxda Daacish Soomaaliya, iyo Amiirka Daacishta Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa wadaad, oday dhaqameed, iyo qurbajoog hore oo Boqortooyada Ingiriiska ku noolaan jiray. Waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay sannadkii 2010 asaga oo markaas kooxda AS ku biiray. Sannadkii 2015 ayuu AS ka goostay oo uu aasaasay garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya. 2) Mahad Macallin Jajab: Majeerteen, Cali Saleebaan. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaannaa Caaw Geelle, waa madaxii hore ee Xafiiska Dacwada kooxda, sidoo kale waxa uu hore soo noqday ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda kooxda. Hadda waa mid ka mid ah Ku-xigeennada Cabdulqaadir Muumin. Sannadkii 2018 ayaa Mahad Jajab lagu daray liiska argagixisada caalamiga ah ee Mareykanka, waxaa na lagu eedeeyay in uu dagaallamaayaal iyo hub badan soo galiyay Soomaaliya. 3) Cabdiraxmaan faahiye Ciise: Harti, Dashiishe. Waxaa kooxda dhexdeeda looga yaqaannaa Axmed Aadan, Khaalid, iyo Yacquub. Waa mid ka mid ah ragga ugu sarreeya kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Amiirka kooxda. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in uu Ina Faahiye hadda yahay Amiirka Daacishta Soomaaliya, maadaama uu Cabdulqaadir Muumin noqday Amiirka Daacish ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxaa lagu eedeeyaa in uu agaasinkiisa lahaa qarax is miidaamin ah oo kooxdu Boosaaso ka fulisay sannadkii 2017. 4) Abuu Yuusuf; Majeerteen: waa madaxa Ajaanibta kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu dhalasho ka heystaa dalka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa. 5) Cabdixakiin Dhoqob; Majeerteen, Cali Saleebaan. Waxa uu ahaa Macallin Iskuul oo hore iyo hoggaankii kooxda AS ee gobolka Bari. Waxa uu soo qabtay madaxa arrimaha siyaasadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdixakiin waxaa lagu dilay duqeeyn ciidanka Mareykanku la heleen baabuurkiisa oo marayay deegaanka Xariiro ee gobolka Bari. Cid lagu badalay wali lama oga. 6) Xamse Fareey; Majeerteen: Waa madaxa dacwadda ee kooxda Daacish Soomaaliya, mahad macalin ayuu na beddelay oo xafiiskan hore u maamuli jiray. 7) Macalin Bashiir; Majeerteen: kooxda looga dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa Cabdullaahi-Buur. Waxa uu ka tirsan yahay saraakiisha sarsare ee xafiiska dacwadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdiqani Luqmaan; Majeerteen, Cali Saleebaan: waa madaxa howlgallada ciidanka ee kooxda Daacish Soomaaliya. Dadka qaar ayaa sheegaya in ninka magacan wata uu Leelkase yahay oo aanu Harti aheyn. 10) Fahad Aboole; Ogaadeen: waa madaxa loojiistikada kooxda Daacish Soomaaliya. 9) Abuu Xafsa; Gaaljecel: Waa Ku-xigeenka madaxa howlgallada ciidanka, waxa uu ku xigaa Cabdiqani Luqmaan. Waa Nin dhalinyaro ah oo dhamaadka da’da 20aadka ilaa billowga 30aadka ku jira. Waxa uu hore uga tirsanaa AS oo uu Hiiraan kaga biiray. Waxa uu ka mid yahay xubnaha dhalinyarada bartamaha iyo koofurta dalka kooxda uga soo duma. 11) Xamaas; Xawaadle: waa madaxa guud ee ciidanka kooxda Daacish Soomaaliya. Xamaas iyo Abuu Xafsa oo labadu ba reer Hiiraan ah ayaa loo badinayaa in ay fududeeyeen in kooxda Daacish Soomaaliya ay unugyo howlgallo fulin kara Beledweyne ku yeelato. Hore ayay kooxdu u sheegatay in ay Beledweyne dhowr howlgal ka fulisay. 12) Jacfar Dabaashaan; Majeerteen, Cismaan Maxamuud. 13) Cabdirashiid; Qabiilkiisa la ma hayo: waxa uu isku hayaa madaxa Sirdoonka iyo madaxa xafiiska hubka iyo agabka dagaalka. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaan Mukhtaar. Waxa uu xariir fiican la leeyahay Burcad Badeedda iyo ganacsatada Yeman hubka ka soo dhoofisa. Hoggaanada kale ee kooxda waxaa ka mid ah: Cabdiwali Maxamuud Aw Yuusuf Walah (Majeerteen, Cali Saleebaan); Abshir-Gardheere Maxamuud Mire; Jaamac-Dheere Ismaaciil Saciid Saalax; Axmed-Beerdhagax . Hassan Kaabe Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegtay inaysan qayb ka noqon doonin qorshe kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiin ee ka soo jeeda Gaza, kadib markii warbaahinta Israa’iil iyo UK ay soo tebiyeen warar sheegaya in gobollo gooni u goostay iyo kuwa ismaamula ee Soomaaliya ay qaabili karaan dadka reer Gaza. