Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay barnaamijka Xukuumadda ee Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka. Shirka oo ay ka soo qaybgaleen guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Tiirka dhaqaalaha, ayaa warbixin faahfaahsan looga dhageystay guddiga oo ka warramay qorshaha dhinaca horumarka ee dowladdu ka sameyneyso dejinta koboc dhaqaale oo lagu baraaro. Dowladda Soomaaliya oo barnaamijkeeda deyn cafinta uu meel wanaagsan oo gabogabo ah marayo, ayaa guddigeeda dhaqaalaha lagu wadaa in toddobaadkan dhammaadkiisa ay kulan muhiim ah la yeeshaan madax sare oo ka tirsan Baanka Adduunka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa qarax maanta galinkii dambe ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Istanbuul ee dalka Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana kasoo baxayaan warar kale duwan khasaaraha uu geystay qaraxaas. Guddoomiyaha magaalada Ali Yerlikaya ayaa bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in qaraxa dhacay ay ku dhinteen ilaa 4 ruux, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen 38 qof oo kale, kuwaas oo la dhigay isbitaallada si loogu dabiibo. Maqaayadda qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay ku taallaa mid kamid wadooyinka ugu mashquulka badan, maadaama maanta ay aheyd maalin Axad ah, sawiradda ayaa muujinayay gaadiidka gurmadka oo goobta ku sugan. Ciidanka ammaanka waxaa ay sheegeen dhankooda in ay wadaan baaritaanno ku aadan in ay wadaan dadkii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaalada wixii faahfaahin ah ay dib kasoo sheegi doonaan oo la xiriira xogaha qaraxa dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cabdi-cagweyn oo u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lasoo werinayaa in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas. Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab ku weeraray deegaanka Cabdi-cagweyn, waxaana halkaas looga dilay dagaalamayaal badan. Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay maalmihii lasoo dhaafay fariisimo ka sameysteen deegaankaas, kadib markii ay dhanka bari uga soo talaabeen wabiga Shabeelle. Dadka ku nool deegaanadii lagu dagaalamay maanta, ayaa sheegay in tobaneeyo Shabaab ah meydadkooda lagu arkay deegaan, balse ma cada tirada rasmiga ah ee khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen fariisimahii ay ka sameyteen deegaanka Cabdi-Cagweyn. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay deegaano kale oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle, gaar ahaan dhinaca bari ee wabiga ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugaanaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda. Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa doomo uga soo gudba wabiga, iyagoo fariisimo waa weyn ku leh dhanka deegaanada Galbeed ee jiinka wabiga. Wabiga Shabeelle ayaa kala bara deegaanada biriga iyo galbeedka ee gobolka Hiiraan, waxaana kooxda laga xoreeyey deegaanada bari, iyagoo weli ku harsan deegaano badan oo wabiga ka xiga dhinaca galbeed. The post Dagaal culus oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo khasaare badan oo ka dhashay appeared first on Caasimada Online.
  4. “maanta laga bilaabo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa uma aqoonsanin mid Sharci ah fadhida,” Qaaar ka mid ah qodobada xisbiyada mucaaridku ku dhawaaqeen caawa 1. Maanta laga bilaabo Muuse xukuumadiisa uma aqoonsin mid sharci ah . 2. Muuse Biixi Waxaanu u aqoon sanahay Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxwenihii hore 3. Xisbiyada mucaaridku waxay aqoonsan yahiin oo kaliya golayaasha sharciga ah sida Golaha Wakiilada , Maxkamada Sare iyo Golayaasha Deeganka . 4. Shacabku ha diidaan waxii sharci darro ah 5. Waxaanu kaliya oo aanu ogol nahay 9 kii bilood ee farsamo ee Kominshanka doorashooyinku codsadey Qaran News
  5. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka u magacaabay Gaashaanle Sare Mubzarak Cabdiqani Muuse. Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15, uuna xeerkan waafaqsan yahay qodobbada 80-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Taliyaha cusub in uu sii amba-qaado qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska Ciidamada Badda Soomaaliyeed, si loo helo ciidan awood u leh hanashada sugidda amniga marin-badeedyada dalka iyo difaaca xeebaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sameeyay magacaabis cusub appeared first on Puntland Post.
