Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Islamabad, Pakistan (CNN) - Pakistan’s ex-Prime Minister Imran Khan was shot in the foot at a rally Thursday, according to an official from his party, which said the incident was an assassination attempt. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) - Somalia's Ministry of Health announced that it has removed testing requirements for the COVID-19 virus at the airport. Source: Hiiraan Online
  3. Beledweyne (HOL) - Hiiraan Governor Ali Jeyte Osman told Macawisley fighters that the children and wives of Al Shabaab fighters should not be targeted arbitrarily. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta sameeyey arrin lama filaan ku noqotay dad badan, kadib markii uu kasoo muuqday munaasabad ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Munaasabaddan oo ay dowladdu kula wareegeysay gargaar ay soo dirtay dowladda Itoobiya ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin kala duwan, sida duqa Muqdisho, wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada, wasiirka warfaafinta, taliyaha NISA iyo xubno kale. Deeqda ka timdi Itoobiya ayaa ah daawo loogu talagalay dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2, ayada oo sidoo kale ay la socdeen dhaqaatiir laga soo diray Addis Ababa, waxaana gargaarkaan wasaaradda caafimaadka ku wareejiyey safiirka Itoobiya. Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahadceliyey dowladda Itoobiya, sida ay uga soo jawaabtay dalka wasaaraddiisa, kadibna deeqda ay soo dirtay. Dhinaca kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyey in taliyaha NISA uu ka soo muuqdo la wareegida gargaarka Itoobiya. “Wakaas madaxii nabad sugidda dalku caawamida tirsanaya” ayuu yiri Aadan Maxamed oo ka mid ah dhalinyarada isticmaala Facecook ee ka falceliyey arrintaan. “Oo kan muxuu meesha ka dooney bilo ku ciyaadhey” ayuu isna yiri wiil kale oo lagu magacaabo Khayre Cali Nuur. “Fahad sidaan ma lagu garaa?” ayuu isna yiri Cabdirisaaq Aadan Cabdisalaan oo ka mid ah dadka isticmaala Faceebok. “Mahad Salaad ma iska hubisay daawadan nooga timid Itoobiya” ayuu dhankiisa yiri Nasiib Cabdi Tahliil oo qoraalkan uga falceliyey arrinta uu maanta sameeyey Taliye Mahad Salaad. The post Sawirro: Taliye Mahad Salaad oo arrin lama filaan ah sameeyey maanta appeared first on Caasimada Online.
  5. Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland. Aadan Madoobe, ayaa waxaa garoonka magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil iyo dadweyne kale. Guddoomiyaha ayaa inta uu halkaas ku sugan yahay waxa uu kulan uu la qaadan doona guddoonka golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland iyo xubnaha golaha wakiilada Puntland. Sheekh Aadan Madoobe, waxaa socdaalkiisa Garowe ku wehlinayo guddiga jogtada ah ee golaha shacabka, waxaana ay ka shaqayn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaa shanaya dadka deegaanka iyo ururka Al-shabaab uu ka socdo inta u dhaxeysa Tardo iyo Moqokori. Dagaalka ayaa la soo warinaya in ciidamada ay ku baxeen xubna ka tirsan ururka alshabaab kuwaas oo la sheegay in ay isku aruursanayeen deegaan lagu magacaabo Ceelhareeri . Ma cadda illa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda gobalka Hiiraan, balse wararka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka. Weli saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa kama aysan hadlin dagaalka, waxaana ciidamada ay sheegeen uu weli socdo hawlgalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo maanta ka qabsoomay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa looga hadlay gurmadka loo fidinayo dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxyadii Zoobe iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Shirkan oo uu guddoomiyey ra’iisul wasaare Xamza ayaa ugu horreyn warbixino looga dhageystay guddiga qaran ee loo saaray gurmadka dadkii waxyeeloobay Qaraxyadii Zoobe. Gudiga ayaa golaha la wadaagay warbixin ku aadan halka ay marayaan howlaha gurmadka, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa. Wuxuu sidoo kale guddigu shaaciyey in weli gurmadka uu socdo, islamarkaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya. Sidoo kale golaha wasiirkada ayaa shirkooda warbixin uga dhageystay wasiirada amniga iyo gaashaandhigga, taas la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta ee ka socdo dalka. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalladaasi. Ugu dambeyn wasaaradda maaliyadda ayaa golaha u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha deyn cafinta iyo safarkii wasiirka maaliyadda uu ku tegay Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya. The post Maxaa kasoo baxay shirkii golaha wasiirada? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda. Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa , welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya. Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Argagixisada. Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalka lagu baacsanayo Khawaarijta. Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta. PUNTLAND POST The post Maxaa maanta looga hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya? appeared first on Puntland Post.
