-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in waqtiya soo socda uu safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland. Xasan Sheekh oo maalmihii la soo dhaafay socdaallo ku marayay furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab, waxa uu sidoo kale gaarayay magaalooyin ka tirsan maamulada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday in uu ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka uu ku booqanayo furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab. Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale diiradda lagu saaraya sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filaya in waqtiya soo socda uu safar ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad gobaleedka Jubbaland. Xasan Sheekh oo maalmihii la soo dhaafay socdaallo ku marayay furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab, waxa uu sidoo kale gaarayay magaalooyin ka tirsan maamulada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday in uu ciidamada dadka deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka uu ku booqanayo furimaha dagaalka ka dhanka ah ururka al-shabaab. Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale diiradda lagu saaraya sidii loo dardar gelin lahaa dagaalka Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar). ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland. Miisaaniyadda Dawladda 2023 waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiaga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha. Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330 Kharashka ayaa u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga , cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada. The post Baarlamanka Puntland oo Maanta ansixiyay Miisaaniyada dowladda ee sanandka 2023 appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu taageerayo baaqa nabadeed ee beelaha daga degmada Cadale ay kala saxiixdeen. Baaqan ayaa waxaa saxiixay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo bulshada rayidka ah, kaas oo salka ku haaya nabadda iyo dagannaanshaha deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in uu taageerayo baaqa nabadeed ee beelaha daga degmada Cadale ay kala saxiixdeen. Baaqan ayaa waxaa saxiixay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culimada iyo bulshada rayidka ah, kaas oo salka ku haaya nabadda iyo dagannaanshaha deegaanka. Source: goobjoog.com
-
Immigration Minister Sean Fraser said changes to Canada’s immigration program next year will rebalance the world’s “most powerful economic migration system” in a way that will help hospitals, builders and other employers address chronic labour shortages, as opposed to focusing mainly on “highly skilled workers.” Source: Hiiraan Online
-
An appeal court in southern White Nile state in Sudan has invalidated a court decision that a young woman convicted of adultery be stoned to death, her lawyer said. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay nin xalay dil ka geystay Hargeysa, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaaladaasi. Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay soo qabteen Baashe Faarax Cabdi oo ku eedeysayn dilka Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan, kaas oo xalay ka dhacay Hoteelka lagu magacaabo Niil ee ku yaalla magaalada Hargeysa “Ciidanka Booliska JSL ayaa Caawa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya. Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan. Alle Mahad leh Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Booliska JSL.” Source
-
Learners in Uganda are heading back home after the government closed schools two weeks earlier than originally scheduled in order to slow down an outbreak of Ebola in the country. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Blantyre)-Madaxweyne ku xigeenka waddanka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan eedeymo la xidhiidha musuq-maasuq uu kusoo eedeeyay xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee waddankaas. Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun, madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayuu ka xayuubiyay Chilima awoodiisa inta ay socoto baadhintaannada la xidhiidha musuqmaasuqa. Laakiin wakhtigaas madaxweynaha – oo qaaday olole ka dhan ah musuqmaasuqa – wuxuu sheegay in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka joojiyo Chilima ama uu ka qaado xilka madaxweyne ku xigeenka. Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa Chilima ku eedeeyay in lagu abaalmariyay caawimaad uu u sameeyay shirkadaha Xaviar Limited iyo Malachitte FZE, oo ah laba shirkadood oo xidhiidh la leh ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi. “Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo,” ayuu Chilima ugu sheegay suxufiyiinta maxkamadda bannaankeeda kadib markii la siiyay dammaanad, sida ay sheegtay warbaahinta. Bishii Janaayo ee sannadkan, madaweynaha Malawi, Chakwera, ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay. Reuters. Source
-
Fannaan Caana Oo U Tartamaya Kursiga Mdaxweynaha Mareykanka
