-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgalkii maanta lagula wareegay degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe. Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku boggaadiyay HirShabelle dadaalka ay gelisay xoreynta deegaanadeeda, ayada oo kaashaneysa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kadib markii inta Al-Shabaab laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in deegaanada harsan ee dhanka galbeedka ah loo jiheesto, si Al-Shabaab guud ahaan looga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. “Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed. Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray maamul goboleedyada, isaga oo ugu baaqay inay ku deydaan HirShabelle, isla-markaana ay ka saaraan xoogaga Al-Shabaab “Waxaan ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta gobollada dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo horkaceyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. The post Kadib guushii HirShabeelle Guuleed oo farriin u diray maamul goboleedyada kale appeared first on Caasimada Online.
-
Xukame Liibaan Cali Food ayaa lagu waayay kiis la xiriira in uu ka tirsan yahay argagixisada Daacish. Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo baaris ku samaysay Liibaan ayaa dib u soo celisay galkiisa. Xeer Ilaalinta ayaa caddaysay in aysan wax kiis argagixiso ah ku helin Liibaan oo ku xukman laba sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dhoofinta geed-quwaaxa. Xogaha ayaa intaas ku daraya in Liibaan rabo in uu iibsado inta uga hartay xukunka si uu xabsiga uga baxo. PUNTLAND POST The post Xukmane Liibaan Cali Food oo lagu waayay kiis la xiriira argagixiso appeared first on Puntland Post.
-
Axmed Meyre Makaraan guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hadlay hawlgallada ka socda gobalka ee ka dhanka ah ururka alshabaab. Guddoomiye Makaraan oo gaaray qaar kamid ah deegannada dhawaan alshabaab laga saaray ayaa sheegay in ay dagaalka uu sii socon doono. Axmed Meyre Makaraan oo uu wehliyo Abaanduulaha Guutada 4-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed Bashiir Mukhtaar Siteey ayaa kormeer ku tagay Tuulooyinka Ceel-Muluq Boos Hareeri iyo Degaanka Alkowsar, ayaa sheegay in dagaalka uusan halkaan ku ekeen balse aysan sii wadi doonin. guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay u diyaarsan yihiin dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa ansixisay hindisa sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Hirshabeelle. Kulan ay yeesheen golaha wasiirada dowlad gobaleedka Hirshabeelle oo uu shirguddoominayay madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa wasaaradda arrimaha gudaha Hirshabeelle ay soo gudbisay hindisa sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. Golaha wasiirada Hirshabeelle ayaa dood dheer kadib meel mariyay hindisaha dhismaha guddiga madax banaan ee doorashooyinka Hirshabeelle. Dhinaca kale wasiirka amniga dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu soo bandhigay hawlgallada ka socda gobalada maamulka ee ka dhanka ah ururka alshabaab. Golaha wasiirada ayaa la siiyay warbixin ku saabsan halka ay marayaan hawlgallada alshabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin maamulka Hirshabeelle. Xukuumadda Hirshabeelle ayaa sidoo kale cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Macadka Tababarada shaqaalaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Banjul (Caasimada Online) – Dowladda Gambia ayaa Arbacadii sheegtay inay fashilisay afgambi militari, ayna xireen afar askari oo qorsheynayay inay afgambiyaan maamulka Madaxweyne Adama Barrow. War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in taliska guud ee ciidamada qalabka sida ee Gambia ay gacanta ku dhigeen afar askari oo lala xiriirinayo afgambiga la sheegay inuu fashilmay kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen Talaadadii. “Iyada oo lagu saleynayo warbixinnada sirta ah… qaar ka mid ah askarta Gambia ayaa qorsheynayay inay afgambiyaan dowladda sida dimoqraadiga ah loo soo doortay,” ayay dowladdu sheegtay Arbacadii. Isku dayga afgambiga ayaan ku cusbayn dalka Gambia, oo ah dal yar oo galbeedka Afrika ah oo ay ku nool yihiin 2.5 milyan oo qof oo ay ku hareeraysan yihiin gebi ahaan dalka Senegal, kaas oo weli la ciirciiraya in ka badan labaatan sano oo