Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Salesman President Hassan Sheikh Mohamud: “People who bought the first batch of Hormuud shares saw the value of their shares appreciate astronomically.” Mogadishu (PP Editorial) — The speeches by the President of Somalia, Dr Hassan Sheikh Mohamud, at the inauguration of North Mogadishu Airport project and the controversial opening ceremony of the Somalia Studies Conference in Mogadishu reflect how disconnected he is from the hardships endured by non-politically connected Somalis in a country dominated by monopolistic businesses with ties to the government. The President turned himself into a salesman when he urged people to buy shares in the North Mogadishu Airport project. “People who bought the first batch of Hormuud shares saw the value of their shares appreciate astronomically ,” he said. Not only has President Mohamud behaved like a broker, but he also misled the public about the nature of share-buying and share-selling businesses. No brokerage can guarantee that the shares of a given company will increase in value, no matter how promising the prospects seem. Claiming that the shares of a future project will increase to boost private investors’ interest indicates dishonesty and a conflict of interest. President Mohamud degraded the office he occupies, the Somali Presidency, and sent a message that businesses have captured the fragile Somali federal institutions. Infrastructural projects impinging on natural security demand careful planning and awareness of the risks that emerge when foreign companies and private businesses claim ownership of a national airport. At the controversial Somali Studies Conference opening ceremony, President Mohamud claimed that all his children are university graduates, stating that only two studied scientific subjects while the rest pursued social sciences. Educational inequality in Somalia is drastic, given the widespread private school system, whereby parents must pay fees. Unlike the pre-1991 Somali government, which to some extent subsidised primary and tertiary education (university education was free in Somalia at the time), the Federal Government of Somalia, like other authorities in Federal Member States, has not taken steps to reduce the educational inequality affecting millions of children excluded from schools when their parents fail to pay fees. President Mohamud benefited from free education from primary school to university, yet he boasted about his children’s achievements without addressing the plight of unschooled Somali children. Moreover, he transformed himself into a political broker, promoting the sale of company shares to people who cannot afford to send their children to school. Leadership indifference to the plight of Somali citizens will define the legacy of President Hassan Sheikh Mohamud. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President Under Fire for Disconnection from Citizens’ Hardships appeared first on Puntland Post.
  2. Kismayo (HOL) – Jubbaland State First Vice President Mahmoud Sayid Adan has accused the federal government of meddling in Jubbaland's affairs, particularly in the contentious Gedo region. Source: Hiiraan Online
  3. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada daga halkaasi. Dagaalka oo ka dhacay degmada Xarfo ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan halkaasi, waxaana ka dhex qarxay dagaal toos ah. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen laba ruux, kuna dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisga ceel-biyood habeen kahor lagu gubey deegaan dhanka Galbeed ka xiga degmada Xarfo ee gobolka Mudug. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa wareegto uu soo saaray waxa Mudane Dahir Shire Maxamed, loogu magacaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha, ayaa isku beddalay Wasiirradii Wasaaradaha, Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Marwo Khadiijo Al-maqsuumi, ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xaquuqul Insaanka, halka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac ( Bashiir Goobbe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu wareegtadiisa ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, Mudane Cismaan Axmed Macoow. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabis iyo isku-shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah Wasiiradiisa appeared first on Puntland Post.
