-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Salaad Sheekh Xaayow ayaa si weyn u difaacay muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen, isaga oo sheegay in waddo sax ah loo maray arrintaasi. Xaayow oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhinacyada hadda kasoo horjeeda muddo kordhinta Lafta-gareen ay qaarkood hore u ogolaayeen go’aanka baarlamaanka, hase yeeshe dano siyaasadeed darteed ay dib uga soo celiyaan guux siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay. “Nimanka Musharaxiinta ah ee Koonfur Galbeed ayaga og in arrintaas ay dhacday saddex sano oo marna ay ka hadlin ee ay taageereenba, qaar wasiiro iyo xildhibaano ahaayeen oo intuba ogol ahaayeen, hadda haddii ay dhacday rabitaan gaar ah iyo kursigii la waayay ayada oo laga xanaaqsan yahay lasoo cesho,” ayuu yiri. “Afartii sano ee inta aysan dhicin is-waafajinta sida ay aheyd ayaa maanta ku eg, laakiin arrinta Baarlamaanka uu ansixiyay ayaa ah mida ka dhigeysa in muddo xileedka Cabdicasiis uu ku egyahay 19 Dec, 2023-ka.” Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Baarlamaanka ayaa gartay oo majirto cid ku khasabtay ama ka codsatay waxay is-waafajiyeen labada muddo xileed, mooshinkii cod baa loo qaaday oo waa la isku raacay. Dhamaan siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada waa la aqbalay oo waa loo riyaaqay, marka fikirkaasi ayaa la aamisan yahay oo waa sax.” La-taliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in marnaba ka maamul ahaan aysan ogoleyn diidmo ku aadan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan lagu dhawaaqay. “Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ma aqoonsana wax diidmo ah oo ka jira dib-u-heshiisiinta, nimanka musharaxiinta mucaaridka markii hore waa soo dhaweeyeen shirkaas, laakiin hadda sida ay rabeen haddii tahay in la qabto xaflada dabaal-dega ka hor, wax sahlan ma ah qaban-qaabada shir dib-u-heshiisiin.” Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in shirkaas uu qabsoomi doono xataa haddii ay kasoo qeyb-gali waayan siyaasiyiinta kasoo horjeeda muddo kororsiga Cabdicasiis Lafta-gareen, ayada oo ujeedka shirkaas uu markii hore ahaa xal ka gaarista xiisada taagan. The post Sharaxaad cusub oo laga bixiyey muddo kordhinta Cabdicasiis Lafta-gareen appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran Maxamuud Macalin Cabdulle oo uu wehliyo Kaaliyaha Guddoomiyaha, oo ku sugan deegaannada Hirshabeelle. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay inay keeneen deeq gargaar ah oo loogu talagalay in looga faaideeyo 666 qoys oo ay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ay u qorsheyn doonto dadka liita ee u baahan caawinta deg dega ah. Madaxweynaha ayaa hay’adda SoDMA u ballanqaday dhul ay ku shaqeeyaan oo laga hirgalinayo xarunta Gurmadka degdeg dhowaana laga dhagax dhigi doono Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle, waxaana uu kusoo aadayaa xilli abaaro ay wali ka jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
TPLF ayaa shaki galisay sida uu u fulayo heshiiskii ay dhawaan gaadheen iyaga iyo dowladda Itoobiya ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo dalka Kenya. Sida ay baahiyeen Warbaahinta gobolka Tigray Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxwaynaha gobolka Tigray Debretion ayaa baarlamaanka gobolka Tigray u sheegay inay dawlada Itoobiya ayna wali si buuxda u fulin inta badan waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo xusay in dhinacooda waa TPLF ee ay fuliyeen heshiiskii intii badnayd. Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay wadaan howlo badan oo qayb ka ah waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay kamid tahay howlaha horumarinta sida Adeegga Korontada, Isgaadhsiinta oo ay dowladdu sheegtay in inta badan lagaadhsiiyay gobolka Tigray. Gobolka Tigray ayaa wixii heshiiska ka dambeeyay waxaa gaadhay gargaar kala duwan oo isugu jira Raashin iyo mucaawano kale oo ka kala imanayay hay’adaha gargaarka bixiya, kuwaas oo hore aysan ugu suurtagalin inay gargaar raashin gaadhsiiyaan gobolka Tigray. Bilo ka hor ayay TPLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ay garwadeen ka ahayd Midowga Afrika ku gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis taariikhi ahaa oo horey aysan labada dhinac isugu iman, kaas oo soo afjaray colaad muddo labo sano ahayd ka socotay gobolka Tigray. Source
-
Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, ee baadhaya weerarkii 6-dii Janaayo 2021 lagu qaaday xarunta Congress-ka, ayaa Isniintii weydiistay dacwad-oogayaasha inay dacwado la xidhiidha afar dambi kusoo oogaan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump. Codsiga uu guddigan ay hoggaamiyaan xisbiga Dimoqraadiga u diray Waaxda Cadaaladda – kadib markii ay wareysteen in ka badan 1,000 marqaati furayaal ah iyo ururinta boqolaal kun oo dokumenti – ayaa ka dhigan markii ugu horreysay taariikda ee Congress-ka dalbado in la maxkamadeeyo madaxweyne hore. Codsigan kuma qasbayo dacwad-oogayaasha inay tallaabo qaadaan, hase yeeshee wuxuu imanaya xilli la-taliye gaar ah uu sidoo kale maamulayo laba baadhitaan oo kale oo federal oo ka dhan ah Trump, kuwaas oo la xidhiidha isku daygii uu ku doonayo in lagu baabi’iyo natiijada doorashadii madaxweyne ee 2020, iyo inuu dokumentiyo sir ah ah ka saaray Aqalka Cad. Guddiga ayaa weydiistay Waxada Cadaaladda inay Trump kusoo oogto afar dambi oo suurtagal ah, kuwaas oo kala ah; carqaladeynta tallaabooyinka rasmiga ah ee Congress-ka, shirqoolidda qiyaameynta Mareykanka, sameynta hadallo been ah iyo caawinta ama kicinta kacdoon. “Kacdoonku waa diidmo ka dhan ah sharciyadda Mareykanka. Waa gef weyn oo federaal ah, oo ku qotoma dastuurka,” waxaa sidaas yidhi Jamie Raskin, oo xubin ka ah guddiga kana tirsan xisbiga Dimoqraadiga. Waaxda Cadaaladda ayaa diiday inay arrintan ka hadasho. Dhinaca kale, Donald Trump ayaa guddiga ku eedeeyey “eedeyn been abuur ah” taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay isku day la doonayo in looga hor-istaago inuu mar kale isku sharxo xilka madaxweyne. “Dacwooyinka been abuurka ah ee ay sameeyeen guddiga aan la dooran ee halka dhinac ah ee 6-dii Janaayo mar hore ayaa la gudbiyay, dacwad lasoo oogay sidoo kalena maxkamdeyn la sameeyey, waxayna aheyd Impeachment Hoax #2 [mooshinkii xil-ka-xayuubin ee Aqalka Wakiilada],” Trump ayaa sidaas ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social. “Waxaan uga guuleystay si muuqata.” “Ganacsigan oo dhan ee dacwad igu soo oogista ah, wuxuu la mid yahay mooshinkii xil-ka-xayuubinta — isku daygaas oo hal dhinac-ahaa oo la doonayey in aniga iyo xisbiga Jamhuuriga na lagu curyaamiyo,” ayuu yidhi. REUTERS, AFP Source
-
Maxkamadda Sare Ee dalka Sweden ayaa joojisay in dalka Turkiga loo gacan galiyo weriye Turki ah oo lagu eedeeyey in uu ku lug lahaa isku daygii afgambi ee ka dhacay Turkiga sannadkii 2016kii. War ay soo saaraty maxkamadda ayaa lagu sheegay in tallaabadaas la joojiyey iyadoo sabab looga dhigay in dambiyada lagu soo eedeyey Bülent Kenes ay ahaayeen kuwo siyaasadeed uuna ninkaas haysto aqqoonsi qaxootinimo oo dalka Sweden ah. Turkiga ayaa ku hanjabayey in uu Sweden ka horjoogsan doono in ay ku biirto NATO isagoo ku eedeynaya waxa ay ku tilmaantay ururo argagixiso Kenes ayaa tafaftire ka ahaa wargeys afka Ingiriis ku soo baxa oo la yidhaahdo Zamana oo ay albaabada isugu dhufatay dowaldda Turkigaka dib afgambigii dhicisoobay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal ku aadan sanad-guurada ciidanka, kaasi oo uu hambalyo ku aaddan xuska sanad-guurada 79-aad ee aas-aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ugu diray Saraakiisha iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska iyo qoysaskooda. Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka booliska Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin xaqiijinta amniga dalka, nabadda iyo xasilloonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in markasta ay naftooda u huraan ciidda iyo calanka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa markale shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay xoojiyaan garab istaaga ciidamada dowladda, xili uu dalka ku jiro dagaal ka dhanka kooxda Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyey in ay ku garab istaagaan Ciidankeenna geesiyaasha ah gudashada waajibaadkooda Qaran, gaar ahaan wakhtigan oo dalka uu u jiheystay dabar-gooynta argagixisada Alshabaab oo sannado badan curyaamiyey nolasha dadka Soomaaliyeed iyo horumarka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha. 20-ka December ayaa ah astaan kamid ah maalmaha qaran ee loo dabbaal-dego xusuusta dhaxal-galka ah ee umadda, gaar ahaan aasaaska ciidamada booliska oo kamid ah qeybaha ciidamada ee xilka iska saaray difaaca dadka iyo dalka. Sanadkii 1943-diii ayey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan boolis ah oo xilligaasi loo arkaayey in uu yahay midka ugu faca weyn, islamarkaana lagama maarmaan u ah aasaaska dhismaha dowladd Soomaaliyeed oo wax la wadaagta wadamada caalamka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray qoraal laba arrin gudbinaya appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyay markii uu baarlamaanka Koonfur-Galbeed muddo kordhin xileed u sameeyay madaxweynaha dowlad goboleedkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) waxaa sii xoogeysanayay jahwareer siyaasadeed oo ku aaddan arrintan. Madaxweyne Laftagareen ayaa xalay markii ugu horreysay ka hadlay mowduucan, isagoo sheegay in uu ahaa go’aan ay gaareen xildhibaannada baarlamaanka. Waxa uu intaa ku daray in iyaga oo keliya ay mar kale