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku dhawaaqay qorshe si weyn loo cambaareeyay oo Mareykanku ku qabsanayo una dib u dhisayo Gaza, isagoo qorsheynaya in dadka deegaanka laga saaro laguna beddelo “guryo cusub oo casri ah” oo ku yaalla gobolka. Hase yeeshee, Caasimada Online ayaa ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo sheegay in Soomaaliya aysan qayb ka noqon doonin “siyasadaha barakicinta ee Mareykanku u qorsheeyay Falastiiniyiinta.” Soomaaliya oo diiday qorshaha Gaza Bayaan ay goor dambe soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah. Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.” Somaliland waa gobol waqooyiga Soomaaliya ku yaalla oo ku dhawaaqay madax-bannaani sanadkii 1991, balse ilaa hadda aan si rasmi ah loo aqoonsan. Puntland waa gobol ismaamul ah oo sidoo kale ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kana soo horjeeda siyaasadaha dawladda federaalka. Wuxuu sanadkii hore xiriirka wada-shaqeyn u jaray dowladda federaalka. Khamiistii la soo dhaafay, wargeyska Daily Telegraph ee UK ayaa soo xigtay danjiraha Israa’iil u fadhiya Pacific Southwest, Israel Bachar, oo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza lagu wareejin karo Puntland, Somaliland, iyo sidoo kale Marocco. Wuxuu sidoo kale soo xigtay Yacob Mohamed Abdalla, wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, oo sheegay in gobolka uu diyaar u yahay inuu soo dhaweeyo qaxootiga Gaza haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. Afhayeen hore oo u hadlay maamulka Puntland, Cabdullahi Maxamed Jaha, ayaa la sheegay inuu ku soo qoray bartiisa Facebook in dadka Gaza ay wadaagaan diinta Islaamka reer Puntland, isla markaana ay gacan ka geysan doonaan “casriyeynta iyo horumarinta” gobolkaas saboolka ah. Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in Puntland ay heli doonto fursado “ammaan iyo horumar dhaqaale” haddii ay qaabilaan dadka Gaza, sida uu sheegay wargeyska Telegraph. Dhinaca kale, Abdirahman Keelo, oo ah cilmi-baare dhanka sharciga ka tirsan Puntland, ayaa u sheegay Caasimada Online in sheegashooyinkan ay yihiin “riyo maalmeed,” marka loo eego xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka, oo wajahaya faqriga iyo horumar la’aanta baahsan. “Tani waa fikir aan macquul ahayn iyo aragti waalan,” ayuu yiri Keelo, isagoo intaas ku daray in “barakicinta qasabka ah ay mamnuuc ka tahay sharciga bini’aadannimada caalamiga ah, sidoo kalena ay cadahay in maamulka Mareykanka uu ka sii fogaanayo caqliga intii uu Trump xilka hayay, iyadoo hadalladiisu ay is burinayaan.” “Ma gaari karno gabagabo macquul ah oo ku saleysan hadalladiisa, xitaa haddii ay ka soo baxaan isaga,” ayuu Keelo hadalkiisa ku daray. Puntland oo iska fogeysay hadallada Yacquub Goor dambe, war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa waxa ay Puntland isaga fogeysay hadallada Yacquub Maxamed Cabdalla. Wasaaradda warfaafinta ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in hadalkaasi aanu ka tarjumeynin Puntland, isla markaana uu keli ku yahay wasiirka sheegay, iyada oo sheegtay inay tahay aragtidiisa shaqsiyadeed. Sidoo kale waxa ay wasaaraddu intaasi kusii dartay inay ixtiraameyso xuquuqda ay reer Falastiin u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda. “Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Wadahadallada ku saabsan barakicinta dadka Gaza ee loo wareejinayo gobollo ka tirsan Soomaaliya iyo Marocco ayaa billowday kadib markii Masar iyo Urdun si adag uga soo horjeesteen qorshaha Donald Trump. Dagaalka Israa’iil ee 15 bilood ka socday Marinka Gaza ayaa si weyn u burburiyay deegaankaas, iyadoo ugu yaraan 61,707 qof lagu dilay, sida lagu sheegay tirokoob cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.
