Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Africa will win the World Cup "within 15-20 years" says Morocco's Walid Regragui, who has come closer than any coach to delivering that long-held aim. Source: Hiiraan Online
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha Booliska Kenya Japhet Koome ayaa ciidanka booliska dalkaasi faray inay adeegsadaan hubkooda, isagana difaacaan tuugada, xili ay dacwad arrintaasi la xiriirta ay gudbisay IPAO. Taliye Japhet ayaa sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan kasoo qaaday eedeymaha hay’adda IPAO oo ah tan kormeerta tacadiyada booliska Kenya. Arrintaan ayaa u muuqata mid uu taliyuhu ku difaacayo askariga Soomaaliga ah ee Axmed Rashiid oo loo haysto dacwad la xiriirta tuugo uu suuqa Islii ku laayay. Madaxa hay’adda IPAO Anna Makori ayaa si weyn u dhaleeceysay taliyaha booliska, ayada oo ugu baaqday booliska inay u hogaansamaan sharciga, ayna tixgaliyaan xuquuqda muwaadiniinta. Axmed Rashiid oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa dhamaadka bishii hore maxkamadda Milimani ee Nairobi ka codsaday in kiiskiisa dib u eegis lagu sameeyo, isagoo ku dooday in dacwadda ka dhanka ah ay ku hoos duugan yihiin dano gaar ah. Hay’adda dusha kala socota booliska Kenya (IPOA) iyo xafiiska dacwadda oogaha guud ayaa hore u dalbaday in Axmed Rashiid uu hortago maxkamadda 8-dii December, si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto oo ah in March 2017 uu suuqa Islii ku toogtay labo wiil oo dhalinyaro ah. Askariga ayaa ku doodaya in wiilasha oo lagu kala magacaabi jiray Maxamed Khadar iyo Jamal Maxamed ay kamid ahaayeen koox dhac ka geysan jirtay xaafadda Islii, isla maalintaasna ay dhacayeen dukaamo ku yaalla dabaqa Amal Plaza ee Islii. Dacwadda Axmed Rashiid ayaa dhageysigeeda dib loogu dhigay bisha Janaayo, waxaana la fahamsan yahay in dowladda Kenya ay taageersan tahay ninkaan, ayna isku dayeyso inay ka badbaadiso dacwadaan. Axmed Rashiid ayaa sidoo kale waxa uu taageero ballaaran ka helaya shacab is abaabuley oo isugu jira qowmiyadaha kala duwan ee Kenya, kuwaasi oo ku doodaya in uu wax weyn ka qabtay amniga degmada Kamakuunji ee Nairobi oo ay qeyb ka tahay xaafada Islii. The post Taliska booliska KENYA oo soo saaray amar cusub oo difaac u ah Axmed Rashiid appeared first on Caasimada Online.
  3. Doha: The Amir HH Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani attended on Sunday evening the closing ceremony of the FIFA World Cup Qatar 2022 at Lusail Stadium. Source: Hiiraan Online
  4. The central Minnesota district will also expand its Spanish immersion program to a second elementary school next year. Source: Hiiraan Online
  5. The U.S. military has reported two new airstrikes against al-Shabab fighters in Somalia’s Hirshabelle State. Source: Hiiraan Online
  6. Cadadka Lacagta uu qaadanayo Dalka ku guulaysta Koobka Adduunka 2022? Imisa lacag ah ayay bixineysaa FIFA? FIFA ayaa lacag dhan 440 milyan oo dollar ugu talogashay Koobka Adduunka 2022 ee ka dhacaya Qadar. Lacagta ay ku bixisay Koobka Adduunka 2018 ayaa ahayd 400 oo milyan oo doollar, halka kii 2014 ay ku baxday 358 milyan oo dollar. Dalalka u qalma ka qeybgalka Koobka Adduunka Dalalka u qalmay inay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2022 ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 2.5 milyan oo doollar si ay u diyaar garoobaan. Dalalka ku hara heerka group-yada Dalalka cayaaraha ka qeyb gala balse ku hara heerka group-yada ayaa la siiyaa 9 milyan. Wareegga 16 Dal walba oo u soo gudba wareegga 16 ayaa qaadanaya 13 milyan oo doollar, iyo lacagtii uu ka soo qaatay group-yada. Rubuc-dhammaadka FIFA ayaa sidoo kale 17 milyan oo doollar ugu talo gashay