Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Shirkadda Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradaha shirkadaas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo. Masuul u hadlay shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay diyaaradaha ka shaqeeya Soomaaliya. DF Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland ku taalla aysan u kala duuli karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan. Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday. Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay oo wadahadal uu socdo. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow. Ugu yaraan 3 askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya ee is garabsanayey. Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas. Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa la aaminsan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.
  2. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay dhiggiisa Masar Dr. Badr Abdel Aty, waxaana kulankooda oo ka dhacay magaalada Qaahira diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiijiyadeed, labada dhinac ayaana isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025. Intii lagu jiray wada hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, waxaana uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’antahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka. Dhinaca kale Dr. Badr Abdel Aty ayaa markale xaqiijiyay sida Masar uga go’antahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhexmara labada dal. Source: goobjoog.com
  3. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa saaka oo Talaado ah joojisay dhammaan diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo. Wararka ayaa sheegaya in saaka dowladda Soomaaliya baajisay dhammaan duullimaadyadii Rakaabka ee shacabka u qaadi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland. Go’aanka lagu Joojiyay diyaaradihii Rakaabka u qaadi jiray Kismaayo ayaa lagu tilmaamay mid siyaasadaysan oo salka ku haya khilaafka dowladda Federaalka iyo Jubaland. Waxase tallaabadani dhibbane u noqday shacabka Reer Jubaland oo sida muuqata dano siyaasadeed looga xannibay xuquuqdii dhinaca safarka ee dastuurku siinayo. PUNTLAND POST The post Villa Somalia oo diyaaradihii Rakaabka ka joojisay magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ayaa soo saartay qoraal dheer oo xiisadda Jubbaland ay uga hadashay oo ciwaan looga dhigay “Eedaysane Axmed Madoobe waa lagula xisaabtamayaa weerarada uu ku hayo Shacabka Jubbaland.” War-saxaafadeedkaan oo ka soo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa looga warbixiyey dhibaatooyin culus oo la sheegay in Axmed Madoobe uu ka geystay, isla markaana uu weli ka wado deegaanada Jubbaland, gaar ahaan gobolka Jubbada Hoose, sida Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobley iyo Afmadow. Hoos ka akhriso warkaan ka soo baxay DF ee lagu eedeynayo Axmed Madoobe: Muqdisho – 23, Descembar – 2024: Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay si dhow ula socotaa tacadiyada tiro beelka ah ee Eedaysane Axmed Maxamed Islaam uu kula kacayo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Deegaanada Jubbaland. Tacadiyadiisa oo ahaa kuwa muddaba soo tixnaa waxaa u danbeeyay mid uu saakay ku qaaday Shacabka ku nool deegaanka Kulbiyoow ee Gobalka Jubbada Hoose, kuwaas oo ahaa dad isku abaabulay in ay Khawaarijta iska caabiyaan, balse nasiib-darro uu Axmed Madoobe iyagii weeraray, isla markaana u gaystay dil, dhaawac, jir dil iyo dhac intaba. Falkaan waxa uu daba socdaa falal noocaan oo kale ah, kuwaas oo uu ka gaystay Magaalooyinka Kismaayo, Raaskambooni, Dhoobleey iyo Afmadoow. Sidoo kale, waxa uu Eedaysane Axmed Madoobe ku hawlanyahay in uu iska horkeeno shacabka u diyaarsan in ay Khawaarijta ka difaacdaan deegaanadooda, iyada oo la ogyahay in uu duulaanadiisa u kaalmaysto Khawaarijta oo markasta marin u ah gacanna ku siya wax yeelaynta Shacabka reer Jubbaland ee xorta ka ah Khawaarijta. Falalkiisu waa kuwa loo diin-waan galiyay, waana lagula xisaabtamayaa mana noqon doonaan kuwa la iska hilmaamo. Shacabka Jubaland waxaan ugu yeeraynaa midnimo, adkaysi iyo wadajir. Waxaan halkaan tacsi uga diraynaa Shacabkii uu Eedaysane Madoobe ku laayay, kuwii uu dhaawacay iyo kuwa u afduuban ee ku dhaqan deeganada kala duwan ee Jubbaland. Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la suuliyo dhaqamada noocaan ah, isla markaana sharciga lasoo taago kuwa ka danbeeya ee dhiig miratada ah. –DHAMAAD–
  5. AQOe62m9MF-YHS13mdwRgKTd2m4KDs977PClp_b2FE9JYqD5NXjK13UWm4SIdnGGJDG4tIJCdlISe7IDGY5j4ynd Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cusman (Dhuumaal) oo ku sugan degmada Doolow ayaa qabtay Shir jaraa’id oo dagaalkii maanta dhacay iyo sababtii uu ku bilowday uu faahfaahin uga bixiyey. Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa ay bilaabeen ciidmada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Doolow, isagoo dowladda federaalka ku eedeeyey in qorshaheeda uu ahaa in gacanta Jubbaland laga saaro Doolow, balse ay iska difaaceen. Wuxuu sheegay in ciidanka dowladda federaalka uu saakay daandaansi cad ka bilaabay Doolow, balse hub ka dhigis ay ku sameeyeen dhamaan ciidamadii DF ee joogay degmada Doolow. Sidoo kale Wasiir Dhuumaal ayaa sheegay in ciidan kale oo dowladda federaalka ay ka dirtay Beledxaawo, si ay ugu gurmadaan ciidankii ka dagaalamayey Doolow ay dhex miino kula kacday, isagoo sheegay in miinadaas ay Shabaab u dhigeen gaadiidkii iyo ciidankii xoogga dalka ee watay. Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyey waxa ka dhacaya Jubbaland, wuxuu sheegay in dalka oo nabad ah uu Xasan la wareegay xukunka, balse hadda meel kasta uu dagaal ka socdo, ciidankii qarankana siyaasad loo adeegsaday. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ka hadashay wixii maanta ka dhacay Doolow, waxayna ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow. Ugu yaraan 3 askari ayaa maanta ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen Jubbaland iyo Itoobiya oo wada socda. Sarkaalkii hoggaaminayey ciidamada dowladda federaalka ee Doolow ku sugan oo ah nin mayal adag iyo ciidan xoogleh oo uu wato ayaa weli gees ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in la go’doomiyey ciidankaas. Ciidan kale oo gurmad ah oo ka tirsan dowladda federaalka oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayey dhex miino kula kacday, waxaana gaaray khasare lixaad leh. Hoos ka daawo Dhuumaal
  7. The Somalia Integrated Business Census 2024 has been released by the Somali Bureau of Statistics, providing critical insights into the country's business landscape. According to the census, Somalia has a total of 174,149 businesses, with 55.9% concentrated in three key cities: Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay uga hadashay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo, waxayna ku eedeysay ciidamada Itoobiya. Dowladda Soomalaiya aya falka Xadgudubka ah ku tilmaantay wixii ay maanta Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow Soomaaliya. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda. Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Saaka abaare 10:00AM ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.” Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid si qorsheysan loo fuliyay, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad Nugidda Qaranka ee NISA, iyo Booliska. “Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi,” aya lagu yiri warka dowladda. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa magaalada Doolow ee falkaasi uu maanta ka dhacay. “Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka DF Soomaaliya ayaa Nasiib-darro ku tilmaantay ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya oo ah kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo dhaqanka deris-wanaagga. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa ficilladan daandaansiga ah iyo kuwo la midka ah, kuwaas oo halis gelinaya nabad ku wada noolaanshaha, Sidoo kale, Dawladdu waxay ka digaysaa in aysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madax-bannaanida Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyey qoraalka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
  9. Following a year of bitter disputes between Somalia and Ethiopia over an illegal Memorandum of Understanding that Ethiopia signed with Somaliland—a self-declared state in the Northern region of Somalia—on the first day of 2024 have agreed to end their bitter dispute though a wide-range of voices of discontent and public outcry from the Somali public surrounded the agreement. This illegal MoU, which was an act of aggression and a breach of international law and legal norms, allowing Ethiopia to lease a 20km (12-mile) section of Somalia’s coastline for 50 years to establish a naval base. Source: Hiiraan Online
  10. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/12/VID-20241223-WA00061.mp4 Qaran News
  11. Garowe (HOL) — Puntland’s plan to introduce its own regional currency by 2025 signals a direct challenge to Somalia’s federal government, intensifying disputes over governance and financial autonomy in the fragile federal system. Source: Hiiraan Online
  12. A private phone call from the US secretary of state may have convinced Abiy Ahmed to go to Ankara and sign a breakthrough memorandum Source: Hiiraan Online
  13. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysay falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya. Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo. Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska. Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi, Sidoo kale waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa. Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga. Source: goobjoog.com
  14. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay Cambaaraynayso waxay ku tilmaantay” Fal Xadgudub ah oo ay Ciidamada Itoobiya ka Geysteen Magaalada Doolow”. “Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa falka xadgudubka ah ee maanta ay Ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. “Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.” “Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska.” “Nasiib-darro, intii uu weerarku socday, Ciidamada Itoobiya ayaa dil iyo dhaawac u geystay xubno ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee ku sugnaa xarumahaasi. Sidoo kale, waxay waxyeello gaarsiiyeen muwaadiniin rayid ah oo goobta ku sugnaa” ayuu sii raaciyay qoraalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso ficilladan daandaansiga ah waxay Sidoo kale, dowladdu ka digtay inaysan ka aamusi doonin tallaabooyinkan cad ee ku xadgududbka madaxbannaanida Soomaaliya. Halkaan ka akhriso qoraalka dowladda Soomaaliya PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya weerar ku soo qaaday magaalada Doolow appeared first on Puntland Post.
