Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah wiilasha uu dhalay Allaha u naxariistee Wariye Jamaal Faarax Aadan oo horey sanadkii 2021-kii loogu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka hadlay kiiska dilka Aabihiis & sababta weli loo fulin la’yahay xukunkii kasoo baxay maxamadda. Wiilkan dhalinyarada ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka Aabihiisa oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ay kasoo wareegatay sanad sideed bilood, welina aysan helin cadaalad. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga dilay oo afar ahaa lasoo qabtay, islamarkaana la xukumay balse weli aan wax tallaabo ah laga qaaday, isaga oo ku dooday in la gacan bidixeynayo kiiska. “Aabahey Jamaal Faarax Aadan dilkiisa waxaa kasoo wareegtay sanad iyo sideed bilood afartii nin ee dishay waan aqaanaa ehelkoda oo ku jees-jeesayay dilka Abaahey $50 baa dhinac ii tuurta lahaa ma garanayo waxay Puntland u haysto. Anigu waxaan ahay nin dhallinyaro ah waxkasta waa iga imaan karaa” ayuu yiri mid ka mid ah wiilasha uu dhalay AUN Jamaal Faarax Aadan. Wiilkan yar oo sidoo kale ah arday ayaa la gar-naqdsay maamulka Puntland, wuxuuna sidoo kale ka digay in la abuuro iska horkeen bulsho iyo colaad horleh. “Shacabka yeysan dib isugu laaban yaan la’isku dirin dadku waxaa dad ehela waa dad wada daga marka Puntland 4 nin oo dambi geysatay yeysan fidno dad kale isku abuurin,” ayuu sii raaciyey Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday hoggaanka sare ee Puntland in arrintaan ay soo farageliyaan, si cadaaladda loo marsiiyo raggii dilay AUN Aabihiis Jamaal Faarax Aadan. “Dowladda iyada ayaa shacabka u dhexeyso iyadaa dowlad ah cadaaladda ha mariso raggaas dadkii ka horreeyey meesha ay mareen ha mariso” ayuu markale yiri. The post “Aabahey afartii nin ee dishay maxay u haysataa Puntland?” appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxda Waddani manta waxa la gu soo dhaweeyey mudaharaad aan ku la mid ah hore loo arkin, kuwii gobolada iyo degmooyinku na la jaad ayay ahaayeen; cid wax ku noqotay na ma jirto haba yaraatee, waana ka duwantahay tii August ee sida badheedhka ah dadka la isaga toogtay. Waa marag cad oo muujinaaya in taliska jiraa uu doortay ikhtiyaarka dhiig daadinta, oo la ga fursan karaayay. Si kastaba, isu soo baxyadani Waxa ay aad iyo aad u ga baaxad weynaayeen kuwii ururrada uu Kulmiye abuuray loo qabtay iyo xataa Muuse laftiisa kuwii loo muujiyay, ee weliba dhaqaalaha dawladda na la gu khasaariyay. Taageerada heer shacbi ah ee mucaaridka loo muujiyay wadanka oo dhan, waxa ka horeeyay shirkii balaadhnaa ee Burco ka dhacay, ee beelaha Somaliland oo dhami na sida mugga iyo miisaanka ba leh u taageereen go’aamadii ka soo baxay. Si kale haddii loo yidhaahdo, heer shacbi iyo heer dhaqanba Hogaanka xisbiyada Mucaaridka ah waxa la siiyay jeeg cad oo la yidhi wixii aad rabtaan ku qorta! Run ahaan imika waa in ay ka fikiraan dawladda ay soo dhisi doonaan iyo sidii ay Somaliland dib u gu midayn lahaayeen. Taas baa haatan u taalla. Geesta kale, Gabboose, iyo Sulub, iyo Daamur, iyo Ibraahin Buubbaa, iyo wixii idaacad la istaadhay oo dhan, Muuse waxa uu ka rabaa in ay soo caddeeyaan warkii ay u sheegeen Meesha ay ka