-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal saaka ka qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulkaasi iyo kuwa Badbaada ee kasoo horjeeda muddo kororsiga. Dowladda ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay shaqaaqooyinka gacan ka hadalka ah ee saaka ka dhacay Baydhabo, ayada oo ku baaqday inay xiisada dejiyaan dhinacyada isku haya maamulkaasi. Sidoo kale waxay ka dalbatay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Musharaxiinta mucaaridka oo xiisada xoogan u dhaxeyso inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan waxyaabaha la isku hayo. “Dowladda federaalka waxay ku boorineysaa dhamaan qeybaha siyaasadda inay miiska wada-hadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, islamarkaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa sidoo kale imanaya ayada mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee sida weyn uga soo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen uu sheegay in dagaalkii saaka uu maamulka u adeegsaday Booliska Federaalka, NISA iyo ciidamada Xoogga. Xiisada siyaasadeed ee ka taagneyd muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa u muuqata inay isku rogtay awood sheegasho ciidan iyo gacan ka hadal, kadib markii dhawaan ay mucaaridka uga dhawaaqeen maamulkaasi ciidamada Badbaada. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay. Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada. The post DF oo war kasoo saartay dagaalka ka qarxay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa ka hadlay dagaalka saaka ka qarxay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib markii weerar lagu qaaday gurigiisa. Fargeeti ayaa shaaciyay in ciidamada weerarka kusoo qaaday guriga uu ka degan yahay Baydhaba aysan aheyn kaliya ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, balse ay qeyb ka ahaayeen kuwa Booliska Federaalka, NISA iyo ciidanka Xoogga SNA. “Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhaba ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federaalka, NISA, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta Koonfur Galbeed. Wilina dagaalka wuu socda,” ayuu Fargeeti ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray. Fargeeti oo kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen ayaa wax kulahaa abaabulka ciidamada Badbaadada ee dhawaan looga dhawaaqay maamulkaasi, waxayna wararku sheegayaan in gurigiisa ay ku dagaalamayaan ciidamada Badbaada iyo kuwa maamulka oo qeyb ka yihiin ciidamada federaalka. Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada. Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay. The post FARGEETI oo shaaciyay dhinacyo kale oo qeyb ka ah dagaalka ka qarxay Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xalay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe kaga qeybgalay Munaasabadda soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa muujiyey Ilhaan Cumar in ay Tusaale nool u tahay kartida iyo dadnimada hablaha Soomaaliyeed, wuxuu ku soo dhoweeyay Puntland, isagoo boggaadiyey dadaalkeeda ay ugasoo dhexmuuqatay Siyaasadda Maraykanka. Ilhaan Cumar ayaa uga Mahadcelisay Madaxweynaha, Dowladda iyo dhammaan Shacabka Puntland sida wanaagsan ee ay ugu soo dhoweeyeen Puntland, waxayna aad ugu riyaaqday Dimuqraadiyadda Puntland ka taabagashay, Iyadoo muhiimada Dimuqraadiyadda tusaale ugusoo qaadatay Guusha ay ku gaartay Codka Shacabka Maraykanka . Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka JFS, Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdixakiim Dhoobo-Daarood iyo Axmed Cali Xaashi, Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Xasan Yuusuf, Goleyaasha Dowladda, Guddiga Doorashooyinka ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland , Jaaliyadda Qurbojoogta ee (PDF) , Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada, Waxgaradka, Haweenka , Dhallinyarada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. The post Marwo Ilhan Cumar oo munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Foreign Minister receives ambassadors-designate credentials
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Manama, Dec.23 (BNA): The Minister of Foreign Affairs has today received the credentials of new ambassadors to the Kingdom of Bahrain remotely via videoconference. Source: Hiiraan Online -
Nairobi, Kenya , December 22, 2022 — At least three refugees have lost their lives and 504 others treated for acute dehydration following an outbreak of Cholera diseases at Hagadera in Dadaab Refugee Camp in Kenya. There has also been an outbreak of measles in Kakuma refugee camp - with 20,000 refugees from Somalia having arrived just this year, adding to already strained resources across both camps, doctors from the International Rescue Committee health facilities are worried that the situation could worsen, making already poor living conditions even worse. Source: Hiiraan Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka qarxay gudaha magaalada, kaasi oo u dhaxeeya ciidan ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas. Dhawaaqa rasaasta ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha magaalada Baydhaba, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada maamulka ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed. Ciidamada Badbaadada maamulka ayaa la sheegaya in uu watay mid kamid ah mucaaradka diidan muddo kororsiga Lafta-gareen, gaar ahaan wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti. Wararka ayaa intaas kusii daaray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, inkasta oo si rasmi ah loo ogeyn, maadama ay illaa hadda socoto xabada oo laga maqlayo gudaha magaalada. Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa maanta aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba hakad galay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga magaalada. Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa hore u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed aan looga baahneyn ciidamo badbaado, islamarkaana aysan ka shaqeyn karin, xili uu qorshahaan ka dhashay muddo kororsiga uu sameystay. Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho dhalisay dhimasho, dhaawac iyo mudaharaadyo, taas oo 4 sanno kahor lagu soo doortay madaxweynaha hadda tallada haya ee Laftagareen, waxaana markale laga digayaa in qalalaase ay ka dhacaan maamulkaasi. The post Dagaal xoogan oo saaka ka qarxay magaalada Baydhaba appeared first on Caasimada Online.
