Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Croatia have eased past Morocco 2-1 to claim third place in the 2022 World Cup in Qatar. Source: Hiiraan Online
  2. Nimco Ali says Rishi Sunak should sack the home secretary, or risk losing the next election Source: Hiiraan Online
  3. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa markii u horraysay ballan-qaad maaliyadeed u sameeyay dagaallamayaasha ka tirsan Al-shabaab. Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in uu abaal-marin lacageed oo u dhexaysa $10 kun ilaa $30 kun oo Dollar uu siin doono qofkii Al-shabaab ah oo soo dila qof kale oo Shabaab ah islamarkaana cafis loo samayn doono. ” Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa ” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan. ” Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona ” ayuu sii raaciyay Cali Jeyte. PUNTLAND POST The post Cali Jeyte oo abaal-marin lacageed u ballan-qaaday xubnaha Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  4. Mogadishu, Somalia | Xinhua | The World Bank said it has approved a 70 million U.S. dollar International Development Association (IDA) grant to develop resilient water, agriculture, and environmental services for rural communities in Somalia’s drylands. Source: Hiiraan Online
  5. The UN sexual and reproductive health agency, UNFPA, is raising the alarm after 20 girls underwent the proscribed female genital mutilation (FGM) in Kismayu, Somalia’s Jubbaland state, indicating the tough road ahead to end the practice. Source: Hiiraan Online
  6. MOGADISHU, SOMALIA — The Somali military says the country’s national army, with the help of local civilians, has conducted a planned military operation against the Islamist militant group al-Shabab in the Middle Shabelle region, killing at least 50 al-Shabab militants. Source: Hiiraan Online
  7. Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aaadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Mumin ayaa qasriga Madaxtooyadda ee Baydhabo kulan kula yeeshay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane H.E Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen. Kulanka ayaa Guddoomiyuhu Warbixin kooban kaga bixiyay safarkiisa shaqo ee uu ku yimid Koonfur Galbeed, kuna wajahnaa xoojinta iyo iskaashiga labada Dawladood ee dhanka Ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Aadanaha. Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa bogaadiyay safarka Guddoomiyaha ee Horumarinta iyo ka wada shaqaynta iskaashiga bah-wadaagta Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee labada maamul, taaso lagu xoojinayo laamaha caddaaladda iyo bah-wadaagta Xuquuqda Aadanaha. Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday dhisidda Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Dawladda Koonfur Galbeed. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale kulamo gaar ah oo ku saabsanaa Horumarinta iyo Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha la yeeshay Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed mudane Maxamed Nuur Macallin iyo Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Hon. Fahima Cismaan Cumar. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka Puntland oo la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  8. MARKII TALO MEEL LA DHIGO MUXUU U MAROORIYAA MEEL DARAN UU UGA SHAXAA Komishanka Doorashadu hadii amar Madaxwayne ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad waa kii siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan, ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Markaa komishanku wuu qabaa amarkii uu siiyaye yaanu inaga ina wareerinin Hadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran eh farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaasamo isga laftiisu. Hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda kale ee doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore. Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa “xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo Qaran News
