Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS ayaa shaacisay qiimaha adeegga Xajka ee sanadkaan 1446 H/2025, waxaana Xaaji kasta loogu adeegi doonaa lacag dhan $4604 oo dollar. Qiimahaan ayaa ka badan qiimihii ay dadka Soomaaliyeed ku sii xajiyeen sanadkii hore, waxaana la shaaciyey sababta wasaaradda iyo guddiga ay dowladdu u xil saartay howshaan ku kaliftay qiimo kororkaan. Guddiga adeegga Xajka ee xukuumaddu magacowday iyo shirkadaha ku guuleystay inay sanadkaan xujeyda u adeegaan ayaa galabta isugu yimid shir ay ka soo saareen war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Awqaafta Ibraahim Nadaara oo kulanka shir guddoomiyey ayaa warbaahinta u akhriyey qodobadii ka soo baxay kulankooda. Agaasimaha ayaa sheegay in adeegyada ay u baahantahay xujeyda Soomaaliyeed lasoo qiimeeyey, isla markaana ay maanta go’aamiyeen qiimaha lagu soo xajinayo sanadkaan. “Kororka qiimaha sanadkaan waxaa u sababa ah sare u kac ku yimid Tikidhada iyo adeegyada Hoteellada Maka iyo Madiina,” ayuu yiri Agaasime Nadaara. Sidoo kale wuxuu balan qaaday hadii dhanka Sacuudiga ay ka soo kordhaan wax qiimo dhimis ah in wasaaraddu ay dib ula soo wadaagi doonto umadda Soomaaliyeed. Qarashka sanadkii hore uu xaaji kasta oo Soomaali ah ku soo xajiyey ayaa ahaa $4434.6 halka sanadkaan uu yahay $4604 oo dollar, qiimaha sanadkaan waxaa ku korortay lacag ku dhow 200 oo dollar. Hoos ka daawo
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda Puntland, gaar ahaan dagaalka ay ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Cumar Cabdirashiid ayaa marka hore madaxda Puntland iyo ciidamada ku boggaadiyay dagaalka ay la galayaan kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dhulka buuraleyda ah. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in maamul goboleedyadala dagaalamaya kooxaha argagixisada ah ay siiso taageero deg-deg ah, si meesha looga saaro. “Dowladda federaalku waa inay u muujisaa taageero siyaasadeed iyo mid amni oo ku wajahan dhammaan Maamul Goboleedyada si meesha looga saaro khataraha argagixisada ka hor inta uusan dhammaan 2025” ayuu yir ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya. Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan ciidamada Puntland ay howlgallo culus ka wadaan aagga deegaanka Dharjaale oo ay ku xoogan yihiin xubnaha kooxda Daacish. Waxaa howlgallada sidoo kale barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah, kuwaas oo hawada ka taageerayo ciidamada Puntland. Todobaadkii hore ayay ahayd markii kooxda ay weerar culus kusoo qaaday xerada lagu diyaarinayo ciidamada Puntland ee ka qayb-galaya howlgallada, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.
  3. AQNYu8M6sh2yLs9eX9m950IcQcSlWfzeswG6JMfemEcCKZy7RMWQ2B5uMXWs7RPajQFu1PTctmtQ9EcCHVL9gBRW Qaran News
  4. Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Richard H. Riley oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan taageerada kala duwan ee ay dowladdiisu siiyo Soomaaliya. Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee ka jira gudaha Soomaaliya. Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in saddexdii sanno ee lasoo dhaafay Mareykanka uu Soomaaliya ku bixiyay saddex bilyan oo dollar, taas oo lagu fuliyo howlo gargaar oo muhiim ah. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in caawinaaddaasi ay wax badan ka tartay Soomaaliya, ayna lagama maarmaan u tahay in la kordhiyo garab istaagga Soomaaliya. “Munaasabadda Daah-furka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya, saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar naf badbaadin ah si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan,” ayuu yidhi safiirka Mareykanka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunto la’aanta & nafaqo darrada”. Dhanka kale, Maraykanka ayaa sanadkaan cusub Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale gaadhaya illaa $29 Milyan oo doollar, taas oo lasoo marin doono Hay’adda USAID. Source
  5. Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo maanta ka dhacday deegaan hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib markii halkaasi lagu dilay wiil iyo abtigiis. Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Cadayga oo u dhow Balcad, waxaana ka dambeeyay maleeshiyaad hubeysan oo goobta ka baxsaday. Wiilka iyo abtigiis ayaa ahaa ganacsatoo, si weyn looga yaqaanay deegaanka, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee loo dilay. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay falkaasi, wuxuuna sheegay in marxuuminta loogu tegay gurigooda, kadibna la dilay. “Kooxo hubeysan ayaa waxa ay soo weerareen wiil iyo abtigiis waxay ahaayeen dad gurigooda joogay waxaa u yimid baabuur bagaash u waday, kadib markii ay dajiyeen ayay qabsatay dhacdada” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii saray Ragga dilka gaystay waxay ku amreen inay bannaanka usoo baxaan, wayna dileen maleeshiyaadka”. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhacdadaan oo ku aadan laamaha amniga iyo madaxda HirShabelle oo ku aadan dilka dadkaasi shacabka ah. Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku badan dilalka qorsheysan ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyay askartii dhowaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf.