isbaddal ku sameyn karaan, isbedelkaas oo uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu aqbalo. “Wixii ku saabsan [muddo-xileedka] ma rabo inaan waqti geliyo, mana rabo inaan ka sheekeeyo, mas’uuliyaddaas waxaa iska leh Baarlamaanka Koonfur-Galbeed, maalinta berito ah Baarlamaanka Koonfur-Galbeed wuxuu ka qabo ayaan ka qabaa, hay’addii sharci-dejinta waaye, shalay iyadaa go’aankan gaartay, nidaam bey usoo martay, mooshin baa la keenay, nadaam ayaa noo jira, dowlad baa jirta,” ayuu yiri. Waxa uu hadal ka jeediyay xaflad ka dhacay Baydhabo oo lagu xusayay afar sano guurada markii la doortay, taas oo sidoo kale dhammaad u noqoneysa muddo xileedkii afarta sano ahayd. “Xeer iyo nidaam annaga aan sameysannay baa yaalla, nin iyo qof xanaaqsan, ama siyaasad u xanaaqsan ama dareen kale qaba sharciyaddeenna iyo nidaamka iyo dowladnimada midna waxba kama baddalayo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Muddo-xileedka madaxweyne Laftagareen oo ahaa 4 sano ayaa ku ekaa shalay oo ahayd 19-ka bisha Disembar, waxaana uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay afar guuradii kasoo wareegtay markii la doortay. Cabdicasiis Laftagareen ayaa soo bandhigay shuruud uu xilka ku wareejin doono isaga oo sheegay in maamulkiisu ay xilalka oo dhan “ku wareejin doonaan qofkii hal tuulo ka soo qabsada Al-Shabaab.” The post Madaxweyne Laftagareen oo shuruud yaab leh ku xiray inuu xilka wareejiyo appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa aan booqasho balaadhan dhawaan ku tagay Somaliland oo ah gobol ka mid ah Somalia. Halkaasi oo aniga iyo kooxdaydiiba aanu soo qiimaynay awooda dekada Berbera sidii mustaqbalka aanu u soo gaadhsiin lahayn caawimada bini Adanimo. Qoraalkani oo ay sarkaaladaasi soo dhigtay barteeda tweeter-ka waxa uu u dhignaa sidan hoos ku xusan I had a great visit recently to the Somaliland region of Somalia, where my team and I assessed the Berbera port’s capacity for future deliveries of humanitarian assistance. pic.twitter.com/h687WUJQ5M — MG Jami Shawley (@CJTFHOA_CG) December 20, 2022 Qaran News
-
PRESS RELEASE Invest Africa’s Year of Expansion has Ended with an Appointment to the Kenya National Investment Council Members of the team include M-Pesa Africa Managing Director Sitoyo Lopokoiyit, Twiga Food CEO Peter Njonjo, and African entrepreneur Humphrey Kariuki, among others Earlier this month the Kenya Gazette announced that Karen Taylor, CEO of Invest Africa, was appointed as a member of the National Investment Council by H.E. William Ruto, President of Republic of Kenya. Members of the team include M-Pesa Africa Managing Director Sitoyo Lopokoiyit, Twiga Food CEO Peter Njonjo, and African entrepreneur Humphrey Kariuki, among others. Karen’s appointment to the National Investment Council recognises Invest Africa’s continued commitment to fostering economic growth in Kenya through promotion of the private sector. The National Investment Council’s key responsibilities include positioning Kenya as the best destination for Foreign Direct Investments, advising the Government on opportunities for trade and investment and boosting cooperation between the public and private sectors to generate greater economic growth. Commenting on her appointment, Karen said “It is an honour to be appointed to the Kenya National Investment Council. At Invest Africa, we advocate that a strong private sector is key for promoting sustainable growth in Africa. I look forward to supporting the Kenyan government in my post, alongside fellow private sector advisers, and identifying trade and investment opportunities to accelerate Kenya’s economic development.” The Kenyan appointment is the culmination of a year of expansion for Invest Africa, across new markets and sectors. Earlier in the year, Invest Africa hosted a range of African roadshows, starting in the UAE, with the successful Dubai Expo and followed by its first investor mission since Covid-19, taking 37 companies to Tanzania. A week later the organisation was in Cape Town for its mining series, with Guest of Honour, H.E. President Hichilema of Zambia. On 6th July Invest Africa hosted the 8th Africa Debate, in person at The Guildhall, London, assembling over 350 business and policy leaders from over 40 countries, to discuss the most pressing social and economic issues facing the African continent. Shortly after the summer, Invest Africa held it first programme of events alongside the United Nations General Assembly, hosting President Geingob of Namibia and a US Africa Forum in New York with their sister organisation, Invest Africa USA. Invest Africa also worked with Fidelity Bank for their inaugural International Trade and Creative Connect Forum in November in London, aimed at strengthening trade relationships between the UK and Nigeria. This complements their ongoing work with the UK government initiative Growth Gateway (https://bit.ly/3C8Mqn5), to promote trade and investment relations between UK and African markets. SOURCE Invest Africa Qaran News
