-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saacadaha Soo Socda ayay Warbaahinta la hadli Doonaan Madaxda Mucaaradku Waxaana ay ku dhawaaqi doonaan go’aanada 13 Novembar oo maanta la joogo. Waxa Socda Shirar u dhexeeya Mucaaradka oo ay kaga tashanayaan Goorta iyo go’aanada lagu dhawaaqi doono,In kasta oo xukuumadu dadaal ku bixinayso in heshiis dhaco ka hor inta aan lagu dhawaaqin go’aanada Mucaaradka. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo lagu xoojinayo xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labadaan dowladood oo sidoo kale ah kuwa daris ah. Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa ka hadlay xiriirka labada dowladood iyo isku dhowaashaha ay sameeyeeen maalmihii lasoo dhaafay. Sahal oo u warramay Universal TV oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya iyo Ethiopia ay isaga xiran yihiin dano dhowr ah, ayna ku qasban yihiin inay iskala shaqeeyaan. “Marka laga hadlayo xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Ethiopia waa wax ku saleysan dowlad kasta danteeda iyo siyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo dibadda. Labadaan dal waa daris oo runtii waxyaallo fara badan ay ka dhexeyn karaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal. Sidoo kale wuxuu isku dhowaashaha ay haatan sameeyeen u sababeeyey saddex arrimood oo uu sheegay inay xudun u yihiin hana qaadka labada dowladood Soomaaliya & Ethiopia. “Isbeddalka jiraa wuxuu yahay waa saddex arrin mid waxaa weeyaan Ethiopia oo hadda runtii kasoo kabaneyso dagaalladii socday laga soo laabo 2020-kii illaa hadda. Mida labaad Soomaaliya lafteeda oo guul laga gaaray doorashadii May dhacday oo iyadana isbeddal uu ka dhacay keentayna xasilooni siyaasadeed. Midda saddexaadna ay tahay Al-Shabaab oo soo xoogeystay oo bishii July ee lasoo dhaafay isku dayey in ay Ethiopia galaan oo dhulka Soomaalida ay ka galaan dagaallo ba’an” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Sahal. Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in arrimahan oo dhan ay keeneen in bog cusub ay furaaan xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa, si ay uga wada shaqeeyaan danahooda. “Saddexda arrin marka la fiiriyo waxa ay keenayaan in Page cusub la furo oo la’iska kaashado arrinta ku saabsan siyaadda iyo faragelinta arrin mar kasta la xiriira Soomaaliya waayey wax ku xiran Ethiopia ma ahan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey aqoonyahay Sahal. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan uu wanaagsan yahay xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaana ugu muhiimsan oo ay labada dal ay iska kaashanayaan ammaanka, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, ayada oo arrintaasna ay heshiis ku kala saxiixdeen hay’adaha sirdoonka ee labada dowladood oo maalmo kahor wadahadallo ku yeeshay caasimadda dalka Ethiopia. The post Saddex arrin oo sababay isu soo dhowaashaha dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia appeared first on Caasimada Online.
