Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wararka ka imaanaya Gacanka Guardafui ee Puntland ayaa sheegaya in halkaas lagu la’ yahay doonni kalluumeysi. Doonnida oo uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed ayaa ka dhooftay marsada Caluula waxaana ay ku sii jeeday dalka Yemen. Xogaha ayaa sheegaya in mudda afar cisho ah la la’ yahay doonnida iyo dhammaan dadkii saarnaa. PUNTLAND POST The post Doonni kalluumeysi iyo dadkii saarnaa oo lagu la’ yahay xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  2. His reporting on delayed care for military veterans at Veterans Affairs hospitals led to the resignation of the secretary of the department. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) - The Somali National Army (SNA) said on Monday that 150 al-Shabab extremists were killed after a week-long operation in the country's Middle Shabelle area. Source: Hiiraan Online
  4. ADDIS ABABA, Dec. 19 (Xinhua) -- Ethiopia is experiencing one of the largest education crises globally, mainly due to internal conflict and the effects of climate change, a senior UN official has said. Source: Hiiraan Online
  5. The rising cost of living is having an impact on Canadians sending money home Source: Hiiraan Online
  6. Somalia President Hassan Sheikh Mohamud said on Monday that soldiers training in Eritrea will begin returning home this month in an exercise expected to last until January. Source: Hiiraan Online
  7. Belet Weyne – It is 6:00 a.m. and Mohamed Dhicis is up and ready for work. Dressed in a thick, white cotton canvas suit, which covers his entire body, he walks into the apiary housing tens of thousands of bees. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa fasiraad cusub ka bixiyey muddo kororsiga uu sameystay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Fiqi ayaa intii uu ahaa guddoomiyaha baarlamanka Koonfur Galbeed waxay kordhiyeen muddo xileedka madaxweynaha, waxayna gaarsiiyeen shan sano, halka uu markii hore ahaa afar sano. Guddoomiye Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in tallaabadaas ay aheyd mid ay isku waafajiyeen muddo xileedka baarlamaanka iyo kan madaxweynaha Koonfur Galbeed, balse aanay aheyn muddo kordhin. “Waxaan u arkeynay arrin sharci ah ee mudo kororsi ma aheyn, markii aan tallaabadaas qaadnay waxaan muhiim u arkeynay in la is waafajiyo mudo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka,” ayuu yiri Fiqi. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka K/Galbeed wuxuu sidoo kale sheegay in go’aankaas si weyn looga dooday inta aan la qaadan, isla markaana la go’aamiyey in madaxweynaha hal sano loogu daro. “Arrintaan markii laga dooday waxaa la isku qabtay in baarlamaanka 3-sano lagu soo kobo iyo in madaxweynaha sanad loogu daro oo baarlamaanka uu la dhameysto, marka waxaa batay fikirka ah in Madaxweynaha sanad loogu daro, sidaas ayuuna go’aankaan u dhacay,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi. Fiqi oo la weydiiyey waxa ka jira in kursiga guddoomiyaha baarlamaanka K/Galbeed uu weli quud-dareynayo ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aashaas. Ugu dambeyntii Cali Saciid Fiqi ayaa ku baaqay in laga feejignaado in xukunka lagu diriro oo K/Galbeed qalalaase la geliyo, isagoo soo jeediyey in qof kasta uu masuuliyadiisa qaato. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/12/03370000-0aff-0242-15c3-08dae1f253b2_16k.mp3 The post Guddoomiyihii muddada u kordhiyey Lafta-gareen oo fasiraad yaab leh bixiyey appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen degmada Dharkenley ee gobolkaasi Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi. Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo iyo mootooyin ay wateen, inta uu socday howlgalkaas ka dhacay degmada Dharkenley. Taliyaha Saldhig Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay in raggaan soo qabteen, xilli ay dhac u geysanayeen shacabka. “Hadda kuwa gacanta lagu haayo habeen 3-aad ayaan ku guuleysanay inaan soo qabano meel la yiraahdo iga dabagey ayaa intooda badan kasoo qabanay waxay ahaayeen nimanka saacad kasta tooreyda dadka la dhaca oo moobeelada ka dhaca,” ayuu yiri Taliye Jimcaale. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay usii gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada arrintaan, gaar ahaan maxkamadaha, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan. ‘Saldhiggu waa qabte, maxkamadna waa la geeyaa, annaga waan soo gudneynaa,” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay. Dhankiisa guddoomiyaha degmada Dharkenley Yuusuf Xundubey oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay raggan burcadda ah ayaa digniin adag u diray milkiilayaasha mootooyinka Bajaajta, wuxuuna faray inay iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan mootooyinkooda. “Nimanka tuugada ah ee la haayo waxay isugu jiraan kuwa ka gacan siinaayey dhinaca mootooyinka iyo caddeymihii oo lagu haayo waad ujeediin. Shacabka mootooyinka leh waxaan uga digeynaa inay ka fiirsadaan dadka ay mootooyinka u dhiibanayaan,” ayuu yiri. Dhinaca kale ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dil xalay isla Dharkenley, kaas loogu geystay marxuum Axmed Faarax Kaariye oo ka shaqeynayey nootaayo ku taalla halkaasi. Taliska Galbeed ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan nin tuhmane ah, isla-markaana ay haatan ku haayaan baaris ku aadan dhacdadaasi. Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa sare u qaaday howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socdo magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Daawo: Rag hubeysan oo xalay lagu qabtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  10. Halkee ku baxda Lacagta Miisaaniyadda ku jirtaa ? Koobka Horyaalka Horyaalada Somaliland, waxa laga qaadaa Kooxaha Ciyaaraya $117, Koox kasta iyadaa isku qabta Nooliga, Hurdada, Cuntada, Dirayska, Alaamiitada iyo baahi kasta oo Kooxuhu leeyihiin, Ciyaartoyga dhaawac soo gaadho ama jaba Kooxdiisa iyo Qoyskiisa la tacaala, Miisaaniyadda 2022 waxa ku jiray Mashruuca Ciyaaraha $35,294 Muxuu ku baxaa Kharashkaasi ? Koobka ma Kooxa qabsaday oo Kharashka iska bixiya mise Xukuumadda bixisa ? maxaa loogu faanayaa Horyaalka aan hal Koox laga bixin Hotel, Cunto, Dirays, Nool iyo baahi kale ee aan Xukuumad, Xidhiidh iyo Wasaaradi wax ku lahayn ! Mohamed Sidik – Dhamme Qaran News
  11. Maxkamada sare ee UK oo go’aan ka gaadhay in dadka magan-galyo doonka ah loo diri karo Rwanda & inkale Home Office-ku waxa uu ku guulaystay tartan sharciyeed oo ka dhan ah siyaasadiisa ah in dadka magangelyo-doonka ah ee Jooga UK loo qaado Rwanda. Go’aankan ayaa hadda waxaa ku dhawaaqay garsoorayaasha maxkamadda sare ee magaalada London. Garsooraha maxkamada sare ayaa sheegay in go’aanka ogolaanshaha racfaanka dib loo dhigay ilaa 16ka Janaayo 2023. Waxaa si weyn loo filayey in qofkii laga guulaysto dacwadda maanta uu racfaan qaadan doono, taasoo la micno ah in diyaaraduhu aysan si degdeg ah u duulin si ay qof magangalyo doon ah ugu qaadaan Rwanda. Xildhibaan Caroline Lucas oo laga soo doorto deegaanka Cagaaran ayaa xukunka ku tilmaantay “Niyad jab aad u weyn”. Rajada ay dowlada Britian qabto ayaa ah in UK ay noqon karto goob ay dadka magangalyoo doonka ka waereegaan haddiiba dadka loo diri karo Rwanda. Qaran News
  12. Sweden oo ku gacan-saydhay inay Turkiga u gacan galiso weriye ay aad u doon-doonayeen Maxkamadda Sare eE dalka Sweden ayaa joojisay in dalka Turkiga loo gacan galiyo weriye Turki ah oo lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga sanadkii 2016kii. War ay soo saaraty maxkamadda ayaa lagu sheegay in tallaabadaas la joojiyey iyadoo sabab looga dhigay in dambiyada lagu soo eedeyey Bülent Kenes ay ahaayeen kuwo siyaasadeed uuna ninkaas haysto aqqoonsi qaxootinimo oo dalka Sweden ah. Turkiga ayaa ku hanjabayey in uu Sweden ka horjoogsan doono in ay ku biirto NATO isagoo ku eedeynaya waxa ay ku tilmaantay ururo argagixiso Kenes ayaa tafaftire ka ahaa wargeys afka Ingiriis ku soo baxa oo la yiraahdo Zamana oo ay albaabada isugu dhufatay dowaldda Turkigaka dib afgambigii dhicisoobay . Qaran News
