Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,311
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. SOMALIA: TANZANIA and Somalia have signed multiple agreements aimed at enhancing the bilateral relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  2. Kenya: Nairobi River pollution contaminates food and water supply Source: Hiiraan Online
  3. French President Emmanuel Macron said Friday that he wants the military base in Djibouti to once again be defined as a "projection point" for his country's various missions. Source: Hiiraan Online
  4. Manchester City's miserable run of form and results continued on Saturday when Pep Guardiola's side slipped to a 2-1 defeat away to Aston Villa in the Premier League. Source: Hiiraan Online
  5. Two Somali fishermen wearing big scarves over their heads to hide their faces glance around furtively as they walk into the room for a secret meeting to tell me why they have recently decided to become gun-wielding pirates - in search of million-dollar ransoms. Source: Hiiraan Online
  6. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan. Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto. Source: goobjoog.com
  7. Wararka ka imaanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba mileeshiya-beeleed. Goob-joogayaal ku sugan degmada Xarfo ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan rasaas xooggan oo ay is weydaarsanayaan labada mileeshiyaad ee ku dagaallamaya magaalada. Warar hordhac ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tira-koobka khasaaraha dagaalka. Sidoo kale ilaa iyo hadda xog dheeri ah lagama hayo waxa sababay dagaalka balse wararka ayaa tibaaxaya in uu salka ku hayo muran dhuleed oo soo noq noqday. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron inta uu ku jiray shirka jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda, kaddib booqasho hal maalin ah oo uu shalay ku gaaray Addis Ababa. Abiy ayaa dhankiisa sheegay in labada hoggaamiye ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu nabad ugu geli lahaa badda cas. Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageerro doonista marinka badda. Faransiiska , ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageerraya Itoobiya , iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallan badda , taa oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda , mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo taageeray damaca Itoobiya ee Bad raadinta appeared first on Puntland Post.
  9. AQP8aUSENaSvtqUCPBhaKAuZXke66YcFQjUuVaa7jAZ18s2sCxy_OUfNKgZVjiJH6DYAkGD5Og30MfCEb0qf_zDL Qaran News
  10. ETHIOPIA: Dacawaley. Dawladda dhexe ee Federalka Ethiopia oo si deg dega uga soo jawaabay baaqii shacabka Ethiopia ee degan deegaanka Dacawaley, oo shalay baaq diray dawladda Federalka Ethiopia. Deegaanada Dacawaley waxaa soo gaadhay Ciidamada Federalka ee dalka Ethiopia markiiba amar ku bixiyey in aanay tuulada Yoocaale soo dhaafi karin maleeshiyada Ogaadeen ee xidhan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, kuwaas oo shalay xasuuq ka geystay deegaanka Dacawaley ee ay degaan beesha Arab Sheekh Isaxaaq. Beel weynta reer Sheekh isaxaaq ee u dhashay dalka Ethiopia waa beesha qudha ee si dhab ah uga qayb qaadata dhismaha dawladnimada, ilaalinta nabadgelyada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka Ethiopia, sidaa awgeed reer Sheekh Isaxaaq cidna magan uga ma aha dalkooda Ethiopia ee waxay leeyihiin xuquuq la mid ah shacab weynaha dalka Ethiopia. Way mahadsan yihiin madaxda Xukuumadda dhexe Ethiopia iyo Ciidamada Federalka Ethiopia, oo si masuuliyadi ku jirto uga soo jawaabay baaqii uga yimid shacabkooda degan deegaanka Dacawaley oo dhulkooda ay Ogaadeenku doonayaan inay ku qaataan shaadhka dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia Axmed Yaasiin Cabdiraxmaan Qaran News
