Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,291
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Howlgallada oo si gaar ah ah uga dhacay agagaarka magaalada Budbud iyo deegaannada ku xeeran ayaa waxaa lagu qaaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Mid kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ee horkacaysay howlgalka, laguna magacaabo Cabdi Saneey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkan ay qaadeen, kadib markii ay xog ku heleen in deegaannadaasi ay dhuumaaleysi ku yimaadeen horjoogayaal sar sare oo ka yimid dhinaca hore ee jiidda, kadibna ay gaarsiiyeen khasaare culus. “Waxaan weerarnay Budbud iyo deegaanada hoos yimaada dadka shacabka ah ayaan xog ku helnay waana ku shaqo tegnay niman Amiiro ah oo meelaha dagaalka ka socda ka yimid oo nasiino soo doontay oo jooga xaafadahooda qaar kamid ah ayaa la arkay iyo maleeshiyaad kale oo difaac u ah, waana laga taqalusay” ayuu yiri Cabdi Saneey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad 10 xubnood oo uu isugu jiro horjoogayaal iyo maleeshiyaad la socday, isaga oo sheegay inay ugu tageen guryahoooda. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in aanay waxyeelo gaarsiin xaasaska iyo carruurta xubnaha Al-Shabaab ee ay weerarka kula beegsadeen aagga deegaanada Budbud. “Khasaaraha gaaray aad ayuu u badan yahay, laakin hadda inta aan xaqiijin karo waa 8 iyo 9 meelahaas ayay u dhexeeyaan” ayuu mar kale yiri sarkaalka u hadlay Macawiisleyda. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Xaasaskooda iyo ilmahooda waa nabad gelinay, waa dad birimageedo ah, waana dad kamid ah kuwa uu qaranka uu shaqeyn doono oo masaakiin ah” Xaaladda ayaa weli kacan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ay guulaha ka sheegeen ciidamada huwanta.
  2. Egyptian Minister of Agriculture and Land Reclamation, Alaa Farouk, has met with his counterparts from Senegal and Somalia to discuss enhanced agricultural cooperation. Source: Hiiraan Online
  3. Somalia has announced its candidacy for a seat on the African Union Peace and Security Council (AU PSC) for the 2025–2028 terms. Source: Hiiraan Online
  4. The announcement follows Somali President Hassan Sheikh Mohamud's first official visit to Ethiopia since Türkiye-mediated talks resolved long-standing disputes between the two nations. Source: Hiiraan Online
  5. The Somaliland government is moving forward with plans to reclaim control over its airspace, a significant development that could escalate tensions with Somalia. The airspace, currently managed by the Somali government, was previously under international oversight before being transferred several years ago. Fuad Ahmed Nuuh, Somaliland’s Minister of Aviation and Airport Development, has confirmed that restoring control over the airspace is a top priority for the government. The decision comes amid a protracted dispute with Somalia regarding airspace management, which has persisted for years. “We are in a dispute with Somalia over airspace management, and our goal is to restore full control of our airspace,” said Minister Fu’aad. “We are taking legal steps to regain control,” Nuuh explained. “We plan to seek international legal support to aid us in this process.” The airspace conflict was exacerbated by the agreement between Ethiopia and Somaliland, which granted Ethiopia access to the Berbera port in exchange for a stake in Ethiopian Airlines and potential recognition of Somaliland’s sovereignty. Somalia, which sees Somaliland as part of its territory, vehemently opposed the deal, accusing Ethiopia of violating Somali territorial integrity. The dispute has already led to several high-profile incidents, including Somalia’s denial of multiple flights bound for Somaliland, mainly Ethiopian Airlines flights carrying high-level officials. Somali authorities also turned away an Ethiopian Airlines flight and a cargo plane, both attempting to land in Hargeisa, Somaliland’s capital. The conflict over airspace has also prompted safety concerns. In early 2024, International aviation authorities reported an increasing number of near-miss incidents, such as a recent case involving a Qatar Airways flight and Ethiopian Airlines. Conflicting air traffic control (ATC) instructions, particularly from unauthorized controllers, have raised alarms about the safety of flights navigating Somali airspace. “The issue of conflicting ATC instructions is becoming a serious safety threat,” said a spokesperson for the International Civil Aviation Organization (ICAO). “We are monitoring the situation closely to ensure the safety of international flights.” Somalia has responded to the escalating dispute by implementing new communication systems to