  13. Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada dalka Maraykanka ayaa la filayaa inay timaado Soomaaliya toddobaadkan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Ilhaan Cumar, oo ah gabadhihii ugu horreysay ee Muslim ah iyo Soomaali ee loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa la filayaa inay Khamiista tagto magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Sida ay wararku sheegayaan, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland ayaa soo dhoweyn doona Ilhaan. Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka. Booqashadan ayaa noqon doonta tii ugu horreysay ee Ilhaan ay ku timaado Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay. Waxay toddobaadkii tegay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto. Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada. The post Xog: Ilhaan oo toddobaadkan kusoo wajahan Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa dardargelin doonto qorshaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo hadafkuna yahay inay la wareegaan dhulka ay maleeshiyadaasi maamulaan, dowladduna ay ka hirgeliso nidaamka dowliga. Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys Jaamac oo bogaadiyay hawlgalada ka socda gobolada dalka qaarkood ayaa dhanka kale sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray Khawaarijta. Wasiirka oo soo hadalqaaday hawlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyay cadowga, sida uu yiri. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ay ku daba jiraan firxadka maleeshiyada Al-Shabaab iyo horjoogeyaashooda. Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Federaalka ay diyaarisay istiraatiijiyadda xigta xoreynta ee lagu xasillinayo goobaha la xoreyay. Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegaya in iyadoo laga faa’iideysanayo gulufka ku furan Shabaabka ay dowladdu diyaarisay qorshe lagu xasillinayo dhulka la qabtay, laguna gaarsiinayo adeegyada muhiimka ah. “Dowladda, iyadoo ka faa’iideysaneyso fursadaas waa tan keentay in ay diyaariso qorsheyaal ku saabsan xasilloonida deegaanadaas iyo in adeegyada muhiimka ah la gaarsiiyo.” Ayuu yiri Wasiirku. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa horaan ka shiray qorshaha dowladda uga yaalla dhulka laga saaro Shabaabka, si dadka deegaanadaasi ku dhaqan ay noloshooda horey u sii wataan. Muddada ay hawlgaladu ka socdaan deegaanada Hirshabelle ayay Shabaabku lumiyeen inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Guulaha muuqda ee ay ciidamadu ka gaarayaan hawlgalada Hirshabelle ayay dadka qaarkii ku macneeyeen mid ifafaalo wanaagsan u ah qorshaha Villa Somalia ay ku dooneyso inay ku soo afjarto waayihii Ururka Al-Shabaab ee dalka. The post Dowladda ”oo diyaarisay’ qorshe la xiriira deegaanada laga saaray AL-SHABAAB appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada ku maqan dalka Ereteriya iman doonaan ugu dambayn bisha Janaayo ee sanadka cusub 2023. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay su’aalo ku weydiiyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. “Dhalinyarada Ereteriya mar dhow ayay imanayaan, bisha aan ku jirto ee December inta aysan dhammaan waa soo bilaabanayaan, Janaury-na waa soo dhameystirmi doonaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay su’aal ciidamadaas laga waydiiyay. Ciidamo Soomaaliyeed oo tiradooda lagu sheegay shan kun oo askari ayaa dhowr sano tababar ugu ku maqan dalka Ereteriya, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu xilka hayay labo jeer dalkaas u tagay arrimo la xiriira ciidamaas. PUNTLAND POST The post Xasan Sheekh oo shaaciyay xiliga ay iman doonaan ciidamada ku maqan Ereteriya appeared first on Puntland Post.
