Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen madaxda ka tirsan dowladda dalkaasi. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa ah ka qeyb-gallka shirweyne ku saabsan hormarinta beeraha oo madaxda qaaraddu Afrika ay isugu imaan doonaan, sidoo kale waxaa la filayaa inuu wada-hadallo gaar ah la yeelan doono dhiggiisa dalkaas yoweri moseveni. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu safarka Uganda ka dib tagi doono caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo ay ku kulmi doonaan Ra’iisul wasaaraha dalkaas si loo sii ambaqaado heshiiskii Ankara. Source: goobjoog.com
  2. Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu Ruushka ku soo rogayo cunaqabateyn ballaaran oo lagu tilmaamay kuwii ugu darnaa, islamarkaana ka dhan ah waaxda tamarta ee Ruushka. Cuna-qabataynnadan ayaa si gaar ah loogu beegsan doonaa, shirkadaha ka shaqeeya soo saaridda saliida ama shidaalka ee dalkaasi Ruushka. Cuna-qabataynnadan ayaa ku soo beegantay maalmo yar ka hor dhamaadka muddada Madaxweyne Joe Biden, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaana sheegtay in cunaqabataynnadan ay ujeedadoodu tahay in hoos loo dhigo shidaalka iyo kheyraadka Moscow si loo wiiqo awoodda dhaqaale ee Ruushka. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Xoosh oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si la yaableh uga hadlay dagaalka ay Puntland ku qaaday kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Cali Xoosh ayaa si weyn u dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni isaga oo si cad u sheegay in ku fashilmay hoggaaminta maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dagaalka Puntland ee argagixisada laga daahay, isla markaana uu muddo dheer indhaha ka qabsanayay Saciid Deni, taasina ay sababtay in awood dhulka bari ku yeelato kooxda Daacish. “Waa mas’uuliyad dusha ka saaran hoggaanka Puntland, maaddaama ay awoodi waayeen in ay si dhab ah u wajahaan dhibaatada amni ee ka jirta gobolka,” ayuu yiri wasiir Xoosh. Dhanka kale, wuxuu farriin u diray shacabka Puntland oo uu ugu baaqay inay muujiyaan baraarug, ayna fahmaan jihada uu hadda ku socdo maamulka Puntland, oo u muuqata sida uu sheegay mid ka leexatay tiirarkii iyo tubtii aasaaska ahayd ee maamulka lagu dhisay. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali karin in Puntland loo xanibo dano shaqsi ah iyo siyaasad khaldan oo bulshada kala qaybinaysa. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Puntland ay wajaheyso dagaal culus oo ay ku qaaday Daacish oo ku xoogan qaybo badan oo kamid ah buuraha gobolka Bari. Dowladda dhexe iyo Puntland ayaa waxaa haatan ka dhexeeya khilaaf xoogan oo siyaasadeed, kaas oo saameeyay wada shaqeyntii labada dhinac.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kusii jeedo magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu isku mari doono dalalka Uganda iyo Itoobiya, isla markaana safarkiisa uu qaadan doono hal maalin. Sida aan xogta ku helnay madaxweynuhu wuxuu casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ay wada-hadallo xasaasi ah ku yeelan doonaan magaalada caasimad ah ee Addis Ababa. Xogta ayaa sidoo kale ku warrameysa in ujeedka ugu wayn uu yahay sii amba qaadida wada-hadallada labada dowladood, si loo dhameystiro heshiiska Ankara. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in suuragal ay tahay in labada dowladood ay kala saxiixdaan heshiis cusub oo ku aadan badda, maadaama horay Soomaaliya u ogolaatay in Itoobiya siiso marin biyood, iyada oo toos ugala macaamileyso dowladda dhexe. Sidoo kale waxaa labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan arrinta ciidamada Itoobiya iyo ka qayb galka howlgalka AUSSOM ee sanadkan cusub ka billowday gudaha Soomaaliya. Dhinaca kale, hadal-heyn xooggan ayaa ka dhalatay booqashada la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh ku gaaro Addis Ababa, maadaama ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, horayna madaxweynaha uu mowqif adag uga qaatay arrinta Itoobiya. Dadweynaha ayaa is weydiinaya sababaha soo dadajiyay safarka madaxweynaha, inkastoo labada dowladood ay dhowaan heshiis ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Horay waxaa Addis Abaa u booqday wafdi ka socday wasaaradda arrimaha dibadda iyo taliyaha NISA, kuwaas oo wada-hadallo lasoo yeeshay dowladda federaalka Itoobiya.