  9. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Garoowe ku soo dhaweeyey Guddodoomiyaha Golaha Shacabka BFS ahna ku-simaha Madaxweynaha JFS, Mudane Aadan (Madoobe) iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo kicitimay Muqdisho. Munaasabada Soo dhaweynta oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ayaa sidoo kale waxaa qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal, Duqa Garoowe, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada DPL, Wasiiro ka tirsan Golaha Xukuummada Puntland, Xildhibaanno kamid DFS, Saraakiil & dadweyne kale. Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS uu ku yimid Puntland waxaa ku wehliya Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BFS, iyadoo inta Garoowe joogaan ka shaqeyn doonaan nidaaminta Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, Waxaana sanadihii hore shirarkan lagu qaban jiray dalka dibadiisa. Weftiga Guddooniyaha Golaha Shacabka ayaa markii ay soo degeen waxaa loo gudbiyey qaybta nasiinada ee Garoonka, halkaas oo ay kula hadleen Warbaahinta, iyagoo faah faahin ka bixiyey safarkooda iyo mudada uu qaadan doono. Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, oo soo dhaweeyey weftiga ayaa uga warbixiyey xaalada Puntland oo ah mid wanaagsan, isagoo sheegay inta ay joogan Garoowe weftiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay ku marti qaadi doonaan kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo socda xilligan. PUNTLAND POST The post Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post.
  10. Muuse biixi sharci ayuu ku noqday madaxweyne sharci darona kuma joogi karo kursiga,13 Nov marka la gaadho madaxweyne kuuma aqoonsanin” Muusow waligaaba Meerayso Wakhtigaagii wuu dhamaaday waad ka tagaysaa meesha” Doorasho Doorasho Muddo kordhin xaaraan ah maya,Doorashada wuu ka baqayaa Muuse Doorasho Doorasho” Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo Ceerigaabo gaadhay. Qaran News
  11. Mogadishu (HOL) - Somali military court executed two al-Shabab men in Mogadishu on Thursday after they were convicted of committing multiple murders in the capital. Source: Hiiraan Online
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo u dhexeeyey maleeshiyaadka la magac baxay ciidamada dib u xoreynta deegaanka iyo Kooxda Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka ayaa ka qarxay deegaanka Ceelhareeri, kadib weerar ay ku qaadeen ciidamada huwanta ee howlgallada ka wada halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xog ku aadan in Al-Shabaab ay isku uruursanayaan deegaankaasi, si ay weerar usoo qaadaan balse ay ka hortageen, islamarkaana ay khasaare ku gaarsiiyeen dagaal culus oo ka dhaca deegaanka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeystay markii ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay heleen ciidamo gurmad ah ay oo ka yimid deegaanka Tardo. Intaas kadib ayaa waxaa ciidamada u suuragashay inay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Ceelhareeri oo u dhow magaalada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolkaasi oo dhaca bartamaha Soomaaliya. Hiiran ayaa ka mid ah gobollada uu ka socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay guullo waa weyn ka gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya. The post Goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab oo weerar lagu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  13. Kenya in collaboration with Somalian security forces Tuesday, November 1, mounted a rescue operation that successfully freed three people who were taken hostage by suspected Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  14. Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa wada abaabul xooggan oo ku jihaysan arrima difaaca Gobollada SSC. Wararku waxay sheegayaan in xildhibaannada abaabulka wada ay riixayaan in Baarlamanka Puntland ay qaraar adag ka soo saaraan xaaladda Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn. Xildhibaannada ayaa si gaar ah xoogga u saaray xaaladda Gobolka Sool oo degmadii u danbaysay ay dhowaan la wareegtay Somaliland. Baarlamanka Puntland oo hadda fasax kooban ku maqan ayaa lagu wadaa in uu dib isu-gu soo laabto Isniinta soo socota. The post Baarlamanka Puntland oo wada qorshe ku jihaysan difaaca Gobollada SSC appeared first on Puntland Post.