  8. Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sii ballaariyay howlgalladooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo isku fidiyay deegaanno hor leh oo ay kamid yihiin Hararyo ilaa Qurac ee Togga Jaceel. War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada ayaa lagu sheegay in ciidanka ay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ballaaran ka sameeyeen deegaanka Hararyo, isla markaana ay ku sii fideen dhanka Qurac, halkaas oo ay ugu tageen saldhigyo ay horey u daganaayeen kooxda Daacish. Hawlgalka ay wadaan ciidamada Puntland ayaa ah mid lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysta dhulka buuraleyda iyo dhulka howdka ah ee Puntland. Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in ciidanku sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga cirib tiro kooxaha khatarta ku ah amniga deegaannada Puntland. Source: goobjoog.com
  9. Maamulka Israa’iil Ciidankiisa ayaa maanta bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Source: goobjoog.com
  10. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u difaacday Boqortooyada Sucuudi Careebiya, ka dib hadalkii Netenyaahu ee ahaa in Sucuudigu uu dhulkiisa balaadhan wax ka siiyo Falastiiniyiinta. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee ka dhanka ah Boqortooyada Sucuudiga. Hadallada ayaa la xiriira dhismaha dowladda Falastiin iyo dhulkeeda. Soomaaliya waxay u aragtaa hadalladan xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo ku tumasho Mabaadi’da Qaramada Midoobay. Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sucuudiga, iyada oo caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah. “Dowladda Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda cad ee ku aaddan taageerada xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, gaar ahaan xaqa ay u leeyihiin dhisidda dowladdooda madax-bannaan oo leh caasimad ay u tahay bariga Qudus, sida ay dhigayaan qaraarrada sharciga caalamiga ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Soomaaliya waxay si adag u diiday qorshe kasta oo lagu doonayo in si khasab ah looga barakiciyo shacabka Falastiin dalkooda, waxayna caddeysay in ficilladaas ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah xeerarka bani’aadamnimada iyo caqabad hor leh oo ku ah dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nabad waarta oo caddaalad ku dhisan gobolka. Source: goobjoog.com
  11. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa dhagax dhigey dhismaha Matxaf casri ah oo laga hirgelinayo magaala-madaxda Dhuusamareeb. Matxafkan oo loogu magac daray ” Magool museum” ayaa waxaa dhismihiisa iska kaashanaya dowlad goboleedka Galmudug iyo qurba joogta deegaanadaas ka soo jeedda ee ku nool dalalka caalamka. Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo xubno ka socday qurba-joogta ka soo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay ka go’antahay inay si degdeg ah u hirgeliyaan dhismaha Matxafka oo casri ah loo dhisayo, islamarkaana lagu keydin doono taariikhda iyo dhaqanka guunka ah ee Soomaalida. Dhismaha Matxafkan ayaa kamid ah mashaariicda isku tashiga bulshada lagu hirgelinayo, islamarkaana dadka deegaanka iyo qurba joogtu ay kaalinta weyn ka qaadanayaan sida ay sheegeen masuuliintu. Source: goobjoog.com
  12. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa jira calaamado badan oo muujinaya in xaaladda guud ee Itoobiya aysan wanaagsaneyn. Iyadoo ay socdaan laba dagaal oo ka kala socda gobollada Amxaarada iyo Oromada, mid ka mid ah garabyada Xisbiga Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ee waqooyiga ayaa muujiyay damaciisa ku aaddan inuu bilaabo dagaal cusub—kaas oo suuragal ah inuu ku wajahan yahay dawladda federaalka. Iyada oo ay jiraan xaaladahan cakiran, saddex xisbi mucaarad oo waaweyn ayaa si wadajir ah ugu baaqay “badbaadinta qaranka,” iyagoo ka digaya in Itoobiya ay ku sugan tahay xaalad burbur u dhow. Xisbiga ENAT, Xisbiga Kacaanka Dadka Itoobiya (EPRP), iyo Xisbiga Midnimada Itoobiya oo Dhan (AEUP) ayaa si dhaliil leh u falanqeeyay natiijooyinka shirkii labaad ee xisbiga talada haya ee Barwaaqo, kaas oo toddobaadkii hore dib u doortay Abiy Axmed inuu sii ahaado madaxweynaha xisbiga. Shirkaasi waxa uu sheegay in Itoobiya ay gaartay “guulo dhaqaale, diblomaasiyadeed, iyo siyaasadeed” lixdii sano ee la soo dhaafay, isagoo sidoo kale sheegay horumar laga sameeyay garsoorka. Si kastaba ha ahaatee, sheegashooyinkan ayaa u muuqda kuwo laga shakisan yahay marka loo eego xaqiiqooyinka ka jira gudaha dalka. Itoobiya ayaa si joogto ah ugu soo muuqataya warbaahinta caalamka arrimo la xiriira dagaallo baahsan iyo qalalaase amni oo ay ku dhinteen kumannaan rayid ah gobollo kala duwan. Intaa waxaa dheer, xadgudubyo baahsan oo ka dhanka ah xuquuqda aadanaha—oo ay ka mid yihiin xarig aan sharci ahayn, kufsi, iyo dilal aan maxkamad marin oo ka dhaca goobaha colaadda—ayaa si weyn u wiiqaya sheegashooyinka xisbiga talada haya. “Farxaddeennu waxay noqon lahayd mid aan xad lahayn haddii Itoobiya dhab ahaan gaartay guulaha [uu sheeganayo xisbiga talada haya] lixdii sano ee la soo dhaafay,” ayay saddexda xisbi ku sheegeen baaqooda wadajirka ah ee lagu doonayo in lagu “badbaadiyo qaranka.” Marka la eego qiimayntooda, xisbiyadu waxay ku doodayaan in “qaranku ku dhow yahay burbur.” Waxay muujinayaan halista daran ee ay wajaheyso xaaladda amniga, iyagoo xusay in “guri nabad lagu gaaro ay hadda la mid tahay in lagu guuleystay lotto.” Xisbiyadu sidoo kale waxay tilmaameen afduubyo baahsan oo muwaadiniinta lagu qasbo inay bixiyaan malaayiin birr si loo sii daayo. Waxay carabka ku adkeeyeen in dagaallo ka socdaan dhammaan daafaha dalka, taasoo sababaysa dhibaatooyin aad u badan oo haysata shacabka. Bishii November 2024, xisbiyada mucaaradka oo ay weheliyaan dhaq-dhaqaaqayaal ayaa isku dayay inay abaabulaan mudaharaad dadweyne oo ka dhan ah dagaalka oo ka dhaca magaalada Addis Ababa. Si kastaba ha ahaatee, dawladda ayaa mamnuucday dhacdadaasi, iyadoo xirtay dad badan oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaasha. Xisbiyadu waxay hadda ku boorinayaan xisbiga talada haya inuu dib u qiimeeyo xaaladda dalka, iyagoo sidoo kale shacabka ugu baaqaya inay ku biiraan dadaalladooda lagu doonayo in lagu badbaadiyo qaranka. Sidoo kale, waxay beesha caalamka ka codsadeen inay ka caawiso joojinta dagaallada ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah. Waxay muujiyeen go’aankooda ah inay si wadajir ah ugu shaqeeyaan sidii loo baajin lahaa halista sii kordheysa loogana badbaadin lahaa Itoobiya burbur sii fida. Weli lama oga in dawladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed ay ka jawaabi doonto baaqa mucaaradka.