-
Cadaado (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay heshiis la gashay Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habargidir ee Gobollada Dhexe, ka na mida beelaha dagaalka culus kula jiray muddo sanado ah. Heshiiskan oo aan weli laga xaqiijin siyaasiyiinta iyo odayasha beeshan ee taageersan dowladda federaalka ayaa dhigaya inay beesha dagaalyahannadeeda kala baxdo ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo qoddobo kale. Al-Shabaab ayaa sida warqadda heshiiska lagu sheegay waxay beesha ku wareejin doontaa maxaabiis gaareysa 67 qof oo ay ka heysato, waxayna u fasaxi doontaa ganacsiga iyo socodka gadiidka, iyadoo laga mamnuucay inay hub ku dhex qaataan degaanada beesha loo fasaxay. Heshiiskan ayaa waxaa ku saxiixan 14 nabaddoon oo ka tirsan beesha Saleebaan iyo labada guddoomiye gobol ee Al-Shabaab u qaabilsan gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna soo baxay xilli in muddo ah aan wax dagaal ahi ka dhicin deegaanda ay isku hor fadhiyeen labada dhinac. Hoos ka aqriso qodobada heshiiska ay soo bandhigtay Al-Shabaab بسم الله الرحمن الرحيم Taariikh: 28 Jamadul Awal 1444 Hijri.(22/12/2022) Ujeedo: Hishiis dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo Beesha Reer Xaaji Saleebaan. Kadib shirar iyo kulamo dhexmaray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo odayaasha dhaqanka beesha Reer Xaaji Saleebaan, kulamadaas oo ka dhacay degmada Xaradhereere, socdayna muddo toban maalmood ah, laga billaabo 18 Jamaadul Awal ilaa 28 Jamaadul Awal 1444 Hijri. Waxay labada dhinac ku hishiiyeen qodobada soo socda: Qodabada heshiiska: 1: Waa in ku dhaqanka Shareecada Islaamka laga hirgeliyo deegaanada beesha Reer Xaaji Saleebaan, fulinta arinkaasna ay beeshu kaalinteedana ka qaadataa. 2: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay iska fogeysaa, berina ka noqotaa, aysana la shaqaynin cadawga shereeco la dirirka ah, sida gaalada saliibiyiinta ah, murtadiinta iyo mushrikiinta. 3: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan ay safka cadawga ka saartaa dhamaan dadkeeda, gaadiidkeeda iyo hubkeeda nooc walba oo uu yahay. 4: Waa in beesha Reer Xaaji Saleebaan aysan deegaanadeeda u ogolaanin qabiil dullaan ku ah ku dhaqanka shereecada Islaamka iyo nidaamka Wilaayaatka Islaamiga. 5: Waa in Xarakadu ay beesha ku wareejiso dhamaan maxaabiista ka dhashay beeshaas, tiradooduna tahay 67 qofood kuwaas oo kujira gacanta Xarakada. 6: Waa in beesha loo fasaxo dhamaan gaadiidka iyo ganacsiga laga xayiray dagaalkii dhacay kadib. 7: Waxaa ka mamnuuc ah in hub lagu dhex-qaato degaanada beesha loo fasaxay. 8: Cid waliba oo gacansiisa ama qarisa cadowga Muslimiinta waxuu ku xukun noqonayaa lana mid noqnayaa cadowgaas. Deegaanada loo fasaxayo beesha iyo shuruudaha ku xiran: Dadka deegaanadaas loo fasaxay waxaa laga rabaa inay fuliyaan arrimaha soo socda;- 1: Waa in dadka deegaanadu amniga kala shaqeeyaan wilaayada Islaamiga ah. 2: Waa in la ilaaliyo bad-qabka dhulka lagana hortago xaalufinta deegaanka. 3: Waa in deegaanadu u hogaansamaan awaamirta wilaayaada islaamiga ah. 4: Waa in aan dhulka lafasaxay lagu dhibaateynin Mujaahidiinta, ayna marikaraan meshey donaan. 5: Wixii meshaas Mujaahidiinta loogu geysto – aan aheyn ciidan duullaan ah – masuuliyadeeda beesha ayaa qaadeysa. 