  11. Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo. Muqdisho (Faallo ) — Dhammaadkii siddeetamaadkii iyo sagaashamaadkii oo dhan qarnigii hore Laanta af Soomaaliga ee BBC waxay ahayd idaacad wariyayaasha u shaqeeya ay la kala safnaayeen dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya. Bishii Juunyo 1988 mar aan fiidnimadii dhegeysanayay faallo Laanta af Soomaaliya ayuu weriye yiri: “Ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) wuxuu halgankiisa xaqa ah bilaabay 1981kii.” Faallada ku saabsanayd dagaalkii 1988 ka dhacay Waqooyiga waxaa qoray Martin Plaut. Ereyga “xaq” wuxuu ahaa mid uu wariyaha Soomaaliga ihi ku darsaday faallada (faallada oo cod ah ma hayo hadda sidaas darteed ma sheegayo magaca wariyaha). Siyaasadda tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC waxay ahayd jaantaa-rogan — mid wariye kasta uu ugu dhaqmo sida uu doonayo. Dhowaan waxaan dhegeystay warbixin 1995 ay Laanta af Soomaaliga ee BBC sii daysay ku saabsanayd lacag uu maamulka Somaliland soo daabacday. Siciid Cali Muuse oo ka hadlayay lacagta ayaa yiri: “ Waa barnaamijkii Xulashada oo aan maanta idiinku hayo Lacagta cusub ee dalka Somaliland. Dalka la yiraahdo Somaliland waxaa jirta inuu yeeshay lacag dhowaan.” Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland. Maxamed Cabdullaahi ayaa ahaa Madaxa Laanta af Soomaaliga waqtigaas. Ma cadda inuu raalli ka ahaa in Siciid Cali Muuse ku tilmaamo Somaliland dal. Sida Siciid warbixinta u soo gudbiyay waxay muujinaysaa inuu ku xadgubay tilmaammaha tafaftirka ee BBC (BBC editorial guidelines). Wariyayaasha BBC oo taageersan goosashada waxay Somaliland ku tilmaami jireen “dal”. Isbeddel keenay in si habsami leh loogu dhaqmo tilmaammaha tafaftirka ee Laanta af Soomaaliga BBC ayaa dhacay sanadkii 2000 markii Yuusuf Garaad Cumar loo magacaabay Madaxa Laanta af Soomaaliga. Yuusuf Garaad wuxuu ku faray wariyayaasha in Somaliland aan loogu yeeri karin dal marka war ama warbixin la soo tabinayo. Yuusuf Garaad wuxuu soo jeediyay in Somaliland lagu tilmaamo sida BBC World Service ay ku tilmaanto: “Jamhuuriyadda is magacawday ee Somaliland” (the self-proclaimed republic of Somaliland). Siciid Cali Muuse wuxuu markuu Laanta af Soomaaliga ee BBC ka tagay xubin ka noqday Guddiga Doorashooyinka ee maamulka Somaliland. Qoraha faalladan wuxuu ka shaqayn jiray Laanta af Ingiriiska ee Raadiyo Muqdisho 1979-1987. Puntland Post ayaa leh xuquuqda soo saarista faalladan. © Puntland Post, 2024 The post Sida Yuusuf Garaad u Turxaan-bixiyay Laanta af Soomaaliga ee BBC appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika (EASF). Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika. Hoggaakaan ay Soomaaliya la wareegtay ayaa mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika. Xil-wareejintaan ayaa dhacday intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan. Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo casuumaad u fidiyey ururkaan ayaa balan-qaaday in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto.
