Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa isbadal ku sameeyay maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo saraakiisha hoggaamisa ciidamada booliska iyo daraawiishta Jubbaland. Seddax dikreeto ayaa xalay ka soo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe, wuxuuna ugu horeyn Xasan Cabdi Guure u magacaabay Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose, halka ku xigeenkiisa uu u magacaabay Muuse Maxamed Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa dikreetada labaad ku magacaabay sarakiil cusub oo la wareegeysa hoggaaminta taliska ciidamada booliska ah ee ka howlgala deegaanada Jubbaland. S/Guuto Cabdullahi Cabdi Yuusuf ayaa loo magacaabay taliyaha booliska Jubbaland, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay G/Sare Xuseen Cali Xaashi, sida ku cad dikreetada. Ugu dambeyntii madaxweynaha Jubbaland ayaa S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Keydsane u magacaabay Taliyaha ciidamada darawiishta Jubbaland. Magacaabidaan ayaa ku soo aaday, iyadoo shalay madaxweynaha Jubbaland uu duleedka Kismaayo kula hadlay ciidan xoog leh oo loo diyaariyey inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada Jubbaland. Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa cadeeyey in Jubbaland ay diyaarisay qorshe dhameystiran oo deegaanada laga xoreeyo Al-Shabaab lagu gaarsiinayo adeegga dowliga ah. Hoos ka eeg dikreetooyinka The post Axmed Madoobe oo isbedal maamul oo xoog leh sameeyey xalay (Aqriso dikreetooyin) appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa xusay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo ballaaran, taas oo xilligaan loo baahan yahay in laga faa’iideyso shacabka Soomaaliyeedna looga faa’iideeyo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dhabar adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficillada gurracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. “In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay kobaca gancsiga iyo mashaariicda guuleystay ee ay fuliyeen dhallinyarada iyo maalgashadeyaasha Soomaaliyeed, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayna ka qaybgalayaan Ergooyin ka socda dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, Hal-abuurayaal ganacsi, Maalgashadeyaal iyo Marti sharaf kale ayaa labada maalmood ee uu socdo lagu soo bandhigayaa fursadaha maalgashi ee dalka ka jira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. YAA DIIDAN DOORASHO LA ISLA OGOL YAGAY EEN AHAY MUUSE BIIXI? W/Q: Cali Guray. “Maaha markii ugu horaysay xisbiga WADDANI in aanu diidanay “doorasho la isla ogol yahay”, sida ay masuuliyiinta xisbigu mar hore cadeeyeen maantana uu ku celiyay Gudoomiye xigeenkiisu Muj. Xamarji. Waynu ognahay Somaliland doorasho aan heshiis lagu ahayn weligees hore ugamay dhicin hadana kama dhacayso. Doorashada waxaynu u samaysannay haya’d madaxbanaan oo la yidhaa Komishanka Doorashada yaa ka horyimi ee farogeliya ee aan ogolayn madabanaanifooda? Ma xisbiyada mucaaridka? Hadii aynu Ilaahay ka baqayno ka diiday ee farogeliyay ee ilaa hadda aan ogolayn qorshihii ay soo dhigeen markii ay arkeen in doorashadii madaxtooyada ee hawsheeda ay kala wareegeen komishankii hore aanay ku qaban karin wakhtigeedii (13 November) balse ay u baahan yihiin muddo 9 bilood ah. Saamilaydii doorashada waxa diiday oo keliya Muuse Biixi iyo xisbigiisa uu isagu masuulka ka yahay. Maalintii la dhaarinayay xubnihii dambe ee Komishanka doorashada waxaynu arkaynay Muuse amar ku siinaya ” marka hore waxa qabanaysaa doorashada Ururada, sadexda xisbi ee soo baxa ayaa doorashada madaxtooyada geli doona. Taasi farogelin cad saw maaha iyo xadgudub uu ku sameeyay madaxbanaanidii komishanka. Nasiib wanaag Komishanku hawsgoodii ayuun bay sidii sharcigu farayay u wateen waxanay isku koobeen soorashadii Xeer Lam. 91 uu ku waajibinayay ee Madaxtooyada. Doorashadan ururadu ama ha ka horayso ama ha ka dambayso ta madaxtooyada eh horta saw may haboonayn in marka hore la dhanaystiro shaciyadeeda? Taasina cidda diiday ilaa hadaba diidan ee aan ahayn Muuse Biixi waa ayo? Waxaynu og nahay labadii doorasho ee dastuuriga ahaa ay labaduba muddo dhaaf yihiin. Wuxu ku wadaa Muuse in uu ku simo xisbiyadana 26 December si uu u buriyo muddada shahaadadaha markaa doorashada ururada iyo xisbiyaduna ay muddo dhaaf u noqdaan ee Ninkaasi ma u socdaa in Somaliland doorasho la isla ogol yahay ka qabsoonto. Maya wuxu ku talogalay ayay u muuqataa in Somaliland la meeraysto wax doorasho ahina ka qabsoomin isaguna kursiga inta uu doono iskaga fadhiyo eh taasi dan ma u tahay Somaliland? Maya isaga iyo Somaliland midna dan uma aha. Wax ka yar qarandumisnimo oo lagu sheegi karaana ma jirto”. Qaran News
  4. Tehran (Caasimada Online) – Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay xiriirka u jaraan dalka Iran, taas oo looga jawaabayo habka uu dalkaasi u maareeyey mudaharaadada looga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas. Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan dibadbaxyada ka socda dalka Iran. Muuqaalkan ayaa la faafiyey kadib markii la ogaaday in gabadhan la xiray bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka. Farideh ayaa caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabar la walaal ah hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xiray hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay. “Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan,” ayay ku tiri muuqaalka la baahiyey. Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof. Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay dilka Mahsa Amini oo aheyd gabar loo xiray inay xiran weysay xijaabka kadibna ku geeriyootay gacanta booliska. AP The post GABAR uu abti u yahay Ayatollah Ali Khamenei oo qaaday tallaabo lama filaan ah appeared first on Caasimada Online.