6: Waa inay ilaaliyaan deris-wanaaga beelaha ey walaalaha yihiin 7: Waa in ey ka fogaadaan xarumaha cadawgu degan yahay. FG: Mudada heshiiska lagu dhaqan gelinayo waa 7 maalmood o ka bilabaneysa maalinta la saxiixay malinta ka danbeysa . Saxiixa beesha Reer Xaaji Saleebaan: 1- Nabadoon Cumar Maxamed Jimcaale(Faniinto) 2- Nabadoon Cali Yare Axmed Xayle- 3- Nabadoon Sugaal Warsame Cali 4- Nabadoon Cabdinuur Axmed Faarax 5- Nabadoon Cali Nuur Bootaan Kulmiye 6- Nabadoon Maxamad Cali Aadan 7- Nabadoon Axmed Maxamuud (Foolfooley) 8- Nabadoon Maxmed Saciid Jimcaale 9- Nabadoon Guray Cabdulle Axmed 10- Nabadoon Cabdi Daahir Maxumud 11- Nabadoon Cali Saciid Axmed Rooble 12- Nabadoon Ciise Cali Aadan 13- Nabadoon Cali Cumar Maxamed 14- Nabadoon Axmed Macalin Xasan Saxiixa Wakiillada Xarakada: 1- Sheekh Cabdullahi Abu Khalid (Waaliga Galguduud) 2- Sheekh Xassan Abu Xamza (Waaliga Mudug) وبالله التوفيق The post Al-Shabaab oo shaacisay heshiis ay sheegtay inay la saxiixatay beesha Saleebaan appeared first on Caasimada Online.
-
Gantaakki Ruushku sida Fiinta uga qaliyey oo Maraykanku ku deeqayo Ukraine Aqalka cad ee Mareykanka ayaa xaqiijiyey gantaalka Patriot ee nidaamka difaaca dalka Ukraine lagu xoojinayo in Kyiv ku deeqayo. Gantaalkan nidaamka difaaca hawada ayaa ah mid looga hortagayo weerarrada gantaalaha iyo diyaaradaha ee aan duuliyaha laheen e Ruushka. Tan iyo bishii february oo uu dagaalka Ukraine billaawday Kyiv waddamada reer galbeedka waxay ku taageereen gantaalaha difaaca hawada loo adeegsado. Gantaalahaasi oo la rumeysan iney gacan weyn ka geysteen iska caabbinti xoogganeyd oo ay ciidamada Ruushka kala kulmeen kuwa Ukraine. Gantaalka Ptriot uu Mareykanka siinayo Ukraine ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda ay ciidamada cirka Ukraine uga hortgayaan gantaalaha casriga ah uu Ruushka dagaalka u adeegsado. Qaran News
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta soo saaray go’aan cusub oo ku socda howlgalka ATMIS ee ka socda gudaha Soomaaliya, kadib shir ku yeesheen magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay. Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankoodii hore ee ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka June 2023-ka, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Arrintan ayaa ku timid, kadib markii qaraar tirsigiisu yahay 2670 (2022) si wadajir ah loogu ansixiyay dib u dhigista dhimista ciidamada ATMIS ee haatan jooga Soomaaliya, taasi beddalkeena waxay soo jeediyeen la qaado hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ciidamada ku jira ATMIS illaa 31ka December 2024. Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub & dalalka ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya. Golaha Ammaanka ee QM ayaa sidoo kale dowladda federaalka ka codsaday inay bixiso warbixin dheeri ah 30-ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah. ATMIS ayaa sidoo kale waxaa lagu booriyay doorkeeda ku aadan nabad dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, Golaha Ammaanka ee QM ayaa howlgalka Midowga Afrika oo la oran jiray AMISOM u beddashay ATMIS bishii April ee 2022-kii, si loo ballaariyo howlgalkaan ku kooban Afrika, loogana dhigo mid ay ka qaybgeli karaan wadamada ka baxsan Qaaradda. The post Golaha Ammaanka QM oo go’aan cusub kasoo saaray howlgalka ATMIS ee Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