-
Ka dib guushii Argentina kaamirada waxaa lagu aaddiyay wajiga Messi.Laba jeer ayuu ka soo muuqday masraxa markii abaalmarinta la bixinayay. Marada madow ee uu xirnaa markii uu koobka qaadayay ayaa waxay dhalisay hadal hayan ballaaran. Markii koowaad ee uu masraxa fuulayay waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta Kubadda Dahabka taas oo la siiyo ciyaayahanka ugu fiican tartanka. Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo u dhashay dalka Qatar ayaa ka dib markii uu guddoonsiiyay biladda waxa uu guddoonsiiyay Messi khamiis madow. Dharkan ayaa dood ka dhaliyay baraha bulshada. Aynu si sax ah u fahanno waxa uu lebiskani yahay iyo waxa loo yaqaan. Maxay tahay marada madow ee loo yaqaan bisht? XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES Hassan Al Thawadi, oo ah xoghayaha guud ee guddiga qabanqaabada tartanka Qadar, ayaa BBC Sports u sheegay in uu yahay dhar xafladeed oo rasmi ah. Waxaa labiskaan loo siiyay ka qeyb qaadashada guusha ee Messi. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Koobka Adduunka sanadkan waa dhankeenna waxa uuna isku xirayaa dalalka Carabta iyo dhaqanka Muslimka iyo caalamka. Dharkan la siiyay Messi ma aha oo kaliya astaanta Qadar laakiin sidoo kale waxay astaan u tahay munaasabad Koobka Adduunka laga soo abaabulay goobtan.” Dharka la siiyay Messi waxaa sidoo kale loo yaqaan Bisht. Waa lebbiska dhaqanka ee dalalka Carabta. Dharkan waxaa la xirtaa oo kaliya waqtiyo gaar ah. Laakiin markii Messi la siiyay dharkaan oo uu xirtay ma uusan garaneynin sida loo xirto. Sheikh Tamim bin Hamad ayaa ka caawiyay Messi xirashada marada madow. Messi ayaa markaas u soo dhaqaaqay dhanka kooxda isagoo koobka wata, ka dibna waxa uu bilaabay inuu kor u qaado. Dadka baraha bulshada isticmaala maxay ka yirahdeen marada Madow? Jonny Ward oo u dhashay dalka Ireland oo wax ku qora baraha bulshada ayaa qoray in dharka madow ay qariyeen funaanadda caanka ah ee Messi ee lambar tobanka ah ee Argentina. “Riyada Messi waxay ahayd inuu qaado koobka. Shawik Banerjee ayaa qoray inay hubaal tahay in dharka madow aysan ku jirin riyooyinkiisa. Baluma ayaa isagana qoray in dharka madow uu dhacay Messi waqtigan. Qof kale oo magaciisa lagu sheegay BDM ayaa qoray inuu doonayo sawirka Messi oo ku jira funaanadda Argentina oo aan lahayn shaadhka madow. Adi Shah ayaa qoray ma jiraa qof tirtiri kara dharka madow? Rob Wegner ayaa Twitter-ka ku soo qoray, “Messi waxa lagu qasbay in uu xirto maro madoow waqtigii ugu wacnaa ee xirfaddiisa ciyaareed. Hoggaamiyayaasha siyaasadda, madaxada dhaqanka waa in aan lagu martiqaadin xafladda abaalmarinta ee ciyaaraha ka dib. Dadka qaar ayaa xitaa ku ammaanay Messi inuu oggolaaday inuu xirto marada bisht-ka. Waxaa jiray qoraallo badan oo dhanka Twitter-ka ah ayaa tibaaxayay in aan loogu talagalin in Messi inuu xirto bisht, laakiin qofna ma qorin arrinta goolhayaha Argentina Amy Martinez ee weerarka cad ahayd. Qof kale baraha bulshada isticmaala oo lagu magacaabo Mohammad Muthir Ali ayaa qoray in Qatar ay Messi ku maamuustay Bisht-marada. Laakiin qaar ka mid ah saxafiyiinta reer galbeedka ayaa u arkayay dadaalkii ugu dambeeyay ee lagu wiiqayo Qadar. Qaran News
-
M/weynaha Somalia oo shaaciyay xilliga kama-danbeysta ah ee la soo celinayo dhammaan ciidamada Soomaalida ee ku sugan Eritrea+Tiradooda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in dhammaan ciidamada haatan ku sugan dalka Eritrea ee tababarka loogu soo xiray halkaas ay dalka dib ugu soo laaban doonaan dhammaadka bisha January ee sanadka foodda nagu soo haya. Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in kooxda ugu horreysa ee hordhaca ah ay dalka ku soo laabanayaan bishan December balse bisha koowaad ee sanadka soo socda ay dhammaantood ku wada sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli uu la hadlayay Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee Mareykanka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. “Dhalinyarada Eritrea jirta mar dhaw wey imaanayaan, bisha aan ku jirno ee December inta aysan dhammaan wey soo bilaabanayaan, January wey soo dhameystirmi doonaan, waa diyaar arrintaas, dib u dhac dambe mar dambe ma rajeyneyno,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu beeniyay in uu ka qeyb qaatay warar la isla dhexmarayay oo ku saabsanaa in ciidamada ku sugan halkaas ay ka barbar dagaallameen kuwa Eritrea xilligii uu socday dagaalkii Tigray. Madaxweynaha markii uu July booqday ciidamada ku sugan Eritrea Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay howlgalka Midowga Afrika ee Atmis kaalintooda ku aaddan ka shaqeynta amniga dalka isla markaana naftooda ay u hureen sidii dalka loogu soo celin lahaa xasiloonida. Wuxuu intaa ku daray in ciidamada nabad-ilaalinta ee howlgalka Atmis ay qeyb weyn ku leeyihiin la dagaallanka Al-Shabaab. “Aad iyo aad ayaan uga mahadcelinayaa, muddo ayay nala soo joogeen 15 ilaa 16 sano, rag badan iyo gabdho badan baa ku dhintay…qiyaas gabadha degan Uganda oo seygeedii iyo ama wiilkeedii ku dhintay Soomaalya, Ma jiro wax dan ah oo Uganda ka jiro Soomaaliya oo ay is leedahay amaad ka heshaa Soomaaliya oo siyaasad ama wax kale ma jiraan, xudduud nagama dhexeeyo”. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale sheegay in meesha lagu gaaro bisha December ee sanadka 2025-ka ay si rasmi ah dalka uga bixi doonaan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. “Mas’uuliyada amniga dalkeena iyo dadkeena anaga ayay na saaran tahay, marka aan gabnay ayay dadkaas inoo soo gurmadeen , hadda waan soo jeednaa waxaan go’aansanay in mas’uuliyaddii dadkeena iyo dalkeena aan dib ula soo noqonno , qorshe ayaa degan, heshiis baa yaalla bisha December 2024 askariga ugu dambeeyay ee Atmis ayaa dalka ka bixi doonaa”. Horay waxaa Soomaaliya uga dhacay dibadbaxyo dowladda codsanayay inay meel ku sheegto ciidamadii tababarka loo geeyay Eritrea. Ciidamada Soomaalida ee tababarka loogu soo xiray Eritrea Kadib markii lasoo doortay madaxweynaha wuxuu ballan qaaday in uu dalka dib ugu soo celin doonto askarta Soomaaliya ee tababarka lagu siinayay dalka Eritrea, wuxuu boqday ciidamadii tababarka loogu soo xiray halkaas. Bishii July ee sanadkan oo ah xilliga uu Madaxweynuhu booqday ayey ahayd markii ugu horreysay ee fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea. Madaxweynaha oo uu xilliggaas wehelinayay dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta. Maxay yihiin ciidankan? Dowladda ilaa iyo hadda ma aysan sheegin qeybaha kala duwan ay ka kooban yihiin ciidamadan. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. “Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso,” ayuu yiri Farmaajo. Taliyihii hore ee sirdoonka Yaasiin Fareey ayaa sheegay in ciidamada lagu tababarayo Eritrea ay dowladda u wakiilatay hay’adda NISA balse aysan aheyn ciidan ka tirsan nabad sugidda. “Waa ciidan loogu talagalay inay ka qeyb qaataan difaaca dalka, ciidanka lagu tababarayo ma aheyn ciidan ay hay’addu dirtay, waxay ahaayeen ciidan qaran oo ay hay’adda wakiil uga aheyd dowladda madaxdii joogtay xilliggaas ayaa si gaar ah uga shaqeysay , haddana waxaa kala shaqeynayaa madaxda cusub,” ayuu yiri kusimihii hore taliyaha hay’adda sirdoonka Soomaaliya mar uu wareysi siinayay SMS TV. Qaran News
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maamuus ka xayuubin ku sameeyay Nabadoonkii matalayay Mukhtaar Roobow, Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka ayaa lagu sheegay in xilkii Malaaqnimo laga qaaday Malaaqii Beesha Leysaan, kaasi oo lagu magacaabo Malaaq Mad Eddow. Wasaaradda ayaa tallaabadan ku sababeysay kadib markii eedeymo beesha dhexdeeda ah loo jeediyay Malaaq Mad Eddow, kuwaasi oo la xiriira takrifal awoodeed iyo kala qeybinta beesha Leysaan dhexdeeda, sida lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed markuu garawsaday in eedeynta laga soo jeediyay ay dhab tahay, markuu aqoonsaday in markii hore ee xilka Malaaqnimada loo dhiibay aan loo marin hab dhaqankii loo mari jiray doorashada Malaaqa Beesha, wuxuu go’aamiyay in laga billaabo maanta wuxuu xilka malaaqnimo ee beesha ka qaaday Malaaq Mad Eddow.” Sidoo kale waxay wasaaradda fartay nabadoonada beesha Leysaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo doortaan Malaaq u cadaalad fala oo beeshu ku kalsoon tahay. Kadib warqad kasoo baxday maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in arrintaan ay lid ku tahay nabada iyo wada-noolaanshaha beelaha dega Bay iyo Bakool, iyaga oo ku eedeeyayna inuu ka dambeeyo madaxweyne Lafta-gareen. Tallaabadan uu maanta qaaday maamulka ayaa sidoo kale waxa ka dhashay weydiimo la xiriira sida Malaaq ay duubatay Beel uu xilka uga qaadi karo masuul ka tirsan dowlad-goboleed, maadaama xilka nabadoonimo ay u caleemo saartay beeshiisa. The post Lafta-gareen oo qaaday tallaabo xasaasi oo ka dhan ah nabadoonka beesha Roobow appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-Daareed oo haatan dib ugu laabtay magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa oo haatan kusoo aaday xilli xasaasi ah. Dhoobo-Daareed oo muddo ka badan saddex sanno ka maqnaa Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inay wax badan iska beddaleen xaaladda Puntland, sida uu hadalka u dhigay. “Puntland waxaan moogahay saddex sanno iyo laba bilood meelahaas wejiga aan kaga tegay iyo kan aan maanta ugu imid waa kala duwan yihiin,” ayuu yiri Dhoobo-Daareed. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafkii kala dhexeeyay madaxweyne Saciid Deni ee gacan ka hadalka sababay, wuxuuna xaqiijiyey in haatan ay ka heshiiyeen wixii horay u dhacay. “Waa wax dhaca siyaasadda in lagu kala shakiyo oo la’isku qabto, waana ka heshiinay aniga iyo madaxweyne Saciid Deni” ayuu markale yiri Cabdixakiin Dhoobo-Daareed. Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday ujeedka safarkiisa la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo u diyaar garowgeeda. “Aniga iyo wafdiga siyaasiyiinta ah ee ila socda waxaan u soconaa inaan reerka wax ka rarno,” ayuu sii raaciyay guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland. Puntland ayaa haatan isku diyaarineysaa doorashooyin guud oo kusoo foodleh, waxaana deegaanada maamulkaas kusii qul-qulaya siyaasiyiin fara badan, walow uu weli is mari-waa ka taagan yahay doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxtooyada iyo ururada siyaasadda. The post Dhoobo-Daareed: Waan ka heshiinay aniga iyo Deni kala shakigii dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
Doolow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay maanta dowladda Itoobiya ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha degmada Doolow, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Ururka Miidowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS. Itoobiya ayaa ciidamadii muddada dheeraa ku sugnaa garoonka diyaaradaha degmadaasi qaaday, waxaana dib loogu celiyay dalkooda, ayada oo lagu soo beddalay kuwa kale. Munaasabad kooban oo lagu sagootinayey ciidamadaasi, kuwa cusubna lagu soo dhoweynayey ayaa lagu qabtay degmada Doolow, Soomaaliya, waxaana ka qayb-galay taliyaha cusub ee NISA u qaabilsan gobolka Gedo, Generaal Jamaal Xasan Sarey. Taliyaha oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay ciidamada la beddalay oo muddo sanado ah gacanta ku hayey garoonka, isaga oo soo dhaweeyay kuwa cusub ee yimid. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay wada shaqyen dhow wada yeelan doonaan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa Nabad Sugidda, si loo xaqiijiyo amniga gobolka Gedo. Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna inta badan ka howlgalaan deegaanada maamullada Jubbaland & Koonfur Galbeed. Isbeddalkan lagu sameeyay ciidamada Itoobiya ee ku jira ATMIS, ayaa kusoo aaday xilli ay todobaadkan dib usoo cusboonaatay xiisaddii muddada dheer ka taagneyd gobolka Gedo. The post ITOOBIYA oo isbeddal ku sameysay ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka arrimaha gudaha, dowladda hoose iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu xilka ka qaaday malaaq Mad Eddow oo ka mid ah oday dhaqameedyada beelaha Koonfur Galbeed. Wareegto ka soo baxday Wasiirka ayaa lagu sheegay in Mad Eddow oo malaaq u ah beesha Leysaan xilka looga qaaday takrifal awoodeed iyo kala qaybin uu ku sameeyay beeshiisa, wuxuuna faray beeshaas in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan malaaq cusub. Malaaq Mad Eddow ayaa matala Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Roobow Abu-Mansuur, waxaana mucaaradka Koonfur Galbeed ay arrintan ku eedeynayaan inuu ka dambeeyo Madaxweyne Laftagareen. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo oday dhaqeed xilka ka qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in xaaladda afar goobood oo Ukraine ka tirsan ay tahay “mid aad u adag” maadaama uu amar ku siiyay Adeegga Amniga Federaalka (FSB) inay xoojiyaan ilaalinta xuduudaha si ay ula dagaallamaan khataraha cusub. Putin ayaa faray laamaha amniga inay si weyn u xakameeyaan bulshada oo ay xididdada u siibaan “khaa’inul waddan, basaasiin iyo qas-wadayaasha”, waxa uu ugu yeeray . Putin ayaa sheegay in xaaladda afar dhul oo Ukraine ka tirsan oo Ruushku ku andacoonayo in ay la wareegeen ay tahay mid aad u adag. “Xaaladda ka jirta Jamhuuriyadda Donetsk iyo Lugansk, ee gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia waa mid aad u adag,” Putin ayaa u sheegay adeegga amniga Ruushka fasaxooda xirfadeed. Waxa uu si gaar ah u tilmaamay kuwa ka shaqeeya “gobollada cusub ee Ruushka”. “Dadka halkaas ku nool, muwaadiniinta Ruushka, waxay ku tiirsan yihiin adiga, ilaalintaada,” ayuu yidhi. Shirkadda Gaska iyo Saliidda Transneft ee Russia ayaa ka heshay codsiyada saliida ee 2023 Poland iyo Jarmalka, madaxa dhuumaha saliida ee gobolka ayaa u sheegay TV-ga Rossiya-24, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS. Midowga Yurub ayaa ballan qaaday inuu joojinayo iibinta saliidda Ruushka ee mara marinnada badda laga bilaabo 5-ta Disembar, iyadoo waddamada reer galbeedka ay sidoo kale ku soo rogeen qiimo dhimis saliidda cayriin ee Ruushka, laakiin dhuumaha Druzhba ayaa weli ah mid ka baxsan cunaqabateynta. Dhinaca kale Gudaha UK, dad badan oo Ukrain ah ayaa lagu soo dhaweeyay