  13. AQOa4QBHiJZFQci9lQlimmjaFCXEfNNmFO3soR7v7Wj4u9h3_X9ZpEDOIjsOq0Gk2ma7QsG8hjMhsFA8sHBI35jk Qaran News
  14. AQOrkiwLkfj2o-SrNAlxq7iUCb6gO1LnETYTg1C551iFHg-tYztBIASAY_-KjB8VCurc10qs0Qph4G05w6YrDbCx Qaran News
  15. Walaweyn (Caasimada Online) – Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa ka gadooday munaasabadii uu dhigtay Cabdicasiis Laftagareen, waxayna saacado kooban u qabteen hoggaamiyaha maamulkaas oo u dabaal-degay sanad-guuradiisa 6-aad ee mudadii uu xukunka joogay. Ciidamada Daraawiishta Maamulkaas ayaa iska soo duubay muuqaalo ay ugu hanjabeen Laftagareen, iyagoo soo gudbiyey cabasho yaab leh, soona bandhigay dayacaad ay kala kulmeen Laftagareen. Ciidanka maanta hadlay ayaa badankood waxay joogaan degmada Walaweyn iyo deegaano kale oo Laftagareen uu geeyey dhowr bilood ka hor, xilli ay isku dhacsanaayeen beesha Gaaljecel oo Daraawiishta maamulkaas ay dagaal la galeen. Waxay sheegeen in Laftagareen uu habeen hore dhigtay xaflad weyn oo boqolaal kun oo doolar ay ku baxday, xilli ay ku dhibaateysan yihiin duurka oo mushaar iska dhaafe aysan heysan wax sahay ah. Ciidamada ayaa muuqaaladan ku faafiyey barahooda bulshada, iyagoo isaga duubay taleefanadooda, muddo 24-saac gudahood ah ayey u qabteen in Laftagareen uu uga soo jawaabo cabashadooda. Ciidamada qaar ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Laftagareen oo u dabaal degaya sanad guuro sharci darro ah, maadaama uu dhamaaday labo sano ka hor muddo xileedkiisii, in hadana madaxdii qaranka ay tageen Baydhaba oo la dabaal degeen Laftagareen. Sidoo kale waxay sheegeen in ciidankiisii oo gaajo u dhimanaya uu Laftagareen boqolaal kun oo dollar ku dhigtay hal munaasabad oo ku kacday boqolaal kun oo doolar, ciidankaan ayaa muujiyey cabasho xoogleh oo sanado ay la aamusnaayeen. Guud ahaan Koonfur Galbeed waxaa ka jirta saboolnimo ay sababeen qabado is biirsaday, caqabadahaas waxaa kamid ah go’doominta Al-Shabaab, maadaama aysan magaalo ku gudbi Karin magaalo kale. Sidoo kale waxaa ka mid ah maamul xumo iyo eex uu hormuud u yahay Laftagareen, hadana labo sano ayuu sharci darro ku joogaa xukunka, waxayna xalay Xamsa iyo Aadan Madoobe oo wata raxan masuuliyiinta kale ee qaranka ah kula dabaal degeen Baydhaba, isagoo u dabaal degaya sanad guuradii 6-aad oo labo sano uu sharci darro ku joogo xukunka.
  16. Trump ma aqoonsan doonaa Somaliland? Yaase la wada? Sannadkan waxa aad u xoogaystay xogta sheegaysa in madaxweyne Trump uu doorkan isu diyaarinayo sidii uu aqoonsi buuxa u siin lahaa Somaliland. Hadal haynta hawshani maaha mid soo if baxday 5 bishii hore oo ahayd xilligii doorashadu Carra Maraykan ka dhacday. Waase mid soo taxnayd tan iyo sannadkan sii galbanaya badhatamihiisi. Warbaahinta Dunida ugu Afka dheer oo Carab iyo reer Galbeedba leh ayaa qaada dhigay suurtagalnimada in uu Trump qorshe aqoonsi doorkan ka lee yahay Somaliland oo aanay is aqaan xil hayntiisi hore. Tusaale ahaan Warbaahinta arrimaha sirta ka faalloota ee African Intelligence waxay 2-dii bishii August sheegtay in kooxda ololaha ee Donald Trump in ay wadaan sidii qorshaha loogu dari lahaa aqoonsi la siiyo Somaliland. Mar kale Barmaamijka ololaha Trump salka looga dhigay ee Project 2025 waxa ka soo dhex mudhay dananaynta ku aaddan in aqoonsi buuxa Maraykanku