  5. Cali Jayte, Guddoomiyaha gobolka Hiiraan waa gar sheegtay, wuxuu dareemayaa in heerka uu soo gaaray haddii uu heli lahaa taageerrada uu u baahanyahay uu soo gabagabeyn Al-SHabaab, laakiin gartan mid baa ka horeysay, hadalkiisana wuxuu horseedayaa dhaqan uu cadowgeena rabay in layna gaarsiiyo oo ah oraahda uu Jeyte ka dhawaajiyay ee ah “Ninkii maanta innagu daawada berri waan ku daawaneynaa!”…Waa khatar arrintaas mana aha mid ka turjumeysa xaqiiqda dagaalka iyo sida wax u jiraan, maxaa yeelay dagaalka dhacay dagaal ma ahayn ka duwan kuwii horay loola geli jiray Al-SHabaab oo dabeecaddiisu ahayd in hadba maamullada iyo deegaammada ay ku duulaan ay iska dhiciyaan, mana jirin dowlad gurmata oo dagaallada Al-SHabaabka iyo deegaannada ka dhex dhaca gacan ka geysata, dagaalka Al-SHabaab iyo Hirshabeelana sida dadku markii hore u arkayeen marka aad qiimeyso ugama duwaneyn dagaalladii horay u soo dhacayay ee Al-SHabbaab iyo dhex mari jiray maamullada ama deegaannada kale. Jeyte, wuxu u mahad noqay Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed (DDS) ee Itoobiya xoogga ku heysato, hiilka ay u sameysay oo uu ku ammaanay, kaasoo sida hadalkiisa ka muuqatay uu ka waayay walaalihiisa kale ee Soomaaliyeed, waa sax DDS gacan ayeey ka geysatay dagaalka gobolka Hiiraan ka socda ee Al-SHabaab lagula jiro, Waxayse su’aal ka taagntahay hiilkaas muxuu noqonayaa?!… Hiilka Galbeedka Siti ay tari weysay DDS ee ay Soomaaliya gudaheeda ka sameysay muxuu noqonayaa?!…Waxaa sharaxaad u baahan sharci ahaanshaha hiilkaas inta aan la gaarin hiil iyo hiil la’aan. Waxaa iyadana xusid mudan in ciidammada Liyu Booliiska DDS markii ay kooxda Al-SHabaab gashay xadka DDS ay soo galeen xudduudda Soomaaliya iyagoo waliba la arkiyay taliya ka mid ah ciidammadaas oo u dhaaranaya guddoomiyaha Cali Jayte si uu kibir ka muuqdo, kuna eedeynaya inuu ku fiirsaday duulaanka ay Al-SHabaab ku qaaday DDS, waxayna dad badan rumeysanyihiin hanjabaaddii taliyahaas inay qeyb muhiim ah ka ahayd waxyaabihii soo dedejiyay duullaankii uu qaaday Cali Jeyte, isagoo aan waliba cid kale la tashan oo ku dagaal galaya ciidamo loogu magac daray Macawisleey! sidaas oo kalana hiilka DDS uu isagana ku yimid inay wax ka ogaayeen dagaalka uu Jeyte ku qaaday SHabaabka!… Dadka Soomaaliyeed badankood waxay rumeysanyihiin in dagaalka Al-SHabaab lagu qaaday uu ku yimid amar ka soo baxay xukuummada Xasan SHiikh Max’ud, waa sax madax-weynaha wuu amray dagaalkaas, hasa ahaatee ma ahayn markii ugu horeysay ee xukuummaddan iyo kuwii ka horeeyayba amar noocaas ah baxshaan, waxaa iyadana aan la macneyn kareyn dabeecado badan oo dagaalku ka muuqday, sida in kolba ay dagaalka iska soo galaan dalal shisheeye Drones-kooda iyadoo markaas la rumeysanyahay inay gacan ka geysanayaan dagaalka ay ciidammada dowladda ku qaadeen Al-SHabaab, waxayse Drone-kaas kaalintoodii ay ku soo dhammaatay maalin ama labo, taasoo dad badan ay u qaateen iney hubkooda dagaalka ku tijaabinayeen. Waxaa iyadan jiray safaro kedis ahaa oo madax-weynaha iyo ra’iisal wasaarah ku tageen dalka Itoobiya, oo sida la qiyaasayo ama wararka qaarkood sheegayaan inay la xiriireen arrimaha dagaalka oo sida hadda muuqato aan wali la aqoon qorshaha ay dowladda u diyaarisay sidii uu natiijo wanaagsan uu ugu dhammaan lahaa ama looga gaari lahaa!…. Dabeecadda khatarta ahayd ee dagaalka Al-SHabaab ka dhex muuqatay waxay ahayd ballan qaadyadii lacagtii abaal marinta ahayd ama uu bixiyay guddoomiye Jayte!…taasoo runtii ahayd dhaqan aan sax ku ahayn dal gudihiisa ka dagaalamaya dagaal labo saf ah, oo dad aan taba barneyn oo shacab ah ciidanku yahay, isla markaasna aan shakhsiyaad gaar ah oo magacyadooda iyo tilmaamahooda gaarka ah la yaqaan aan la beegsaneyn, in abaal marin noocaas ah lagu yabooho waxay ahayd tallaabo khatar weyn laga mudan karo oo ay wax kasta ka imaan karaan, lamana arag taariikhda abaal marin loogu yabooho bar-tilmaameed aan la aqoon oo iska furan. Marka aad fiiriso shuruudaha abaal marinta lagu yaboohayo, waxaa ugu horeeya in qofka ama tirada dadka abaal marinta lagu bixinayo ay yihiin kuwo la yaqaan, oo ay maxkammad ay soo oggolaatay, oo aad looga fekeray khatarta ka imaan karta sida; in dad kale lagu khaldamo, ama ay horseedo iney ganacsi ahaan dadka u fahmaan!..mana jirin awood sharci oo Guddoomiya Cali Jeyte uu yaboohaas ku sameyn karo, waxaana awooddas lahaa maxkamadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxayna ahayd in maxkammadda Hirshabeelle ay ka joojiso tallaabadaas, haddii ay joojin weysana ay soo faro geliso maxkamadda sare ee dalka! Hiilka DDS?!…Allow yaa run ka sheega!…run ahaantii waa hiil aan dhuunta mareyn…hiilka ay Galbeedka Siti ka weysay DDS ee Hiiraan soo gaaray waxaa fahmi kara kuwa ku hoos nool gumeysiga Itoobiya!