  6. Xildhibaan Gavin Williamson oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Ingisriiska isla markaana xillal wasiirnimi ka soo qabtay dawladda Boqortooyada Ingiriiska oo ah mudane u ololeeya aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa dawladdiisa ku canaantay sabbata ay u aqoonsan wayday Somaliland. Waxaa kale oo uu Somaliland ku sifeeyay qaran u qalma in la aqoonsado oo noqday dalka ugu dimuquraadi san mandaqada u uku yaallo iyo guud ahaan Afrika. Waxaanu itaa raaciyay in la gaadhay xilligii la aqoonsan lahaa Somaliland oo ha dal guulaystay oo ka midho dhaliyay hamigooda dawmadnino. Waxaanu sidaa xildhibaan Gavin Williamson ku sheegay qoraal uu shalay ku baahiyay bartiisa Facebook oo uu kaga hadlay kun uu la qaaday Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland. Waxaanu ku yidhi qoraalkiisa mudane Gavin Williamson. “Waxa aad u wanagsanayd in aan la kulmo madaxweynaha cusub ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wasiirka madaxtooyada Somaliland iyo taliyaha guud ee madaxtooyada. ka dib doorasho xor iyo xalaal ah iyo sidoo kale si nabad ah oo xukunka lagu kala wareegay si ka duwan inta badan ee dalalka jaarka ah, waxaa hadda la joogaa waqtigii UK u aqoonsan lahayd Somaliland qaran madax-bannaan. tani aad ayey u dheeraatay laakiin hadda waa waqtigii ay la dhaqmi lahaayeen quruumaha kale sida Mareykanka.” Xildhibaan Gavin Williamson ayaa ah mudane u ololeeya aqoonsiga Somaliland isla markaana marar badan dodo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ka jeedayay Baarlamaanka Ingiriiska. Source
  7. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa Khamiistii Muqdisho ku yeeshay waddallado ku saabsan ambaqaadidda heshiiskii Ankara iyo waliba howlgalka cusub ee ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya ee AUSSOM. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Caaisha Maxamed iyo wafdi ay hor-kacayso ayaa Muqdisho tagtay kula kulamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo gaarsiisay dhanbaal ay uga siday ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Kadib kulanka ayaa labada dal waxay soo kala saareen qoraallo u muuday in ay is khilaafsan yihiin, marka la eego arrinta ka mid noqoshada ciidamada Itoobiya ee howlgalka AUSSOM. Itoobiya ayaa u muuqata in ay hadalka u dhigeyso in arrintaas la isla ogolaaday, halka Soomaaliya ay sheegeyso inay weli ka fiirsaneyso. Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen iskaashiga howlgalka cusub ee AUSSOM. Qoraalkaasi laguma sheegin nooca iskaashiga labada dhinac. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur uu wadahadalladii uu la qaatay dhiggiisa Itoobiya uu u sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay tixgalinta codsiga Itoobiya ay ku doonayso in ciidamadeedu ay ku biiraan howlgalka AUSSOM ee bilowday maalintii Arbacada. Itoobiya ayaa sheegtay in labada dhinac ay isku afgarteen in kor loo qaado booqashooyinka iyo wada-hadallada la is waydaarsanayo, iyadoo la filayo in madaxda sare ee Soomaaliya ay dhawaan tagaan Addis Ababa. Xidhiidhka Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa xumaaday bilowgii sannadkii hore markii Itoobiya ay dalka Somaliland la gashay is-afarad la xidhiidha galaangal ay Itoobiya u hesho badda cas, talaabadaasi oo si weyn ay u diiday dawladda aynu dariska nahay ee Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa codsaday inaan la sheegay ayaa VOA u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu danbeyn aqbali doonto in ciidanka Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa Khamiistii Muqdisho ka sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay la xaliyay laguna xaliyay sida uu hadalka u dhigay ‘dulqaadka” ay sameysay Soomaaliya. Source
  8. Haweeney u dhalatay Japan, oo diwaanka Guinness World Records uu u aqoonsaday haweeneyda ugu da’da weyn adduunka, ayaa geeriyootay iyadoo 116 jir ah. Tomiko Itooka ayaa ku geeriyootay guri dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku yaalla magaalada Ashiya. Waxay noqotay qofka ugu da’da weyn adduunka kadib markii Maria Branyas Morera oo Spain u dhalatay ay geeriyootay bishii August 2024 iyadoo jirtay 117. Ms Itooka ayaa dhalatay May 1908 – lix sano kahor Dagaalkii Koowaad ee Adduunka iyo isla sanadkii gaariga nooca Ford Model T lagu daah-furay Mareykanka. Bishii September 2024 ayaa la xaqiijiyay inay tahay qofka ugu da’da weyn adduunka. Source