  9. Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo maanta fagaare kula hadlay boqolaal ciidanka dib u xoreynta deegaanka ah ee ka aas-aasan gobolka Hiiraan ayaa mar kale balan qaaday abaalmarin uu siinayo qofkii soo dila qof Shabaab ah. Balan-qaadkaan cusub ayaa quseeya xubnaha Shabaab ku jira, isagoo sheegay in qofkii Shabaab ah oo qof kale oo Shabaab ah soo dila uu siinayo 10 ilaa 30 kun oo dollar, isla markaana la cafi doono. Sidoo kale Cali Jeyte ayaa xubnaha Shabaab ku jira ka balan-qaaday hadii ay soo dilaan horjoogayaashooda inuu lacag badan siinayo, cafisna ay dowladdu sii doonto. “Dadku waxay isweydiinayaan Cali Jeyte inuu lacagtaan ku hayaa? Anigu been ma aqaan, Cali Dheere iyo wax lamid ah hadaa soo dishaan 30 kun ayaan idin siinayaa, madaxweynaha ayaa sidoo kale idin cafi doona,” ayuu yiri Cali Jeyte. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ku faanay in wiilashiisa ay dhinacooda uga jiraan halganka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, isagoo ciidanka ku adkeeyey in kooxdaas ay deg deg dalka uga xoreeyaan, si looga badbaado dhagartooda. “Anigu dagaalka ayaan ku jiraa kolonyo aan dhalay ayaa sidoo kale dagaalka ku jirta oo ciidanka ka tirsan, weligiin ma maqasheen Cali Dheere wiilkiisa meel uu ka dagaalamayo? Dhiiga dadkeena ayey ka beec-mushtaraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray. “Lacagtii aan ciidankeena u balan qaadnay ka badan ayaan u balan qaadayaa kuwa maleeshida ka tirsan, nin Shabaab ah hadii uu mid kale oo Shabaab ah soo dilo, waa 10 kun, cafisna waan u balan qaadayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Jeyte. Sidoo kale wuxuu sheegay in aduunka meeshii uu dalbado la geyn doono qofkii soo dila Cali Dheere ama sarkaal kale oo Shabaab ah. Hoos ka daawo The post Daawo: Guddoomiye Cali Jeyte oo balan-qaad yaab leh u sameeyey Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha midowga musharaxiinta ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku qaadaceen qoraal ay maanta wadajir u soo saareen Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Sidoo kale golaha ayaa cadeeyey in wixii ka dambeeya 19-ka bishaan uusan Laftagareen heysan sharciyad uu ku sii joogo kursiga, iyagoo nasiib darro ku tilmaamay baaqashada shirkii uu horay u iclaamiyey Aadan Madoobe in la isugu yimaado 19-ka bishaan December. “Goluhu wuxuu cadeynayaa in habayaraatee wax wadatashi ah aan lagala sameyn war-murtiyeedkii uu maanta soo saaray guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna goluhu cadeynayaa in si buuxda uu u qaadacay bayaankaas,” ayaa lagu yiri qoraalkaan. Golaha ayaa sheegay in K/Galbeed uu weli ka jiro nidaamkii dalka ay ku soo maamuli jirtay Nabad iyo Nolol, sida caburintii bulshada, xanibaadii safarada iyo mudo kororsigii sharci darrada ahaa. Sidoo kale bayaankaan waxaa lagu soo dhaweeyey sii deynta siyaasiyiin ku xirnaa K/Galbeed, iyagoo dalbaday in lasii daayo siyaasiyiin kale oo ay ka xuseen Xasan Aadan Ilkacase oo maamulka u xiran. Sidoo kale waxay golahaan soo dhaweeyeen in dib loo furay kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas oo xirnaa mudo ku dhow hal sano, iyagoo soo jeediyey in waajibaadkooda dastuuriga ah loo madax-baneeyo Xildhibaanada. Hoos ka akhriso bayaanka oo dhameystiran The post Musharaxiinta K/G oo soo saaray go’aan culus kana hor-yimid qorshaha A/Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  11. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ay xaqiijisay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab. Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-shaabab ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed”. “Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-shabaab, 15-kii bishaan” ayaa la raaciyay. PUNTLAND POST The post Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo dilkiisa la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  12. Siyaasiyiinta la magac baxay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo ku sugan Muqdisho ayaa qaadacay qodobaddii ay isku afgarteen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen. Qoraalka ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed ayay ku sheegeen in aan wax wadatashi ah laga sameyn war-murtiyeedkii ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lagu sheegay in dib loo dhigay shirkii dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed ee madlanaa ka hor 19 bishan December. Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed waxay tilmaameen in madaxweynaha Koonfur Galbeed muda-xileedkiisu dhammaaday, uusana haysan wax sharciyad ah wixii ka danbeeya 19 December 2022. PUNTLAND POST The post Mucaaradka Koonfur Galbeed: Laftagareen wax sharciyad ah ma haysto wixii ka danbeeya 19 Dec. 2022 appeared first on Puntland Post.
