Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maxaas (Caasimada Onine) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa weli laga lehayaa qaraxyadii mataanaha ahaa ee Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana korortay tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay qaraxyadaasi. Dhimashada ayaa haatan gaartay illaa 35 qof, halka dhaawacuna uu yahay 40 kale, sida uu Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku xigeenka Ciidamada Booliiska dowlad ee goboleedka Hirshabeelle. Xasan Kaafi ayaa sheegay in dadka dhintay ay u badan yihiin rayid ah, isla-markaana ay ku jiraan haween iyo caruur ku sugnaa goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen, “Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan Kaafi Maxamed. Sidoo kale dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa illaa 10 qof oo isku qoys ah, sida uu sheegay Jaamac Maxamed Cali oo ka tirsan qoyska, kaas oo la hadlay VOA-da. Dhinaca kale waxaa Muqdisho lasoo gaarsiiyay qaar kamid ah dadkii ku soo dhaawacmay qaraxyadaas, waxaana xalay isbitaalka Erdogan ku booqday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan isla maamulkaasi. Cali Guudlaawe ayaa u kuurgalyay xaaladaha bukaanada dhaawaca ah, isaga oo mid mid u dul-tagay askarta iyo shacabka ay waxyeelada kasoo gaartay weerarkaasi. Madaxweyneaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay dhamaan dadkii ku dhintay qaraxyadaasi in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawacantana uu Eebbe u boogo dhayo. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan khasaaraha badan dhaliyay, wuxuuna ku soo aaday xilli uu dagaal uga furan yahay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Si kastaba, mid kamid ah qaraxyadan waxaa lala eegtay guriga uu degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa guriga, halka labaadna isna lagu weeraray guri uu dagan yahay guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane. The post Tirada dhimashada qaraxyadii ka dhacay Maxaas oo gaartay 35 qof appeared first on Caasimada Online.
  2. Las Anod (HOL) - The situation in Las Anod town was uneasy on Thursday morning after anti-government protesters and local militias forced Somaliland security forces to abandon most of their recent positions on Wednesday afternoon to their army bases on the outskirts of town. Source: Hiiraan Online
  3. Sanadkii dhamaaday ee 2022-ka waxaa caalamka ka dhacay dagaallo iyo rabshado aad u fara badan, kuwaas oo qalqal geliyay hanaankii nolasha dadka adduunka. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ayaa soo saaray liiska wadamada ugu amniga fiican iyo kuwa amnigoodu uu hooseeyay sanadkii tagay 2022-ka. dalal badan ayaa sanadkaan ka soo muuqday liiska kaalmaha hore kuwaas oo sanadihii hore ay ka jireen colaado, halka kuwa amni haystayna ay hoos uga dhaceen kaalintooda. Wadamada ugu amniga fiican ayaa loo diiwaangeliyay in ay yihiin tobanka kaalin ee ugu horeysa dalalka kala a; Iceland, New Zealand, Ireland, Denmark, Austria, Portugal, Slovenia, Czech Republic, Singapore iyo Japan, ayaa loo aqoonsaday in ay yihiin tobanka dal ee ugu amniga sareeya caalamka. Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (EPI) ayaa sidoo kale sheegay liiska tobanka kaalin ee ugu horeysa dalalka uu amnigoodu aad u hooseyo ee aan la isku halayn karin. Dalalka Sudan, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Soomaaliya, Ciraaq, DRC, Suudaanta Koonfureed, Ruushka, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan, ayaa noqday kuwa ugu amniga hooseeya caalamka. Liiskaan ayaa waxaa si lama filaan ah uga soo muuqday dalka Ruushka kaas oo ka soo hoos maray dalalka Soomaaliya, Ciraaq, DRC, Suudaanta Koonfureed, Ruushka, Suuriya iyo Yemen, kadib dagaalkii uu ku qaaday Ukraine. Sanadkii 2021, Soomaaliya waxay ku jirtay kaalinta 158-aad iyadoo shan dal ay ka hoosaysay, kuwan oo kala ahaa dalalka Ciraaq, Koonfurta Suudaan, Suuriya, Yemen iyo Afghanistan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Republic of Somalia is ramping up its efforts to convince the international community to lift the longstanding arms embargo on the nation as the war on Al-Shabab militants intensifies. The Somali government believes that obtaining weapons will give it a stronger position in the fight against the ongoing insurgency led by the Al-Shabab group, which has recently made significant gains. The push to lift the arms embargo is being spearheaded by President Hassan Sheikh Mohamud, who on Wednesday met with ambassadors from various countries, including the United