  9. Askari ka tirsanaa ciidamada Maraykanka oo dilay 14 qof kadib markii uu baabuur jiidhsiiyey dad isugu soo baxay dabaal degga sanadka cusub ee magaalada New Orleans, ayaa baayaco u ballan-qaaday kooxda Daacish, wuxuuna duubay muuqaallo uu ku cambaareynayo musika, daroogada iyo khamriga. Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa 42 jir u dhashay gobolka Texas, marna qeyb ka ahaa ciidamada Mareykanka ee Afghanistan la geeyey, ayaa kaligiis ka dambeeyay weerarka, FBI-da ayaa sidaas sheegtay Khamiistii, iyadoo dib uga laabatay qiimeyn hore oo ay ku sheegtay in laga yaabo in ay dad kale kula jireen. Waxa uu ku dhintay is-rasaasayn uu la galay booliska kadib weerarka, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay tobanaan qof, islamarkaana FBI-da ay ku tilmaamtay fal argagixiso. “Waxa uu ahaa fal la sii qorsheeyay oo xun,” ayuu ku xigeenka agaasimaha FBI-da Christopher Raia ku sheegay shir jaraa’id Khamiistii, isagoo dib u xaqiijiyay go’aanka hay’adda ee ah in Jabbar ay dhiirigelisay kooxda Daacish. Raia waxa uu sheegay in baarayaashu ay eegayaan “dariiqa xag-jirnimada” ee Jabbar, ayada oo aan weli la hubin sida uu isaga beddelay ruug-caddaa millatari, wakiil iibiya hantida maguurtada ah iyo shaqaale ka tirsanaa shirkadda weyn ee cashuuraha iyo la-talinta ee Deloitte, una noqday qof “100% ay dhiirigelisay Daacish.” Calanka Daacish ayaa ka babanayay qalab saarnaa dhabarka dambe ee gaarigii uu soo kireystay ee loo adeegsaday weerarka. In kasta oo si weyn loogu wiiqay olole millatari oo joogto ah oo ay wadaan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo, haddana Daacish waxa ay sii wadaan in ay internet-ka ka qortaan dad taageera, sida ay leeyihiin khubarada. Jabbar walaalkiis ayaa isna raadinaya jawaabo, isagoo sheegay in Shamsud-Diin Jabbar uu la tacaalayay sidii uu uga gudbi lahaa furriinka xaaskiisa ee dhowaan balse aysan ka muuqan wax caro ah toddobaadyo ka hor weerarka. “Wuxuu ahaa mid caqli badan, qosol badan, soo jiidasho leh, dadka jecel, naxariis badan, is-hoosaasiiya oo xitaa aan dhibaateyn tixsi,” ayuu Abdur Rahim Jabbar u sheegay Reuters isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla Beaumont, Texas. “Taasi waa sababta ay u tahay mid aad u argagax badan, heerkan xaasidnimadu ma ahan isaga oo kale. Waxaan isku dayeynaa inaan fahamno waxa isbeddelay sidoo kale.” Waxa uu sheegay in aabbahood markii uu warkaas maqlay uu qalbi jabay.” (Aabaheen) wuxuu billaabay oohin, wuxuu lahaa ‘maya, maya, ma aha wiilkayga curadka ah,” ayuu yidhi Abdur Jabbar. Source
  10. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo cirka ah oo ay ciidamada Isra’il ku rusheeyeen qeybo kala duwan oo Gaza lagu dilay, ugu yaraan 54 qof oo Falastiiniyiin ah. 11 ka mid ah dadka la dilay oo ay ku jireen dumar iyo carruur ayaa lagu duqeeyay teendhooyin ku yaalla xaafadaha baraka cee degmada Al-Mawasi, halkaas oo ay Isra’il u asteysay aagga bani’aadannimo ee dadka rayidka ah. Wasaaradda arrimaha gudaha Gaza ayaa sheegtay, in mid ka mid ah duqeymihi shalay ee Gaza lagu dilay, agaasimihi guud ee Qeybta Booliska ee Gaza, Maxmuud Salaax iyo kaaliyihiisa Xusaam Shawxan. War kasoo baxay millatariga Isra’il ayaa lagu sheegay in deegaanka Al Mawasi ee galbeedka magaalada Khan Yunis ku dileen Xusam Shawxan oo ay sheegeen in uu Xamas ma’uul uga ahaa amniga guud ee koofurta Marinka Gaza. Weeraro kale oo cirka ah oo ay Isra’il ka fulisay Gaza Khamiistii shalay, ayay ku dishay ugu yaraan 43 Falastiiniyiin ah. Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza ee ku taalla Khan Yunis, dhismooyin ku yaalla xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza, kaamba Shati iyo xerada qaxootiga ee Maghazi ee bartamaha Gaza. Duqeymihi ugu danbeeyay ee Isra’il ee ay Gaza ku qaadday xalay ayaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof, bartamaha Gaza iyo degmada Xeytuun, sidaasi waxaa wakaaladda wararka ee Rueters u xaqiijiyay saraakiisha caafimaadka. Source
  11. Mogadishu (HOL) — U.S. government has announced a $28 million contribution to fund the first year of two five-year projects to boost resilience and food security in Somalia, U.S. Ambassador Richard H. Riley revealed during a press conference in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Richard H. Riley oo qoraal soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan taageerada kala duwan ee ay dowladdiisu siiyo Soomaaliya. Richard H. Riley ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka uu kordhiyay kaalmada uu siiyo Soomaaliya, si wax looga qabto xaaladaha bani aadamnimo ee ka jira gudaha dalka. Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in saddexdii sano ee lasoo dhaafay Mareykanka uu Soomaaliya ku bixiyay saddex bilyan oo dollar, taas oo lagu fuliyo howlo gargaar oo muhiim ah. