Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. In the latest sign of the deep crisis that has engulfed Ethiopia, conflict in the vast Oromia region - the heartland of Prime Minister Abiy Ahmed - is escalating as political and ethnic tensions explode. Source: Hiiraan Online
  2. The co-owners of SAAB, a Somalian restaurant in the Turkish capital Ankara, have announced that their business was closed following racist targets and attacks. Source: Hiiraan Online
  3. The script says Messi will be the conductor of football’s great show and lift the trophy at the end of it. Will he? Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo lagu sheegay inuu kamid ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Shabaab-kii ku sugna gobolkaasi. Waxay sheegtay in nabadoonkaan uu ka howl-gali jiray aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane, islamarkaana uu kooxda Al-Shabaab si gaar ah ugu qaabilsan ururinta Zakawaadka. Nabadoonkaan ay dowladda soo bandhigtay ayaa waxa uu maanta isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee Shabeellaha Dhexe, kaasi oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa xusid in nabadoonkaan uu kamid ahaa dadkii Shabaabka horey usii raacay kadib markii laga saaray deegaanka Masaajidka Cali-Gaduud. Duulaan culus oo lagu qaaday deegaannada Shabaabku weli ku dhuumaalaysanayaan ayaa waxay keentay in dad badan oo ka tirsanaa ay dib ugu soo laabtaan dhulkii la xoreeyay. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u ballan-qaaday in aan la taaban doonin qofkasta oo isku soo dhiiba gacanta dowladda, kana soo baxa Al-Shabaab. Sidoo kale waxay dhowr jeer baaqyo kala duwan u dirtay weli dhalinyarada baaqiga ku ah kooxda ee la maran-habaabiyay, si ay naftooda ugu waayin dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada. The post Dowladda oo soo bandhigtay mid kamid ah nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta soo xiray munaasabad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, taasi oo uu kaga dhawaaqay ballan-qaad culus. Xamza oo ka hadlay munaasabadaas ayaa ugu horeyntii sheegay in musuq-maasuqa uu yahay cudur xun oo ku dhaca dowladnimada, islamarkaana caqabad ku ah horumar walba oo la sameyn lahaa. “Musuq-maasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’iideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ballan-qaaday in xukuumadda uu hogaamiyo ay dardar-gelin doonto dhisidda hay’adaha iyo shuruucda la-dagaalanka musuq-maasuqa, si meesha looga saaro oo loolana dagaalamo musuqa dalka hormarkiisa la haray. Soomaaliya ayaa sanadkii hore ka hoos martay qiimeyntii la sameeyey 2019-kii xilligaas oo ay ku jirtay 9-aad, hadase waxa ay noqotay kow, sida ay shaacisay hay’adda Transparency International. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay uga hortimid warbixinada hay’addaan oo ay shaacisay in aan la isku haleyn karin warbixinadeeda, ayna yihiin kuwa been abuura, hase yeeshe waxa aan la dafiri karin in dalkaan soo kabanaya uu musuq-maasuqa kamid yahay waxyaabaha ragaadiyay. The post R/W Xamza oo ballan-qaad culus kaga dhawaaqay munaasabad ka dhacday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee arrimaha amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin (Fiqi ah ee ku aadanaa in markale dib eegis lagu sameeyo kiiska mid kamid ah sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kadib markii lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, una qaabilsanaayeen Muqdisho. Dooddan ayaa timid kadib war cusub oo kasoo baxay ehellada Marxuum Maxamed Xaashi oo dilkiisa lagu soo eedeeyay inuu dilay Cabdinaasir Cismaan Nuunow oo kamid ah raggga la xukumay, kaas oo ay Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho oo ah qiysaasta Marxuum Maxamed Xaashi Faarax. Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo dhankiisa ka falceliyay arrintaan ayaa ku baaqay in hubin lagu sameeyo kiiskan, dibna loogu laabto baarista. “Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo.” ayuu yiri wasiir Fiqi. Haddaba waxaa intaas kadib hadalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya jawaab kulul ka bixiyay siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali oo su’aal ka keenay fal-celinta Wasiir Fiq. “Oo isagu soo Wasiirkii Gudaha ma ahan waa cidma cidda uu Facebook kala hadlayo?” ayuu yiri Cali Yare Cali. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in hadalka Wasiirka uu ka hor imaanayo go’aankii Madaxweyne Xasan Sheekh ee dagaalka Al-Shabaab, sidoo kalena uu qiil ui raadinayo kiis ay soo gunaanaday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne waxaan kugu casumayaa inaad dhageysato codkaaga oo ah qudbad aad October 1, 2022, ujeedisay bulshada aad Madaxweynaha u tahay adiga oo kor taagan meydka Shahiid, halyeey, Farxaan Qaroole.Mudane Madaxweyne maanta waxaa ku hortaalla xujo cad oo weyn, Maanta, December 18, Wasiir dowladaada ka mid ah ayaa si cad oo banaanyaal ah u jabiyay amarkaagii kana hor yimid go’aankii garsoorku gaaray. ayuu raaciyay guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Soomalaiya inuu tallaabo adag ka qaado Wasiirka Arrimaha Gudaha, isaga oo ku eedeeyay inuu jabiyay go’aankiisii ku aadanaa in saraakiisha sar sare ee Maxkamadda Ciidamada looga haro kiisaska la xiriira Al-Shabaab. “Mudane Madaxweyne maadaama aad adigu tahay horumuudka dagaalka dalka looga xoreeynayo eeyaha naarta, Shacabku Soomaaliyeed waxay kaa sugayaan tallaabada aad Wasiirkaaga ka qaadi doonto iyo inaadan wax tallaabo ah ka qaadin ok dagaalka eeyaha naarta lugula jiro ay saaxiibtinnimo kaala weynaan doonto oo dadka oo aan dhammaanteen wadadaada wada qaadi doonno,” ayuu markale qoraalkiisa ku yiri Siyaasi Cali yare Cali. Hadalkan ayaa dhaliyay dood xoogan oo ku aadan hadalka kasoo yeeray Wasiir Fiqi, maadaama uu mugdi galiyay xukunka Maxkamadda Ciidamada oo hadal heyn dhaliyay. The post Cali Yare oo u jawaabay FIQI kuna baaqay in tallaabo laga qaado appeared first on Caasimada Online.
  7. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalinta berri ah ku wajahan degaanka Garacad ee Gobolka Mudug sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan. Madaxweynaha ayaa Garacad ka dhagax dhigi doona waddo laami ah oo isku xiraysa Garacad iyo Gaalkacyo. Madaxweyne Siciid Deni ayaa lagu wadaa ka hor inta aanu ka amba-bixin Garoowe in uu sii daayo dikreetooyin kala duwan oo magacaabis ah. Dikreetooyinkan oo marar kala duwan dib u dhacay ayaa sida wararku xaqiijinayaan soo bixi doona Isniinta. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee magacaabista uu qorshaynayo Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
  8. Saciid Xuseen Raage oo kamid ahaa ururka Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee gobalka Shabeellaha Dhexe. Ninkan isku soo dhiibay ciidamada ayaa la sheegay in uu u ahaa Al-shabaab Nabaddoon, waxaana uu hadda isku soo dhiibay ciidamada dowladda. Goobta maanta lagu soo bandhigay isisoo dhiibe Saciid, waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicis, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris. Source: goobjoog.com
  9. Macallimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Dawlada oo ka lacag badan kuwa gaarka ah+Waxbarashada Dugsiyada Gaarka ah oo ka tayo fiican Kuwa Dawlada Hargeysa Dugsiyada Sare Dawladda Macalimiinta dhigaa kama Mushahar yara Dugsiyada gaarka loo leeyahay, Tusaale ahaan Dugsiga Sare ee Gacan-libaax qiime ahaan Xiisadda waxa loogu dhuftaa Macallinka $5.5 Bishii Macallinka wada shaqeeya (full time) waxa la siiyaa $660 waxa u dheer Macallinka ku jira Shaqaalaha Dawalladda $152 bishii, Mushahar ahaan Macallimiinta Dugsiyada Sare Dawladdu kama hooseeyaan kuwa gaarka ah, Tayo ahaanna lama tartami karaan, waa maxay sababtu ? waa in aan Kormeer adagi jirin, Siyaasad Waxbarasho hagaagsani jirin, Dugsiyada Dawlada waa la hagaajin karaa tayadooda si Ardaydu ugu kalsoonaato Waxbarashadooda haddi aan la hagaajinna way xidhmayaan madaama tirada u badan Ardaydu dhigato Dugsiyo Macaash oo gaar loo leeyahay ! Qaran News