  13. Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay kooxda Daacish ay ku fidayaan gobollada koonfureed ee dalka iyo deegaannada Soomaaliland, ayagoo ka baxsanaya dagaalka culus ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari. Taliye ku xigeenka labaad ee Booliiska Puntland Shiine Cabdi Axmed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo ku sii jeeda gobollada koonfureed ee dalka, halka qaarkoodna ay ku wajahnaayeen dhinaca Soomaaliland. Taliyaha ayaa ciidamada nabad-gelyada ugu baaqay inay ammaanka baraha hubinta adkeeyaan, islamarkaana ay gacanta ku dhigaan waxa uu ku tilmaamay shar-wadayaasha firxadka ah. Dagaalka culus ee ka socda gobolka Bari ayaa lagu dilay boqolaal dagaalame oo ka tirsanaa kooxda Daacish, halka qaar kale oo ajaanib iyo Soomaaliba isugu jirana la rumaysanahay inay deegaanno u aag badalayaan si ay gabaad uga dhigtaan. Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si cad u sheegay inay ka go’antahay inuu la wareego oo iibsado marinka Qasa, islamarkaana uu haddii laga maarmi waayo qeybo kamid ah siin doono dalalka gobolka. Trump oo wariyaasha la hadlayay asagoo diyaarad uu ku safrayo saaran ayaa intaas ku daray in Qasa uu dib u dhis xooggan ku samayn doono, islamarkaana mashaariic hormarineed oo waaweyn uu ka fulin doono. Trump ayaa dhanka kale sheegay in Xamaas uu ka ilaalin doono inay mar dambe ka taliso Qasa, asagoo xusay in dadka reer Falastiin uu u damaanad qaadayo inay si nabad-gelyo ah dunida ugu noolaadaan. Maamulka Trump ayaa wada qorshe dadka reer Qasa dalalka loogu rarayo, balse dunida inteeda badani hindisahaas way diidantahay, dowladaha Carabtuna shir degdeg ah ayay 27-ka bishan arrintaas ka yeelan doonaan sida ay shaacisay Masar. Source: goobjoog.com
  15. MOGADISHU, Somalia – Somalia’s federal government has firmly denied any involvement in plans to resettle Palestinians from Gaza within its borders, following reports from Israeli and British media suggesting that Somalia’s breakaway and semi-autonomous regions might be considered for hosting displaced Gazans. The controversy emerged after The Daily Telegraph quoted Israel Bachar, Israel’s ambassador to the Pacific Southwest, stating that Palestinian refugees from Gaza could potentially be relocated to Somalia’s Puntland and Somaliland regions, as well as Morocco. This claim has sparked widespread reactions, both domestically and internationally. Somalia rejects hosting claims In an official statement issued by Somalia’s Ministry of Foreign Affairs on Sunday, the government reiterated its unwavering support for the Palestinian people’s legitimate right to establish an independent state with East Jerusalem as its capital, in line with international law. “Somalia will not participate in any displacement policies targeting Palestinians,” the ministry declared, emphasizing that such measures constitute “grave violations of international humanitarian law and undermine efforts toward a lasting peace.” The Somali government’s statement comes amid growing global criticism of a controversial U.S.-backed plan, announced by U.S. President Donald Trump, to redevelop Gaza. The plan reportedly includes relocating Gaza’s population and constructing “modern housing” elsewhere—a proposal that has drawn widespread condemnation from human rights organizations, Middle Eastern governments, and international legal experts. Further fueling tensions, Yacob Mohamed Abdalla, Puntland’s deputy information minister, was quoted by The Daily Telegraph expressing openness to welcoming Gaza refugees if they arrived voluntarily. Abdalla reportedly suggested that hosting Gazans could contribute to “modernization and economic development” in Puntland, one of Somalia’s semi-autonomous regions facing significant economic challenges. However, Puntland’s Ministry of Information quickly distanced itself from Abdalla’s remarks, issuing a statement clarifying that his comments were personal opinions and did not reflect the official stance of the Puntland administration. “Puntland respects the Palestinian people’s right to live peacefully in their homeland,” the ministry stated. “The deputy minister’s comments do not represent the views of the Puntland government.” Abdirahman Keelo, a Puntland-based legal researcher, criticized the relocation proposal as “unrealistic” and “impractical,” citing the region’s widespread poverty, lack of infrastructure, and ongoing security challenges. “This is an irrational idea,” Keelo told Caasimada Online. “Forced displacement is prohibited under international humanitarian law. The contradictions in these statements reflect a lack of coherent policy from those proposing such plans.” Former Puntland spokesperson Abdullahi Mohamed Jaha echoed similar sentiments, stating on Facebook that while Puntland shares religious ties with Gaza’s Muslim population, the region cannot support an influx of refugees. United global opposition The discussions about potentially relocating Gaza residents to Somalia and Morocco gained traction following Egypt and Jordan’s firm opposition to Trump’s proposal. Both countries, which maintain peace treaties with Israel, have consistently rejected efforts to resettle Palestinian refugees within their borders, citing legal, political, and humanitarian concerns. International human rights organizations have also condemned the proposal, describing it as a violation of the fundamental rights of Palestinians. The United Nations and various legal experts have warned that forced displacement violates key provisions of the Geneva Conventions and other international treaties protecting the rights of refugees and displaced persons. The debate over resettlement comes against the backdrop of an ongoing humanitarian crisis in Gaza. After 15 months of intense conflict between Israel and Palestinian groups, Gaza remains devastated, with at least 61,707 people reported dead, according to figures from the Gaza Ministry of Health. Thousands more have been injured or displaced, with critical infrastructure, including hospitals, schools, and residential areas, severely damaged.