madaxweynihii hore ee Yahya Jammeh uu xukun keli-talis ah ku maamulayey iyo tacadiyo lagu eedeeyey. Jammeh qudhiisa ayaa xukunka afgambi kula wareegay sanadkii 1994-kii, waxaana uu fashiliyay isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in xukunka looga tuuro kahor inta aanu ku guuldarreysan doorasho dabayaaqadii 2016-kii, taas oo uu ku guuleystay Barrow. Xil ka qaadistiisa ayaa loo arkayay mid sare u qaadaysa dimuqraadiyadda, walow ay jirtay niyad jab xooggan oo ay xukuumadda Barrow ka qabeen inay wax ka qabato saboolnimada iyo sare u kaca maciishada. VOA + Reuters. The post Afgembi fashilmay oo ka dhacay dalka Gambia appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka naga soo gaarayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ahaa sheegaya in goordhaw xabsiga laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon. Wariyaha ayaa laba sano ka hor la xiray kadib markii ciidamada ka soo qabteen magaalada Burco. Coldoon ayaa loo haystay eed ka dhan ah dugsiga Abaarso oo ku yaalla Somaliland, kaas oo xeer ilaalintu ku eedeysay in uu aflagaadeeyay. Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa dhawrjeer oo horay waxa uu la kulmay xarig, isagoo marba ay ciidamada eed u soo jeedinaayeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa diiday in uu ku biiro urur siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah. Wasiirka oo marar kala duwan loo jeediyay in uu ku biiro ururka Kaah ayaa iska diiday dalabkaas sida ay wararku xaqiijinayaan Mudane Juxaa ayaa ku doodaya in uu dhex-dhexaadnimada luminayo haddii uu ku biiri urur siyaasadeed gaar ah. Wasiirada ugu dhow Siciid Deni oo ay ku jiraan Dhabancad iyo Lugatoor ayaa ka tirsan urur siyaasadeedka xukuumadda. PUNTLAND POST The post Wasiir Juxaa oo iska diiday in uu ku biiro urur siyaasadeedka Kaah appeared first on Puntland Post.
-
Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa saaka laga sii daayey xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu dhamaystay xukun labo sano ah oo ku riday Maxkamadda Racfaanka Hargeysa. Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Hargeysa ku xirnaa tan iyo bishii Agoosto 2021 ayaa Maxkamadda gobolka Maroodijeex (Waqooyi Galbeed) ee Somalind wax dambi ah ku wayday bishii February ee sanadkan 2022, balse xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka maxkamadda. Coldoon ayaa Somaliland xirtay markii uu ku ololeeyay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu marti qaado dad u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah xililiyada bandhiga buugaagta iyo in dugsiga Abaarso lagu faafiyo dhaqamada Masiixiga. Maamulka Somaliland ayaa marar badan xiray Cabdimaalik Coldoon oo ah wariye madax-bannaan sidoo kale ah samafale gacan siiya dadka tabaalaysan. PUNTLAND POST The post Coldoon oo laga sii daayey xabsiga Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Somaliland ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon laga sii daayay xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, kadib laba sanno oo uu u xirnaa maamulkaasi. Wariye Coldoon ayaa soo dhammeystay xukun labo sanno ahaa oo ay 23-kii May 2022-kii ku xukuntay Maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa. Coldoon waxaa markiisii hore xabsiga la dhigay 23/08/2021-kii, ayada oo loo haysto eedeymo culus, sida dacaayad qaran dumisnimo ah, faafinta warar been abuur ah iyo aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland. Sidoo kale eedeymaha kale ee loo soo jeediyey waxaa ka mid ah inuu warbixino liddi ku ah ka qoray Dugsiga Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, doodaas oo meel sare gaartay. Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka hadlay sii deyntiiisa maanta ayaa yiri “Xabsigii waan ka soo baxay. Mahad oo dhan Allaah baa is ka leh iyo inta iga mudan dhamaantood. Waxa aan ku dardaarmayaa in xaqa la sheego si kasta ha u qadhaadhaado”. Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo ku caan baxay arrimaha samafalka iyo u gargaarida dadka taabaleysan ayaa marar badan siyaabo kala duwan loogu xiray Hargeysa. Si kastaba, sii deynta ayaa waxaa aad ugu farxay ehelladiisa, gaar ahaan qoyskiisa iyo carruurtiisa oo uu dib ula midoobayo laba sanno kadib, isaga oo soo dhammeystay xukunkii ku dhacay. The post Daaawo: Cabdimaalik Coldoon oo la sii daayay appeared first on Caasimada Online.
