Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xariga ka jaray Isbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyay xarig ka jarka Isbitaalka ayaa waxa uu warbixin ka siiyay dhismaha isbitaalkan iyo marxaladihii uu soo maray. Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga hirgaliyay mashaariic kala duwan. Isbitaalkaan oo fulin doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah ayaa kaalin muuqda ka qaadan doono daboolida baahiyaha Caafimaad ee degmada, wuxuuna kusoo aadaya xili bulshada deegaanadaan ay u qabeen baahi wayn. Haweenka uurka leh iyo dadka dhaawacyada soo gaara ayaa markii hore masaafo aad u dheer oo jid raf ah u soo mari jiray in adeeg Caafimaad helaan oo la keeno Muqdisho, qaarkood inta jidka ku soo jiraan ku umula ama umul raacato. Degmada Cadale ayaa sidoo kale waxaa horey looga hirgaliyay mashaariic kala duwan oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka, maamulka HirShabelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya. The post Daawo: Baahi weyn oo ay qabeen bulshada Cadale oo shalay uu dhameystiray Xasan appeared first on Caasimada Online.
  2. Somalia’s government has declared “all-out war” against the militant group Al-Shabaab and adopted a multi-pronged counterterrorism effort which — despite some early headline-grabbing military gains — promises to be long and difficult. The dogged Al-Qaeda affiliate was driven from Somalia’s major cities a decade ago but retains swathes of countryside, where a coalition of armed groups have joined forces against the insurgents in recent months. Two clans in drought-afflicted central Somalia, sick of living under Al-Shabaab rule, sparked a revolt against the group in July that quickly spread across the regions of Hirshabelle and Galmudug. In September, the Somali National Army and US-trained “lightning” commandos joined the fray in support of these clan militias, known as “macawisley” after the traditional sarongs worn by their fighters. “The government wants to seize the current momentum and encourage these types of uprisings across Al-Shabaab-held areas in Somalia,” said Omar Mahmood, a researcher at the International Crisis Group think tank. Though it isn’t clear how many combatants are involved in this broad offensive, the fighting has reached an intensity not seen in some years, with unconfirmed reports of hundreds killed in skirmishes. Sources in Somalia suggest the fighting could have involved 2,000 to 3,000 “macawisley”. The jihadists are believed to number 5,000 to 8,000 nationwide. Supported by US drone strikes and artillery and logistics from the African Union Transitional Force, this combined effort has chased Al-Shabaab from the strategic provinces of Hiran and Middle Shabelle. In July, the country’s newly elected president Hassan Sheikh Mohamud outlined his administration’s plan for the Islamists: hit them militarily, choke off their finances, and counter their ideology. “The previous policies were militaristic policies… attacking, destroying. But Shabaab’s problem is more than a military” one, he said. As a first step he named Mukhtar Robow — one of Al-Shabaab’s founders, who left the movement in 2017 — religious affairs minister to challenge the militant’s violent expression of Islam. In October, the government threatened to revoke the business licenses of traders who paid “taxes” to Al-Shabaab and contributed to the millions they raise through extortion. Somalia’s closest foreign ally the United States announced $10 million for information that disrupted cash flows to Al-Shabaab. Washington recommitted troops to Somalia this year, reversing a decision under former US president Donald Trump. “The government continues to try and build confidence among the public for them to stand up against the group. We’re yet to measure the success of those declarations,” said Samira Gaid of the Hiraal Institute, a Somalia-based security think tank. The militants may have ceded some territory but are playing a long game, said Mahmood. “Even if they lose in the short term, they will try to find ways to undermine government progress so that they can return.” The jihadists have returned to some areas abandoned in the face of the offensive, and escalated a campaign of bombing. On October 29, Somalia witnessed its deadliest attack since 2017, with a double car bombing in the capital Mogadishu leaving 121 dead and 333 injured. Gaid said the clan uprising was a “huge threat” to Al-Shabaab and they were adapting accordingly. “They are responding heavily to try and push it back and to dissuade other clans to join the fight,” she said. President Mohamud told lawmakers in November that “going back or defeat is not an option”. But retaking territory is only half the objective. “The hardest part is holding back that territory” and ensuring people can access services to see the benefit of government rule, he added. Past gains against the militants have been eroded by bitter clan rivalries, which