ugu xagaf siiyo Somaliland. Xilligii ay dhacsay doorashada Somaliland ee 13-kii November waxay Warbaahintu aad u qortay in doorashadan ka dib Somaliland rajanayso aqoonsiga ay raadinayso. Tusaale ahaan Wakaalada Wararka ee Reuters waxay 13 ka bishii hore qortay in madaxda ugu sarraysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku ay doonayso in la aqoonsado Somaliland. Madaxdaas waxa ugu horreeya qaar la shaqeeyey Trump xil hayntiisi hore. Isla Al-Jazeera qaybta Ingiriisada oo ka mida Warbaahinta aan u janjeedhin dhinaca Somaliland waxay 13-kii baahisay in ay Somaliland doorasho u dareerayso isla markaana aqoonsi raadiskiina uu marayo halkii ugu sarreeyey. Waxayna xustay in la rajanayo aqoonsi uu Trump ugu dhawaaqo Somaliland. Inta aan sheegay kuma koobna Warbaahinta soo werisay in Trump uu hadda karkarinayo aqoonsi buuxa oo loogu dhawaaqo Somaliland, waxase ilaa bishii hore ka faalloonayey, Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee Independent. Warbaahinta Afka Ruushka ku hadasha ee Reuters. Warfidiyeenka uu Faransiisku lee yahay ee France24 iyo xataa Wargeyso ka soo baxa Israa’iil. Haddaba maxaa keenay in uu Trump aqoonsi siiyo Somaliland, waayose cidda u durbaan tumaysaa? Ugu horrayn Donald Trump oo ah nin badheedhe cad looga bartay, maaha shakhsi daneeya arrimaha Afrika. Wuxuuna u yaqaanna qaaraddii qashin qubka. Doorkiisi hore, lug ma soo dhigin dhammaanba Qaaradda Afrika. Haddana waxa dhayda ka cad in uu danaynayo arrimaha Somaliland! Sababtuna waxay tahay; Xilligii hore ee Trump Geeska Afrika wuxuu ahaa mid ka xasilloon sida uu haatan yahay. Ma jirin Xuutiyiin looga cararay gacankii laga gooshi jirey ee Baabuul Mandab. Waxa koobnayd saamaynta Ruushka ee Afrika. Waxa yaraa halista Israa’iil kaga imanaysa meel ka baxsan Bariga dhexe. Waxana yarayd isla jaanqaadka Maraykanka iyo Itoobiya. Xilligan cid dhab ahaanta Trump ku qancisay in uu Somaliland aqoonsado ama u durbaan tumaysaa waa saddex qolo. Waa saddex qolo oo uu xoog u taageero isla markaana uu la yahay saaxiib dhow. Waa saddex kooxood oo dantooda ka dhex arka Somaliland oo noqota dawlad baarka la baxday oo ku soo biirtay Qaaradda Afrika. Saddexdaasi waxay kala yihiin; 1: Imaaraadka: Imaaraadka Carabtu tan iyo 2016 kii wuxuu si weyn u danaynayey Somaliland. Wuxuu u arkaa in ay tahay goob dihin oo aanay cid kula geli karin loollan adag. Waa halka keliya ee ku dhow Gacanka Baabuul Mandab ee uu saaxiibka la yahay. Waayo Suudaan way ku adkaatay in uu gacanta ku qabtaa. Ku darsoo Imaaraadku wuxuu dilaal u yahay qolo aynu gadaal ka sheegi doonno. 2: Israa’iil. Inkasta oo Israa’iil aanay sii xaalayn arrimaha Geeska Afrika, haddana waxa sannadkan ku soo kordhay culays ka baxsan meelihii ay wax la tiigsan jirtay. Weerarada kooxaa Xuutigu wadaan ee ay ku beegsadeen Maraakibta Israa’iil ee gacanka Baabuul Mandab waxay noqdeen Cashar baray in loo baahan yahay Saldhig ay ka ilaashato daneheeda gobolka. Markan si kasta loo eegayna Somaliland oo keliya ayaa noqotay barta ay hawshan ka dhammaynsan karto. Sidaa darteed waxay soo dhex martay dhinaca Imaaraadka Carabta oo hawshan la riixaya. 