…Waxaa cajiib leh sida uu hiilka ku yimid, si aan qofna lagala tashan, dalku dowlad buu leeyahay, xudduud buu leeyahay, waa dal xor ah, cid wax la soo ogeysiiyay ma jirto, bal adigu malee, haa haddii uu Farmaajo madax-weyne yahay!…Haa!… wax la fahmi karo ayeey ahaan lahayd inay iska soo galaan. Xasan SHiikh oo madax-weynihii dalka ah hiil kama codsan, lamana weydiisan isaga iyo xukuummadiisa midna amar dalka lagu soo galo! Mahadda uu guddoomiya Cali Jeyte u celiyay DDS dowladda Soomaaliyeed lagama hayo!… waxa socdaa iyo nidaamka ay ku socdaan ma aha mid la fahmi karo, keliya waxaa hubaal ah Jeyte inuu galay dagaal uu Xasan ku dhawaaqay, waliba isagoon amar dowladeed u haysan, hasa yeeshee nasiib wanaag dowladdii ay ku raacday shacabka dhibaateysnaana ay la qaateen!…Jeyte aad buu u nasiib badanyahay, hiil weyn buu helay marka la garab dhigo meelaha kale. Waa sax dagaal toos ah oo baaxaddiisa leh buu ku qaaday Al-SHabaab, laakiin taas macnaheeda ma aha dagaalka Al-SHabaab inuu maanta bilowday ama keligiis uu galay, waana dagaal sideey kooxdaas u soo baxday dalka ka socday, oo marka uu maalmo joogsado ama meel ka istaago meel kale oo dalka ka mid ah ka socday! DDS taageerrada ay siisay reer Hiiraan, iyo dagaalka ay hadda wali kaga jirto gobolka Bakool waa qorshe gaar u ah Itoobiya, mana aha mid ka socda DDS, waana mid la mid ah kii ay Itoobiya ku soo gashay gobolka Gedo 1996kii walina ay ku joogto. Waxaa iyadana is weyddiin mudan xukuummadda Xasan iyo Xamsa oo iyagana hor taala ineysan qaadan wixii uu qaatay Farmaajo, oo aysan dhicin in Abiy Axmed saaxiibnimo iyo xiriir lala yeesho iyadoo uu Canfarta ku soo hubeynayo shacabka Galbeedka Siti ku dhaqan, ama gobollada Soomaaliyeed looga soo duulayo gobolka Oromia!…Mustafa Cag-Jar, waxaa shaki la’aan ah inuu eedda wax ku yeelanayo marka ay timaado hiil xummada ku dhacday magaalooyinka; Garbo-Ciise iyo Candhufa…ama guud ahaanba gobolka Galbeedka Siti. Dagaallada Al-SHabaab lagula jiro waxay ku salaysanyihiin siyaasad iyo istaraatiijiyad dalal shisheeye, middaasoo gun dhigeedu noqonayo fulinta danta cadowga Soomaaliyeed, ujeeddadeeduna tahay in colaad aan dhammaad lahayn uu dalka ku jiro, laguna burburiyo aayaha ummadda, laguna sharciyeeyo sii joogitaanka ciidammada shisheeyaha ah iyo wax kasta oo sida aan ku baranay waxa Beesha Caalamka loogu yeero ay ku boobi kareyso kheyraadka dalka. Waxaa iyadana khaladka u weyn ee la galay ahaa in markii u horeysay xallinta ama wax ka qabashada arrimaha Al-SHabaab ay xukuumadihii Soomaaliya ee is bedelayay u daba fariisteen dowladaha shisheeyaha ah, taasoo irriddaha u furtay istaraatiijiyad cusub oo sir-doonkii dalalkii cadowga ahaa ay xiriir kaga sameysteen Al-SHabaab… Cali Jeyte, sida ay la ahayd waa gar sheegtay, marka dhab loo hadlana waa loo hiiliyay oo ciidammadii dalka baa u soo gurmmaday mana jirin wax hagar ah, wax kasta oo uu tebeyna eed sheegashada guddoomiye Jeyte waxay fasiraad cad ka bixineysaa inuu dareemayo wax intaas ka weyn oo maqan, taasoo ah; Qaranimmadii, iyo lahaanshihii talada dalka! hasa yeeshee waxaan meesha ku jirin oraahdiisa “Ninkii maanta innagu daawada berri waan ku daawaneynaa!”… waxaana marqaati loo wada yahay in loo gurmmaday Jeyte, oraahdaasna ma ahayn mid ku habooneyd inay ku dhacdo dhegaha dhallin-yaro jiidaha hore ee dagaalka ku jira iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kaasoo dhibane ku ah xaallad kasta oo uu ku suganyahay iyo meel kasta oo uu dalka ka joogaba! Waxaana talo wanaagsan ah in dhallin yarda ciidanka qaranka Soomaaliyeed ka tirsan ama kuwa Macawisleyda ah ee dagaalka u taagan aan loogu khudbeyn hadallada noocaas ah, waxa loo socdana waa dhismaha ciidan qaran, iyo isu keenidda xoogga ummadda.DHanka kale; dowladda Soomaaliyeed waa iney qiimeyn ku sameyso kana baaraan degto wadiiqooyin kale oo barbar socda dagaalka Al-SHabaab ay ku qaadday una bareerto talo madax bannaan inay ku wajahdo xal ka gaaridda arrimaha ururka Al-SHabaab!…Waa in dowladdu si daah-furan ugu dhawaaqdo xabbad- joojin iyo wada hadal, dowladdu waa iney dhistaa oo diyaarisaa habkii iyo sidii xiriir loola yeelan lahaa Al-SHabaab…waa iney ka fekertaa sidii loo dhisi lahaa kalsooni dhiiri gelin karta in Al-SHabaab ay aaminto inay wada hadal la furi kareyso dowladda. Waxaa shaki la’aan ah in la soo gaaray heer lama huraan ay tahay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu arko khatarta ay wajahayaan dadkiisa iyo dalkiisa,…Al-Itixaad waxaa loo aqoonsanaa argagixiso, gobollada qaarkood dagaal baa lagula galay, laakiin xalku wuxuu ku yimid si wada jir ah iyo talo si simman loo wada qaatay iyadoo wali ay dalalka qaar ku adkeysanayaan in ururuka Al-Itixaad uu yahay argagixiso, waxaana hubaal ah haddii aysan Al-SHabaab imaan lahayn in dalalka shisheeyaha ah wali ilaa iyo maanta ay Al-Itixaad u aqoonsanaan lahaayeen argagixiso!