  15. Wadada qaraxu ka dhacay Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir. Qaraxa waxaa inta la xajiijiyay ku dhintay ilaa saddex qof oo labo ka mid ah yihiin caruur, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ku dhawaad toban ruux oo isugu jira shacab iyo askar. Qaraxa oo ahaa miino ayaa sida wararku sheegayaan lala eegtay gaari ciidan oo ah nooca Soomaalidu u taqaan Cabdi Bile, waxaana ciidankii gaarigaas saarnaa gaaray dhimasho iyo dhaawac, sidoo kale qaraxa wuxuu saameeyay gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaateen dad shacabka ah iyo arday wadada maraysay. Magaalada Mudisho waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay qaraxyada, xilli ay qaar ka mid ah gobolada dalka ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  16. Dahabshiil’s CEO Abdirashid Duale said the company will do all it can to support people. Somalis are doing all they can to help those affected by Saturday’s deadly attacks at Zoobe junction in the capital, Mogadishu, which killed more than 100 people and wounded at least 300 others. Residents of the city are rushing to donate blood. People are distributing cooked meals to the injured in hospital. Somalis have a long tradition of helping each other in times of adversity, supporting those affected by drought, floods, conflict and disease. They do this across clan, political and regional divides. Their response to the Zoobe attack is clear evidence of this informal mutual support mechanism. Businesses are stepping in with generous contributions. The Dahabshiil Group has donated $500,000. $250,000 will help support those injured in the attacks and $250,000 will go to small traders who lost their businesses and therefore their livelihoods. In order for the donations to reach each individual urgently, they will be paid through their eDahab mobile money service accounts and monitored by an independent committee. Dahabshiil will waive all eDahab fees for those inside and outside the country who wish to make donations via this service to the victims. These donations will also be overseen by the independent committee. The company is ready to help Somalis affected by drought and other natural disasters as well as incidents like the devastating fire at Waheen market in Hargeisa and the recent Zoobe attack. It has waived fees for people who wish to donate to such causes and enable the money to reach those who need it most in record time thanks to its mobile money service eDahab and wide network of remittance agents serving the Dahabshiil money transfer company. Dahabshiil’s Chief Executive Officer Abdirashid Duale said the company will do all it can to support people affected by the attack, especially those with limited resources. “We are saddened because any life lost in our region means a hand that could help build the region economically is gone. We are 100 percent committed to supporting the victims and enabling small traders to rebuild their businesses,” said Duale. Other companies are making contributions including the Somtel telecommunications firm which has offered free communications equipment and internet services to the Somali Disaster Management Agency so it can help victims of tragic attack. The Star Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya faahfaahinada laga helayo qarax khasaare geystay oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino, waxaa lla beegsaday gaari Cabdi Bile ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sida aan xogta ku helay gaariga la qarxiyey oo gubtay ayaa waxaa la socday ilaalada guddoomiye ku xigeenka amiga gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), waxaana uu ka yimid gaariga dhinaca Dayniile, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qaraxa dhacayey uusan kolonyada la socon Cali Yare, balse waxaa waxyeelo ay soo gaartay askar iyo dad shacab ah. Inta la xaqiijiyey qaraxaan ku dhintay illaa saddex qof oo laba ka mid ah ay yihii carruur waddada mareysay, halka mid kalena uu yahay askari ka tirsan ciiidamada la qarxiyey. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay lix qof oo kale oo ay ku jiraan laba askari iyo dad kale oo isku qoys ahaa oo kala ah Aabe, Hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhaleen oo gaari saarnaa. Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Sabtidii lasoo dhaafay qaraxyo is xig xigay ay ka dhaceen Zoobe, kuwaas oo ay ku dhinteen 120 qof, halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale. The post Wararkii ugu dambeeyey qarax maanta ka dhacay Dayniile + bartilmaameedka appeared first on Caasimada Online.
  18. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxayo qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay degmada Dayniile ee gobalka Banaadir. Qaraxa ayaa mid miino ah waxaana lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah ee Cabdi Bile, waxaana wararka ay sheegayaan in uu jiro khasaaro kala duwan. Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaana jira tira intaas ka badan oo dhaawac ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markale xukun dil toogasho ah saaka ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamaddu. Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdulle Axmed Muudey oo 24 sano jir ah iyo Cumar Aadan Maxamed oo 29 sano jir ah, kuwaas oo lagu helay inay dilal u geysteen askar ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Cumar Aadan ayaa lagu helay inuu dilay Cabdullaahi Maxamed Hilowle bishii October 2019, halka Cabdulle Axmed Muudey isna lagu helay inuu dilay Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada amniga dowladda Soomaaliya bishii November ee sanadkii hore 2019. Sidoo kale labadaan nin oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa dil toogasho ah lagu xukumay December 2020-kii, kaas oo maanta lagu fuliyey. Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi. Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi. Si kastaba, dilka maanta lagu fuliyey Cabdulle iyo Cumar ayaa todobaad gudihiis ka dhigaysa in la toogtay illaa 10 ruuux oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. The post Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay labo ka tirsanaa Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timi Alle Ha u naxariistee Guddomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Gen.Siciid Abyan Cigaal “Saalax Liif” oo ku geeriyooday Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey qoyskiisii, ehelada, asxaabta, Ciidmada qalabka sida iyo guud ahaan shacabka reer Puntland. AHUN Gen. Siciid Abyan Cigaal, ayaa ahaa sarkaal waxbadan usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuu xilal kala duwan oo xagga Ciidamada ah kasoo qabtay Soomaaliya iyo burburkii kadib oo uu Puntland doorweyn kulaha yagleelka garsoorka Ciidamada. Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryey inuu Janatul Fardowsao ka waraabiyo marxuumka, eheladii iyo saaxiibadiina uu samir iyo Iimaan kasiiyo, Aamiin. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo ku geeriyooday Garoowe appeared first on Puntland Post.