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in caawinaaddaasi ay wax badan ka tartay Soomaaliya, ayna lagama maarmaan u tahay in la kordhiyo garab istaagga Soomaaliya. “Munaasabadda Daah-furka labo barnaamij oo cusub oo ay si deeqsinimo leh u maalgeliyaan shacabka Maraykanka si ay uga faa’iideystaan saaxiibadeenna Soomaaliya, saddexdii sano ee lasoo dhaafay Maraykanka waxa uu bixiyay in ka badan $2 bilyan oo gargaar naf badbaadin ah si looga jawaabo baahiyaha bani aadamnimo dalka oo dhan,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Kaalmadaan waxa ay badbaadineysaa kumanaan ku nool Soomaaliya, waxa ay yareeneysaa cunno la’aanta & nafaqo darrada”. Dhanka kale, Maraykanka ayaa sanadkaan cusub Soomaaliya u ballanqaaday in uu siinayo dhaqaale gaareyso illaa $29 Milyan oo doollar, taas oo lasoo marin doono Hay’adda USAID. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiyo dowladda federaalka, isaga oo ka caawiya dhanka dhaqaalaha iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.
  13. By ITN Foreign Correspondent Rageh Omaar and James Cowan , CEO of The HALO Trust. The mass media sometimes paints distorted pictures. For many people living in western countries, the Horn of Africa evokes one of two images – the Band Aid pop song about the Ethiopian famine in 1984, which is celebrating its 40th anniversary this turn-of-year period, or Black Hawk Down, the Hollywood treatment of a US Army operation in Somalia that went wrong. But the Horn of Africa, which comprises the countries of Ethiopia, Somalia and the contested territory of Somaliland, and sits across the Red Sea from Yemen, has another to story to tell. How many people know, for example, that late in 2024 there was a democratic election, and a peaceful transfer of power, in Somaliland – a territory that became independent from colonial British rule in 1960 and is now in sight of strategic shipping lanes that pass by Yemen? And how many people are aware that there’s currently a building boom in Mogadishu, the capital of Somalia, a country that was Italian Somalia until WW2? Today, high-rise apartment blocks are shooting up in Mogadishu to take full advantage of spectacular Indian Ocean vistas. We’re not about to counter one distortion for another, unrealistically rosy picture. As the biggest landmine clearing charity in the world, The HALO Trust is well aware of the history of warfare in the region. HALO’s brave demining staff help remove the deadly debris of conflict in Somalia and Somaliland every day. And we hope that work will be expanded, in Ethiopia, in the coming months. A HALO deminer working to clear landmines on the Ethiopian-Somaliland border This part of the world deserves as much serious attention as any other. Take Somaliland. It declared independence from Somalia in 1991 and since then has become a de-facto state that has held a series of democratic and peaceful transfers of power. The latest election, in November last year, saw opposition leader Abdirahman Mohamed Abdullahi win over 50% of the vote and assume the Presidency. The US Embassy in Mogadishu tweeted that the poll and its peaceful outcome were “a model for the region and beyond”. The US, like most of the rest of the world, does not currently recognise Somaliland so does not have an embassy there. The situation is unusual; Somalia says Somaliland is part of its sovereign territory and some people in the region are concerned when Somalilanders flex their ambitions of independence. As a humanitarian organisation, The HALO Trust doesn’t have a position on whether Somaliland should be a recognised country. The charity’s job is not politics but making land safe so children can walk to school and farmers can dig their fields. In the past year alone, HALO has made over a million square metres of land in Somaliland safe – that’s the equivalent of over 140 soccer pitches. Family living in a border village cleared of mines by HALO’s team Most of the minefields in Somaliland are on the border with Ethiopia, a legacy of wars from the 1960s to 1990s. Through painstaking work in the boiling sun, HALO staff have – again, just in this past year alone – taken over 130 anti-personnel and anti-tank mines out of the ground. Any one of those could have killed or maimed multiple people. If you haven’t heard much about Somaliland until now, that could be about to change. Located near the Red Sea shipping lanes and just across the water from Yemen, it is in a potentially dangerous neighbourhood. Somaliland has built, with support from the United Arab Emirates, a world-class freight facility at the port of Berbera. Its landlocked neighbour, Ethiopia, is negotiating access to the sea along the same coastline. Ethiopia and Somaliland have signed a ‘Memorandum of Understanding’ on the subject. Berbera port has been developed into a world-class