  16. Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid mudo kororsigii uu sameystay baarlamaanka maamulkas, isagoo fariin u diray Madaxweyne Laftagareen. “Cabdicasiis Laftagareen waxaan kula talinayaa afar sano ayaa meesha joogtay, hadaa wax qabatana ma qarsoomayaan, mudo kororsi in uusan socaneyn waad aragtaa, dood iyo muran ha gelin, isuguyeer siyaasiytiinta oo doorasho qabo, hadii aad tartameysana mar kale isku soo sharax,” ayuu yiri Maxamed Mursal. Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa sheegay in muran badan uu ka jiro mudo kororsiga Laftagareen, isagoo ku tilmaamay mid aan soca karin oo aan macquul aheyn, isagoo tusaale u soo qaatay mudo kororsigii ay hadda ka hor ku fashilmeen. “Baarlamaanka markaas fadhiya mudo ma kororsa karo, anaga waad xusuusataan 2021-kii mudo ayaan kororsaneynaa toos uma aanaa dhihin ee waxaan dhahnay doorashada ayaa dib loogu noqonaa, marka madaxweyne xukunka haaya oo mudo kororsi sameeyey meelo badan oo ay ka hir-gashay ma jirto,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal. Mursal oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA ayaa ku taliyey in dib u heshiisiin loo furo siyaasiyiinta iyo beelaha tabashada qaba ee reer Koonfur Galbeed. Dib u heshiisiintaan ayaa waxaa hore ugu dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe, oo maalmihii tegay ku sugnaa magaalada Baydhaba. “Dib u heshiisiintii uu iclaamiyey Sheekh Aadan Madoobe waxaan u arkaa mid muhiim ah oo loo baahan yahay in laga dhabeeyo, dib u heshiisiintaan waxaa loo sameynayaa nidaamka hadda talada haya, qabaa’ilada deegaanka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaankaas,” ayuu yiri Mursal. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2022/12/03370000-0aff-0242-aa4d-08dae1edc5db_16k.mp3 The post Wareysi: Mursal oo is barbar dhigay mudo korosigii Farmaajo iyo kan Laftagareen appeared first on Caasimada Online.
  17. Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska gaarka ah ee loo yaqaano Haramcad oo maanta qaaday howlgal culus ayaa bartilmaameedsaday xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen agagaarka deegaanka Lambar 50 oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada ayaa burburiyay xarun maxkamadeed oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 15 KM dhanka xeebta ka xiga Lambar 50. Howlgalkan ayaa waxaa horkacayey taliyaha ciidamada Haramcad Gaashaanle Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo haatan ku sugan jiida hore ee dagaalka ee Shabeelaha Hoose. “Ujeedka howlgalkaas ayaa ahaa burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deegaankaas iyo maxkamad beenaad ay ugu yaraan Dadka,” aya lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Booliska gaarka ah ee Haramcad. Sidoo kale taliska ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shababa ee haatan ka socda halkaasi. Howlgalkan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ka wadaan gobollada Hiiraan iyo Shabeelooyinka. Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan waheysa kacdoonkii ugu ballaarnaa ee abid lagu qaado, kaas oo ay horkaceyso dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dadka deegaanka. The post Sawirro: Maxkamaddii Al-Shabaab ee Ceel Cali oo la burburiyey appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in xubno ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, halka kuwo kale oo saraakiil ku jiraana ay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee ka howlgala deegaano hoos taga Aadan-yabaal oo maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ka socdeen. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay seddax dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa iskood isku soo dhiibeen maanta. “Koox ka tirsan Khawaarijta Shabaab, kuwaas oo ka kooban afar xubnood uuna hogaaminayay Horjooge Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Dowlad Goboleedka HirShabeelle,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Sidoo kale qoraalkaan waxaa lagu sheegay in ninkaas sarkaalka ah ee lagu magacaabo Macalin Xudeyfa uu hoggaaminayey Shabaab-kii dhowaan lagu jebiyay dagaaladii ka dhacay Shabeellada Dhexe. Warkaan ka soo baxay dowladda waxaa sidoo kale lagu sheegay in 8 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab nolosha lagu soo qabtay, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey dhul keyn ah. “Ciidamada Qaranka ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo isku dayay in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Jabkii cuslaa ee Khawaarijtu ay kala kulantay Dagaalkii ay Ciidamada Qaranka iyo Shacabka Deegaanku kula galeen Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaankaan. Maalin ka hor isla aaggaaas waxaa ciisanka dowladda isku soo dhiibay Siciid Raage oo Al-Shabaab ugu magacawnaa nabadoon iyo mid ka mid ah dagaalyahanada kooxda, sida lagu sheegay warkaan. “Isisoo dhiibayaasha ayaa si wanaagsan ay usoo dhaweeyaan Ciidamada Qaranku, waxaana ka go’an dowladda Soomaaliya in ay daryeesho kuwa ka tanaasula fikirka Khawaarijta iyo ficilladooda guracan,” ayaa bayaanka dowlada lagu yiri. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in cadaaladda la marsiiyo dhagarqabayaasha ku adkaysta kusii jirista Khawaarijta, kuna dhiiranaada dhaqamadooda foosha xun.” The post DF oo shaacisay in gacanta lagu dhigay saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  19. Minnesota (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Minnesota Mareykanka ayaa shaaciyey goorta dib loo soo celinayo ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea. Madaxweynaha ayaa sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo, isla markaana la soo dhameystirayo inta lagu guda jiro bisha soo socota ee Janaayo. “Bisha aan ku jirno inta aysan dhamaan waa soo bilaabanayaan, bisha ku xigta inta aysan dhamaan waa soo dhameystirmayaan, howshaas meel fiican ayey noo mareysaa, wax kastana waa noo hagaagsan yihiin,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u dhac dambe uusan jiri doonin, “Insha allah dib u dhac dambe ma jiri doono.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si soo celinta ciidankaas uu ugala xaajoodo madaxda dalkaas. Dhalinyaradaan oo tababar ugu maqan dalka Eritrea mudo ku dhow afar sano ayaa waxaa aad u yar macluumaadka laga heli karo, waxayna galeen tababar culus oo noocyo badan leh. Askartaan waxaa la xaqiijiyey in tababarkii rasmiga ahaa uu u dhamaaday sanadkii 2020-kii, balse mudo laba sano ah sababta ay uga maqan yihiin dalka ma jirto cid si rasmi ah ugu cadeysay bulshada. The post Xasan Sheekh oo shaaciyey in maalmo gudahood lagu soo celinayo ciidanka jira Eritrea appeared first on Caasimada Online.
  20. Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Maraykanka ayaa Khamiista Todobaadkan ku wajahan caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda ayaa sida qorshaysan soo dhowayn doona. Marwo Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya gaar ahaanna Puntland. Ilhaan ayaa sannadkii 2018 noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka Mareykanka. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ku wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. Hay’adda Khayriga ah ee Qatar Charity ayaa garoon casri ah oo kubadda lagu ciyaaro ka hirgelinaysa xaafadda Jillab ee Barakacayaasha Garoowe. Madaxa hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe, oo ay wehiyaan bahda Sports-ka ayaa maanta si wadajir ah xaafaddaas uga dhagax-dhigay dhismaha garoonka cusub. Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha garoonkan waxaa bixisay dowladda Qatar, waxaana hawsha dhismaha fulinaysa hay’adda khayriga ah ee Qatar Charity, halka dhulka ay ku deeqday dowladda hoose ee Garoowe. Madaxa hay’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Macallin ayaa goobta dhagax-dhigga ka sheegay in garoonkan cusub noqon doono mid loo adeegsado horumarinta ciyaaraha iyo is-dhexgalka bulshada, islamarkaana habeen iyo maalinba lagu ciyaaro karo. Guddoomiye ku xigeenka degmada Garoowe Maxamed Cali Maxamed (Xamari) ayaa dhankiisa sheegay in dhulka laga dhisayo garoonka cusub, oo ay bixisay dowladda hoose uu yahay mid loo jaray danta guud. Intaas kadib, hay’adda hay’adda khayriga ah ee Qatar Charity ayaa mas’uuliyiinta degmada iyo bahda sports-ka ku wareejisay agab sports oo dhammaystiran, kaas oo loogu tala-galay in dhalinyaradu ku ciyaarto. Qorshayaashaan ayaa barbar socday barnaamijiki shaashada laga daawanayay ciyaaraha mudadi World Cup ka socday gudaha barakacayaasha ee Degmada Garowe. PUNTLAND POST The post Hay’adda Qatar Charity oo mashaariic ka fulinaysa Barakacayaasha Garoowe appeared first on Puntland Post.