3: Itoobiya. Itoobiya oo ah dalka ugu galaan galka dhow Somaliland wuxuu sannadkan qaaday tallaabadii ugu weynayd ee ay abid qaaddo oo ahayd heshiiskii Is fahan ee ay Somaliland la gashay. Heshiiskaas waxa ugu weyn ee caqabada ku noqday wuxuu ahaa in aanay Somaliland ahayn dal la aqoonsan yahay oo heshiis noocaasa lala geli karo. Taa darteed hadda Itoobiya waxay qiime kasta u huraysaa in la aqoonsado Somaliland. Waayo Badda iyo dekedaha anfacayaa maaha kuwa Badweynta Hindaya ee waa kuwa saaran Badda cas oo dabcan Somaliland ku yaalla. Maanta oo u dambaysay waxay Warbaahinta Rasmiga ah ee dawladda Itoobiya daabacday in Maraykanku uu aqoonsi ula taagan yahay Somaliland. Taas oo ka dhigan in ay hawshan la dhacsan tahay. Maraykanku muxuu ka dheefayaa aqoonsi la siiyo Somaliland? In Imaaraadka, Israa’iil iyo Itoobiya oo Maraykanka saaxiib la ah ka sokow, Washington waxay qudheedu danteeda ka dhex aragtaa goobta ay Somaliland ku taalla iyo danaha ay ka fushan karto. Warbaahinta SEMAFOR, waxay bishii hore baahisay in Maraykanku Somaliland ka fushanayo saddex arrimoood oo kala ah; In ay u noqoto goob uu kala socdo qulqulka Hubka ee gelaya Geeska Afrika. In uu kala socdo dhaqaaqa Shiinaha ee gobolka. In uu sidoo kale ka jeedaaliyo duullaanada kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yaman ka dagaallanta oo halis ku noqday danihii reer Galbeedka. Dabcan si hawlahani ugu fulaan waa in uu marka hore saldhig ku yeesho Somaliland isla markaana uu si toosa u soo dego. Ragga hawshan sida weyn dabada uga riixaya waxa ku jira John Peter Pham oo ahaa Ergaygii Maraykanka Afrika xilligii hore ee Trump. Sidoo kale xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Maraykanka ayaa hawshan ka ah hormuud aad ugu ololaynaya. Falanqeeyeyaashu waxay qabaan haddii aqoonsi yimaaddi in Saldhigga ciidan ee Maraykanku Geeska Afrika ku lee yahay wuxu noqonayo Somaliland maaddama oo Jabuuti noqotay bahala galeen laysugu wada yimi. Yaa diidi kara aqoonsi la siiyo Somaliland? Dawlada Shiinaha ayaa kow ka aha dadka ka soo hor jeeda Somaliland sababta oo ah xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland iyo iyada oo ka soo hor jeeda in uu Maraykanku uu soo dego bada gacanka Cadmeed oo ah marin biyood mihiim ah. Inkasta oo dawladaha diidma qayaxan oo keliya looga bartay in ay is hortaagan qorsheyaasha Maraykanka, haddana waxa jira dalal si cad u diidaya in la aqoonsado Somaliland. Waxana kuwaas ka mid noqonaya Jabuuti oo u arkaysa in uu soo biirayo dal la geli kara tartan aad u awood badan. Sidoo kale Masar waxay geeri ka xigtaa in Afrika lagu soo biiirayo dal Itoobiya u ogolaanaya in ay yeelato saldhig Milleteri. Soomaaliya inkasta oo aanay lahayn tamar ay ku baaciso damac ay Washington dabada ka riixayso haddana durba waxay in ay kiraysto shirkado ku ololeeya in aan la aqoonsan Somaliland. Waana tamarta ugu sarraysa ee ay bixin karto. Arrimaha oo dhammi waxay kala caddaan doonaan guga inna haya horraantiisa oo ah marka uu Trump ku dangiigsado kursiga looga taliyo Maraykanka. Jaamac Shube Qaran News