-
Hoggaanka xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADANI, ayaa yeelanaya kulamadoodii ugu dambeeyay ee ay ku cadeynayeen mowqifkooda ka dhanka ah mudda xileedka dhamaaday ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulanka oo saacada fara badan qaatay ayaa lagu wadaa in ay maanta ku shaaciyaan halka ay ka taagan yihiin muddo kororsiga madaxweynaha Somaliland ay u sameeyeen golaha guurtida. Labada xisbi ayaa la filayay in habeennimadii xalay ahayd in ay warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa, waxaana shirkoodii jaraa’id ku yimid dib u dhac, iyadoo weli ay socdaan wadahalada labada xisbi. Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu madaxweynuhu xafiiska joogo. Madaxda asxaabta ayaa la filaya sidoo kale in ay kulama la qaatan xubna ka socda beesha caalamka iyo saaxibada taagera hanaanka dimoqoraadiyadda Somaliland. Xisbiyada ayaa horay ugu dhawaaqay in aysan aqbaleyn in waqti dheeri ah xafiiska uu ku qaato madaxweynaha Somaliland. Mucaaradka ayaay suurtagal tahay in ay maamul gooni ah ku dhawaaqaan, waxaana qaybo kamid ah Somaliland ka socda abaabulka isku soo baxyo ay sameeyaan dadweynaha. Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi, ayaan dhankiisa weli ka hadlin mudda xileedka ka dhamaaday. Sikastaba maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaannada Somaliland ka taagneyd xaalad daganaansho siyaayasadeed la’aan ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamo ka tirsan dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ayaa ku dagaalamay deegaanka Nuur Dugle oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciimo badan oo ka tirsan kuwa dowladda ay isaga soo baxeen deegaanka, waxaana ku haray qaar uu wato xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo kuwa deegaanka ah. Xildhibaan oo wareysi gaaban siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanka ay Al-shabaab soo weerareen, kadib markii ay isaga baxeen kuwa dowladda federalka oo u dhaqaaqay dhanka Cadale. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2022/11/XILDHIBAAN-YUIUSUF-KABAALE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxa magaaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, lagu saxiixay heshiis lagu dhameeystirayay wadahaladii ka soo bilawday dalka Koonfur Afrika ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF. Tigrayga iyo xukuumadda Abiy ayaa isla gartay in xalka nabad lagu soo dabaallo kadib wadahadalo ay midawga Afrika garwadeen ka ahaayeen. Labada dhinac ayaa miiska isugu yimid markii ugu horeysay kadib dagaal qaatay laba sano oo ka dhacay gobalka Tigrayga iyo qaybo kamid ah dalka Itoobiya. Wadahadalada oo qaatay muddo ka badan laba todobaad ayaa la heshiis dhinacyada ay gaareen ku soo dhamaaday. Makalle iyo Adis ayaana aqbalay in xalka uu miiska yahay, waxaana labada dhinac ay soo saareen qodobadii ay isku afgarteen. Heshiishka ayaa dhigayay in labada dhinac ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan nabadda gobalka. Qaar kamid ah qodobada labada dhinac ay islagarteen ayaa u dhignaa sidaan:- 1: In wixii aan ciidanka gaarka ah ee tigreega ahayn ee hub wata ay hubka dhigaan Kuwa wareejiyaan gudi Isku dhaaf ah oo labada dhinac ah . 2: In Dhamaan adeegyadii kala duwanaa Loo furo deegaanka tigreega si Degdeg ah . 3: In ciidanka Ethiopia Lagu wareejiyo Amniga magaalada MAKALLE meelaha kalee hadhsan tartiib tartiib ciidanka federaalka loogu wareejiyo. 4: In si Degdeg ah Loo dhiso Maamul ku meel gaadh ah oo labada dhinac ah . 5: Ciidanka Eritria si Degdeg ah looga saaro deegaanka tigreega. 6: In Mudo kooban gudaheed doorasho laga qabto deegaanka tigreega xisbigii ku guulaystana uu si gooni ah u maamulo deegaankaas Saamigii tigreegu federaalka ku lahaana la kordhiyo. 7: In Wixii maxaabiis lakala haysto lasii daayo shuruud la’aan. Iyo qodoba kale, waxaana lagu dhawaaqay in heshiiskaan uu tahay mid dhaqan gal ah oo ay labada dhinac fulinayaan. Heshiiskaan ayaana ku soo adaaya kadib muddo ku siman laba sano oo uu ka socday dalka Itoobiya dagaal ay labada dhinac dad badan uga dhinteen. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka. Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaado (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta xoogaga Al-Shabaab ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Wabxo oo hoostaga degmada Baxdo, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Xoogga dalka. Al-Shabaab ayaanan iska caabin ah G/le Ismaaciil Cabdimaalik , waxayna dib ugu laabteen fariisimihii ay horey ugu sugnaayeen, halkaas oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo culus. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaaf wareegayaan deegaanka, islamarkaana ay difaacyo ka sameysteen halkaasi. Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xalay ka soo baxeen deegaanka, saaka wabarigiina ay soo galeen xoogaga Al-Shabaab. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u gurashada ay sameeyeen ciidamada dowladda, balse taliyihii hore ee ciidanka Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik oo ka mid ah masuuliyiinta hoggaamineysay ciidanka xoreeyey Wabxo ayaa sheegay in marka looga soo baxay deegaanka uu bixiyey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Gaashanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa sheegay in uu jiro qalad ka yimid dhanka taliska ciidamada Xoogga dalka, wuxuuna sheegay in taasi ay fursad siineyso kooxda Al-Shabaab. Arrintan ayaa dib u dhigeysa qorshihii ahaa in horey loo sii wado howlgallada ka socdo Galgaduud oo ujeedkooda u ahaa in lagu gaaro illaa degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. The post Al-Shabaab oo dib ula wareegtay WABXO iyo wararkii ugu dambeeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay xalay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamada dowladda oo ay weheliyaan ciidamo beeleedyo hubaysan ayaa dib ugu laabtay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay saraakiil kala duwan. Saraakiisha qaarkood ayaa warbaahinta u sheegay in Taliyaha Milateriga Soomaaliya uu bixiyay amarka Ciidamada looga saaray degaanka Wabxo oo ay dhowaan kala wareegeen Al-shabaab. Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah ugama hadlin sababta keentay in dib loo celiyo Ciidamada ku jiray hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada dowladda oo isaga baxay degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay. Shirka oo diiradda lagu saarayay xiriirka dowladaha hoose ee dalka ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka kooban 12 qoddob oo ay isla meel dhigeen madaxdii ka qeyb-gashay shirkaan. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ka go’antahay in dhismaha golayaasha deegaanka ay ku dhismaan qorshe dowladdu leedahay. Waxa uu xusay in midaan muhiim u tahay si meesha uga baxdo in Degmo aan dhaqaale iyo shacab ahaanba aan is bixin karin gole deegaan loo dhiso oo wakhti iyo dhaqaale meel kale looga faa’iidayn lahaa lagu baxsho. Hoos ka aqriso qoddobada kasoo baxay shirkaan oo dhameystiran: In did u eegis lagu sameeyo Hannanka Dhismaha Golayaasha Deegaanka ee Wadajir (Wadajir National Framework). In Dowladdu dhammaystiro Degmooyinka dhimman iyada oo la hubinaayo ka qaybgalka haweenka, dhalinyarada iyo dadka (Gender inclusivity). In Dowladdu qorsha midaysan ka yeelato Arrimaha Dowladaha Hoose iyada oo lagu salaynaayo baahiyaha dhabta ah ee degmooyinka ka jira Lana waafajinaayo Qorshaha Qaran, kan Dowlad Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir iyo sidoo kale Qorshaha Hormarinta Degmada (District Development Framework – DDF). In Dowladdu ay maalgeliso qoonda muuqatana ku bixiso Dowladaha Hoose (Director investment and contribution) gaar ahaan mashaariicda adeegga asaasiga ah (Social Services). Si looga fogaado dib u dhacyada ku yimaada qorshayaasha iyo Heshiisyada (Letter of Agreements – LoAs) waa in dhammaan heshiisyada laga fekeraa macquulnimada in la wada qaban karo, kadibna wakhtigaas lagu heshiiyay waa in lagu qabto. In Dowladdu ku dadaasho inay maamulka daadejiso iyadoo la raacaayo Siyaasadda Maamula Baahinta heer Federaal iyo Dowlad Goboleed (Decentralization Policy). Si loo kobciyo awoodaha Dowladaha Hoose waa in Macaahidda Dowladaha Hoose ee heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir la hawl-geliyaa. Isbadalka cimalada ayaa loo arkay xaalad taagan, si loog jawaabo taas waa in dowladaha hoose door ku yeeshaan ka jawaabidda isbedellada Cimilada (climate change) iyo maaraynta musiibooyinka ka dhasha cimilada si looga hor tago Abaaraha soo noq-noqda. In degmooyin gacan lagu siiyo kobcinta ilaha dakhliga gudaha (Domestic Revenue) si degmooyinku u gaaraan isku-filnaansho dhaqaale, lana xoojiyo hannaanka daadejinta maaliyadda (Fiscal Decentralization). In kaalmada Degmooyinka la siinaayo lagu