…Waxaa iyadana dhinaceeda Al-SHabaab loo bahanyahay inay indhaha kala qaado oo ay joojiso dagaalka iyo qaraxyada salfaday nolosha dadkii, isla markaasna ay la timaado siyaasad kale oo ka duwan midda ay hadda ku dhaqanto kana qeyb qaadato nabad-gelyada iyo dib u dhiska qaranimmada iyo midnimmada dadka Soomaaliyeed… The post Jeyte waa gar sheegtay, laakiin wax intaas ka weyn baa maqan! appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU, Somalia — A protracted assault by Al Shabab militants on a Mogadishu hotel frequented by government ministers ended with at least nine civilians, including one police officer dead, the Somali police said Monday — the latest bloody attack by the militants in the center of the capital. The six attackers were also killed, but the 22-hour siege, which took place a few streets away from the president’s office in downtown Mogadishu, offered fresh evidence that the militants can strike Somalia’s political elite even in places where they are most closely guarded. The assault began Sunday evening when six fighters from Al Shabab, an extremist militant group that swears allegiance to Al Qaeda, stormed the Villa Rosa hotel after evening prayers. At least one assailant detonated a suicide vest while others opened fire with guns on the guests, witnesses said. At least three government ministers were present, including the internal security minister, Mohamed Ahmed Sheik Ali, who was injured after he leaped from a window to escape the assault, according to local news reports. Somali troops from a C.I.A.-trained paramilitary unit known as Gaashaan and a Turkish-trained unit known as Haramad led efforts to flush the militants from the besieged hotel, an effort that continued into Monday, when bursts of gunfire and the sounds of explosions rang out across the city. The siege ended after the six attackers had been killed, a police spokesman, Sadik Duudishe, told reporters in brief remarks, adding that the security forces had rescued at least 60 people, including the country’s fisheries minister. Al Shabab claimed responsibility for the attack in posts on social media on Monday, posting updates through the day to stress that the assault was continuing. The militants have escalated their bombing campaign in Mogadishu in recent months, in response to a military offensive by Somali forces and pro-government militias in rural areas previously dominated by the militants in central Somalia. Hotels popular with government officials are frequently targeted. At least 21 people were killed and more than 100 wounded during a 30-hour siege on the Hayat Hotel in Mogadishu in August — the largest such assault since President Hassan Sheikh Mohamud was elected in May. That siege was followed by Al Shabab’s deadliest attack in five years, on Oct. 29, when two car bombs killed at least 100 people and wounded more than 300 outside the Ministry of Education. As fighting raged inside the Villa Rosa hotel on Monday, the surrounding area was sealed off and the police declined to release any information about casualties until late in the day. But several Somalis wrote on Facebook that family members had been killed and one government minister described his narrow escape. Adam Aw Hirsi, the state minister for the environment, said in an interview that he escaped the hotel through a back door when gunfire and explosions rang out at 7.30 p.m. on Sunday. “There was a massive deafening explosion that shook the foundation of the building, shattering glass windows, right after we left the evening congregational prayers,” he said in a text message. Mr. Hirsi said he and several others were ushered through the rear of the hotel into an adjacent graveyard, from where they were able to reach safety. Mr. Hirsi, who is from Gedo, 230 miles to the northwest, said he had lived in the hotel since 2020. “I know where the back exits were, and I used one of them,” he said. Other government officials were rescued after escaping through windows, including the minister of fisheries, Ahmed Hassan Aden, and a senator, Dunia Mohamed, the police said. In a sign of how militant chaos has become normalized in Mogadishu, a graduation ceremony for a private university went ahead on Monday at the National Theater, near the besieged hotel. On Friday, Shabab militants attacked a military base in the village of Qayib, in the central Galgaduud region, a government minister told reporters, prompting violent clashes as the army tried to repel them. Hussein Mohamed reported from Mogadishu, and Declan Walsh from Nairobi, Kenya. The post Nine civilians killed in militant siege at a Mogadishu hotel appeared first on Caasimada Online.