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo dowladda federaalka oo dagaal uu kala dhexeeyo Axmed Madoobe. Jubbaland ayaa si gaar ah uga hadashay qorshaha uu gobolka ka wado wasiirka amniga Jubbaland Cabdullahi Sheikh Ismaaciil (Fartaag) oo haatan ku sugan degmada Garbahaarey, waxayna ku eedeysay inuu colaad ka horinayo gobolka Gedo. “Wasiirka Amniga Gudaha XFS Cabdullahi Sheikh Ismaaciil Fartaag ayaa Garbahaareey la tagay qorshe siyaasadeed qaldan oo ah hurinta Colaado u dheexeeya Dadka walaalaha ah ee Deeganka wada daga iyo duminta Nidaamka Dowliga ah ee ka dhisan Jubbaland kaas oo ay wada dhisteen Shacabka Wada dagan deegaanada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxaa kale qoraalka lagu sheegay in wasiirka iyo xubnaha wehlinaya oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir ay waji gabax kala kulmeen odayaasha dhaqanka ee degmada, kadib markii ay ka biyo diideem qorshaha ay usoo bandhigeen. “Wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS ee jooga Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa ku hungoobay qorshaha ay Wateen kadib Markii ay qorshahaasi iska diideen Odoyaasha Dhaqanka rasmiga ah ee degmada” ayaa lasii raaciyay. Jubbaland ayaa ugu dambeyn ku eedeysay Villa Soomaaliya inay awood adeegsaneyso, si ay ugu qabsato gobolka Gedo, waxayna ka digtay in dhiig uu ka daato gobolkaasi. “Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa ayaa awoodooda iskugu geynaya sida ay iskaga horkeeni lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee wada dagan deegaanada Nabada ah ee Jubbaland taas oo keeni karta in uu faraha ka baxo amaanka ay ku nool yihiin shacabka Jubaland iyo in uu daato dhiig laga baaqsan karo daadintiisa.” ayaa mar kale lagu yiri. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo horay isugu wajahay Raaskambooni ayaa haatan mar kale isku haya dhinaca gobolka Gedo oo uu haatan ka socdo dhaq-dhaqaaq u dhexeeyo labada dhinac.
  6. Hargeisa (HOL) — Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro has called for dialogue to resolve ongoing conflicts with SSC-Khatumo forces in the contested Sool and Sanaag regions. Source: Hiiraan Online
  7. Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay ayaa ka qarxay deegaanka Xarfo ee gobolka Mudug subaxnimadii hore ee maanta sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Iskahorimaadkan ayaa udhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaas oo isku haya muran dhuleed iyo qodista ceel biyoodyo. Inta la xaqiijiyay, dagaalka ayaa sababay dhimashada laba ruux, halka dhaawacyo ay jiraan. Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo odayaal dhaqameed horay ugu baxay xalinta colaaddan ayaa ku guuldareystay inay joojiyaan xiisadda. Mid ka mid ah beelaha ayaa gubay Ceelbiyood laga qoday deegaanka oo muhiim u ahaa dadka deegaanka. Source: goobjoog.com
  8. Garowe (HOL) – At least two people were killed, and a dozen were injured in a clash between clan militias in the Harfo district, Mudug region, on Saturday, residents reported. Source: Hiiraan Online
  9. Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah ay ka jirto halkaasi, kadib markii labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo xooggan. Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada dowlad deegaanka iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo haatan isku horfadhiyo magaalada Xarshin oo ah halka ay ka dhaceen dagaallada. Labada dhinac ayaa helaya gurmadyo, waxaana suuragal ah in markale uu dib u qarxo dagaalka oo saameyn ku yeeshay dadka deegaanka. Dagaallada dhex-maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan illaa 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan. Sidoo kale waxaa fashilmay dadaallada la doonayo in xal looga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa ee ka taagan xadka labada waddan. Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalkan ayaa baaq nabadeed u diray labada dhinac, si xal loogu gaaro. Dagaalladan waxaa ka horreeyay fal kale oo lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowlad deegaanka, kadib weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday, xilli ay ku sugnaayeen degaanka Dacawaley oo ka tirsan gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida. Dhacdadan waxaa ka horreeyay dil kale oo todobaadkii hore agagaarka deegaanka Dacawaley loogu gaystay madaxii amniga ee degmada Yoocaale iyo labo qof oo la socotay, waxaana ka dambeeyay dilkooda dabley hubeysan oo aan la garan, kadibna baxsatay.