Al-Shabaab exploits to its advantage. Clan clashes have already been reported in some areas recently liberated from the insurgents. Mahmood said the government seems keen to expand its operation, but doing so could be fraught. It’s less clear the clans would unite against Al-Shabaab in southern Somalia, where the militants have more influence. Al-Shabaab have resisted military aggression for 15 years and Mohamud himself declared in July “there are strong arguments” for negotiating with the militants. “But we are not right now in a position to negotiate with Al-Shabaab,” he said. “We will, at the right time. We will negotiate with them.” Gaid said: “It was always clear to the government that negotiation or reconciliation can only happen when you have an upper hand.” This offensive “will assist giving the government the upper hand to engage in talks further down” the line. Simon VALMARY with Mustafa HAJI ABDINUR in Mogadishu for AFP The post The ‘total war’ against Al-Shabaab in Somalia appeared first on Caasimada Online.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo maanta xilkii wareejiyey ayaa sheegay inay waayeen kalsoonida Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay inuu maanta wareejiyey xil aan jirin oo (fake) ah, isagoo sheegay in kursigaan dhanka amniga u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir aysan hoos imaan wax hey’ado amni ah. “Maanta amniga aan guddoomiye Yabooh ku wareejinayo waa mid (fake) ah oo hey’adaha amniga aad shaxaad kula shaqeyneyso, guddoomiye waxaan kugula talinaa in magaaladaan Muqdisho aad dhaxal uga tagto, oo maqaamku ugu horeeyo,” ayuu yiri Cali Yare. Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku qaldaneyn in xilka uu ka qaado, isagoo ku faanay in weli uu daacad u yahay Farmaajo, wuxuuna xubnaha cusub kula dardaarmay inay daacad u noqdaan madaxweynaha kalsoonida siiyey. “Laba qodob ayaan idinkula dardaarmayaa, 1-daacad u noqda madaxweynaha kalsoonida idin siiyey oo weligii qiyaano ka ilaaliya, 2-iyo in xilka la idiin dhiibay uusan idin bedalin, xilku hadii uu ku bedalo waxbaa si kaa ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare. Ugu dambeyntii Cali Yare ayaa aad u amaanay guddoomiyaha lagu bedalay oo sida uu sheegay aad u yaqaana shaqada loo soo magacaabay, wuxuuna kula dardaarmay in dadka reer Muqdisho uu dhaxal uga tago. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Yare “Maanta waxaan wareejiyey xil FAKE ah oo wax aad xukunto aysan jirin” appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed, xilli ay ka qeyb gashay kulan looga arrinsanayey dhowridda xuquuqda haweenka. Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay la kulmaan xadgudubyo joogto ah, isla markaana ay intaas u dheertahay weerar iyo hanjabaado ay kala kulmaan culumo intooda badan dibadda jooga. “Waxaa jira kuwo culumo isku sheeg ah oo si joogto ah noogu hanjaba, walaahi iima dhaara kartid adigoo dal kale magan geliyo ku jooga, Al-Shabaab ayaad garab joogtaan, waana iska kiin dhici doonaa, culumo isku sheeg ayaa tihiin,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo. Xildhibaan Sacdiyo ayaa wacad ku martay in Muqdisho ay ka tegi doonto, hadii ay ku guul dareysato in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo sharciga jinsiga, kaas oo difaaci doona gabadhii lagu sameeyo xad-gudub. “Xuquuqda haweenka inaan u doodo mar dhow ayaan bilaabay, waana shameystirayaa, waxaan ilaahey hortiis ka balan-qaadayaa in Muqdisho aana sii joogi doonin hadii sharcigaas la ansixi waayo,” ayey hadalkeeda ku sii dartay xildhibaan Sacdiyo. Waxay sheegtay in xilligaan haweenka Soomaaliyeed ay awood badan ku dhex leeyihiin dowladda, iyagoo taas ka duulayana ay xuquuqdooda dhacsa doonaan, “Anigu waxaan dacwo ka ahay niman badan oo dibadda jooga, iima dhaara karaan, iyadoo safaaradiinu ay Muqdisho ku taallo,” ayey tiri Sacdiyo Yaasiin Samatar. Hoos ka daawo The post Gudoomiye Sacdiyo “Muqdisho waan ka tegayaa hadii aan ku guul-dareysto in…” appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortaga jirdilka ayaa soo saaray natiijada baaris ku saabsaneyd tacadiyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhaca dalal ay ku jirto Soomaaliya. Warbixin uu soo saaray guddigaan ayaa waxa uu ku sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida ee NISA, ciidanka Xooga dalka iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda & kuwa aan dowliga ahayn ay geystaan xad-gudubyo jirdil ah. “Xukunada dilalka ah ee ka dhaca Soomaaliya waxay soo bandhigaan arrimo halis ah oo kasoo horjeeda ilaalinta xuquuqda Aadanaha,” ayaa lagu yiri warbixinta. Guddiga QM ayaa waxa uu dowladda federaalka ka codsaday inay si deg deg ah loo dhiso hay’ad Qaran oo xuquuqda aadanaha ah iyo in la hubiyo oo la baaro dhamaan jirdilka ay geysteen hay’adaha kala duwan ee dowladda. “Dowladda Soomaaliya waa inay qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si loo xoojiyo ilaalinta dhamaan dadka rayidka ah, ayadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri Madaxa xuquuqul Insaanka ee QM oo baaq u jeediyay dowladda federaalka. Sidoo kale bayaan kasoo baxay xafiiska xuquuqul Insaanka ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimahaan inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini-aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo. The post QM oo eedeyn culus u jeedisay hay’adaha amniga Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa muddo labo toddobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi. Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda. Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad. Nabadoon ku sugan Kismaayo oo la hadlay warbaahinta gudaha, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la xusin sababo amni awgeed ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku gacan seyray ergo ay ka galeen odayaal dhaqameedka xiran. Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa hore dhowr jeer xarig iyo masaafurin kula kacay odayaal dhaqan oo qaarkood ka aragti duwan yihiin madaxweynaha, lamana oga waxay ka yeeli doonaan saddexda Oday dhaqameed. The post Xog: Odoyaal dhaqameedyo caan ah oo laba toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  7. Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele, oo ay wehelinayeen la taliyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal, Sh. Idiris Axmed Muuse Xoghayaha fullinta Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed, Guddoomiyaha Degmada Dila Aadan Cismaan Sidci, Cuqaasha Degmada iyo Ijineer Axmed Naasir Mawliid oo ku hadlayay afka shirkadda ESCO oo ah shirkadda dhismaha ku guulaysatay, ayaa sabtida maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelanayso Maxkamadda Degmada Dila. Maxkamadda Degmada Dila ee Gobolka Awdal ayaa muddo ku jirtay hal xafiis oo kiro ah, halka maanta loo dhagax-dhigay dhisme ay yeelanayso oo ka kooban afar (4) xafiis iyo hoolkii dacwadaha, kaasi oo Degmada u horseedi doona deg-degsiimo dhanka dacwadaha ah iyo faallal dhanka shaqada ah. Ugu horayn Guddoomiyaha Degmada Dila Aadan Cismaan Sidci ayaa ka waramay maraaxilkii uu soo maray dhulka hadda laga yagleelayo dhismaha Maxkamadda iyo sida ay lama-huraanka u noqotay in Maxkamaddu hesho dhisme iyo xafiisyo ay leedahay. geesta kale waxa kalmado ku qotoma faa’iidada uu dhismahani u yeelanayo Degmada ka waramay qaar kamid ah cuqaasha deegaanka oo goobta dhagax-dhiga ku sugnaa, waxaanay xuseen in baahi weyn deegaanku u qabay dhismahani oo ay muddo naawilayeen, isla markaana waxay uga mahadceliyeen masuuliyiintii ka soo shaqaysay hirgalinta dhismaha. Sidoo kale Xoghayaha fulinta Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Axmed, ayaa hoosta ka xarriiqay in Maxkamaduhu ay laf-dhabar u yihiin xasiloonida iyo degenaanshiyaha bulshada, maadaama ay ka garnaqaan khilaafyada iyo arrin kasta oo la isku maan-dhaafo. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Awdal Sh. Idiris Axmed Muuse ayaa dhankiisa Maxkamadda Sare ku bogaadiyay sida ay heeganka ugu tahay horumarinta maxkamadaha oo ay ugu horayso xoojinta dhismayaasha, waxaanu tibaaxay sida dhismahani Degmada uga haqab-tiri doono baahidii dhanka xafiiska ee ka jirtay isla markaana ugu horseedi doono hufnaan iyo shaqo wanaag. Ugu danbayn Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele ayaa sheegay in qorshaha ugu weyn ee Maxkamadda Sare yahay in deegaan kasta oo dalka ka tirsani yeesho dhisme Maxkamadeed, kaasi oo bulshada u fidiya adeega Garsoorka, ee ay xaqa u leeyihiin, waxaanu xusay in dhismahanina kuwaasi kamid yahay. Gunnaanadkiina waxa uu shirkadda ESCO oo dhismaha ku guulaysatay kula dardaarmay in dhismaha sida ugu tayada fiican u dhisaan isla markaana doorkooda ka qaataan, maadaama Qaranku leeyahay. Ibraahin Maxamed Cali Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare Source
  8. Click here to read more about this article Qaran News
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda. Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale, Degmada Cadale ayaa shalay lagu sixiixay heshiis nabadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda. Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale, Degmada Cadale ayaa shalay lagu sixiixay heshiis nabadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Soomaaliya Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Isbitaalka Shiikh Axmed Gabyoow oo xildhibaannada iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ka hirgaliyeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay isbitaalkan cusub ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka isku-tashiga ay muujiyeen, isaga oo tilmaamay in dhismahani uu qeyb ka yahay horumarka shacabka Soomaaliyeed ay ku xaqiijinayaan xoreynta iyo hurumarinta deegaannadooda. Madaxwaynaha oo uu wehliyo Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo ay yeelan doonto Degmada Cadale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray isbitaal laga hirgeliyay degmada Cadalle appeared first on Puntland Post.