  6. Haji Salad spent four years in jail on discredited FBI sex trafficking charges before he was federally indicted again this year in a massive meal fraud case. Source: Hiiraan Online
  7. Haji Salad spent four years in jail on discredited FBI sex trafficking charges before he was federally indicted again this year in a massive meal fraud case. Source: Hiiraan Online
  8. Inta la xaqiijiyay 4 qof ay ku dhintay 38 qofna waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Qarax ayaa ka dhacay wadada Istiklal ee bartamaha Istanbul oo ah wado mashquul badan oo ay ku yaaliin dukaamo iyo maqaayado, ayna isticmaalaan dalxiisayaasha iyo dadka degaanka. Guddoomiyaha Istanbul Ali Yerlikaya ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka in qaraxu dhacay abaaro 4:20pm (13:20 GMT), ayna 4 qof ku naf waayeen 38 qofna ku dhaawacmeen. Muuqaal la soo dhigay internet-ka markii qaraxu dhacay ayaa muujinayay holac baxaya iyo jug xooggan, iyadoo dadka ay kala carareen. Muuqaalo kalena waxay muujinayaan baabuurta ambalaasta, baabuurta dab damiska iyo booliska oo goobta ku sugan. Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa sheegay in la xiray goobihii ganacsiga iyo wadada. Wadada Istiklal oo inta badan ay ka buuxaan dad dukaameysanaya waxaa horey u bartilmaameedsaday qof isku soo xiray walxaha qarxa sanadkii 2016-kii. PUNTLAND POST The post Qarax ka dhacay Istanbul appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi. Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan. Sidoo kale, Danjiraha cusub ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay, dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya xiriir dhow la laheyd muddooyinkii dambe oo soo hagaagayay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka furmay Xarunta Baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb. Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoob ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Dahir Ciid, guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa. Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ay ugu horeyso guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo mashaariicda horumarineed. Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay Baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen shantii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaalla kalfadhigan lixaad ee baarlamaanka. Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Dowladda Galmudug, waxaana uu kusoo aadayaa xilli Galmudug ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab. Source: goobjoog.com
  11. CNN — At least six people have been killed and 53 injured in an explosion in the heart of the Turkish city of Istanbul on Sunday afternoon, according to the city’s governor. Source: Hiiraan Online
  12. Istanbul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ruxay waddada Istiklal Avenue ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu ee magaalada Istanbul, sida uu xaqiijiyey barasaabka magaalada Ali Yerlikaya. Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 pm, sida uu sheegay Yerlikaya. “Booliskeena, caafimaadka, dab damiska iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa loo diray goobta. Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii kusoo krodha dib ayaan idin kaga soo sheegi doonnaa,” ayuu yiri. Booliska ayaa xiray waddada Istiklal sababo la xiriira suurta-galnimada qarax labaad, sida ay ku warantay warbaahinta Turkey. Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayey meydad iyo dhaawacyo dhulka yaalla, oo uu ku jiro canug yar. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa. Dhinaca kale, hay’adda sharci-dejinta warbaahinta Turkey ee TRUK ayaa manuucday in la baahiyo sawirrada qaraxa ama la bixiyo warbixin ku saabsan marka laga reebo bayaanada dowladda. Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul ayaa lagu sheegay inuu billaabay baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxan “aadka u xun,” wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 qof, islamarkaana 53 kale lagu dhaawacay. “Hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeena ayaa ku howlan inay helaan kuwa ka dambeeyey qaraxan aadka u xun,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. The post DEG DEG: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ruxay Istanbul + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo, Safiirka Cusub ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Axmed Jumca Al-rumeysi. Danjire Axmed Jumca ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiyey salaan iyo farriin muujineysa ixtiraamka qarannimada iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab, taas oo uu ka siday Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraatka Mudane Maxamed Binu Saayid Aala-nahyaan. Sidoo kale, Danjiraha ayaa soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal, isaga oo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee lagu qaabillay. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, xilka safiirnimo ee loo igmaday, waxa uuna u rajeeyey in uu ku guuleysto matelaadda dalkiisa, doorna uu ka qaato xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub UAE appeared first on Puntland Post.
