-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Dubai waxaa ka socda shir caalami ah oo maalintii labaad galay, kaas oo ay dowladda Isku tagga Imaaraadka carabtu abaabulkiisa leedahay, islamarkaana ay ka qeyb-galayaan in ka badan 150 dal. Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan wasiirrada Maaliyadda iyo dhallinyarada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horraysay asna khudbad ka jeedin doono madaxweynaha Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro, ka dib markii Imaaraadku uu casuumaad gaar ah u soo diray, oo si heer madaxweyne dal ah u maamuusay. Shir-madaxeedkan ayaa ah mid dawladaha adduunku ay si sannadle ah isugu yimaadaan, laguna qabto magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxaana la aas-aasay sanadkii 2013-kii. Shirkan waxaa inta badan diiradda lagu saaraaa arrimaha dhaqaalaha, hal-abuurka, Tiknoolojiyadda iyo ajandayaal kale, waxayna madashani u shaqaysaa sidii xarun aqooneed ama daraasadeed oo aragtiyaha iyo qorsheyaasha laysku waydaarsado. Ka sokow in Soomaaliland dal ahaan loogu casuumaday shirkan, madaxweyneheedu uu khudbad ka jeedin doono, waxaa jira meel ka dhac kale oo Imaaraadku uu u geystay dowladnimada Soomaaliya, ka dib markii wasiirrada DFS lagu sheegey kuwo Soomaaliland matalaya, inkastoo markii dambe dib loo saxay. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniinti shalay sheegay, in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Isra’il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Isra’il iyo Xamaas. Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu danbeeya ay leedahay Isra’il. “Haddii aysan halkaan joohin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in in Mareykanka uu ka qeybgali doono si loogu jawaabo Xamaas, haddii aysan soo deyn la heystayaasha, ayuu Trump yiri “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.” Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib marki ay Xamaas shaacisay shalay, in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha gacantooda ku haray. Xamaas ayaa ku eedeysay Isra’il in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda todobaad jira, gaar ahaan in ay Falastiinyiinta u diidday dib ugu laabashada qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza. Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay kooxda Xamaas oo ku aadan tallaabada uu qaaday madaxweyne Donald Trump.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani. Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab. Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar. Source: goobjoog.com
-
HARGAISA, Somalia – Somaliland’s newly elected leadership is seeking to reopen dialogue with Somalia’s Federal Government, a year after a controversial memorandum of understanding (MoU) on sea access with Ethiopia strained relations between Mogadishu and Hargeisa. The move signals a potential shift in regional dynamics and a possible reconsideration of the contentious Ethiopia deal. Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro), who took office in December after delayed elections, has assembled a cabinet largely supportive of mending ties with Mogadishu. This shift aims to restore Somaliland’s diminished diplomatic influence, which suffered following the Ethiopia MoU. Shortly after the 2024 Somaliland presidential election, Mohamoud Adan Jama (Galal), spokesperson for the Waddani party and the newly appointed Somaliland representative to Taiwan, told the media that the new administration would review the MoU with Ethiopia. “The Waddani party views the maritime memorandum of understanding as a flawed step taken by the former President of Somaliland, Muse Bihi Abdi, to conceal leadership failures and gain political advantage ahead of the 2024 presidential election,” a Hargeisa-based research center reported. Stalled dialogue and shifting positions The Somali Federal Government has reportedly downgraded the activities of the Office of the Special Envoy for Somaliland Affairs, which was tasked in 2023 with conducting national consultations on the dialogue with Somaliland. Abdikarin Guled, the head of the Special Envoy’s Office, visited Galmudug in 2023 as part of nationwide consultation trips, coinciding with the conflict in Las Anod. Guled unequivocally rejected the claim of former Somaliland President Muse Bihi Abdi, who based Somaliland’s secession on colonial borders. Djiboutian President Ismail Omar Guelleh has urged the Somali President to restart talks with the Somaliland