dal walba oo u soo gudba rubuc-dhammaadka cayaarta. Nus-dhammaadka Dal walba oo u soo gudba nus-dhammaadka ayaa la hoyanaya lacag intaasoo dhan ka badan. Balse booska uu dalkaasi ka galo nus-dhammaadka ayaa go’aaminaya inta lacag ee la siinayo. Booska afaraad, waxay kooxdu la hoyaneysaa 25 milyan oo doollar Booska saddexaad waxaa lagu bixinayaa 27 milyan oo doollar Kooxda kaalinta labaad gasha ayaa qaadaneysa 30 milyan oo doollar Halka kooxda ku guuleysata Koobka Adduunkana ay la hoyaneyso 42 milyan oo doollar Abaal-marinnada kale ee Koobka Adduunka FIFA ayaa abaal-marinno kale ugu talogashay Koobka Adduunka. Koob dahab ah ayaa la siinayaa kooxda ku guuleysata koobka. Kooxaha soo gala kaalmaha labo iyo saddex ayaa la siinayaa koob bir ah. Waxaa sidoo kale qalab cayaaraha la siinayaa kooxda kaalinta koowaad gasha. Sidoo kale waxay FIFA bixineysaa shahaado heerka diploma ah. Qaran News
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni in uu kala jebin ku waddo ururada siyaasadda, xili ay xalay kulan la qaateen. War-saxaafadeed kasoo baxay ururada siyaasadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in madaxweyne Deni uu ka leexday dhabihii dimuqraadiyadda, islamarkaana uu xagal daacinayo dhamaan dedaaladii socday ee ku aadana doorashada. “Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.” Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta. “Ururada Siyaasada waxay ku baaqayaan in shirweyne isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Odayaasha, Culimada, Dhalinyarada iyo Haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Ururada waxay u arkaan Guddiga doorashooyinka KMG “TPEC” inay yihiin kuwo aan dhex-dhexaad aheyn oo ku milmay xukumada talada haysa, oo aan lagu kalsoonaan karin sida ka muuqata tallaabooyinkii ay qaadeen iyadoon xal laga gaarin qoddobadii taagna.” Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Maadama madaxweynuhu ka weecday dhabihii dimuqraadiyadda, uu xagal daaciyayna dhamaan dadaaladii socday waxaan umadda la wadaagaynaa in wixii tallaabooyin ah ee aan loo dhameyn sida diiwaan-gelinta doorashada cawaaqib xumada ka dhalata uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynuhu.” Ururada Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegen inay ka go’an tahay ka qeyb-galka iyo xaqiijinta doorashooyin xalaal ah, daahfuran, bulshadana dhaxalsiisa dowlad-wanaag, maamul daadjin iyo adeegyada dowladnimo oo dhameystiran. The post Ururada siyaasadda Puntland oo ku dhawaaqay tallaabo deg deg ah appeared first on Caasimada Online.
  8. Halkani waa Fagaaraha Khayriyada Ee Hargeysa Oo Caawa Si Wayn Looga Daawanayo Ciyaarta Faynalka Ah Ee Koobka Adduunka ee dhexmaraya Xulalka Argentina & France Qaran News
  9. Burco: Dadwayne tiro badan ayaa Caawa Magaalada Burco iskugu soo baxay daawashada Ciyaarta Finalka ah ee Koobka Adduunka ee dhexmaray Xulalka France & Argentina. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqayn lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe. War-saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan December, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab. AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya. AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan. Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo muujineysa in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka. Weerar kale oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sabtidii waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab. Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2. The post Weerar kale oo lagu laayey Al-Shabaab badan oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe appeared first on Caasimada Online.
