-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo baaritaano ah ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga, sidoo kalena looga hortagayey kooxaha dhaca u geysta shacabka. Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu faahiyey howlgalladaasi, waxaana lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad ah oo dhaca ka geysanayey Waaxda Barwaaqo ee Xamar-Jadiid oo ka tirsan degmada Warta Nabadda. Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegeen hubkii ay wateen ragga hubeysan oo labo ahaa iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca. “Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska. Sidoo kale wuxuu taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed intaasi ku daray in raggan ay isla xalay dhac kasoo geysteen xaafadda Daallo ee degmada Howlwadaag, kadibna ay soo baxsadeen, ayaga oo soo galay degmada Warta Nabadda oo ugu dambeyn lagu qabtay. Taliska Booliska ayaa sidoo kale u yeeray dhibanayaasha ay dhaca iyo dhibaatada u geysteen kooxdaasi gacanta lagu soo dhigay, si loogu wareejiyo agabkooda. Maalmihii u dambeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, si looga hortago dhaca hubeysan, dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. The post Ciidamada booliska oo rag hubeysan ku qabtay Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Nin ka soo jeeda Qowmiyada Oromada ee Itoobiya ayaa xalay magaalada Hargeysa ku dilay wiil dhalinyaro ahaa, kaasoo da’diisa lagu sheegay 22 jir ah. Sida ay shaaciyeen booliska Somaliland, dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa, iyadoo marxuumka dilkiisa loo adeegsaday Feedh iyo Jilib, sida boolisku sheegeen. “Ciidanka Booliska JSL ayaa caawa gacanta ku soo dhigay eedaysane Ifsa Axmed Shariif oo ku eedaysan ina uu dilay Aamiin Siciid Sidiiq oo 22 jir ah, eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay marxuumka feedh jilib uu ku dhuftay, dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeisa hortiisa” ayaa lagu yidhi warka booliska ka soo baxay. Ciidamadda amniga ayaa sheegay in ninkan Itoobiyaanka ah uu dilka kadib goobta isaga baxsaday, balse lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen laamaha ammaanka. Source
-
Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa ku dhawaaqday inay iska casishay xilkii Guddoomiyenimada ee ay ka haysay xisbiga tallada haya, kadib markii guul-darro ka soo gaadhay doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacay dalkaas, iyadoo uu xisbiga mucaaridka ah ee u janjeedha dhinaca Shiinuhu uu ku guulaystay inta badan magaalooyinkii lagu tartamay oo ay ku jirto caasimadda Taipei. Haweenaydan Madaxweynaha ka ah Taiwan ayaa sheegtay inay sii hayn doonto xilka Madaxweynaha, balse waxay qiratay masuuliyadda guul-darrada xisbigeeda ka soo gaadhay doorashooyinka, iyadoo xustay in guul-daradaasi ku noqotay mid lama-filaan ah, sidaasna ay madaxtinimadii xisbiga iskaga casishay. Source
-
Shir u dhexeeya ururrada siyaasadda Puntland oo looga tashanayo barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod ayaa lagu wadaa in uu Caawa ka furmo caasimadda Garoowe. Ururrada siyaasadda Puntland oo uu ka maqan yahay urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah ayaa la filayaa in ay shirkan uga tashadan xaaladaha ku xeeran doorashooyinka lagu muransan yahay ee qof iyo cod. Ururrada siyaasadda ayaa doonaya in ay talo midaysan ka yeeshaan barnaamijkan doorashooyinka oo sida la rumaysan yahay uu mudda kororsi ku dhex qarinayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Waxaase xogo hoose sheegayaan in Madaxweynaha Puntland uu fara-gelin ku hayo Shirka islamarkaana saamayn ku leeyahay xubnaha ka qayb-galaya qaarkood si aysan uga soo bixin go’aanno ka dhan ah damaciisa mudda kororsiga. PUNTLAND POST The post XOG: Madaxweyne Deni oo fara-gelin ku haya Shirka Ururada Siyaasadda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Tiina Intelmann ayaa kala hadlay xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada arrimaha bini’aadanimada, horumarinta iyo xasillinta deegaannada la xorreeyay. Danjiraha ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay sii wadida taakuleynta dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorka ay ka qaataan dowlad dhisidda iyo mashaariicda horumarineed, waxa uuna tilmaamay in deegaannada laga xorreeyey Khawaarijta ay maanta u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Qaramada Midoobay ayaa hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ku eedaysay jirdilka maxaabiista iyo kufsiga haweenka maxaabiista ah ee u xiran hay’addaas. Warbixin ay Todobaadkan soo saartay Qaramada Midoobay ayaa eedaymahan culus loogu jeediyay hay’adda NISA oo uu hoggaamiyo Mahad Maxamed Salaad. Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin eeddan ugu timid Hay’adda Qaramada Midoobay. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo lagu eedeeyay jirdil iyo kufsi appeared first on Puntland Post.