States, the United Kingdom, and Italy, as well as representatives from the United Nations, the European Union, and the African Union at Villa Somalia to discuss the issue. During the meeting, President Mohamud emphasized the unity of the Somali people and government in their efforts to liberate the country and implored the international representatives to support their struggle, particularly in the push to lift the arms embargo on Somalia, which is seen as crucial to the fight against terrorism. The President also highlighted the efforts of the Somali Armed Forces, working alongside the local population, in liberating various areas in the Middle Shabelle, Hiiraan, and Galgudud regions, demonstrating the government’s determination to rid the country of the terrorism that has hindered its development and progress. In addition to President Mohamud’s efforts, Prime Minister Hamza Abdi Barre also held a meeting on the security situation in the country and the arms embargo on Somalia. The Prime Minister emphasized the government’s commitment to lifting the embargo and proposed the establishment of a two-tier committee consisting of an implementation committee and a technical committee. The committees will work on the planned objectives of the Somali government to ensure the complete lifting of the arms embargo on the country, with a goal of implementation within a year. The Prime Minister stated that the government is committed to eliminating Al-Shabab and that time is running out for the militants as the offensive is preparing to open more fronts. The arms embargo on Somalia has been in place for nearly three decades, first imposed by the United Nations Security Council (UNSC) in 1992. It was initially put in place in response to the civil war and the collapse of the government in Somalia, which led to widespread violence and humanitarian crises. The UNSC has renewed the arms embargo on Somalia several times since its initial implementation, most recently in November 2022. The arms embargo on Somalia is intended to prevent the proliferation of illegal arms and related material in the country and reduce the risk of violence and conflict. It prohibits the sale, transfer, or supply of arms and military equipment to Somalia, except in certain circumstances where the UNSC has authorized such transfers. In recent years, there have been calls to lift or modify the arms embargo on Somalia, particularly from the Somali government and its allies, who argue that the blockade hinders their efforts to combat terrorism and provide security for the country. However, opponents of lifting the embargo argue that the country’s fragile security situation and the risk of arms falling into the hands of terrorist groups make lifting the embargo a risky proposition. Nevertheless, the Somali government and its allies continue to push for its lifting. They argue that the embargo hinders their efforts to combat terrorism and provide security for the country and that obtaining weapons would give them a stronger position in the fight against the Al-Shabab insurgency. The international community, however, remains divided on the issue. Some countries and organizations, such as the United States and the European Union, have supported lifting the embargo. In contrast, others, such as the United Kingdom and the African Union, have voiced concerns about the potential risks and consequences. The post Somalia seeks lifting of arms embargo in battle against Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  5. Midawga Yurub ayaa ganaax malaayiin dolar ah ku soo rogay shirkadda iska leh Facebook ee meta, taas oo ay ku eedeeyen in ay ku xadgudubtay dareenka muwaadiniinta midawga Yurub. Xeer-nidaamiyayaasha midawga yurub ayaa sheegay in dadka ku nool 27-ka waddan ee Midawga Yurub, inay ku khasabto inay aqbalaan xayaysiisyada shakhsiga ah ee ku salaysan meelaha ay booqdaan, inta ay ku jiraan shabakadda. Midawga ayaa sheegay in ay meta ku soo rogtay ganaax lacageed dhan 390 milyan oo Yuuro ($414 milyan), taas oo ah ciqaabta falka ay ku kacday. Waxaana sidoo kale shirkadda lagu xukumay kaliya in ay u soo gudbiso isticmaalayaasheeda Midawga yurub kaliya waxyaabaha ay u baahan yihiin. Meta ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadaneyso go’aanka ay xukunka ay ku soo rogeen Xeer-nidaamiyayaasha midawga yurub. Dhinaca kale weli shirkadda Meta ayaa wajaheysa eedo kale, waxaana la filaya in dhamaadka bishaan january ay shirkadda la kulanto xukun kale oo ku aaddan Whats App-ka. Midawga yurub ayaa inta badan shirkada