manage air traffic more effectively. A new satellite phone system used by Somali air traffic controllers aims to address safety concerns by improving communication with aircraft flying through contested airspace. However, Somaliland has criticized these efforts, accusing Somalia of using the system to undermine Somaliland’s control further. Somaliland has also accused Somalia of mismanaging over $60 million earmarked for air traffic management and airport development. Somaliland’s Civil Aviation Authority claims that Somalia has failed to honour agreements related to airport infrastructure, leading to disrupted air traffic and significant delays in the development of Somaliland’s aviation sector. In addition to regaining control of the airspace, the government is focusing on expanding and upgrading key airports across the country. Renovations are planned for Burco and Boorama airports, while Berbera’s modern airport will be fully operationalized to strengthen Somaliland’s connectivity. Qaran News
  6. Ciidamada difaaca dowladda Puntland ayaa xalay fashiliyay isku day weerar kooxda Argagixisada Daacish doonayeen in ay u adeegsadaan diyaarad is wadda oo qaraxyo xambaarsan. Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa lagu xaqiijiyayin ciidamadu fashiliyeen isku daygaasi weerar, islamarkaana soo rideen diyaarad Dronesa oo ay Argagixisadu isticmaalayeen. “Ciidanku waxay hadda soo rideen oo burburiyeen Drone ay Argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland. Dhinaca kale, ilo wareedyo amni ayaa muujinaya in kooxda Daacish isku dayayso weerarro daganti ah, kaddib markii ciidamada difaaca Puntland kaga guuleysteen gulufkii tooska ahaa, iyadoo laga qabsaday saldhigyadoodii buuraha Calmiskaad. PUNTLAND POST The post CALMIS: Ciidamada Puntland oo fashiliyay weerar loo adeegsaday diyaarad qaraxyo xambaarsan appeared first on Puntland Post.
  7. Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty ayaa Sabtidii sheegay in amniga Badda Cas uu ku xiran yahay oo kaliya dalalka xeebaha la leh, isagoo si cad u diiday joogitaan militari ama ciidan badeed oo ay ku yeeshaan dalalka aan xeebaha ku lahayn. Hadalkaas ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ka dhacay Qaahira, kaas oo uu qabtay kaddib kulan saddex geesood ah oo uu la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo kan Eritrea, Osman Saleh Mohammed, sida uu soo tabiyay telefishinka Al-Qahera. Abdelatty ayaa intaas ku daray in kulanka lagu falanqeeyay qorshaha lagu qabanayo shirar wasiirro oo kale oo ka dhaca Muqdisho iyo Asmara, iyo sidoo kale diyaarinta shir madaxeed labaad oo madaxweyneyaash ah, kadib shirkii ugu horreeyay ee bishii October 2024 lagu qabtay Eritrea. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo awoodda dowladda si ay maamulkeeda ugu fidiso dalka oo dhan, loo xoojiyo ciidamada qaranka Soomaaliya, lagana hortago tallaabooyin hal dhinac ah oo khatar gelinaya midnimada dalka. Abdelatty ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay qayb ka noqon doonto howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho iyo Midowga Afrika ay ansixiyeen. Si kastaba ha ahaatee, ma bixinin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, kaas oo la filayo inuu bilowdo horraanta 2025. “Amniga Badda Cas waa arrin ku xiran oo keliya rabitaanka iyo wada shaqeynta dalalka xeebaha la wadaaga. Waxaa gabi ahaanba aan la aqbali karin in dalal kale ay ku yeeshaan joogitaan militari ama mid ciidan badeed meel aysan danaha ku lahayn,” ayuu Abdelatty ku yiri shir jaraa’idka. Hadalka wasiirka arriimaha dibedda Masar ayaa loo arkaa in uu si toos ah ugu socdo Itoobiya, oo dooneysa in ay saldhig ciidan badeed ku yeelato xeebta Badda Cas, sida ku cad is-afgaradkii ay la gashay maamulka Somaliland, ee ay diiday Soomaaliya. Itoobiya ayaa dooneysa in ay hesho dhul badeed ay ka dhigato saldhig ciidan badeed iyo dekad. Heshiiska ay Soomaaliya la gashay ee Ankara ayaa dhigaya in ay ka wada-hadlaan sidii loo siin lahaa marin badeed. Balse dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in kaliya ay ogolaan doonto marin badeed la xiriira ganacsi, ama dekad, oo aanay marnaba aqbali doonin saldhig ciidan badeed. Bishii Agoosto 2024, Safiirka Soomaaliya ee Qaahira, Cali Cabdi Awaare, ayaa ku dhawaaqay in ciidamo iyo qalab ka socda Masar ay soo gaareen Muqdisho si ay isugu diyaariyaan ku biiritaanka howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Warkan waxa si rasmi ah u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar. Ciidamada cusub ayaa la filayaa inay beddelaan hawlgalkii ku-meel-gaarka ahaa ee ATMIS bishan, iyadoo loo diyaarinayo inay sii wadaan howlaha nabad-ilaalinta iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.