dar kharashaadka joogtada ah sida gunnada shaqaalaha, adeegyada xafiisyada IWM, hannaan dowladu kula wareegto oo tartartiib ahna loo sameeyo. Xilli miisaaniyadeedka dalka oo ah Janaayo ilaa December, waxaan lagu taliyay in sanad miisaaniyadeedka kaalmada la waafajiyo tan dalka si looga baaqsado dib dhac iyo isla jaan-qaad la’aan. In kaalmada degmooyinka la mariyo habka maamulka maaliyadda dalka ayaa iyadana loo arkay talaabo xoojinaysa isla xisaabtanka iyo helitaanka xog maaliyadeed qaran oo qorshayaasha lagu salayn karo iyo sidoo kale in la xoojiyo nidaamka dakhli ee dalka. The post 12 qodob oo laga soo saaray shirkii DF iyo maamullada uga socday MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay bishaan ku gaareen waddanka Koonfur Afrika. Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria. Ku dhawaaqidda heshiiskan cusub ayaa la filayaa inay sare u qaaddo dadaalada ay wadaan dhex-dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ee lagu xalinayo colaadda labada sano ka socotay Itoobiya, taasi oo ay ku dhinteen kumannaan qof, malaayiin kalena ku barakiciyeen. Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaal-yahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya heshiiskan kadib. Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November, sida lagu sheegay bayaankan, oo nuqul ka mid ah ay aragtay Reuters. Falan-qeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorka Eritrea oo aan ka qeyb galin wada-hadaladan uu yahay mid weli walaac ka jiro. Ciidamada Eritrea ayaa dagaalka kala qeybgalay kuwa Itoobiya. Iyadoo aan si gaar ah loo magacaabin cid ka tirsan ciidamada shisheeye, ayaa bayaanka la saxiixay Sabtidii lagu sheegay in “hubka ka dhigista hubka culus ay dhici doonto marka laga saaro ciidamada shisheeye iyo kuwa aan militariga Itoobiya ahayn ee ku sugan gobolka.” Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaan markiiba ka jawaabin inuu ka hadlo arrintan. General Tadesse Werede oo ka mid ah wakiillada TPLF ayaa sheegay in ku dhawaaqista fulinta heshiiskan ay rajo galisay inay soo afjari doonto dhibaatada heysata shacabka Tigrayga. The post Aqriso: Ethiopia iyo TPLF oo gaaray heshiis cusub oo dhaqan-galaya Talaadada appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta soo kormeeray dhulka loogu talagalay in laga dhiso Xarunta xogta Qaranka (National Data Center) oo ku taalo Xalane gaar ahaan halka ay Badda ka soo galaan Internet-ka Dalka. Wasiirka waxa kormeerkaan ku wehlisay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowso Cismaan Cigaal, Wasiir ku-xigeenka Mudane Sulub Axmed Firin iyo ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasin Sheikh. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay in Dhulkaan la siiyey Wasaaradda Isgaarsiinta, waxaana la qorsheenayaa in laga dhiso Keydka Xarunta Xogta Qaranka (National Data Center). “Maanta waxaa Booqday Dhulka Wasaaradda ku leedahay aaga Xalane, Qorshaha Wasaaradda waxaa ku jira in la dhiso Xaruntaan oo muhiim u ah in lagu keydiyo Xogta Qaranka, waa fursad aad u weyn in dhammaan Xogta Soomaaliya iyo Hey’ad walbo oo macluumaad Uruuriso in hawada toos ugu jirto iyada oo ammaan ah lana helikaro xilli walbo oo loo baahdo” ayuu yiri Wasiir Jaamac. PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo booqday halka laga dhisayo Xarunta Xogta Qaranka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad amni oo daran, kadib markii ay kooxda Al-Shabaab culeys xoogan soo saartay caasimada, iyada oo kaga jawaabeyso dagaallada uga furan gobollada dalka. 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa waxaa xaafadaha magaalada Muqdisho lagu dilay illaa 5 ruux, kuwaas oo dhammaantood toogasho gaadmo ah lagu dilay. Baar-Ubax ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Kowte Faarax Shiil iyo Cabdi Yuusuf Maxamed (Zeytuuni), kuwaas oo ka shaqeynayey baabuurta isaga kala goosha gobollada dhexe iyo Muqdisho, waxaana dilka fuliyey xubno ka tirsan Al-Shabaab. Labada nin ee lagu dilay Baar-Ubax ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Cadaado oo Al-Shabaab beesha degto muddooyinkii u dambeeyey ay ku heysay beegsi gaar ah. Sidoo kale waxaa xalay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isna lagu dilay Nabadoon Xasan Cali Aybakar oo ka mid ahaa waxgaradka caanka ah ee magaalada Muqdisho. Nabadoonka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, xilli uu ku sugnaa Farmashiye