  7. Wararkii u danbeeyay ee laga helayo Shirka ururrada siyaasadda Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in qodobada qaarkood la isku raacay. Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in qaar kamid ah qodobada Shirka isfaham laga gaaray islamarkaana weli laga tashanayo qodobada aan la isku raacin. Ururrada siyaasadda Puntland ayaa Shirkan uga tashanaya xaaladaha ku xeeran doorashooyinka qof iyo cod ee lagu muransan yahay. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Shirka Garoowe uga socda ururada siyaasada Puntland appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo xalay ilaa maanta ay weerar toos ah iyo qarax ka fulisay kooxda Al-Shabaab ayaa dadkeedu waxay muujiyeen dhabar-adeyg xoog leh, waxaana cadaatay in reer Muqdisho aysan isku dhiibin duruufta amni ee heysta. Weerarkaan oo galabta lasoo gabagabeeyey waxaa fulisay lix nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, hal nin ayaa la xaqiijiyey inuu is-miidaamiyey, halka shanta kale ay toos u gadaalamayeen ku dhawaad 20 saacadood. Iyadoo weerarkaas uu ka socday gudaha xeen-daabka laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, hadana xarunta Tiyaatarka qaranka oo dhowr tilaabo u jirta Hotelka la weeraray waaberigii hore ee saakay waxaa ka bilaabatay xaflad ay ku qalan-jebinayeen boqolaal arday ah oo heerka 1-aad ee Jaamacadda dhameysatay. Si lamid ah Madaxweynaha dalka ayaa maanta intii uu weerarkaasi socday wuxuu Muqdisho ka furay ‘shirweynaha maalgashiga caalamiga ah ee Soomaaliya’ kaas oo ajaanib, ganacsato iyo masuuliyiin badan ay ka soo qeyb galeen. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka jeediyey furitaanka shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya ayaa yiri, “Maanta waxaan qaadeynaa tallaabadii 1-aad oo lagu dhiirigalinayo maalgashiga dalkeenna, anagoo garowsan caqabadaha nagu xeeran.” Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray, “In kastoo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horreyso argagixisada, abaaraha, hannaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhammaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaallo aan ku xallinayno iyo fursado ballaaran oo ka jira dalka.” Dadka Soomaaliyeed oo qiimeyn ku sameynaya dhacdooyinkaan maanta is bar-bar yaallay ayaa saacadihii u dambeeyey aad baraha bulshada ugu falan-qeynayey adkeysiga dadka reer Muqdisho oo aan isku dhiibin duruufaha amni ee ku xeeran. Kooxda Al-Shabaab oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay weerar toos ah ku heysay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaan halgankeeda ka gaarin wax natiijo ah, waxayna hadda wajaheysaa naceyb xad-dhaaf ah, cunaqabateyn ay dowladdu saartay iyo dagaal toos ah oo aad loogu laayey bilihii iyo todobaadyadii lasoo dhaafay. The post Adkeysiga dadka Muqdisho – Maxaa dhacay kadib weerarkii Villa Reys? appeared first on Caasimada Online.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maanta boqolaal ciidan ah kula hadlay duleedka magaalada Kismaayo ayaa si qota dheer uga hadlay dagaalka la qorsheynayo in Jubbaland ay ku qaado Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn aad u amaanay shacabka reer Hiiraan oo kacdoonkaan bilaabay, isagoo sheegay in la xusuusa doono dadkii reer Hiiraan uga shahiiday dagaalka ay la galeen Al-Shabaab. “Reer Hiiraan waxaan leeyahay Beledweyne waxaa laga dhisi doonaa taallada ugu weyn dalka oo lagu xusuusa doono shuhadadii uga dhimatay dagaalka, waxay Soomaalida kale tuseen in laga adkaa karo Al-Shabaab,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa dadaalkooda ku amaanay Wasiirka difaaca dalka iyo taliyaha ciidanka xoogga oo garbihiisa taagnaa, kuwaas oo Kismaayo u tegay dardar gelinta duulaanka deegaanada Jubbaland looga xoreynayo Al-Shabaab. “Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu qaaday tallaabo cad oo dalkaan looga xoreynayo cadowga, isaga iyo xukuumadiisu waxay garowsadeen in wax la qaban karo aysan jirin, iyadoo aan laga adkaan Al-Shabaab, waa tan ugu muhiimsan, waana ku amaanayaa madaxweynaha,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay dejisay qorshe dhameystiran oo lagu xoreynayo dhulka ay ka heystaan Al-Shabaab, wuxuuna dowlad goboleedyada kale ugu gacan haatiyey inay soo galaan dagaalka. Hoos ka daawo The post Daawo: Axmed Madoobe oo sheegay in Beledweyne laga dhisayo taallo weyn appeared first on Caasimada Online.
  10. PRESS RELEASE African Development Fund invests more than $6 million to strengthen public finance governance in African countries This project is a follow-on to a first phase approved by the African Development Bank in 2016 ABIDJAN, Ivory Coast, November 28, 2022/ — The Board of Directors of the African Development Fund (www.AfDB.org) have approved a grant of $6.12 million to help strengthen public finance governance in low-income African countries. The funding is for Phase 2 of the Regional Institutional Support Project in Public Finance Governance (RISPFG) (https://bit.ly/3Ufqehd) which will be implemented by two pan-African institutions: the African Tax Administration Forum (ATAF) and the Collaborative Africa Budget Reform Initiative (CABRI). The grant, which was formally approved on 3 November 2022, will be distributed as follows: $3.90 million to support the continent’s tax administration reforms and domestic resource mobilisation efforts through support to ATAF and $2.22 million to support budget reforms and strengthen public finance management through CABRI. This project is a follow-on to a first phase (https://bit.ly/3UcYBoQ) approved by the African Development Bank in 2016 and successfully closed in September 2021 with both institutions (ATAF and CABRI). The project’s overall objective is to improve domestic resource mobilisation and public financial management in recipient countries, and help strengthen their efforts towards sustainable, inclusive growth and development. More specifically, it aims to improve African tax systems through technical capacity building, strengthening public financial management capacities and the integration of gender and climate change into taxation and public financial management. The project will also help countries build a common position and a stronger voice for the continent on regional and global platforms. Abdoulaye Coulibaly, Director of the Governance and Public Financial Management Coordination Office at the African Development Bank, said that in addition to development results, the project also aimed to strengthen the resilience of national systems to various shocks, improve disaster preparedness and encourage the transition to low-carbon economies, through