freight facility Although the memo has not been officially published, it is widely reported that in exchange for a slice of Somaliland’s strategic coast, Ethiopia may recognise the territory as an independent state. This prospect has infuriated Somalia, which says neither Somaliland nor Ethiopia have a right to make decisions about what, it asserts, is still part of Somalia. Turkey, for one, knows this is a place to take seriously – a place that’s far more than just a backdrop for Black Hawk Down. Turkey has long had close relations with Somalia. It trains the country’s army, has its biggest Embassy in the world in Mogadishu, and has had a large gas exploration ship searching up and down Somali waters. In recent weeks, Turkey has launched a diplomatic push to cool down any disagreements between Ethiopia and Somalia. The Ethiopian and Somali leaders met in Ankara and an agreement was signed. It’s not yet clear how this agreement will pan out. Other regional powers quietly support Somaliland. HALO takes note of what’s going on – we have to be aware of political developments. Most recently, we saw problems in the south of Somalia, where a regional election in that contested part of the country caused relations to sour between the south and the national leadership in Mogadishu. We take note, but we also get on with our work. There are mines from Twentieth Century wars in Somalia to clear up as well as mines and home-made explosive devices relating to more recent internal conflicts – mainly the conflict with the Islamist insurgent group, Al Shabaab. These explosives are crippling for the population, over half of whom are nomadic herders; people need to roam to feed their camels and goats. HALO has been working in Somalia since 2015 and since that time has made the equivalent of over 1,900 soccer pitches-worth of land safe. Landmines pose a deadly risk to nomadic herders That’s quite an achievement, but we want to do more. HALO recently signed its own Memorandum of Understanding with Ethiopia – but this one is less controversial than the political deal with Somaliland. It sets out our ambition to do more work in Ethiopia, clearing deadly landmines. However, it’s important to point out that HALO’s work not only makes people safe from explosive devices left behind by conflict. Demining also enables the regeneration of environmentally degraded land, so improving food security and mitigating the impact of climate change. This helps alleviate poverty in communities that are harmed by war economically. Demining, in short, lays one of the foundations for development by allowing people to move around safely while they build or repair infrastructure. These are real life benefits in a region that should matter to us all. Demining may not command the same attention as celebrity commentary about Band Aid and it doesn’t have the cinematic drama of Black Hawk Down. But HALO Trust deminers are quietly getting on with saving lives. Their painstaking work helps people make a living without fear that the ground might explode beneath their feet. 521 Comment Qaran News
  14. Sir Gavin Williamson meets Somaliland President HE Abdirahman Irro to discuss Somaliland’s recognition. Williamson stresses it’s time for the UK to recognize Somaliland’s independence, highlighting that the US is poised to take the lead in acknowledging Somaliland’s sovereignty Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya xarig maanta magaalada Muqdisho loogu gaystay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo laga qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa mas’uulkan xiray ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda oo watay laba gaari, waxayna ka kaxeeyeen garoonka Aadan Cadde. Cabdifitaax ayaa kahor inta aan la xirin kusii jeeday magaalada Beledweyne, balse waxaa laga hor istaagay safarkiisa, sida uu ku sheegay qoraal uu goor sii horeysay soo saaray. “Anigoo ah guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Abdifatah Hassan Afrah waxaan saaka ku socday safar aan ku aadayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, saraakiisha amaanka gaar ahaan hay’adda nisa waxey igu wargeliyeen in uu yaallo amar ah inaan safarkeyga sii wadan karin ee leydiiday inaan safro” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan. Sidoo kale wuxuu arrintiisa la wadaagay Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, isaga oo hoosta ka xariiqay in si shaqsi ah ay ugu xad-dubtay dowladda Soomaaliya. “Haddaba waxaan la wadaagayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, caalamka iyo cid kasta ay khudeyso in ay tahay xadgudub qaawan iyo colaadin iga dhan ah ee ay ku kacayso dowladda soomaaliyeed, waana wax ka baxsan sharciga iyo qaanuunka dalka islamarkaana gaf ku ah sharaftayda iyo muwaadin kasta ee Soomaalieed” ayuu sii raaciyay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xarigiisa uu amray taliyaha NISA, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan ku sugan Beledweyne, una jooga xallinta xiisaddii ka dhalatay askarii dhawaan lagu laayay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Si kastaba, laamaha amniga dowladda weli kama hadli xarigga mas’uulkan iyo is hortaagga lagu sameeyay safarka uu ku aadi lahaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