administration one year after the 2022 wedding ceremony held in Djibouti. President Guelleh’s efforts led to the December 2023 agreement between the Somali Federal Government and the Somaliland administration in Djibouti. This agreement recognized the Somaliland administration as an entity independent of the Federal Government. It revived previous contracts, including “not to politicize humanitarian aid.” President Bihi used this article as justification for signing the MoU with Ethiopia. The MoU soured relations between Somalia and Ethiopia before the 2024 Ankara Agreement, which obligates the Addis Ababa government to respect Somalia’s territorial integrity and seek legitimate maritime commercial access. The MoU exposed conflicting principles guiding the Somalia-Somaliland talks. While Mogadishu politicians perceived Somaliland’s representation in federal institutions as a self-serving step, the secessionist administration interpreted it as supportive of its self-determination claim based on colonial borders. The Federal Government of Somalia has rejected calls to recommence talks with the Somaliland administration. “The principle guiding any future dialogue must oblige the Somaliland administration to comply with the obligation to respect the territorial integrity and political independence of Somalia,” said a senior advisor to the Somali Federal Government. Ethiopia’s shifting stance In a further sign of the changing political landscape, the Ethiopian government reportedly prevented a Somaliland delegation from delivering a speech at a UNESCO event in Dire Dawa. The event celebrated the recognition of Xeer Ciise, a traditional Somali customary law system, as part of the world’s Intangible Cultural Heritage. Instead, a delegation from the Somali Federal Government was given the platform. Somaliland, a self-declared independent republic in northwestern Somalia, declared its independence in 1991 after the collapse of the Siad Barre regime. While it has established its own government and institutions, it remains unrecognized internationally. Disputes over sovereignty and autonomy have marked the relationship between Somaliland and the Federal Government of Somalia in Mogadishu. Previous attempts at dialogue have yielded limited progress, with both sides holding firm to their core positions. The January 2024 MoU between Somaliland and Ethiopia, granting Ethiopia access to the Red Sea in exchange for potential recognition of Somaliland’s independence, sparked outrage in Mogadishu. The Somali Federal Government viewed the deal as a violation of its sovereignty and territorial integrity, leading to a sharp deterioration in relations with Ethiopia. T
-
BOSSASO, Somalia – An airstrike in Somalia’s northeastern Puntland region killed more than 13 foreign fighters belonging to the Islamic State (ISIS) group, security officials said Monday. The strike targeted ISIS hideouts in the Dhasaq area of the Calmiskaad mountains within the past 24 hours, Puntland’s counter-terrorism unit said in a statement. The statement specified that the dead were “foreign fighters.” Puntland security forces also carried out operations in the Hararyo and Toga-Jeceel areas, discovering sites previously used by ISIS, according to a separate statement on social media platform X (formerly Twitter). Regional officials did not disclose the origin of the airstrike. However, the strike comes just over a week after US Africa Command (AFRICOM) confirmed conducting airstrikes against ISIS in Somalia in coordination with the Somali government. AFRICOM said those strikes killed key ISIS-Somalia members. ISIS maintains a presence in Puntland, though it is smaller than the al-Shabaab militant group, which has been fighting Somalia’s government and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM) since 2007. Al-Shabaab is affiliated with Al-Qaeda. ISIS-Somalia, also known locally as Jabhaat al-Islamiya or Abnaa ul-Calipha primarily operates in Puntland’s Bari region. Somali President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against al-Shabaab in 2022. Puntland security forces have been conducting operations against extremist groups for over a month. Islamic State presence in Somalia ISIS established a foothold in Somalia around 2015, primarily in the northern Puntland region. Although significantly smaller than the more dominant al-Shabaab, ISIS has maintained a presence through guerrilla tactics, targeted assassinations, and occasional