climate-smart budgeting and fiscal policies. “The project will contribute to strengthening the actions of the Public Financial Management Academy, a virtual capacity building platform for African countries across the cycle and ecosystem of public financial management created in August 2022 by the Bank”, said Coulibaly said. The project will help the countries of the African Development Fund who are members of the two implementing organisations. Their tax administrations as well as officials from ministries of finance will benefit from capacity building. The project will contribute to the development outcomes of the African continent and the achievement of various commitments, including financing for development, Agenda 2063 and Sustainable Development Goals. It will be implemented over a three-year period. SOURCE African Development Bank Group Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dr. Aadan Aw Xirsi oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo badbaaday weerarkii ay argagixisada ku qaaday hoteelka Villa Rays, ayaa markii u horeysay ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. Wasiiru-dowlaha oo la hadlay VOA ayaa sheegay in Hoteelka uu qaraxa ku haleelay uu ka socday shir siyaasadeed ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin uu kamid yahay oo uu ku jiray Wasiirka Amniga. “Anaga oo Cishihii tukanay oo ka dareernay ayaa waxa dhacay qarax weyn oo gilgilay aas-aaskii Hoteelka oo dhan, daadiyayna meelihii muraayadaha lahaa iyo daaqadihii. Intaas kadib waxaa ogaanay in nala soo weeraray oo ay daba joogaan argagixiso lug ah oo dadka leynaysa.” Sidoo kale waxa uu sheegay in dad uu kamid yahay u suurta-gashay inay ka fakadaan albaab dambe oo Hoteelku lahaa, ayna uga sii gudbeen Qabuuro ku yaalla halkaasi, islamarkaana ay ku dhamaadeen guriga Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi. “Hoteelka waxaa ka socday shir shaqo oo sidoo kale ahaa mid siyaasadeed, waad ogtahay siyaasiyiinta waxay kala metelaan dad kala duwan, marka Wasiirka amniga, aniga, ganacsatada iyo aqoon-yahaanadii ku shireysay ayaa shirar isdaba joog ah ku lahaa oo maalintii uu dhamaan lahaa waxay aheyd maalintaas,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha. Waxa uu gebi ahaanba ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa ay ka dhigan tahay in Shabaab ay soo weeraraan Hoteel Villa Rays oo ku yaalla agagaarka Villa Somalia, oo si weyn loo ilaaliyo amaankeeda. “Aniga waxa ka jawaabi kara su’aallaha qolada la weeraray, qolada meesha weerartay halka ay soo mareen iyo kuwii ka celin lahaa sababta ay uga seexdeen waxaa la weydiinaya jihooyinka kale.” Waxaa isa-soo taraya walaac xoogan iyo tuhuno laga muujinayo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay qorsheynta weerarkan oo lagu galay dhisme ku yaalla meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, islamarkaana ay ku yaallaan bara Control oo lagala socdo dhaq-dhaqaaqa Villa Somalia. Hoos ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/11/09410000-0a00-0242-4ca2-08dad14afb99_16k.mp3 The post Dhageyso: Wasiir weerarkii Villa Rays ka badbaaday oo shaaciyey xog cusub appeared first on Caasimada Online.
  12. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Isniinta maanta xilkii u kala wareejiyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore Xasan Axmed Aadan iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee dhawaan xilkaasi loo magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, madasha xil-wareejinta waxa ka soo qayb galay isla markaana kalmado mahad-celin iyo soo dhawayn iskugu jira ka jeediyay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Mudane Cabdisamad Maal, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Mire Cismaan, Madaxa Xeer-ilaalinta Gobolka Togdheer Jaamac Ducaale Siciid, Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Sareeyo Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), Hogaanka Hawl-galinta Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Ibraahin Cabdi Xaaji, Garyaqaan Maxamed Jaamac, Cabdisalaan Yuusuf oo ka socday UNDP, Fahmi Cali oo ka socday EUCAP iyo Muuna Xirsi oo ka socotay Xafiiska Horumarinta iyo Barwaaqo-sooranka ee Dawladda Ingiriiska (Foreign Commenwealth and Development office). Ka sokow kalmadaha masuuliyiinta sare ku xusan, waxa kalmad kooban oo la xidhiidha geedi-socodka guud iyo sida dedaaladu isku soo tarayeen ka jeediyay madasha, Xeer-ilaaliyihii hore mudane Xasan Axmed Aadan, waxaanu is dul-taagay halka uu ka soo bilaabay iyo maanta halka ay marayso, korodhka Xeer-ilaaliyayaasha, kobcinta shaqaalaha iyo taabo-galinta dhismayaal ay ugu adeegaan bulshada loo fidinayo adeega sharci. Geesta kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee cusub mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo kalmad ka jeediyay madasha ayaa uga mahad-celiyay Xeer-ilaaliyihii hore dedaalka iyo juhdiga uu galiyay, waxaanu xusay in uu halkaa kasii amba-qaadi doono arrimaha u baahan xoojinta iyo tayaynta, waxaanu tibaaxay in uu dhaqaajin doono, shaqada iyo doorka Xeer-ilaalintu ku leedahay hawlaha Qaranka. Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL oo xilka u kala wareejiyay labada masuul ayaa ugu horayn u duceeyay Xeer-ilaaliyihii Guud ee hore, ugana mahad-celiyay shaqada wanaagsan ee uu Qaranka u hayay, waxaanu xusay in xilku meerto yahay oo maalinba cid bulshada ugu adeegayso. Guddoomiyaha ayaa ku dheeraaday halka uu Xeer-ilaaliyihii hore Xasan Axmed shaqada Qaranka ka soo bilaabay iyo sida xilkasnimada leh ee uu marwalba u gudan jiray waajibaadka Qaranka. Guddoomiye Aadam ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Xeer-ilaaliye Guud Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, waxaanu kalmad kooban ka xusay khibrada shaqo ee mudane Cabdiraxmaan Hayaan iyo mudada dheer ee uu ku soo jiray dhigista culuumta sharciga iyo shaqada Garsoorka, waxaanu Ilaahay uga baryay in uu ku garab galo masuuliyada culus ee loo igmay. Guddoomiyaha hoosta ka xariiqay in marwalba ay wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Xeer-ilaalinta iyagoo shaqo ahaan kala madax-banaan. Gunnaanadkii Guddoomiye Aadam waxa uu Xeer-ilaaliyaha Guud ee cusub kula dar-daarmay, uguna duceeyay in uu halkaa kasii amba-qaado koboca iyo geedi-socodka togan ee Xeer-ilaalinta Qaranka, waxaanu si guud Bahda Garsoorka iyo Cadaaladda ugu baaqay in ay is-bar-bar taagaan si wanaagsan oo shariif ahna ula shaqeeyaan. Wa bilaahi tawfiiq. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare. Source