ku yaalla agagaarka halka loo yaqaano Sii Sii. Dhacdooyinka kale waxaa ka mid ah dilal qorsheysan oo shalay ka kala dhacay degmooyinka Dayniile iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Dilka ka dhacay degmada Dayniile ayaa waxaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabi jiray General Cabdullahi Xuseen Warsame (Waran), halka degmada Dharkenley lagu dilay Sheekh Cabdicasiis Axmed Xirsi oo ahaa Imaamka Masaajidka dabaqeynka oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Dhammaan kooxihii ka dambeeyey dilalkan ayaa goobta isaga baxsaday, mana jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Si kastaba, dhacdooyinkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay maalin kahor soo saartay digniin ku saabsan weeraro ay Al-Shabaab la damacsan tahay Muqdisho. The post Dilalka qorsheysan oo kusii kordhaya magaalada MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qeyb galay kulan uu soo agaasimay Bangiga adduunka oo looga hadlayay isbedelka cimilada iyo sugnaanta cunnada. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madasha ka hadlay ayaa xusay saamaynta cimilada adduunku ku leeyahay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka kala duwan ee dalalka adduunku isaga kaashan karaan in looga hortago saamaynta ay sababto Isbedelka cimilada. Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay u badan yihiin Bulsho xoolo dhaqato ah, xoolaha noolna loo dhoofiyo dalalka carabta, isagoo dhinaca kale, xubnaha shirka ka soo qeyb galay la wadaagay saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay qaaradda Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo xalalka looga gudbi karo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ka qayb-galay Madasha Isbeddelka Cimilada appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI, Nov 12 (Reuters) - The Ethiopian government and Tigrayan forces on Saturday signed an agreement laying out the roadmap for implementation of a peace deal that both sides reached in South Africa this month. Source: Hiiraan Online
-
Climate activists have called on the Government to provide aid for countries facing famine because of climate change. Source: Hiiraan Online
-
‘Horn of Africa’ in dire straits – UN envoy on Kuwait visit
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
KUWAIT CITY, Nov 12: The United Nations High Commissioner for Refugees (UNHCR) Special Envoy for Horn of Africa Ambassador Mohammad Abadi Affey said that his two-day visit to Kuwait focused on dealing with the humanitarian situation in the drought-hit Horn of Africa region. Source: Hiiraan Online -
Beledweyne (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Banaadir G/Sare Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa maanta soo saaray digniino culus oo la xariira qaraxyo uu sheegay in kooxda Al-shabaab la damacsan tahay inay ka fuliso magaalooyin ka mid ah gobolka Hiiraan. Sarkaalkaan ayaa bartiisa gaarka ah ee Facebook soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in Al-Shabaab ay qorsheysay qaraxyo waa weyn oo ay doonayaan inay ka geystaan magaaloyinka kala ah Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan. “Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan reer Beledweyne Buuloburde iyo Jalalaq waa inay galaan feejignaan amni oo dheeraad ah oo looga hor tegayo shirqoolo ay kooxda Al-Shabaab ku qorsheynayaan qaraxyo waaweyn oo ay ku gummaadaan shacabka deegaanadaas,” ayuu yiri. Sidoo kale Taliyaha ayaa qoraalkiisa ku faray laamaha amaanka gobolka Hiiraan inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si ay uga hortagaan qaraxyada uu tilmaamay inay kooxdu ka geysa karto magaalooyinka ugu muhiimsan gobolka. “Todobaadkaan gudihiisa sida aan ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay, saraakiisha hay’adaha amniga ee magaalooyinka waaweyn sida kuwa aan soo tilmaanay, waxaan ka codsaneynaa inay howlahooda labanlaabaan,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle. Inkastoo sarkaalkaan uu ku magacaaban yahay taliye ku xigeenka booliska gobolka Banaadir, hadana mudooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan, maadaama beeshiisa ay dagaal culus la gashay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha sida joogtada ah uga soo muuqda furimaha Hiiraan. The post DIGNIIN aga soo saaray qaraxyo ay AL-SHABAAB u qorsheeyeen dhowr magaalo appeared first on Caasimada Online.