3-Qodob ka ogow arrinta Samafale Coldoon oo Jeelka laga sii daayay & wuxu xabsiga kula kulmay Saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa laga sii daayay Xabsiga weyn ee Hargeysa ka dib markii uu dhammaystay muddadii laba sano ahayd ee ay ku xukuntay maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa. Bilowgii bishii Febaraayo ee sanadkan sii dhamaanaya ayay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ku dhawaaqday in wax dambi ah lagu waayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay Go’aanka maxkamaddu gaartay, waxayna taasi horseedday in Cabdi Maalik uu xabsiga ku dhammeysto muddo labo sano ah oo lagu xukumay, taasoo ku ekeyd maanta oo uu xorriyaddiisa dib u helay. Booliiska Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa Coldoon xabsiga u taxaabay bishii August ee sanadkii aannu soo dhaafnay. Haddaba 3 qodob ka ogow arrinta Cabdimaalik Muuse Coldoon. Muxuu xabsiga kula kulmay Coldoon? Wareysi uu Cabdimaalik maanta siiyay BBC-da ayuu uga hadlay dareenkiisa ku aaddan sii deyntiisa iyo waxa uu kula kulmay xabsiga. “Ilaahay baan u mahad naqayaa oo xorriyaddeydii dib iigu soo celiyay, Ilaahii ii qaddaray inaan xabsiga galo, qadarka Alle-na kheyr buu ii ahaa, runtii aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan helo xorriyaddii aan xaqa u lahaa,” ayuu yiri Cbadimaalik Coldoon. Isagoo ka hadlayay xaaladda gudaha xabsiga ayuu yiri: “Wax dibaateyn ah oo aan kala kulmay gudaha xabsiga ma aysan jirin oo aan ahayn inaanan xorriyaddeyda heysan.” Maxaa ka mid ah dacwadahii lagu soo oogay? Sida lagu xusay warqadda xeer ilalinta , Cabdi Maalik waxaa loo haystay dhowr eedeymood. Waxaa ka mid ahaa eedeymaha loo soo jeediyay: In uu bartiisa Facebook uu ku faafiyay warar dacaayad iyo been abuur ah oo ka dhan ah iskuulka Abaarso iyo jaamacadda Barwaaqo In uu faafiyay “dacaayad qaran dumis ah” In uu “cambaareeyay umadda Soomaaliland iyo qaranimadeeda”. Cabdimaalik ayaa iska fogeeyay dhammaan eedeymahan isagoo sheegay in uusan faafin dacaayad iyo eedeymaha kale ee loo soo jeediyay. Markii ay Wasiirka iyo Sheekha isaga jawaabeen arrinta Cabdimaalik Sannadkii 2021 markii ay dowladda Somaliland xirtay ayaa waxaa sare u kacay dhawaaqyada codadka kala duwan ee looga hadlayay xarigga Cabdimaalik Muuse Coldoon. Dadka kasoo horjeeda isaga ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo “dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku filan lahayn”, badanaana uu ka hadlo “wax aan khusayn.” Hase yeeshee, kuwo kale ee taageerana waxa ay u arkaan “shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan”. Coldoon ayaa wax yar ka hor inta aan la xirin barihiisa bulshada ku baahiyay dad uu sheegay “in ay dhaqan xumo ku faafinayaan gudaha Somaliland”. Shiikh Cabdirisaaq Cabdillaahi oo ku magac-dheer ‘Jenaraal Jiir’, ayaa markaasi ka mid ahaa dadka ka hadlay kiiska xarigga Coldoon. Sheekh Jenaraal Jiir oo kulan diineed weyn kaga qayb gelayey magaalada Hargeysa ayaa madashii kulanka ku soo hadal qaaday sababta dhowr goor culimada loogu eedeeyay in aysan ka hadlin arrinta Coldoon. “Waa nala dhibay annagoo khayrka wadnay. Waxaa nalagu maagay social media-ha. Waxaana nala leeyahay ‘maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon?’,” ayuu markaasi yiri Sheekha. Sheekh Jiir oo sii watay jawaabta uu ka bixiyay eedaha loo jeediyay wuxuu yiri: “Annagu ma lihin waa sax iyo waxaa, mana aannaan jeclaysanin sidaa uu isu soo qotomiyey, dadkiina waxay meel kasta ku soo qoreen ‘waad la kulanteen [Muuse Biixi] lacag iyo boorso ayuu idiin dhiibay’.” Wuxuu intaa ku daray: “Ilaahay dartii baa na loogu yeedhay, annana ilaahay dartii baannu u qaabilnay.” “Annaga oo ku hadlayna afkii culimada in aad ina Coldoon iyo wixii diinta loo xidhay noo sii daysid ayaanu kaa codsanaynaa. Waa nala