  22. Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maanta looga dhowaaqay Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadib kulan ka dhacay magaaaladaasi oo looga hadlayey xaaladda Koonfur Galbeed iyo doorashadeeda. Kulanka ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda maamulka madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna ku dhowaaqeen inay doonayaan isbeddel. Qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee goobta ka hadlay ayaa sheegay inay usoo istaageen badbaadinta koonfur Galbeed, ayna kasoo horjeedaan muddo kororsiga Laftagareen, ayaga oo ku dooday in maanta oo ah 19 December uu xilkiisa ku egyahay. Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaadeen in kaliya ay ku qanacsan yihiin in la qabto doorasho xor iyo xolaal ah oo ay u siman yihiin dhammaan dadka reer Koonfur Galbeed. “Doorasho haa muddo kororsi maya,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa uga sii dareysa xaaladda siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed, ayada oo dhinaca kale xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ay ayaguna ganafka ku dhufteen dadaallada uu wado guddoomiye Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo maalmihii u dambeeyay dadaallo xoogan ka waday magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan loo ballasan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay Sheekh Aadan Madoobe oo dhacaya 5-ta Janaayo, 2023-ka. Si kastaba, muranka hareeyay doorashada Koonfur Galbeed ayaa wuxuu ka dhashay muddo kororsiga halka sano ee ay xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulkaasi u sameeyeen Laftagareen, waxaana iska diiday xubnaha mucaaradka ee joogo Muqdisho. The post Daawo: Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed oo looga dhowaaqay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa furay Shirweynaha Sanadlaha ah ee Qurbojoogta Puntland oo muddo saddex Beri ah ka socon doona Caasimada Garoowe. Shirweynaha ayaa waxaa isugu yimi Qurbojoogta Puntland oo uu hoggaaminayo Guddoonkooda, waxaana maalmaha uu socdo ay ka doodi doonaan arrimo Dhowr ah sida Waxyaabaha u qabsoomay, Sidii ay u horumarin lahaayeen doorkooda ku aadan horumarka Puntland, Maalgashiga iyo kaalintooda Dowladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay kaalinta Qurbojoogta Puntland, wuxuuna u rajeeyay in Shirka uu kasoo baxo maxsuul ku dhisan qorsheyaal jaango’an oo ku saabsan horumarka dhinac walba Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya. Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC, Ururada Bulshada, Ganacsato, Haldoorka Puntland iyo marti sharaf kala duwan oo lagu casumay. PUNTLAND POST The post Shirweynaha Qurba-joogta Puntland oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  24. Lyon (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa waxaa laga helayaa musiibada ka dhalatay dab xoogan xoogan oo Jimcihii lasoo dhaafay ka kacay dhisme ku yaalla bariga magaalada Lyon ee Faransiiska, halkaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay qoys Soomaali ah. “Run ahaantii musiibo weynbaa ka dhacday dalka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Lyon Innaa Lilaali Waa Innaa Ileyhi Raajicuun Allaha u naxariisto dadka halkaa ku geeriyooday guud ahaan, qoysas badan ayaa ku jiray dhismaha, hal qoys oo Soomaali ah ayaana ugu darnaa,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse oo ka mid ah Soomaalida ku nool Lyon. Tirada dhimashada ayaa haatan sii korortay waxayna gaartay ilaa 10 qof oo ay 6 ka mid ah yihiin qoys Soomaali ah oo kala ahaa Hooyo, afar carruur ah oo ay dhashay iyo gabar kale oo ay ilmo adeer ahaayeen, sida uu xaqiijiyey Maxamed Axmed Muuse oo la hadlay VOA. “Hooyadii iyo afar carruur ah oo ay dhashay iyo inan kale oo ay ilmo adeer ahaayeen intaas ayaa ku geeriyootay lix qof oo Soomaali ah,” ayuu yiri Maxamed Axmed Muuse. Sidoo kale wuxuu intilmaamay in ay dhaawacyo soo gaareen saddex wiil oo kale oo isla qoyska ka mid ah, kuwaas oo laba kamid ah ay kooma ku jiraan, halka kan kale uu dhaawac fudud oo jab ah soo gaaray, kadib markii uu ka booday dhismaha dabaqa gubtay. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan ay ku howlan yihiin ka Jaaliyad ahaan aaska carruurta iyo hooyada ku geeriyootay dabka ka kacay bariga dalka Faransiiska. “Iminka waxaa socdo nidaamkii wax loo aasayay ee loogu soo wareejinayey Jaaliyadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri Maxamed Axmed Muuse. Dhanka kale Xeer ilaalinta dalka Faransiiska ayaa haatan baaris ku heysa kiiskan, hase ahaatee waxaa soo baxaya warar sheegaya in dabkani aanu u billaabmin si kama’ ah. The post Tirada Soomaali ku dhimatay Faransiiska oo korortay appeared first on Caasimada Online.