  11. Qaar kamid ah urur siyaasadeedyada Puntland ayaa ku eedeeyay xukuumadda in ay kala jebin ku waddo ururrada siyaasadda. War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedyadan ayaa lagu sheegay in xukuumadda Puntland fara gelin ku hayso ururrada islamarkaana kala jebin ku waddo. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ku baaqay in la isugu yimaado shirweyne guud si loo badbaadiyo geeddi-socodka hannaanka xisbiyada badan ee Puntland. Go’aankan ayaa soo baxay saacado kadib markii madaxweynaha Puntland iyo lix urur siyaasadeed ay sheegeen in ay heshiis ka gareen doorashooyinka qof iyo cod. PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo lagu eedeeyay kala jebinta ururrada siyaasadda appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo lix urur siyaasadeed oo uu ku jiro kan xukuumadda ee Kaah ayaa heshiis ka gaaray doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka Puntland. Labada dhinac ayaa ka heshiiyay qodoba ay dhowaan soo jeediyeen ururrada siyaasadda oo ku saabsan xallinta caqabadaha ka jira hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod. Waxaase heshiiskan ka maqan saddex urur siyaasadeed oo ay ku jiraan Horseed iyo Mideeye kadib markii sida la sheegay aysan ku qancin sida loo wajahay qodobada qaarkood. Lixda urur siyaasadeed ee saxiixay heshiiskani ayaa ku baaqay in loo diyaar-garoobo diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muddaysan shanta bisha kowaad ee sannadka 2023. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah ururrada siyaasadda oo heshiis gaaray appeared first on Puntland Post.
  13. Argentina ayaa markii saddexaad ku guuleysatay koobka adduunka, kaddib markii ay riigoorayaal 4-2 ah uga adkaatay France, markii ciyaarta kama dambaysta oo waqti dheeriya lagu daray ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah. Lionel Messi oo ciyaaray koobkiisii ​​shanaad ee ugu dambeeyay ee koobka adduunka ayaa Argentina ku hogaamiyay koobkii ugu horreeyay tan iyo guushii uu la gaaray Diego Maradona ee Mexico 1986. Ciyaaryaha France ee Mbappe oo saddex gool ka dhaliyay kulanka ayaa siddeed gool ku qaaday abaalmarinta gool-dhalinta koobka adduunka, halka Messi oo todoba gool dhaliyay uu qaatay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka. Dhacdada koobka adduunka ee sanadkan waxay sare u qaaday sumcadda Qatar ay ku leedahay caalamka, kaddib markii ay reer Qatar soo bandhigeen martigelin wanaagsan. PUNTLAND POST The post Argentina oo ku guuleysatay koobka adduunka 2022 appeared first on Puntland Post.
  14. Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa maanta cambaareysay baaritaanada musuq-maasuq ee ay wadaan booliska Belgium iyo hakinta la-macaamilkii dalkan ee baarlamanka Midowga Yurub, ayada oo sheegtay in tani ay “si taban” u saameyn karto xiriirka labada dhinac iyo qeybinta gaaska dabiiciga ah. Bayaan uu soo saaray diblamaasi Qatari ah ayaa si gaar ah ugu xusay mas’uuliyiinta Belgiam, wuxuuna ku adkeystay in la isticmaalay “xog aan sax ahayn.” Booliska dalka Belgium ayaa xiray afar qof oo ay ku jirto madaxweyne ku-xgeenkii baarlamanka Midowga Yurub Eva Kaili, oo ah xildhibaan Greece ah kadib markii ay heleen lacag dhan 1.5 milyan oo Euro. Kaili ayaa xilka madaxweyne ku-xigeen laga qaaday Khamiistii. Lacagtan ayaa la tuhunsan yahay inay ka timid Qatar, waxaana baarlamanka Midowga Yurub uu todobaadkii hore dalbaday in Qatar laga joojiyo xiriirka baarlamanka. Fadeexaddan oo loogu magacdaray “Qatargate” ayaa timid xilli dalal badan oo Yurub ah ay Qatar ka doonayaan inay siiso gaaska dabiiciga ah. Qatar ayaa sidoo kale aheyd xiriirka dalalka Yurub ee Afghanistan, waxayna kumanaan Reer Yurub ah ka caawisay in dalkaas laga soo saaro markii ay qabsadeen Taaliban. “Go’aanka lagu soo rogay xayiraadda noocan oo kale ee takoorka ah ee xaddidaysa wadahadalka iyo iskaashiga