  5. “Somaliland waxay Aqoonsigeeda uga faa’iidaysanaysaa istraatiijayada ganacsigeeda oo ka dhigaya dal madax-banaan” Warbaahinta Tribune Warbixin ay qortay warbaahinta Tribune ayaa iftiimisay xawliga iyo sida yy u xoogaysanayo dalabka iyo dedaalada ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo lagu xoojinayo tallaabooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga militari iyo midka diblomaasiyadeed ee ay la samaynayso qaar ka mid ah dalalka caalamka. Warbaahintan caalamiga ahi waxa kale oo ay tilmaantay in Somaliland ay si xirfad sare ku dheehantahay ugu adeegsanayso muhiimadeedas istiraatiijiyadeed si ay u hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo kaashaneysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Berbera iyo xidhiidhka cusub ee Mareykanka. Warbixintan ayaa sheegtay in tallaabooyinka iyo xirfadaha cusub ee ay kaashanayso Jamhuuriyadda Somaliland, si ay u hesho aqoonsi caalami ah ay muujinayaan isku dayada joogto ah ee ay ku dooneyso in ay kasbato dhegeysi beesha caalamka, taasoo laga yaabo inay abuuri karto isbeddello waaweyn oo ku yimaada siyaasadda gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena qaabaynaysa dhaq dhaqaaqa Geeska Afrika. Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegtay in hannaankan cusub ee Somaliland uu abuuri karo jiho cusub oo ay Somaliland ugu guuleysato inay kaalin muhiim ah ka ciyaarto istiraatiijiyadda gobolka iyo caalamka, inkasta oo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ay ku hareereysan yihiin. Warkan oo uu qoray saxafiga caanka ah ee Azhar Azam oo wax ka qora arrimaha juquraafiga istiraatiijiga ah, siyaasadda gobolka, iyo colaadaha ka taagan Geeska Afrika. Waxa uu falanqeyn ku sameeyaa sida isbeddellada juquraafiga iyo iskaashiyada caalamiga ahi u saameeyaan gobolka, iyada oo la adeegsanayo dhacdooyinka cusub ee waaweyn ee saameeya degaanka iyo dadka ku nool. Warkan oo ay baahisay warbaahinta Tribune oo ku qornaa luuqada Ingiriisiga oo aanu u soo turjunay af Soomaali waxa uu ku bilaabay sidan:- “Somalialnd waxay ku taal Geeska Afrika oo leh xeebo boqolaal mayl ah oo ku teedsan gacanka Cadmeed, waxayna xuduud la leedahay Itoobiya Koonfur iyo Galbeed iyo Jabuuti oo waqooyi-galbeed ka xigta, Somaliland waa dawlad madaxbanaanidiisa ku dhawaaqay sannadki 1991-kii balse aan weli la aqoonsan. caalami ahaan. Isbeddelka ayaa dhacaya dhawaan iyada oo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley uu ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi, wuxuuna sheegay inay tahay “mid ka mid ah tusaalaha ugu wanaagsan ee dimuqraadiyadda Afrika”. Maalintii madaxweynaha Cusub ee Somaliland la dhaariyey, ayaa Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanku waxa uu soo saaray sharci dhigaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Jamhuuriyaddu waxay isku dayeen inay Congress-ka ku ansixiyaan sharci taageersan Somaliland. Markan sharcigan ayaa laga yaabaa inuu ansixiyo iyadoo gacanyarayaashii hore ee Donald Trump ay sheegeen inuu aqoonsan karo Somaliland iyo sababta oo ah dawladda dhabta ah waxay muujisay inay diyaar u tahay inay Maraykanku saldhig milatari ka siiyaan Berbera oo u dhow marinka Bab-el-Mandeb, marin muhiim ah oo maraakiibta. Raas oo isku xidhaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya iyada oo loo marayo Gacanka Cadmeed – waxay si weyn u kordhisaa qiimaha istaraatiijiyadeed ee dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo kuwa milatari. 