  10. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu taageerayo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed, iyada oo lagu xallinayo wada hadal iyo in la ixtiraamo sharciyada caalamiga ah iyo deriska. Macron ayaa hadalkan ka sheegay sabtidii kaddib booqasho hal maalin ah oo uu ku tagay Addis Ababa, halkaas oo uu wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Intii lagu guda jiray shir jaraa’id, Macron wuxuu soo dhoweeyay Bayaanka Ankara oo ay gaareen Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 11-kii Diseembar. Bayaankaas oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, “hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya waxay ku adkeysteen inay ixtiraamayaan midnimada, madaxbannaanida, madax-bannaanida dhuleed, iyo mabaadi’da ku qoran sharciga caalamiga ah, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Ururka Midowga Afrika.” Labada dhinac waxay kaloo ku heshiiyeen inay billaabaan “wadahadallo farsamo” bisha Febraayo si faahfaahinta helitaanka marin badeed ee Itoobiya looga hadlo, waxaana wadahadalladaas gacan ka geysan doona Turkiga, lana dhammeystiri doona oo la saxiixi doonaa muddo afar bilood gudahood ah. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo saaray ayaa ka digay halis uu sheegay inay kusoo food leedahay shacabka deggan dhulka xeebta ee aagga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Muungaab oo ka hadlayay mashruuca lagu dhisayo garoonka cusub iyo dekedda ay yeelaneyso Muqdisho ayaa sheegay in uu ku hoos duugan yahay qorshe kale oo dhul boob ah, isaga oo tilmaamay inuu ka digayo in dhul boobka ka socda caasimada loo raro gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dadka deegaanka oo uu ugu baaqay inay sameeyaan baraarug bulsho, kahor inta aan la boobin dhulkooda, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka akhriso qoraalka; Mashruurca Dekadda & Garoonka cusub (New Mogadishu Development Corporation) In dadka degaanka talo iyo tixgelin kadib danguud ahaan looga qaado dhul la doonayo in laga hirgeliyo mashruuc Garoon iyo Dekad oo ay yeelato Muqdisho,isla markaana dadka deegaanka laga siiyo Mashruuca ugu yaraan 35% waa wax macquul ah caalamkana kajira. Waxaase curato diimoon iyo yaab ah in aan helayno xog ah in la doonayo in magaca Danguud lagula wareego dhul xeebeedka u dhexeeya deegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe oo gaaraya (30 KM oo dherer ah iyo 10KM oo ballac ah). Arintaan waxaan u arkaa Boob iyo barakicin dadka deegaankaasi ku nool, ujeedkuna ma aha mashruuc Garoon oo ay ku filan tahay (5 Km oo dherer ah iyo 2.5 Km ballac ah, mana aha Dekad u baahan 7 KM oo dherer xeebta ah iyo 2.5 KM oo ballac ah). Waxaan ka digayaa in barakicinta iyo dhul boobka ka socda Xamar loo raro Degmada Warsheekh. Dadka deegaanka waa inay baraarugaan, fadhigana ka kacaan dal iyo dibad inta ay goori goor tahay.
  12. Somalia beat Sudan 1-0 to book a place in the semifinals of the CAF Under-17 Africa Cup of Nations (AFCON) Central-East zone qualifiers. Source: Hiiraan Online
  13. Rwanda officially hands over the leadership of the Eastern Africa Standby Force (EASF) to Somalia Source: Hiiraan Online
  14. ADDIS ABABA, ETHIOPIA — French President Emmanuel Macron said his country supports Ethiopia’s quest for access to the sea through discussion and respecting international laws and neighboring countries. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweyne, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horraysay shaaciyay in dowladda Puntland ogtahay dadka gacan-saarka la leh Argagixisada ee ku sugan magaalooyinka Puntland, balse wakhtiga ku habboon tallaabo laga qaadi doono. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale sheegay in Puntland cafis u fidin doonto cid kasta oo ka tirsan kooxaha Argagixisada ah ee ka tanaasusha fikirkooda “Waxaan rabaa in aan halkan baaq uga diro cid kasta oo ururrada Xagjirka ah ku jirtay oo diyaar u ah in ay ka tanaasusho fikirkooda, waxaan u fidin doonaa cafis.” “Laakiin ciddii ku madax-adaygta waxaan faraya ciidamada Puntland in ay waajibkooda ka gutaan. Ciddii diyaar u ah in ay bulshadooda soo dhex gashana, waxay dowladdu dejisay siyaasad lagu maamulayo dadka raba in ay danbiyadaasi ka soo noqdaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan kale oo u sheegaya dadka magaalooyinka jooga ee gacan-saarka la leh kooxaha Xagjirka ah oo la shaqeeya kana shaqaysta, dowladdu waa idin ogtahay ee tallaabada xilliga ku habboon baa la qaadaa, inta goori-goor tahay dadkiina ku soo biira” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni “Waan ognahay dadka Argagixisada la shaqeeya ee ku sugan magaalooyinka Puntland” appeared first on Puntland Post.