  13. Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay mas’uul sare ee oo ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye lagu dilay degmadaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag ku hubeysnaa bistoolado. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xaaji Xasan ayaa ahaa guddoomiyaha dhalinyarada degmada iyo sidoo kale guddoomiye waaxeedka Xaawo Taako ee Afgooye. Kooxda dilka fulisay ayaa marxuumka ka toogatay qaybaha sare ee jirka, waxayna kadib ka baxsadeen goobta oo ay mar dambe gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha maamulka degmada Afgooye Mudane Cabdullaahi Maxamed Cismaan ayaa war kasoo saaray geerida marxuumka, isaga oo tacsi u diray ehelladiisa. Cabdullaahi ayaa sheegay in Marxuum Maxamed uu ahaa nin dhalinyaro ah oo firfircoon, isla-markaana howlaha muhiim ah u hayey shacabka degmada Afgooye. “Inaa lillahi wainnaa ileyhi raajicuun. ASWT Hau naxriisto Wllkeen Maxamed oo xubin muhiim ah u ahaa Maamulka Degmada. Waxaa uu ahaa nin Dhalinyar oo howlkar ah hoggaana u ahaa dhallinyarada degmada waxaan Ilaahey u weydiinayaa inuu ka Waraabiyo Janatul Fardowsa. anagana samir iyo Iimaan naga siiyo” ayuu yiri Guddoomiye Cabdullaahi. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u kordhayey weerarada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaya gudaha magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. The post Mas’uul maamulka Afgooye ka tirsanaa oo la dilay appeared first on Caasimada Online.
  14. Ma jirto wax baahi ah oo loo qabo in xiligani bariga iyo qaybo ka mid ah Konfurta Hargeisa loo soo macmalo gobol aan laga fiirsan oo laga jaro gobolka Maroodi jeex, ama la raaciyo gobol kale oo cid gaar ah loo samaynaayo, amaba lagu daro gobolada kale aan iyaguba ilaa hada aan hana qaadin Waxa jira qorshe la fool eryaayo oo aan wax talo ah aan lagala yeelanin dadweyna baaxada leh ee daga deegaanada aan kor ku xusnay marka laga reebo shaqsiyaad aan dadka badankiisa matalin oo aan iyaga laftoodu aan sii daynin wax lagu qanco. Masayrka deegaankayaga waxa xaq u leh in ay ka tashadaan dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka waana in qof kastaa ku qancaa oo ogaadaa waxa soconaaya iyo mugdiga la galinaayo dadka deegaanka wixii talo ahna iyaga loo daayaa Arintani waa arin khatar ku noqon doonta dadka dega bariga iyo qaybo ka mid ah koonfurta Hargeysa waana in dadweynahu fiiro gaar ah u yeeshaan mustaqbalka deegaankooda oo maanta wixii qaldamaa ay saamayn ku yeelan doonto mustaqbalka caruurtooda iyo deegaankoodaba, sidoo kale waxa ay dibada ka noqon doonaan golaha deegaanka ee Hargeysa oo cododkoodii ay meesha ka bixi doonaan Mohamed Osman Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kadib howlgallo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Dhexe, gaar ahaan aagga degaanka Juxaay. Sarkaalka la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), kaas oo bayaanka dowladda lagu sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Al-Shabaab. “Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa ugu horeyn lagu yiri qoraalka. Qoraalkaan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Yuusuf Jingaab wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan Khawaarijta ee qaabilsanaa dhanka marin habaabinta, isagoo horay u qalday dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.” Sarkaalkaan ayaa ka mid ahaa Shabaab-kii lagu laayey degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-yabaal, waxaan lala dilay 87 dagaalame, sida lagu shaaciyey warkaan. “Horjooge Yuusuf Jingaab waxaa lagu dilay hawlgal Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan,” ayaa lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta waxaa lagu yiri “Dawladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo kuwa caadaystay gaboodfallada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.” The post NISA oo shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) appeared first on Caasimada Online.