  16. Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wadaxaajoodka ah, balse ergada waxaa kamid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas dhalisay shaki ah in aysan keeni doonin natiijo wax ka tarta xabbad-joojinta. Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska. Dilal ka dhacay Daanta Galbeed Axaddii, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba haween ah oo da’doodu tahay 20-meeyada, mid kamid ahina ay lahayd uur sideed bilood, ay ciidamada Israa’iil toogteen xilli ay howlgallo ballaaran ka wadeen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Tan iyo markii ay xabbad-joojintu billaabatay 19-kii Janaayo, heshiisku wuxuu la kulmay caqabado badan iyo khilaafyo u dhexeeya labada dhinac, taasoo muujineysa nuglaanta heshiiska. Axadda maanta ah, waxaa la arkayay baabuur xamuul ah oo sida agab kala duwan, sida taangiyo biyo ah iyo boorsooyin, kuwaasoo u socdaalaya waqooyiga iyaga oo maraya jidka Netzarim. Sida uu qabo heshiisku, Israa’iil waa inay u ogolaataa baabuurta inay maraan iyada oo aan la baarin, mana muuqan wax askar ah oo joogay hareeraha jidka. Afhayeenka Xamaas, Cabdil-Latif Al-Qanoua, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ay caddeyn u tahay in Xamaas ay “ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabkeenna” isla markaana ay fashilisay hadalkii Netanyahu ee ahaa “guul buuxda.” Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay hadallada dhiillo abuurka ah ee uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kuwaas oo uu ku sheegay in “Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay dhulkeeda ka dhisi karto dowlad Falastiini ah maadaama ay haystaan dhul badan.” Hadalkan oo uu Netanyahu ka sheegay wareysi uu siiyay Channel 14 ee Israa’iil ayaa caro weyn ka dhex dhaliyay dalalka Carabta. Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, oo bayaan soo saartay, ayaa ku tilmaantay hadalladan inay yihiin “ku xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay,” iyadoo xustay in ay “ka tarjumayaan aragti la’aan iyo xushmad darro ku wajahan madax-bannaanida dalalka gobolka.” Soomaaliya ayaa si cad u muujisay taageerada ay u hayso Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo mar kale adkaysay sida ay ugu go’an tahay “mabda’a madax-bannaanida, xasilloonida, iyo ixtiraamka sharciyada caalamiga ah.” Dhanka kale, Soomaaliya waxay taageero buuxda u muujisay xaqa sharciga ah ee shacabka Falastiin, iyagoo leh “xaq buuxa oo ay ugu dhisan karaan dowlad madax-bannaan oo caasimaddeedu tahay Bariga Qudus,” sida ku cad go’aannada sharciga caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay qorshe kasta oo lagu doonayo in dadka Falastiiniyiinta lagu barakiciyo xoog, iyadoo sheegtay in “tallaabooyinka noocaas ah ay yihiin ku xadgudub ba’an oo ka dhan ah sharciga bini’aadantinimo ee caalamiga ah, islamarkaana wiiqaya dadaallada lagu doonayo nabad waarta.” Hadallada Netanyahu ayaa yimid kadib booqashadiisii Washington, halkaas oo madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe uu ku doonayo in dadka Falastiiniyiinta laga raro Gaza oo laga dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe.” Trump ayaa sheegay, “waxaan jeclaan lahaa inaan gacanta ku dhigo Gaza oo aan dib u dejiyaan laba milyan oo Falastiiniyiin ah.” Hadalladan ayaa si weyn loo dhaliilay maadaama ay Gaza u tahay Falastiiniyiinta qayb muhiim ah oo ka mid ah dowladdooda mustaqbalka. Isaga oo ka jawaabaya dalabka Sacuudiga ee ku aaddan in dowlad Falastiini ah la aasaaso, Netanyahu ayaa yiri: “Qofna ma sameynayo taas. Qofna ma oranayo, ‘haa, sii dowlad Falastiini ah.’ Horey bay u haysteen. Waxaa la yiraahdaa Gaza oo ay xukunto Xamaas.” Ururka Jaamacadda Carabta ayaa hadalladan ku tilmaamay kuwo “ka tarjumaya go’doon dhab ah oo ka jira dhabta dhulka,” iyadoo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta labaduba si cad uga hor yimaadeen hadallada Netanyahu.