  12. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta shaaciyay xilliga ay bilaabanayso diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo cod. Qaar kamid ah siyaasiyiinta Puntland oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore ayaa ka horyimid barnaamijkan doorashooyinka qof iyo cod oo sida ay sheegeen uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweyne Siciid Deni. Sidoo kale waxaa buuq xooggan ka taagan yahay soohdimaynta cusub ee loo sameeyay degmooyinka Puntland taas oo uu ku shaqayn doono guddiga KMG ah ee doorashooyinka. Dhinaca kale ururrada siyaasadda Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah shir uga furmo Garoowe si ay go’aan midaysan uga qaataan arrimaha doorashooyinkan. PUNTLAND POST The post Puntland: Diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka lagu muransan yahay oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  13. Cape Town (Caasimada Online) – Gabar yar oo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in laga afduubtay goob ganacsi oo ku taalla deegaanka Delft oo ka tirsan magaalada Cape Town ee xarunta gobolka Western Cape. Warbaahinta dalka Koonfur Afrika qaarkood ayaa tabiyay in gabar oo 15 sanno jir ah afduubteen kooxo burcad ah oo illaa hadda haybtooda la garaneyn, xilli ay ku sugneyd dukaan aabaheed uu lahaa. Kooxda hubeysan oo ka kooban ilaa 5 nin ayaa la sheegay inay gudaha dukaanka galeen kana soo kaxeysteen Gabadhaan yar oo la sheegay in xilliga afduubka dhacayay aabaheed ku mashquulsanaa in adeeg gaari ka dejiyo. Afhayeenka booliska gobolka Western Cape Ndakhe Gwala oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in kiiska afduubka ee gabadha Soomaaliyeed ay ka war heleen, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin baaritaanka iyo sidii ay usoo celin lahaayeen. Waxaa marar badan dalka Koonfur Afrika ka dhaca afduub loo geysto ganacsatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood lacago madax furasho ah lagu soo daayo, hase yeeshe waxaa cusub in la afduubto caruurta Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha. The post Gabar yar oo Soomaali ah oo lagu afduubtay waddanka… appeared first on Caasimada Online.
  14. Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Cadale. Garoonka diyaaradeed oo dhawaan dhismihiisa uu bilaaban doono ayaa waxaa lagu wadaa in loo dhiso si casri ah, ayada oo la filayo in wax badan uu kusoo kordhin doono harumarka deegaanka iyo isu-socodka bulshada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasibada dhagax dhiga ayaa sheegay in garoonkaan uu muhiim u yahay bulshada deegaanka, isaga oo xusay in dhismihiisa uu qeyb ka noqon doono mashaariicda laga fulinayo gobolka Shabeellaha Dhaxe. Xasan Sheekh oo maalmihii dambe ku sugnaa degmada Cadale ayaa halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay madaxda ugu sareysa maamulka HirShabelle, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Odayaasha dhaqanka Mudulood. Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweynaha intii uu ku sugna degmada Cadale uu qeyb ka ahaa taageerada baaq nabadeed oo ay soo saareen culumada, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada, kaasi oo adkeynaya heshiisiinta bulshada, ciribtirka jidgooyooyinka sharci darrada ah iyo dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda in la xoojiyo nabadda, horumarka deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulshada, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in aan la aqbalin karin in jidgooyo sharci-darro ah la dhigto deeganada gobolka, islamarkaana lagu dhibaateeyo muwaadiniinta safarka ah. Sidoo kale waxa uu faray laamaha amniga iyo odayaasha dhaqanka inay u midoobaan qofkasta oo lagu helo in uu caqabad ku yahay wada noolaashaha iyo xasilloonida gobolka. The post Sawirro: Xasan oo dhagax dhigay GAROON diyaaradeed si casri ah loo dhisayo appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay Guddoomiye ku-xigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka. Munaasabadda oo ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qaar kamid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenada cusub, kuwii hore iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo munaasabadda xil wareejinta ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha cusub in si xilkasnima leh oo daacadi ay ku jirto loogu adeego bulshada caasimadda, isagoo madaxdii xilka wareejisay ku amaanay howlihii ay kasoo qabteen maamulka gobolka. “Waan uga mahad-celinayaa xubnihii hore shaqadii ay soo qabteen, xubnaha cusub (Guddoomiye ku-xigeenada cusub iyo xoghayaha) waxaa dhankooda looga fadhiya inay qabtaan shaqo badan oo waxtar u leh bulshada gobolka Banaadir.” Guddoomiye kuxigeenada cusub ee maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud ee maamulka gobolka ee maanta xilka la wareegay ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud magacaabay 20-kii bishaan November 2022-ka. Guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ee xilka wareejiyay ayaa muddo ka badan labo sanno kuraastan ku fadhiyay, waxayna intooda badan u badnaayeen kuwa siyaasad ahaan aad u taageersanaa madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. The post Sawirro: Xil wareejino maanta ka dhacay xarunta G/Banaadir appeared first on Caasimada Online.