  15. How many football teams can lay claim to a league and cup double in their first season of competition? Source: Hiiraan Online
  16. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati. Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. “Waxaa wadahadalladaas xoogga lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.” Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay dadaallada la dagaallanka argagixisada, iskaashiga militariga, amniga, iyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya AUSSOM. Intii uu socday kulanka labada wasiir, ayuu Axmed Macalin Fiqi warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dan u ah nabadda gobolka, sida ay u dhigtay Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in heshiiskaas uu buuxinayo dhammaan dalabaadka Soomaaliya ee ah in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Warar soo baxay markii uu heshiiskaas ka dhacay Ankara ayaa sheegayay in Masar ay ka carootay heshiiska ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo ah dal cadowga koowaad u ah labada dal ee Masar iyo Somalia, balse Masar ayaan weli ka hadlin heshiiskii Ankara. Masar oo qeyb ka noqon doonta howlgalka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah u soo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.
  17. Egypt's foreign minister said Monday that his country will take part in a new African Union peacekeeping force in Somalia, as the two countries draw closer amid tensions with Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) — Ethiopian and Jubaland forces have reportedly seized control of Dolow, a key town in Somalia’s Gedo region, after intense clashes with the Somali National Army on Sunday. The confrontation left heavy casualties on both sides and escalated tensions between Somalia, Ethiopia, and the Jubaland administration. Source: Hiiraan Online
  19. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu soo bandhigayo lacag cusub oo Puntland ay yeelato taasoo muujineysa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedka Puntland ee ku saabsan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida hannaanka doorashada iyo dastuurka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladdiisa ay soo bandhigi doonto lacagteeda sanadka 2025-ka, go’aankaas oo la macno ah in lacagta Shilinka Soomaaliga aan laga isticmaali doonin Puntland marka uu si buuxda u dhaqan galo hadalka madaxweynaha. “Dhibaatooyinka ugu weyn ee dhinaca maaliyadeed ee na haysta waxaa kamid ah dhinaca lacagta, shilinkii Soomaaliyeed waxa uu ka baxay khidmadii shaqada, lacagteenna iyo shaqadeedii waxa ay kusoo uruurtay qaab elektaroonik ah”, ayuu yiri madaxweyne Deni. Waxa uu madaxweynuhu sheegay in deegaannada fog-fog ee miyiga ay ku adkaatay isticmaalka lacagaha hawada la’isu mariyo taasina ay qasabtay xal u raadin lacageed. “Waxaa jira dalal badan oo fadaraal ah oo labo lacageed kala isticmaala, macneheedu ma aha Soomaalinimada in aan ka baxno balse waxa aan rabaa in Punland lacag ay leedahay aad daraaddeeda bilowdaan oo aad raadisaan”,ayuu sii raaciyay madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in muddo ay sugayeen Lacag Soomaaliyeed oo lagu mideysanyahay balse taasi aysan dhicin. Go’aanka ay Punland ku isticmaaleyso lacag u gaar ah ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo istaraatiijiyad lagu horumarinayo dhaqaalaha. Puntland ayaa tan iyo 2021 inteeda badan isticmaalaysay lacagta dollarka Mareykanka kadib markii ay joojisay lacagta shilinka Soomaaliga ah kadib sicir barar baahsan oo dhacay. Deni ayaa sheegay in lacagta cusub ay la jaanqaadi doonto nidaamka maaliyadeed ee Soomaaliya mustaqbalka maadaama Puntland ay u dhaqaaqday madax-banaani dhaqaale. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay ka gaabisay in ay soo daabacdo lacago cusub oo lagu bedelayo lacagaha duugga ah Dastuurku muxuu ka qabaa in maamul uu sameysto lacag u gaar ah? Kadib markii madaxweynaha Punland u uku dhawaaqay go’aanka ah in Puntland ay ku sameysaneyso lacag u gaar dood badan ayaa ka dhalatay sida maamul ka tirsan dhowladda dhexe uu u qaadan karo go’aankaas marka laga eego dhinaca sharciga. Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ka faallooda arrimaha sharciga ayaa faah faahin ka bixiyay waxa dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya uu ka qabo arrinkan iyo sida ay ku dhaqan geli karto. “Waxa aan eegeynaa cutubka shanaad ee dastuurka dalka, cutubkaan waxa uu kala dhig dhigayaa qaab dhismeedka iyo mabaadii’da wadashaqeynta heerarka xukuumadda, cutubkan waxa uu dowladda federaalka ah siinayaa awoodo gaar ah, dowlad goboleedyadana waxa uu siinayaa awoodo gaar ah iskuma Darsana”. “Marka aad fiiriso qodobka 54-aad ee dastuurka ‘Kala qaybinta awoodaha’, awood qaybisga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa kawada xaajoon doonaya xukuumadda federaalka iyo dowladaha hoostaga, si gaar ah [D] Arrimaha siyaasadda lacagta oo ay awooddooda iyo mas’uuliyaddooda yeelaneyso dowladda fedraalka ah”, ayuu sii raaciyay Abuukaate Zakariye Yuusuf. Waxa uu sheegay in sidaas daraadeed qodobakaas uu qeexayo in dowlad goboleed xubin ka ah dowladda federaalka ah aysan dowlad kale iyo shirkad kale la xaajoon Karin haddii ay noqoto arrimo lacageed iyo waxyaabo kaleba. Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa muddaba soo jiitamayay iyada oo Punland ay sheegtay in aayeheeda masiiriga ah ay maamulan doonto una tashaneyso. Madaxweyne Deni oo markii ugu dambeysay ka hadlay arrinkan ayaa yiri, “Dowladdii dhexe ee dalkan si mideysan ayey u shaqeyn jirtay oo qaabka dowladnimo uu ahaa hal mid oo Soomaaliya oo dhan ka jirtay, balse hadda taasi majirto, waana tan sababtay Puntland iyo aas-aaskeedii”. Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Puntland ayaa horay u qaadan jiray lacagta doollarka ah, taasi oo sii xoojisay fikirka ah in Puntland ay ka fakarto sameynta lacag cusub oo ay yeelato. Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay isticmaalka Doollarka Mareykanka iyo lacagaha Elektarooniga ah ee ay bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay. Isha: BBC
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdigii u horreeyay u direysa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, tan iyo intii uu soo hagaagay xiriirka labada dal. Socdaalka wafdigan ayaa daba socda heshiiskii dhawaan ay magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. “Ujeedka socdaalka wafdiga ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay sida ay uga go’an tahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska oo kamid tahay Itoobiya, iyadoo xiriirkiisa saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dal kasta. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in safarkan uu qeyb yahay agaasimaha hey’adda sirdoonka iyo nabad-sugida Soomaaliya Cabdullaahi Sanbaloolshe, inkastoo aan lagu xusin bayaanka kasoo baxay wasaaradda. Socdaalkan wafdiga dowladda Soomaaliya uga ambabaxayaan Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo dagaal ay qeyb ka yihiin ciidamada Itoobiya, kaai soo dhex-maray ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa taabacsan Jubbaland.
