-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Sacuudiga Oo Fasaxday Xoolaha Soomaaliya Geel.Lo, iyo Arigaba! Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo shaacisay inay fasaxday xoolaha Soomaaliya iyo hilibkoodaba inay soo geli karaan waddanka Sacuudiga waxaana la faray Guraf Tijaariya waddanka Sacuudiga inay fuliyaan amarka fasaxaa in xoolaha Geela,Lo,da iyo Adhiga iyo hilibkoodaba ee Soomaaliya ay soo galaan Boqortooyada iyo inay la xidhiidhaan Hay’adaha ay Khusayso waa Sacuudiga iyo Soomaaliya si loo hirgeliyo amarkaa isla markaana ay uga wada faa,idaystaan labada umaddeed ee walaalaha ah. Ali Sheikh Adan Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maanta gaaray degaanka Garacad ee Gobolka Mudug. Madaxweynaha oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha degaankaas Garacad. Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay Garacad waxa uu ka dhagax-dhigi doonaa waddo laami ah iyo xarumo kale. Kulamo kala duwan ayuu sidoo kale la yeelan doona mas’uuliyiinta dekedda Garacad iyo bulshada degaankaas. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo maanta gaaray degaanka Garacad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kahor hadlay kulankii Golaha ee ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda amni. Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka mid ah xubnaha hadlay ayaa sheegay in la beddalay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalinayey xarunta Golaha Shacabka, isla-markaana lagu beddalay ciidamo cusub oo uu tilmaamay in aysan garaneyn halka laga keenay. “Golaha amnigiisa la’iskuma halleyn karo, maxaa yeelay ciidankii loo soo tababaray in uu waardiyeeyo Golaha badankooda waa laga saaray meesha waxaa ka maqan ciidan kor u dhaafaya 50,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Cabduqaadir Jeego oo ka tirsan Golahaas. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ciidamadan aysan aqoon u laheyn shaqada loo igmaday, isla-markaana ay halis ku yihiin amnigooda, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan garaneyn xasaanadda xildhibaanka, sidoo kalena aysan akhrin karin magaca ID-ga sida uu ku dooday. “Ciidan aan la aqoon ayaa la keenay meesha amnigeedana ayey qatar ku yihiin, mana akhrin karaan magaca ID-ga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagneyd dood la xiriirta amniga xildhibaanada, kuwaas oo walaac ka muujiyay ciidamada ammaanka ee ku sugan magaalada Muqdsho, kadib markii ay kordheen muranada xildhibaanada iyo ciidamada sugaya ammaanka. The post Daawo: Xildhibaanada BF oo shaaciyay arrin halis ku ah oo ka taagan xarunta golaha appeared first on Caasimada Online.
-
A 2-year-old girl died hours after being rescued by the Italian coast guard on Sunday along with dozens of other migrants after their boat capsized near the Mediterranean island of Lampedusa, Italian news reports said. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta heegan buuxa galiyay guutada ilaalada madaxda qaranka iyo hay’adaha dowladda ee VIP, si ay u kordhiyaan mas’uuliyadda saaran ee amniga madaxda iyo xarumaha dowladda. Taliyaha guutada oo lagu magacaabo Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa maanta soo bandhigay ciidamadan gaarka ah oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, isla-markaana u xil-saaran amniga qaranka, gaar ahaan madaxda sare iyo hay’adaha dowladda kuwa VIP-da. Gaashaanle Sare Maxamed Daahir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadan loo diyaariyay inay ka hortegaan wax kasta oo halis ku ah amniga mas’uliyiinta qaran, isla-markaana ay ku jiraan feejignaan dheeri ah, si ay iga hortegaan falalka liddiga ku ah amniga qaranka. “Waxaa loo aas aasay oo ciidankan loo diyaariyay in wax kasta oo amni darro ah oo ku imaanaya mas’uuliyiinta qaranka iyo xarumaha inuu ka hortego, waana ciidan aad loo diyaariyay, loona carbiyay inay wax weliba dareemi karaan,” ayuu yiri Maxamed Daahir. Sidoo kale wuxuu ku baaqay in la kordhiyo tababarada ciidamadaan, si u helaan aqoon iyo gaadiid ay ku shaqeeyaan, si ay ulaba jibaaraan waajibaadka saaran ee amniga madaxda. “Hadda waan sii dardar-gelineynaa dadaalka waxaan rajeynayaa in ciidankaan tababaro caalami ah helaan iyo gaadiid, kadibna Obareeshano fuliyaan,” ayuu sii raaciyay. Si kastaba soo bandhigidda ciidamadan gaarka ah ee amniga madaxda dalka iyo hay’adda dowladda ee VIP ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab oo culeys xoogan soo saartay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. The post Daawo: Amniga madaxda DF oo la adkeeyay iyo ciidan cusub oo lasoo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka qayb-galay soo dhawaynta mudane Dhooba-daareed waxaana loo xiray qaar kamid ah waddooyinka caasimadda. Siciid Deni iyo Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa 10-kii bishii May ee sannadkan ka heshiiyay khilaafaad hore u dhexmaray. Mudane Dhooba-daareed ayaa hore xilkii Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland looga qaaday mooshin uu abaabulay Siciid Deni. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland oo gaaray Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta soo idlaaday, kaasi oo afar sano ka hor loo dhaariyay xilka ugu sareeya maamulka Koonfur Galbeed. Golaha Wakiilada maamulkaasi ayaa Lafta-gareen waxay hal sano ugu dareen xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo muddo xileedkiisa dastuuriga uu ahaa afar sano, kuwaasi oo ku sheegay sababta inay tahay iswaafajinta xil-heynta madaxweynaha iyo midda baarlamaanka oo hal sano kala horeeyay. Shirar isdaba-joog ah oo Muqdisho uga socday siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed ayey ku qaadaceen muddo kordhinta loo sameeyay Lafta-gareen, iyaga oo sheegay in xil-heyntiisa ay ku eg tahay inta uu siiyay dastuurka. Sidoo kale waxaa fashilmay sida muuqata isku dayo la rabay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee maamulka, kadib markii ay laba maalmood ka hor si wada-jir ah u soo wada saareen guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxweyne Lafta-gareen in 5-ta January 2023 uu qabsoomi doona shirka dib-u-heshiisiinta. Siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi oo markale Muqdisho shir ku qabtay ayaa War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxweyne Laftagareen ku tilmaamay mid aan laga fiirsan. Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ay si buuxda u qaadaceen War-murtiyeedka ka soo baxay Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha ee shirka dib-u-heshiisiinta. Waxaa xusid mudan in maamulka Koonfur Galbeed uu shalay amray in aan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi, taasi oo saameynaysa askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka heysta hubka sharciga iyo kuwa aan sharciga ahayn. Arrintaan ayaa soo ifbixineysa walaaca uu maamulka ka qabo in rabshado iska soo horjeeda ay ka dhacaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ee dowlad-gobaleedka. Xiisada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid lugaha la sii galeysa isdiidooyin siyaasadeed oo salka ku haya muddo kororsiga Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). The post Waxyaabaha aad u baahan tahay inaad ka ogaato xiisada siyaasadeed ee K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
”WAREEGTO MADAXWEYNE Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-966/122022, ku dhaqan-geliyey maanta oo ay taariikhdu tahay 19/12/2022, Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/KF- 04/956/2022 ee ku taariikheysan 03/12/2022, kuna ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2023-ka. Waxaan Soo-Saaray; Dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2023-ka oo ka kooban Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Hay’adaha Madaxa- bannaan ee Dawladda iyo Deeqaha Caalamiga ah oo dhan SL.SH= 3,581,440,706,340/= (Saddex Tirilyan, Shan Boqol Kow iyo Siddeetan Bilyan, Afar Boqol iyo Afartan Milyan, Toddoba Boqol iyo Lix Kun, Saddex Boqol iyo Afartan Shillin Somaliland ah). Miisaaniyaddu waxay dhaqan-gal noqon doontaa 01 January 2023. Allaa Mahad Leh Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source
-
Komishanka Doorashooyinka S/land oo u yeedhay Sadexda Xisbi Qaran · Kominshanka Doorashooyinka Somaliland ayaa saaka mar kale kulan iskugu yeedhay Saddexda xisbi qaran ee Waddani , Kulmiye iyo UCID . Arimo ay ka mid yahiin Diwaangalintii cod bixiyayaasha oo dalka ka bilaabmi doonta 9 cisho kadib ayay ka wada hadlayaan . Qaran News
-
Doolow (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo. Mahada Salaad iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxa Doolow ku soo dhaweeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta gobolka. Agaasimaha NISA ayaa lagu wadaa in kulamo la yeesho qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka, xilli ay maalmihii dambe xiisad siyaasadeed xoogan ka taagneyd Gedo. Gobolka ayaa sidoo kale lagu wado inay ka bilaaban doonaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo Jimcihii ay halkaasi gaareen wasiirkii hore amniga dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Cabdullaahi Fartaag oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare. 9-kii bishaan ayey aheyd markii taliyihii Nabad-sugidda gobolka Gedo Bakaal Kooke uu ku geeriyooday degmada Luuq kadib markii gaarigiisa loogu xiray Qarax. Safarka Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka ka taagan gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeya maamulka gobolka iyo dowlad-gobaleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe. Sidoo kale waxa uu kusoo beegmaya saacado un kadib markii Jubbaland ka dalbatay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas, ayada walaac xoogan ka muujisay xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo. The post Mahad Salaad oo maanta ka degay DOOLOW + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay sheegay in ciidamada ay uga baxaan deegaanada qaarkooda qorshe uu ku dhisan yahay howl-galka socda. Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howl-galada xoreynta deegaanada ay iskugu jiraan laba nooc, kuwa ay sii joogaan ciidamada iyo kuwa kale oo ay burburiyaan markay qabsadaan. “Howl-galku sidiisa ma aha in aad Tuulo kasta iyo Magaalo kasta oo tagtid in aad joogeysid, goobaha dagaalka qaar marka ciidanku gaaro waxaa loogu tala-galay in ay ku nagaadaan halka goobaha qaarkoodna loogu tala-galay in cadawga ku sugan laga saaro lana burburiyo,” ayuu yiri. Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano, kuwaasi oo hoosyimaada gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud. “Howl-galada kuma ekaanayaan gobolladaan, marwalba miisaanka howl-galku waxa uu saaran yahay meel, waxa aan dhihi karaa labada gobol ee Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan waxa laga gaaray guulo aad u waaweyn.” Dhowr jeer ayaa ciidamada huwanta si weyn loogu dhalleeceyay aagag ay dib uga soo baxeen, ayada oo saraakiisha ciidanku ay arrintaasi ku macneeyeen istiraatiijiyad ciidan. Saraakiishaas ayaa sidoo kale hore u sheegay in xeelad dagaal dib uga gurtaan aagaga qaarkood, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku qasabtay inay isaga baxaan deegaanadii ay joogeen. “Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga wareegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro.” Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay bishii July, ayaa tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga saaray deegaano ay gacanta ku hayeen sanado badan. The post Odowaa oo sheegay sababta ciidanka uga baxaan degaanada ay qabsadaan qaarkood appeared first on Caasimada Online.
-
Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad, ayaa gaaray magaalada Dooloow ee gobalka Gedo. Mahad Salaad ayaa kulama la qaadan doono qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobalka Gedo, waxaana halkaas ka socda abaabul ciidan oo ka dhan ah ururka alshabaab. Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo Senator Fartaag ayaa ku sugan magaalada iyo qaar kale oo kamid ah siyaasiyiinta gobalka. Agaasime Mahad ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu qayb ka noqdo abaabulka ciidan ee ka socda gobalka Gedo, waxaana la filaya in ciidamadaas ay dhawaan dagaal ku qaadi doonaan deegaannada ay ku sugan yihiin ururka alshabaab.] Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa is faham la’aan ku dhammaaday. Siciid Deni iyo Axmed Karaash ayaa sida xogo hoose xaqiijinayan ku kala ra’yi duwanaaday xilka qaadista qaar kamid ah Golaha Wasiirada. ” Ma jiro khilaaf muuqda oo u dhexeeya labada mudane waxaase jirta in la isku fahmi waayay xilka qaadista wasiirada qaarkood” ayuu yiri qof ku sugan Madaxtooyada Garoowe. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa maanta u safro degaanka Garacad ee Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Kulan dhexmaray Siciid Deni iyo Axmed Karaash oo isfaham la’aan ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in degmada Qoryooley ee gobolkaas uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee kamid ah howl-galka ATMIS oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Dagaalka oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee degmada Qoryooley. Dhawaaqa rasaasta ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn looga maqlayay guud ahaan degmada, ayada oo dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray. Illaa hadda si rasmi ah looma oga khaasaraha ka dhashay madaafiicda ay tuurayeen ciidamada Uganda iyo guud ahaan dagaalka ka dhacay degmada Qoryooley, hase yeeshe waxa lasoo warinaya in uu jiro khasaare kooban. Wararka ayaa intaas kusii daraya in xaaladda degmada Qoryooley ay xiligaan tahay mid degan, ayna si caadi ah u shaqeeynayaan isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga. Weerarada noocaan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca deegaanada ay gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa howl-galka ATMIS. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ATMIS oo la xiriira weerarkaan. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ku fiday Sh/Hoose appeared first on Caasimada Online.