  18. Riyadh Caasimada Online) – Boqortooyada Sucuudiga ayaa si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsanaa ka barakicinta Falastiiniyiinta dhulkooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga Axadda maanta ah. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa soo jeediyay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo lagu aas-aaso dhul Sucuudi ah. Netanyahu ayaa u muuqday inuu kaftamayo Khamiistii markii uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay weriye ka tirsan Channel 14 oo taageera Netanyahu, kaasoo si khalad ah u yiri “dawladda Sucuudiga” halkii uu ka oran lahaa “dawladda Falastiin,” ka hor inta uusan saxin. Inkasta oo bayaanka Sucuudiga lagu xusay magaca Netanyahu, haddana si toos ah looguma xusin hadallada ku saabsan dhisidda dowlad Falastiini ah oo laga unko dhulka Sucuudiga. Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay soo jeedimaha Israa’iil, iyadoo Qaahira ay ku tilmaantay fikraddaas “ku xad-gudub toos ah oo lagu sameynayo madax-bannaanida Sacuudiga.” Boqortooyada ayaa soo dhoweysay “diidmada dalalka walaalaha ah ee ku wajahan hadallada Netanyahu.” “Maskaxda xag-jirka ah ee gumaysiga taageerta ma fahamsana waxa dhulka Falastiin uu uga dhigan yahay shacabka walaalaha ah ee Falastiin iyo xiriirka damiirka, taariikhiga, iyo sharciga ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dhulkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka. Doodaha ku saabsan masiirka Falastiiniyiinta Gaza ayaa cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Talaadadii soo jeediyay qorshe lama filaan ah oo ah in Mareykanku “la wareego Marinka Gaza” oo uu ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe” kaddib marka Falastiiniyiinta meel kale loo raro. Dalalka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, kuwaasoo yimid xilli xabbad-joojin jilicsan ay ka jirtay dagaalka Gaza oo Israa’iil ay kula jirto kooxda Xamaas, taasoo gacanta ku haysa Marinka. Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dalbanayn dowlad Falastiini ah si uu xiriir ula yeesho Israa’iil. Balse Riyadh ayaa si cad u beenisay hadalladiisa, waxayna sheegtay inaanay wax xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa la dhiso dowlad Falastiini ah. Mas’uuliyiinta Gaza ayaa sheegay in dagaalka uu dilay in ka badan 47,000 oo ka mid ah ku dhawaad 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool.
  19. Mr Dhiif: ”The Finance Ministry does not calculate tax based on the audited annual accounts of a business.” Mogadishu (PP News Desk) — Business leaders in Mogadishu have called on the Federal Government of Somalia “to rein in its security forces, which use coercive tactics to collect taxes from businesses”. For the third consecutive day, most markets in Mogadishu remain closed. Business leaders held a press conference in Mogadishu today to voice their concerns about what they described as “a repressive securitisation atmosphere that makes conducting business extremely difficult”. “We have urged business owners to abide by the rules. Unfortunately, when they go to the inland tax office of the Finance Ministry, they are asked to declare the number of employees in their business. If, for example, a business owner declares that he/she has five employees, tax office officials reject the information outright and insist that more staff work for the business than declared. The tax office staff then demand disclosure of the past annual accounts of the business so they can decide how much tax to levy” said Hassan Mire Dhiif, the Chairman of the Mogadishu Business Council. Mr Dhiif added that the Finance Ministry calculates tax not based on the audited annual accounts of a business. The practice of the Somali Finance Ministry disregarding professionally audited accounts in favour of imposing steep tax liabilities on businesses in Mogadishu remains a major barrier to entrepreneurship. Last year, President Hassan Sheikh Mohamud vowed to use security forces to collect taxes from businesses. The empowerment of National Intelligence and Security Agency officers to work alongside tax officers from the Finance Ministry has created loopholes that unscrupulous intelligence officers exploit, threatening business owners with arrest unless they pay bribes to reduce their tax liabilities. Members of the Mogadishu Business Council have called on the Federal Government of Somalia to intervene and end the unfavourable business environment created by intelligence officers and tax collectors who resort to extortion under the guise of state authority. © Puntland Post, 2025 The post Somali Traders Decry ‘Repressive Taxation’ as Finance Ministry Rejects Audited Accounts appeared first on Puntland Post.
  20. Gaza (Caasimada Online) – Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday. Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wadaxaajoodka ah, balse ergada waxaa kamid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas dhalisay shaki ah in aysan keeni doonin natiijo wax ka tarta xabbad-joojinta. Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska. Dilal ka dhacay Daanta Galbeed Axaddii, Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in laba haween ah oo da’doodu tahay 20-meeyada, mid kamid ahina ay lahayd uur sideed bilood, ay ciidamada Israa’iil toogteen xilli ay howlgallo ballaaran ka wadeen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Tan iyo markii ay xabbad-joojintu billaabatay 19-kii Janaayo, heshiisku wuxuu la kulmay caqabado badan iyo khilaafyo u dhexeeya labada dhinac, taasoo muujineysa nuglaanta heshiiska. Axadda maanta ah, waxaa la arkayay baabuur xamuul ah oo sida agab kala duwan, sida taangiyo biyo ah iyo boorsooyin, kuwaasoo u socdaalaya waqooyiga iyaga oo maraya jidka Netzarim. Sida uu qabo heshiisku, Israa’iil waa inay u ogolaataa baabuurta inay maraan iyada oo aan la baarin, mana muuqan wax askar ah oo joogay hareeraha jidka. Afhayeenka Xamaas, Cabdil-Latif Al-Qanoua, ayaa sheegay in ka bixitaanka ciidamada Israa’iil ay caddeyn u tahay in Xamaas ay “ku qasabtay cadowga inuu aqbalo dalabkeenna” isla markaana ay fashilisay hadalkii Netanyahu ee ahaa “guul buuxda.”