  13. Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in lasoo geba-gebeeyey howlgal ay ciidamada amniga ka wadeen Hotel Villa Rays oo tan iyo xalay ay ku jireen meleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab. Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood hadda dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey. Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari. Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka. Weerarka ayaa socday ku dhowaad 22 saac, waxaana si rasmi ah u sheegatay kooxda Al-Shabaab. Hotelka la weeraray ayaa ku yaalla aag amnigiisa aad loo sugo oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Booliiska Soomaaliya oo sheegay in la soo af-jaray weerarkii Huteel Rays appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska oo galabta qabtay shir jaraa’id, ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamarkaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen raggii soo qaaday weerarka. Waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada soo weeraray Hotelka ay ahaayeen lix dhagar-qabe, waxayna ciidamada dowladda ay toogteen shan kamid ah raggaasi, halka midka kalena uu is qarxiyay. “Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka. Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawacmeen 5 kale. “Waxaa ka tacsiyeynayna qoysaskii, eheladii iyo dhamaan qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga-dhayo inta dhaawaca.” Ciidamada ammaanka ee dowladda ayey saacado badan ku qaadatay inay soo afjaraan weerarka hoteelka Villa Rays, oo xalay fiidkii ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo markii hore laba qarax ku dhuftay albaabka hore ee hoteelka. Villa Rays oo saaran darbiga Madaxtooyada, ayaa waxa uu ku yaalla goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, waxaana deganaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Weerarkan oo dhaliyay shaki badan ayaa waxa uu kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaasi oo kooxda kala wareegay deegaano badan oo ay sanado dhowr ah gacantooda ku jiray. Hoos ka daawo The post Daawo: DF oo shaacisay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  15. Mogadishu (HOL) - Security forces in Somalia's capital have ended a siege by al Shabab militants at Villa Rays hotel, which killed eight civilians and one government soldier. At least 60 others were rescued from the hotel during the attack. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya, xilli kooxda Al-Shabaab ay haysato hotel ku yaalla meel u dhow madaxtooyada dalka. Madaxweyne Xasan oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa maalgashadeyaasha ku dhiiri-geliyay in dalkeenna ay ka jirto fursado maalgashi oo balaaran. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aadan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taasi oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga. “Inkasta oo aan halkan u imid si aan u dhiirri-geliyo maalgashiga dalkayga, haddana waa garowsanahay caqabadaha nagu xeeran oo ay ugu horeyso argagixisada, abaaraha, hanaanka dhaqaalaha oo dib u habayn u baahan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada, haddana dhamaan arrimahaas waxaa barbar socda dadaalo aan ku xalinayno iyo fursado balaaran oo ka jira dalka,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu madaxwxeynuhu bogaadiyey dhabar-adayga iyo kartida dadka Soomaaliyeed iyo sida aysan u niyad jabinayn ficilada guracan ee ay soo maleegaan argagixisadu, waxa uuna xaqiijiyey in dalka laga cirib-tiri doono arxan-laaweyaashaas, si sharaf iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ku bogaadiyey ganacsatada iyo qurba-joogta Soomaaliyeed sida ay hantidooda ugu soo celiyeen dalkooda, door muuqdana uga qaadanayaan horumarka. Shirweynaha uu maanta furay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imanaya xili aan weli lasoo afjarin weerar ka socda hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, islamarkaana aysan weli ka hadlin dowladda uu hogaamiyo. Weerarkan Al-Shabaab ayaa socda saacaddii 20-aad, waxaana ciidamada dawladdu ay weli wadaan hawlgalka ay doonayaan inay kula wareegaan gacan ku haynta hoteelka. Waxaa la xaqiijiyey ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen weerarkan. Mas’uuliyiinta sare ee dawladda ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarka Al-Shabaab. Dhinaca kale hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa cambaareeyey weerarkan. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu baahiyey qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta kooxda. The post Xasan Sheekh oo shir ka furay Muqdisho xilli Al-Shabaab haystaan hotel u dhow Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ayada oo weli uu socdo howl-galka lagu soo afjarayo weerarka tooska ee ay Al-Shabaab ku qaadeen Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada ayaa waxa goordhoweyd war cusub soo saaray kooxda Al-Shabaab. War-saxaafadeed kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyay warbaahinta kooxda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka oo saacado badan qaatay uu sababay in uu khasaaro soo gaaro wasiirro iyo saraakiil ka tirsan dowladda, sida ay sheegteen. Sidoo kale waxay sheegteen in dagaal-yahaanada ka tirsan xarakada ee weerarka ku qaaday Villa Rays ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado millateri, islamarkaana ay weli gacanta ku hayaan dhismayaal ku teedsan Madaxtooyada. “Ciidamada Mujaahidiinta ah ee fuliyay weerarada ayaa si xirfadaysan oo khibrad iyo xeelad ku dheehan tahay uga gudbay dhamaan jid-gooyooyinka faraha badan ee uu cadawgu dhigay wadooyinka Muqdisho, waxay gaareen goobihii yoolkoodu ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Al-Shabaab “Waxay sidoo kale u tallaabeen dhanka madaxtooyada halkaas oo ay ku garaaceen madaafiic iyo rasaas culus.” Qoraalka kasoo baxay kooxda oo ahaa mid ay ku libin sheeganayaan weerarka ay ku qaadeen Villa Rays ayaa waxa kale oo ay ku sheegeen in madaxweyne Xasan Sheekh ku kalifeen in uu si kumeel gaar ah uga guuro xarunta Madaxtooyada, sida ay sheegeen. Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku dayaya inay soo afjaraan weerarka ayaa weli howl-gal culus ka wada Hoteelka Villa Rays oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka. Dowladda Soomaaliya weli maanta kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, hase yeeshe Booliiska ayaa xalay shaaciyay in dad badan oo iskugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo badbaadiyey weerarka Villa Rays. Weerarkan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka socdo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda. The post Al-Shabaab oo war cusub kasoo saartay weerarka Villa Rays xilli DF ka aamusan tahay appeared first on Caasimada Online.