  16. 3-Hab oo kuu fududeyn kara inaad baasaboorka Soomaaliya ugu safartid Dalal badan Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa si joogto ah isu beddelayay darajada uu baasaboorka Soomaaliya ka joogo liiska qiimeynta baasaboorrada ee hay’adda Passport Indext, inkastoo uu weli meel hoose ku jiro. Haddaba shakhsi ahaan, sideed adiga baasaboorkaaga awood ugu yeeli kartaa. Xogtii ugu dambeysay ee lagu soo bandhigay bogga Passport Index ayaa muujineysa in baasaboorka Soomaaliya uu dhowr darajo kor u kacay, isagoo ka sare maray baasaboorrada waddamo dhawaan ka horreeyay. Waqti xaadirkan waxa uu aqoonsiga lagu safro ee Soomaaliya ku jiraa kaalinta 195aad, waxaana ka hooseeya 4 dal oo kala ah; Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanistan. Soomaalida wadata baasaboorka Soomaaliga oo danta ka yeesha adduunka ayaa inta badan waddamada ay u safrayaan lagu xujeeyaa in ay dalbadaan dal-ku-gal ama fiiso. Arrintaas waxaa kaga baxa kharash iyo wakhti labadaba. Dadka caqabadaha kala kulmay baasaboorka Soomaaliga waxaa ka mid ah Bisle Maxamed oo BBC-da u sheegay in uu dhacdooyin badan la kulmay. “Mar walba baasaboorka Soomaaliga ah waa daciif, sababtoo ah garoomada diyaaradaha qaar marka aad tagtid waxaa laguu maleynayaa in aad wadatid wax been ah, marka aad ayaa laguu baarayaa, aad ayaa laguu dhibayaa,” ayuu yiri. Tani waa qeyb yar oo ka mid ah dhibka ay la kulmaan dadka wata baasaboor Soomaaliga. Laakiin waxaa ba adag in marka hore qofku helo dal-ku-gal ama fiisa socdaalka. “Tusaale ahaan, sanadkii 2021 anigoo u socda Cumaan [ayey diyaaraddii aan la socday ku hakatay Imaaraadka Carabta], warqadaheyga iyo wax walba anigoo wata ayaa la igu xujeeyay warqado kale inaan ka helo Cumaan, waxaa la igu yiri ‘maxaad online uga sameyn weysay’, ‘warqadda hoteelka sax ma aha’, marka dhibkaas ayaan mar walba lala kulmaa,” ayuu yiri Bisle. Sida awood loogu yeelo baasaboorka Haddii baasaboorka Soomaaliga awooddiisu hooseyso, taas micnaheedu ma aha in aan la xoojin karin, ayuu yiri. Waxaa jira qaabab lagu horumarin karo ama awooddiisa kor loogu qaadi karo. Bisle Xasan oo khibrad u leh ku safridda baasaboorka Soomaaliya ayaa sheegay in qof kasta uu shakhsi ahaan horumar u gaarsiin karo baasaboorkiisa. Waxa uu sheegay in haddii uu xitaa baasaboorku daciif yahay uu haddana shakhsigu si iskiis ah uga dhigi karo mid xooggan, oo u fududeeya inuu meelo badan ku tago, si fuduna ugu safro. “Mar walba oo baasaboorkaaga ay ku dhacdo dhowr fiiso waxaad heysataa fursad aad ku heli kartid fiiso kale sababtoo ah sharciyadii oo dhan ayaad taqaannaa, waxaana kuu sahlanaaneysa in aad hesho dal-ku-gal kale,” ayuu yiri Bisle. Sida caadiga ah safaaradaha ayaa baasaboorrada fiisaha looga codsada ku qiimeeya in horay loogu tagay dalal kale. Sidoo kale waxaa saameyn xun yeelan kara haddii baasaboorkaas ay dalal kale u diideen fiisahooda. Sidaasoo ay tahay, Soomaalida oo keliya ma aha dadka dhibka ku qaba baasaboorka daciifka ah. Hindiya oo ah waddanka labaad ee ugu shacabka badan caalamka, dimuqraaddiyadda ugu ballaaran dunidana ay ka hirgashay ayey muwaadiniintiisa caqabado kala kulmaan helitaanka fiise waddan kale lagu aado. Baasaboorka Hindiya ayaa 25 darajo ka sarreeya baasaboor Soomaaliga. Waxaan waraysi la yeeshay Thirumal Motati oo ah socdaale caalami ah oo u dhashay dalka Hindiya. Wuxuu ku guda jiraa qorshe ah in uu dunida dhan safar ku maro isaga oo isticmaalaya baasaboorkiisa dalka Hindiya oo uu ku sheegay in uu yahay mid liita. Motati wuxuu sidoo kale wax ka qoraa