-
Shaqaalaha ka hawlgala xafiisyada Maamulka Gobolka Nugaal ayaa sida la xaqiijiyay gunnooyin la’aan ku dhacday. Xogo hoose ayaa xaqiijinaya in dhammaan shaqaalaha ka hawlgala xarunta Gobolka Nugaal aysan wax gunnooyin ah qaadan bilihii u danbeeyay. Lama oga weli cidda xannibtay gunnooyinkii shaqaalaha Gobolka Nugaal islamarkaana kama hadlin Maamulka Gobolka. Shaqaalaha ayaa sidoo kale ka gaabsanaya in ay wax cabasho ah gudbiyaan cabsi ay ka qabaan in Shaqada laga eryo. PUNTLAND POST The post Shaqaalaha ka hawlgala xarunta Gobolka Nugaal oo gunno la’aan ku dhacday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay shaaciyay inuu ku fashilmay in uu la goosto mid kamid ah gawaarida uu wadayay. Waxa uu sheegay in ka hor inta uu kasoo tegin magaalada Muqdisho uu isku dayay in uu hore kasoo wato gaariga uu darawalka ka ahaa, hase yeeshe ugu suurta-geli weyday barnaamijka amni ee guriga guddoomiyihii hore. “Darawal walba isaga ayaa haysta furaha gaariga laakiin si guud dad ayaa wakiil ka ah. Albaabka marka kasoo baxeysid askari ayaa kusoo raacaya oo kama bixi kareysid xeyndaabkaas. In aan soo qaato waa isku dayay laakiin fursad uma helin oo waa ii suurta-geli weyday,” ayuu yiri ninkaan darawalka u ahaa Mursal oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen. Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa nala cabsiin jiray oo cariiri meel walba ah ayaa na haystay. Adiga oo qof madax ah wada telefoon ma qaban kareysid ama ma dirsan kartid xataa haddii dan qoys ay kusoo gasho.” Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex-galay asiga iyo guddoomiye Maxamed Mursal, islamarkaana uu si iskiis ah u go’aansaday in uu iska dhiibo deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab. Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayada oo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen illo xilkas ah. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka guddoomiye Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan. The post Muxuu ahaa isku daygii uu ku fashilmay darawalkii Mursal intii uu joogay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
-
An interview is conducted at Radio Risaala in Somalia's capital Mogadishu. (Risaala Media Corporation) Source: Hiiraan Online
-
At least three people were killed in al Shabaab attack in Garissa on Wednesday morning. Source: Hiiraan Online
-
GENEVA — U.N. agencies are calling for more spending to help Somalia strengthen its resilience against future climate effects and ward off crises such as the current famine-inducing drought. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa heshii ku gaaray magaalada Baydhabo. War-mirtiyeed ay wadajir u soo saareen ayaa lagu xusay 8 qodob oo la xiriira horumarinta haweenka iyo ilaalinta xuquuqdooda, waxaana heshiiskaas ka maqnayd Puntland. Ma cadda sababta Puntland uga maqneyd heshiiska, inkasta oo xiriirka maamulkaas iyo dowladda federaalka uu liitay muddooyinkan. Qodobada ay ku heshiiyeen Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, Jubaland, Hirshabeelle, Galmudug, Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka ayaa kala ah: 1. In gacan laga gaysto ansixinta iyo dhaqangelinta sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka, caruurta iyo dadka naafada ah. 2. Fulinta iyo dhaqangelinta qorshaha qaranka ee haweenka, nabada iyo amniga ee hirgelinta qaraarka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1325. 3. Mashruuca dhaqaale abuurida ee haweenka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada. 4. Dhismaha iyo qalabeynta xafiisyo ay yeelanayaan wasaaradaha haweenka federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. 5. Ilaalinta mas’uuliyadda wasaaradaha, gaar ahaan mashaariicda ku saabsan haweenka, caruurta iyo dad naafada ah. 6. Fulinta qorshaha dowladda ee doorka haweenka nabadeynta amniga iyo xasilinta. 7. In dhammaanka kulamada Protection Cluster’s-ka ay hoggaamiyaan wasaaradaha haweenka. 8. Qabanqaabada shir-weyne haween oo ay diyaarinayso Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Dowladda Federaalka, kaas oo la qaban doona bisha February 2023. The post Heshiis ay ka maqan tahay Puntland oo gaareen DF iyo dowlad goboleedyada appeared first on Caasimada Online.