baraha bulshada ee Meta iyo kuwa kale waxa ay ku soo rogta ganaaxyo iyo xayiraado fara badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in ay jirto xaalada kacsanaan ah oo laga dareemayo magaalada saaka oo Khamiis ah. Xalay saqdii dhexe ayaa gudaha magaalada waxaa dagaal uu ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa la baxay SSC, taas oo keentay in markii dambe ay magaalada isaga baxaan ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay u ruqaansadeen duleedka bare ee magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, waxaana halkaas lagu soo waramaya in ay ka sameysteen fariisimo. Gudaha magaalada ayaa hadda waxaa ka arimayo dadka ka soo jeeda gobalka iyo ciidamada SSC, kuwaas oo sheegay in aayahooda ka tashanayaan. Xiisadda gobalka Sool iyo Somaliland oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa gacan ka hadal isku badashay dhamaadkii sanadkii hore 2022-ka, kadib markii ay bateen dilka waxgaradka iyo haldoorka gobalka loogu gaysanayo gudaha magaalada Laascaanood, kuwaas oo dadka gobalka ay sheegeen in aan wax jawaab ah aysan ka bixin maamulka Somaliland. Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  7. Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waawayn oo ka dhacay degmada Maxaas maalinimadii shalay ahayd, waxaana tirada dhimashada iyo dhaawaca ay noqotay mid saacadba midda ka dambeysa sii kororta. Inta la xaqiijiyay 35 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyootay qaraxyada ka dhacay Maxaas, halka tiro intaas kabadan ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaana waxaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo dhaawacyada. “Dadka dhintay intooda badan waa dad rayid ah, waana haween iyo carruur,” ayuu yiri Xasan-kaafi Maxamed Ibraahim oo ah taliye ku-xigeenka booliiska dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Sikastaba mas’uuliyadda weerarkaas ayaa waxaa sheegtay Ururka alshabaab, kuwaas oo deegaanka laga xureeyay sanadkii hore kadib hawlgallo ay iska kaashadeen Ciidamada xoogga, saaxiibada Soomaaliya iyo ciidamada dadka deegaanka ee u istaagay xoreynta deegaanadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Abu Dubai (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay dalka Isu Tegga Imaaraadka, waxaana heshiiskan qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah. “Iskaashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo ka falceliyay heshiiskan ayaa sheegay in qodobadiisa ay kamid yihiin in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea lagu wareejiyo Isu-tagga Imaaraadka, sidaasna ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay Cali Yare ayaa shaaca ka qaaday in la burburiyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay khuburada ciidan ee Imaaraadka, isla-markaana uu markale ka howlgalo xerada General Gordan oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya. “Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku wareejisay ciidankii lagu soo tabobaray Eritrea, heshiiska oo Abu Dhabi lagu saxiixay wuxuu qorayaa in dowladda Imaaraatka markale lagu wareejiyo kana howlgasho xerada ciidanka Jeneral Gordan iyaga oo maamuli doona habsami-usocodka xerada iyo ciidanka ku jira, sidoo kalana labada dowladood iska kaashadaan habkii ciidanka yimid loo howlgelin lahaa,” ayuu yiri Cali Yare. Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Maanta maalin madoow iyo mugdi gudcur ah ayay kaga dhigantahay qaranka Soomaaliyeed”. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Imaaraadka Carabta uu bixin doono dhaqaalaha ciidanka iyo agabka lagu howlgalin lahaa, sida uu hadalka u dhigay. “Sida heshiiska lagu qoray dalka Imaaraatka ayaa dowladda ka caawin doona dhaqaalihii ciidanka lagu howlgelin lahaa, agabkooda iyo dib-ucasriyeeynta xerada. Waxaa la buriyay wareegtadii ay dowladdii hore dalka uga saartay quburada ciidan ee Imaaraatka dib ayay dalka uga howlgeli doonaan muddo 14 maalmood (labo asbuuc) gudahood ah,” ayuu yiri. Siyaasigan oo si weyn u macaarado dowladda federaalka ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay in ciidamadan oo xogtooda muddo la qarinayey lagu wareejiyo Imaaraadka. “Waxaa nasiib darro ah in dowladdii ugu weyneeyd ee xogta ciidanka laga qarinayay muddada dheer maanta sahlan loogu gacan galiyay iyada oo la eegayo dano dhaqaale iyo qandaraasyo kooban,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Cali Yare Cali. Halkan hoose ka daawo daawo sawirrada heshiiska. The post Sawirro: Ciidanka lagu soo tababaray Eritrea ma waxaa lagu wareejiyay Imaaraadka? appeared first on Caasimada Online.