keeneen. Nimankaas iyo kuwo la jaad ah ayaa Muuse u dhisay riwaayad odhanaysa xisbigii Waddani waa tii la wareejiyay, beeshu na waa xisbi la’aan, waanay xanaaqsanyihiin oo Cirro oo bilaa xisbi ah iyo Waddani ga Xirsi la siiyay midkoodna ma doonayaan. Haye, manta na maxay odhan? I qariya baa ka dhacday! Gabboose iyo Sulub in ay Hotel Ambassador keligood is daba luudaan oo aanay cidina la hadlin baa I soo gaadhay. Muuse oo ay been u sheegeen iyo reerkii oo ay godob ka galeen midkoodna caawa ma hayaan. Dadaalkii nimankaas iyo Muuse oo gadaal u fadhiya, laba natiijo oo ah caksiga wixii ay jeclaayeen ayaa ka dhashay – reerkii West Burco Clan in uu safka mucaaridka ku midoobo, iyo in xisbiyada mucaaridku ay reeraha kale ka helaan taageero mug leh. F*t*da xun day. Maxamed Haaruun Biixi Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo wareysi dheer siiyey warbaahinta kooxdaas, ayaa ka jawaabay su’aal ku saabsaneyd sababta ay dadka shacabka ah u dilaan oo ay qaraxyada ula beegsadaan. Cali Dheere ayaa sheegay in kooxdooda aysan si toos ah beegsan shacabka muslimiinta ah, wuxuuna qiil yaab leh u sameeyey shacabka ay dilaan. “Annaga ahlu towxiidka iyo dadka muslimiinta ah dhiiggoodu waa inaga xaaraan, Ilaahey baana xarrimay subxaanahu watacaalaa, Ilaahey wuxuu xarrimayna uma gudbeyno annagoo og, tusaale waxaa kuugu filan haddaan annaga dhiig muslim iska daadineyno wilaayaatka maxaan dadka ugu leyn weynay? suuqyada Bakaaraha iyo Suuq bacaad maxaan dadka faraha badan ee dhooban ugu leyn weynay?” ayuu yiri Cali Dheere. Hase yeeshee Cali Dheere, oo u muuqda inuu ka hadlayo dadka aan ku sugneyn Bakaaraha iyo Suuq Bacaad ee ay ku dilaan meelaha kale ee Muqdisho, ayaa ugu yeeray kuwa aysan u aqoonsaneyn muslimiin, oo sida uu hadalka u dhigay, u adeegga dowladda federaalka. “Haddii loola jeedo islaamnimada ninka murtadka ah ee cadawgaas soo horjooga ee cadawgaa indhaha u ah ee gacan yaraha u ah ee Muslimiinta cawraadkooda tusaya haddii muslimiin loola jeedo innaga kuwaa muslim uma naqaano,” ayuu yiri. Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii ugu dambeeyey ee shacab ay la beegsato wuxuu ahaa kii Zoobe ka dhacay 29-kii October, waxaana ku dhintay dad ka badan 120 qof oo aan shaqo ku laheyn dowladda federaalka, una badnaa haween xoogsato ah iyo caruur. Hadalka Cali Dheere ayaa laga fahmi karaa inay bartilmaameed u yihiin dhammaan shacabka ku nool ama taga goobaha ay ku xooggan tahay dowladda federaalka. Horey ayaa Mahad Karataay oo ka mid ah madaxda kooxdaas wuxuu u sheegay in dadka ku dhinta weerarada ay la beegsanayaan dowladda ay yihiin; kuwa ku dhintay shil, oo aan loo haysan kooxdaas. The post Cali Dheere oo si yaab leh uga jawaabay sababta ay u beegsadaan shacabka appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa u jawaabay Senator Sareedo Maxamed Xasan Jayte oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, islamarkaana laga soo doortay maamulka Puntland. Senator Sareedo ayaa ka mid aheyd dadkii ka falceliyey doodii Cali Yare ee ku saabsaneyd in amniga Muqdisho la qabiileeyo, islamarkaana awoodda la siiiyo beesha Mogadishu Clan. “1972-1974-kii haddii ay caasimaddu ammaan ahayd ma qabiil baa ilaashan jiray mise magaalo Soomaaliyeed oo si wadar