  16. SOMALIA: TANZANIA and Somalia have signed multiple agreements aimed at enhancing the bilateral relations between the two countries. Source: Hiiraan Online
  17. Kenya: Nairobi River pollution contaminates food and water supply Source: Hiiraan Online
  18. French President Emmanuel Macron said Friday that he wants the military base in Djibouti to once again be defined as a "projection point" for his country's various missions. Source: Hiiraan Online
  19. Manchester City's miserable run of form and results continued on Saturday when Pep Guardiola's side slipped to a 2-1 defeat away to Aston Villa in the Premier League. Source: Hiiraan Online
  20. Two Somali fishermen wearing big scarves over their heads to hide their faces glance around furtively as they walk into the room for a secret meeting to tell me why they have recently decided to become gun-wielding pirates - in search of million-dollar ransoms. Source: Hiiraan Online
  21. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Rwanda kala wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed uu waajibaadkiisu yahay kor u qaadista nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika, kana mid ah shanta ciidan goboleed ee ciidamada heeganka ah ee Afrika (ASF) oo ka kooban militari, boolis iyo qaybo rayid ah. Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhiggiisa dalka Rwanda mudane Juvenal Marizamunda kala wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika, intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta Siyaasadaha EASF oo ay iskugu yimaadeen Madaxda dalalka EASF oo ka dhacay Magaalada Kigali ee Dalka Rwanda. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay guddoominaysa Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga ee EASF, iyadoo ay kasoo wareegtay 20 sano markii la aasaasay ururkan. Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulqaadir Maxamed ayaa u mahadceliyey gudoomiyaha uu xilka kala wareegay, wuxuuna ballan qaaday in Soomaaliya ka go’an tahay wada shaqaynta dhammaan dawladaha xubnaha ka ah EASF. Wuxuuna Wasiirku casuumaad u fidiyey in kalfadhiga kan xiga ay Soomaaliya marti gelin doonto. Source: goobjoog.com
  22. Wararka ka imaanaya degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya laba mileeshiya-beeleed. Goob-joogayaal ku sugan degmada Xarfo ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan rasaas xooggan oo ay is weydaarsanayaan labada mileeshiyaad ee ku dagaallamaya magaalada. Warar hordhac ayaa tilmaamaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tira-koobka khasaaraha dagaalka. Sidoo kale ilaa iyo hadda xog dheeri ah lagama hayo waxa sababay dagaalka balse wararka ayaa tibaaxaya in uu salka ku hayo muran dhuleed oo soo noq noqday. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  23. Madaxweynaha Faransiiska ,Emmanuel Macron inta uu ku jiray shirka jaraa’id ee wadajirka ay u qabteen ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed wuxuu sheegay in dalkiisu uu taageerayo doonista Itoobiya ee ku aaddan helitaanka badda, kaddib booqasho hal maalin ah oo uu shalay ku gaaray Addis Ababa. Abiy ayaa dhankiisa sheegay in labada hoggaamiye ay si fiican uga wadahadleen sidii dalkiisa uu nabad ugu geli lahaa badda cas. Wuxuu tilmaamay in madaxweynaha Faransiiska uu aqbalay codsigii Itoobiya ee ahaa in laga taageerro doonista marinka badda. Faransiiska , ayaa hab militari iyo diblomaasiyadeed ku taageerraya Itoobiya , iyadoo Paris ay tababar iyo qalabeyn siiso ciidanka Itoobiya ee loo tababaray inay ka howlgallan badda , taa oo la xiriirta tallaabo ay ku doonayso Itoobiya sida ay ku heli lahayd saldhig ciidanka badda , mana aysan sharrixin waligeed Itoobiya sababta ay u doonayaan saldhig ciidanka badda ah. PUNTLAND POST The post Faransiiska oo taageeray damaca Itoobiya ee Bad raadinta appeared first on Puntland Post.
  24. AQP8aUSENaSvtqUCPBhaKAuZXke66YcFQjUuVaa7jAZ18s2sCxy_OUfNKgZVjiJH6DYAkGD5Og30MfCEb0qf_zDL Qaran News