  10. Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Qatar, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Qatar oo ku soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee caasimadda waddankaasi. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la xiriira ka qaybgalka Ciyaaraha Fiinaalka ee Koobka Adduunka ee u dhaxeeya xulalka Argentina & France oo caawa ka qabsoomaya dalka Qatar. Xasan Sheekh ayaa ka mid noqday madaxda kala duwan ee lagu casuumay inay goobjoog ahaadaan ciyaartaasi kama dambeysta ah, maadaama Koobka lasoo gabagabeynayo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu wadahadallo gaar ah la yeesho madaxda sare ee Qatar oo uu kala hadli doono xiriirka labada dal iyo dagaalka Al-Shabaab. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero Soomaaliya, waxayna mashaariicyo kala duwan ka fulisaa gudaha dalka, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kuwa kale. Waa markii labaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqanayo waddankaan yar ee Qatar, kadib doorashadiisii 15-kii May ee sanadkan 2022-ka. Si kastaba, Madaxweynaha ayaa safarkan kii ka horreeyay wuxuu ku tegay magaalada Washington, halkaas oo uu uga qayb-galay shirka iskaashiga Mareykanka iyo Afrika, isaga oo la kulmay Madaxweyne Joe Biden iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha kale ee gobolka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka QATAR + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa soo faro-geliyey kiiska nin ka mid ah sideed qof oo shalay ay xukun dil ah ku ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Kiiskan ayaa la xiriira Cabdinaasir Cismaan Nuunow (Maama), kaasi oo dil toogasho lagu xukumay kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana uu dilay Maxamed Xaashi Faarax. Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan. Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuum Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah. “Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri. Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dalbaday in hubin dheeri ah lagu sameeyo kiiskan, sida ku cad qoraal uu soo dhigay Facebook. “Sida muuqata kiiskan wuxuu u baahan yahay hubin, dib u baarid iyo ka fiirsasho badan, waxaana muhiim ah in ehelada daba socota kiiskii ninkaan lagu eedeeyey in la qanciyo isla markaana ninkaan eedeysanaha ah uu asna cadaalad helo,” ayuu yiri wasiir Fiqi. Arrintan ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan, ayada oo dadka qaar ay u damqadeen Cabdinaasir, halka qaar kalena ay wasiir Fiqi ku eedeeyeen inuu soo faro-geliyey howl u taalla Maxkamadda oo aan shaqadiisa aheyn. Tallaabada Fiqi uu qaaday ayaa ka hor-imaneysa hadal uu horey u jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga digay inaan lagala hadli karin qof lagu soo eedeeyey Al-Shabaabnimo, islamarkaana xukunadooda loo daayo maxkamadaha. The post FIQI oo soo faro-geliyey kiiska mid ka mid ah xubnihii shalay dilka lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) - Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) displayed the body of a senior al-Shabab leader killed in a new operation in the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kiiska sideed xubnood oo ay shalay xukuno kala duwan ku ridday Maxkamadda Ciidamada, kadib markii lix kamid ah lagu helay kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab ayaa yeeshay weji cusub, kadib war cusub oo ka soo baxay ehellada Maxamed Xaashi Faarax oo dilkiisa ay Maxkamadda ku eedeeysay Cabdinaasir Cismaan Nuunow, kaasi oo dil toogasho lagu xukumay. Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayey Maxkamaddu sheegtay inuu ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu Cabdinaasir ka sameeyey degaanka Macaani isagoo beegsday gaari Taraafiko ah oo jiidayay Bajaaj shil ku gashay deegaanka Ceelasha 7-dii September 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October ee isla sanadkan. Cabdullaahi Xaashi Faarax oo ay walaalo yihiin Marxuumka ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xukunka Maxkamadda, isaga eedda dilka ah ee loo jeediyay Cabdinaasir ku tilmaamay mid waxba kama jiraan ah, wuxuuna xusay in walaalkiis uu dilay nin askari ah. “Ninkan oo ay Maxkamadda ciidamada ku xukuntay dil iyadoo ku eedeysay inuu dilay walaalkey Maxamed Xaashi xaqiiqdii waa waxba kama jiraan. Waa macquul in uu AS yahay in uu wax dilay balse Mohamed Hashi Waxaa dilay askari ka tirsan dowladda waxaana baarayaasha kiiska wareysteen dadkii arkayay marka uu dhibka gaysanayay,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in lasii daayay dambilihii dilka geystay, isla-markaana kiiska dhabarka loo saariyay wiilka dhalinyarada ah, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan is weydiiyay marka xukunka dhacay ee la sii daayay danbiilihii Kiiskiini wiilkana loo saaray lana rabo in la dilo meeqo qof oo aan maalin waliba aragno Shuute oo leh waxbeey dileen ayaa sidan oo kale danbi aysan galin loo dilaa?. Dhibka ugu badan waxaa u haystaa dadka tabarta yar ee wiilkan oo kale ka dhashay,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay. Dhinaca kale hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay hadalka kasoo baxay Cabdullaahi Xaashi Faarax ee ku aadan facelintiisa xukunka ay ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. “Waa nasiib daro weyn in qof aan denbi gelin loo toogto qof kale oo denbiila ah si loo badbaadiyo denbiilaha dhabta ah waana arin soo jiri jirtey hadeyba tan dhab tahay waana fal laga argagaxo wllhi,” ayuu yiri Baashi Xasan oo ka falciyey qoraalka Cabdullaahi Xaashi. “Adigu mar hadii aadan taagnayn qofka walalka dilayna aadan hebel oran karin se ku ogaatay inuusan ninkaani dili ?” ayuu yiri wiil Facebooka ku soo gala magaca Philoşopher. “Wa arin aad loga xumaado runtii,” ayuu isna yiri Shaafici Hanad. “Brother hadaa cadeyn ku heysaan askarigii dilay wiilka maxkamadiina kiisa weecisay yuusan askarigaas magaalka laafyoone halaga adeegto warkana halkaas haku xirmo.” ayuu yiri Mursal A. Warsame. The post Cabdullaahi: Askarigii dilay walaalkey waa lasii daayay nin kale ayaa dil lagu xukumay appeared first on Caasimada Online.
  14. WASHINGTON — As the U.S. welcomed African leaders to Washington for a summit this week, the media freedom record of several of those countries was brought into focus. Source: Hiiraan Online
  15. Wasiirka Qorshaynta Puntland Maxamed Siciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharma’arke Xasan Cali. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda si baariraan loogu sameeyo. Wareegtada ayaa lagu xusay in la hakiyay dhammaan kootooyinkii Wasaaraddu ku lahayd Bangiyada inta uu socdo baaritaanka. Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in baaritaan maaliyadeed uu ku sameeyo Wasaaradda Qorshaynta. PUNTLAND POST The post Agaasimaha wasaaradda Qorshaynta Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta ee maamulka Puntland, Maxamed Saciid Maxamed (Faroole) ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kadib warqad uu soo saaray Sabtidii oo ay aheyd 17-ka December. Wasiirka ayaa ku eedeeyay Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta Sharaa’ake Xasan Cali inuu sameeyay ku takrifal iyo musuq-maasuq, isagoo amray in baaris lagu sameeyo. “Laga bilaabo 17-ka December, waxaa shaqadii laga joojiyay