  17. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, isagoo shaaciyey in ciidamada Puntland ay galeen diyaar garow iyo heegan culus, si dhibaatooyinka kooxdaas ay uga dul-qaadaan shacabka Puntland. Siciid Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso uga qeyb galay munaasabad lagu daah-furay bangiga dhexe ee magaalada Boosaaso, isagoo halkaas ka iclaamiyey dagaal ka dhan ah Khawaarijta oo baad iyo cagajugleyn ku heysa ganacsatada Puntland. “Waxaan bishaareynayaa reer Boosaaso, ganacsatada iyo guud ahaan reer Puntland in culeyskii iyo cagajugleyntii lagu hayey aan u diyaar garownay sidii looga dul qaadi lahaa shacabka, ciidanka Puntland wuxuu galay diyaar-garow culus, waxaan ku kalsoonahay diyaar garowga ciidanka, waxaadna maqli doontaan war farxad leh oo ku saabsan guulaha ay ciidankeenu gaari doonaan. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa maleeshiyaadka kooxdaas eek u dhuumaaleysta Puntland ugu baaqay inay isku soo dhiibaan maamulka, halka kuwa ajaanibta ah uu uga digay inay sii joogaan deegaanada maamulkaas. Madaxweynaha Puntland ayaa shacabkiisa ugu baaqay inay isku diyaariyaan, kuna dhiiradaan inay garab istaagaan ciidamada loo diyaariyey inay galaan dagaalka Khawaarijta, kuwaas ooh adda diyaarsan, sida uu sheegay Deni. Dhanka kale Siciid Deni ayaa ka hadlay in Puntland ay bilowday daraasad ku saabsan in ay sameysato lacag iyada u gaar ah. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka. Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.
  18. Tel Aviv (Caasimada Online) – Kooxda Xuutiyiinta ee Ansarullah waxay la bartilmaansadeen magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’il, gantaalahaas ayaa noocooda lagu sheegay “Falastiin 2” kooxdu waxay bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in weerarku uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday ciidamada Israel. Afhayeenka milateriga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa hadal uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in ciidamada gantaallada ee kooxda ay ku guulaysteen inay beegsadeen xarun ay leeyihiin ciidamada Israa’iil, taas oo ah isku day kale oo ay ku doonayeen inay ku qaadaan weerar ka dhan ah Israa’iil. Yahya Saree waxa uu intaas ku daray, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, in gantaalku “si sax ah uu ugu dhacay bartilmaameedkiisa, difaaca iyo gantaallada ka hortaga kuwa ay ku guul-darreysteen inay ka hortagaan. Sheegashada weerarkaas ayaa ku soo beegantay laba maalmood kadib markii Israa’iil ay duqaymo ka geysatay dekedaha Xuutiyiinta iyo kaabayaasha tamarta ee dalka Yemen, oo in ka badan 1,500 kilomitir koonfurta ka xigta Israa’iil, waxaana ku dhintay sagaal qof, sida ay sheegeen Xuutiyiinta. Dhankooda, ciidamada Israel ayaa ku dhawaaqay inay ku guul-dareysteen inay ka hortagaan gantaal ka yimid Yemen subaxnimadii Sabtida, kaasi oo ku dhacay aagga Tel Aviv-Jaffa. Waaxda adeegga ambalaasta ayaa sheegtay in 16 qof ay dhaawacyo fudud soo gaareen, isla markaana uu jiro burbur hantiyeed, “kooxuhu ay daryeel caafimaad siiyeen 16 qof oo dhaawacyo fudud ka soo gaareen muraayadaha dhismo burburay” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan ku sugnaa guriga, waxaana maqlay qarax weyn, waxaan isla markiiba tagay goobta, waxaana arkay burbur xooggan oo ka dhashay qaraxa ka dhacay dhismayaal ku dhow ,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka Israa’iil oo la hadlay AFP. Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa maanta ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada “ilaa ay ka joogsanayaan gardarrada iyo go’doominta lagu hayo marinka Qaza.”