  16. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi ayaa kulan la qaatay Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland, kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka. Kulankan ayaa muhiimaddiisu ahayd isbarasho Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, dhinaca kalena Wasiirka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa iska xog-waraystay xaalad guud ee Dalka, Doorashooyinkii Dalka ka qabsoomay, kuwaasoo u dhacay xor iyo xalaal iyo wada shaqaynta Wasaaradda Amniga iyo Ururada Bulshada Rayidka ah. Ururada Bulshada Rayidka ah oo uu Hogaaaminayo Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Mudane Anwar Cabdiraxmaan Warsame ayaa Wasiirka uga mahadnaqay qaabiladda iyo soo dhowaynta, iyadoo la isla qaatay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha Dawladnimada, Nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada. Cabdillaahi Axmed Caarshe Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Amniga Gudaha JSL. Qaran News
  17. Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ay deegaan doorashadiisu tahay HirShabelle iyo madaxweynaha maamulkaas Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayay ka dhex-tafatay, iyadoo maanta dagaalkooda uu bannaanka usoo wada baxay. Ugu horreeyn Macallimuu oo qoraal soo saaray ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha, wuxuuna ku eedeeyay hoggaan xumo iyo inuu la dagay HirShabelle. Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aanu ka socon wax hormar ah, sidoo kalena ay kala qaybsan yihiin dadkeeda, sida uu hadalka u dhigay. “Hirshabelle waxaa la haray hogaan xumo eber ka hooseeysa, horukac la’aan heer kastamiyo dadkeedii oo qeybsan oo aan hishiis aheyn” ayuu yiri xildhibaan Macallimuu. Intaasi kadib waxaa soo jawaabay afhayeenka Cali Guudlaawe oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro, kaas oo naqdiyay hadalka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu, isaga oo xasuusiyay doorashadii uu kusoo baxay iyo garabkii uu ka helay madaxweynaha. “Xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu Galabtii geediga ahayd ee meel walba faashadaha kaaga duubnaayeen oo aad lahayd kursi ayaan rabaa ee Madaxweynaha Barakeysan Cali Guudlaawe ii geey ma i lowday. Soo ma ahayn qofkii habeen hore dhahayay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar qof ayaa loo magacaabay ee Madaxweynaha lacag ii qaad” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ina ibraahinow abaal dhaan waa jiraa waana mid meel kuu taal tankale Cali Kursigiisa waa ku fadhiyaa waana ku fadhidoonaa ee cidaad ka adag tahay baad ka qaado”. HirShabelle ayaa haatan ku jirta xaalad adag oo ay ugu horreeyaan dagaal beeleedyada oo saameyn ku yeeshay deegaanada maamulkaasi, waxaana ugu dambeeyay dhacdadii askarta lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Ceel Baraf ee Shabeelaha Dhexe.
  18. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley, ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sanadkan ku bixin doonto $28 milyan oo doolar si loo taageero mashaariic cusub oo lagu horumarinayo adkeynta iyo sugnaanta cuntada ee Soomaaliya. Mashaariicdan, oo socon doonta muddo shan sano ah, waxay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 80,000 oo qoys Soomaaliyeed, kuwaas oo qiyaastii 500,000 qof ka kooban. Ujeedada mashaariicdaas ayaa ah in la dhiso nolol waarta, la taageero horumarinta dhaqaalaha, iyo kordhinta kaydka iyo hantida qoysaska Soomaaliyeed. Safiir Riley ayaa sheegay in mashaariicdani ay qeyb ka tahay dadaallada waaweyn ee dowladda Mareykanka ee lagu taageerayo Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag ee uu wajahayo dalka, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha amni ee ka jira gudaha dalka. Dadaalladan cusub ayaa sidoo kale qayb ka ah taageerada Mareykanka ee horumarka waara ee Soomaaliya, iyadoo la doonayo in la dhiso xasillooni dhaqaale oo waara. Taageeradan cusub ee Mareykanka ayaa kor u qaadaysa iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in mashaariicda ay kaalin muuqata ka ciyaaraan kor u qaadista nolosha dadka Soomaaliyeed ee ku nool meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka amni iyo cunto yari. Source: goobjoog.com