Sharmarke Xasan Cali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, si baaris loogu sameeyo,” ayaaa lagu yiri warqadda shaqo joojinta. Sidoo kale waxaa la hakiyay dhammaan kootooyinka bangiyada u furan Wasaaradda Qorsheynta Puntland, inta uu socdo baaritaanka. Wasiir Maxamed Saciid ayaa sidoo kale ka dalbaday Hantidhowraha Puntland inuu dabagal ku sameeyo guud ahaan Wasaaradda Qorsheyna, si loo qaado tallaabada ugu haboon. “Xafiiska Hantidhowrka guud ee dowladda Puntland waxaa lagu wargelinayaa in baaris maaliyadeed iyo maamul lagu sameeyo Wasaaradda Qorsheynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah,” ayaa markale lagu yiri qoraalka Wasiir Maxamed Saciid. Go’aankan shaqo joojinta ayaa lagu wargeliyay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, sida ku cad warqadda oo ku taariikheysay 17-ka December oo ay ku beegneyd shalay. The post Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo la reyay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  17. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo qorsheysan oo ay sameyeen ciidamada Nabad Sugidda lagu dilay mid kamid ah horjogayaasha ururka alshabaab. Ciidamada ayaa sheegay in la dilay horjooge Yuusuf Maxamad Jingaab. (Wasiir) oo kamid ahaa ururka alshabaab una qaabilsanaa faafinta figradaha kooxda. Jingaab ayaa la sheegay in lagu dilay deegaanka Juxaay isaga iyo 87 xubnood oo kale oo ka tirsanaa Khawaarijta, 15-kii bishaan. Source: goobjoog.com
  18. Qaramada Midoobay, ayaa ku biirtay ururka Midowga Yurub cambaareynta loo jeedinayo go’aanka Twitter-ka, ee uu ku xidhay qaar kamid ah akoonada saxafiyiinta wax ka tabiya baraha bulshada. Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xidhay akoonnadooda. Qaramada Midoobay ayaa barteeda twitter-ka kusoo qortay in xoriyada saxaafadu ayna ahayn “wax lagu ciyaaro”, halka Midowga Yurub uu ugu hanjabay shirkadda Twitter-ka cuna qabatayn. Afhayeen u hadlay Twitter-ka, ayaa u sheegay shabakada wararka ee tignoolajiyada Maraykanka, in akoonada la xidh xidhay ay la xidhiidho la wadaagista tooska ah ee xogta qofka goobta uu ku sugan yahay. Melissa Fleming, oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan isgaadhsiinta caalamiga, ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay wararka sheegaya in saxafiyiinta “si aan loo meel dayin” loogga xidhay akoonadii ay ku lahaayeen barta bulshadu isku weydaarsato macluumaadka iyo afkaaraha ee Internet-ka ee shirkaddaTwitter-ka. “Xornriyada warbaahintu maaha wax laga gorgortamayo,” ayay tidhi. “Saxaafadda xorta ahi waa tiirka bulshooyinka dimuqraadiga ah, iyo aaladda muhiimka ah ee lagula dagaalo warar been abuur ah.” Horaantii Jimcihii, guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa ugu hanjabtay Twitter inay cuna qabatayn ku soo rogi doonto, iyadoo la adeeg sanayo sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Yurub, kaasoo ay sheegtay inuu ku saleysan yahay “ixtiraamka xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah”. “Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khad cas. Iyo cuna qabatayn, dhawaan dhici karta,” ayay raacisay. Musk si toos ah ugama hadlin xidhista akoonada, laakiin waxa uu bartiisa twitter-ka ku sheegay “in la dhaleeceeyo maalinta oo dhan ay gabi ahaanba tahay wax fiican, laakiin in la sheego meesha aan ku suganahay sida dhabta ah, iyo in qoyskayga la geliyo khatar maaha arrin taalla maxfaladda, ayuu yidhi”. Maalqabeenka teknolojiyadda, ayaa markii dambe sameeyay ra’yi ururin uu ku weydiinayo, haddii ay tahay wax saxam inuu joojiyo akoonada “hadda” ama “toddobo maalmood gudahood”, isagoo soo jeedinaya in go’aanka laga noqon karo isla markiiba. Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoonada la xidh xidhay ku tilmaamay mid keenaysa su’aalo, iyadoo dhanka kale uu ku tilmaamay tallaaabani mid nasiib darro ah. Source