Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa qaaday tallaabo ay ku dalbaneyso in la cafiyo Daniel Hale oo hore u ahaa fallanqeeye millitari. Daniel ayaa loo haysta faafinta dukumentiyo kashifay sidda ciidamada Mareykanka ay shacabka ugu laayaan duqeymaha ay ka geystaan wadamo ay kamid tahay Soomaaliya. “Daniel Hale cidna khatar kuma ahan, waxa uu qaatay mas’uuliyadda ficilada uu sameeyay, wuxuu shaqo qaran u qabtey qarankiisa. Arrinta Daniel waxay ka turjumaysaa awoodda cafiska. Waa qalad in la faafiyo macluumaadka qarsoodiga ah. Laakiin waxaa Daniel sameeyay waxay aheyd geesinimo.” ayey tiri Ilhaan. Ilhaan ayaa hadalkaan ka jeedisay shir jaraa’id oo ay soo qaban-qaabiyeen shabakadda taageerada Daniel Hale oo ah urur ay ku mideysan yihiin hay’addo iyo saaxiibada Hale oo xiligaan ka shaqeynaya sidii loo sii deyn lahaa. Difaacista Ilhaan ee ninkaan ma ah markii u horeysay, waxayna sidan oo kale bishii August ee sanadkii hore warqad u dirtay Aqalka Cad, taasi oo ay ku sheegtay in Daniel uusana dambi galin, balse uu iftiimiyey dhibaatooyinka sharciga iyo akhlaaqda ee barnaamijka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. “Wuxuu ogeysiiyey dadweynaha waxyaabo ay tahay in khaladaad ka jiraan oo la saxo,” ayey xiligaas qoraalkeeda sii raacisay Ilhaan. Daniel ayaa hore loo xukumay 45 bilood oo xarig ah ka gadaal markii uu qirtay hal dacwad oo kamid aheyd shan eedeymo oo la xiriirta faafinta dukumentiyo dowladeed oo xasaasi ah. Dukumentiyada loo haysto Ninkaan ayaa ka koobnaa sirta howl-galada Drones-ka Mareykanka oo ay ku jiraan inta jeer ee rayidka lagu dilay duqeymaha Yemen, Pakistan Afghanistan iyo Soomaaliya. Daniel ayaa hore qeyb uga ahaa ciidamada Mareykanka muddo xileedkii koowaad ee Brack Obama, xiligaasi oo ay kordheen isticmaalka weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. The post ILHAAN oo dalab ka gudbisay kiiska nin kashifay sir la xiriirta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  2. Agaasimaha guud ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha cusub ee Nabadsugida gobolka Gedo. Taliyaha Nabadsugida gobolka Gedo ayaa loo magacaabay S/Guuto Axmed Xasan Sareey, oo baddelaya Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo dhawaan lagu dilay qarax ka dhacay nawaaxiga degmada Luuq, xilli uu safar ugu socday degmada Doolow. Magacaabista Taliyaha cusub ee Nabadsugida gobolka Gedo ayaa ku soo aaday xilli weli xiisad siyaasadeed ka taagan tagay gobolkaas, maantana ay tageen siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdirishiid Janan iyo Senator Fartaag oo ka soo horjeeda muddo kordhinta Axmed Madoobe. PUNTLAND POST The post Mahad Salaad oo magacaabay Taliyaha NISA ee Gedo appeared first on Puntland Post.
  3. Somali President Hassan Sheikh Mohamud addressed a nearly packed auditorium Thursday evening at the Minneapolis Convention Center, where attendees cheered and waved blue Somali flags. Source: Hiiraan Online
  4. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii sheegtay “inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,” kadib markii duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda. “Dowladda Maraykanka aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka. “Waxaan ku boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada ‘aflagaaddada’ oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood dadweyne.” Imamoglu ayaa lagu soo eedeeyey “aflagaaddeynta” mas’uul dowladeed kadib markii saraakiisha doorashada uu ugu yeeray “doqomo”. Maxkamadda ayaa diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad. Saraakiisha ayaa sheegay inay heleen boqollaal kun oo “codad laga shakisan yahay ah” kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu. Go’aanka ayaa si xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu. Imamoglu ayaa kadib si caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray “doqomo.” Kooxda Ekrem Imamoglu ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan. Dadka lagu xukumo wax kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga. Hase yeeshee xukunkan ayaa 52 jirkan — oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey — ka mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka. Imamoglu ayaa sii hayn doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka xukunka. AFP, VOA The post Mareykanka oo war kasoo saaray xukunka lagu riday duqa magaalada Istanbul appeared first on Caasimada Online.