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Heesaaga Kanye West, ayaa sheegay inuu damacsan yahay in uu u tartamo madaxtinimada Mareykanka sannadka 2024-ka, inkasta oo ay soo waajaheen fadeexado dhowr ah, oo la xidhiidha hab-dhaqankiisii ugu dambeeyay. Xiddiga oo si sharci ah magaciisa ugu beddelay Ye, ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal ay ku qoran tahay astaanta ololihiisa, isaga oo ay dhinac yaallaan halku dhig ay ku qoran yihiin, Ye 24. Waxa uu sidoo kale ku andacooday inuu ka codsaday Donald Trump inuu noqdo ku xigeenkiisa. Kanye West, ayaa kal hore u tartamay madaxweynenimada Mareykanka sannadkii 2020-ka, laakiin ololahaas waa uu guul dareysta, isagoo helay 70,000 oo codad ah. Hadalkan fannaanka ee ugu dambeysay, ayaa wuxuu ku soo saaray muuqaal la baahiyey, kadib markii Kanye West lagu arkay goobta golf-ka ee Trump ee Mar-A-Lago horaantii toddobaadkan, oo uu la socday Nick Fuentes, oo ah nin caan ah oo caddaana. West waxa uu sheegay in codsigiisa ku aadanaa inuu Madaxweyne kuxigeen u noqdo madaxweynihii hore ee Donald Trump, uu ka diiday, isagoo dhawaan bilaabay ololihiisa doorasho Trump, ee dib u doorashada. Muuqaal cinwaan loogga dhigay Mar-A-Lago Debrief, oo uu leeyahay West, ayaa lagu sheegay: “Trump inuu bilaabay qeylo mar ay isla fadhiisteen miis Kanye West, isagoo u sheegay inaanu guuleysan doonin Kanye. Taasi waligeed ma u shaqeysay qof taariikhda?” Sidaa waxaa yidhi, Kanye West. Source -
Booliiska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin ku eedaysan in uu dil ka geystay gudaha huteel ku yaalla magaalada Hargeysa. Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay Baashe Faarax Cabdi oo ku eedaysan dilka marxuum Jimcaale Rashiid Xasan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliiska Somaliland. “Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa” ayaa lagu yiri qoraalkaas. Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo isku dayda in ay amni-darro ka samayso gudaha Somaliland. PUNTLAND POST The post Nin ku eedaysan in uu dil ka geystay magaalada Hargeysa oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopia, Somalia agree to enhance multilateral partnership
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) - Deputy Prime Minister and Foreign Minister of the Federal Democratic Republic of Ethiopia Demeke Mekonnen met his Somali counterpart Saleh Ahmed Jama on the sidelines of the ongoing AU Extra-Ordinary Summit in Naimey, Niger, on Thursday. Source: Hiiraan Online -
Taliyaha Booliiska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa saldhigyada xaafadaha Garoowe qaarkood u magacaabay taliyaal cusub. Taliyaha saldhiga xaafadda Israac ee magaalada Garoowe ayaa loo magacaabay X/LE Ayaanle Axmed Aaden. Taliyaha saldhiga xaafadda Jillab ee Garoowe ayaa sidoo kale loo magacaabay K/S Abshir Ibraahim Cali. Taliye ku xigeenka saldhiga bartamaha Garoowe ayaa isna loo magacaabay L/X/LE Maxamuud Cabdirisaaq Maxamed. PUNTLAND POST The post Taliyaal saldhigyo loo magacaabay xaafadaha Garoowe qaarkood appeared first on Puntland Post.
-
Biden promised to end the 'forever wars' in the Middle East. So why did the US redeploy troops to Somalia earlier this year? Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Ukraine ayaa Jimcihii shalay soo celisay qeyb ka mid ah awooddeeda tamarta. Inkastoo weli ay koronto la’aan yihiin malaayiin ruux oo wajahaya mugdi iyo qaboow aad u daran, kaddib marki ay ciidanka Ruushka duqeymo cirka ah ku burburiyeen warshadaha korontada. Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy ayaa ku boorriyay dadka reer Ukraine, in ay korontada beekhaamiyaan oo aysan wax walba u adeegsan, haddiiba ay koronto helaan. Wuxuu sheegay in 6 milyan oo ruux ay wali koronto la’aan yihiin. PUNTLAND POST The post Malaayiin kamid ah shacabka Ukraine oo wajahaya mugdi iyo qabow daran appeared first on Puntland Post.
-
AHN Abwaankii Abwaanada “Hadraawi” waxan ka qoray: GODOBTAADA MEELEE INTAAN GACANTU KAA BOOBIN. In kasta oo anigu aanan badanaa ka hadlin arimaha ganacsatada iyo khilaafyada dhexdooda ah. Ina Jabuutaawi cidda uu khilaafku ka dhexeeyaa maaha Cabdicasiiz ee waa xukuumadda ku xadgudubtay siyaasadda qaranka ee ganacsiga xorta ah iyo sharcigaba, sida qoraalkan ka muuqan karta. Hadii uu jiray heshiis ganacsi oo labadood u dhexeeyay Cabdicaziizna ku xadgudbay waa gaar oo Cabdicaziiz waana laga qaban karaa waanu dacwayn karaa. Labadaa waddoba way u furan yihiin Ina Jabuutaawi tu walbana waa ku taageeri karaa oo waan ugu hiilin karaa. Balse waxad moodaa in wax uu ka hadlayaa muhmal yahay. In Jabuutaawi waa nin tolkiina kaa qaban karo hadii aad wax cad hordhigto eh ha ka biqin. Hadiise Xukuumaddu ku xadgudubtay xuquuqda adiga iyo muwaadiniin kaleba bal marka hore adigu sug cidda aad ka cabanaysid. Labada goorba xaq baad ugu leedahay in laguu hiiliyo oo inta xaqqa ehelka u ahi kuu hiiliso eh. Marka hore bal adigu hadaad ina Jabuutaawi tahay gudobtaada meelee ilayn anigaabay isoo geli karaaye Waxa Qoray:Ali Yussuf Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulamo doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirada dhiggiisa ee ka soo qeyb galay shirka looga hadlayo il-ma-aragtada adkeysiga u leh dawooyinka ee ka socda dalka Cumaan. Shirka oo maalintii labaad galay ayaa waxaa xubnaha uu wasiirka la kulmay ka mid ah wasiirada caafimaadka dalalka Cumaan, Sacuudiga,Netharlands, Sweden iyo Bangladesh, wuxuuna uga xog waramay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka dib loogu dhisayo nidaamka caafimaad ee dalka. Ugu danbayn, Wasiirka iyo Wasiirada kale ee dhiggiisa ah ayaa ku balamay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo dalalkooda. PUNTLAND POST The post Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo kulan doceedyo ka wada dalka Cumaan appeared first on Puntland Post.