-
WASHINGTON — From refugees to elected office, 14 Somali Americans have won legislative seats across the U.S. this year. Some also have been elected to city councils, school boards and the boards of parks and recreation in their respective cities. The U.S. midterm elections have proved to be historic for Somalis, with more women elected to public offices than ever before. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta mudane, Cabdalla Bin Zayid ayaa qaabilay dhiggiisa Soomaaliya mudane, Abshir Haruuse. Kulanka oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ayay labada wasiir diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo arrimo kala duwan oo labada dal si isku mid ah u daneynayaan. Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid oo soo dhaweeyay booqashada Wasiir Abshir Jaamac Haruuuse ayaa sidoo kale xaqiijyay sida ay uga go’antahay xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha labada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya. Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS mudane, Abshir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka walaalnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeyay dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba. Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashandhiga Dowlada Federaalka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha guud ee Ciidamada xooga dalka Sareeye Guuto Odowaa Yusuf Raage. Mas’uuliyiintan oo gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa madaxweynaha ugu tagay xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay wadahadalo ku yeesheen. Dhinacyadu faahfaahin kama bixin arrimaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen kulankooda Kismaayo. Waxaase kulankaas sida wararku sheegayaan uu ku saabsanaa sidii degaanada Jubaland looga bilaabi lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha CXD Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Somalia's government has declared "all-out war" against the militant group Al-Shabaab and adopted a multi-pronged counterterrorism effort. Source: Hiiraan Online
-
Somali Journalists Syndicate (SJS), Somali Media Association (SOMA) and Somalia Mechanism for Safety of Journalists (SMSJ) call for the Benadir Regional Court to dismiss the case against SJS Secretary General, Abdalle Ahmed Mumin since the 45 days requested by office of the Attorney General and the Police ended today. Source: Hiiraan Online
-
Somalia's army and allied clan militias have killed at least 100 al-Shabab fighters in an operation in the central Middle Shabelle region, the Information Ministry said Saturday, days after another 49 al-Shabab militants were killed in the southern part of the lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia Anwar Ibrahim ayaa kasoo jawaabay fariintii hambalyada eheyd ee uu u diray madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ra’iisul Wasaare Anwar ayaa sidoo kale sheegay in Malaysia ay dooneyso inay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta arrimaha faa’iidooyinka u leh labada dal. “Mudane Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku mahadsan tahay rajeyntaada wanaagsan. Malaysia waxay sidoo kale aad u danaynaysaa inay wanaajiso xiriirka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo gaaritaanka horummada faa’iidooyinka u ah labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri. Anwar Ibrahim ayaa Khamiistii loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia, kadib shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed uu ka taagnaa dalkaas, kadib markii doorashooyinkii baarlamaan uu xisbina ka heli waayey kuraas aqlabiyad ah ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu isla maalintaas soo saaray ku yiri “Waxaan hambalyo kal iyo laab ah ugu dirayaa Anwar ibrahim inuu noqday Ra’iisul Wasaarihii 10-aad ee Malaysia. Intii uu xilka hayo Anwar Ibrahim, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay xoojiso horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee dhammaan dhinacyada faa’iidada noo wada leh.” Noqshada Anwar ee ra’iisul wasaaraha ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957. Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pakatan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii dhacday dhammaadka toddobaadkan, wuxuuna helay 82 kursi. Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tirada loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112. Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yeeray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yassin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta labaad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen. Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xubnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dhowaaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha. Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah. The post ANWAR IBRAHIM oo kasoo jawaabay fariintii Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Masuul Somaliland Xil U Haya Oo Qaxooti Ku Biiray . Wakiilka Somaliland u Fadhiya waddanka Uganda Xamse Dool ayaa ku jira Xerada Qaxootiga loogu talo galay In Ay u Dhoofaan dalka Canada . Wakiilka Ayaa Qaxooti Ahaan Ugu Diiwaangashan Dawlada Uganda Waxaanuu Wakiilku Ku Jiraa Dad Dhawaan Loo Qaadi Doono Dalka Canada . Wakiilka Ayaa Mudadii Uu Joogay Safaarada Somaliland Ay Ku Leedahay Dalka Uganda Waxa Ay Xukuumadu U Diri Jirtay Dhaqaale Lacageed Oo Gaadhaya 4 Kun Oo Dollar Balse Wakiilka Ayaan Dalkaas Wax Xafiis Ah Ku Lahayn Iyadoona Ay Ardayada Reer Somaliland Iyo Ganacsatada Reer Somaliland Ay Ka Cabanayaan Wakiilkaas. Qaran News
-
Waxa luntay kala danbayntii haybadii ciyaaruhu lahayee 32kaa sano mahayno waxa xeer ah oo ciyaaraha lagu hago oo ay ansixiyeen golaheena xeer dajintu Somaliland. Maalinkasta waxa aynu garoonadeena ku arkaynaa dhacdooyin inaga yaabiya oo aan lagu cibro qaadan maanta waxa inoo muuqata garsoorahaa haybadisii iyo karaamadisii garoonka lagu dhex badalay. Halkan waxa inooga muuqata in Doorkii wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo xidhidhkii kubada cagtu meesha ka baxay. Xisbi ahaan waxa aan leenahay oo aan cod dheer ku soo jeedinaynaa in la sameeyo Gudidii Olympickada heer qaran si loo helo xeer kubada cagta iyo ciyaaraha kala duwan lagu hago. Xoghaye dhalinyarada Iyo Ciyaaraha ee Xisbiga Cadaalada Iyo daryeelka ee UCID Faarax Axmed Yuusuf Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Soomaaliya Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute oo ka mid ahaa masuuliyiintii Madaxweyne Xasan Sheekh u raacday safarkii uu ku tegay degmada Cadale iyo deegaanada hoos taga, ayaa ka hadlay qorshahoodii safarka Cadale. Shuute ayaa sheegay in safarkaas uu muhiim u yahay joojinta dagaalka sokeeye ee aagga Cadale ka socda iyo sii socoshada dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Ciidamo gaar ah iyo xeer ilaaliye ka socda garsoorka ciidamada ayuu sheegay inay ka howl-geli doonaan deegaanadii ay beelaha walaalaha ah ku dagalameen ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo qof kasta halkii uu dhibaato ku geyso deg deg tallaabo looga qaadi doono. Guddoomiye Shuute ayaa cadeeyey in xiligaan sababta ay u tageen Cadale uu ahaa in la go’aamiyey in halkiisa lagu dilo qofkii dambe ee qof dila, isagoo digniin u diray odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo cid kasta oo suurtagal ay ka tahay inay isku dirto beelaha, qofkii aan dil muteysan wuxuu ugu goodiyey xabsi dheer. Heshiiskii ay gaareen beelihii dagaalamay ee habeen ka hor lagu kala saxiixday Cadale ayuu sheegay Shuute inuu yahay mid aad u fiican oo lagu kala nabad gelaayo, isagoo cadeeyey in garsoonka ciidamada ay ka go’antahay in heshiiskaas la dhaqan geliyo. Guddoomiye Shuute ayaa si cad u sheegay in dagaalka beelaha ee Sh/Dhexe uu hakad geliyey dagaalkii Al-Shabaab, si taasi aysan u dhicina wuxuu balan-qaaday in qofkii isku daya inuu fidno dambe kiciyo ay tallaabo sharci ah deg deg uga qaadi doonaan, ka garsoor ahaan. Hoos ka daawo The post Daawo: Korneyl Shuute oo shaaca ka qaaday qorshe culus oo ku wajahan Cadale appeared first on Caasimada Online.
-
“Xisbigga WADDANI waxa uu aad iyo uga xun yahay labadaas dhacdo ee maalmo guddahood ka dhacay Hargeysa Stadium, waxay foolxumo iyo sumcad-darro u soo jiidaysa Qarankeena iyo Dawladnimadeena. Marka ciddii Masuuliyaddan lahayd lala xisaabtami waayo maalinba dhacdo foolxun ayaynu ku arki doona garoomadda ciyaaraha, Maantase waxaan Eedan dusha ka saaraya Xidhiidhka kubada cagta soomaliland (XKCSL )oo aad moodo in nin keliya uu jeebka ku ritay oo qas ciyaareed Dalkii geliyay. Dhawaan waxaan ka hadli doonaa shaqo xumadda iyo sharci-jebinta joogtada ah ee XKCSL ka jira.” Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI. Qaran News