ah loo daganyahay bay aheed? Haddii dadkii lagu tuhmayay inta yar oo aqoonta ah ay leeyihiin qofka ka yimid gobol kale, Xamar waa laga xigaa, dee markaa aan xaarxaaranno meel aan la kala xigin,” ayey falcelinteeda ku tiri Senataro Sareed Maxamed Xasan. Sidoo kale waxaa dib usoo jawaabay guddoomiye Cali Yare oo su’aallo ka keenay qoraalka Senataradda, taas oo la xiriirta isla arrinta magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Cali Yare ayaa intaasi ku daray in 19972-dii Soomaaliya ay laheyd qaran xoogan, balse hadda ay la dagaalameyso gaari qarax sido iyo qof miineysan, sida uu hadalka u dhigay. “Marka laga soo tago Isbarbar dhigga 1972 oo aan aheyn qaran xoog leh iyo 2022 oo aan la dagaalameymno gaari qarax ka buuxo iyo qof miineeysan ay kun ruux ku dhimanayaan, hadana aan Senatorada waydiiyo su’aal xaqiiqo qaraar ah taas oo ah; hadii ay bulshada la wadaagi karto qof labadii qarax ee Soobe uga dhimatay Beesha Reer Maxamuud oo ay kursiga ku matasho iyo haddii ay jiraan magacyada dadkaas iyo sidoo kale magacyada 10 Qoys oo Muqdisho ka daggan reerka ay kursiga ku matasho? Haddii aanay heyna dood uma furna,” ayuu yiri Cali Yare Cali. Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir oo faahfaahin ka bixinayey doodii uu bixiyey iyo hadal heynta ka dhalatay ayaa sharraxaad ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray. “In Muqdisho Caasimmaddii dalka tahay oo ay Soomaali oo dhan ka dhexeyso, balse hal qabiil uu hadda iyo shalayba u badanyahay reerkaasina uu Mogadishu Clan yahay miyaa dood ka qabtaa?. In qasaaro kasta oo Muqdisho ka dhacda uu culeysku reerkaas u badantahay miyaa been ah? ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan ay Muqdisho wajaheyso culeys xoogan oo ku aadan amniga, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ee ka dhacaya iyo dilalka qorsheysan. The post CALI YARE oo u jawaabay Senator Sareedo Maxamed appeared first on Caasimada Online.
  5. An Ottawa family is grieving the loss of a 23-year-old woman who was killed at a nightclub in Saskatoon early Saturday morning. Source: Hiiraan Online
  6. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100 dhalinyaro ah oo dooneysay inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab, kadib howlgal culus oo ay sameeyeen ciidamadu. Qoraal lagu daabacay barta Facebook ee ciidamada difaaca qaranka Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas ay doonayeen inay kasoo dhoofaan dalkaas, si ay ugu biiraan kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyarada looga sheekeeyey in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab oo isku dayeyso inay gudaha u gasho dalka Itoobiya. Bishii August ayey aheyd markii Itoobiya ay shaacisay in illaa 800 oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka talaabeen xadka, kadibna ay dagaal ku qaadeen dhulka dowlad deegaanka Soomaalida. Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyey markaasi xoojisay feejignaanteeda, ayada oo ciidamo dheeraad ah soo dhigtay xadka, halka ay kuwa kale ay soo gelisay gobollada Bakool iyo Gedo. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan. Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya kuwaas oo ku jira howlgalka ATMIS ee ka socda Ururka Midowga Afrika. The post Itoobiya oo gacanta ku dhigtay 100 dhalinyaro ah oo rabay inay ku biiraan Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  7. Somaliland is going through considerable political turmoil. The government and opposition disagree over the sequencing of two forthcoming high-stakes elections, and both sides are digging in. International partners should push the two sides to reach consensus, while standing by to mediate if talks fail. Source: Hiiraan Online
  8. New York (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada Mareykanka General Mark Milley ayaa sheegay in “in ka badan” 100,000 oo askari oo Russian ah lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka bishii sagaalaad galay ee ka socda dalka Ukraine. General Milley ayaa sidoo kale sheegay in khasaaraha ciidan Ukraine “sidoo kale laga yaabo inuu la egyahay” kan Ruushka, halka khasaraaha shacabka Ukraine uu yahay 40,000 oo dhimasho. “Waxaa jira xaddi aad u weyn oo silac ah, silac bani’aadannimo,” ayuu Jeneral Milley u sheegay Naadiga Dhaqaalaha New York. Milley ayaa sheegay in go’aanka Ruushka ee ah inuu dib uga guranayo magaalada Kherson, oo ah caasimad goboleed ku taalla koonfurta Ukraine oo uu qabsaday billowgii dagaalka, iyo billowga xilliga qaboobaha oo dagaalka uu hakan doono, ay fursad u tahay labada dal inay wadaxaajood furaan. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa Talaadadii sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Ruushka oo lagu dhameynayo dagaalka, balse kaliya haddii Ruushka ay soo celinayaan dhammaan dhulka Ukraine ee ay haystaan, ayna magdhow ka bixinayaan khasaaraha dagaalka, islamarkaana wajahaan dacwad dambiyo dagaal. Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal, wuxuuna toddobaadkan ku dhowaaqay inuu billaabay inuu dib uga gurto Kherson. Madaxweyne Zelenskyy ayaa ka digay in Ruushka ay iska dhigayaan kuwa ka baxaya Kherson, si ay usoo geliyaan ciidamada Ukraine dagaal daba dheeraada oo ka dhaca magaaladan muhiimka ah oo loo maro jasiirad u yaalka Crimea oo Ruushka uu haysto. Milley, oo ah sarkaalka militari ee ugu sarreeya Mareykanka, ayaa sheegay in Ruushka ay qiyaastii 20,000 illaa 30,000 oo askari ku ururiyeen Kherson, islamarkaana dib u gurasho buuxda ay qaadan karto toddobaadyo. “Tilmaamaha horudhaca ah waxay yihiin inay dhab ahaantii sidaas sameynayaan. Si shaacsan ayey ugu dhowaaqeen inay sameynayaan. Waxaan aaminsanahay inay sameynayaan si ay xariiq difaac uga sameystaan koonfurta webiga Dnieper, balse waan arki doonnaa,” ayuu yiri. General Milley waxa uu sheegay inay suurtagal tahay in Ruushka ay dib u gurashadan u sameynayaan si ay mar kale ciidankooda ugu diyaariyaan weerar dhaca gu’ga, balse “waxaa sidoo kale halkan ka jirta fursad, fursad lagu wadahadlo.” Hase yeeshee si wadahadallada ay fursad u yeeshaan, waa in Ruushka iyo Ukraine “ay si isku mid ah u garowsadaan” in guul militari “aan lagu gaari karin habab militari, sidaas darteedna aad u baahan tahay inaad u weecato habab kale,” ayuu yiri Milley isaga oo tusaale usoo qaatay dhammaadka Dagaalkii Koowaad. VOA, AP The post Mareykanka oo shaaciyey tirada askarta Ruushka looga dilay Ukraine illaa hadda appeared first on Caasimada Online.
