-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Golaha Wakiilada Somaliland oo Ansixiyey Miisaaniyada 2023 Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ayaa ansixiyey miisaniyada 2023 . Codku wuxuu u dhacay sidan:- Golaha waxa fadhiyey 65 Waxaa ogolaadey 55 Xildhibaan . Waxaa diiday 4 Xildhibaan Waxaa ka aamusay 5 xildhibaan . Qaran News
-
Aqalka Guurtida ayaa loogu daray miisaniyada qaranka 1 bilyan oo shilling oo daawayntooda ah, wakhti Muwadiniintu baahi u qabtaan in dhanka caafimadka wax loogu qabto lacagtaas madaama xubnaha golahaas kumanaan dollar oo cashuurta muwadininta ah ay qaatan. Sidoo kale Golaha Wakiilada Somaliland ayaa miisaaniyada 2023 ku kordhistay 13 bilyan iyo dheeraad shilinka Somaliland ah oo la sheegay in loogu talo galay hawlaha golaha. Qaran News
-
Ganacsade Jabuutaawi ayaa Somaliland iskaga baxay,waxaanuu u gudbay,dhinaca Puntiland gaar ahaana magaaladda Garoowe. Arintani ayaa ku soo beegmaysa xili uu jiro muran dhinaca ganacsiga jaadka ah,oo u dhexeeya isaga iyo xukuumada Somaliland. Diyaarad sida Qaadka Miirooga Kenya ayaa Subaxnimadii hore ee saaka ka degtay Buuhoodle sida ay ku waramayaan dadka deegaanku.Qaadkani miirooga ayaa markii hore ka dagi jiray magaalada Laascaanood balse hadda Muran ka taagan halkaa awgii loo wareejiyey Garoonka Buhoodle. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad howlgal amni xaqiijin ah ka wada dhismihii la weeraray ee hoteelka Villa Rays, kaas oo ay habeen gudaha u galeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Qoraal uu soo saaray afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha hoteelka laga helay haraadiga qaraxyo ay wateen raggii gudaha u galay hoteelka oo dhammaantood toogasho lagu dilay markii laga tego ninkii is qarxiyey. Afhayeenka ayaa shaaca ka qaaday in goordhow hay’adaha amnigu ay qarxin doonaan miinooyinkaasi, isaga oo farriin u diray shacabka reer Muqdisho. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in Ciidanka Booliska ay goor dhow qarxin doonaan haraadiga waxyaabaha qarxa oo yaalla Hotel Rays,” ayuu yiri Doodishe. Sidoo kale wuxuu ka codsaday shacabka in aysan walwal muujin inta uu socda howlgalka qarxinta ah ee ay sameynayaan ciidamada Booliska, gaar ahaan kuwa miino baarista. “Waxaan dadweynaha sharaf leh ka codsaneynaa in aysan hawlgalkaas qarxinta ah u arkin mid khatar ku ah nabad-gelyadooda.” ayuu hadalkiisa ku sii daray. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerarkan lagu dilay illaa 8 qof, islamarkaana lasoo badbaadiyey illaa 60 kale oo isugu jiro dad shacab ah iyo mas’uuliyiin. Weerarkan oo saacado badan qaatay ayaa kusoo aaday, ayada oo haatan gobollada dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo jab xoogan lagu gaarsiiyey kooxda Al-Shabaab. The post Qaraxyo laga helay Villa Rays iyo Booliska oo shaaciyey arrin uu sameynayo appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarao deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegaaan in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay isaga soo baxeen, kuwaas oomuddooyinkii dambe ku sugnaa halkaas oo ay kala wareegeen Al-shabaab, lamana oga sababta ka dambeysan in ciidanka ay isaga baxaan deegaanka. Xooggag ka tirsan Al-shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Qaayib sida ay sheegayaan wararka, ila wareedyo ayaa inoo sheegay in ciidanka dowladda ee isaga baxay Qaayib ay aadeen dhanka Dhuusamreeb, halka ciidanka deegaanka ay u dhaqaaqay dhanka degmada Baxdo ee bariga gobolka Galgaduud. Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka, kaas oo sababtay in ay isaga soo baxaan deegaanka, oo qabsashadiisa ay muhiimad u laheyd sidii lagu gaari lahaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab. Al-ashabaab ayaa dhowr jeer deegaanka kusoo qaaday weerarro ku bilowday qaraxyo iyo dagaallo toos ah, kuwaas oo dhaliyay khasaare kale duwan, majiro wax war ah oo kasoo baxay taliska xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku aadan in deegaanka laga soo baxo ay muddo ku sugnaayeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo ku soo aaday weerarkii ay Shabaab ku qaadeen hotelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada booliiska ee qeybta Waliyoow-Cadde, waxaana si gaar ah looga sameeyey degmada Xamarjajab. Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa ciidamada Booliska Xamarjajab iyo maamulka degmadaasi, iyada oo ciidamadu ay isku fidiyeen xaafadaha ay dagan yihiin dadka shacabka ah. Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, waxaana halkaas kula hadlay saraakiisha ciidamada oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayada kadib la sii daayey dadkii lasoo qab qabtay. Isaaq Maxamed Ciise oo ah taliyaha qeybta Waliyow-Cadde oo la hadlay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in jeedkooda uu ahaa la dagaalanka kooxaha ku howlan amniga darrada, kuwa ka ganacsada maandooriyaha iyo burcaddadhaca u geysata rayidka. Taliyaha ayaa intaasi kusii daray in howlgalka uu sii socon doono, islamarkaana ujeedka uu yahay, sidii loo sugi lahaa guud ahaan amniga degmooyinka gobolka Banaadir. Magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalad amni adag, waxaana culeyska soo saartay kooxda Al-Shabaab oo kordhisay weerarada ay ka fuliso gudaha caasimada. The post Howlgal culus oo ka dhacay magaalada Muqdisho kadib weerarkii hoteel Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama ayaa intuu ku sugnaa dalka Niger wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum isagoo kala hadlay qodobo ay kamid yihiin in labada dal oo kujira duruufo isku dhaw ay u yeeshaan xidhiidh dhaw, kana wada shaqeeyaan horumarka labada dal. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u gudbiyay Madaxweynaha Niger in lasoo daayo 5 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo sannad ku dhaw ku xidhnaa dalkaas. Madaxweyne Bazoum ayaa dhankiisa sheegay in uu u kuur-gali doono xaaladda dhallinyaradaas kadibna wax ka qaban doono si degdeg ah. Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha dalkaas marti gelinta shirka Warshadaynta iyo isu-dheelli tirka dhaqaalaha oo muhiimad gaar ah u lahaa dalalka Afrika, Saalax ayaa dalkaas kaga qeyb galay shirka ay isugu yimideen Afrika oo looga hadlayay hormarinta iyo dfhanka Warshadaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA ayaa bixiyey xog ku aadan weerarkii saacadaha badan qaatay ee Habeen hore Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada. Korneel Macow oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay muddo abaabuleysay weerarkan oo lagu beegsaday meel amnigeeda si weyn loo ilaaliyo oo ku taal agagaarka xarunta Villa Soomaaliya ee dalka looga arrimiyo. “Shaxda waxa ay ka bilaabeen kow waxa ay sahmiyeen meesha ay weerarayaan, waxa ay ogaadeen waqtiga ugu haboon oo la weerari karo, waxa ay diyaariyeen gaadiidkii iyo ciidankii iyo sidoo kaleqaraxyada iyo hubka ay saacadaha ku dagaalameen,” ayuu yir. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay adeegsatay xeelad aad u sarreysa, islamarkaana ay degtay shax cajiib ah, si ay u fuliso howlgalkan oo saacado badan qaatay. “Waxyaabaha yaabka leh waxaa kamid ah xeyndaabka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed oo meel walba ka xiran in weerar noocaas oo kale ah uu ka dhaco, laakiin waxyaabaha mucjisada waxaa waayey qaabka ay howlgalka u sameeyeen Al-Shabaab iyo shaxda ay soo dageen,” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey in arrintan ay jab ku tahay dowladda federaalka, maadaama uu weerarka ka dhacay agagaarka gurigii uu daganaa madaxweynaha. “In meeshaas la yimaado ayaaba ma aragtay jab ku ah dowladda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey. Dhinaca kale wuxuu shaaca ka qaaday in sababta dheereysay howlgalka ay ugu wacan tahay wada shaqeyn la’aanta hay’adaha amniga, gaar ahaan ciidamada dowladda. “Dagaalka waxa dheereeyey waxaa waayey ciidamada oo wada shaqeyn aysan ka dhaxeynin” ayuu ku daray Korneel Macow. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dalka inay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo looga hortegayo kororka weerarada Al-Shabaab ee ka dhacaya magaalada Muqdisho. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa in ay qaadaan talaabo deg-deg ah oo ku aadan weerarkii Villa Rays” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey. The post XOG: Sidee AL-SHABAAB u qorsheeyeen weerarkii Villa Rays? appeared first on Caasimada Online.