  19. Talo ku socota ciday khusayso= 1, Iyagoo dhamaan sharaf iyo karaamo mudan oo isle dadaala, dadkan kildhiga madaxa la gelaaya HA LAGA JOOJIYO video ga aanay fahansanayn in uu iyaga uu dhibaato ku yahay ee laga soo duubaayo, gaar ahaan deegaanada HAWD AND RESERVE AREA. 2, Dhamaan madax dhaqameedka Somaliland ha joojiyaan kamaradan ay soo hor fadhiisanayaan iyo hadaladan QUBANAHA A. 3, Dhamaan bulshada Somaliland yar iyo wayn ha joojiyaan FICILTANKA dhexdooda nooc kasta oo uu yahay, hadii kale horumar gaadhi maysaan. 4, MUCAARID DAWLADA WAAD KU NOQON KARTAA LAAKIIN BAL QIYAAS BADAWNIMADA AY LEEDAHAY IN AAD QABIIL MUCAARID KU NOQOTAA. 5, HA la taageero sidii nabad waarta looga heli lahaa bariga gobolka Sool iyo Sanaag. 6, Dadka HAWD AND RESERVE AREA si cilmiyaysan ha u raadsadaan xaqooda ay ku leeyihiin dawladooda Ethiopia. 7, Degmooyinka Xarshin, Daroor iyo Gaashaamo mar kasta si wada jira ha uuga hawl galaan danahooda, haday tahay federal ka Ethiopia iyo haday tahay DDS. 8,Dadka ka hor intaan la waraysan ama video laga duubin ha loo sheego waxyaabaha ay denbi ku geli karaan sharciyan sida hadal ama hub uu qofku sito. 9, is waraysiga ha xadido sharci qabanaayana ummada ha u sheegaan hay’adaha ku shaqo lihi, DAYAC IYO DIBU DHAC BADAN SHARCI OO BADAN BAA MUUQDEE. By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle oo ka mida aqoonyahanada iyo indheer garadka ummada. Qaran News
  20. President Mohamud’s son was put on trial in Türkiye for causing the death of a Turkish citizen. Mogadishu (Commentary) — When President Recep Tayyip Erdoğan visited Somalia in 2011, his visit was both a photo opportunity and an act of solidarity with Somali Islamists influenced by the Muslim Brotherhood. The term “Islamist” describes the desire to use religion to achieve political goals; it does not imply piety. The political Islamists in Somalia — Salafi groups and Muslim Brotherhood-influenced factions such as Damuljadid — sought to capture the state. Türkiye has forged strong ties with Damuljadid, to which President Hassan Sheikh Mohamud belongs. In 2013, he appointed a former banker, Ali Abdi Amalow, to trace Somali assets held in foreign banks. Some of the funds traced by Amalow and Shulman Rogers, an American law firm, were deposited in a Turkish bank. However, there is no data available on Somali assets in Turkish banks. Essentially, Türkiye is in cahoots with corrupt Somali federal leaders who misuse Somalia’s sovereignty to serve Turkish imperial interests in the Horn of Africa. President Erdoğan sees Somalia as a country where he can project middle-power status. Erdoğan dreams of reviving the Ottoman Empire on a smaller scale. He sees Somalia, with its sentimental and corrupt federal leaders benefiting from business and political ties with Türkiye’s ruling party, as a country where he can project middle-power status. Ethiopia, under Abiy Ahmed, similarly dreams of following the legacy of Emperor Haile Selassie. This imperial nostalgia unites Ethiopia and Türkiye. Erdoğan overruled the Federal Government of Somalia’s decision to exclude Ethiopian troops from the AUSSOM peacekeeping force operating in Somalia. Erdogan pressured President Hassan Sheikh Mohamud to include Ethiopian troops in the force, acknowledge Ethiopia’s “sacrifices in fighting Al-Shabaab,” and lease Somali ports to Ethiopia for commercial purposes. Ethiopia has not withdrawn the illegal maritime Memorandum of Understanding it signed with Somaliland, a secessionist administration, nor acknowledged that this was a violation of Somalia’s sovereignty in its attempts to lease a coastal district in northern Somalia. The Ankara Agreement is a betrayal of the sovereignty of Somalia. Abiy Ahmed is animated by the imperial past of Ethiopia. President Hassan Sheikh’s son was put on trial in Türkiye for careless driving that caused the death of a Turkish citizen. He was driving a vehicle belonging to the Somali Embassy in Türkiye, despite having the resources to hire a car. Erdoğan has effectively captured the Somali state by forming ties with corrupt Islamist political elites in Mogadishu. This relationship is based on kleptocratic interests and the exploitation of religious sentiments for hypocritical purposes. The bicameral legislature, controlled by Villa Somalia, plays a key role in maintaining Somalia as a vassal state of Türkiye. © Puntland Post, 2025 The post Türkiye and Ethiopia Share Imperial Nostalgia, Unbeknownst to Somali Leaders appeared first on Puntland Post.