-
Taliban oo hablaha ka mamnuucay waxbarashada Jaamacadaha Afghan female university students are stopped by Taliban security personnel next to a university in Kabul, Dec. 21, 2022. Hablaha ku jira waxbarashada saree e dalka Afghanistan ayaa sidii caadada ahayd waxay subaxnimadii Arbaca u kallaheen inay aadaan Jaamacadaha ay dhigtaan, hase ahaatee waxaa iridaha jaamacadaha la dhigay ciidamo ka tirsan ururka Taliban, kuwaas oo hablaha ku wargelinayey inaan loo ogolayn inay galaan jaamacadda maadaama uu xalay soo baxay amar lagaga mamnuucayo waxbarashada sare. Maamulka Islaamiga ah ee Taliban ayaa xilli dambe oo Salaasadii ahayd waxay ku dhawaaqeen in hablaha laga xayiray waxbarashada sare illaa uu ka soo baxayo amar dambe. Tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay waxbarashada sare ayaa cadho badna ka abuurtay gudaha dalkaas iyo weliba caalamka, kuwaas oo ku eedeeyey ururka Taliban inay go’doominayaan dalkaas. Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Kabul ayaa arkay, ardayda oo ooyaya, isla markaana laabta isgelinaya, iyaga oo ku sugan afaafka hore ee jaamacadaha, oo ay ku jirto Jaamacadda weyn ee dawliga ah ee Kabul Public University. Maraykanka ayaa si degdeg ah u cambaareeyey tallaabadan hablaha lagaga mamnuucay jaamacadaha iyaga oo uga digay maamulka islaamiga ah, cawaaqibka ay kala kulmi karaan tallaabadan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidda qeybtii ugu horreysay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka muddada dheer ugu maqnaa dalka Eritrea. Ciidamadan cusub oo tababar ku soo qaatay xeryaha waddanka Eritrea ayaa muddo la sugayey, waxayna hordhac u yihiin soo celinta dhamaan ciidamada Soomaaliyeed ee haatan ku maqan dalkaasi. Sarreeye Guuto Cumar Maxamuud Cusmaan oo ah khabiir ciidan ayaa VOA u sheegay in ciidamadaan ay soo qaateen tababar heer sare ah, islamarkaan ay door muhiim ah ka qaadan doonaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. “Ciidamadaan waa kuwa tababar fiican leh wax ayey ka badali doonaan howlaha oo dhiig cusub ayey kusoo kordhin karaan millateriga. Meel alaala meeshii looga baahdo ayey ka howl-gali karaan oo wax weyn ayey ka qaban karaan dagaalka lagula jiro Shabaabka,” ayuu yiri. Waxa uu intaasi kusii daray “Dalka oo dhan ayaa loo kala qeybin doona ciidamadaan. Xaalada dalka waxay ka badali karaan amniga guud iyo howlaha badda.” Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadaan loo soo tababaray takhasusyada kala duwan ee millateriga, ayna yihiin niman dhalinyaro ah oo koorso adag oo sarkaalnimo loo soo tababaray. “Illaa 20-ka ugu horeeya ee Janaayo ayey kusoo dhameystirmayaan ciidankaan dalka,” ayuu yiri isaga oo ka jawaabaya xilliga ay soo dhamaaneyso daabulista ciidamada mudada badan ku maqan Eritrea. Soo laabashada ciidamadaan ayaa dhabar-jab xoogan ku ah Al-Shabaab iyo cid walba oo nabada & guud ahaan dalka dhib ku haysa, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho. “Dowladda guud ahaan waxay sii wadi doonta howl-galadaas, waxa