  8. Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ka qayb-galay shirkii labaad ee Guddiga Saddex-geesoodka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Intii lagu guda jiray shirka, waxaa si qoto dheer looga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah iyo heerka wada-shaqeynta u dhexeysa saddexda dal, iyadoo la fulinayo go’aamadii kasoo baxay shirkii Asmara ee dhacay 10-kii Oktoobar 2024. Waxaa sidoo kale laga arrinsaday hababka lagu hirgelinayo go’aamadii hore ee laga gaaray shirarkii hore, iyo sidii loo furi lahaa fursado cusub oo ka tarjumaya rajada iyo himilooyinka shucuubta saddexda dal. Kulanku waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu gaarayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas, oo ay ku jirto iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo taageero dadaallada nabad ilaalinta iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya. Sidoo kale kulanka waxaa lagu falanqeeyey kaalinta Masar ee ku aaddan hawlgalka Midowga Afrika ee taageeraya Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo ciidamada dalkaasi ay qeyb ka noqanayaan. Dhinaca kale, Wasiirrada Arrimaha Dibadda seddaxda dal ayaa ka wada-hadlay xaaladda Sudan iyo saameynta gobolka, iyadoo taageero lala garab istaagayo shacabka reer Sudan si loo ilaaliyo hay’adahooda qaran iyo hantidooda qaranka. Shirka seddaxda wasiir arrimo dibedeed ayaa soo gaban-gaboobay xilli madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu ku suganyahay dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo durbadiiba heshiisyo lagu gaaray kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas. Source: goobjoog.com
  9. Khartuum (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Sudan, Mohamed Hamdan Dagalo (Hemedti), ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada uu hoggaamiyo ee Dacmu Sariic ay gacantooda ka baxday magaalada caasimadda u ah gobolka Al-Jazira ee Wad Madani. Tani waxay timid kaddib markii ciidanka milatariga iyo kooxaha hubeysan ee la xulufoobay ay gudaha u galeen magaalada kaddib in ka badan hal sano oo kooxda Dacmu Sariic ama RSF ay maamulaysay. Kooxda RSF ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay si xooggan taageero uga hesho Imaaraadka Carabta. Si kastaba, Abu Dhabi ayaa horey u beenisay dhammaan eedeymaha sheegaya inay hub siiyeen ciidamada RSF. Mas’uuliyiinta dowladda ee daacad u ah ciidanka milatariga ayaa soo dhaweeyay dib-u-qabsashada magaalada, halka hogaamiyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo, uu ballan qaaday inuu magaalada dib ugu soo celin doono gacanta RSF. “Maanta waxaan luminay wareeg ka mid ah dagaalka, balse ma lumin dagaalka oo dhan,” ayuu yiri Daglo isagoo kula hadlay ciidankiisa khudbad maqal ah oo uu jeediyay Sabtidii fiidkii, isagoo ballan qaaday “guul” ay gaari doonaan. Dagaalka u dhaxeeya ciidanka Sudan iyo RSF Dagaalka u dhexeeya ciidanka Sudan iyo RSF ama Dacmu Sariic ayaa billowday bishii April 2023, taas oo horseeday qaxii ugu ba’naa ee caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale macaluul laga soo sheegay gobollo ka mid ah dalka. RSF ayaa gacanta ku dhigtay Wad Madani bishii Diseembar ee isla sanadkaas, iyadoo dadka ku nool magaalada ay ka barakaceen tobanaan kun oo ka mid ah, oo u cararay caasimadda Khartoum ee ku taalla waqooyiga. Sabtidii hore, ciidamada Sudan ayaa warbixin ku sheegay in ay “u hambalyeynayaan shacabka Sudan” kadib markii “ciidamada qaranka ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani subaxnimadii”. Muuqaal ay milatarigu soo dhigeen baraha bulshada ayaa muujinayay dagaalyahanno ku sugan galbeedka Buundada Hantoub oo ku taal waqooyiga magaalada, kaddib markii ilo wareedyo milatari ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP in ay “weerar ku qaadeen magaalada dhinaceeda bari.” Afhayeenka dowladda ee daacadda u ah ciidanka, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Khalid al-Aiser, ayaa sheegay in ciidanku ay “xoreeyeen” magaalada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sudan ayaa sidoo kale ku tilmaantay dhacdadan “guul weyn oo maanta la gaaray”, iyagoo sheegay in ciidanka milatarigu ay dib ugu laabteen gacanta ku haynta Wad Madani. Dib-u-qabsashada Wad Madani Inkasta oo ciidanka Sudan aysan wali ku dhawaaqin si buuxda inay magaalada qabsadeen, haddana waxay sheegeen inay xoreeyeen maxaabiis ay RSF ku heysteen magaalada, isla markaana ay hadda ku hawlan yihiin “nadiifinta kooxda fallaagada ah ee ku haray gudaha magaalada.” Si madax bannaan looma xaqiijin karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta magaalada, maadaama xayiraad dhanka isgaarsiinta ah ay muddo bilooyin ah saameysay deegaanka. Wad Madani waa magaalo istaraatiiji ah oo ku taalla isgoyska waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollo badan. Waa magaalo u dhow caasimadda Khartoum, taas oo ka dhigtay guusha Al-Jazira inay noqoto mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ciidanka milatariga tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen magaalada mataanaha ah ee Omdurman ku dhawaad sanad ka hor. Goob-jooge ku sugan bartamaha Wad Madani, oo magaciisa qariyay sababo amni awgeed, ayaa u sheegay AFP: “Ciidanka iyo dagaalyahannada la xulufoobay ayaa ku faafay waddooyinka magaalada oo dhan.”
  10. Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed oo Shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada hoggaaamiye isku raaceen in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya labada dal, iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda diblamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka. “Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. “Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Villa Somalia. Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed ayaa sidoo kale adkeeyay in ay ka go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara, iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xustay in Wadahadallada sidoo kale xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood islamarkaana labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobolka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo isku raacay Hirgelinta Heshiiskii Ankara appeared first on Puntland Post.
  11. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa si diirran usoo dhaweeyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho shaqo ku yimid itoobiya. Labada hoggaamiye waxa ay yeesheen wada hadallo ballaaran oo ku qotoma danaha labada dal iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa xaaladaha gobalka iyo xoojinta xiriirka labada shacab iyo labada dal. Hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in lasoo celiyo, korna loo qaado xiriirka u dhexeeya iyada oo loo marayo dib u hawlgalinta matalaadda dublamaasiyadeed ee labada caasimadood, sidoo kale Madaxda ayaa adkeeyay baahida loo qabo in la iska kaashado arrimaha gobalka, si dhawna looga wada shaqeeyo danta guud. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa adkeeyay in xasilloonida gobalka ay aasaas u tahay in labada dal ay yeeshaan wadashaqayn xooggan oo ku dhisan kalsooni iyo is qadarin, iyadoo labada hogaamiye ay isku raaceen in la horumariyo dadaallada kor loogu qaadayo xoojinta xiriirka gobalka iyo is fahamka guud. Wadahadallada waxaa kale oo xoogga lagu saaray baahida loo qabo in la sii wado iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood. Iyadoo laga maanka lagu hayo halista kooxaha argagixisada ah ay ku hayaan gobalka, ayaa waxay labada hoggaamiye fareen hay’adaha amni ee labada dhinac in ay kor u qaadaan wadashaqayntooda si loo horumariyo xasiloonida guud ee gobalka. Dhinaca kale, Madaxda labada dal ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga dhanka dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyaga oo isku raacay in la ballaariyo kaabayaasha fududaynaya arrimaha ganacsiga iyo guud ahaan baraaraha dhaqaalaha labada dal. Ugu danbayn, waxa ay madaxdu adkeeyeen sida ay uga go’an tahay hirgalinta Heshiiskii Ankara iyada oo loo marayo jawi saaxiibtinimo iyo niyad-wanaag, waxaana la isla qaatay dardar-gelinta guddiyada farsamo ee hiragalinta heshiiskaas. Source: goobjoog.com
  12. Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ku bogaadiyay Ciidamada difaaca Puntland sida ay uga guulaysteen kooxaha Argagixisada ah ee Daacish. Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Kheyre ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada iyo dowladda Puntland guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. “Waxaan shacabka, ciidamada, iyo dowladda Puntland ugu hambalyeynayaa guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ee ka socda buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. “Waxaan hoggaanka dowladda iyo ciidamada Puntland ku bogaadinayaa go’aankan masiiriga ah ee ay ku soo afjarayaan khawaarijta naf-la-caaarriga ah iyo argagaxisada shisheeyaha ah ee ku dhuumaaleysanaysa buuralayda Gobolka Bari” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Waxa uu sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqay in ay hiil iyo hoo la garab istaagaan halyeeyada naftooda u huraya difaaca sharafta, dadnimada, iyo deegaannada Puntland. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare hore Xasan Kheyre oo dowladda Puntland ku bogaadiyay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