2020, Somaliland waxay xafiis ka furatay Taiwan, taas oo Shiinahuhu ka cadhooday. Dhowaan, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Taipei, François Chihchung Wu, ayaa hoggaaminayay wafdi ka qaybgalay xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Somaliland. Tan iyo sidoo kale xidhiidhka dhow ee Beijing ay la leedahay Muqdisho iyo taageerada ay siiso midnimada dhuleed ee Soomaaliya ayaa ku riixi karta Mareykanka inuu tixgeliyo soo jeedintan aqoonsiga Somaliland. Mashruuci 2025-ka – ajande muran badan dhaliyay oo ay abuureen garabka midig ee Heritage Foundation oo loo arko in uu yahay qorshaha maamulka Trump ee iman doona – waxa uu ku baaqay “in la aqoonsado qaranimada Somaliland oo ah dayr ka dhan ah mawqifka Maraykanka ee Jabuuti oo sii xumaanaya”, Somaliland. waxay haysataa fursad wanaagsan oo uu naftiisa ku aqoonsan karo Trump. Imaaraadku ilaa hadda waa ciyaaryahan GCC ugu weyn Afrika. Iyadoo Abu Dhabi ay 59.4 bilyan oo dollar ku maalgelisay qaaradda tobankii sano ee u dambeeyay, waxa ay ka hawlgashaa isku xidhka saadka iyo dekedaha Geeska oo ay ku jirto Somaliland. Imaaraadku waxa uu hore saldhigyo millatari uga samaystay Ereteriya iyo Somaliland, intii uu ololaha millatari ka waday Yemen.” Source
  6. Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay in lacag dhan 95 Milyan oo deeq Military ah oo la siiyo Masar ay qorsheyneyso inay ka jarato oo lasiiyo dal kale. Warbixintaan waxay sheegeysaa in Mareykanku deeqdaas Militeri u wareeji doona dalka Lubnaan, sababo lala xidhiidha walaacyada laga qabo diiwaanka xuquuqda aadanaha ee Qaahira. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa qorshahaan Isniintii toddobaadkaan la wadaagtay Aqalka Congres-ka Mareykanka. Washington waxay sheegtay in Ciidamada Lubnaan ay yihiin saaxiibka muhiimka ah ee ilaali doona heshiiskii Lubnaan iyo Israa’iil ay dhowaan galeen ee dagaalka lagu joojiyey iyo inay ka hor tegi doonaan in ammaanka Israa’iil ay Xisbullah qalqal-geliso. Bishii September ayaa la sheegay in qorshahaan uu diiday Aqalka Congres-ga Mareykanka, kadib markii uu u gudbiyey maamulka waqtigiisu sii dhamaanayo ee Joe Biden, waxaana si cad u diiday xildhibaano badan. Dowladda Mareykanka ayaa go’aanka ay deeqdaan maaliyadeed uga jaraneyso Masar ku sheegtay walaaca xuquuqda aadanaha ee ka jira gudaha Masar, iyadoo la tilmaamay in kumanaan qof ay Qaahira ugu xiran yihiin arrimo la xiriira siyaasadda. Maamulka Joe Biden ayaa bartamihii sanadkii hore dowladda Masar ka dalbaday in xabsiyada laga siidaayo dadka u xiran arrimaha siyaasadda, iyadoo aan la farogeli doonin dhaqaalaha militeri ee Mareykanku siiyo Masar. Xubnaha soo diyaariyey warbixinta deeqda militeri ee Masar la siiyo loogu wareejinayo Lubnaan waxay ku doodayaan in dhaqaalahaas qaar loo weeci karo dhanka Suuriya hadii loo baahdo, maadaama is bedel maamul oo weyn uu ka dhacay. “Lubnaan waa saaxiibka dhanka amniga ee Washington ay dooratay,” ayaa lagu yiri warbixinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay u gudbisay Aqalka Congress-ka. Sidoo kale, Mareykanku wuxuu hoosta ka xariiqayaa inay muhiim tahay in isbedelka Suuriyaha la xaqiijiyo in kooxda Xisbullah ee Shiicada Iran taageerto aysan carqaladeyn, ilaalinta ajendahaas ayaa u baahan dhaqaale badan. Source
  7. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeybgalay ka dhagaytay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriir xaalada dalka, gaar ahaan arimaha siyaasada, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga. Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhincyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamka qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgalinta doorashooyinka tooska ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka mirodhalinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriirta qabashada doorashooyinka qof iyo cod, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan. Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaareyaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigalinta bulshada iyo dowlad dhiska. Source: goobjoog.com
  8. Mogadishu (HOL) – Police forces in Mogadishu have detained 23 individuals accused of involvement in crimes including murder, injury, robbery, and drug trafficking. Source: Hiiraan Online