  9. Click here to read more about this article Qaran News
  10. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Djibouti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Djibouti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Djibouti uga mahad celiyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Djibouti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed. Djibouti oo dib-u-yagleelidda dowladnimadeenna udub dhexaad u aheyd, taageera dhinca waliba ahna la garab taagan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, ciidamado hiil walaalna ay ka joogaan dalka ayaa qeyb ka ah dalalka sida joogtada ah ciidamada ugu tababara dalkeenna Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in mawqif kiisu aanu is badali doonin hadii aan heshiis siyaasi ah la helin inta aanu dhamaan mudaxileedka sharciga ah ee madaxweynaha Somaliland. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo kasoo laabtay safar uu ku marayay gobolada bariga Somaliland, oo markii uu soo gaadhay caasimada Hargaysa kumanaan taageerayaal ah goob fagaare ah kala hadlay, ayaa sheegay in aanu aqbalayn in doorashada la galo, iyadoon mucaaradka lala heshiin. “Saw doorasho diyaar uma nihin?, saw doonimayno in heshiis lagu galo doorashada?, inshallah ama heshiiska ayaa la gali doonaa, ama go’aan keeni halkii uun buu taagnaan doonaa … beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland-ba waxaynu u sheegayna in aynu doorasho diyaar u nahay, doorashadii madaxtooyasa ayaynu diyaar u nahay” ayuu yidhi Cirro. Waxa uu sheegay in ay tahay in heshiis ka la gaadho kahor inta anay dhamaan 5-tii sanno ee madaxweyne Biixi la doortay, oo ku eg horaanta bishan November “Waa in heshiis la helaa siyaasi ah 13 November ka hor”. Xukuumada Somaliland iyo mucaaradka ayaa isku maan dhaafsan sida ay usoo kala horaynayaan doorashooyinka urrurada iyo madaxtooyada, mucaaradka ayaa aaminsan in doorashada madaxtooyadu soo horayso. Source
  12. Ugu yaraan 9 kamid ah Soomaali Mareykan ah ayaa kusoo guuleystey tartamada doorashadii xilliga dhexe ee dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyada ugu caansan Soomaalida Mareykanka, ayaa ku guuleysatay kursigeeda Aqalka Congress-ka Mareykanka ee degmada 5-aad ee Congress-ka Minnesota. Sidoo kale Samakaab Xuseen, Maxamuud Nuur iyo Hodan Xasan ayaa loo doortay xubinnimada Aqalka Hoose ee Minnesota. Halka Cumar Faatax mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare ee Minnesota oo uu horay xubin uga ahaa. Deeqa Dhalac iyo Maana Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee Soomaalida Mareykanka ayaa loo doortay Aqalka Wakiillada ee gobolka Mine ee ku yaalla cirifka waqooyi-bari ee dalka Mareykanka. Muniira Cabdullaahi iyo Ismaaciil Maxamed ayaa sidoo kale ku jira Soomaalida ku guuleysatay tartankii ay u galeen ku biirista Golaha Wakiillada ee gobolka Ohio. Haween kale oo Soomaali Mareykan ah oo u tartamayey xafiisyo ku yaalla gobolka Minnesota ayaa ku guuleystay, waxaana ka mid ahaa Fatxiya Feerayarre oo ku guuleysatay xubin ka tirsan guddiga dugsiyada dadweynaha ee Minneapolis. Source
  13. Markabkii ugu horreeyey ee Hotel ah ayaa gaadhay dalka Qadar oo 20 ka bishan ay ka bilaabmi doonnaam cayaaraha koobka adduunku. Markabkan oo lagu magacaabo “MSC World Europe” ayaa ah mid ka kooban 5 dabaq oo ay ku yaallaan 2,633 qol, berkedihii dabaasha, 13 goobood oo lagu cunteeyo, suuq laga dukaamaysto iyo wax kasta oo looga baahan yahay. Tirada dadku uu qaadi karo ayaa lagu sheegay 6,000 oo qof. Markabkan ayaa qayb ka ah adeegyada loo qabanayo dadka ka soo qayb galaya cayaaraha halkaas ka dhici doona kuwaas oo kor u dhaafaya hal milyan oo qof. Source