  5. BEENIN Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah. Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid calaa cidii Ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga. Qaran News
  6. Madaxweynaha Xidhidhka kubbada cagta Adduunka Ee Fifa Gianni Infantino ayaa sheegay in koobka Kooxaha Adduunka (Fifa Club World Cup), La qaban doono saddexdii sannaba mar, tirada kooxaha ka qayb galayaana ay noqon doonan 32 kooxood kaas oo u eekaan doona hanaanka loo qabto Koobka Kubbada Cagta Adduunka. Waxa Xusid mudan inuu xusay Madaxweynaha Fifa in Koobka Kooxaha Adduunku la qaban doono 2025. Qaran News
  7. Ciidamada socdaalka soomaliland ayaa soo qabtay nin dawarsade iska dhigay oo u dhashay dalka itoobiya kaasi oo meherad hargeysa ku taalla ka xaday telefoon qaali ah, uugu dambayna waxa la hor geeyey sharciga. Ciidamada socdaalka soomaliland ayaa sidoo kalle fariin u diray dadka ajaanibta ah ee gudaha soomaliland joogga, iyagoona uuga digay falalka noocan ah. Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa taliye cusub u magacaabay gobolka Gedo, toddobaad kadib markii qarax lagu dilay taliyihii hore Bakaal Kooke. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Mahad Salaad,, waxaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo loo magacaabay General Jamaal Xasan Sarey oo ka tirsan kumaandooska ciidamada Milateriga, kaasoo hadda hoggaamin doona ciidamada NISA ee gobolka Gedo. Gen. Sareey ayaa la sheegay inuu yahay sarkaal leh tababar sare oo ka tirsan ciidamada Kumaandooska, iyadoo uu la wareegi doono qorshaha dagaalka Al-Shabaab ee la filayo inuu ka billowdo gobolka Gedo. Magacaabistan ayaa imaneysa ayada oo weli ay su’aalo ku hareereysan yihiin cidda dishay taliye Bakaal Kooke. Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay. Hase yeeshee, Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin. Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo. “Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland. Sidoo kale, Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke. Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke. The post MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Gedo kadib dilkii Bakaal Kooke appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay dhigiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni iyo Kenya Mudane William Ruto. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka , isagoo xusay guulaha wax ku-oolka ah ee ay gaareen Ciidamada Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan dalka. Dhankooda, Madaxweyneyaasha dalka Uganda iyo Kenya ayaa bogaadiyey howlgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacaka Soomaaliyeed cirib-tirka AL-shababaab, waxa ayna adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed. Yoweri Museveni iyo Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, waxa ayna xuseen muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, iyadoo dowladda Soomaaliyeed ay gudbisay qorsheheeda ku aaddan isbeddelka cimilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdegga ah iyo la dagaallanka argagixisada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Kazan (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa dalka Ruushka kaga qayb-galay shir looga hadlayo arrimaha dhallinyarada Dunida Islaamka. Shirkan oo ay marti-gelisay dowladda goonida isu-maamusha ee Tatarstan oo xubin ka ah midowga federaalka Ruushka ayaa ka dhacay caasimadda Tatarstan ee Kazan. Waxaa ka soo qayb-galay Wasiirrada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah ururka wadamada Islaamka OIC, waxaana shirka khudbad ka jeediyay Wasiir Maxamed Barre Maxamuud, taasi oo dhinacyo badan taabanaysa oo isugu jirta fursadaha iyo caqabadaha ay ka midaysanyihiin dhalinyarada dunida Islaamka. Wasiirka ayaa waxa uu si gooni ah uga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay ugu jiraan in ay Soomaaliya ka dhigaan dal lagu soo hirto oo soo jiita maalgashiga caalamiga ah. “In raasumaalka ugu qaalisan ee Soomaaliya leedahay uu yahay dadkeeda oo boqolkiiba 75% ay ka yaryihiin da’da 35 jir oo ah kuwa habeen iyo maalin ka shaqaynaya Soomaaliya nabadda ah oo isku fillan isagoo intaas raaciyay in kumanaan qurbaha wax ku soo bartay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen si ay uga qayb-galaan dib u dhiskiisa,” ayuu yiri. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasaa in 75% ay ka yihiin bulshada, balse waxa ay wajahayaan caqabado horleh, taasi oo sababtay qaarkood inay u tahriibaan waddamada dhaca Qaaradda Yurub, kuwaasi oo inta ay ku jiraan safarkaas la kulmo tacadiyo ka dhan ah bini’aadanimada. The post Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeyb gashay Ruushka appeared first on Caasimada Online.