  9. Dab ballaadhan oo ku faafay xaafado ka tirsan Los Angeles, kaas oo barakiciyay kumannaan qof, ayaa ilaa hadda galaaftay nolosha ugu yaraan 10 qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta, ayada oo Ciidamada Ilaalada Qaranka ee California loo diyaariyay inay gacan ka gaystaan ka hor-tagista nidaam darrida. Magaalada Los Angeles, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Mareykanka, ayaa burbur xoogan uu soo gaaray, iyadoo in ka badan 10,000 dhisme la sheegay inay ku gubteen, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka. “Wax walba waan waayay. Gurigaygii waa gubtay, waxna igama harin,” ayay tidhi Hester Callul, oo ku jirtay goob barakac ah kadib markii ay ka qaxday gurigeeda oo ku yaallay xaafadda Altadena. Dabka ayaa laga daminayay meelo badan iyadoo la adeegsanayo diyaarado biyo ku daadinaaya dabka, taas oo suuragashay kaddib markii dabeylaha yaraadeen. War ka soo baxay xafiiska baaraha dhimashada ee Los Angeles County ayaa lagu sheegay in tirada dadka dhintay ay gaartay 10. Iyadoo dhacdooyin boob ah lagu soo warramay, ayaa lagu soo rogay bandow habeenimo, halka Ciidamada Qaranka ee gobolka lagu howlgeliyay inay roondeeyaan goobaha dhibaatadu ka dhacday. Guddoomiyaha California, Gavin Newsom, ayaa sheegay in ciidamadaas ay qayb ka yihiin in ka badan kun shaqaale dowladeed ah oo loo daabulay aagga dabka. “Wax walba ayaan adeegsanaynaa -– oo ay ku jiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka -– si aan u ilaalino bulshada maalmaha soo socda,” ayuu yidhi. “Ciddii isku dayda inay ka faa’iideysato xaafadaha la barakiciyay, waxaan u sheegayaa si cad: boob ma aqbali doonno.” Sarkaalka ugu sarreeya booliska Los Angeles County, Robert Luna, ayaa sheegay in booliiskiisa ay si dhow u ilaaliyayaan goobaha barakaca, isla markaana la xirayo cid kasta oo aan u fasaxnayn inay halkaas joogto. Dabka ayaa illaa hadda ku baahay dhul dhan in ka badan 14,160 hektar, gudaha Los Angeles, sida uu sheegay adeegga dab-damiska ee gobolka. Maaddaama aaggan ballaaran uu gubtay, dadka barakacay ayaa ka walaacsan in aanan si ku filan loo qaban shaqada gurmadka, taasi oo keentay in qaarkood ay isku dayaan inay gacmahooda wax ku qabsadaan. Nicholas Norman ayaa hubkiisa qaatay kaddib markii uu arkey dad shaki leh oo xaafadda dhex marayay xilli habeen ah. “Waxaan sameeyay waxa America caanka ku tahay: waxaan qaatay qorigayga, banaanka ayaan fariistay, waxaanan shiday nal si ay u ogaadaan in dad joogaan,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP. Source
  10. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen goobo ay Xuutiyiintu ka taliyaan ee dalka Yemen, oo ay ku jiraan xarunta tamarta ee Hezyaz oo ku dhow caasimadda Sanca, iyo dekedaha Xudeyda iyo Raas Isa ee ku yaalla xeebta galbeed. Ciidamada Israa’iil ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay duqeeyeen goobo ay Xuutiyiinta Yemen maamulaan. Xuutiyiinta Yemen ayaa dhowr jeer oo hore weeraro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalo ah ku qaaday Israa’iil iyagoo taageeraya Falastiiniyiinta Gaza. Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sidoo kale weerar ku qaaday maraakiib ay u arkaan in ay xiriir la leeyihiin Israa’iil oo marayey badda cas. Source
  11. Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan mileeshiya-beeleedyo abaabulan ayaa saaka oo Sabti ah qabsaday degaanka Jiidali dhinaca bari ka xiga magaalada Ceerigaabo. Ciidamada Somaliland iyo mileeshiyaadka is garabsanaya ee la wareegay Jiidali oo ka soo duulay degaannada galbeedka gobolka Sanaag ayaa horay u qabsaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Ceerigaabo oo ahayd magaalo lagu degganyahay heshiis beeleed afar-dhinac ah ayaa lagu kala qaxay kaddib markii ay dhawaan qabsadeen ciidamada Somaliland oo garabsanaya mileeshiya-beeleedyo ka soo duulay galbeedka gobolka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in qabsashada Jiidali ee ciidamada Somaliland ay kaga gaashaamanayaan in dib looga qabsado degmada Ceerigaabo oo ay marin istiraatiiji ah u tahay Jiidali si aysan u lumin gacan ku haynta Ceerriga. PUNTLAND POST The post Ciidamada Somaliland iyo mileeshiya-beeleedyo abaabulan oo qabsaday degaanka Jiidali appeared first on Puntland Post.