  13. Mogadishu (HOL) — Italy has donated a digital archive of Somali laws and official bulletins from 1950 to 1989, offering essential resources to bolster the country's legal system and cultural recovery. The digital archive was handed over by Italian Ambassador Pier Mario Daccò Coppi to Somali Minister of Justice Hassan Moalim Mohamud during a ceremony in Mogadishu, marking the anniversary of the 1948 massacre of Italians in the city. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) — Egypt will not tolerate any military or naval presence in the Red Sea from non-littoral states—countries that do not border the sea—Foreign Minister Badr Abdelatty declared during a press conference in Cairo on Saturday. His statement came alongside Eritrean Foreign Minister Osman Saleh and Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi following the first meeting of a trilateral ministerial committee to foster cooperation. Source: Hiiraan Online
  15. Mogadishu (HOL) — The Somaliland government is moving forward with plans to reclaim control over its airspace, a significant development that could escalate tensions with Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) — Sheikh Mukhtar Robow Ali, Somalia's Minister of Religious Affairs and Endowments, today signed the country's official Hajj quota agreement in Saudi Arabia, securing pilgrim slots for Somali Muslims in this year's Hajj. Source: Hiiraan Online
  17. Addis Abeba– The governments of Ethiopia and Somalia have agreed to enhance bilateral relations, strengthen regional security cooperation, and deepen economic ties following discussions between Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud during the latter’s working visit to Ethiopia. In a joint communiqué, the two leaders agreed to “restore and enhance their bilateral relations through full diplomatic representation in their respective capitals” and instructed their diplomatic missions in multilateral and regional forums to “closely cooperate on matters of mutual interest.” The communiqué further stated that “the stability of the region requires strong cooperation between the two countries” and noted that both sides had agreed to coordinate efforts to foster regional relations, shared progress, and mutual understanding. The agreement follows Hassan Sheikh Mohamud’s arrival in Addis Abeba earlier today for an official working visit, marking the end of a year-long diplomatic hiatus between Ethiopia and Somalia. Relations between the two countries had been strained following disagreements over Ethiopia’s Memorandum of Understanding (MoU) with Somaliland, which aimed to grant Ethiopia sea access in exchange for potential recognition of Somaliland. However, the recent signing of the Ankara Agreement, facilitated by Turkish President Recep Tayyip Erdoğan, has helped to defuse tensions and paved the way for the renewal of diplomatic engagements. On security matters, the leaders underscored the “serious and evolving threat posed by extremist militant groups” and agreed to direct their respective security agencies to “bolster cooperation in promoting peace and stability in the region.” Economic collaboration was also a key focus, with both parties highlighting the importance of “intensifying economic cooperation, trade, and investment.” The communiqué noted that the two leaders had agreed to “expand infrastructure linkages to facilitate trade and shared prosperity through more robust economic cooperation.” Reaffirming their commitment to the Ankara Declaration, the leaders emphasized the “spirit of friendship and solidarity that animates the Declaration” and agreed to “expedite the technical negotiations envisaged in the Declaration.” AS Qaran News