  14. Muuse Biixi Cabdi waxa dhamaaday mudo xileedkii la doortay ee ahaa Shanta sano, taasi oo uu ku yimid doorasho xor ahayd, taasi oo uu isagu ku fashlmay in doorasho dalka ka qabto. Waxana ay golaha guurtida ee Somaliland u kordhiyeen mudo laba sano ah in uu xilkaasi sii hayo arinkaasi oo ay ka hor yimaadeen xisbiyada mucaaridku, Iyaga oo sheegay in aanu dastuurku sinaba ugu ogolayn in loo kordhiyo oo ayna dalka ka taagnayn xaaladaha sababi lahaa in loo kordhiyo Muuse, kordhinta Muuse ayaa si balaadhan looga soo hor jeedsaday badiba gobolada dalka. Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed. Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay xaruntaan cusub, isagoona u mahad-celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan. Xamza oo ka hadlay munaasibada ayaa tilmaamay in hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka, islamarkaana tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdaan horumarka hay’addaan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu guud ahaan shaqaalaha hay’adda ku bogaadiyey howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed. Waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howl-wadeennada hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, ayna sii horumariyaan hanaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugida amniga. Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo maanta xariga ka jaray dhisme dowladeed cusub appeared first on Caasimada Online.
  16. The family of Hodan Hashi, the 23-year-old Ottawa woman who died in a violent altercation in a Saskatoon bar on Nov. 5, is vowing to pursue justice after the accused killer was released on bail with a charge reduced to manslaughter. Source: Hiiraan Online
  17. An explosion on Istanbul’s popular pedestrian Istiklal Avenue Sunday has left people dead and injured, a senior official has said. Source: Hiiraan Online
  18. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaanka xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Ucid iyo Wadani ayaa waxaa saacadihii u dambeeyay u socday kulamadoodii ugu dambeeyay ee ay ku cadeynayeen mowqifkooda ku aadan muddo xileedka dhamaaday ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulanka oo saacada badan qaatay ayaa lagu wadaa inay maanta ku shaaciyaan go’aamo cusub, xili ay dibadbaxyadii saaka u baajiyeen saacado kooban dalab uga yimid Suldaanka guud ee Somaliland. Labada xisbi oo la filayay in saaka subaxdii ay warbaahinta kula hadlaan magaalada Hargeysa ayaa waxaa shirkoodii jiraa’id ku yimid dib u dhac, maadama ay weli socdaan wada-hadalada hoggaanka labada xisbi ee ku aadan xiisada taagan. Madaxda xisbiyada ayaa sidoo kale la filayaa inay kulama la qaatan xubna ka socda beesha caalamka iyo saaxibada taageera hanaanka dimuqoraadiyadda Somaliland, oo xiisada taagan darteed u tagaya caasimada Somaliland ee Hargeysa. Mucaaridka ayaa horay ugu dhawaaqay inaysan aqbaleyn in waqti dheeri ah uu xafiiska sii joogo madaxweyne Muuse Biixi, waxaana lagu soo waramayaa inay sareyso suurta-galnimada inay maamul gooni ah ku dhawaaqaan. Sidoo kale waxaa qaybo kamid ah Somaliland ka socda abaabulka isku soo baxyo ay sameynayaan dadweynaha taageersan mucaaridka, oo iyagu kasoo horjeeda muddo kordhin laba sano ah oo dhawaan Golaha Guurtida u sameeyeen Muuse Biixi. Maanta oo ay taariikhdu tahay 13 November ayaa waxaa gebi ahaanba ku eg muddo xileedka shanta sano ah ee dastuurka Somaliland u ogolaanayo in uu Muuse Biixi sii joogo xafiiska. Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday Muuse Biixi Cabdi ayaa illaa xalay waday isku-dayo uu ku rabo in uu ku dajiyo xiisada ka taagan muddo xileedkiisa dhamaaday, islamarkaana uu ku baajiyo dibadbaxyada ay mucaaridka qorsheeyeen. Hase yeeshe isku-deyga Muuse Biixi ayaa waxaa ku gacan seyray mucaaridka oo iyagu ku doodaya in Biixi uu hore waxba uga maqli waayay ergo dhowr ah oo isku xilqaamtay wax ka qabashada xiisada siyaasadeed ee taagan. Si kastaba, Saacidihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada Somaliland ka taagneyd xaalad deganaansho la’aan siyaasadeed ah, ayada oo laga cabsi qabo in xiisada taagan ay isku badasho rabshado hor leh oo u dhaxeeya mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday. The post Mucaaridka Somaliland oo qarka u saaran inay maamul cusub ku dhowaaqaan appeared first on Caasimada Online.