  11. Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo lagu sheegay in kursiga Hop#086 loo ansixiyay Fahad Yaasin Xaaji Daahir. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Golaha Shacabka ayaa lagu yiri “Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si cad u beeninayaa Warqad been abuur ah oo lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah”. “Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doono sharciga” ayaa la raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Aadan Madoobe oo beeniyay warqad laga faafiyay oo la xiriirta Fahad Yaasiin appeared first on Puntland Post.
  12. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa dhawaan muddo labo todobaad ka badan fasaxaysa ardayda iskuullada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu. Fasaxa ardayda waxaa lagu sababeeyay in goobaha waxbarashada loo isticmaali doona diiwaan-gelinta doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo la qorsheynayo in ay bilaamato horraanta bisha Jannaayo ee sanadka cusub 2023. Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland waxay ku wargelinaysaa dhammaan goobaha waxbarashada gobolada Bari, akatkaar iyo Gardafuu in ay yihiin fasax laga bilaabo 5/1/2023 ilaa 20/1/2023. Dhammaan goobaha waxbarashada waxaa loo isticmaalayaa diiwaan-gelinta doorashada qof iyo cod ee ka qabsoomaysa dhammaan gobollada Puntland”. Ururada siyaasadda Puntland ayaa dhawaan 13 shuruudo ku xiray doorashada goleyaasha deegaanka Puntland, inkastoo la fuliyay labo ka mid ah shuruudahaas oo kala ah dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah iyo dib u dhigista diiwaan-gelinta codbiyeyaasha. PUNTLAND POST The post Puntland oo fasaxaysa ardayda saddex gobol appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayaa sheegay inay jiraan dad raba in aan laga xoroobin argagixisada. Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dadka kasoo horjeeda dagaalka socda ay dacaayado iyo been abuur la daba taagan yihiin howl-galada ka dhanka ah Shabaab ee hormuudka u yihiin shacabka Soomaaliyeed. “Waxaa jira kuwa doonaya in aan laga xoroobin Khawaarijta cadowga ah oo wada been iyo dacaayad ay ku marin habaabinayaan Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, waa ii farxad inaan arko ciidamada deegaanka oo deegaano kala duwan ka kala yimid hadana iska kaashanaya xoreynta kooxda Shabaab” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu beeniyay wararka la xariira in dowladda federaalka Soomaaliya ay hubeysay beelo gaar ah, isagoo xusay in dowladda ay dadka deegaanka la garab istaagtay taageero hoggaamineed. “Waxaa hada meesha ka baxday dacaayadii aheyd dowladda beelaha ayay hubeyneysa oo ay isku direysa, maadama ciidamada deegaanka iyagoo meelo kala duwan ka yimid ay hada si wadajir ah ula dagalamayaan Al-Shabaab, midaasi ayaa guul weyn inoo ah” ayuu yiri R/W Xamza Cabdi Barre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Arbacadii booqday degmada Aadan Yabaal oo dhawaan laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab, oo sanado badan gacanta ku haysay. Xamza ayaa halkaasi u tegay dhiiri-galinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab iyo weliba u kuur-galida xaalada ka jirta deegaankaasi. Ra’iisul wasaaraha ayaa intii uu ku sugna degmada soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed laga dhisayo Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas. The post Xamza oo sheegay laba arrin oo ay wadaan kuwa kasoo horjeeda dagaalka Shabaab appeared first on Caasimada Online.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu faafiyay baraha bulshada, taasi oo lagu sheegay in go’aan cusub uu Guddoonka ka gaaray kursiga HOP#086. Warqada uu beeniyay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kursigaas oo uu hore ugu soo baxay Fahad Yaasiin loo maray hanaan sax ah, ayna ka qeyb qaateen odayaashii saxda ahaa ee hormuudka u ahaa xulista ergada ee doorashadii 2016. “Mudane Fahad Daahir Axmed waa Xildhibaanka rasmiga ah ee ku matali doona Beesha iska leh kursiga HOP#086 Golaha Shacabka JFS, laga bilaabo maanta,” ayaa lagu yiri warqada been abuurka ah oo laga dhigay mid kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa si cad u beeniyay warqadaasi been abuurka ah oo lagu baahiyay baraha bulshada. “Shacabka Soomaaliyeed ha ka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu beeniyay warqada lagu sheegay in go’aan looga gaaray kursiga HOP#086. Xafiiska Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in baaritaan uu ku sameeynayo warqada been abuurka ah iyo cidii ka dambeysay falkaan, islamarkaana lala tiigsan doono sharciga. The post Maxaa ka jira in guddoonka BF uu go’aan cusub ka gaaray kursiga Fahad Yaasiin? appeared first on Caasimada Online.