large-scale attacks. The group often clashes with al-Shabaab, competing for recruits, resources, and territory. Puntland’s rugged terrain, particularly the Al-Miskaad Mountains, has provided a strategic advantage for ISIS fighters, allowing them to establish hidden bases and evade security operations. Puntland security forces have been engaged in sustained anti-terror operations for over a month, successfully reclaiming territories previously controlled by ISIS militants. Somalia has grappled with widespread insecurity for years, facing persistent threats from both al-Shabaab and ISIS. Al-Shabaab, which has been waging an insurgency against the Somali government and the African Union Mission in Somalia (AUSSOM) since 2007, remains the most prominent militant threat.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani. Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, xilli cabsi weyn laga qabo in xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaado. Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamim ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab. Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar. Dowladda Qatar ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, wuxuuna wadahadalkaan ku soo aadayaa iyagoo Imaaraadka Carabta ay si cad u daandaansanayaan dowladda Soomaaliya, iyagoo ku xad-gudbaya madax-banaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Imaaraadka ayaa maanta shir caalami ah ku casuumay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isagoo ku casuumay maqaamka dal madax-banaan, taas oo dowladda federaalka ka careysii karta, inkastoo aysan weli wax war ah ka soo saarin. Qatar iyo Imaaraadka ayaa isku ah Khaliijka Carabta, waxaana ilo wareedyo xog ogaal ah ay sheegayaan in Xasan Sheekh uu Amiirka Qatar uga dacwooday Imaaraadka oo mar kasta ku xadgudba Soomaaliya, iyagoo uga faa’iideysanaya duruufta.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa lagu marti-qaaday in uu ka qayb galo Shir-weynaha Dawladaha Adduunka ee sanadka 2025 oo ka dhici doona Dubai, ma cadda in shirkaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya. Cirro ayaa maanta ka baxay Hargeysa, isagoo u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo lagu marti qaaday shir Dubai ka dhici doona 11-ka ilaa 13-ka bishaan, tallaabadaan ayaa halis geli karta xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta. Xuseen Cabdullahi oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaas ay ka soo qeyb galayaan inta badan madaxda dowladaha caalamka. “Madaxweynaha Somaliland wuxuu shirkaas ka jeedi doonaa khudbad taariikhi ah, isagoo dul istaagi doona geedi socodka iyo hormarka iyo guulaha ay Somaliland ka gaartay dhinacyo badan oo saameyn ku leh gobolka Geeska Afrika,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkaan lagu casuumay Madaxweyne Cirro uu muujinayo doorka ay Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo mudnaanta isisoo tareysa ee caalamku siinayo. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey ajendayaasha shirkaas isagoo sheegay in shirkani uu muhiim u yahay caalamka, Somaliland-na ay Sharaf gaar ah u tahay in lagu casuumo. “Tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii shirweynahaan waxaa hoggaaminayey Sheekh Maxamed Bin Raashid-ka Imaaraadka, wuxuuna noqday madal caalami ah oo lagu gorfeeyo siyasadaha caalamka,” ayuu yiri. Ma cadda in shirweynahaan lagu casuumay dowladda federaalka Soomaaliya, balse arrintaan ayaa xad-gudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya, waxaana suurtagal ah in talaabadaan ay dhaawacdo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Hoos ka daawo
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dowladda Turkiga Prof. Burhanettin Duran. Wasiir Fiqi ayaa wafdigaan ka socda Turkiga kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh. Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11-kii December, 2024. Baaqaas ayaa lagu heshiisiiyey dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana garwadeen ka ahaa dowladda Turkiga. Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgashiga, Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Dabiiciga. Labada Wasiir ayaa isku raacay in la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh. Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor u qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga. Imaashaha wafdigaan ayaa ku soo aadaya iyadoo la filayo in madaxweynaha Turkiga Erdogan uu safar ku yimaado magaalada Muqdisho.
