-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in go’aanka Israel ay ku weerartay Qatar Talaadadii uu ahaa mid uu si iskiis ah u gaaray Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, oo uusan ahayn go’aan uu isagu la qabay. “In si keligii-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah qaran madax-bannaan oo saaxiib dhow la ah Mareykanka, isla markaana si adag oo geesinimo leh noogala shaqeyneysa sidii nabad loo dhex dhigi lahaa, ma hormarinayso danaha Israel iyo kuwa Mareykanka,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada. Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Trump, uu “aad uga xun yahay” weerarkii Israel ay la beegsatay bartilmaameedyo ay leedahay Xamaas oo ku yaalla dalka Qatar, uuna faray la-taliyihiisa sare, Steve Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarkaas soo socda. Ururka Xamaas, oo mas’uul ka ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar, 2023, ee lagu qaaday koonfurta Israel kaasoo laga soo abaabulay Gaza, ayaa sheegay in shan ka mid ah xubnihiisa lagu dilay weerarka Israel ee ka dhacay magaalada Doha, waxaana ka mid ahaa wiil uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas ee Gaza ee masaafuriska ku maqan, Khalil al-Hayya. Dowladda Mareykanka waxay Qatar u aragtaa saaxiib muhiim ah oo ay ku leedahay Khaliijka, waxayna ku tiirsanayd doorka dhexdhexaadinta ah ee ay Qatar ka qaadanaysay wada-xaajoodyada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin dagaalka Gaza. Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in ciidanka Mareykanka ay subaxnimadii Talaadada maamulka ku wargeliyeen in weerarka Israa’iil uu dhici doono. Waxayse ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal laga weydiiyey ciddii wargelisay ciidanka Mareykanka. Markii uu Trump arrintaas ka war helay, wuxuu faray Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka, Witkoff, inuu uga digo Qatar weerarka soo socda, sida ay sheegtay. Si kastaba, Qatar ayaa sheegtay in weerarka lagu soo wargeliyey markii uu socday 10 daqiiqo kadib. Weerarka kaddib, Trump wuxuu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo sidoo kale Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayay tiri. Wuxuu u xaqiijiyey hoggaamiyaha Qatar in “arrintan oo kale aysan mar dambe ka dhici doonin dhulkooda.” Waxay ku tilmaantay weerarka “dhacdo nasiib-darro ah” waxayna sheegtay in Trump uu “aad uga xun yahay” goobta uu weerarku ka dhacay. Mareykanka ayaa isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo heshiis xabbad-joojin ah oo lagu sii deynayo la haystayaasha, si loo helo sii deynta maxaabiista harsan loona eego qorshaha mustaqbalka Gaza ee xilliga dagaalka kaddib.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Guba kaga qeyb-galay shir heer sare ah oo shan-geesood ah, kaas oo looga hadlay maalgelinta iyo taageerada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM. Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, kuwaas oo dhammaantood isku raacay muhiimadda ay leedahay joogteynta taageerada dhaqaalaha iyo midda farsamo ee howlgalka AUSSOM. Madaxda ayaa falanqeeyey caqabadaha taagan iyo sida loo heli karo iskaashi mideysan oo lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta Geeska Afrika. Waxaa shirka lagu adkeeyay in howlgalka AUSSOM uu door weyn ka qaato la dagaallanka kooxaha khawaarijta ah iyo ilaalinta guulaha ciidamada qaranka Soomaaliya ka gaareen dagaalka argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku nuuxnuuxsaday in AUSSOM iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee lagu difaacayo nabadda iyo xasilloonida, isagoo ugu baaqay beesha caalamka in ay sii laba-laabaan taageerada dhaqaale iyo tan farsamo. Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay ballanqaad mideysan oo ku aaddan in dalalka gobolka iyo Midowga Afrika ay ka wada shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni iyo horumarineed ee gobolka, loona heli lahaa taageero joogto ah oo lagu xaqiijinayo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamiim bin Xamad Aal Thaani, isagoo ku muujiyey taageerada buuxda ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab istaagayaan Qatar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay duqeynta Israel oo lagu beegsaday guryaha ay deggan yihiin qaar ka mid ah madaxda Xamaas ee magaalada Doha, isagoo ku tilmaamay weerarkaasi mid fulaynimo ah oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah iyo qiyamka bini’aadantinimo. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in weerarradan ay yihiin xadgudub cad oo ka dhan ah dhammaan heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana ay horseedi karaan khalkhal amni oo baahsan. Soomaaliya, ayuu yiri, waxay garab taagan tahay Qatar iyo shacabka reer Qadar xilligan adag. Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay kaga jawaabeyso siyaasadda iyo nidaamka dal ku galka E-Visa oo dhawaan dowlada Soomaliya ay hirgalisay, kaas oo caqabad ku noqday muwaadiniinta qurbo joogta ah ee reer Somaliland iyo cid kasta oo soo galaysa dalka. Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in Somaliland aan lagu soo geli karin Visa ama oggolaansho dal-ku-gal oo ka soo baxay meel ka baxsan Hay’addaha Socdaalka ee Somaliland. Sidoo kale wasaaradda ayaa qoraalkan ku caddeysay in la sii xoojiyey siyaasadda dal-ku-galka furan, taasi oo u sahlaysa dhammaan dadka u safraya Somaliland inay dal-ku-galka ka qaataan Madaarka Cigaal ee Hargeysa iyo garoomada kale ee maamulka Somaliland. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in siyaasaddan ay ka timid xukuumada, ugana dan leedahay fududaynta safarrada ganacsiga, dalxiiska, arrimaha bina’aadamnimada iyo kobcinta dhaqaalaha. Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland ayaa sidoo kale shirkadaha diyaaradaha ee ka hawl-gala Somaliland fartay in ay siyaasaddan la wadaagaan dhammaan xafiisyadooda iyo Rakaabka soo raacaya. Dhankeeda, Puntland ayaa si rasmi u diiday go’aanka kasoo baxay dowladda dhexe, iyadoo si cad u sheegtay in aysan u hoggaansami doonin nidaamka cusub ee dal-ku-galka Soomaaliya ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid oo mowqifka maamulka la wadaagay warbaahinta ayaa nidaamkan cusub ku tilmaamay “isbaato ay hawada dhigatay” Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo haatan uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo maamulka Puntland. Wasiir Caydiid ayaa sheegay in lacag dal ku gal ah laga doonayo qof kasta oo ka soo dega garoomada Puntland, taas oo ka dhigan in shacabka u socdaalaya Puntland ay laba jeer bixin doonaan lacagta fiisaha, midaas oo culeyska kusii siyaadinaysa shacabka. Dhawaan, Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga dhawaaqday in qof kasta oo wata baasaboor shisheeye oo dalka imanaya looga baahan yahay in uu dal-ku-galka ku goosto online. Nidaamkan ayay sheegtay inuu yahay hanaan casri ah oo lagu mideynayo nidaamka socdaalka dalka. Hase yeeshee go’aankan ayaa durba dhibaato ku noqday dadka ka yimaada Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo laga rabo inay bixiyaan dal ku gal kale marka ay ka dagaan garoomada Garoowe iyo Hargeysa.
-
President Abdirahman Irro Unveils Key Healthcare Initiatives in Borama His Excellency, Dr. Abdirahman Mohamed Abdilahi (Irro), President of the Republic of Somaliland, today officially inaugurated a cutting-edge Oxygen Production Plant at Borama General Hospital, marking a significant milestone in the government’s commitment to enhancing healthcare infrastructure and life-saving medical services across the region. In conjunction with this, President Irro laid the foundation stone for a new Mental Health Hospital in Borama, designed to provide specialized care for individuals suffering from mental and neurological disorders. This project underscores the administration’s strategic focus on broadening access to comprehensive healthcare services, while addressing critical public health needs with innovation and compassion. The inauguration ceremony was attended by senior government officials, including the Minister and Director General of the Ministry of Health Development, representatives from the Awdal Regional Administration, Borama District authorities, and medical personnel from Borama General Hospital. The gathering highlighted the shared commitment of government and community stakeholders to advancing the well-being of Somaliland’s citizens. President Irro emphasized that the new Oxygen Plant will deliver immediate, life-saving benefits by ensuring timely access to medical oxygen, while significantly reducing the costs and logistical challenges previously associated with its supply. He further highlighted that the Mental Health Hospital will serve as a pivotal center for the region, advancing mental healthcare and reinforcing the government’s dedication to the holistic development of public health services. These initiatives form part of the broader vision of the Somaliland government to strengthen healthcare infrastructure, enhance the quality of services, and improve the health and resilience of communities nationwide. All praise is due to Allah. Hussein Adan Igeh (Deyr) Spokesman for the President of the Republic of Somaliland Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa durbadii qaaday tallaabo deg-deg ah oo ku aadan furitaanka biya xireenka Itoobiya ee wabiga Nile, iyada oo dacwo culus ka gudbisay Addis Ababa. Masar ayaa dacwadeeda u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana ay sheegtay inuu halis yahay furitaanka biya xireenka wabiga Nile ee ay maanta ku dhaqaaqday Itoobiya. Qaahira aya sidoo kale Addis Ababa ku eedeysay inay diiday heshiisyo caalami ah oo nidaaminayay qaybinta biyaha Nile oo ay si weyn isugu hayaan labada dowladood. Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay khatar wayn ku tahay amniga biyaha iyo jiritaanka shacbiga Masar. Waxaa kale oo ay Masar intaasi kusii dartay in aysan marnaba oggolaan doonin in xuquuqdeeda lagu xadgudbo, ayna sii wadi doonto difaaca danaha ay leedahay iyadoo adeegsanaysa hababka diblomaasiyadeed iyo sharci ee caalamiga ah. Warqadda ay Masar u dirtay Goaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha iyo beesha caalamka looga baahan yahay in ay qaadaan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta xeerarka caalamiga ah iyo ka hortagga xiisadd cusub oo ka dhalata biyo xireenka Nile. Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan. Sidoo kale waxay muddo dheer kasoo horjeedday biyo-xireenka, sababo la xiriira walaac ay ka qabto inuu yareyn karo saamigeeda biyaha Wabiga Nile. Waxaa kale oo ay Qaahira ku tilmaantay biyo-xireenka oo loo yaqaan “biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya” mid khatar ku ah jiritaankeeda, maadaama dalku uu si buuxda ugu tiirsan yahay Wabiga Nile si uu biyo ugu helo beeraha iyo dadka ka badan 100 milyan.