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay go’aan maanta kasoo baxay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in ka maamul ahaan ay soo daabacanayaan lacago cusub. Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay bilowday qorshe gaar u ah oo ay ku sameysaneyso lacag cusub , taas oo uu tilmaamay inay la jaan qaadi doonto nidaamka maaliyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xusay inay u dhaqmi doonaan sida waddamada kale ee leh nidaamka federaalka oo uu tilmaamay in qaarkood ay leeyihiin lacago u gooni ah. “Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni. Haddaba sidee looga falceliyay? Axmed Jadiid “Weliba Puntino Shilinove aan u bixino Talyaani Talyaani camal oo Dowladda Federaalka iyo Midowga Africa aan u goyno meesha ay ka sugayaan Shilin Somali, sidaas ayaan qabaa”. Maxamed Laba Suulle ” Timir tii horaaba dab-loo waa Adeer lacag aad adigu shaatigaaga ka tolatay cidna marabto” Jaamac Maxamuud “Caqliga oranaya maamul goboleedku lacag u gaar ah haduu yeesho wuxuu ka baxay xayndaabkii federalka waa caqli aan saliim ahayn” Geedi Xaaji “Keligay baa dhawr mar is weydiiyey, hadi DF wax dhaqaajin weydey in lacag PL u gaar ah la sameeyo”. Cabdishakuur Bashka “Madaxwayne fashil ayaa tahay waxaasna socon mayaan ee wax soconaya dadka ula imoow” Maxamed Aar “Puntland iyo Somaliland iyadoon nidaam iyo maamul toonna ka jirin bay dawlado ahaayeen mana usii dabranaan karno rajo dawlad Xamar ka dhalata”.
  20. Bebera (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa haatan wadda qorshe ballaaran oo ay saldhig milatari ku siineyso dowladda Mareykanka, waxaana haatan socda dadaalladii ugu dambeeyay ee ku aadan hirgelinta saldhiggaasi milatari. Wakiilka Somaliland u fadhiya Maraykanka Bashiir Good oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in qorshahan uu si dadar leh ku socdo, wuxuuna xaqiijiyay in saldhigga ay ku martigelinayaan Mareykanka ay ka siinayaan magaalada Berbera ee gobolka Saaxil. Sidoo kale wuxuu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u sheegay inay diyaar u yihiin in saldhig uu Maraykanku ka samaysto Berbera, isaga oo xusay in u wanaagsan tahay danaha labada dal. “Somaliland waa u diyaar inay saldhig millatari siiso Maraykanka, haddii uu ka shaqeynayo masaalixda labada dal ee Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan,” ayuu yiri Bashiir Good. Waxaa kale oo uu intaas kusii daray in Somaliland ay ka go’an tahay inay cilaaqaad iyo iskaashi la yeelato Maraykanka iyo dalalka kale ee caalamka, si loo horumariyo xiriirkooda caalamiga ah. Sidoo kale waxaa jira qorshe kale oo ay Somaliland ku dooneyso in Mareykanka ay uga hesho ictiraaf, waxaana ololahaas horkacaya xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka oo la yirahdo Scott Perry, kaas oo aqalka horgeeyay xeer cusub oo u ololaynaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Hindise sharciyeedka oo tirsigiisu yahay 10402 waxa uu hoosta ka xariiqayaa xasiloonida Somaliland ee tobanaanka sano socotay, ka go’naanta dimuqraadiyadda, iyo muhiimadda istiraatijiyadeed ee Geeska Afrika oo ah sababaha ugu muhiimsan ee aqoonsiga Maraykanka.