-
Dowladda dalka Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Congo ayaa maanta oo Isniin ah dacwad kusoo oogtay ugu yaraan 75 askari oo ka baxsanayay dagaalka fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto. Askartan ayaa lagu eedeeyay inay ka carareen dagaal ay M23 kula galeen gobolka Kivu ee ku yaalla Koonfurta bari ee dalkaas, halkaas ay ka dheceen rabshado xooggan oo ka dhashay weerarrada jabhada, islamarkaana dad rayid ah ay waxyeello ka soo gaartay. xafiiska dacwad oogaha militariga ayaa sidaas ayaa sheegay in askartaas la maxkamadaynayo, ayadoo lagula xisaabtamayo sida ay difaaca dalka uga carareen, islamarkaana mas’uuliyaddii ay u dhaarteen ay u gabeen. Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ah ee Koongo ayaa sidaan oo kale bilo ka hor makaxmadaysay ka dibna dil toogasho ah ku xukuntay in ka badan 20 askari oo lagu eedeeyay ka cararka furimaha dagaalka ay dowladdu kula jirto fallaagada M23. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah xafiiskiisa Wasaaradda ku qaabilay, wafdi Turki ah oo uu hoggaaminayay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Prof. Burhanettin Duran, isaga oo kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka, laguna kobcin karo iskaashi istiraatiijiyadeed, laguna ballaarin karo wax wadaagga nacfi is-dhaafsiga ee dhinac weliba leh. Wasiir kuxigeen Duran ayaa salaan uu ka siday Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, u gudbiyay Wasiir Axmed Fiqi, isaga oo ka hadlay horumarka laga gaaray Baaqii Ankara ee soo baxay 11 December, 2024. Intii kulanka lagu guda-jiray, waxaa labada dhinac ay xuseen muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyada la kala saxiixday ee dhinac kastaba leh, oo ay ku jiraan Gaashaandhigga, Maalgeshiga, Kaluumaysiga iyo kheyraadka dabiiciga, iyadoo la xoojinayo baahida loo qabo iskaashi sal adag oo taabagelinaya horumar waara, horseedaya kobac dhaqaale, hubinaya barwaaqo-sooran muddo fog ah oo labada dhinac leh. Kulankani ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Xamsa Aadan Xaadow iyo qaar ka mid ah agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, iyada oo inta kulanka lagu guda-jiray lagu wadaagay ka go’naanshaha labada dal ee walaalaha ah horumarinta iskaashi istiraatiijiyadeed oo kor-u-qaadaya dhinacyada muhiimka u ah dano wadaagga. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekada ugu hadal-haynta badan Soomaaliya ayaa noqotay qisada Abshir Aadan Maxamed iyo Xafsa Maxamed Macallin. Gabadhan oo ka tagtay gobolka Bakool, kuna sii jeeday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, si ay ula aqal gasho Abshir oo ka tirsanaa argagixisada ayaa waxaa gacanta kusoo dhigay laamaha amniga ee dowladda federaalka. Labaduba waxay kasoo jeedaan gobolka Bakool, waxay rabeen in nikaaxooda ay deegaan rasmi ah u beddelaan. Abshir markii uu ka war helay in xaaskiisa la qabtay ayuu go’aansaday inuu isku soo dhiibo dowladda federaalka Soomaaliya. Markii la maxkamadeeyay labadaba, dowladda waa cafisay gabadhii, halka Abshir uu mari doono hal sano uu mari doono hal sano oo dhaqan celin ah. Waxaase dad badan taabatay in xubin argagixiso ah uu jaceyl dartiisa u beddeli karo fikirkiisa. Xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha gaashaandhiga Cumar Cali Cabdi ayaa goobjoog ka noqday madal Sabtidii lagu kulmiyay lamaanahan. Xafsa waa xor oo waa lasii daayay waana la damiintay, halka Abshir uu hal sano oo dhaqan celin ah mari doono. Waxaa la sheegay in la siiyay lacag dhan 3,000 dollar, si ay aroos ugu sameystaan. Haddaba, maxay ka dhigan tahay tallaabadan iyo in xubno dowladeed ay bixiyaan lacago la iskugu guurinayo xubno ka yimid argagixisada. 1. Baahida guurka Xafsa iyo Abshir waxay muujiyeen inay qabaan baahi guur. Waxaa dhici karta inay argagixisada ula joogeen inay ka helaan dhaqaale ay reer ku noqdaan. In qodobkaasi la fududeeyay waxay ka dhigan tahay in baahidoodi la xaliyay oo jidkii argagixisada laga soo xiray. Kuwo badan ayaa jira oo argagixisada u galay duruufo dhaqaale. 