maagaye oo maxaad uga hadli weydeen ayaa nalagu qabsadaye,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Shiikh Cabdirisaaq Jiir. Isla madashaas waxaa joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, oo isna dhankiisa ka jawaabay codsiga sheekh Cabdirisaaq jiir, wuxuuna sheegay in diinta ilaalinteeda uu madaxweynuhu u dhaartay, kiiskaasina uu maxkamad ku jiro. “Madaxweynaha wuu balan qaaday in uu diinta Ilaahay ilaalinayo, laakiin qofka hadii uu qaldamo yaan la xidhin dee meelna kuma taalo”, ayuu yiri. Dhanka kale Wasiir Khaliil ayaa sheegay in aan diinta loogu soo gabbanin. “Haddi aynu nahay culimo iyo dawlad, illeen dad walaalo ah aynu nahaye, in wixii xun dalkeenna aynu ka qabanno iskuma khilaafsanin, laakiin wixii ujeeddo kale leh ee siyaasad leh, waxaannu leennahay la is khiyaamayn maayo.” “Diinta cid walba annagaa uga lexjeclo badan, waxaanu idiin hubnaa in aannaan ogolayn oo dastuurkeennuna uu mamnuucay in wax aan diinta Islaam ahayn aan lagu faafin, waana danbi.” Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Sheekh Aadan Madoobe ayaa Anita Kiki kala hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan tan kacsan ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, si xal loogu helo. Ugu horreyn guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la wadaagay ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay arrinta Koonfur Galbeed, gaar ahaan wuxuu u gudbiyay warbixin ku aaddan booqashooyinkii uu ku tagay degmooyinka Xudur iyo Baydhabo oo ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay deegaanada ay ku sugan yihiin Shabaab. Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ku booriyay Anita Kiki in deegaannadaas la booqdo si wax loogu qabto dadka danyarta ah ee aan heysan nolol maalmeed ku filan. Dhankeeda Marwo Anita Kiki Gbeho oo kulan ka hadashay ayaa taageertay arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, waxayn boggaadisay doorka guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo haatan wada dadaallo ku aadan dhex-dhexaadinta labada dbhinac. Sidoo kale Marwo Anita Kiki Gbeho ayaa sheegtay UNSOM inay sii wadi doonto taageeradda Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulankan looga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadayo laba maalin uun kadib markii uu Madaxweyne Lafta Gareen u dabaal-degay sanad guuradiisii 4-aad, waxaana haatan u bilaabatay muddo kordhinta halka sanno oo ay kasoo horjeedaan mucaaradka. The post Sawirro: Aadan Madoobe oo xiisadda Koonfur Galbeed u gudbiyay Anita Kiki appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waalidiinta magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay carruurtooda ku xareeyeen xerooyin ciidan oo kuyaalla magaalada Muqdisho, si loo askareeyo. Waalidiintan ayaa xalay Muqdisho ka sameeyay iskusoo bax ay ka dhigeen xerada Mariiniska ee degmada Xamar Jajab, halkaas oo la sheegay inay ku xaraysan yihiin dhallinyaro loo qaadayo dalka dibbadiisa, si tababar ciidan usoo qaataan. Waalidiinta iskusoo baxa sameeyay, ayaa sheegay inaysan ogayn xilliga la qoray carruurtooda, iyo halka loo wado. Waxay kaloo sheegeen in carruurtooda markii ay dalbadeen in lagusoo wareejiyay loo diiday, lana rasaaseeyay. “Saa Sharaf ma ahan. Xasan Sheikh ilmaheennaa ka rabnaa. Hal wiil ayaa iga maqan. Waa la iidiiday in la igu wareejiyay. Waxaa naloo sheegay in si xoog ah lagu askaraynayo, sidaas waxaa sheegay mid kamid ah hooyooyinka warbaahinta la hadlay. Si kastaba ha ahaatee, cabashada