Qatar ka hor inta aan lasoo geba-gebeyn hannaanka sharciga, waxay saameyn taban ku yeelan doontaa iskaashiga amniga gobolka iyo kan caalamka, iyo sidoo kale wadahadallada socda ee ku saabsan tamarta iyo amniga adduunka,” ayuu yiri diblamaasiga. “Waxaan si adag u diidaynaa eedeymaha dowladdeena la xiriirinayo dhaqan xumo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Qatar ma ahayn dhinaca kaliya ee lagu magacaabay baaritaanka, haddana dalkeenna si gaar ah ayaa loo dhalleeceeyay oo la weeraray.” Sida laga soo xigtay warbixinnada warbaahinta qaarkood, danaha Morocco ayaa sidoo kale wajahaya baaritaan. “Waxaan cambaareynta halka dhinac ah ee dalkeena u aragnaa mid looga walaaco,” ayaa lagu yiri bayaanka. Dacwad oogayaasha Belgium ayaa sheegay inay baaritaan ku hayeen musuq-maasuqa baarlamanka Midowga Yurub in ka badan hal sano ka hor inta aan la qaadin howlgallada 10-kii maalmood ee la soo dhaafay. “Waa arrin aad looga xumaado in dowladda Belgiam aysan wax dadaal ah ku bixin in ay dowladdeena kala hadasho xaqiiqada marka ay ogaadeen tuhunadaas,” ayuu yiri diblamaasiga. Bayaanka ayaa lagu xusay xiriir “dhow” oo Qatar kala dhaxeeya Belgium. “Dalalkeena way iskaashadeen intii lagu jiray Covid-19, Qatarna waa qeybiye muhiim ah oo gaaksa dabiiciga ah siiya Belgium,” ayaa lagu yiri bayaanka. Qatar waxay dareemeysaa in si gaar ah loo beegsadaday sababtuna ay tahay xasaasiyadda kala dhalatay eedaha loo jeediyey Qatar ee la xiriira Koobka Adduunka iyo mart-gelinteeda. “Go’aanka ah in si gaar ah wakiillada hal waddan looga mamnuuco baarlamaanka Midowga Yurub ayaa muujinaya in xildhibaanada si weyn loo marin habaabiyay,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waa nasiib darro in qaar ay ku dhaqmeen naceyb hore oo ka dhan ah Qatar oo ay go’aanadooda ku saleeyaan xog aan sax ahayn iyo war la dusiyey halkii ay sugi lahaayeen in baaritaanka la soo gabagabeeyo.” Hanjaabadda Qatar ayaa imaneysa ayada oo Doha ay leedahay awood aan caadi aheyn oo ay ku ciqaabi karto dalalka Midowga Yurub, sababo la xiriira inay tahay dalka soo saara gaaska ugu badan ee dabiiciga ah ee caalamka, oo muhiim u ah guryaha Yurub xilliga qaboobaha iyo guud ahaan xilliyada kale. Dalalka Yurub ayaa Qatar u jiheystay kadib markii Ruushka uu weeraray Ukraine, oo ay go’aansadeen inay yareeyaan ku tiirsanaantooda gaaska Moscow. The post Fadeexadda ‘Qatargate’: Doha oo tallaabo ciqaab ah ugu hanjabtay Midowga Yurub appeared first on Caasimada Online.
  15. Jowhar ( Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ee maamulka HirShabelle ayaa maanta xukun adag ku riday nin dhalinyaro ah oo fal dil iyo kufsi isugu jiray gabar da’yar ugu geystay duleedka magaalada Jowhar. Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Cali ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ku heshay in dil bareer ah iyo kufsi u geystay Caasho Cabdullaahi Maxamed oo aheyd 17-sanno jir ku nooleyd deegaan dhaca duleedka Jowhar. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Aamiin Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay ninkaan ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta Caasho Cabdullaahi. Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay ninkaan maanta la maxkamadeeyay inay gacanta kusoo dhigaan xilli uu baxsad ku jiray, waxayna kiiskaan ku wareejiyeen maxkamadda CQS oo ugu dambeyn xukun ku riday gacan ku dhiiglaha. 15-kii bishaan ayey aheyd markii u horeysay ee maxkamadda ay u fariisatay dhageysiga dacwadaan. Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa inta badan waxay xukuno kala duwan ku ridaa rag loo haysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo ay geysteen dilal iyo qaraxyo, balse waxaa aad u yar dad loo maxkamadeeyay inay kufsi iyo dil ay geysteen. The post Maxamed Daahir Cali oo xukun dil ah lagu riday appeared first on Caasimada Online.