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya. “Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda. Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale. Source: goobjoog.com
  22. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/AQMPX2GWP_GoT80iSQ721tx0gjjgyf9JK3OSzsnaP-Ux0guotZVGpsoiARR8Lydeviw5ZBvIFTYkNMCgGaP-6v19.mp4 Wareegto Madaxweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 21/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-007/122024 uu ka soo saaray Illaalinta saacadaha Shaqada. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan;- Wareegto Madaxweyene Ilaalinta Saacadaha Shaqada: Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii aan arkay: Qoddobka 10aad ee Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr: 97/2021 oo Jidaynaya in Saacadaha Shaqada ee caadiga ah (Normal working hours) ee Shaqaalaha Dawladdu ay yihiin siddeed (8) saacadood maalintii, oo toddobaadkiina noqonaya 48 saacadood, marka laga reebo Bisha Ramadaan oo saacadaha shaqada laga jarayo hal saac. Markii aan ku qancay: Muhiimadda ay leedahay dar-dar gelinta iyo kor u qaadidda xaaladaha shaqo ee Hay’adaha Dawladda si loo xaqiijiyo in shaqaalaha dawladdu ay fuliyeen waajibaadkoodii shaqo, sida oo kale-na loo gaadhsiiyo shacabka adeegyadii ay u baahnaayeen. Markii aan garwaaqsaday: In Shaqaalaha Dawladdu ay udub-dhexaad u yihiin habsami u socodka iyo xil-gudashada Hay’adaha Dawladda, sida oo kalena ay mas’uul ka yihiin maamulidda iyo taabagelinta qorshayaasha iyo siyaasadaha Xukuumadda. Waxa aan go’aamiyey: 1. In Shaqaalaha Dawladda ee ka hawl-gala Hay’adaha kala duwan ee Qaranku ay ilaaliyaan Saacadaha Shaqada ee ku xusan Xeerka Shaqaalaha Dawladda, una gutaan waajibaadkooda shaqo si mas’uuliyad leh oo waafaqsan Xeerarka iyo Siyaasadaha Shaqaalaha Dawladda. 2. In Mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladdu ay xaqiijiyaan in shaqaalahoodu ay u illaaliyaan saacadaha shaqada, iskana xaadiriyaan goobohooda shaqo si joogto ah, haddii aanay jirin duruufo u diidaya ama aanay haysan fasax sharciga waafaqsan. 3. In Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu soo saarto Jadwalka Saacadaha Joogtada ah (Regular Working Hours) iyo Jadwalka saacadaha kaalaysiga ah, (Shifts) sida oo kale-na ay dejiso nidaam ay ku kormeerto, kulana socoto habsami u socodka shaqada iyo saacadaha shaqada ee shaqaalaha dawladda, kana diyaariso war-bixin iyo talooyin ay u gudbiso Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Dawladda. ALLAA MAHAD LEH ________________ Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland. Qaran News
  23. Doolow (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay haatan xayiraad dhanka hawada ah kusoo rogtay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo. Amar la sheegay inuu kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu joojiyay dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoomada Doolow iyo Baardheere, halkaas oo ay kamid ah meelaha laga dareemayo dhaq-dhaaqyada u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarkan toos loola wadaagay shirkadaha duulimaadyada oo laga mamnuucay inay diyaaradahooda ka dagaan halkaasi. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sababta ugu wayn ayaa ah in dowladda ay rabto inay ka hortegto dhaqaqaaqa Jubbaland ay ka wado degmooyinkaasi, kuwaas oo ay hoggaaminayaan madaxweyne ku xuigeenka koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo wasiirka amniga maamulkaasi oo haatan ku sugan degmada Doolow. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa haatan si weyn isku hayo, waxaana hadda xiisadda ay u weecatay gobolka Gedo oo ay ku hardamayaal labada dhinac. Si kastaba, ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkan ayaa isku fidinayo degmooyin horleh, waxaana kamid ah Baardheere, Garabahaarey, Beledxaawo iyo deegaano kale.
  24. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud reaffirmed his administration's commitment to enabling Somali citizens to elect their federal and regional leaders directly by 2026. Source: Hiiraan Online