kale oo sii wadi doonta horumarinta, tayeynta iyo tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiiqdii kaalin mug leh ka geystay la-dagaalanka Khawaarijta. Haddii Ilaahay yiraahdo mustaqbalka dhow Soomaaliya waxay ku noolaan doonta ayada oo aysan ku nooleyn Khawaarij, ciidamo tayeysan oo tababaran ay lahaan doonto.” Maalmo kahor ayey aheyd markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in bishaan December inta aysan dhamaan la soo bilaabayo keenista ciidamadaan, islamarkaana la soo dhameystirayo illaa bisha Janaayo. Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay ugu yaraan laba jeer wuxuu safar ku tegay dalka Eritrea, si dhalinyaradaan oo tababar ugu maqna dalkaas muddo ku dhow afar sano ay dib ugu soo noqdaan dalkooda. The post Khabiir shaaciyey doorka ay ciidanka Eritrea ka qaadan doonaan howl-gallada socda appeared first on Caasimada Online.
-
Mala socotaa in koobkii uu Messi geeyay dalkiisa uusan ahayn kii dhabta ahaa? Mid ka mid ah sababihii ay Argentina, halganka dheer ugu gashay ku guuleysiga Koobka Adduunka ee Qatar, waxay ahayd inay kor u qaadaan koobka uu ciyaaryahan kasta oo kubbadda cagta ah ku riyoodo. Koox kasta waxay u riyaaqdaa oo ay ku riyootaa qaadidda koobka midabka dahabiga ah leh. Si la mid ah Maradona iyo Zidane, ciyaaryahanka ugu fiican waqti xaadirkan Lionel Messi, ayaa ku guuleystay fiinalka Qatar oo uu ku qaaday koobka, iyadoo ciyaartoyda kooxda la arkayay iyagoo isku sawiraya koobka adduunka markii ay soo gaareen Argentina. Laakiin ma ogtahay in koobka ku jira gacanta Messi uusan ahayn midkii saxda ahaa? balse uu yahay mid dahab yar oo kali ah lagu dhejiyay. Koobkii la nashqadeeyay sanadkii 1930- islamarkna sanadkii 1970 lagu qabtay Mexico ayna ku guuleysteen Brazil ay kooxdaasi geeyeen dalkooda . Koobkan ayaa horay looga xaday carwo ku taalla magaalada London, balse waxaa markii dambe helay ey lagu magacaabo ‘Pickles’ xilli isaga iyo milkiilihiisa ay lugeynayeen meel ku taalla koonfurta London. Kadib 1983-dii, koobka ayaa mar kale la xaday markii la dhigay magaalada Rio de Janeiro ee caasimadda Brazil, iyadoo ay qaadday kooxdii ku guuleysatay. Koobkaasi la xaday dib dambe indha looma saarin oo lama soo helin. Sanadkii 1970kii FIFA waxay qabatay tartan koob cusub kaas oo 53 nashqado la soo gudbiyay. Sawir-qaade Talyaani ah oo lagu magacaabo Silvio Gazzaniga ayaa ku guuleystay tartanka nashqadan. Koobkan la nashqadeeyay waxaa lagu soo bandhigay koobkii adduunka ee 1974-kii, kaas oo ay marti galiyeen Jarmalka galbeed. Hadaba maxay tahay muhiimadda gaarka ah ee uu leeyahay koobka aduunka ee FIFA ? Waxaa laga sameeyay dahab 18-carat ah, koobkan dhirirkiisu waa 15-inji waxa uu culeyskiisu ka yar yahay lix kiilo. Maxaa Messi loo siin waayay koobka dhabta ah? Koobkani waxa uu leeyahay meel u gaar ah taariikhda ciyaaraha adduunka. Sida laga soo xigtay FIFA, dad aad u yar ayaa loo oggol yahay inay taabtaan koobka, oo ay ku jiraan kuwa ku guuleysta iyo madaxwayneyaasha dowladaha. Koobkan dahabka