-
Doha (Caasimada Online) – Hoggaanka Xamaas ayaa ka badbaaday “isku day dil oo fulaynimo ah” oo Israel ay ka fulisay caasimadda Qatar ee Doha, sida uu Suhail al-Hindi, oo ah xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas, u sheegay taleefishinka Al Jazeera. Laakiin al-Hindi wuxuu xaqiijiyay in dad dhowr ah ay ku dhinteen duqeynta, oo ay ku jiraan wiilka iyo agaasimaha xafiiska hoggaamiyaha Xamaas, Khalil al-Hayya. Wuxuu sheegay in kooxda Falastiiniyiinta ay maamulka Mareykanka u arkaan inuu mas’uul ka yahay weerarka, kaasoo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar “sida ugu adag” u cambaaraysay. Doha waxay weerarka ku tilmaantay “xadgudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah”. “Dowladda Qatar waxay caddaynaysaa in aanay u dulqaadan doonin dhaqankan taxadar la’aanta ah ee Israel iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo amnigeeda iyo madax-bannaanideeda,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda, Majed al-Ansari, bayaan uu soo saaray. Hoggaamiyeyaasha Xamaas, sida uu sheegay al-Hindi, waxay kulmayeen iyagoo rajo wanaagsan ka qaba hindisaha xabbad-joojinta ee Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, kaasoo in ka yar labo sano ay ku dhinteen in ka badan 64,000 oo Falastiiniyiin ah. Weerarka Doha ayaa ahaa ugu horreeyay ee noociisa ah oo Israel ay ka fuliso dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiye muhiim ah oo ka shaqeeya wadahadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Israel iyo Xamaas, sidoo kalena uu ku yaallo saldhigga milateri ee ugu weyn Mareykanka ee gobolka, Saldhigga Cirka ee Al Udeid (Al Udeid Air Base), oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa war-saxaafadeed ku xaqiijiyay in milateriga Israel uu Talaadadii weerarka ka fuliyay Doha, uuna ku beegsaday hoggaamiyeyaasha Xamaas. Wariyaha Al Jazeera, Nida Ibrahim, oo ka soo warramaysa Doha, ayaa sheegtay in weerarkan aan noociisa horay loo arag ee lagu qaaday magaalada, oo martigelisay wadahadallada xabbad-joojin suurtagal ah oo ka dhacda Gaza, uu muujinayo sida ay Israel “ugu dhiirratay” inay “fuliso xasuuq haddana ay isaga baxsan karto cawaaqib la’aan”. Israel waxay duqeymo ka wadday Gaza, Lebanon, Yemen iyo Syria, sidoo kalena waxay weerarro maalinle ah ka fulinaysay Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin. Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa weriyeyaasha u sheegtay in milateriga Mareykanka uu Trump ku wargeliyay in Israel ay weerarayso Xamaas, oo ku sugneyd xaafad ka tirsan Doha, caasimadda Qatar. “In si kali-talisnimo ah loo duqeeyo gudaha Qatar, oo ah dal madaxbannaan oo xulufo dhow la ah Mareykanka, kaasoo si hagar la’aan ah oo geesinimo leh khatar ugu jira sidii aan nabadda u dhexdhexaadin lahayn, ma horumarinayso danaha Israel iyo Mareykanka,” ayay tiri. “Si kastaba ha ahaatee, ciribtirka Xamaas, oo ka faa’iidaysatay dhibaatada dadka ku nool Gaza, waa hadaf qiimo leh.” Leavitt waxay sheegtay in Trump uu “si degdeg ah u amray” Ergeyga Gaarka ah Steve Witkoff inuu Qatar ku wargeliyo weerarka.