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada ciidamada qaranka iyo kuwa halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleey. Dhaawcayda ciidamada ayaa ku jira isbitaallada xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo isbitaalka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Intii uu kormeerka ku jiray, madaxweynaha ayaa oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Laba maalmood kaddib markii madaxweyne William Ruto lagu buuqay isagoo khudbad ka jeedinayay dadweyne intii uu ku guda jiray socdaalkiisii afarta maalmood ee uu ku tegay gobolka Waqooyi-bari, odayaasha bulshada Soomaaliyeed ayaa madaxweynaha siiyey raalligelin. Shir jaraa’id oo Axaddii ka dhacay magaalada Isiolo, ayaa odayaasha uu hoggaaminayay Cabdulkadir Shariff, guddoomiyaha Golaha Odayaasha Soomaaliyeed, waxay ku muujiyeen inaysan ku faraxsanayn buuqa lagu sameeyay madaxweynaha intii uu la hadlayay shacabka deegaanka. “Ujeeddada ugu weyn ee aan maanta halkan u nimid waxay la xiriirtaa dhacdadii ka dhacday booqashadii Madaxweynaha, gaar ahaan xilligii uu la hadlayay shacabka ku sugan dhulka xabsiyada,” ayuu yiri Cabdulqaadir. “Waxaan si weyn uga xunahay dhacdadii dhacday, gaar ahaan annaga oo Soomaaliyeed iyo dhammaan bulshada wanaagsan ee Isiolo. Ma jirin sabab loogu buuqo madaxweynaha dalka,” ayuu raaciyay. Odayaasha ayaa sheegay in buuqa ay sabab u ahaayeen dhalinyaro khamri cabtay oo aan deegaanka ka soo jeedin, taasoo muujinaysa in laga yaabo in meel kale laga soo raray. “Dhalinyarada khamriga cabtay, haddii aad si taxaddar leh u eegto, ma aha kuwo ka soo jeeda Isiolo. Ficilladoodii ma ahayn kuwo la aqbali karo, waana sababta aan u rabno inaan Madaxweynaha si daacad ah uga bixino raalligelin,” ayuu yiri Cabdulqaadir. “Arrintani waxay ahayd dhacdo yar, balse waxaan idin xaqiijinayaa inaan dadaal ku bixinayno sidii khaladkaas loo sixi lahaa.” Xoghayaha Guud ee Golaha Odayaasha, Iidle Xasan, ayaa isna cambaareeyay buuqa lagu sameeyay Madaxweynaha, isagoo xusay in Madaxweyne Ruto uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta arrimaha xoolo-dhaqatada. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa dhacdadii lagu buuqay Madaxweynaha. Wuxuu naga mudan yahay ixtiraam, waana in la ixtiraamaa,” ayuu yiri Iidle. “Waxaan ku biirayaa odayaasha kale ee raalligelinaya Madaxweynaha. Dhacdadan mar dambe lama soo celin doono, waxaana uga mahadcelineynaa dadaalka uu ku bixiyay horumarinta arrimaha xoolo-dhaqatada,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhacdadii dhacday Jimcihii ayaa dhalinyaro ka tirsan xisbiyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda waxay ku lug yeesheen is-qabqabsi cod dheer ah, taasoo keentay in Madaxweyne Ruto uu ku eedeeyo qaar ka mid ah dhalinyarada in ay u soo direen dad ka ganacsada mukhaadaraadka si ay u carqaladeeyaan kulanka. “Waxaan ogahay in ganacsatada mukhaadaraadka ay dhalinyaro u soo direen si ay buuq iyo qalqal ugu keenaan kulankan. Digniin baan idin siinayaa, dhalinyaro—uma hanjabi kartaan dowladda. Ajaanib kama imaan karo oo Isiolo uga dhigi karo xarun mukhaadaraad. Tani ma dhici doonto,” ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Ruto. Isla maalintaas, Senatorka Isiolo Fatuma Dullo ayaa sidoo kale la buuqay iyadoo Madaxweynaha hortiisa taagan, xilli ay dooneysay inay la hadasho dadweynaha deegaanka. Dadkii isugu yimid goobta ayaa bilaabay inay ku qayliyaan, “Dullo waa inay tagtaa,” xilli ay makarafoonka qaadatay si ay hadal ugu jeediso.