  14. Ciidanka dowladda federalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka oo taageero ka helaya kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, deegaankaan ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah waxaan ka talinayay Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka. Deegaanka ayaa ciidanku waxaa ay gudaha u galeen maanta galinkii hore kadib markii deegaan u jira dhowr km ay kula dagaalameen Al-shabaab laba jeer, waxaana xusid mudan in deegaanka Ceelgorof oo hoosyimaado Wabxo ay ka dhaceen duqeymo diyaadeed oo lala eegtahay Al-shabaab. Wabxo ayaa waxaa ay 40 km u jirtaa magaalada Ceelbuur oo ah fariinsinka ugu weyn oo ay Al-shabaab ku leeyihiin qeybo kamida gobolka Galgaduud, ciidanka qabsaday Wabxo ayaa kasoo dhaqaaqay degmada Maxaas oo ah saldhigga ay kaga duulayaan gobolka Galgaduud deegaannadiisa. Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo kasoo dhaqaaqay magaalada Guriceel ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka Ceellahelay deegaanno hoosyimaada, waxaana ciidanka labada jiha ka socda ay sheegeen in ay ku siijeedaan degmada Ceelbuur iyo deegaannada hoosyimaada. Al-shabaab oo deegaanno dhowr ah kaga sugan deegaannada Galmudug ayaa markaan waxaa ay wajahayaan culeys kaga imaanaya ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka, waxaana howlgallo nuucaan oo kale ah ay ka socdaan gobollada Hiiraan labada Shabeelle, Baay iyo Bokool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, sida uu shaaciyey wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Yemane Meskel ayaa sheegay in Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay garoonka diyaaradaha Asmara uu kusoo dhoweeyey madaxweyne Isaias Afwerki, wuxuuna intaas ku daray inuu dalkaas joogi doono muddo afar maalmood ah. Madaxtooyada ayaa ujeedka safarkan ku sheegtay mid uu Madaxweyne Xasan Sheekh mudnaan ku siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. “Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Eritrea Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia. Safarkan ayaa ah kii labaad ee madaxweynaha uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May, ayada oo safarkii koowaad uu dhacay 9-kii July 2022. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaas ka qeyb-galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidamada Soomaaliyeed ee halkaas ku sugan, wuxuuna dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday in askarta Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea oo gaaraya illaa 5,000 uu si deg deg ah dalka ugu soo celin doono, balse kama dhabeyn ballan-qaadkaas illaa hadda. Toddobaadkii tegay, Qaar kamid ah Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waalidiinta oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uusan ahmiyad gaar ah siin soo celinta wiilashooda, islamarkaana uusan ka dhameyn ballan-qaad uu usameeyay waalidiintaan, sida ay sheegeen. The post Sawirro: Xasan oo gaaray Asmara iyo Eritrea oo shaacisay maalmaha uu joogi doono appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ugu amba-baxay dalka Ereteriya, oo ay ku sugan yihiin ciidan ka tirsan xoogga dalka oo halkaas tabar ku qaatay dhowr sano. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in safarkii Asmara ku qotomo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee Soomaaliya iyo Eritrea Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Mogadishu (HOL) - Security forces have shot dead a man allegedly planting a landmine on a busy road in the central Somalia region of Hiiraan on Thursday. Source: Hiiraan Online
  18. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre oo ku guda jira booqashada rasmiga ah ee dalka Jabuuti uu ku joogo, ayaa maanta booqday Kuliyadda Tababarka booliiska ee Idiris Faarax Habane ee Jabuuti ay ku tababarto ciidanka booliiska Soomaaliyeed. Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarunta tababarka ugu tegay ciidan iyo saraakiil Booliis ah oo tababar ku qaadayana iyo macallimiinta tabarka siinaya, ayaa saraakiisha iyo ciidanka tababarka qaadanaya kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan fursaddaan dahabiga ah, ayna tababarka si wanaagsan u qaataan si cilmiga ay bartaan ay ugu isticmaalaan sugista amiga dalkeenna. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay tababarrada joogtada ah ee ay ciidamadeenna booliiska siiyaan, kuwaasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Jabuuti uga qeyb qaadaneyso xasillinta dalka iyo sare u qaadidda bed-qabka mawaadiniinta Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Jabuuti: Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday kuliyadda lagu tababaro Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  19. Mogadishu (HOL) - President Hassan Sheikh Mohamud departed Egypt for Eritrea on Thursday - where up to 5,000 Somali troops are stranded - for a meeting with Eritrean President Isaias Afwerki. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame (Sunne) oo khudbad ka jeediyey shir ay qabatay kooxda Al-Shabaab, isaga oo weerar qaawan ku qaaday dowladda federalka Soomaaliya oo kordhisay dagaalka Al-Shabaab. Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in argagixiye uu yahay Sheekh Aadan Sunne, islamarkaana uu doonayo inuu xasuuqo shacabka Soomaaliyeed. “Wadaadkan argagixiyaha ah ee dhowr bilood kahor usoo goostey in uu qeyb ka qaato xasuuqa shacabka, waxaa la yaab lahayd asagoo isqalqaloocinaya hadalada qadafka ah ee uu ku hadlayey, ee uu rabo in uu marmarsiiyo uga dhigto xasuuqa shacabkeena,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in wadaadka uu Al-Shabaab ku biiray, xilli ay xaaladda ku xun tahay, islamarkaana ay kordheen cadaadiska haatan lagu haayo. “Aadan Sunne waxaa muuqata in xisaabtu ay ka qaldantay oo uu kooxda Khawaarijta u soo goostey mar kooxda xaalku uu ku sii xun yahay oo ay il-geeriyaad leeyihiin!” ayuu raaciyey. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ujeedka uu Sheekh Aadan Sunne ugu biiray Al-Shabaab ay tahay inuu qabto hoggaanka kooxda maadaama xanuunsan-yahay buu yiri hoggaamiyaha Al-Shabaab Sheekh Axmed Cumar Abuu Cubaydah. “Waxaa ka sii daran markii la sheegey in uu madaxtinimada kooxda Khawaarijta soo raadsaday maadaama kii heystay uu xanuun la ildaran yahay,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey. The post Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Sheekh Aadan Sunne appeared first on Caasimada Online.
  21. DUBAI: Khadar Ayderus Ahmed was at his nephew’s funeral when the idea came to him. In the wake of that tragedy, the Finnish-Somali director had spent a torturous week between hospitals and cemeteries, searching for imams in Finland who could put his young loved one to rest. Source: Hiiraan Online
  22. Addis Ababa (Caasimada Online) – Taliyaha hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo weli ku sugan caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta maamulka xogaha sirdoonka ee IMEDA. Mahad Salaad ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban xaruntan oo ah halka lagala socda xogaha sirdoonka ee dalka Itoobiya, waxaana xarunta kusoo dhoweeyey mas’uuliyiinta hay’addaasi. Sidoo kale taliyaha NISA iyo wafdigiisa ayaa warbixin laga siiyey sida ay u shaqeyso xarunta IMEDA iyo doorka ay ku leedahay sugidda nabad geliyada ee dalkaasi. Agaasimaha hey’adda Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa sii joogi doono magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalka Itoobiya oo casuumay. Labada Agaasime ayaa la sheegay inay yeela doonaan kulamo muhiim u ah labada dowladood, oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo wada shaqeynta hey’adaha sirdoonka labada dal. Safarkaan ayaa ku soo aaday maalmo uun kadib markii uu magaalada Muqdisho safar ku yimid Agaasime ku xigeenka sirdoonka Itoobiya oo la kulmay hoggaanka sare taliska Nabad Sugidda. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa si wadajir ah u wajahaya khatarta kooxaha xagjirka ah oo Al-Shabaab iyo Daacish ay ugu horeeyaan. Madaxda labada dowladood ayaa horey u ballan-qaaday inay yeela doonaan cilaaqaad dhinacyo badan leh, sida iskaashi dhinaca ammaanka ah iyo is dhexgal bulsho, maadaama ay deris yihiin. The post Maxaa ka cusub safarka Mahad Salaad ee Itoobiya? appeared first on Caasimada Online.