  21. Sweden’s Diplomatic Position on Somaliland and Regional Stability in the Horn of Africa – The debate over Somaliland’s recognition has sparked a heated exchange between Markus Wiechel of the Sweden Democrats (SD) and Foreign Affairs Minister Maria Malmer Stenergard. Wiechel has pressed the Minister to clarify Sweden’s position on Somaliland and its potential recognition, arguing that such a step is vital for Sweden’s geopolitical strategy, particularly in countering China’s growing influence in the Horn of Africa. In her response, Malmer Stenergard reaffirmed Sweden’s commitment to supporting democracy in Somaliland but dismissed the possibility of recognizing its independence, maintaining the current “One Somalia” policy. Wiechel’s challenge stems from Somaliland’s stark contrast to the broader failures of Somalia. While Somalia remains plagued by political instability, extremism, and corruption, Somaliland has achieved remarkable stability and built a functioning democratic system. Somaliland’s governance stands as a rare success in a region rife with chaos, making it an invaluable partner for Western democracies seeking stability and influence in the Horn of Africa. Wiechel emphasized that ignoring Somaliland’s achievements risks undermining Sweden’s commitment to democracy and leaves a vacuum for external actors like China to exploit. China’s increasing foothold in the region presents a significant challenge. Reports of Somali forces mobilizing with Chinese material support underline the geopolitical stakes. Beijing’s expanding influence in Africa, through infrastructure projects and military partnerships, threatens to erode Western influence in a strategically critical region. Recognizing Somaliland could provide Sweden and its allies with a reliable partner to counterbalance China’s ambitions and strengthen democratic governance in the Horn of Africa. Malmer Stenergard’s refusal to reconsider Somaliland’s recognition reflects a conservative approach that Wiechel argues is outdated and shortsighted. By adhering to the “One Somalia” policy, Sweden fails to adapt to the realities on the ground. Somaliland’s progress demonstrates that it is not only ready for recognition but deserving of it. Its success offers a beacon of hope for democratic ideals in a region where such achievements are rare. Failure to act decisively risks alienating Somaliland and its people, many of whom have strong ties to Sweden. The Somali diaspora in Sweden, particularly those of Somaliland origin, represents an untapped resource for fostering closer ties between the two countries. This community can serve as cultural and economic bridges, helping to strengthen bilateral relations and advance mutual interests. Yet, the government’s reluctance to acknowledge Somaliland’s autonomy undermines these opportunities. Wiechel’s argument highlights the disconnect between Sweden’s commitment to democracy and its failure to support a democratic state seeking international recognition. Wiechel’s push for recognition also underscores the moral imperative of supporting Somaliland’s sovereignty. Somaliland has achieved what many in the region have not—functioning democratic institutions, peaceful transitions of power, and a commitment to stability. Its achievements deserve not just applause but tangible support. Recognition would affirm Sweden’s role as a global advocate for democracy and human rights while securing a critical ally in the Horn of Africa. Malmer Stenergard’s response reflects a cautious diplomacy that prioritizes maintaining relationships with Somalia’s federal government. However, this approach overlooks the reality that Somalia’s failures do not represent Somaliland’s future. Continued adherence to the “One Somalia” policy risks leaving Sweden on the sidelines as other nations, such as the United States and Ethiopia, move toward recognizing Somaliland’s potential as a strategic partner. Wiechel’s stance challenges Sweden’s foreign policy to align its democratic values with actionable support for Somaliland. Recognition is not just a symbolic gesture but a strategic necessity in countering China’s influence, securing stability in the Horn of Africa, and affirming Sweden’s commitment to democracy. The time for Sweden to act decisively is now. Waryatv Qaran News
  22. Kismayo (HOL) – The Jubbaland regional administration has accused the federal government of orchestrating an attack on Hassan Nur Abdi Gaaljecelow, the commissioner of Badhadhe district in the Lower Jubba region. Source: Hiiraan Online
  23. Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta gaaraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia, si ay u sii ambaqaadaan heshiiskii Ankara ee dhexmaray madaxda labada dal. Ujeedka socdaalka wafdigan ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya. Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’antahay inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, iyadoo xiriirkaas saldhig looga dhigayo ixtiraamka buuxa ee midnimada, iyo wadajirka dal kasta. madaxbannaanida Waa markii ugu horreysay oo wefdi ka socda dowladda Soomaaliya ay tagayaan dalka Itoobiya tan iyo markii ay xiisadda siyaasadeed laba dhinac ka dhex curatay bishii January, xilligaas oo Itoobiya ay heshiis la gashay Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada, taageerada amniga iyo barnaamijyada dib-u-dhiska ee ka socda dalka. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Talyaaniga doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan taageerada Soomaaliya, isagoo ku boorriyey sii wadista mashaariicda lagu horumarinayo nolosha shacabka Soomaaliyeed. Safiirka Talyaaniga Amb. Pier Mario Daccò Coppi ayaa xaqiijiyey in dowladda Talyaaniga ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey safiirka dadaalka dowladda federaalka ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed. Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi dhinacyo kala duwan leh, islamarkaana ku dhisan wax wada-qabsi.