  16. Mogadishu (HOL) - UK-based journalist Jamal Osman was reportedly detained in Mogadishu on Sunday shortly after arriving at Aden Adde International Airport. Source: Hiiraan Online
  17. Wasaaradda arrimaha gudaha ee Israa’iil ayaa sheegtay in ay dalkeeda ka mustaafurisay qareen falastiini-faransiis ah oo u doodayay xuquuqda aadanaha, kaddib markii ay ku eedaysay inuu halis ku yahay ammaanka. Salah Hamouri, oo 37 jir ah, ayaa subaxnimadii hore ee Axadda ay booliisku ku dareen diyaarad ku socotay Faransiiska, sida ay wasaaraddu sheegtay. Ninkan oo ku noolaa magaalada Quddus, ayaa laga xayuubiyay xuquuqdii degenaanshiyaha kaddib markii ay saraakiishu ku eedeeyeen inuu ka tirsan yahay urur argagixiso. Mr Hamouri ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, kooxaha u dooda xuquuqda ayaa cambaareeyay tallaabada israa’iil. Hase yeeshee war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ayey ku sheegtay in Mr Hamouri uu abaabulayay oo uu qorsheeyey weeraro argagixiso oo ka dhan ah muwaadiniinta iyo Israa’iiliyiinta caanka ah. Mr Hamouri waxa uu dhalashada Faransiiska ka helay dhinaca hooyadiis. Waxa uu u shaqeeyaa Addameer, oo ah hay’ad Falastiiniyiin ah oo maxaabiista ka caawisa dhinaca sharciga iyo xuquuqda oo ay wasaaradda difaaca Israa’iil u magacawday urur argagixiso bishii Oktoobar 2021 isaga iyo shan urur oo kale oo bulshada rayidka ah ee Falastiiniyiinta. Bishii Maarso, Mr Hammouri ayaa la xidhay, waxaana taliyaha ciidamada Israa’iil ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto uu amray in xabsiga lagu sii hayo iyadoon wax dambi ah lagu soo oogin ama la maxkamadeyn muddo saddex bilood ah taasoo loo marayo waxa loo yaqaanno xadhig maamul. Kadib afar bilood oo uu xidhnaa Mr Hammouri ayaa warqad u qoray madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo uu kaga codsanayo in la caawiyo. Ka dib waxaa loo saaray inuu yahay maxbuus khatar sare leh waxaana loo gudbiyay xabsi ammaankiisu sarreeyo oo ku yaal badhtamaha Israa’iil. Dabayaaqadii Sebtembar, waxa uu bilaabay cunto-joojin si uu uga mudaaharaado xadhiggiisa maamul. Amnesty International ayaa dhaleecaysay masaafurintiisa waxayna sheegtay in uu waqti badan ku bixinayo shaqadiisa qareenimo ee u adeegidda Falastiiniyiinta. Source
  18. In July 2020, a de Havilland Canada DHC-8-400 turboprop plane operated by Bluebird Aviation crashed at Ugas Khalif Airport in Beledweyne. Source: Hiiraan Online
  19. LUSAIL, Qatar — The World Cup final “for eternity” descended into madness, and then into perhaps the greatest game ever played, around 7:40 p.m. here at the Lusail Stadium, with Argentine dreams crystallizing and then, suddenly, in 96 seconds, paralyzed. Source: Hiiraan Online
  20. Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay shaacisay in la dilay Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab. “Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2. Weerarka oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab. Diyaaradaha Turkish-ka ayaa muhiim u ah guuldarrooyinka Al-Shabaab ku gaaray gobolka Shabeellaha Dhexe, inkasta oo dowladda Turkiga iyo dowladda Soomaaliya aysan marnaba shaacin ku lug lahaanshahooda. Rashid Abdi oo ah fallanqeeya ka tirsan Sahan Research ayaa rumeysan in dhulka Soomaaliya badankiis uu yahay mid ku habboon weerarada diyaradaha Bayraktar TB2. “Dhulka Soomaaliya waa fidsan yahay, waxayna leedahay dhir dhuuban, maalmaha badankoodna ma laha daruur daboosha. Waa mid ku habboon diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee TB2 inay wax ku dilaan,” ayuu yiri Rashid Abdi. Waxa uu intaas ku daray “Jihaadiyiinta waxay hadda si wada jir ah ugu cararayaan jeebabka dhulka cufan ee Jubbooyinka.” Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa muujinaya in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka. Kooxdan ayaa hadda laga xoreeyey inta badan maamul goboleedka HirShabeelle, kadib markii beelaha dega ay ayaga oo hubeysan si buuxda u garab istaageen ciidamada qaranka. The post Xog: Sidee loo fuliyey, yaase fuliyey weerarkii lagu dilay Yuusuf Jingaab? appeared first on Caasimada Online.