  19. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ay tahay wajiga qaranka. Dhismaha xaruntaan oo si wanaagsan loo qalabeeyay ayaa qeyb ka qaadaneysa hufnaanta iyo gudashada waajibaadka shaqo ee bixinta adeegyada muhiimka u ah qaranka, waxaana Ra’iisul Wassaaruhu uu kormeer ku sameeyay qeybaha ay ka koobantahay xaruntaan cusub, waxuuna mahad celiyay dowladaha Denmark, Norway, UK iyo Finland oo dowladda ka taageeray dhismaha xaruntaan. Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in tallaabada lagu dhisay xaruntaan ay muujinayso dardarta ay ku socdo horumarka hey’addan iyo xoojinta adeegyada aasaasiga ah ee shacabka. Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku boggaadiyey guud ahaan shaqaalaha hay’adda howsha wanaagsan ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ayaa kula dardaarmay Maamulka iyo howlwadeennada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan shuruucda iyo hufnaanta shaqo ee muwaadiniinta ay adeegyada siinayaan, sii horumariyaan hannaanka shaqo oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo sugidda amniga. Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, agaasimyaashii hore ee hey’adda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho. PUNTLAND POST The post Xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maanta Xarigga laga jaray appeared first on Puntland Post.
  20. Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan. Wakiillo ka kala socda dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF ayaa tan iyo Isniintii ku shirsanaa magaalada Nairobi, si ay heshiis uga gaaraan dhinacyo kala duwan oo la xiriira dhaqangelinta heshiiskii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Pretoria. Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo kooxda TPLF ayaa heshiis ka gaaray hub ka dhigista dagaalyahanada TPLF iyo soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigreega. Hub ka-dhigistu waxay bilaaban doontaa maalinta Talaadada ah ee 15-ka November sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda federaalka ah ee Itoobiya. PUNTLAND POST The post Hub ka-dhigista Fallaagada TPLF oo bilaababaysa Todobaadkan appeared first on Puntland Post.
  21. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa dib ugu soo noqday degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud kadib markii ay xalay isaga baxeen Ciidamada dowladda. Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab ayaa sida wararku sheegayaan waxay mar kale dib u qabsadeen degaanka Wanxo iyo tuulooyinka u dhow. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dib u qabsadeen degaanka lagu magacaabo Burdaar oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Degaanka Burdaar ayaa dhowaan laga saaray kooxaha Al-shabaab inkastoo ciidamada dowladdu isaga baxeen saacadihii la soo dhaafay. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo dib u qabsaday degaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa ka hadlay muuqaal laga duubay oo ku baahay baraha bulshada, kaas oo uu uga hadlay arrimo xasaasi ah oo ka dhan ah Beesha Cismaan Maxamuud. Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in Beeshaas ay tahay Jareer, islamarkaana laga keenay Zanzibaar, isaga oo tusaale usoo qaatay madaxweyne Deni, sida uu ku yiri codkiisa oo laga maqlayo muuqaalka laga duubay oo uu qof kale wareysanayo. “Cismaanka Maxamuud oo dhan wada jareer weeye Zanzibarbaa laga keenay waa run war Deni arag,” ayuu ku yiri muuqaalka laga duubay Tarsan. Tarsan oo qoraal soo saaray ayaa markale ka hadlay arrintan, wuxuuna qiray in hadalkaas uu yiri, kaas oo ay dhibsatay Beesha Cismaan Maxamuud. “Aniga oo ah Danjire Maxamuud Axmed Nuur, waxaan si buuxda raalli gelin uga bixinayaa hadalka baraha bulshada la wareejinayo oo ah mid aan anigu iri” ayuu yiri Tarsan Sidoo kale wuxuu raalli-gelin buuxda siiyey madaxweyne Saciid Deni, Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo guud ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo uu ka raalli-geliyey hadalkaasi. “Qof kasta oo dhibsan kara ayaan si niyad ah uga raalli gelinayaa gaar ahaan Beesha Cusmaan Maxamuud, Boqor Burhaan iyo Madaxweyne Siciid Deni,” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa si weyn u baahay, waxaana ka falceliyey dad badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood sheegay inay arrintan u arkaan inay tahay mid kaftan ah, balse waxaa haatan ka jawaabay Danjire Tarsan oo soo afjaray dooddii ka dhalatay hadalkiisa kadib raalli-gelinta uu haatan bixiyey. The post Tarsan oo raalli-gelin siiyey madaxweyne DENI iyo beesha Cismaan Maxamuud appeared first on Caasimada Online.