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markii u horeysay baahisay sawirada munaasabad maalmo ka hor ka qabsoomtay xarunta Villa Aadan Yabaal, inta aysan ka qabsan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Sida lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab, kooxda ayaa raashin ka qeybisay Aadan Yabaal maalmo yar ka hor inta aysan xoreyn ciidamada huwanta, kuwaasi oo dagaal xoogan kula jira argagixisada. “Aadan Yabaal ayaa muddo ka badan 12 sano lagu maamulayay shareecada islaamka, magaaladaan ayaa aad u dhisantay sanadadii nabadda, waxayna ku tallaabsatay horumar dhan walba ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab. Sawirada ay baahisay kooxda ayaa waxa laga dheehan karayay dadweyne ku xoonsan xarunta ay madaxda Shabaabka uga talin jireen degmadaas ee Villa Aadan Yabaal iyo horjooge u khudbeynayo. Aadan Yabaal oo ah degmo qadiimi ah oo muhiim ah ayaa sanado badan ku jirtay gacanta Al-Shabaab, waxaana xiligaan gacanta si buuxda ugu haya ciidamada dowladda. Al-Shabaab ayaa intii ay haysteen Aadan Yabaal aan la arkin sawirrada magaaladaan qadiimiga ah, waxaana hadda laga helayaa xogo hor dhac ah oo ku saabsan sidii kooxdu ay u maamuli jirtay magaaladaan. The post Al-Shabaab oo shaacisay arrin ay ka sameysay Aadan Yabaal ka hor inta laga qabsan appeared first on Caasimada Online.
  16. Human life is behavior and practice. Behavior and practice are a combination of ideas, actions, interaction, and intentions. The way in which humans behave in response to different situations is what actually makes them stand out more than from one another. The strength of any country, therefore, stems from how its people behave and put their behavior into practice. That is, putting what the people do and how they do it into practice. Of course, good behavior breeds mostly national integrity; the trust to build unity and togetherness between citizens of any country, regardless of their religion, race and color. If the same thing goes for all societies, the question that comes here is: Does national integrity play a much less or a much more central role in building Somaliland common destiny? The adage ‘two heads are better than one’ comes into play here, as communities work together to rebuild their lives and support each other whenever threats of evil arise and approach to them. Despite this universal concept, national integrity plays a much less central role in building the common destiny of Somaliland people, even though most people recognize that unity gives societies the strength and stability to build a better life and does not totally destroy the character of the tribe to which people belong. If unity is universally believed or accepted as a mercy and disunity as a punishment, why then Somaliland citizens are divided and deviod of the bond that can unite and bring them together in the name of their own country? First, Somaliland people never seem to remember that they will always be sailing in the same boat, no matter how tribalism or something else pulls them apart in different directions. Suspicions are such that some communities are of the opinion that they should always be better off in all aspects of life than the rest of the communities without civility. Second, Somaliland people never refrain from repeating what has already failed them, till they have become people who won’t flourish, any more than a potato that is planted and replanted for too long a series of generations in the same worn-out soil. What this means is that Somaliland country always finds itself in where “what is a nation or state” will not be the first question from an impresario considering an ethic representation ! From the year 1969 to the year 1991, when SNM forces had liberated Somaliland from Siyad Barre’s regime to the year 2022 and beyond, Hanad was an active insider and spectator in Somaliland’s event history – what went wrong and what not. Hanad’s knowledge of Somaliland history was so extensive that he was knowledgeable about Somaliland’s inability to reach a stage where “what is a government” was not the first question from an international advisory board considering the comity of nations. That Somaliland was the protectarate that rejected to form its own independent government after gaining independence from British colonizers was nothing new for Hanad. Nor the rule of the civilian governments that rose to power right after independence that was very bad was a discovery to him. Nor that the ruling behavior of the ousted military regime headed by Siyad Barre that was even worse was a surprise to him. Nor the fact that the reign