  21. Buuloburde (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in in gelinkii dambe Jimcihii ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga Buuloburde. Ciidamada deegaanka oo ka war helay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Cadow Gureey oo kamid ah deegaanada hoos yimaada degmada Buuloburde. Weerarka kadib ayaa waxaa meesha ka dhacay dagaal qaatay saacado badan, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Sarkaal u hadlay Macawiisleyda deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay la wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, ayna ka saareen Al-Shabaab. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan halgankooda xoreynta gobolka Hiiraan oo ah halka uu kasoo billowday kacdoonka shacab ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda ayaa maanta mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee guusha ka sheegatay Macawiisleyda. Weerarkan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa mid looga hortagayo qulqulka Al-Shabaab oo inta badan kasoo talaaba wabiga Shabeelle ee mara deegaanada maamulka HirShabelle.
  22. Shir ku saabsan Adkaynta Amniga guud iyo garab istaaga Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada Puntland ayaa maanta lagu qabtay Caasimadda Garoowe. Shirkani ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Shirka uu guddoomiyay Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, islamarkaana looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada. “Shirka ayaa looga hadlay xoojinta iyo wadashaqaynta Hay’adaha Amniga Puntland, Taakulaynta iyo garab istaagga hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyo Kor u qaadista iyo adkaynta Amniga guud ahaan deegaanada Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka. Shirkani ayaa imaanaya xilli ay Puntland dagaal kula jirto kooxaha Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish oo halis ku ah Amniga iyo Xasiloonida guud, kuwaasi oo dhawaan weerar fashilmay ku soo qaaday Saldhiga Ciidamada ee degaanka Dharjaale. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiinta Puntland oo Shir ka yeeshay Taakulaynta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  23. NEW YORK CITY, N.Y. — Monmouth’s Coastal Athletic Association (CAA) opener saw yet another dazzling performance from Abdi Bashir Jr., who poured in 31 points to lead the Hawks to a resounding 78-56 victory over the Stony Brook Seawolves on Thursday night. The win marks a turning point for Monmouth (3-11, 1-0 CAA), as they move into conference play with renewed confidence. Source: Hiiraan Online
  24. Jigjiga (Caasimada Online) – Magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa saaka gaaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi. Soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa safaf dhaadheer u galay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi oo leh qaybahooda kala duwan, sida ay muujinayaan sawirro ka imaanaya jigjiga, kadib markii uu maanta ka dagay ra’iisul wasaare Abiy Axmed. Dowlad Deegaanka ayaa u diyaarisay soo dhoweyntii ugu weyneyd ee Abiy Axmed, taas oo noqotay middii ugu ballaarendy ee ay Soomaali u sameyso, sida laga arki karo muuqaalka. Abiy ayaa booqasho ku maray deegaanka Soomaalida, isaga oo kormeer ku sameynayo magaaooyinka waa wayn, isaga oo la kulmayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta deegaanka. Shalay ayuu Abiy Axmed booqday magaalada Godey, wuxuuna ka furay mashruuc waraab ah, si ay uga faa’iideystaan dadka shacabka ah ku dhaqan halkaasi. Waxaa kale oo uu Soomaalida u sheegay inay iska dhaafaan khilaafka iyo colaadda, Soomaaliduna ay leedahay kheyraad ku filan Itoobiya oo dhan, sida uu hadalka u dhigay. Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa kusoo aadeyso, xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ay dad badan ku dhinteen.
  25. Sida ay sheegtay Xarunta Saadaasha Cimilada ee IGAD Bariga Afrika uu wajihi doono xaalado abaaro ah oo daran. Xarunta ayaa sheegtay dhacdooyinkaan ay dhici doonaan inta u dhaxeysa bilaha January iyo March 2025. Waxa ay sheegtay in dalalka Itoobiya, Uganda, Rwanda, Soomaaliya, Kenya, Brundi iyo Tanzania ay saameyn doonto abaar. Gobolka ayaa sidoo kale wajihi doona heer-kul aan caadi ahayn xilli-roobaadka January ilaa March 2025. Sida ay sheegtay xaruntu, gobolka dhexdiisa, keliya koofur-galbeed Tanzania iyo koofur-galbeed Uganda ayaa heli doona roob aan caadi ahayn inta muddadaas lagu jiro. Dalalka Geeska Afrika waxay ka mid yihiin kuwa ay sida ba’an u saameysay isbeddelka cimilada, iyadoo abaaro, daadad, iyo cayayaanka beeraha ay wax caadi ah ka yihiin isla markaana heer-kulku uu gaaro 32 gigrii, sida ay xarunta sheegtay. In ka badan 64 milyan oo qof oo Geeska Afrika ku nool ayaa u baahan gargaar bani’aadannimo. Source: goobjoog.com