  18. Amman, 28 November 2022 — Humanitarian funding from the European Union (EU) to the tune of EUR 6 million will enable the United Nations Population Fund (UNFPA) to help 321,000 Syrians, mostly girls and women, across 12 Syrian governorates in 2022-2023. The much-needed assistance comprises sexual and reproductive health (SRH) services and the prevention and response to gender-based violence (GBV). It is delivered from Damascus and cross-border from Türkiye. “The cumulative impact of 11 years of conflict and crises has been disastrous to the lives of Syrians. 7.2 million vulnerable women and girls need life-saving assistance and access to basic services,” said Janez Lenarčič, European Commissioner for Crisis Management. “With humanitarian needs at an all-time high, the EU is committed to maintain a humanitarian lifeline for Syrian women and girls across the country, regardless of whether they are displaced or back home.” 2022 marked another grim milestone for Syrians as the crisis entered its 12th year. For women and girls, the cumulative impact has been catastrophic, upending decades of progress on women’s issues and bringing unprecedented risks that have fundamentally altered their lives. The crisis remains one of the world’s most complex humanitarian and protection emergencies. An estimated 14.6 million people – half of them women and girls – are in need of assistance. “As in previous years, UNFPA is immensely grateful to the European Union for its unwavering support of our vital programmes in Syria during 2022, a year that continues to bring ever-growing challenges,” said Dr. Himyar Abdulmoghni, UNFPA Syria Representative, a.i. “The programmes made possible through UNFPA’s partnership with the EU are providing irreplaceable lifelines to individuals and communities throughout the country, allowing women and girls to access vital SRH services as well as tailored programming for those at risk or survivors of GBV.” The support provided by the European Union has also proven crucial to delivering essential services to people in need north-western Syria, where hostilities and mass displacements continue to place lives at risk. As noted by Felicia Jones, the UNFPA Türkiye Cross-Border’s Head of Office, a.i.: “With the generous contribution of the European Union, UNFPA is supporting two key health facilities located in densely populated areas close to expansive internally displaced person camps in north-western Syria. These facilities are the among the few where women and girls can receive gender-based violence and sexual and reproductive health services.” In 2021, UNFPA’s partnership with the EU helped deliver sexual and reproductive health services to more than 124,000 people, while close to 12,000 women and girls received protection from gender-based violence throughout the country in a year where risks of such violence had reached record highs. Following the implementation of these programmes, a regional impact assessment showed that 98 percent of those served reported their complete satisfaction with the assistance they received. In 2022, UNFPA continues to build on these achievements by consistently incorporating feedback and insights from women and girls served into the design and implementation of these programmes. ### Qaran News
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho ugu tagay ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay howl-galka dhawaan ka bilaabanaya deegaanada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa waxa kormeerkan ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Dowlada Federaalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage oo Jubbaland u joogay maalmahan bilaabista howl-galada ka dhanka ah argagixisada. Axmed Madoobe oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamadan ay ka kooban yihiin noocyada kala duwan ee Ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka, islamarkana ay diyaar u yihiin xoraynta dalka. Sidoo kale waxa uu sheegay in marka deegaanada la xoreeyo kadib ay diyaar yihiin hay’adahii la wareegi lahaa shaqada gaar ahaan Ciidamada Booliska iyo Nabad-sugida, ayada oo markaasi la bilaabi doono sidii dadka deegaanka ay usoo dooran lahayeen dadka u adeegaya. “Argagixisada waa lagu jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka, waa la is raacin doona ayada oo laga xoraynayo deegaanada Jubbaland, oo ah halka uu howl-galka xoogiisa uu ka bilaaban doono.” Waxa kale oo uu dadka shacabka ah uga digay inay ku kadsoomaan dacaayadaha iyo wararka beenta ah ee khawaariijtu ay faafinayso. Axmed Madoobe ayaa ugu dambeyntiina ku amaanay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, sida ay uga go’an tahay nabad kusoo celinta dalka iyo cirib-tirka argagixisada, taasi oo hadaba guulo la taaban karo laga gaaray. The post Maxay yihiin ciidamada Axmed Madoobe iyo wasiirka difaaca ay soo bandhigeen? appeared first on Caasimada Online.
  20. At least four people have been killed and dozens more injured in the siege which has lasted more than 12 hours. Source: Hiiraan Online
  21. Leaders from the East Africa region are holding talks in Kenya aimed at ending conflict in eastern Democratic Republic of Congo. Source: Hiiraan Online
  22. Cadale (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan jiida hore ee dagaalka dalab xasaasi ah u gudbiyey maleeshiyaadka Macawiisleyda ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe. Yuusuf Kaabe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dadaalkii ay wadeen uu guuleystay, isla-markaana la xoreeyey dhammaan deegaan doorashadiisa. Sidoo kale wuxuu mahadceliyey dhalinyarada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, kuwaas oo u istaagay la dagaalanka Al-Shabaab. “Deegaan doorashooyinka aan kasoo jeedo caawa hal aana jiifan karin oo Khawaarij ay joogto ma jiro, Ilaah ayaana iska leh mahaddaas. Anigu caawa minaan dhinto waa faraxsanahay guushaas ayaan gaaray, waxaa u mahadcelinayaa dhalinyarada Macawiisleyda ee dadaashay” ayuu yiri xildhibaan Yuusuf Kabaale Dhinaca kale wuxuu farriin u diray kooxda Macawiisleyda, wuxuuna ugu baaqay inay hubka dhigto islamarkaana ay qoryaha soo saarto, si ay ula wareegto dowladda Soomaaliya. “Waxaan soo jeedinayaan oo baaq dheer kusoo jeedinayaa in lasoo saaro qoryaha, cadowna hal noqdo. Caawa waxii ka dambeeya laba dowlad kama jirto waxii qori heysto waa AlShabaab ama dowlada, qori guriga laguma heysan karo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Shabeelaha Dhexe ayaa ka mid ah meelaha uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Shabaab, waxayna ciidamada huwanta gaareen deegaano kaabiga ku haya degmada Aadan Yabaal. The post Yuusuf Kabaale oo Macawiisleyda ka dalbaday inay hubka dhigaan + Vedio appeared first on Caasimada Online.