  9. Machadka Teknooloojiyadda iyo Hawada sare ee dalka Itoobiya ayaa sheegay Dayax-gacmeedkii seddexaad iney hawada sare u dirayaan. Ku xigeenka machadka Dr Yeshurun Alamayehu oo BBC u warramay wuxuu sheegay Dayax-gacmeedkan seddexaad oo lagu magacaabo ETRSS-2 si la mid ah labadi dayax gacmeed oo ka horreeyey waxay ku wareegeysaa dhulka si ay macluumaad uga soo uruuriso. Dayax-gacmeedkanna wuxuu kuwii hore uu kaga duwan yahay waxay soo direysaa sawirro iyo muuqaallo ka nadiifsan kuwi hore. Dayax-gacmeedkan cusub wuxuu gacan ka geysanayaa daraasaadka iyo xog uruurinta la xidhiidha Beeraha, Macdanta, Ilaalinta Deegaanka, Ilaalinta cimilada iyo kheyraadka dhulka daraasaadka la halmaala. Sameynta Dayax-gacmeedkan waxaa iska kaashaday aqoon yahanno u dhashay dalka Itoobiya iyo kuwa u dhashay dalka Shiinaha. Itoobiya waxay hore hawada sare ugu dirtay Dayax gacmeedyada kala ah ETRSS-1 iyo ET-Smart-RSS. Source
  10. (SLT-Laascaanood)-Ciidammada Millatariga Somaliland ayaa xalay iskaga baxaan gudaha magaalada Laascaanood iyaga oo dib ugu laabtay xoryahooda ay ku leeyhiin magaalada duleedkeeda. Lama saadaalin karo xaaladdu siday ahaan karto, dad badan ayaa saaka isaga qaxaya cabsida ay ka qabaan dagaalka. Sidoo lale waxaa lagu soo waramayaa in Shacabka hubaysan ee magaalada la wareegay ay dib u fasaxeen adeeggii isgaadhsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay hore u xidhay xukuumadda Somaliland. Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashad iyo isku socodka dadweynaha Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhawaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani. Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo magaalada Laascaanood. Somalilandtoday/Burco/Office Source
  11. Dildillaac iyo kala shaki qabiil ku salaysan ayaa ka dhex qarxay Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool. Ilo wareedyo dhinaca Amniga ah ayaa xaqiijinayaan in Ciidamada soo duulay iyo kuwa u dhashay Gobolka Sool uu hareeyay kala shaki baahsan. Labadan Ciidan oo ku midaysnaa magaca Somaliland ayuu saamayn xooggan ku yeeshay kacdoonka Sool clan ee ka socda Laascaanood. Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli xiisadda Laascaanood isu rogtay dagaal hubaysan oo u dhexeeya Somaliland iyo Sool clan. Magaalada Laascaanood oo laga saaray Ciidamada Somaliland waxaa saaka ka taagan Calanka Soomaaliya waxaana gacanta ku haya xaq u dirirka hubaysan. PUNTLAND POST The post Dildillaac laga soo sheegayo Ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  12. Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay uu markale dagaal culus ka dhacay gudaha magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo ka soo horjeedo maamulka Hargeysa. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac iyo sidoo kale dad rayid ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada Somaliland ay dib uga baxeen magaalada Laascaanood, waxaana saaka gudaha u galay maleeshiyaadka deegaanka ah oo diidan joogitaanka ciidamadaasi. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay weli dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya. Sidoo lale waxaa lagu so waramayaa in ciidamada deegaanka ee la wareegay magaalada ay dib u fasaxeen adeeggii isgaarsiinta, gaar ahaan Internet-ka oo ay horay u xireen ciidamada Somaliland. Laascaanood waxay maalmahan ku jirtay xaalad adag, waxaa hakad-galay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada, sida ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka dadweynaha. Rabshadahaan oo galay todobaadkii labaad ayaa ka dhashay dil dhowaan magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka ee Waddani. Waxay sidoo kale rabshaduhu kasii dareen markii ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen dibadbaxayaasha, taas oo dhalisay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Si kastaba, xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maadaama aan xal loo helin rabshadaha socdo, waxayna weli shacabku wadaan dibadbaxa, halka ciidamaduna ay adeegsanayaan awoodooda, taas oo kordhisay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. The post Ciidamada Somaliland oo dagaal looga saaray Laascaanood appeared first on Caasimada Online.