-
Qoys ka kooban shan ruux ayaa xalay lagu laayay tuulo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, sida laga soo xigtay dadka degaankaas. Qoyskan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay tuulada Xaluule, oo ka tirsan degmada War-sheekh ee gobolka Shabeellada dhexe. Marxuumiinta oo dhammaantood rayid ahaa sida wararku sheegayaan loo laayay aanooyin la xiriira colaad qabiil oo ka aloosan degaanka. Dabley hubaysan oo dil-wadareedkan fuliyay ayaa goobta isaga baxsaday islamarkaana weli laguma guulaysan in gacanta lagu dhigo. PUNTLAND POST The post Qoys dhan oo xalay lagu laayay gobolka Shabeellada dhexe appeared first on Puntland Post.
-
Islamabad (Caasimada Online) – Garabka hubaysan ee Taliban ee ka dhisan dalka Pakistan ee loo yaqaano Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP), ayaa ku dhawaaqay inay ku amreen dagaalyahanadooda inay qaadaan weeraro argagixiso oo ka dhan ah dawladda Pakistan, arrintaas oo soo afjaraysa xabbad-joojintii halka dhinac ahayd ee kala dhexeysay xukuukadda dalkaas. Ururka Talibanta Pakistan ayaa sheegay in go’aankoodan inay ku saleeyeen iyaga oo kaga falcelinaya hawlgallada milateri ee ay dawladda Pakistan ku beegsanayso dagaalyahannadeeda ku sugan magaalooyin kala duwan ee ku yaalla dhinaca woqooyi galbeed ee dalkaas. “Haatan waxaa lama huraan ah inaad weeraro ka geysataan meel kasta oo suurogal ah” ayaa lagu yidhi go’aanka ka soo baxay kooxda Talibanta Pakistan, iyada oo bayaankan u marisay dagaalyahanadeeda dhinaca warbaahinta, nuqul ka mida qoraalkaas waxaa heshay VOA. Kooxdan ayaa ku jirta liiska argagixisada ee Qaramada Midoobay iyo tan Maraykanaba, waxayna gacansaar dhow la leeyihiin kooxda Taliban ee ka talisa dalka Afghanistan. TTP ayaa sheegatay mas’uuliyadda boqolaal qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro kale tan iyo markii ay ka soo shaac baxeen Pakistan 2007, waxaana weeraradaas ku dhintay tobanaan kun oo isugu jira rayid iyo ciidamada ammaanka ee Pakistan. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amniga ee Pakistan ayaa ku gacan seydhay sheegashada TTP isaga oo ku tilmaamay inay tahay marmarsiinyo lagaga baxayo heshiiskii xabbadjoojinta. “Haddii ay isku dayayaan in ay dib isugu abaabulaan halkan si ay u sameeyaan falal argagixisanimo, markaa waxaan xaq u leenahay inaan ka hortagno,” ayuu sarkaalku u sheegay VOA. Islamabad ayaa aaminsan in tan iyo markii ay kooxda Taliban ay la wareegtay xukunka Afghanistan, inay iska indho tirtay hawlgallada ay wadaan Talibanta Pakistan, waxaana taasi ay fursad u siisay inay si xor ah, isaga kala gudbaan xuduudda labada dal iyaga oo qorshaynaya hawlgallo. Cabashadan ayaa keentay in xukuumadda Taliban ay dhexdhexaadiso oo ay martigeliso wadahadal nabadeed oo muhiim ah oo u dhexeeya TTP iyo dawladda Pakistan, taasoo horseeday waxa loogu yeedhay “xabbad-joojin hal dhinac ah” bishii Juun. Hase ahaatee saraakiisha Pakistan ayaa weli u arka inaan heshiiskaasi aanu xakamayn weerarada laga soo qorsheeyo gudaha Afghanistan. Masuuliyiinta Talibanta Afghanistan ayaase iyagu diiday in dalkooda laga soo abaabulo weeraro ka dhan ah dalalka deriska iyo kuwa kale ee caalamiga ahba. The post Taalibaanta Pakistan oo ku dhawaaqday weeraro ka dhan ah dowladda Pakistan appeared first on Caasimada Online.