-
MOGADISHU, Somalia – Somalia’s intelligence agency announced Tuesday that a senior Al-Shabaab commander who masterminded a deadly attack on President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in March has been killed in a targeted airstrike. The strike, carried out on September 9 in southern Somalia, marks a significant victory in the government’s intensifying campaign against the al-Qaeda-linked militant group. In a statement issued Tuesday evening, the National Intelligence and Security Agency (NISA) confirmed that Mohamed Abdi Dhiblawe Afrah was killed in a joint operation with “international partners” in the Lower Shabelle region. “A planned operation killed the ringleader, Mohamed Abdi Dhiblawe Afrah,” NISA said. “He was the mastermind behind the March 18, 2025, bombing that targeted the President’s convoy.” Afrah was traveling in a vehicle in the Ugunji area, near Qoryooley, when the strike hit. He had been on the run since March, when a car bomb detonated near the presidential motorcade at Ceel-gaab junction in Mogadishu. President Mohamud escaped that attack unharmed. According to NISA, Afrah—also known by the alias Khaalid Dheere (“Khalid the Tall”)—had been under constant surveillance. “This ringleader was also behind other bombings and violent acts that harmed civilians and had been actively tracked since the Ceel-gaab attack,” the statement added. The killing of a key operational planner delivers a heavy blow to Al-Shabaab’s network in Lower Shabelle, a fertile agricultural hub that has long been central to the conflict. ‘All-out war’ continues The strike comes as part of a wider offensive launched by President Mohamud after returning to power in May 2022, when he declared an “all-out war” on Al-Shabaab. The campaign has paired military operations with efforts to cut off the group’s finances and weaken its ideology. Backed by clan militias, Somali forces have reclaimed swathes of territory in central regions such as Galmudug and Hirshabelle. Yet Al-Shabaab remains entrenched. For more than 15 years, the group has maintained control of large rural areas in southern and central Somalia, launching regular and deadly attacks on government, military, and civilian targets. Lower Shabelle, situated just south of the capital, has been strategically important as it controls key access routes into Mogadishu. U.S. military role Although NISA referred only to “international partners,” the phrase is widely understood to point to the United States military, which plays a central role in supporting Somali operations. The U.S. Africa Command (AFRICOM) regularly conducts drone strikes, aerial surveillance, and intelligence-sharing to support Somali-led ground offensives. These so-called “collective self-defense” strikes are carried out at the request of the Somali government to neutralize militants actively attacking Somali forces. Washington has designated Al-Shabaab as a terrorist group and views it as one of the most dangerous affiliates of al-Qaeda. The group’s core mission is to topple Somalia’s internationally backed government and impose its hardline version of Islamic law. The successful elimination of Afrah highlights the growing effectiveness of Somalia’s intelligence-led strategy to disrupt Al-Shabaab’s leadership and dismantle its operational capacity.
-
Maxamed Abshir Muuse wuu ka horjeeday in Maxamed Siyaad Barre sii joogay Soomaaliya ilaa 1992kii. Baydhabo (Faallo) — Qeyb ka mid ah waraysiga afarta qeybood ka kooban, uu Ha Noolaato la yeeshay wariyihii hore ee Laanta af Soomaaliga ee BBC Yuusuf Xasan Mursal, wuxuu dhaliyay su’aalo ku saabsan macaluushii 1992kii ku dhufatay qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Xilligaas wargeysyada Galbeedku waxay macaluusha ku tilmaameen mid heer injiil ah (biblical proportions). Yuusuf Xasan Mursal wuxuu sheegay in laba waxyaabood ay sababeen macaluushii 1992kii: (1) ciidankii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre oo muddo haystay Baydhabo ka hor inta ururkii USC oo uu Jeneraal Caydiid hoggaaminayay ka saarin Soomaaliya billowgii 1992kii, iyo (2) ciidankii Jeneraal Caydiid oo ay weheliyeen ciidan u dhashay Baay oo uu hoggaaminayay Gaashaanle Sare Maxamad Nuur Caliyow oo raalli ka ahaa in ciidammadii USC boobeen gargaarkii loogu talaggalay dadkii macaaluushu saamaysay. “Jeneraal Caydiid magaalada Baydhaba ayay culimada degmadu Quraan ku saareen” ayuu Yuusuf Xasan Mursal sheegay. Maxamed Siyaad Barre ciidammo u daacad ah ayaa 1991kii qabsaday Baydhabo. Jeneraal Caydiid wuu ka hor yimid faragelintii aadaminimo si loo yareeyo macaluushii 1992kii. Isku day badan ayaa jiray ku saabsan yaraynta kaalinta is hortaagga gargraarku ku lahayd macaaluushii sababtay in dad ka badan 300,000 geeriyoodeen. Yuusuf Wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid, uu dib u qabsaday Baydhaba 1995kii, isagoo sheeganayay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Markii Maxamed Siyaad Barre Qabsaday Baydhaba 1991kii 1991kii, intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ay dowladda Jabuuti abaabushay, waxaa jiray dadaallo la doonayay in Maxamed Siyaad Barre dalka lagaga saaro. Ururkii Somali National Front oo uu hoggaaminyay Cumar Xaaji Masalle ayaa loo diiday inuu ka qeybgalo shirka Jabuuti halka ururkii SPM loo oggolaaday inuu ka qeybgalo shirka. Cabdirsiaaq Xaaji Xuseen (oo ra’isal wasaare ka ahaa Soomaaliya 1964-1967) iyo Maxamed Abshir Muuse (oo ka hor 1969kii mar ahaa taliyaha ciidanka booliska) waxay aad ugu ololeeyeen in Maxamed Siyaad Barre laga saaro Soomaaliya. Bishii Agoosto 1991kii ayay ciidammadii Siyaad Barre qabsadeen Baydhabo oo ay haysteen ku dhowaad sagaal bilood. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu shirkii Jabuuti dhigtay uga qeybgalay oday Soomaaliyeed ahaan halka Maxamed Abshir Muuse uu metelayay ururkiia SSDF isagoo Ra’iisal Wasaare ku xigeen ka ahaa dowladdii ururkii USC dhisay 1991kii. Cabdirisaaq iyo Maxamed Abshir waxay ogaayeen dhibaatada nin madaxweyne ahaa oo dib ugu noqday degmada uu ka soo jeedo geysan karo, waa ka hor inta uusan Siyaad Barre waraysi siinin telefihsin Talyaani ah qeybtii dambe ee 1991kii, waraysigaas oo ku sheegay inuu weli aamminsan yahay inuu yahay Madaxweynaha Soomaaliya. Mohamed Sahnoun waxaa siray qabqablayaashii 1992kii. Ka badan 300,000 oo qof ayaa u geeriyooday macaluushii 1992kii ku dhufatay Koonfurta Soomaaliya. Sanadkii 1992 ayuu Maxamed Abshir Muuse, oo maamulayay gobolladii la isku oran jiray Waqooyi bari (Waqooyiga Mudug, Nugaal iyo Bari) u sheegay Newsweek in sida keliya oo looga hortagi karo in macaluushu sii fiddo ay tahay faragelin aadaminimo. Wax qarsoon ma ahayn in ciidammadii Jeneraal Caydiid ay boobeen gargaarkii laga soo dejiyay dekedda Muqdisho looguna talaggalay in lala gaaro dadkii ay macaluushii 1992kii ay saamaysay. Boutros-Boutros Ghali: ”Hawlgalkii Sahnooun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda.” Haddii hub badan uu gacanta u galo ciidan beeleed sita magac siyaasadeed kaddidbna ay qabsadaan degmooyin dadka ku nool aysan hubaysnayn waxaa dhici karta macaluul. Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees ayaa Baydhabo haystay ka hor inta Halwgalkii Rajo Soo Celintu (Operation Restore Hope) uusan billaabanin Diseembar 1992kii. Macaluushii 1992kii waxay ahayd dambi dagaal oo ay galeen hoggaamiyayaashii hor istaagay in gaargaarka la gaarsiiyo dadka ku nool Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool iyo dadkii xoogga ku qabsaday Baay iyo Bakool 1991kii. Qabqablayaashii way sireen Mohamed Sahnoun Kooxaha hubaysan oo ka tirsanaa ururkii Isbahaysiga Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Alliance), waxay sababeen in macaluushu sii fiidday, tirada dadka u dhimanayayna sii badatay. Khudbaddii Madaxweyne George Bush uu jeediyay markii uu ciidammada Maraykanka u soo diray Soomaaliya Diseembar 1992, wuxuu ku tilmaamay hawlgalka tallaabo lagu furayo waddooyinka xiran si gaargaarka loo gaarsiiyo Soomaalida “macaluushoonaysa”. Mohamad Sahnoun, Wakiilkii Qaramada Midoobay u joogay Soomaaliya 1992kii, wuxuu rumeystay hadalladii qabqablayaasha. “Warbixintiisii ugu dambaysay uu ii soo diray 12kii Oktoobar 1992kii, wuxuu qoray ‘inuu xiriir iskaashi oo ku salaysan marka loo baahdo la yeeshay la shaqeeyayaal Soomaaliyeed. Baabuurtooda tiknikada ah ayaa loo adeegsanayaa dhowrista amniga’. Wada xaajooyadan ayaa sababay dalabyada “kooxaha hubaysani” ay sii kordheen, oo waxay ku hanjabeen inay xoog adeegsan doonaan si ay danahooda u gaaraan. Hawlgalkii Sahnoun ahaa in sahayda gargaarka la gaarsiiyo meelaha dadka macaluushoonaya joogaan wuxuu gacanta u galay koox ganacsatada baad ka qaadda” ayuu Boutrus-Bourtrus Ghali Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay, ku qoray buuggiisa Unvanquished: A U.S.-U.N. Saga. Kaddib Sahnoun wuu iska casilay xilkii Wakiika Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya. Boutrus Ghali wuxuu kale oo sheegay in Jeneraal Caydiid si cad uga hor yimid faragalin aadaminimo si loo yareeyo saamaynta macaluushii 1992kii. Dhegweynidii Mohamed Sahnoun, naxariisdarrdii Jeneraal Caydiid, Maxamed Siyaad Barre, Gaashaanle Sare Axmed Cumar Jees iyo Gaashaanle Sare Maxamed Nuur Caliyow ayaa isku kaashaday dadkii ay macaaluushii 1992kii dhibaatada ba’an u geysatay iyo dadkii u geeriyooday. © Puntland Post, 2025 The post Saamayntii macaaluushii 1992 waa la yarayn karay appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — On election night in Fredrikstad, 20-year-old Hashim Abdi broke down in tears as the results flashed on television screens. He clutched his phone to call his mother, the only parent he has left, telling her she was the first person who came to mind when it became clear he had won a seat in Norway’s parliament. Source: Hiiraan Online
-