  21. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa cafis Madaxweyne u fidiyey qaar kamid ah Maxaabiista ku jirtay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhaba. Sidoo kale Madaxweyne Laftagareen ayaa qaar kamid ah xubnaha xabsiga laga sii daayey wuxuu ka bixiyey deymihii lagu lahaa, sida ay sheegeen masuuliyinta maamusha xabsiga iyo kuwo ka socday hey’adaha garsoorka. Sababta uu Madaxweyne Laftagareen cafiska ugu fidiyey maxaabiistaan waxaa lagu sheegay inay la xariirto dabaal-degga sanad-guuradiisa 4-aad ee ka soo wareegtay inta uu xafiiska joogo. Muddo xileedka sharciga ah ee Madaxweyne Laftagareen ayaa ku eg maalinta berritu ee 19-ka bishaan, waxaana taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay muddo kororsi hal sano ah oo baarlamaanka maamulkaas uu Laftagareen u sameeyey. Abaabul ka dhan ah in Laftagareen uu xafiiska sii joogo ayaa ka socda Muqdisho oo inta badan siyaasiyiinta miisaanka leh ee ka soo jeeda deegaanada K/Galbeed ay ku sugan yihiin. Siyaasiyiintaan ayaa marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba, iyagoo xalay bayaan ay soo saareen ku sheegay in muddo kororsi aysan ogolaa doonin, waxayna cadeeyeen in marar badan laga hor istaagay inay tagaan Baydhaba. Hoos ka eeg sawirrada maxaabiistii lasii daayey The post Sawirro: Cabdicasiis Lafta-gareen xabsiga Baydhaba ka sii daayey maxaabiis badan appeared first on Caasimada Online.
  22. Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay awaamiir culus oo la xiriirta dhanka amniga, xili ay weli taagan tahay xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu mamnuucnay in hub lagu dhex qaato magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayada oo fartay laamaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan qof walba oo ka talaabsada awaamiirtan soo socota: 1. Askari walba oo ka tirsan ciidanka militariga SNA ee qaybta 60-aad waxaa lagu amreyaa in ku sugnaado ama ku ekaado xeradiisa/xeradeeda, askarigii lagu arko asagoo/ayadoo magaalada dhexdeeda hub ku sita/sidata haba watee direyska ciidanka, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. 2. Askari walba oo ka tirsan ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo nabad-sugida DKGS ee lagu arka isagoo/ayadoo direys la’aan ah hub ku sita/sidata magaalada dhexdeeda, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga. 3. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo hadana haysta ogolaanshah wasaaradda amniga gudaha DKGS, haddii lagu arko isagoo/ayadoo u isticmaaleya/isticmaaleysa si ka baxsan sifadii ogolaanshaha hub qaadashada, waxaa lagala noqon doona ruqsadii loo siiyay hub qaadashada waana lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato. 4. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Amniga Gudaha DKGS, waxaa la fareyaa in muddo 10 cisho gudahooda ay la soo xariiraan wasaradda Amniga Gudaha laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18 December 2022-ka, cidii u hogaansami weyso amarka wasaaradda waxaa lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato. 5. Cid Allaale cidii lagu arko aydoo/isagoo hub ku sidata/sita magaalada Baydhabo dhexdeeda oo aan ka aheyn Ciidamada Ammaanka ah ee ku shaqada leh, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga. The post Koonfur Galbeed oo soo saartay awaamiir culus xili ay xiisad xoogan taagan tahay appeared first on Caasimada Online.