-
Gabadh uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ugu baaqday shucuubka caalamka inay cadaadis ku saaran dawladohooda inay, xidhiidhka u jaraan dalka Iran, taas oo lagaga jawaabayo habka uu dalkaasi u maareeyey mudaharaadada lagaga soo horjeedo xukuumadda ka dhisan dalkaas. Gabadhan oo lagu magcaabo Farideh Moradkhani ayaa muuqaal ay duubtay waxaa internetka ku baahiyey walaalkeed oo ku nool dalka Faransiiska, waxaana muuqaalka la baahiyey ay ku booriyey “in dadka damiirka leh ee dunidu” ay taageeraan debedbaxyada ka socda dalka Iran. Muuqaalkan ayaa la faafiyey ka dib markii la ogaaday in gabadhan la xidhay bishii November 23-keedii, sida ay sheegeen koox dusha kala socota xuquuqda aadanaha ee dalka Iran oo fadhigoodu yahay dalka Maraykanka. Gabadhan Farideh ayaa caan ku ahayd, inay u dhaqdhaqaaqdo xuquuqda rayidka, waxaana dhashay gabadh ay walaalo yihiin hoggaamiyaha sare ee dalka Iran, waxayna noqonaysaa qofkii ugu dhowaa hoggaamiyaha sare ee dalka Iran ee xabsiga la dhigo. Gabadhan ayaa marar kala duwan waxaa loo xidhay hawlaha u dhaqdhaaqa arrimaha bulshada ee ay ku lug leedahay. “Waxaan ka codsanayaa dadka damiirka leh ee dunidu inay na garab istaagaan oo ay dawladohooda ka codsadaan inay aanay falcelintoodu noqon oo keliya hadallo madhan, hase ahaatee ay la yimaadaan ficilo dhab ah oo ay ku hor istaagayaan maamulkan” ayay ku tidhi muuqaalka la baahiyey. Mudaharaadada ka socda dalka Iran ayaa haatan lugaha la galay bishii saddexaad, waxaana ay ciidamada dalka Iran ay isticmaalayaan awood xad dhaaf ah si ay u xakameeyaan. Ugu yaraan 451 ayaa illaa haatan la dilay, oo ay ku jiraan 63 caruur ahi, sida ay sheegtay kooxda xuquuqda aadanaha ee HRANA, halka xabsiga la dhigay illaa 18,173 qof. Associated Press Source
-
Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad beeleed hubeysan ay weerar lagu laayey dad isku qoys ahaa ka geysteen duleedka degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta ee gobolkaasi. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo, Xaluule oo hoostaga degmada Warsheekh, waxaana maleeshiyaadkan ay rasaas ku fureen illaa 4 qof oo isku qoys ahaa. Dadka la laayey ayaa ku sugnaa hal goob waxaana magacyadooda lagu kala sheegay Safiya Sheekh Abuukarow, Abuukar Iidow, Sheekh Muxumed Sheekh Cabdi Celi iyo Sangaabo Maxamuud Xuseen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka dil wadareedkan fuliyey ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi aragagaxa leh ee ay ka geysteen nawaaxiga Warsheekh. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhacdadan ay salka ku heyso dilal la xiriira aanooyin Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaas oo cabsi ku beeray dadka deegaanka. Si kastaba, falkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo dhowaan heshiis rasmi ah laga gaaray colaad beeleed maalmihii ugu dambeeyey ka taagneyd gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan duleedka degmada Cadale, taas oo uu dhammeystirkeeda goobjoog ahaa madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo lagu ballamay in qofkii dil geysta sharciga la geeyo. The post Dad isku qoys ahaa oo lagu laayey duleedka degmada WARSHEEKH + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) -A clan conflict is believed to be the motive of a family massacre on Monday in Middle Shabelle's Warsheikh district, according to neighbours. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dalka Denmark u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mr. Steen Sonne Andersen. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee Somaliland, oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kororsiga uu sameystay Muuse Biixi. Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu safiirka warbixin guud ka siiyey xaaladda guud ee Somaliland iyo nabad-gelyada oo ay iska kaashadaan marwalba shacabka iyo dawladu. Sidoo kale wuxuu u sheegay inay u diyaar yihiin hirgelinta hanaanka dimuquraadiyadda ku salaysan ee arrimaha doorashooyinka oo ay sanado badan kusoo caano maashay Somaliland. Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in kulankaan lagu lafo-guray “sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha ay labada dal hore isaga kaashan jireen ee dhinaca horumarinta arrimaaha bulshada iyo dhinaca dhaqaalaha.” “Wafdiga dhinacooda waxay ka mahadnaqeen sida uu madaxweynuhu u soo dhaweeyey, iyagoo shacbiga Somaliland iyo dawladdoodaba ku hambalyeeyey horumarka ballaadhan ee dhinac walba ah ee ay ku tallaabsadeen.” Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka wehlinayaan ku-xigeenkiisa Ambassador, Ms. Gertrud Birk iyo Wakiilka dalka Denmark u fadhiya Somaliland. The post Sawirro: MUUSE BIIXI oo KULAN xasaasi ah la yeeshay safiirka Denmark + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