2. Fulinta ballantii dowladda Horey madax dowladda federaalka Soomaaliya waxay u ballanqaadeen in si wanaagsan loola dhaqmi doono qofkii kasoo laabtay fikirka argagixisada. Sida labadan dhalinyarada ah loola dhaqmay waxay ka dhigan tahay in dowladda fulisay ballankeedii. Caadiyadan xubnaha isa soo dhiiba waxaa loola dhaqma si ka duwan sida kuwa lasoo qabtay. 3. Farriin ku socota dhalinyarada weli ku dhagan fikirka argagixisada Waxaa jira xubno badan oo argagixisada la jooga oo aaminsan haddii aad dowladda isku dhiibtaan waa la idin dhibaateyn doonaa. Sidaas awgeed sida loola dhaqmay Xafsa iyo Abshir waxay farriin ugu filan tahay dhalinyaradaasi kale ee ay argagixisada duufsatay ee cabsida ku nool.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo socdaal ku jooga magaalada Addis Ababa ayaa Isbitaalka ku booqday Gen. Fu’aad Xanaano iyo askartii ku dhaawacmay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad. Saraakiishaasi oo dowladdu Caafimaad ugu dirtay dalka Itoobiya, booqashada waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliyey Xildhibaan Cabdirisaaq Shariif Axmed iyo Xildhibaan Khadar Faarax Maxamed oo ka tirsan Golaha Wakiillada dowladda Puntland iyo Ku-xigeenka Wakiilka Puntland ee Itoobiya Xiirey. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida wanaagsan ee loo daryeelayo oo daaweyntu ugu socoto geesiyaasha usoo dhaawacmay dalka iyo dadka, Wuxuuna muujiyay sida Dowladda Puntland uga go’an tahay daryeelka Ciidamada kusoo dhaawacma Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, isagoo Dowladda Itoobiya uga mahadceliyay doorkooda hawalka Argagixisada looga sifeynayo Puntland. Madaxweyne Ku-xigeen Ilyaas Osman Lugatoor ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaasha ku shahiiday intii hawlgalku socday, inta dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryey Caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah. Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo oo la xidhiidha Iskaashiga Caalamiga, horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha , dowlad wanaaga iyo la dagaalanka Argagixisada ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa kusoo wajahan Caasimada Puntland ee Garoowe. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Lugatoor oo isbitaalka Addis Ababa ku booqday dhaawaca Taliye Fu’aad Xannaan iyo askar kale appeared first on Puntland Post.
-
Inta la xaqiijiyay ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay israsaasayn deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho ku dhex martay ciidamo boolis militaaro ah iyo kuwo maamulka deegaanka, sida uu sheegay guddoomiyaha deegaankaasi. Guddoomiyaha deegaanka Jasiira ayaa sheegay in ay gurigiisa ku soo weerareen ciidamo uu waddo sargaal ka tirsan Boolis militaaro, islamarkaana ay ku amreen asaga iyo masuuliyiin la joogay inay joojiyaan howlihii ay halkaas ka wadeen, markii ay ka dhagaygeenna israsaasayni goobta ka billaabatay. Israsaasaynta labada dhinac ayaa sababtay geerida wiil guddoomiyaha walaalkiis ahaa iyo mid kamida ilaaladiisu, wuxuuna guddoomiyaha deegaanka jasiira sheegay in ciidanka ay askarta asaga la joogtay shaqaaqadu dhex martay ay ku yiraahdeen badbaado qaran ayaa gurigan ku abaabulaysaa, iska hor-imaadka ka dibna gurigiisa burbur loo gaystay. Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo saarin shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Jasiira ee sababtay dhimashada iyo dhaawaca, balse maamulka deegaanku wuxuu sheegay inuu caddaalad iyo isla xisaabtan ilaalinta sharcigu gundhig u tahay dalbanayo. walaalkiis iyo askar il Source: goobjoog.com
-