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qormo ka soo saaray askartii laga dilay markii ay gurigiisa ku weerartay dowladdii Farmaajo, 17-kii bishii December ee sanadkii 2017-kii. Cabdiraxmaan Cabdishakuur madaxda dowladda federaalka ka socday in baaritaan lagu sameeyo oo isla xisaabtan uu ka dhasho weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo dembiyo kale oo awooda dowladnimada lagu geystay intii uu xafiiska joogay Farmaajo iyo xubnihii kale ee la shaqeynaayey. Hadii dadkii geystay lagula xisaabtamo wixii dhacay ayuu Cabdiraxmaan sheegay in taasi ay ilaali doonto xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisa, isla markaana ay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa. Hoos ka akhriso qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran: 17 ka December waxay ku beegan tahay, maalinkii ay ciidan Dawladda ah soo weerareen xarunta Xisbiga Wadajir, kuna dileen 5 ka mid ah ilaaladii xarunta, aniga iyo asxaab kalana ay ku dhaawaceen hantina ku burburiyeen, qaarkeedna qaateen. Waxaa kaloo jira gaboodfalo kale oo shantii sano ee ina dhaaftay awoodda Dawladda lagula kacay sida; dilkii Ikraan Tahliil, weerarkii Hoteel Maa’ida, dibad baxii 19 Febraayo iyo isku daygii la doonayey in lagu rido diyaaradii ay Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin kale saarnaayeen. Waxaan Dawladda Federaalka iyo hoggaankeeda ka dalbanaynaa in baaritaan lagu sameeyo fal danbiyeedyadaas, si ay shacabka Soomaaliyeed u ogaadaan xaqiiqada iyo dhabta gaboodfalladaas, ciddii ku lug lahaydna sharciga iyo cadaaladda la marsiiyo. In la iskala xisaabtamo gaboodfalka iyo tacaddiyada awoodda Dawladda lagu gaysto, waxay ilaalinaysaa xuquuqda muwaadinka iyo xurmada dhiigiisii, waxay ka hortag u tahay gaboodfal ay ku kacaan madaxda xukunka haysa, waxay xoojinaysaa saraynta sharciga, waxay dhisaysaa kalsoonida lagu qabo Dawladnimada. Maanta xukun ma hayaan kuwii gaboodfalka gaystay, awooddii ay shalay lahaayeenna maanta ma laha. Haddaba cadaaladdu waa waddada keli ah ee ay ku qanci karaan intii dhibbanaha u ahayd gabood-falkooda, waana sida keli ah ee looga baaqsan karo in sharciga gacanta lagu qaato. Allaha u maxariisto shuhadadii 17 Dec iyo intii kale ee lagu dilay gabood-falyada aan soo sheegay, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo. Aamiin The post CC Shakuur oo madaxda DF u gudbiyey codsi ka dhan ah kooxdii FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.
  17. Nuur Macalin Abuukar Calasow oo kamid ahaa Al-shabaab,ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo dhowaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Goobta lagu soo bandhigayey waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ee Wasaarada Maaliyadda Muxudiin Xasan Juris,Taliyaha Guutada 17aad ee Gorgor Dayax Cabdi Cabdullaahi,Taliyaha Booliska Hiirshabelle Xasan Dhicisow iyo saraakiil kale oo ku sugnaa. Nuur oo muddo ka tirsaanaa Kooxdaan, ayaa loo soo gudbiyey Magaalada Muqdisho.Waxaa muddooyinkaan dambe soo badanaayay inay koo baxaab ,Dhallinyaro badan, kuwaas oo muddo ka barbar dagaalamayay iyaga oo xilligaan wajahaya dagaal kaga imaanaya ciidanka dowladda federalka iyo kuwa dowladda federalka iyo kuwa deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo maalmihii ugu danbeeyey safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa galabta dib ugu soo laabtey . Xukuumada ayaa la sheegay in safarkan Musharax Cirro sas xoogan ka qaadey . Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu ayaa ku dhowaaqay in dowladda federaalka ay qabaneyso shirweyne lagu dhisayo gole sare oo Islaami ah. Xasan Sheekh ayaa hadalka ka sheegay magaalada Minneapolis oo uu habeen hore kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed. “Waxaan qabaneynaa Shirweyne Culimada Soomaaliyeed isugu imanayaan oo aan kaga tashaneyno dhisidda Golaha Sare ee illaalinta Shareecada Islaamka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Al-Shabaab waxay ku xadgudbeen wax walba oo ay diinta Islaamka reebtay. Maanta dowladda waxay u taagan tahay inay dhisto hay’adaha dowladda ee ilaalin lahaa diinta sida Golaha Fatwada.” Madaxweynaha faah-faahin kama bixin sida lagu soo xuli doono culimada ka mid noqon doonta golahan, ayada oo la ogyahay in culimada dalka ay ka kala tirsan yihiin firqooyin kala duwan. Dowladda federaalka ayaa xilligi madaxweyne Farmaajo waxay inta badan ku xirneyd kaliya culimada Ictisaam ama Salafiga oo badankood loo arko inay fikir ahaan yihiin xagjir. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya xilli uu horey u sheegay in Al-Shabaab aan looga adkaan karin militari ahaan balse ay qasab tahay in dhanka fikirka lagala dagaalamo. “Militarigu waa qayb muhiim ah si kooxahan Khawaarijta looga guulaysato balse marka aan ka hadlaynno duruufaha Soomaaliya waxaan go’aansannay in labo jihood lagu siyaadiyo dadaallada socda: Dagaal fikir iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale carabka ku adkeeyey inuu gabagabo yahay qorshaha looga taqalusayo Al-shabaab, sida fikirka, furimaha dagaalka iyo dhanka maaliyadda oo ah seddax jiho ee dagaalka looga qaaday kooxda. “Waxaan idin sheegaya in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ay u kaceen iney ka xoreeyaan Argagixisada, hada waa gabagabo howlgalada lagu xoreynayo oo lagu ciribtiraayo cadawga Al-shabaab, maalmahan xaalada Shabaab-ka waxaan ku sifeeya Kaluun biyihii ka gureen oo aan sii noolaa doonin,” ayuu yiri madaxweynuhu. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhowaaqay shirweyne lagu dhisayo Gole Sare appeared first on Caasimada Online.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta kooxda Al-Shabaab ku laayey deegaan lagu magacaabo Daaru-naciim oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe. War ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in Al-Shabaab maanta deegaankaas looga dilay 40 dagaalame, kuwaas oo isku uruursanayey degaanka Daaru-naciim. “40 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen tuulada Daaru-naciim oo ahayd saldhig ay isku abaabulayeen khawaarijtii laga xoreeyay deegaanka Alkowthar ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri warkaan ay tebisay warbaahinta dowladda. Warka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka ayaa baabi’iyay fariisimihii Khawaarijtu isku uruursanayeen, waxaana Daaru-naciim iyo dadkeeda harsanayaan niicowda xorriyadda.” Wararka madaxa banaan ee laga helayo deegaanadaas waxay sheegayaan in Al-Shabaab lagu duqeeyey maanta gelinkii hore deegaanka Daaru-naciim, halkaas oo aad loogu laayey kooxda. Sawirro laga soo qaaday goobihii lagu laayey kooxda ayaa muujinaya meydad aad u badan, iyadoo dagaalyahanadii Al-Shabaab ay ku wada dhinteen dhufeysyadii u qodnaa. The post DF oo shaacisay tirada Shabaab maanta lagu laayey degaanka Daaru-naciim appeared first on Caasimada Online.
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadka deegaanka Furqaan ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayaa maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS ku wareejiyay rag hubeysan. Raggaan hubeysan ayaa hadda kadib waxay qeyb ka noqonayaan dagaalka socda ee ka dhanka Al-Shabaab, si looga sifeeyo deegaanada ay weli ku harsan yihiin. Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneral Maxamed Tahliil Biixi ayaa uga mahad-celiyay reer Furqaan garab istaaga ay u muujiyeen Ciidanka Qaranka iyo sida ay uga go’an tahay la-dagaalanka argagixisada. Madasha wareejinta ciidanka iyo saanadooda ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxyadiin Xasan Jurus iyo saraakiil ciidan. Tallaabadan ayaa jawaab u ah baaq uu dhawaan jeediyay Jeneraal Biixi, kaasi oo ahaa in dadka deegaanka ay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya dagaalka Al-Shabaab. Deegaanka Furqaan oo hoostagta degmada Aadan Yabaal ayaa waxaa sanado badan gacanta ku hayay Al-Shabaab, waxaana hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhawaan ka xoreeyay argagixisada. The post Sawirro: Dowladda oo lagu wareejiyay rag hubeysan oo qeyb ka noqonaya dagaalka appeared first on Caasimada Online.