DADKAN XAMAR KA IMANAYA EE HUBKA SITA IYO KUWA AAN SIDANBBA HALAYNAGA JOOJIYO. Dadkan dhallinyarada u badan ee Xamar ka imanayaa maaha dad la garanayo oo meel loo raaco leh waxay leeyihiin halisteeda ee hay’adaha ku shaqa lihi haynaga joojiyaan wixii aan sabab la garanayo u iman waddanka. Waxa iyana muhiim ah Kuwan sii socda ee Hargaysa ka tegaya in lala socdo safarkoodu wuxuu ku salaysanyay waxaynu ku jirnaa waqti xasaasiya oo loo baahanyay shicibka iyo dawladdu inay dhan uga soo Wada jeestaan dagaalkan xalane innagaga socda ee safarada halista keeni kara. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan adag oo ay ku cambaareysay weerarrada ay Israa’iil ku qaaday guryaha shacabka ee magaalada Doha, caasimadda dalka Qatar. Bayaanka ayaa lagu sheegay in falalkan ay yihiin “xafiltan militari argagixiso” oo si cad u xad-gudub ugu ah madaxbannaanida qaranka Qatar iyo nolosha dadka rayidka ah. Soomaaliya waxay ku tilmaantay weerarradan kuwo ka hor imanaya dhammaan heshiisyada iyo shuruucda caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in weerarradan ay yihiin khalad sharciyeed oo cad, isla markaana ay khatar weyn ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxa ay ku baaqday in Golaha Ammaanku si degdeg ah uga falceliyo, tallaabooyin cadna ka qaado si loo joojiyo xad-gudubyada joogtada ah iyo in la ilaaliyo shacabka aan waxba galabsan. Soomaaliya waxay sidoo kale ku adkaysatay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, iyadoo si buuxda u diidayso dhammaan noocyada gardarrada iyo duullaanka. Source: goobjoog.com
-
Duqeymaha ay Israa’iil ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa dhaliyay cambaareyn ballaaran oo caalami ah, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu weerarka ku tilmaamay xad-gudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo nabadgelyada dhuleed ee Qatar. Mr. Guterres ayaa sheegay in Qatar ay kaalin muhiim ah ka qaadatay dadaallada nabadeed ee gobolka, gaar ahaan heshiisyada xabbad-joojinta Qasa iyo sii deynta maxaabiista, sidaas darteedna weerarrada noocan oo kale ahi ay wiiqayaan nabadda, xasilloonida iyo dhexdhexaadinta Qatar. Cambaareyntan Qaramada Midoobay waxaa ku biiray dalal dhowr ah oo caalami ah, ayadoo Turkigu uu ku tilmaamay weerarkaas fal gardarro ah oo liddi ku ah sharciga caalamiga ah, halka Iiraan ay sheegtay in uu caddeyn u yahay gardarrada joogtada ah ee Israa’iil. Masar iyo Urdun ayaa ayaguna ku baaqay in la joojiyo falalka colaadeed ee hurin kara xiisadda, halka Midowga Yurub iyo Faransiiska ay Israa’iil ugu baaqeen in ay ixtiraamto madax-bannaanida dalalka gobolka. Dhanka kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaareysay weerarka, waxayna ku tilmaamtay isku day lagu carqaladeynayo kaalinteeda dhexdhexaadineed ee gobolka, iyadoo xukuumaddu ay ballan qaaday in aysan ka tanaasuli doonin kaalinteeda nabadeed. Duqeymahan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in ay horseedaan xaalad kacsanaan cusub ah oo gobolka ka qaraxda, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan Qasa. Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid saameyn ku yeelan karta xiriirka diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka, balse ay sidoo kale xoojisay taageerada caalamka ee Qatar. Source: goobjoog.com
-
Hargeisa (HOL) — Somaliland’s government said Tuesday it will continue enforcing its Visa on Arrival system, directly rejecting Somalia’s new electronic visa requirement for all travellers entering the country. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Puntland ee howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ayaa maanta gacanta kusoo dhigay rag ajaaniib ah oo loo arko halis, kana soo firxaday maleeshiyaadka kooxda Daacish ee lagu jabiyay dagaallada ka socda halkaasi. Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Howlgalka Calmiskaad ayaa waxaa lagu sheegay in ragga la qabtay oo laba ah ay doonayeen in ay si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Boosaaso, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ammaanka oo ku qabtay aagga togga lagu magacaabo Gaaca oo horay looga xoreeyay maleeshiyaadka Daacish. “Ciidanku waxay qabteen labo xubnood oo Ajanabi ah kuwaasi oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, isla markaasina isku dayayey in ay dhuumasho kusoo galaan Boosaaso, hawlgalka ayaa ka dhacay Togga Gaaca” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Sidoo kale, Puntland ayaa sheegtay in ajaaniibta la qabtay ee kasoo jeedaan Itoobiya, ayna kasoo baxeen kooxda Daacish ee looga adkaaday dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ragga la qabtay ay haatan ku socdaan baaritaanno, waxaana loo gudbiyay taliska qaybta booliska ee gobolka Bari. “Labada Nin waa Itoobiyaan mid uu waxyar ka yaqaano Soomaaliga, wuxuu sheegay in ay kasoo baxsadeen Argagixisada . Ragan waxaa mid walbo wata bac ay ku jiraan Bariis, Yaanyo shiidshiid, Basal iyo Caagad Biyo ah” ayaa lasii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska howlgalka Calmiskaad. Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Waxaa hadda lagu soo wareejiyay Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Bari. Ciidanka ayaana sii wadaya Hawlgalada ciribtirka Argagixisada Daacish iyo ka hortegista firxadka Argagixisada isku dayaya in ay soo galaan magaalooyinka waaweyn”. Ciidamada ayaa weli howlgalka sii wada, waxaana ujeedka uu yahay in laga hortago firxadka argagixisada iyo suurtagalnimada weeraro ay kasoo abaabulaan buuraha hoostooda. Tan iyo marka ay billowdeen howlgallada Calmiskaad, ciidanka Puntland ayaa xoreeyay dhul ballaaran, waxaana sidoo kale ay nolosha ku qabteen xubno ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana kamid ahaa ajaaniibta soo gacan galay nin kasoo jeeda dalka Turkiga, kaas oo ay horay usoo bandhigtay Puntland.