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Suudaan ay yeelato dowlad cusub, ka dib markii ciidamada Suudaan ay si buuxda gacanta ugu dhigeen caasimadda Khartuum. Madaxa ciidamada Suudaan, Cabdel Fattaax al-Burhaan, ayaa dhowaan sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad xilliga dagaalka ah oo ay hoggaaminayaan khubaro, taasoo hoos u dhigtay walaacii laga qabay in militarigu uu talada isku koobto. Source
-
Boqortooyada Sucuudiga ayaa si cad u diiday hadallo kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo ku saabsanaa ka barakicinta Falastiiniyiinta dhulkooda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga Axadda maanta ah. Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa soo jeediyay in la dhiso dowlad Falastiini ah oo lagu aas-aaso dhul Sucuudi ah. Netanyahu ayaa u muuqday inuu kaftamayo Khamiistii markii uu ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay weriye ka tirsan Channel 14 oo taageera Netanyahu, kaasoo si khalad ah u yiri “dawladda Sucuudiga” halkii uu ka oran lahaa “dawladda Falastiin,” ka hor inta uusan saxin. Inkasta oo bayaanka Sucuudiga lagu xusay magaca Netanyahu, haddana si toos ah looguma xusin hadallada ku saabsan dhisidda dowlad Falastiini ah oo laga unko dhulka Sucuudiga. Masar iyo Urdun ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay soo jeedimaha Israa’iil, iyadoo Qaahira ay ku tilmaantay fikraddaas “ku xad-gudub toos ah oo lagu sameynayo madax-bannaanida Sacuudiga.” Boqortooyada ayaa soo dhoweysay “diidmada dalalka walaalaha ah ee ku wajahan hadallada Netanyahu.” “Maskaxda xag-jirka ah ee gumaysiga taageerta ma fahamsana waxa dhulka Falastiin uu uga dhigan yahay shacabka walaalaha ah ee Falastiin iyo xiriirka damiirka, taariikhiga, iyo sharciga ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dhulkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka. Doodaha ku saabsan masiirka Falastiiniyiinta Gaza ayaa cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu Talaadadii soo jeediyay qorshe lama filaan ah oo ah in Mareykanku “la wareego Marinka Gaza” oo uu ka dhigo “Riviera-da Bariga Dhexe” kaddib marka Falastiiniyiinta meel kale loo raro. Dalalka Carabta ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Trump, kuwaasoo yimid xilli xabbad-joojin jilicsan ay ka jirtay dagaalka Gaza oo Israa’iil ay kula jirto kooxda Xamaas, taasoo gacanta ku haysa Marinka. Trump ayaa sheegay in Sacuudiga uusan dalbanayn dowlad Falastiini ah si uu xiriir ula yeesho Israa’iil. Balse Riyadh ayaa si cad u beenisay hadalladiisa, waxayna sheegtay inaanay wax xiriir diblomaasiyadeed la yeelan doonin Israa’iil ilaa la dhiso dowlad Falastiini ah. Mas’uuliyiinta Gaza ayaa sheegay in dagaalka uu dilay in ka badan 47,000 oo ka mid ah ku dhawaad 2 milyan oo Falastiiniyiin ah oo halkaas ku nool. Source
-
Hay’adda NRC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in markii ugu horeysay taariikhdeeda, ay joojinayso howlaha bini’aadanimo ee ay ka fuliso ku dhowaad 20 dal oo ay colaado ka jiraan. Tallaabadan ayaa jawaab u ah joojinta dhaqaalihii uu Mareykanka ku bixin jirey hawl-gallada bani’aadamnimo ee caalamiga ah, ka dib markii maamulka Trump uu ku dhawaaqay go’aan meesha looga saarayo taageeradii Mareykanka ee Hay’adaha gargaarka dunida oo ay WHO ugu horrayso. 20 dal ee ay NRC sheegtay inay joojinayso howlihii ay ka wadday ayaa waxaa kamid ah Afgaanistaan, Suudaan, Burkina Faso, iyo kuwo kale, waxaana laga cabsi qabaa in go’aankani uu Soomaaliya saameyn ku yeesho. NRC ayaa ka shaqaysa caawinta dad qaxootiga ah iyo hawlaha bini’aadanimada ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan, waxayna ka howl-gashaa dalal badan oo ay dagaallo ka socdaan, kuwaas oo xaalado bini’aadanimo ay ka jiraan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga horyimid tallaabadii shalay awoodda ciidan lagula wareegay guriga hooyooyinka. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa shalay subax ku jarmaaday guriga hooyooyinka, kuwaas oo guud ahaan la wareegay dhismaha guriga, islamarkaana xiray qaar kamid ah haweenkii ku sugnaa halkaasi. Xisbiga ayaa si adag u cambaareeyay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid ka baxsan dowladnimada, “Xisbiga wuxuu cambaareynayaa falka ka baxsan anshaxa dowladnimada ee lagula kacay haweenka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan weerarkii lagu qaaday gurriga Hooyooyinka halkaas oo lagu jirdilay haween Soomaaliyeed, kuwa kalena lagu xiray.” Sidoo kale waxa uu xisbiga ugu baaqay madaxda sare ee dowladda in aysan dhegaha ka fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan, kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed. “Canshuurtu waa waajib saarran muwaadinka Soomaaliyeed, hase ahaatee waxaa hay’addaha maaliyadda dowladda federaalka looga baahan yahay inay la yimaadaan hannaan canshuur qaadis oo ka hufan musuq-maasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan,” ayaa lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay xisbiga. Waxa uu intaas kusii daray “Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool caasimadda Muqdisho waa canshuur bixiyaasha ugu badan dowladda, mana helaan adeeg dowladeed sidaas darteed waa muhiim in dareenkooda si dhab ah loo tixgaliyo.” Dhinaca kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa wuxuu ka digay sii socoshada xiisadaa colaadeed ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, gaar ahaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo hoggaanka dowladda ugu yeeray in khilaafka siyaasadeed ee Jubbaland lagu xaliyo wada-hadal, lagana fogaado gacan ka hadal iyo in ciidamada qaranka loo adeegsado. Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka xisbiga lagu bogaadiyay howl-gallada wada-jirka ee ciidamda qaranka iyo kuwa Macaawiisley ka wadaan qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan guulihii ugu dambeeyay ee ciidamada ka soo hooyeen dagaalada ka socda gobolka Hiiraan.
-
Ciidanka badda iyo ilaalaada Xeebaha Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegay 60 sana-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1965-tii. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa hambalyo u diray ciidankan oo kamid ah cutubyada ugu muhiimsan qeybaha uu ka koobanyahay geyshka Soomaaliyeed. Ku simaha Taliyaha Ciidanka badda Gaashaanle Cabdiwaaxid Cali Afrax ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay ciidankani u shaqeeyaan iyo heerka ay awooddooda gaarsiisantahay markii la eego Mas’uuliyadda baaxadda leh ee ay u xilsaaranyihiin. Gaashaanle Cabdiwaaxid wuxuu sheegay in ciidankan mas’uuliyaddiisu ay tahay ilaalinta Xeebaha iyo kheyraadka ku jira, islamarkaana beri-samaadkii uu lahaan jirey awood aad u sarraysa iyo gaadiid maraakiibta iyo doomo dheereeya isugu jira oo uu ku difaaci jirey dhammaan badda Soomaaliya gees ka gees, balse qalab iyo hub ku filan aanu haysan, hayeeshee wuxuu rajo ka muujiyay in saraakiil iyo askar aqoon ku filan hadda uu dalku haysto. Dowladda Soomaaliya ayaa tobanaankii sanoo la soo dhaafay ku dadaalaysay qalabaynta iyo tababarka Ciidanka xoogga dalka, balse xilligan oo cuna-qabatayntii hubka dalka laga qaaday ayaa lays weydiinayaa waxa hor taagan in Ciidanka badda si wanaagsan loo qalabeeyo si ay difaaca baddeena cadowgu ku soo hiigsanayo awood buuxda ugu yeeshaan. Source: goobjoog.com
-
Dawlada Imaaradka Carabta ayaa u diiday Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalkaasi kaga qayb galo Shir ay ka qayb galayaan Madaxda Caalamku Sida Ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Luqmaan Media. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sacadihii ugu danbeeyay ku jira sidii Dawlada Imaaradka Carabta looga ergeyn lahaa ka qayb galkiisa shirkaas balse ilaa iyo hada Dawladda Imaaradka Carabtu may aqbalin. Taas Badelkeeda Madaxweynaha Somaliland ayaa Hargeysa kaga duulay Diyaarad Khaas oo Dawlada Imaaradka Carabtu u soo dirtay taaso ka degaysa Garoonka ay ka degayaan 30-ka Madaxweyne ee Shirka ka qayb galaya iyo madaxda sare ee caalamka ka socota Iyadoo Madaxweyne Cirro loo diyaariyay soo dhawayn la meeqam ah Madaxweynayaasha Caalamka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha ayaa maalintii saddexaad xiran, kadib markii ay ganacsatada ka gadoodeen canshuuro dheeri ah oo lagu soo rogay. Ganacsatada suuqan oo si weyn uga cawday lacago toban nuuc ah oo iskugu jira canshuur iyo adeegyo dowladeed iyo hay’ado amni, wasaarado iyo gobolka ayaa sheegay inay ka shaqeysan la’yihiin dowladda. Ganacsatada oo soo saaray war-saxafadeed cabasho ah ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay ballan ka bax ku sameysaya ganacsatada in ka badan laba mar, ayna ku saayidisay lacago dheeri ah oo loo xiray shaqsiyaad shaarka dowladda gashan, sida lagu yiri qoraalka. “Ganacsatada waxaa looga baxay balamihii ee laga qaaday ee ahaa in culeyska ganacsatada gobolka Banaadir saaran iyo shaqsiyaadka shaarka dowladda gashan ee lacagaha baada ah ka qaata ganacsatada laga dulqaado kuwaasi oo waxba ka fulin,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Midowga Ganacsatada gobolka Banaadir. Sidoo kale ganacsatada ayaa madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta cabashada soo noq-noqotay, taas oo salka ku haysa shaqsiyaad macaash doon ah oo shaarka dowladda adeegsanaya. Waxa kale oo ay tilmaameen in maalin kasta la handado, islamarkaana loogu tego goobahooda ganacsi, iyagoo la waydiinayo inay soo daabacaan akoonadooda. Xirnaashaha suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho maalintii saddexaad ayaa ku yimid go’aanka ganacsatada oo sheegay inay ka shaqeysan waayeen dowladda. Si kastaba, dowladda Soomaaliya oo ka hadashay xirnaashaha suuqa Bakaaro ayaa iska dhago tirtay cabashada ganacsatada, iyadoo ka hortimid shaqo joojinta ay sameeyeen ganacsatada.
-
Speaker Madobe: Somalia must transition to direct elections
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) – Somali Lower House Speaker Sheikh Aden Mohamed Nur Madobe announced on Monday that Parliament is working to ensure the country transitions to a one-person, one-vote electoral system, a key reform to strengthen Somalia's democratic governance. Source: Hiiraan Online -
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta meesha ka saaray walaaca laga qabay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isku sidan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland. Madaxweynaha oo maanta la kulmay komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xaqiijiyay in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaa darteedna ay doorashooyinka isku-sidkan ay ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasi oo ah 31-ka bisha May, 2026-ka. Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu madaxweynuhu xilka hayey, Cirro ayaa komishanka uga mahad-celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen, iyadoo Komishanka uga warbixiyay madaxweynaha habsami-u-socodka hawlaha ay uga wakiilka yihiin maamulka. Sidoo kale, komishanka doorashooyinka waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh. “Madaxweynaha ayaa komishanka ku amaanay hirgelinta doorashadii xasaasiga ahayd ee madaxtooyada. Madaxweynuhu wuxuu komishanka u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland. Mudane Cirro ayaa komishanka ku wargeliyay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee ka soo baxay doorashadii lasoo dhaafay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadaha iyo duruusta laga baran karo si mustaqbalka looga digtoonaado. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale wuxuu komishanka u xaqiijiyey in uu fulayo ballan-qaadkii uu la galay bulshada Somaliland ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaas darteedna ay doorashooyinka ku qabsoomi doonaan waqtigeeda, iyadoo xukuumadda ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka.