socdaalkiisa iyo macluumaad ku saabsan dal-ku-gallada ama fiisooyinka baasaboorrada liita oo uu ku daabaco bartiisa internet-ka. Hay’adda qiimeysa baasaboorada caalamiga ayaa baasaboorka Hindiya ku qiimeysay kaalinta 134, waxaana dal-ku-gal looga xiraa 125 waddan. Sidaas darteed, baasaboorka Hindiya wuxuu ka mid yahay kuwa ugu liita adduunka. Wuxuu ii sheegay in ay jiraan qaabab awood loogu yeeli karo baasaboorrada awooddoodu liidato. Waxaan weydiiyay sababta uu u doortay in uu baasaboorkiisa u raadiyo qaabka uu awood ugu yeeli lahaa. Wuxuu yiri, “Waxaan jeclahay in aan safro, waxaana doonayay in aan dalal badan socdaal ku maro inta aan noolahay. Dabcan arrintaas ayaa igu adkayd maaddaama aan haysto baasaboor awooddiisu liidato.” “Waxaan isku khasbay in aan baaritaan dheer u galo sidii aan ku horumarin lahaa awoodda baasaboorkayga, si ay iigu sahlanaato in aan u safro dalal badan.” Waxaan sidoo kale weydiiyay sababta uu u doortay in uu caawiyo dadka sidiisa camal ah ee haysta baasaboorrada awooddoodu liidato. Wuxuu ii sheegay in ay yar yihiin macluumaadka ku aaddan dal-ku-gallada baasaboorrada awooddoodu yar tahay iyo qaababka ay ku xoojin lahaayeen baasabooradooda si ay ugu sahlanaato in ay waddamo badan u safraan. “Waxaa sanadihii badnaa ee aan raadinayay dal-ku-gallada ii kordhay khibrado ku saabsan qaababka loo raadsado fiisooyinka, sidoo kalena loo horumariyo baasaboorada aan awoodda lahayn, sidaa darteed, waxaan dareensanaa in ay jiraan dad fara badan oo sidayda camal dhibaato ka mara tabar yaridda baasabooradooda, waxaanna go’aan saday in aan wax ka qabto oo aan usoo gubdiyo macluumaad ku aaddan horumarinta awoodda baasaboorada liita.” Qaababka loo horumarin karo awoodda baasaboorka Soomaaliga ah. Dhis taariikh socdaal ah Thirumal ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in baasaboorkaaga ka muuqdaan dal-ku-gallo dalal badani leeyihiin. Tani baasaboorkaaga awood fiican uma samaynayso, balse waxay kuu sahlaysaa in si fudud laguugu ansixiyo dal-ku-gallada ama fiisooyinka aad dalbatid. “Taariikh socdaal haddii ay ka muuqato baasaboorkaaga, saraakiisha socdaalka waxay ka dhex arkayaan in aad tahay qof aan lahayn dembiyo socdaal, waxayna kuu fududeyneysaa in go’aan laga gaaro codisgaaga. Waddamada qaar, sida Maraykanka, Canada, Malaysiya ayaa codsada in ay arkaan taariikhda socdaalkaaga.” Oggolaanshaha shaqada Waxaa sidoo kale baasaboorka Soomaaliga awood u yeela ogolaanshaha shaqada ee ay bixiyaan waddamada adduunka sida Turkiga, Singapore, Malaysia iyo kuwa lamidka ah oo leh awood dhaqaale oo xooggan. Ogolaanshaha ayaa sidoo kale ka dhigan in aad leedahay degenaansho rasmi ah, aadna tahay canshuur bixiye dalkaas deggan, ayuu yiri. Sidoo kale, waxaan la kulmay gabar Soomaaliyeed oo dhaliyaro ah oo haysatay ogolaanshaha shaqo ee dalka Malaysia kaas oo awood u yeelay baasaboorkeeda Soomaaliga ah. Waxay ii sheegtay in dal-ku-gal ay ka dalbatay waddanka Maraykanka ay si sahlan ku siiyeen. Mareykanku waa mid ka mid ah dalalka ay adag tahay in fiisahooda la helo, oo xitaa marka baasaboor Soomaaliga laga soo tago ay caqabad kala kulmaan dadka heysta baasaboorrada dalalka kale. Gabadhan oo magaceeda iigu sheegtay Faadumo Maxamad ayaa waxaan weydiiyay in ay noo sheegto arrimaha ugu muhiimsan ee baasaboor Soomaaliga awood u yeella, dhallinyaradana u fududeyn kara in ay ku safraan. “Baasaboorkaaga waxaa awood u yeeli kara in aad adiga qof ahaan ka dhisan tahay xagga deegaanka iyo shaqadaada. Waa in aad heysatid warqadda oggolaanshaha shaqada, aadna si rasmi ah deegaan ugu tahay dalka aad ka shaqeysid, haddii aad dalka dibaddiisa joogtid. Muhiimadda waa in la arkaa in aad tahay qof shaqaysta oo isku filan,” ayey tiri. Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa waxay ku sheegtay in ay tahay in qofka laga helo ama uu haysto banki lacagaha uu dhigto. Iyadoo qodobkaas sharraxeysa ayey tiri: ‘’Dhaqdhaqaaqa bankiga ee magacaaga wata ayaa aad muhiim u ah, waana shayga ugu horreeya ee safaarad walba ay dadka weydiiso, waxayna fiiriyaan lacagaha sida joogtada ah usoo gala, kuwaas oo ay doorbidaan qayb ka mid ah in ay keyd kuugu ahaato akoonkaaga.” Waa in laguu arko qof leh deegaan rasmi ah oo dib ugu laabto islamarkaana aan tahriibeynin ama aan dooneyn in uu si sharci darro ah dal kale ugu noolaado, ayey sii raacisay hadalkeeda. Dal-ku-galka Maraykanka, Ingiriiska, Canada, Schengen Area Haddii aad baasaboor Soomaali ku heshid dal-ku-gal ay soo saartay dowladda Maraykanka, ama Ingiriiska, Kanada iyo kuwa ku mideysan Schengen (Isutagga Yurub), ha ahaadaanno kuwa dalxiis ama wax barasho, wuxuu baasaboorkaagu siinayaa awood dheeri ah. Waxaa kuu sahlanaanaysa in aad dal-ku-gal la’aan (visa free) aad ugu dhooftid waddamo aad u badan oo si gaar ah u xurmeeya fiisaha dalka Maraykanka, si la mid ah Thirumal oo ku safartay baasaboorka Soomaaliya iyo … oo ku safray baasaboorka Hindiya, oo ah labo ka mid ah baasaboorrada ugu liita dunida. Thirumal ayaa sheegay sababta ay waddamo badan u ogol yihiin in ay waddan kooda kuugu soo dhaweeyaan dal-ku-gal la’aan haddiiba aad haysatid fiisooyin ay soo saareen Maraykanka, Ingiriiska, Kanada, Schengen Area iyo xittaa Australia. Wuxuu yiri. “Helitaanka fiisooyinka waddamadan ayaa waddooyin dheer loo maraa, waa ay adag yihiin, waxaa sugan baaritaannada la mariyo dadka codsanaaya. Sidaa darteed, waddamada kuu ogolaanaya in aad waddankooda booqatid fiiso la’aan haddii aad haysatid fiisooyinka dalalkaas, waxay kuu arkaan in aad tahay qof aan dhibaato u keeneynin dalkooda maadaama baaritaano adag ay kusoo mariyeen waddamadaas waawayn.” Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgal qorsheysan oo ay xalay fuliyeen ciidamasa huwanta. Al-Cadaala ayaa shaaciyey in xalay howlgal culus oo ka dhacay deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla xadka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu beegsaday Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidanka Somalia iyo saaxibada caalamiga ah. Wasiirka ayaa xusay in uu howlgalka u dhacay sidii loo qorsheeyey isla-markaana lala bartilmaameedsaday goob ay ku sugnaayeen 200 oo Shabaab ah, kuwaas oo ay ku jiraan 12 horjooge oo isku uruursanayey halkaasi, ayna kala wareegeen deegaanka Ceeldheere. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in halkaas lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan 10 horjooge, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale waxa uu sheegay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, isna lagu dilay illaa 64 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay asturida meydadka dagaalyahanada badan ee laga laayeyAl-Shabaab, ayna soo bandhigi doonaan gaadiid iyo sidoo kale hub fara badan ay ka qabsadeen kooxda. Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dadka deegaanka ee kala qaybqaadanaya dowladda howlgallada haatan ka socda inta badan gobollada dalka, si looga saaro Al-Shabaab. The post Daawo: DF oo shaacisay in 100 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay CEELDHEERE appeared first on Caasimada Online.