-
XASAN SHIIKH WAA FINDHICILKII LA YIDHI SOO HADAL QAADKIISAA XUN XALANUU JOOGAAYE MA HADALBBAA U BANAAN. madaxda maamulka xalane waxay ku fashilmeen hogaamintii soomaaliya oo ay aqoontoodu ka soo ooday Waayo xukunka waxay u yaqaanaan in dhiig la dhex dabbaasho. Waxay dagaallo lagu riiqmay ka dhex abuureen dhammaan maamuladij loo doortay waxay si fool xun oo waxshinimo ah qaraxyo ugu laayeen dad aan qiyaas lahayn gaar ahaan magalada xamar. Damiirkoodu waakaas Soomaali meeshii ka bedqabtay ee s/Land u xalaaleeyay inay dab geliyaan ee aan qarsanayn hoogga ay geliyeen dadkii reer laascaanood waakuwaas maanta shabaabkii xamar u soo raray buuhoodlle iyo laascaanood, dadka reer s/Land waxaan leeyay xasan waa findhicil soo hadal qaad ma leh ee hallayska crliyo. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Laanta dambi baarista C.I.D ee Booliska Somaliland ayaa maanta soo gabagabeysay baariska kiiska Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xuseen Caddib oo dhawaan laga helay isaga oo mayd ah qolkii uu ka deganaa huteel Xaaji Ibraahim oo ku yaalla degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa. Madaxa baarista C.I.D Gaashaanle Daahir Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay baaristooda, wuxuuna sheegay inay ku ogaadeen in marxuumka ay ku qaraxday bistooladdiisa, isla markaana uu sidaas ku dhintay. “Qolka waxaa loogu tegay biskooladdii marxuumka oo qashir ku go’an yahay oo ak-taalla maydka maxuumka” ayuu yiri madaxa baarista oo faah-faahin ka bixiyay natiijadooda. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Marxuumkaas waxaa sabab u noqday bistooladdaas oo ku qaraxday, sidaas daraadeed waxaa kiiskaas kusoo gabagabeyneynaa inaan u gudbino xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qaranka”. Dhinaca kale xeer-ilaaliyaha guud ee ciidanka Somaliand oo loo gudbiyay baarista ayaa isaguna sheegay inay u cadaatay in marxuumka dilkiisa aanu ka dambeyn cid kale, balse ay sabab u noqotay bistooladdiisa oo ku qaraxday, sidaasna ay kusoo laabeen kiiska. “Waxaa noo cadaatay in marxuumka ay geeridiisa sababtay biskooladdiisii oo isagu cabbeeyay keebkana qabtay, kuna qaraxday, maadaama caynkaa ay tahay sharcigu wuxuu nafarayaa in kiiskaas sidaas lagu oodo” ayuu isna yiri xeer ilaaliyaha guud ee ciidanka General Axmed Cadib ayaa ahaa sarkaal muhiim ah oo ka tirsanaan jiray jabhadiid SNM, waxaana geeridiisa ay dhalisay shaki xooggan, illaa heer lala xiriiriyay sirdoonka Puntland’ Hase ahaatee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland ee PISA oo qoraal soo saartay ayaa iska fogeysay eedeynta loo jeediyay, waxaya tilmaamtay in ay been abuur yihiin wararka la baahiyay ee ku aadan in iyagu ay ka dambeeyeen dilka loo gaystay Axmed Caddib, kaas oo hadda la xaqiijiyay inay ku qaraxday bistooladdiisa.