ah ayaa waxaa la guddoonsiiyaa kooxda ku guuleysatay tartanka koobka, balse waxaa gacanta ku sii haynaya FIFA. Sida uu dhigayo sharciga FIFA, koobka dhabta ahi waxa uu baaqi ku sii ahaanayaa FIFA oo sii yaalaya, laakiin kooxda ku guulaysata ayaa si ku meel gaar ah loo siiyaa. Koobkii asalka ahaa ka dib waxaa uu la yaallayaa oo gacanta ku haynaysa FIFA. Sanadkii 2005, FIFA waxay go’aansatay inaysan mar dambe abaal-marinta koobka dhabta ah siinin kooxda ku guulaysata Markii hore waxaa loo oggolaa kooxda tartanka koobka ku guuleysata in koobka dahabka ah qudhiisa ay qaataan oo ay dalkooda ugu soo dabaaldagaan ka dibna ay FIFA, dib ugu soo celiyaaan. Balse tan iyo 2006 kooxda koobka ku guuleysatay waxaa koobka lagu siinayaa oo kali ah goobta xafladda lagu abaalmarinayo ka dibna waxaa dib loogu celinayaa gacanta FIFA. Mark ay xafladda dhammaato ayaa waxaa kooxda koobka ku guuleysatay la siinayaa koob kale oo u ek midka saxda ah, balse aan ahayn kii asalka ahaa ee ay ku guuleysteen. Sida laga soo xigtay FIFA, koobka ay helaan kooxda ku guulaysata ayaan ahayn mid gabi ahaanba ka samaysan dahab, balse waxaa lagu aslay biyo dahab. Waxaa koobka ku dhajisan sanadka koobka adduunka, dalka martigelinaya iyo magaca kooxda ku guulaysata. Abaalmarinta lacageed ee Koobka Adduunka Sida ay FIFA sheegtay, kooxda koobka sanadkan ku guuleysatay ayaa waxaa la sinayaa lacag dhan 42 milyan oo doollar, halka Faransiiska oo kaalinta labaad soo galay ay helayaan 30 milyan oo doollar. Lacagta abaalmarinta ayaa waxaa laga bixinayaa sanduuqa FIFA oo sanadkan 2022 ciyaaraha adduunka ugu talagashay lacag dhan of $440 milyan oo doollar. Faransiiska markii ay koobka adduunka ku guuleysteen 2018, FIFA waxay siisay $38 milyan. Xilligaas waxaa lacagtii ay FIFA ugu talagashay koobka adduunka ay ahayd 400 oo milyan oo doollar. Qaran News
-
Kabul (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa mamnuucay waxbarashada jaamacadaha ee haweenka dalkaasi, taasi oo keentay in Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay cambaareeyaan weerar kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Inkasta oo ay ballanq-aadeen xukun ka jilicsan kii 20 sano kahor markii ay xukunka la wareegeen sannadkii hore, Taalibaan waxay dejiyeen xannibaadyo dhammaan dhinacyada nolosha haweenka, iyagoo iska indha-tiraya carada caalamiga ah. “Dhammaantiin waxa la idinku wargelinayaa in aad si degdeg ah u dhaqangelisaan amarkan lagu sheegay joojinta waxbarashada haweenka ilaa amar dambe,” ayuu wasiirka wasiiradda tacliinta sare Neda Mohammad Nadeem ku sheegtay warqad uu u diray dhammaan jaamacadaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Afhayeenka wasaaradda, Ziaullah Hashimi oo warqadda soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa farriin qoraal ah oo uu u diray AFP ku xaqiijiyay amarkan. Washington ayaa sidoo kale si adag u cambaaraysay go’aankan. “Taalibaan ma filan karto inay xubin sharci ah ka noqoto beesha caalamka ilaa ay ixtiraamaan xuquuqda dhammaan dadka