waxa ayna wajahayaan mustaqbal aan la hubin. Dowladda ayaa ku dhawaaqday lacag dheeri ah iyadoo qaxootigu ay sii dheereynayaan joogitaankooda ilaa Kirismaska. Dhoolatuska wadajirka ah ee u dhexeeya ciidamada badda ee Shiinaha iyo Ruushka ee ku sugan badda bari ee Shiinaha oo bilaabanaya usbuucan ayaa “sii kordhin doona” iskaashiga ka dhexeeya Moscow iyo Beijing, Shiinaha ayaa ku dhawaaqay. Dhoolatuskan ayaa lagu qaban doonaa xeebta gobolka Zhejiang ee koonfurta Shanghai laga bilaabo Arbacada ilaa Talaadada soo socota, sida lagu sheegay ogeysiis kooban oo uu Isniintii soo saaray Taliska Tiyaatarka Bari ee Shiinaha ee Ciidanka Xoraynta Dadka. “Layligan wadajirka ah waxaa loogu talagalay in lagu muujiyo go’aanka iyo awoodda labada dhinac si wadajir ah uga jawaabaan khataraha amniga badda… iyo sii qoto dheereynta iskaashiga is-dhexgalka istiraatiijiyadeed ee cusub ee Shiinaha iyo Ruushka,” ayaa lagu yiri ogeysiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland u qaabilsan Sool iyo Nugaal ayaa maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga. Maxkamadda ayaa la hor-keenay gaari NOAH oo ay ku raran yihiin 54 dhalo oo khamri ah islamarkaana ay hawlgal qorshaysan ku qabteen laamaha amniga magaalada Garoowe. Khamrigaas ayaa la sheegay in ay ka ganacsanayeen rag ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo baxsad ku maqan kadib markii gaariga laga qabtay. Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sano oo xabsi ah iyo $2000 kun oo ganaax ah ku xukuntay dhammaan eedaysanayaasha maqan waxaana ay sheegtay in xukunkoodu ka bilaaban doono maalinta la qabto. Gaariga lagu qabtay khamriga ayaa sidoo kale loo xukumay dowladda halka maxkamaddu amartay in la burburiyo dhalooyinka khamriga ah. PUNTLAND POST The post Puntland: Askar ku eedaysan ka ganacsiga khamriga oo xukuno lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga Aqalka Wakiilada Mareykanka ee baaraya weerarkii 6-dii Janaayo, 2021, ee lagu qaaday Capitol Hill, ayaa weydiistay dacwad oogayaasha federaalka inay ku soo oogaan Donald Trump afar dambi, oo ay ku jiraan is-hortaag iyo kacdoon, doorkii uu ku lahaa hurinta rabshadaha dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Maraykanka. Codsiga guddiga doorashada ee ay dimuqraadigu hoggaamineyso ee waaxda caddaaladda -ka dib in ka badan 1,000 waraysiyo markhaati ah iyo ururinta boqollaal kun oo dukumeenti ah – ayaa calaamad u ah taariikhda markii ugu horreysay ee Congress-ku u gudbiyo madaxweynihii hore ee dacwad-ku qaadidda. Codsigan kuma qasbayo dacwad oogayaasha federaalka inay tallaabo qaadaan, balse wuxuu imaanayaa iyadoo la taliye gaar ah uu kormeerayo laba baaritaan oo federaal oo kale oo Trump ah oo la xiriira isku dayga Jamhuuriga ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo guuldarradii doorashada 2020 iyo ka saarista faylalka sirta ah ee Aqalka Cad. Guddigu wuxuu ka codsaday Waaxda Caddaaladda inay Trump ku soo oogaan afar dembi oo suurtagal ah: carqaladaynta dacwadda rasmiga ah ee Congress-ka, shirqoolka lagu khiyaameeyay Maraykanka, samaynta hadallo been abuur ah, iyo caawinta ama kicinta kacdoonka. “Kacdoonku waa jabhad ka dhan ah maamulka Mareykanka. Waa dembi weyn oo federaali ah, oo ku qotoma dastuurka laftiisa, “Wakiilka Jamie Raskin, oo ah xubin guddiga doorashada dimuqraadiga ah, ayaa yiri Jamie Trump ayaa khudbad kulul u jeediyay taageerayaashiisa meel u dhow Aqalka Cad subaxnimadii 6-dii Jannaayo, wuxuuna si fagaare ah ugu canaantay madaxweyne ku xigeenkiisa Mike Pence, isagoo ku eedeeyay inuusan la socon qorshihiisa uu ku diidayo codadkii loo dhiibtay Dimuqraadiga Joe Biden. Trump ayaa markaas sugay saacado si uu hadal fagaare ah u jeediyo iyadoo kumanaan taageerayaashiisa ah ay ku qulqulayeen Capitol-ka, iyaga oo weerar ku qaaday booliiska kuna hanjabay in ay deldeli doonaan Pence. Kulankii Isniinta ayaa ahaa kulankii ugu dambeeyay ee dadweynaha ay isugu yimaadaan sagaal xubnood oo 18 bilood ku qaatay baaritaanka isku dayga aan horay loo arag ee looga hortagayo wareejinta nabdoon ee kumanaan taageerayaasha Trump ah, taasoo dhiirigelisay sheegashadiisa been abuurka ah ee ku saabsan guuldaradii doorashadii 2020 ee Biden ay ahayd natiijada khiyaamo baahsan. Wakiilka Bennie Thompson, oo ah gudoomiyaha guddiga, ayaa ku dhaleeceeyay Trump inuu ugu yeeray dadka **********ta ah Capitol wuxuuna ku dhaleeceeyay inuu wiiqay iimaanka nidaamka dimoqraadiyada isagoo ku celceliyay sheegashooyin been abuur ah. “Haddii iimaanka la jabiyo, sidaas oo kale dimuqraadiyaddayadu. Donald Trump wuu jabiyay iimaankaas,” ayuu yiri Thompson. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo xalay u dabaal-degay sanad guuradii afaraad, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashada iyo doodda mucaarad kasoo horjeedo. Ugu horreyn wuxuu si adag uga horyimid Badbaadada Koonfur Galbeed oo shalay looga dhowaaqay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, wuxuuna tilmaamay inuu ka xun yahay abaabulka qorshahaasi sidoo kalena xusay in aysan ka shaqeyn karin Baydhaba. Laftagareen ayaa shaaca ka qaaday in kuwa la magac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaanada maamulkaasi. “Badbaadada Koonfur Galbeed wax la yiraahdo ma jiraan, Badbaadada Koonfur Galbeed ninka raba Shabaab ayaa heystee haka badbaadiyo” ayuu yiri Cabdicasiis Laftagareen. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta mudda kordhinta ee maanta u bilaabatay, taas oo ay ka taagan tahay dood ay qabaan xubnaha mucaaradka ee jooga Muqdisho. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dooday inay arrintaan ay tahay go’aan Baarlamaan, isla-markaana kaliya uu ka laaban karo isla Baarlamaanka. “Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaaanka, maalinta berri ah wixii ay Baarlamaanka ka qabaan ayaan ka qabaa. Shalay habkii loo maray ayey u baahan tahay in loo maro, haddii la rabo in la’iska daayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Laftagareen. Waxaa kale oo uu khubaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ku yiri “Qof xanaaqsan sharciyadeena iyo dowladnimada waxba kama beddeli karo”. Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheysa xaalada cakiran oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka, balse waxaa loo ballansan yahay shirka dib u heshiisiinta ee uu iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaas oo dhacay shanka bisha January ee sanadka 2023. The post Laftagareen oo u jawaabay mucaaradka – “Badbaado kama shaqeyneyso K/Galbeed” appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay saraakiil ka tirsan ururka alshabaab, halka kuwa kalena ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka. War ka soo baxay wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa lagu sheegay in ay afar xubnood oo uu horkacayay Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Xudeyfa ay isku soo dhiibeen ciidamadda iyo kuwa dadka deegaanka. Xubnaha isasoo dhiibay ayaa la sheegay in ay ahaayeen horjoogayaal ka tirsan ururka alshabaab, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay dagaal kula jiray ciidamada dowladda. Dhinaca kale warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sideed xubnood oo ka tirsan ururka alshabaab la soo qabtay xilli ay ku dhuumaaleysaneyen hawdka deegaannada maamulka Hirshabeelle. Xubnaha la soo qabtay ayaa ahaa kuwa ka dagaalamayay deegaannada maamulka Hirshabeelle, halkaas oo bilihi la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo aad u culus, kuwaas oo alshabaab looga qabsaday gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan goobahii ay kaga sugnaayeen. Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay jiidda hore ee dagaalka ayaa diray digniin ku aadan howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobolkaasi. Cali Jayte ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay haatan isku uruursanayaan xoogaga AShabaab, isaga oo sheegay inay bartilmaameedsan doonaan. Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u carab baabay deegaanada kala ah Ceel God iyo Ceel Boore oo ay haatan ku sugan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab. “Waxaan rabaa sida madaxweynaha jamhuuriyaddu ugu dhowaaqay deegaamada ay dagan yihiin nimankan shayaadiinta ah ee Al-Shabaab in laga fogaado. Dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed meel kasta oo ay nimankaa joogaan waa inay ka fogaadaan, qaasatan deegaanka Ceel God, Ceel Boore iyo meelaha la mid ah” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay burburiyaan meelaha ay haatan ku dhuumaaleysanayaan xoogaga hubeysan, si looga saaro dhulka howdka ah. “Nimankaas waa nooc faris ah, waxayna rabaan inay dadka ku dhex dhuumaaleystaan, annagana waxaan rabnaa in shacabka Soomaaliyeed uu badbaado, iyagana aan burburino haddii Alle Idmo,” ayuu markale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan. Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu sida weyn uga socdo kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo inta badan looga saaray gobolkaas oo hoostaga HirShabelle. Dowladda federaalka iyo dadka deegaanka ayaa iska kaashanaya howllgallada haatan socdo, kuwaas oo ah kuwii ballaarnaa ee abid lagu qaado kooxda Al-Shabaab. The post Daawo: Cali Jayte oo kasii digay arrin ay la damacsan yihiin xoogaga Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - The newly appointed Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission (SRCC) for Somalia and head of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), Ambassador Mohamed El-Amine Souef, visited ATMIS soldiers being treated in Nairobi hospitals on Monday. Source: Hiiraan Online