  12. Ciidamada Somaliland ayaa maanta la wareegay deegaanka Jiidali oo ku yaalla bariga magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag. Deegaanka Jiidali ayaa ah mid muhiim ah, inkastoo uusan ku jirin furimaha dagaalka ee ay isku horfadhiyeen ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid ay Somaliland uga hortagayso dhaqdhaqaaqyada iyo go’aamadii kasoo baxay shirkii Ceelbuh, oo dhowaan lagu qabtay gobolka Sanaag. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray mowqifka siyaasadeed iyo amni ee SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland. Wararka laga helayo Jiidali ayaa muujinaya in ciidamada Somaliland ay halkaasi ku sugan yihiin si ay u adkeeyaan ammaanka, iyagoo ka hortagaya in deegaankaasi uu noqdo goob ay ku xoogaystaan xoogagga ka soo horjeeda maamulka Somaliland. Dhanka kale, dadweynaha deegaanka iyo siyaasiyiinta SSC-Khaatumo ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid cadaadis ah oo aan loo baahnayn, maadaama deegaanka Jiidali aanu ka mid ahayn meelaha ay ka socdaan dagaallada ama khilaafka tooska ah. Xaaladda guud ee Jiidali ayaa weli degan, inkastoo welwel laga qabo in xiisaddu sii korodho, iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay weli kacsan tahay. Source: goobjoog.com
  13. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo ballaaran oo ka dhan ah burcadda iyo kooxaha falalka amni-darro ka wada caasimadda. Howlgalladan oo lagu fuliyay iskaashi ka dhexeeya Hay’adda Amniga Gobolka Banaadir iyo shacabka magaalada ayaa lagu soo qabtay 23 eedeysane oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal ay ka mid yihiin dil, dhaawac, dhac dadweyne, iyo ka ganacsi maandooriye. Saraakiisha amniga ayaa sheegay in eedeysanayaasha la horkeeni doono sharciga si ay u wajahayaan caddaaladda. Waxaa kaloo ay sheegeen in howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa magaalada laga ciribtiro kooxaha ka wadda Amni darada. Kooxda Ciidanka Booliska ay soo qabteen waxaa ku jira haween ka qeyb ka ahaa falalka Amni daro. Talaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu adkaynayo nabadgelyada iyo ka hortagga dambiyada ka dhanka ah bulshada. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku boorisay shacabka inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka amniga. Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo amniga caasimadda iyo in la dhiso kalsoonida shacabka iyo ciidanka booliska si loo yareeyo falalka dambiyada. Source: goobjoog.com
  14. Gaza (Caasimada Online) – Xamas ayaa sameyneysa soo rogaal celin weyn, iyadoo ciidan cusub soo xero-gelineysa, sida laga soo xigtay warbixin uu baahiyay taleefishinka Channel 12 ee Israel, taas oo uu sidoo kale xaqiijiyay wargeyska The Jerusalem Post. Sida ay sheegtay Channel 12, Xamas iyo xoogagga kale ee Ururka Islamic Jihad ayaa tiradooda hadda lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20,000-23,000 dagaalyahan. Tiradan cusub ayaa imaneysa ayada oo dhowaan tirada dagaal-yahanada lagu sheegay 12,000. Tiradan cusub ayaa sidoo kale su’aal gelineysa sheegashadii Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo ciidamada difaaca Israel (IDF) oo sheegtay in inta u dhaxaysa 17,000-20,000 dagaalyahan oo Xamas iyo Islamaic Jihad ah ah lagu dilay dagaalka. 