Afghanistan ku sugan. “Go’aankani wuxuu cawaaqib ku yeelan doonaa Taliban,” ayuu Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray. Talaadadii, afhayeen u hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay inuu “aad uga xumaaday” xayiraaddan. Mamnuucidda waxbarashada sare ayaa kusoo beegantay wax ka yar saddex bilood kadib markii kumannaan gabdho iyo haween ah ay imtixaanno jaamacadeed u fariisteen guud ahaan dalka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay ku haminayaan in ay mustaqbalka u doortaan macallinnimada iyo caafimaadka. Jaamacadaha ayaa hadda ku jira fasaxa xilliga qaboobaha, waxaana lagu wadaa in dib loo furo bisha March ee 2023. The post Taalibaan oo xanibaad cusub kusoo rogtay haweenka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka hadlay dagaalka dalka ka socda ee lagu soo afjarayo Al-Shabaab, iyadoo wareysigiisa qeybtaan lagu dul istaagay dowladaha dhanka duqeymaha cirka ka taageera Soomaaliya. Wasiir Jaamac oo wareysigaan siiyey Universal TV ayaa ka meer-meeray su’aal laga weydiiyey in diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay Soomaaliya duqeymo ka fuliyaan, inkasta oo warbixino dhowr ah ay sidaas sheegayaan. Wasiirka oo qiray doorka duqeymaha ee diyaaradaha Mareykanka ayaa diidan inuu kala cadeeyo in diyaaradaha Turkiga ay Al-Shabaab duqeeyaan iyo in kale. “Aniga Turki ma ogi, laakiin Mareykanka diyaaradihiisu waa na caawiyaan,” ayuu yiri wasiir oo aad loogu celceliyey su’aal looga dalbanayey inuu kala cadeeyo arrintaan. Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celiyey dowladda Turkiga, isagoo qiray in ciidanka dagaalamaya ee Gorgor ay u soo tababartay Soomaaliya, balse wuxuu aad uga gaabsaday inuu ka jawaabo doorka Turkiga iyo duqeymaha Al-Shabaab. Diyaaradaha Turkiga ayaa lagu arkaa hawada Muqdisho iyo deegaanada ay dagaaladu ka socdaan, iyadoo meelaha qaar sawirro laga soo qaaday, balse wuxuu sheegay Wasiir Jaamac in uusan waxaba ka ogeyn arrimaha diyaaradahaas. “Ciidamadu waa kala talis duwan yihiin, aniga wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa i quseeya, howlgal ciidamada xoogga ay fuliyaan oo diyaarad Turki leeyahay ay ka qeyb qaataan anigu ma ogi,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: Wasiirka Difaaca oo qariyey arrin Turkigu ka wado Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Siyaasi Axmed Siciid Nuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland gaar ahaan doorashooyinka qof iyo cod. Siyaasigan oo xilal wasiirnimo ka soo qabtay Puntland ayaa sidoo kale ka hadlay mudda xileedka madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda hal sano ah ka hartay. Mudane Axmed Siciid Nuur ayaa sidoo kale ka hadlay go’aankii u danbeeyay ee uu arrimaha doorashooyinka qof iyo cod ka qaatay urur siyaasadeedka Mideeye oo uu xubin ka yahay. Halkaan ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Siyaasi Axmed Siciid Nuur oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Puntland appeared first on Puntland Post.