  18. Addis Ababa (Caasimada Online) –Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray kulamadii galabta dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, kadib safar uu Xasan Sheekh galabta ku tegay magaalada Addis Ababa. Ugu horeyn bayaanka ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida labada dhinac, iyadoo la iska kaashanayo arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha iyo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. “Labada masuul ayaa iska xog-wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxayna wada-hadallo wax ku ool ah ka yeesheen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Itoobiya. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray “Madaxdu waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah, iyagoo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda u kala dirsanaya caasimadaha labada dal.” Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal. “Hogaamiyayaasha ayaa xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam,” ayaa lagu yiri bayaankaan goordhow ka soo baxay wadahadaladii Addis Ababa. Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago. Sidoo kale, wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal. “Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah ee khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka ka jira, waxayna isku raaceen in ay faraan hay’adaha amniga ee kala duwan in ay xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. “Madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan,” ayaa lagu yiri bayaanka Xasan iyo Abiy. Ugu dambeyntii, waxay Xasan iyo Abiy sheegeen inay go’an tahay xaqiijinta Baaqii Ankara, saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal. “Waxa kale oo ay isla garteen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka,” ayaa lagu soo gabagabeeyey war-saxaafadeedka laga soo saaray kulankii Xasan iyo Abiy ay ku yeesheen Addis Ababa.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa digniin adag u diray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ku howlan wax ay ugu yeereen “boobka iyo iibinta” Dhulalka Danta Guud. “Annagoo ah xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah waxaan halkaan ku soo gudbineynaa in loo istaago Ilaalinta Hantida Danta Guud iyo u digidda dadka u fududeeya Villa Somalia boobka Dhulka Danta Guud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xildhibaanadaas. Xildhibaanada ayaa sheegay in shuruucda dalka ee iibka dhulka ay ku waajibinayaan Xukuumadda markii dhulka laga saarayo Diiwaanka Dhulka Danta Guud in ay xaqiijiso 8-daan qodob: Caddeyn soo bandhigidda in laga maarmay dhulkaan iyo sababata. In la Naadiyo laguna qoro faafinta rasmiga ee Dowladda, laguna dhejiyo goobaha dadku isugu yimaadaan. Xaqiijinta u sinnaanta fursadaha helidda dhulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadkiisa, Dammaanad qaadista xuquugda lahaanshaha dhulka iyo diiwaangelinta, Xaqiijinta ka faa’iideysiga dhulka si waafaqsan Mabaadi’da ka dheefsashada dhulka iyada oo aan dhibaato loo geysan, Xallinta khilaafaadka ka dhasha dhulka iyo hantida, Xadeynta dhulka uu qof ama shirkado yeelan karaan, Nidaaminta dhaqdhaqaaqa suuqa ka ganacsiga dhulka, si looga hortago ku takrifalidda xuquuqda milkiilayaasha dhulka ee yaryar. Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda aysan soo saarin Siyaasadaha uu Dastuurka faray, isla-markaana aan la marin qodobada sare ku xusan oo sharuucda dalka ay waajibinayaan, hantidana lagu xaraashay qaabka sharci darro ah, lacagta ka soo xarootana ay dhamaanteed gashay jeebka Madaxweynaha oo aan lagu shubin Qasnada Dowladda. “Madaxwaynaha oo ka soo jeeda bahda waxbarashada ayaa xaraashay dhukii u badka Soomaaliyeed wax ku baranayeen, Sida Jaamacada Umada, Schoolka Ilays iyo kuwo kale oo badan, waana ka xishoon waayey masiirka dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
  20. War saxaafadeed ay dowladda Itoobiya ka soo saartay safarka madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ee dalkaas ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Itoobiya. Labada mas’uul ayaa iska xog wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa gobolka, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal. Waxay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan oo ay kor u qaadaan xariirkooda laba geesoodka ah iyaga oo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda ka helaya caasimadooda. Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ee golayaasha dhinacyada badan iyo kuwa gobolka ay si dhow isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal. Hogaamiyayaasha ayaa dib u xaqiijiyay in xasiloonida gobolka ay u baahan tahay iskaashi adag oo dhex mara labada dal oo ku dhisan is-aaminaad, kalsooni iyo ixtiraam. Waxay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka gobolka, kobcinta isfaham guud iyo horumarka la wadaago. Waxa kale oo laga wada-hadlay sidii loo sii wadi lahaa, loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal. Hogaamiyayaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah iyo khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee gobolka, waxay isku raaceen in ay farayaan hay’adaha amniga ee kala duwan si ay u xoojiyaan iskaashiga horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka. Sidoo kale, madaxdu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la ballaariyo isku xirka kaabayaasha dhaqaalaha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyada oo loo marayo iskaashi dhaqaale oo xooggan. Ugu dambeyntii, waxay ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Baaqa Ankara iyo ruuxa saaxiibtinimada iyo wadajirka ee soo nooleeya Baaqa. Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in la dardargeliyo wada xaajoodyada farsamo ee ku cad bayaanka”. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay safar uu galabta madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ku gaaray dalka Itoobiya, kaas oo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen. Villa Soomaaliya oo goor sii horreysay ka warbixisay ujeedada safarka madaxweynaha ayaa sheegtay in magaalada Addis Ababa uu u tegay wada-hadalka ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, si loo sii amba qaado heshiiskii labada dowladdood ee Ankara. “Galabta, Madaxweynaha ayaa safar ku tegay Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed. Wadahadalka uu la yeelanayo madaxda Itoobiya ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal. Socdaalkan ayaa dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri qoraalka. Haddaba sidee looga fal-celiyay? Aamina Maxamed “Madaxweynow waji malihid ninkii aa shalay na dhaheysay waa cadaw Soomaaliyed baad galabta u tagesaa koley wax kasta waan kaa filan Karnaaye bal islaali”. Cabdirisaaq Xaashi “Xassanow meel laguu raaco lama yaqaan ee adeer Bahashaan adaa xariga hayee halkaa doonto u jiid”. Siyaad Maxamed Dool ““Itoobiya waa cadow Argagixisada ka daran” MW Xassan Sheikh ayaa horey u yiri”. Cabdiweli Daacad ” Madaxweynuhu isagu waa meeqo qof aniga waan yaaabaye!? Shalay isagaa nalahaa itoobiya waa cadaw,maantana isla isaga ina dhihi doona waa walaal” Cawil Xaashi “Socdaal diblumaasiyadeed ? Ma socdaal shaqo mise diblumaasiyadeed ? Waxaa muuqata in lagu farbaranaayo mareegtii Villa Somalia”. Ayuub Cabdi “Tagitaanka Ethiopia madaxweyne kuuga raacsani” Kuulow Yuusuf ” Kii shalay oo Itoobiya maxaad usoo qori wayseen? Fulay xantiisa ma moogo walee”.
  22. Soomaaliya iyo Ethiopia gaadhay maanta heshiis rasmiya oo lagu soo celinayo cilaqaadkii xumaaday ee labada waddan. Diblumaasiyiinta ay u kala yeesheen ayaa hadda kadib dib ugu laaban doono safaaradaha labada waddan ee Addis iyo Muqdisho. Source
  23. Dowladda Puntland ayaa caddaysay in aysan Villa Somalia ku aamini karin xogta ku saabsan Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah, sababo la xiriira in ay dowladda Federaalka ka tirsan yihiin xubno sare oo kamid ahaa Argagixisada. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayay ku caddaysay in aan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu aamini karin xogta ku saabsan Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada, maadaama DFS ay ka tirsan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyaashii mileeshiyaadka Al-shabaab. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale Saaxiibada Caalamiga ah ka dalbatay in ay ka caawiyaan Hawlgalka lagu baabi’inayo Argagixisada Daacish, kaasi oo ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, halkaasi oo ciidamada difaaca Puntland ku guulaysteen in ay burburiyaan inta badan godadkii ay ku dhuumanayeen kooxahaasi. Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland ayay Saaxiibada Beesha Caalamka kaga dalbatay in ay Ciidamada difaaca Puntland ka taageeraan dhinacyada duqaymaha Cirka, Rasaasta iyo Saadka lama huraanka u ah Ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah. Halkan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Puntland oo caddaysay in aysan Villa Somalia ku aamini karin Xogta Hawlgalka Argagixisada appeared first on Puntland Post.