15-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaa jiray farqi dhowr kun ah oo u dhexeeyay tirakoobka IDF iyo Netanyahu, taas oo keentay shaki ku saabsan saxnimada qiyaasaha. Bishii Juun, IDF waxay intaas ku dartay in inta u dhaxaysa 14,000-16,000 dagaalyahan oo Xamas ah lagu dhaawacay dagaalka. Xisaabo aan is-qabanayn Bishii Oktoobar 2023, IDF waxay sheegtay in guud ahaan ciidamada Xamas ay gaarayeen 25,000, laakiin tirakoobyada hadda la soo bandhigay ayaa u muuqda kuwo aad uga duwan – Haddii aanay Xamas ciidan cusub ku beddelin kuwii hore. Xogta qaar waxay tilmaamayaan in, inkasta oo IDF markii hore ay ku qiyaastay 25,000, tirada dagaalyahannada Xamas ka hor dagaalka ay gaari karto 30,000 illaa 40,000. Warbixin uu The Jerusalem Post helay ayaa tilmaamay in tirada 40,000 ay u badan tahay inay sax tahay. Haddii xogtan sax tahay, waxay muujineysaa in inta badan dagaalyahannada Xamas ay weli joogaan, laakiin sidoo kale ay kooxda ku kordhisay dagaalyahanno cusub oo aad u badan. Dib u soo kabashada Xamas Bishii Juun, warbixinnadii ugu horreeyay ayaa sheegay in Xamas ay dib ugu soo kabaneyso awooddeeda kadib markii ciidamada IDF ay ka baxeen waqooyiga Gaza bilihii Janaayo iyo Febraayo, iyo sidoo kale magaalada Khan Yunis 7-dii April. Haddii xogta Channel 12 sax tahay, waxay muujineysaa in 9,000 dagaalyahan oo Xamas ah ay u kala qaybsan yihiin waqooyiga iyo koonfurta Gaza, halka Islamic Jihad ay haystaan 4,000 dagaalyahan, iyo 7,000-10,000 dagaalyahan kale oo si aan rasmi ahayn loo abaabulay ay ku faafsan yihiin gudaha Gaza. Si kastaba ha ahaatee, tirakoobyadani waxay ka hor imaanayaan warbixinnada ciidamada Israel ee dhowaan la siiyay warbaahinta, kuwaas oo tilmaamay in waqooyiga Gaza inta badan laga xoreeyay dagaalyahannada. Ilo-wareedyo ayaa u sheegay The Jerusalem Post in tirada guud ee dagaalyahannada Xamas ay weli tahay mid aan caddeyn, taasi oo ka dhigan in Israel aysan ogeyn goorta uu dagaalku dhammaan karo ama laga adkaan karo Xamas.
  15. Taliyaha Ciidanka Dhiirrane, oo ka tirsan Daraawiishta Puntland S/sare Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale) ayaa sheegay in tirada ugu badan ee Daacishta ku sugan buuraha gobolka Bari ay yihiin ajaanib u dhashay dalal aan muslim ahayn. Taliye Mukhtaar Gaagaale ayaa tilmaamay in ajaanibta Daacish ee sheeganaya in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya intooda badan ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn ama muslimku ku yar yahay, taasina muujinayso in aysan diin wadin ee ujeeddooyin gurracan lee yihiin. Taliyaha oo khudbad kooban u jeediyay Ciidankiisa ayaa xusay in ajaanibta Daacish qaarkood ka yimaadeen Yahuudda iyo Reer Galbeedka islamarkaana sheeganayaan in ay jihaad u soo doonteen Soomaaliya oo 100% muslim ah, balse ujeedkoodu yahay mid durugsan oo lagu dabar-goynayo isirka Soomaaliyeed. Waxaa xusid mudan 19 October 2024 in Ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen muwaadin Israa’iili ah oo tirsanaa Daacish kana yimid magaalada Saakhnin oo ku taalla waqooyiga Israa’iil, kaasi oo sheegay in uu jihaad u soo doontay Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ajaanibta Daacish intooda badani ka yimaadeen dalal aan muslim ahayn appeared first on Puntland Post.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya inuu si qarsoodi ah ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ku sugnaa booqasho dhowaan uu ku tagay Jabuuti. Hirsi ayaa ku tilmaamay eedahan kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo ku adkeystay in xisbigiisu ka go’an tahay hoggaamin hufan oo cad. “Ma jirto kulan aan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh intii aan ku sugnaa Jabuuti,” ayuu yiri. “Haddii ay jiri lahayd wax wadaxaajood ah, waxay noqon lahaayeen kuwo waafaqsan siyaasadda xisbiga oo si furan loo qaban lahaa. Xisbigayagu