-
Doha (Caasimada Online) – Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda dalka Qatar ee Doha, ayada oo lagu warramayo in qaraxyadu ay ka dhasheen weerar lagu beegsaday mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan ururka Xamas. Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ciidankooda cirka, iyagoo kaashanaya hay’adda ammaanka gudaha ee Israel ee Shin Bet, ay isku day dil qorsheysan ka fuliyeen caasimadda Qatar, kaasoo lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee Xamas. Waxay sheegeen in xubnaha Xamas ee la weeraray oo aan la magacaabin ay hoggaaminayeen hawlaha ururkaas muddo sannado ah, waxayna intaas ku dareen inay sii wadi doonaan tallaabooyinka ay “kaga adkaanayaan ururka argagixisada ah ee Xamas”. Weerarkan ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii taliyaha ciidanka Israel, Eyal Zamir, uu ku hanjabay in la khaarijin doono hoggaamiyeyaasha Xamas ee dibadda ku nool, iyo saacado kadib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Gideon Saar, uu sheegay in Israel ay aqbashay hindise xabbad-joojin ah oo ku saabsan Gaza, kaasoo uu soo bandhigay Mareykanku. Ilo-wareed sare oo ka tirsan Xamas ayaa u sheegay Al-Jazeera in hoggaamiyeyaal ka tirsan ururka lagu beegsaday magaalada Doha, xilli ay ka wada hadlayeen hindisaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee la xiriira xabbad-joojin laga hirgeliyo Marinka Gaza. Majed Al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qatar, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in dalkiisu uu “si adag u cambaaraynayo” weerarka, oo uu tilmaamay in lagu qaaday dhismayaal la degganyahay oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamas. “Weerarkan dembiga ah wuxuu ka dhigan yahay xadgudub bareer ah oo lagu sameeyay dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, waana khatar weyn oo ku wajahan amniga iyo badqabka muwaadiniinta Qatar iyo dadka deggen,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Iyadoo si adag u cambaaraynaysa weerarkan, Dowladda Qatar waxay cadaynaysaa in aysan u dulqaadan doonin dhaqankan taxadar la’aanta ah ee Israel iyo faragelinta joogtada ah ee ay ku hayso amniga gobolka, iyo sidoo kale tallaabo kasta oo lagu beegsanayo amnigeeda iyo madaxbannaanideeda. Waxaa socda baaritaanno heerka ugu sarreeya ah, waxaana faahfaahin dheeraad ah la shaacin doonaa marka ay soo baxdo.” Weriyaha Al-Jazeera, Suhaib al-Assa, ayaa soo sheegaya in goobta ay Israel ku beegsatay magaalada Doha ay tahay xaafad ay dad rayid ah deggan yihiin, oo aysan ahayn goob ka go’doonsan dadka. Al-Assa wuxuu saraakiisha amniga ka soo xigtay inay sheegeen in mudnaantooda koowaad ay tahay sugidda amniga goobta weerarku ka dhacay iyo in la ogaado baaxadda khasaaraha soo gaaray dad iyo hanti. “Habraacyada ammaanku waa kuwo aad u adag, sababtoo ah waxaan ka hadlaynaa goob aad xasaasi u ah,” ayuu yiri.
-
Ciidamada Israel ayaa maanta weerar cirka ah ku qaaday magaalada Doha ee dalka Qatar, iyagoo sheegay inay si gaar ah ugu beegsadeen madaxda sare ee Xamaas. Waxaa lagu waramayaa in weerarka lagu bartilmaameedsaday Khaliil Al-Xaya, madaxa siyaasadda Xamaas, iyo Zaahir Jabaariin, oo ka mid ah hoggaanka sare. Sidoo kale waxaa warar horudhac ah tilmaamayaan inuu goobta ku sugnaa Khaalid Mishcal, oo ka mid ah masuuliyiinta ugu caansan Xamaas, balse xaaladdiisa wali lama xaqiijin. Qaraxyada ayaa laga maqlay agagaarka Katara District ee caasimadda Qatar. Dowladda Qatar waxay cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida iyo sharciga caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia officially inaugurated Africa's largest hydroelectric dam on Tuesday, a project that will provide energy to millions of Ethiopians while deepening a rift with downstream Egypt that has unsettled the region. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay ka qayb-galka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaflada furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka hirgelisay wabiga Nile. Tallaabadan ayaa dhaawac siyaasadeed ku ah Soomaaliya, sidoo kalena ku lumin karta saaxiibadii la galay dagaalkii diblomaasiyadeed ee ka dhanka ahaa damicii badda ee Itoobiya, kaasi oo si cad ugu gardarootaya qarannimadeenna. Ka qeyb-galka Soomaaliya ee dabaal-degga ayaa mugdi gelin karta saaxibtinimada istiraatiijiga ee soo jireenka aheyd ee Masar oo si weyn u diidaneyd biyo-xireenka Itoobiya. Masar ayaa biyo-xireenkan u aragta khad cas ah oo halis ku ah amni qarankeeda iyo kan Suudaan. Sidoo kale, tallaabada uu maanta qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburineysa isbaheysigii saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Masar iyo Eritrea looga dhawaaqay Asmara October 2024. Haddaba sidee looga fal-celiyay ka qayb-galka Madaxweyne Xasan ee furitaanka biyo-xireenka wabiga Nile? Tawane Gureey: “Madaxweynuhu waa madaxweyne qaran cidna mooro ugu majiro meeshii laga casuumo wuu tagayaa madaxweynayaa Afrikaan ah ayaa joogo kuwaas ayuuna l simanyahay ee Soomaaliyey aflagada halaga dhafo madaxweynaha”. Maxamed Cabdisalaan: “Waxaa lagu muransanyahay muxuu ka doonay asagoo safiirkiisa u diri kara waa fashil ina Culusow”. Suldaan Faarax Baane: “Waxaan rag iyo rabbi aqoon weeye Xasan Sheekh Masar iyo Sudan balantii wuu uga baxay” Maxamed Cabdiweli: “Waxaan dowladdaan u qirayaa anoo mucaarad ku ah in wax aad xiligiinii ku fashilanteen oo ah amniga Caasimadda inay ku guuleysteen”. Nuur Dhangad: “Xasan Sheekh meel kasta oo laga waco in uu tago haddii uu rabo isagaa cirka roob ku og”. Xuseen Cismaan: “Madaxweynaha wax aRrintaan kala taliya mala waayeY, mise odeyga nasiib daRro Isagaa keligiis go’aanka qaata!!!!”.