  22. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ciidamada amaanka ay maanta soo xireen macalin dugsi Qur’aan oo lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay saddex gabdhood oo yar yar. Gabdhaha loo haysto macalinka dugsiga in uu kula kacay kufsiga ayaa labo kamid ah da’dooda ka yar tahay 10-sanno jir. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in macalinka uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Dhuusamareeb. “Taliska Boliiska Galmudug gaar ahaan saldhiga degmada Dhusamareeb ayaa ku guuleystay soo qabashada Edeysane Shuceyb Cabdi Maxamuud 27 jir macalin dugsi ah oo 3 gabdho oo labo ay yihiin 9 jir midna ay tahay 7 jir kufsi u geystay,” ayey tiri Jeneraal Zakiya. Waxay sii raacisay qoraalkeeda “Waxaana u mahad-celineynaa bulshada sida hufan nagala shaqeysay soo qabashada eedeysanaha. Bulsho iyo boliis is kaashado waxeey ka hortagi karaan balo walba.” Dhacdadaan kufsiga ah ee lagu eedeeyay macalinka dugsiga ayaa noqotay mid bulshada aad uga argagaxeen, waxayna hadal heyn badan ka dhalisay Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb. The post Booliska oo soo xiray macallin dugsi qur’aan oo loo haysto falal naxdin leh appeared first on Caasimada Online.
  23. Hargeysa Bishii waxa ka baxa 50 Gaadhi xamuul oo midkiiba sido 900 KG oo ah hadhaaga iyo qashinka Biraha, dadka soo ururiya Biraha Ganacsatada suuq gaysaa waxay ka siistaan Kiiloogii 1500 SLSH, Ganacsatadu marka ay geeyaan Itoobiya waxay ka siiyaan Warshadaha dub u farsameeya (Manufacture metal recycle) Kiiloogii 40 Riyaal oo u dhiganta 4000 SLSH, Hantidani waxay ku baxadaa qiime jaban iyo qorshe xumo, Kastamadeenu waxay ku Cashuuraan Gaadhiga sida 900 KG 600,000 SLSH, Birta la gurayaa waa Khayraad dalku Mustaqbalka ka faa’idaysan karo, Dal kasta wuu ilaashadaa Hantidiisa nooc kasta ! Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo loo haystay falal argagixisanimo, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ka wada-shaqeeyaan dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale. War-saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ayaa lagu sheegay in raggaan isku xiran lasoo qabtay xili ay ku fashilmeen qorshe ay ka fulinayeen, islamarkaana ay soo dhameysteen dhamaantood habraacyadii maxkamadeed 10-kii bishaan. “Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahlanaantay Ciidamada aan muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.” Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Kooxdaan ay ka koobneyd koox jugta culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, kuwaasi oo lahaa Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo. Xukunada kasoo baxay Maxkamadda ayaa u dhacay sidan: Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October sanadkan. Xasan Cali Xuseen Ibraahim – Xukun Dil ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawac dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday marxuumka ka hor inta uusan geeriyoon. Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – waxa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo kan Caafimaadka Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – waxa lagu xukumay Shan sanno oo xabsi Ciidan ah, waxaana dhex-martay lacag ka badan sedax kun oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle – waxa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi Ciidan ah, wuxuuna ahaa fura-hayaha guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada. Qoraalka kasoo baxay maxkamadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ay maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, ayna u celisay xorriyadooda. The post Shabakaddii ugu weyneyd Al-Shabaab ee Muqdisho oo maanta xukun lagu riday appeared first on Caasimada Online.