waalidiinta ayaa kusoo aadaysa, iyadoo maalmahan ay soo baxayeen warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dhallinyaro u dirayso Masar iyo Imaaraatka Carabta, si loogusoo tababaro. Dowladda Soomaaliya weli kama jawaabin cabashada kasoo yeertay waalidiinta, iyadoo arrintan ay kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya ay dalka dib ugusoo celisay qaar kamid ah ciidamadii lagusoo tababaray Eritrea. The post Daawo: Waalidiin Muqdisho ka dhigay dibadbax ka dhan ah DF kadib markii wiilashooda… appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Abshir London ayaa maanta booqday malayshiyaad ku sugan nawaaxiga degaanka Saax-maygaag. Taliyaha ayaa sidoo kale dhowaan booqday malayshiyaad kale oo ku sugan duleedka degmada Boocame. Malayshiyaadka labada dhinac ayaa Puntland qaramaysay islamarkaana loo aqoonsaday ciidamo dowladeed. Labada malayshiyaad oo u abaabulan qaab beeleed ayuu horay dhexmaray dagaal ku salaysan muran dhuleed. PUNTLAND POST The post Puntland oo qaramaysay malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag appeared first on Puntland Post.
-
Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay whliyaan Wasiir ku xigeenka Gar-gaarka Hirshabelle Xasan Yusuf, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Hirshabelle iyo Maamulka Magaalada Jowhar ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Hirshabelle . Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Hirshabelle oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo uu oga mahadceliyay Hay’adda maaraynta musiibooyinka. Ugu danbayn Gudoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gar-gaarka, Wasiirka hawlaha guud iyo Maamulka gobolka Shabellaha dhexe sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Hirshabelle. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si habsami leh u socda soo daabulidda ciidamada Soomaaliyeed ee muddada saddexda sano ah tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea. Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamadaas ayaa shalay kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale oo shalay illaa maanta soo degay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 500 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid. Askartaas ayaa isla xalay loo kala daabulay xerooyin ciidan oo ku yaalla Muqdisho, taasi oo keentay in xalay la xiro waddooyinka Muqdisho qaarkood, intii uu socday howlgalka daabulidda. Waxaa sidoo kale macquul ah in mar kale caawa loo kala daabulo xerooyinka magaalada. Duulimaadyada ayaa socon doona illaa bisha Janaayo, waxaana la filayaa in soo daad-guraynta ay soo geba-gebowdo horraanta illaa bartamaha Janaayo. Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. “Haddii Ilaahey yiraahdo waxaan rajeyneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan howlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta dalka,” ayuu yiri. Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea dhammaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalmaha soo socda. Wasiirka oo aan wax ka waydiinnay halka ay ciidamadan ka howlgali doonaan ayaa sheegay in dhammaan dalka ay ka howlgali doonaan. “Dhammaan dalka ayay ka howlgali doonaan meel allaale iyo meeshii waajibaad laga siiyo oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan dalka ayuu ka howlgalayaa,” ayuu yiri wasiirka. The post Wararkii ugu dambeeyey ciidanka laga keenayo Eritrea iyo tirada diyaaradaha yimid appeared first on Caasimada Online.