-
Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Shaqaalaha Khilaaf xooggan ayaa weli ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland. Xubnihii as’aasay urur siyaasadeedkan ayaa laba garab noqday waxaana garab kasta sheeganayaa in uu isago saxan yahay. Garab kamid ah ururkan ayaa lix ku noqday shan urur siyaasadeed oo heshiis la saxiixday madaxweynaha Puntland. Garabkii kale ee ururka ayaa saxiixay baaq ay soo saareen urur siyaasadeedyo diiddan heshiiskaas. Khilaafka urur siyaasadeedka Shaqaalaha ayaa marar kala duwan la isku dayay in la xalliyo balse weli laguma guulaysan. PUNTLAND POST The post Khilaaf xooggan oo ka dhex taagan urur siyaasadeedka Shaqaalaha ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wararka naga soo gaarayo degmada Qoryooleey ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa ATIMS oo isku dhinac iyo ururka alshabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen deegaanka ay weerar ku soo qaadeen xubna ka tirsan ururka alshabaab. Waxaana la soo warinaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, xilli xaaladda Qoryooleey ay aad u kacsan tahay maanta. Ma jirto maamulka gobalka Shabeellaha Hoose iyo kan Hirshabeelle weli cid ka hadashay dagaalka ururka alshabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa ATIMS oo isku dhinac ku dhexmaray degmada Qoryooleey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland oo ka hadashay xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi ka dalbatay in uu soo fara-geliyo xiisada ka taagan gobolkaas. Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay Kismaayo ayaa sheegay in ka maamul ahaan walaac xoogan ka muujinayaan xaalada amni, maamul iyo bini-aadanimo ee ka jirta gobolka Gedo. “Dowladda Jubbaland waxay rajeynaysa in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ay arrintaan wax ka qabato, maadama ay tahay arrin banaanka ka ah Dastuurka iyo xeerarka dalka u dagsan,” ayuu yiri. “Jubbaland ayada oo gudaneysa waajibaadkeeda Dastuuriga ah waxay qaadeysa tallaabooyin is-xigxiga oo xal u noqonaya xaalada gobolka, taas oo umadda gobolka Gedo gaarsiinaysa amni, maamul, garsoor iyo adeeg bulsho oo dhameystiran.” Waxa uu ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Gedo inay garab istaagan nidaamka dowladnimada, kana hortagaan fowdada iyo qaska ay wadaan shaqsiyaadka ku howlan danahooda gaarka ah, sida uu hadalka u dhigay. Inkasta oo uu madaxweyne ku-xigeenka shaqsiyaadkaas uusan carabaabin, haddana waxaa muuqata in uu ka hadlayo Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan oo dhawaan tegay gobolkaasi. “Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ka codsanayna inay arrintaan siiso mudnaanta ay leedahay, waayo arrinta gobolkaan oo la xaliyo waxay fure u noqoneysa la-dagaalanka argagixisada iyo dhismaha qaranimo Soomaaliyeed, maadama gobolka ku xeeran yihiin arrimo fara badan oo dhinacyo badan ka imaanaya.” Ugu dambeyntiina waxa uu digniin u direy ciidamada kala duwan ee ku sugan gobolka Gedo, oo uu sheegay inay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda iyo maamulka, islamarkaana ka shaqeeyaan amniga oo kaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli wax war ah kasoo saarin xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka Gedo, xili maamulka gobolkaasi uu si toos ah uga horyimid dowladda. The post Jubbaland oo dalab la xiriira xiisada GEDO u gudbisay Ra’iisul Wasaare XAMZA appeared first on Caasimada Online.
-
Markabka APL NEW YORK (IMO: 9597484) oo dhererkiisu yahay 328 mitir, ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee abid ku soo xidha Berbera. Markabkan oo xambaarsanaa “8000+ TEU”, ayaa shalay ku soo xidhay Dekadda Berbera, waxana lagaga dejiyey 900 oo kontaynar, kuwaas oo ay ka wakiil ka aheyd shirkadda CMA/CGM, Berbera. APL NEW YORK oo qaadkiisu yahay “9,200 TEU”, sabbayn karana marin guntiisu tahay 16+ meter, ayaa maalmo ka hor ka soo shiraacday Dekadda Jeddah, qeybta DP World. Wuxuna u gudbi doonaa Dekadda Jabel Ali, Dubai. Markabkan ayaa ah 9 jir ku badmaaxa calanka Singapore . Waxana iska leh shirkad Maraykan ah oo hoos timaada “CMA/CGM Group” oo ka mid ah seddexda shirkadood ee ugu waaweyn aduunka ee ka shaqeeya xamuulka/daabulida container-da. © Abdirahman Mohamed Ibrahim Source
-
Mogadishu (HOL) - Heavy fighting was reported between Somali government forces backed by AU troops and al Shabab militants on Monday morning in Lower Shabelle’s Qoryoley district. Source: Hiiraan Online
-
The Qatar Fashion United by CR Runway took centre stage on Friday, transforming the football pitch of the 974 Stadium into a runway showcasing 21 Qatar-based brands and more than 150 designers from six continents and 50 countries. Source: Hiiraan Online