uma shaqeeyo hab qarsoodi ah.” Wararka ku saabsan kulankan qarsoodiga ah ayaa caro ka dhaliyay caasimadda Somaliland, iyadoo dad mudaharaadayay ay ku eedeeyeen Xirsi inuu wiiqay dadaalka Somaliland ee madaxbannaanida. Dhaleeceeyayaashu waxay sidoo kale dhaliileen safarkiisa Jabuuti, waddan ay Somaliland xiriir adag kala kulantay sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, waxay ku andacoodeen in Xirsi uu ka baxay xuduudaha doorarkiisa guddoomiye xisbi, iyagoo ku tilmaamay safarkiisa mid ah “diblomaasiyadeed oo aan sharci ahayn,” oo sida caadiga ah u taalla Wasaaradda Arrimaha Dibadda. “Ma ahan shaqadiisa inuu u dhaqmo sida diblomaasi,” ayuu yiri qof mudaharaadayay. Xirsi ayaa door muhiim ah ka ciyaaray furitaanka wada-xaajoodkii rasmiga ahaa ee ugu horreeyay ee dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya xilligii uu ka tirsanaa maamulkii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo. Wada-hadalladan ayaa looga gol lahaa in lagu xalliyo muranka dheer ee ka taagan madax-bannaanida Somaliland ay ku dhawaaqday. Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban sano oo wadaxaajood aan guul lahayn kaddib, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa wada-hadalladan u arka kuwo aan faa’iido lahayn. Dhaleeceeyayaasha waxay ku doodaan in wada-xaajoodkani aysan wax horumar ah ka keenin arrinta, waxaana loo arkaa mid mashquulinaya siyaasadda gudaha ee Somaliland.
  17. Mogadishu (HOL) – Somalia’s Foreign Minister Ambassador Ahmed Moalim Fiqi attended the Extraordinary Summit on the Post-Malabo Comprehensive Africa Agriculture Development Programme (CAADP) in Kampala, Uganda, from January 9–11, 2025. Source: Hiiraan Online
  18. Mogadishu (HOL) – Federal Minister of Interior Ali Yusuf Hoosh has sharply criticized Puntland President Said Abdullahi Deni for what he described as a failure to effectively address the growing security threats in the region, particularly from ISIS. Source: Hiiraan Online
  19. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud will travel to Addis Ababa, Ethiopia, on Saturday for bilateral discussions to re-enhance relations between the neighboring countries. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta guud ee gobolka Banaadir ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay howlgallo guuleystay oo ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkan lagu soo qabtay eedeysanayaashii ugu badnaa oo gaarayaa illaa 23 qof, kuwaas oo loo haysto dambiyo culus. Sawirrada kooxdan lasoo qabtay oo lasoo bandhigay ayaa waxaa loo haystaa dil, dhaawac, dhac, iyo kufsi sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska booliska. “Hay’addaha amiga Gobalka Banaadir iyo shacabka caasimadda oo is kaashanaya ayaa soo qabtay eedeysanayaal gaaraya 23 eedeysane oo ku kacay falal iskuugu jira dil, dhaawac, dhac dadweyne iyo ka ganacsi maandooriye” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Booliska ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha ay xiran yihiin, laguna hayo baaris, iyada oo la geyn doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharci ah. Sidoo kale ciidamada booliska ayaa farriin culus u diray shacabka, waxayna ka codsadeen in laga gacan siiyo amniga oo muhiim u ah qof weliba. “Muwaadin hadii aad la kulanto falal amniga lidi ku ah la soo xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed amma ku soo hagaaji police@g.v.so” aaa lasii raaciyay. Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo keenay in laga nasto qaraxyadii horay uga dhici jiray Muqdisho.