  23. Saudi Arabia’s Strategic Interest in Somaliland Saudi Arabia’s growing engagement with Somaliland is driven by geopolitical, economic, and security factors, particularly in the context of the Horn of Africa and the Red Sea. Here’s a closer look at why Somaliland is strategically important to the Kingdom: 1. Securing Maritime Trade and Energy Routes Somaliland’s coastline along the Gulf of Aden and its proximity to the Bab el-Mandeb Strait make it a key player in regional trade and security. This narrow strait is a global chokepoint through which: • 9% of the world’s oil shipments pass, making it vital for Saudi Arabia’s energy exports. • 30% of global seaborne trade moves, making it a critical supply chain artery. With growing threats from Houthi rebels in Yemen, securing this corridor is essential for Saudi Arabia’s economic and energy security. Somaliland’s Berbera Port, developed in partnership with the UAE and Ethiopia, offers an alternative to Djibouti, where China’s military presence is expanding. Stronger Saudi involvement in Berbera would: • Reduce dependence on Djibouti and counter China’s growing influence. • Ensure uninterrupted energy exports to global markets. • Enhance Saudi maritime control in the Red Sea. By strengthening its position in Somaliland, Saudi Arabia can protect vital trade routes and project power in the region. 2. Countering Regional Rivals The Horn of Africa has become a battleground for influence among Saudi Arabia, the UAE, Turkey, Iran, and Qatar. • The UAE has made significant investments in Somaliland’s infrastructure, especially Berbera Port, increasing its regional foothold. • Turkey and Qatar back Somalia, which opposes Somaliland’s independence. • China, through its Belt and Road Initiative, has expanded its presence in Djibouti and Ethiopia, while Somaliland has instead chosen to align with Taiwan. By deepening ties with Somaliland, Saudi Arabia can: • Counterbalance UAE dominance while maintaining cooperation. • Limit Turkish and Qatari influence in Somalia. • Push back against Chinese expansion in the Horn of Africa. Engaging with Somaliland strengthens Saudi Arabia’s geopolitical leverage and prevents competitors from consolidating power in the region. 3. Enhancing Security and Counterterrorism Cooperation Somaliland is a rare example of stability in a volatile region and has proven counterterrorism capabilities. Unlike Somalia, which struggles with insurgency, Somaliland has successfully contained Al-Shabaab and other extremist threats. Saudi Arabia could partner with Somaliland’s security forces to: • Monitor Houthi activities and Iranian influence in the Red Sea. • Combat piracy along the Gulf of Aden. • Support counterterrorism efforts against Al-Shabaab. Somaliland has also participated in the Saudi-led Arab Coalition’s operations in Yemen, demonstrating its reliability as a security ally. Strengthening military and intelligence ties with Somaliland would help Saudi Arabia secure maritime routes and expand its influence in regional security affairs. 4. Expanding Economic Investments and Resource Access Beyond security, Somaliland presents economic opportunities for Saudi Arabia, particularly in: • Oil and gas exploration in Somaliland’s untapped reserves. • Livestock trade, as Somaliland supplies a significant portion of Gulf livestock imports. • Regional trade facilitation, serving as a gateway for landlocked Ethiopia, a growing Saudi ally. Saudi Arabia has long invested in African agriculture and food security, and deeper economic ties with Somaliland could: • Strengthen Saudi supply chains for livestock and other goods. • Increase investment opportunities in Somaliland’s developing energy sector. • Position Somaliland as a regional trade hub, enhancing Saudi economic influence in East Africa. 5. Strengthening Diplomatic Leverage in Africa Recognizing or supporting Somaliland diplomatically could enhance Saudi Arabia’s political influence in Africa. While the African Union (AU) opposes secessionist movements, Saudi Arabia’s backing could: • Give Somaliland greater international legitimacy. • Position Saudi Arabia as a power broker in Horn of Africa disputes. • Challenge Turkish and Iranian influence in Africa. Saudi Arabia’s increasing diplomatic outreach in Africa aligns with its broader ambition of expanding its geopolitical reach beyond the Middle East. 6. Managing Migration and Regional Stability Somaliland’s relative stability makes it an important partner in managing refugee flows and migration pressures that affect Saudi Arabia. Compared to neighboring Somalia and Yemen, Somaliland’s stability: • Reduces refugee movements toward Saudi Arabia and the Gulf. • Limits spillover effects from regional conflicts. • Creates opportunities for development-based stability, reducing reliance on humanitarian aid. By supporting Somaliland’s growth, Saudi Arabia can indirectly stabilize migration patterns and prevent regional instability from reaching its borders. Conclusion For Saudi Arabia, Somaliland is a strategic asset offering: • Maritime control over the Red Sea and Gulf of Aden. • A counterbalance to UAE, Turkey, Iran, and China in the Horn of Africa. • A reliable security partner in counterterrorism and regional stability. • Economic and trade opportunities in livestock, energy, and infrastructure. However, deeper engagement with Somaliland comes with diplomatic risks, particularly with Somalia and the AU. To maximize its influence while avoiding backlash, Saudi Arabia must adopt a careful and strategic approach—one that secures its long-term interests without provoking unnecessary regional tensions. Bidhaan Xaaji Dahir Qaran News
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xaaladda caafimaad ee dhaawacyada Ciidamada Qaranka iyo kuwa Macawisleyda ee ku jira Isbitaalkq Xoogga dalka iyo qaar kamid ah isbitaallada kale ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada ciidamadan oo xaaladdooda caafimaad ay soo hagaagayso, waxa uuna u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran. “Dowladdiinnu waxa ay idiin ballan-qaadeysaa in ay bixiso dadaal kasta oo wax looga qabanayo caafimaadkiinna. Waxaad tihiin halyeeyo abaal gashanaya dadkooda iyo dalkooda, waxaadna ku taagantihiin waddada xaqa ah ee aad dadkiina ku badbaadinaysaan” ayuu yiri Madaxweynuhu Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray hannaanka shaqo, agabka iyo adeegyada uu bixiyo Isbitalka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo warbixin ka dhageystay Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka iyo Agaasinta Isbitaalka oo soo bandhigay qorshaha horumarinta adeeyada Isbitaalka iyo baahiyaha hadda jira. Source: goobjoog.com
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/02/AQPTgdc94wWnKVm6SUiaf2msAGPIo9nra7Xq_evjyhOEs0arukfXzbeQHSQUfzr6Ye7ZrVAAYdCvUS2Y85xmqwgE.mp4 Qaran News