  13. MINNEAPOLIS — A 28-year-old man accused in a 2021 fatal shooting in Moorhead was arrested on suspicion of a murder in Minneapolis over the weekend. Source: Hiiraan Online
  14. Two men have been arrested today by gardai investigating the gruesome murder of a 22-year-old man who was beaten to death with a hammer and his body dumped in a field on the Meath-Dublin border wrapped in carpet. Source: Hiiraan Online
  15. Family and colleagues shuffled through the winding halls of the Minnesota State Capitol on a snowy January morning to watch Zaynab Mohamed sign a Quran ahead of her official swearing-in ceremony. Source: Hiiraan Online
  16. Xoogagga Xaq u dirirka Beesha Sool clan ayaa saaka si buuxda gacanta ugu haya Laascaanood kadib markii xalay Ciidamada Somaliland dagaal looga saaray magaalada. Xoogagga Xaq u dirirka oo sugaya Amniga Shacabka ayaa sidoo kale dib u fasaxay Isgaarsiinta oo horay Somaliland uga xannibtay Shacabka Laascaanood. Dhinaca kale Taliyaha Ciidamada Somaliland Nuux Taani oo xalay ka cararay gudaha Laascaanood ayaa hadda ku sugan Taliska Gooja-cadde halkaas oo uu ka wado abaabul dagaal oo ka dhan ah Beesha Sool clan. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale weli ku sugan qayba kamid ah Gobolka Sool waxaana sida muuqata foolanaysa xiisad dagaal oo u dhexaysa Ciidamada Somaliland iyo Beesha Sool clan. PUNTLAND POST The post Xoogagga Xaq u dirirka Beesha Sool clan oo si buuxda ula wareegay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
  17. Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, iyo Wefti uu hoggaamino ayaa Si balaadhan loogu Soo dhaweeyay Degmada Dhoqoshay oo hoos timaada Gobolka Togdheer. Masuuliyiinta Xisbiga ayaa bulshada ku boorriyay in ay si buuxda isugu diwaangeliyaan kaadhka codbixinta. Qaran News
  18. Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa saaka shaaciyay in uu is casilay. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in uu iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland. Xildhibaanka ayaa sheegay in uu la dareen yahay shacabkiisa Reer Sool oo Puntland ku fashilantay in ay xorayso. ” Waan iska casilay xilkii xildhibaanimo ee Puntland waxaan la dareen ahay shacabkayga” ayuu yiri xildhibaanka. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli xalay shacab hubaysan ay Laascaanood ka saareen ciidamada Somaliland. PUNTLAND POST The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Puntland oo isu casilay Qaddiyada Gobolka Sool appeared first on Puntland Post.
  19. A family of nine have died in a double car bombing in central Hiraan province, Somalia, an eyewitness has told the BBC. Source: Hiiraan Online
  20. As Somalis suffer the country’s worst drought in 40 years, medical workers warn of the long-term physical damage malnutrition is doing to children Source: Hiiraan Online