of the mujahids, which born out of tribal election in Somaliland was and is the worst of all, was a nightmare for Hanad. “It is a cliche’ that doesn’t embellish speech or writing, leave alone that they have a promising hope to sell,” Hanad said when he was asked about how he had really seen the ruling behavior of the mujahids. Despite these consecutive pains of bad governance, Somali people had been conditioned and still certainly obliged to accept that the direction of the herd, and authority anywhere is always right. Being loyal to a government means to have unwavering faith in the government. It means also giving unquestioned power and authority to the government. The combination of these two factors is in fact what actually makes or paves the way for the formation of bad governments in Somaliland or in other Somali territories. The ignorant and arrogant personalities who rise to power through somehow or the other, without doubt, assume that unwavering faith in the government and unquestioned power entrusted in the government will mean that they should lead the nation according to their own outlook, as most of us have already experienced and still observe today. It is not about people being mindless. It is not about all people being ignorant and that they all suffer from poverty of understanding, or that all individuals of Somaliland societies are born with hate and have grudge against each other. It is just that Somaliland people are governable. Without any exaggeration, anyone can govern Somaliland people, even if they know that the one who wants to rule them is mad and not mindful. The reason is that there is no society other than Somaliand societies that can tolerate governments that are led by leaders who are humanly immune to human care at all the time. Having seen that Somaliland was a place that had seen great cruelty and hardship in its time, that his country had experienced the illusion of power and its ignorant organization, that Somaliland people had seen sufficient horrors of oppression, supression of common voice and all kinds of inhumanity, and that the illusion of power and politics was a laggard and blind, Hanad convinced himself that it was a crime to see Somaliland go through again terrors of cruelty squad. He realised that the time to get Somaliland out of nowhere had come. Hanad was very much impressed with Hinbir, not in the sense that Hinbir’s argument was all right, but in the sense that Hinbir was frank in attitude and conversation. The recognition that plainness is of course an attitude that Hanad and his likes have to appreciate came into Hanad’s mind several times. He wished that another chance to meet Hinbir would be even nicer than their previous meeting. Hinbir also recalled the converastion he had with Hanad when he went to his homeat the end of the evening. He couldn’t sleep from impressions that pursued him relentlessly. They were Hanad’s resolute face, his inquistive mind, and his vision to transform Somaliland into a better world through improvements in every area of the society. Hinbir also remembered that he didn’t ask Hanad who he was during their meeting; probably his profession, his goals, his ambition and expectations, particularly in politics, and most importantly how Hanad would heal the wounds and weaknesses in Somaliland’s existing system. Fortuantely, Hanad and Hinbir met in the same hotel after two days. They saw each other, hugged each other so warmly and sat together. Hanad waved his right hand to a waiter and ordered fresh drinks. This time Hinbir was very cautious but curious to know much about Hanad, all that impressions that already pursued him relentlessly. “I am sorry for not introducing myself to you in our last meeting and hope that impressions like who am I as a person are lingering in your mind,” said Hanad. “Of course, self-introduction is nowadays like business cards and seem extremly important,” Hinbir returned. “That is right.” “I am neither a politician nor businessman, nor part of public elders who tend to find out in where their bread is buttered in everyday. I am a plain citizen and am self-employed and sociologist by profession – never know you heard it or not,” said Hanad. “What are you upto?,” asked Hinbir. “Professionally, I am expert in social life, the causes and consequences of human behavior and am currently in the middle of a research that relates to the defects and defficiencies in Somaliland’s social and political order system,” replied Hanad. “That is a tall order to think about. Who assigned you to research in how do humans behave? The government?,” asked Hinbir. “I don’t work for any specific party. I work