I have a photographic memory—but only when it comes to food. Many of my relationships are mapped in meals. I remember exactly which loved one I was with, what we ate, and what we were going through. I’ve feasted with my friends to honor any and every occasion, whether sharing meals in celebration or grazing through the grief. Source: Hiiraan Online
-
Humanitarian organization says it registered 197 more casualties this year compared to 2021 Source: Hiiraan Online
-
Somalia’s worst drought in 40 years has decimated crops and farm animals that many Somalis rely on, forcing large numbers of people to walk for days in search of food, water and medical aid. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar ku qaaday Hotel Villa Rays oo dhowr boqol oo meter un u jira madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo ay haysteen ku dhowaad 24 saac kahor inta aan lasoo afjarin. Afhayeenka booliska Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in kooxda soo weerartay hotelka ay ahaayeen lix maleeshiyo, kuwaasi oo dhammaantood dhintay. Waxa uu intaas ku daray in ciidamada amniga ay dileen shan maleeshiyo, halka mid kalena uu is-qarxiyey. Afhayeenka ayaa sheegay in khasaaraha weerarka uu yahay dhimashada sideed qof oo shacab ah iyo hal askari. Sadiiq Doodishe wuxuu sidoo kale sheegay in lasoo badbaadiyey 60 qof oo shacab ah oo ku sugnaa hoteelka. Haddaba weerarkan ayaa dhaliyey su’aalo u baahan in dowladda ay ka jawaabto. Yaa fududeeyey weerarka? Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar knotrool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. Haddaba sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni, welib ayaga oo hubeysan? Jawaabta kaliya ee su’aashan ay leedahay wa in dad dowladda ku jira ama hay’adaha amniga ay fududeeyeen, waana arrin u baahan in dowladda ay baaritaan ku sameyso, jawaabna ka bixiso. Haddii aanay sidaas dhicin, ha la yaabin in weerarka kan xiga uu noqdo mid madaxtooyada lagu qaado. NISA xagee jirtaa? Weerarada noocan ah Al-Shabaab waxay qorsheeyaan bilo ama toddobaadyo. Haddaba side ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso? Su’aashan ma imaaddeyn haddii aanay NISA toddobaadyadii tegay oo idil noo sheegi lahayn in xogo ay ka dhexheshay Al-Shabaab “ay fududeeyeen weeraro laga fuliyey baadiyaha gobollada dalka qaarkood oo lagu dilay boqolaal Al-Shabaab ah.” Qoraalladii NISA waxay muujiyeen in hay’adda sirdoon ku dhex leedahay kooxda. Maxay yihiin sirdoonka soo sheegaya halka ay joogaan boqolaal Al-Shabaab ah, balse aan soo sheegi karin hoteellada Muqdisho ee weerarada loo qrosheeyo? Kusii darso, hotelkan Villa Rays xitaa kama foga xarunta hay’adda NISA. Maxaa dheereeye howlgallada? Ciidamada ammaanka Soomaaliya waxay howlgallo ka fulinayeen hoteello ay qabsadaan Al-Shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah, hase yeeshee waqtiga howlgallada lagu soo afjaro ayaad mooddaa inuu sii dheeraanayo. Howlgalka Villa Rays wuxuu qaatay ku dhowaad 22 saac, halka howlgalkii kan ka horreeyey ee hotel Xayat uu qaatay 36 saac, oo aheyd waqtigii ugu dheeraa ee Al-Shabaab ay haysteen hotel ku yaalla Muqdisho oo ay weerareen. Haddaba maxay tahay sababta ay waqtiga badan ugu qaadaneyso ciidanka ammaanka inay soo afjaraan weerarada noocan ah? Miyaanay aheyn in khibrad badan laga haysto maadaama muddo lasoo arkayey, iyo inuu jiro qorshe degan oo lagula tacaalo marka ay Al-Shabaab hotel galaan? The post Saddex su’aal oo ka dhashay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hotel Villa Rays appeared first on Caasimada Online.
-
Somali security forces on Monday ended an hours-long siege by Al-Qaeda-linked insurgents who killed eight civilians after storming a prominent hotel in the capital Mogadishu, the police said. Al-Shabaab militants attacked the Villa Rose, a hotel popular with politicians and government officials, in a hail of bullets and explosions at around 8:00 pm (1700 GMT) on Sunday. Source: Hiiraan Online