  18. Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay Al-shabaab ka saartay degaanka Ceel-dheere oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe. Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaraddda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka ay si buuxda ula wareegeen degaankaas In ka badan 100 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ayay dowladdu sheegtay in Al-shabaab looga laayay hawlgalkaas oo taageero dhinaca cirka ka helay saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya. Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada dowladda ee ku saabsan in xubno badan oo kooxdaas ka tirsan lagu laayay hawlgalka Ceel-dheere. PUNTLAND POST The post Horjoogayaal iyo xubo ka tirsan Al-shabaab oo lagu laayay Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jayte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa weerarka afka ah ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen la dagaalka Al-Shabaab. Cali Jayte ayaa sheegay in illaa iyo hadda wax tallaab ah qaadin maamul goboleedyada, marka laga reebo HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabaa inaan la kaftamo nimanka dowlad goboleedyada waan yaabanahee idinku Shabaabka miyaa iska iimaansateen?.” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowlad goboleedyada dalka inay HirShabelle ku fiirsadeen dagaalka Al-Shabaab ee ka socda Hiiraan iyo Sh/ Dhexe, taasina laga haboon yahay. “Dowlad goboleedyada kale inaan la hadlo dhowr arrimood ayaa sababay ninka maanta nagu daawo, beri waan ku daawaneynaa, war State-yadii kale meeyey? HirShabelle kaliya ayaa xabaddu ka dhaceysaa meeyey Soomaalinimadii?” ayuu markale yiri Mudane Jayte. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la gar naqsaday maamul goboleedyada dalka ayaa sii raaciyey “Waxa la leynaayaa so shacab Soomaaliyeed ma’ahan maxay noogu eegayaan?”. Dhinaca kale wuxuu sheegay inay u mahadcelinayaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku taageereen dagaalka. “Nimankaas dowlad deegaanka way naga mudan yihiin inaan u mahadcelino kun jeer waa naga mudan yihiin, waxaa kaloo naga mudan ciidanka Xooga,” ayuu kusii daray hadalkiisa. The post Sababta madaxda maamul goboleedyada badankood u diidan yihiin dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  20. It was supposed to be a brief encounter between two suspected criminals and the then powerful crime buster, Ahmed Rashid. Source: Hiiraan Online
  21. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhxe oo fariisinka Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay. Howlgalka ay ciidanka deegaanku kula wareegeen goobtaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo ciidaanka Kumaandooska ee Danab, deegaankaan ayaa ah muhiim u ah isku socodka galbeedka gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellaha dhxe. Ciidanka dowladda dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab. Galbeedka gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, qabsashada Ceel-dheere Buraale ayaa ciidanka ka saacidi doonta in ay la wareeha Aadan Yabaal oo ah farrisin ugu weyn ee Al-shabaab. Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa dhowaan tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka uu ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlagallada ka soconaya deegaannada Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Ciidanka xoogga dalka oo kaashanayo kuwa deegaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-dheere Buraale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhxe oo fariisinka Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolka oo ay ku sugnaayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay. Howlgalka ay ciidanka deegaanku kula wareegeen goobtaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo ciidaanka Kumaandooska ee Danab, deegaankaan ayaa ah muhiim u ah isku socodka galbeedka gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellaha dhxe. Ciidanka dowladda dowladda ka hor inta aysan qabsan deegaanka ayaa waxaa ka dhacday duqeymo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ay sheegayaan in duqeymahaas ay geysteen khasaare kale duwan oo soo gaaray Al-shabaab. Galbeedka gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka, qabsashada Ceel-dheere Buraale ayaa ciidanka ka saacidi doonta in ay la wareeha Aadan Yabaal oo ah farrisin ugu weyn ee Al-shabaab. Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe waxaa dhowaan tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka uu ugu baaqay in ay dardar geliyaan howlagallada ka soconaya deegaannada Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Baqow (bidix), Bile iyo Bare Magaalada Kismaayo waxaa muddo labo todobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo ka mid ah dhaqanka ugu caansan deegaannada Jubaland. Odayaashan oo ka soo jeeda beesha Hartiga ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), waxaana la xiray kaddib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay Al-shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda. Saddexda oday dhaqameed ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, maamulka Jubaland na wuxuu mamnuucay in laga hadlo xarigooda sida uu Puntland Post u sheegay nabadoon ku sugan Kismaayo oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo amni awgeed. Jubaland ayaa dhowr jeer oo hore xarig iyo masaafurin u gaysatay odayaal dhaqan oo qaarkood ka aragti duwan yihiin maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Odayaal dhaqameed caan ah oo ku xiran Kismaayo appeared first on Puntland Post.