as an indeprndent expert, probably as a researcher and collect, organize, analyze, and interpret information and measure public opinions to explore issues, solve problems, and provide solutions to pressing issues.” “Problem-solving is what all Somalis require. I would be very grateful if you could solve my problems first. First come first served.” “I am not talking about fast food resorts service where first come first serve rule applies. I am talking about social and political problems that affect an entire society. Two good examples are bad governance and poverty.” “I personally suggest that you put aside bad governance and its accompanying problems and concentrate in poverty alleviation and start dealing with mine first – poverty.” “Are you a poor person?” “Yes. I am very poor indeed.” “How would you define your poorness, Mr. Hinbir?” “My poorness is poverty. What else can cause my poorness other than poverty?” “And what is poverty?” “Poverty is moneyless.” “Poverty is not penniless.” “If poverty is not moneyless, then what is it by the way?” “Poverty is hunger – down-and-out.” “Moneyless is another face of poverty, no difference, the two terms are same,” insisted Hinbir. “Penniless and poverty are not same. Penniless or moneyless is in need of money. For instances when you are strapped for cash to buy medicine or household appliances. But poverty or hunger is when people have no food, no home, no job. And mind you, poverty is many and varies from moment to moment.” One would think by now that Hinbir would be more comfortable about the debate, but something about the discussion made Hinbir uncomfortable and this time Hinbir realized that he became the fool that challenged the philosopher. To be continued By: Jamafalaag Somaliland, Hargeisa. As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  17. US President, Joe Biden, has announced that he supports the African Union joining the G20 club of nations permanently. Source: Hiiraan Online
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Jubaland, Sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal, ayaa ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inay baaritaan ku sameyso dilka taliyihii hay’adda nabad sugida gobolka Gedo, Bakaal Kooke. Taliyihii hay’adda NISA ee gobolka Gedo, ayaa dhawaan lagu dilay qarax lagula eegtay isagoo safar ku marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow ee gobolka Gedo. Weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo ku macneysay mid loogu aargudayey maleeshiyo badan oo kooxda ka tirsanaa oo taliyaha iyo ciidankiisa ay dileen, sida ay hadalka u dhigtay. Hase yeeshee, wasiirka amniga Jubaland Mr. Dhuumaal ayaa sheegay inuu kiiskan yahay mid mugdi badan ku hareeraysan yahay, lana tuhunsan yahay in dhinacyo badan ay ku lug leeyihiin. Sareeye Gaas.Dhuumaal wuxuu sheegay ka hor taliyaha, inuu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiin uu sheegay in aysan ka shaqeynayn danaha gobolka Gedo. “Runtii, arrintu waxay ahayd arrin shirqool ah, muddaba la daba socday ninka kan. Qaabkii lagu dili lahaa haloo adeegsanayo gacan Khawaarij ama gacan kale oo dad ku dhow hala adeegsado, waa wax cad. Waa wax information-keeda la hayay. Taasina waqti kaste ha noqotee way soo bixidoontaa,” ayuu yiri wasiirka amniga Jubbaland. Wasiirka wuxuu ugu dambayn sheegay inuu soo dhoweynayo baarista hay’adda nabad sugida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo. Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa horey ciidanka Itoobiya ugu eedeeyey dilka Bakaal Kooke. Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke. Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar. Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan. The post Dilkii Bakaal Kooke oo weji cusub yeeshay kadib WAR kasoo baxay JUBALAND appeared first on Caasimada Online.
  19. The Somali model and boxer Ramla Ali helps Jeremy O. Harris plot her own version of Rocky. Highlights include: fake passports, a coach turned husband, and the rare condition that threatens to unravel it all. Source: Hiiraan Online
  20. Twitter suspended the accounts of more than half a dozen journalists from CNN, the New York Times, The Washington Post and other outlets Thursday evening, as company owner Elon Musk accused the reporters of posting “basically assassination coordinates” for him and his family. Source: Hiiraan Online
  21. At least 20 men have gone missing from the island since August. But a culture of concealment around terrorism means families have been left to guess at their fate Source: Hiiraan Online
  22. Ilhan Omar says Daniel Hale's case 'is exactly what the pardon power is for' Source: Hiiraan Online