  21. Wararka ka imaanaya deegaanka Habeedlay oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sheegay in laba wiil oo walaalo ahi ay halkaas hooyadeed oo waayeel ahayd si arxan-darro ah ugu dileen. Hooyada la diley oo lagu magacaabi jirey Aamino Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay in labadeeda wiil ay si fool xun mindi ugu dileen, taas oo sababta geerideeda, sida laga soo xigtay goobjoogayaal xog-ogaal u ahaa dhacdadan. Hooyo Aamino Yuusuf ayaa la sheegay inay dhashay labada wiil ee nafta dhaafiyay iyo hal gabar, lamana oga sababta rasmiga ah ee dilkeeda ka dambeysa, balse xigtadeeda ayaa laamaha garsoorka ka dalbaday inay dhacdadan si degdeg ah uga howlgalaan. Dadka isku qoyska ah ee is dilaya ayaa sanadahan dambe dhulka Soomaalida ku soo kordhaya, dhawr dhacdo oo noocaan ah ayaana horay looga soo wariyay qaar kamida deegaanada Soomaalida. Source: goobjoog.com
  22. Egypt’s Minister of Defence and Military Production Abdel Mageed Saqr discussed regional and international developments and their implications on Africa’s security with Somali counterpart Abdulkadir Mohamed Nur and his delegation during their visit to Egypt on Thursday. Source: Hiiraan Online
  23. IGAD Executive Secretary, Workneh Gebeyehu, today met with Ahmed Moalim Fiqi, Minister of Foreign Affairs, Republic of Somalia, on the margins of the AU CAADP Summit in Kampala. Source: Hiiraan Online
  24. As many as 127,237 marginalised children have been enroled into quality primary education in Somila with the 'Educate Your Children II project', a three-year initiative in Somalia led by Education Above All Foundation’s Educate A Child (EAC) programme and CARE USA. Source: Hiiraan Online
  25. Somaliland has a strong case for self-government that makes Somalia’s claim to authority over it increasingly lack credibility. Against the background of both historical precedents and socio-political developments over recent decades, the assertion of Somalia’s right to have jurisdiction over Somaliland rests upon an increasingly weak argument. In simple terms, what is at stake with regard to the question of Somaliland’s recognition is not some exercise in the formation of a new political entity but essentially a matter of the assertion of historical sovereignty. Somaliland and Somalia were, before colonial domination, two separate political entities with distinctive cultural identities and governance systems. It is this historical divergence which provides the background for understanding the illegitimacy of the union which followed in 1960. More than a concern for democratic consent, the union between the two distinct regions was propelled by political expedient and hence inherently unstable. The 1960 union, giving birth to the Somali Republic, had never been ratified by the people of Somaliland and was thus, from the outset, undemocratic. Popular discontent with the union showed up in the abortive 1961 military coup, as led by soldiers from Somaliland. It brought to light a deep-seated discontent that swept through Somaliland over the terms of the union. The final renunciation of this union came in 1991, when Somaliland declared its independence upon the collapse of the Somali state. An act not of secession, but rather the reclaiming of a historic statehood predating the union, it was an act of self-determination-the basic principle assuring the right of peoples to decide on their political status. Somaliland has evolved into a de facto independent state that enjoys political stability and economic development for well over three decades now. In contrast, Somalia has been torn apart by endless civil strife coupled with debilitating political fragmentation. This includes periodic elections and very highly developed institutions that underpin Somaliland’s governance, underlining successes that contrast rather sharply with those of its troubled neighbor International law lays the bedrock upon which grounds for Somaliland’s claim for re-recognition exist in plenty. It is a call of the people of Somaliland for insistence on their right to independence, not to fashion a new state but to regain their existing sovereignty which was curtailed in 1960. Their case has been one of taking back their independent state status, though their challenge is overpowering and indeed multi-layered. It was Somaliland that weakens the claim of Somalia over its territory when it failed to assume effective authority over its territory. Its federal framework and continued internal strife raise great doubts about its capability to be able to rule Somaliland. However, on the positive note, it does underline the problems of national identity and governance. Somaliland is seeking no new recognition but a reaffirmation of its historic independence. This claim to sovereignty thus begets its history of political stability, economic self-sufficiency, and good governance. The international community has to grapple with a fact, though painfully, that Somaliland’s case for independence is not new; it comes with its past and is legitimized by present circumstances. Though still developing, this quest for recognition is based upon a valid demand for autonomy. Lastly, the demand for re-recognition by Somaliland is not only legitimate but also a necessary one. Its claims cannot be taken seriously by the world while the Somali government is divided internally and the 1960 union itself was historically illegitimate. It is high time that the world makes amends for this pervading injustice by recognizing Somaliland’s well-deserved sovereignty and integrating it into the international community as an independent state. About the Author Abdirisak Aamir, a renowned lecturer, researcher, political commentator, and advocate for self-determination. Based in Hargeisa, Somaliland Email: Abdirizak.ibr@gmail.com Qaran News