Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaan lagu magacaabo Buq-Goosaar oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay dagaalyanao ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Ugu yaraan 10 Shabaab ah ayaa maanta lagu dilay deegaankaas, kadib markii ay weerareen ciidanka dowladda oo garab ka helaya xoogagga hubka qaatay ee deegaanka. Deegaanka Al-Shabaab lagu weeraray ee Buq-Goosaar ayaa dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne, waxaana halkaas si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka. Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa baahisay in meydadka 10 dagaalame iyo 5 qori oo AK47 ah ay Al-Shabaab goobta uga carareen. Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka howlgalka ka socda HirShabeelle ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo ayaa hadda ku fiday galbeedka gobolka Hiiraan. Inta badan deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle waxaa weli ku sugan Al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in howlgalladu ay hadda ku fideen qeybo ka mid ah galbeedka HirShabeelle. In galbeedka loo jiheeyo ciidanka waxay ka dambeysay markii Al-Shabaab laga faro maroojiyey guud ahaan degmooyinka HirShabeelle, kadib howlgallo culus oo dhacay bilihii iyo todobaadyadii u dambeeyey. Kooxda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay isaga cararto goobaha ay joogaan markii lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin – Ma xeelad militeribaa, mise tabar yari ay wajahayaan? Ma jirto cid ka jawaabtay weli su’aashaan. The post Shabaab badan oo galabta lagu dilay Hiiraan iyo dagaalka oo ku fiday galbeedka appeared first on Caasimada Online.
  2. Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland President Muse Bihi has taken responsibility for the deaths of civilians in LasAnod, a city in the breakaway region of Somalia, during ongoing anti-government protests. Reports from hospitals in Hargeisa, the regional capital, indicate that most of the at least 20 civilians killed by security forces in the state died from bullet wounds. But in his remarks, Bihi put the death toll at three and stated that nine others were wounded. “We are very sorry; we send condolences; the entire Somaliland shares the pain with you,” Bihi said in his statement, expressing regret at the loss of lives in LasAnod. He promised to investigate the incident and withdraw troops from the town once stability had been restored but accused the federal government of Somalia and the regional government of Puntland of interfering in the affairs of Somaliland. Bihi said Somaliland would not allow Mogadishu and Garowe to continue “interfering” in the region’s affairs. President Hassan Sheikh Mohamud requested last week that the regional government and members of the security forces engage in immediate dialogue, emphasizing the need for stability in the region. The president also condemned the use of excessive force by the security forces to quell the legal demonstrations. On Tuesday, Puntland President Said Abdullahi Deni threatened a “military and political solution” if the situation in Somaliland persists. Deni refuted the claim that he was fully engaged in local political contests to the detriment of security in LasAnod. He called on politicians and public intellectuals to come together to find a lasting solution. Protests in LasAnod, the capital of the Sool region, erupted following the assassination of Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi after he left a Mosque. The killing of a prominent figure has ignited outrage in the previously stable region. The situation has led to condemnation from members of the international community. In a statement released on Sunday, the international community expressed their deep concern about the ongoing violence in LasAnod and the numerous civilian deaths and casualties that have resulted. The statement called for calm and restraint and urged all parties to work towards de-escalating the situation and resolving tensions through dialogue. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 following the Somali government collapse and the civil war outbreak. Despite its efforts, it has not been recognized as an independent state by any country or international organization. The post Somaliland President apologizes for civilian deaths in LasAnod protests appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxaas (Caasimada Online) – Meydadka todoba qof oo Nabadoon Cilmi Hagar Guure uu ku jiro ayaa dib looga soo fagay goob ay ku aaseen Al-Shabaab, waxaana mar kale meydadkaas lagu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa meydadkaan laga soo fagay god-weyn oo Al-Shabaab ay ku rideen laba maalmood kadib markii ay ku dileen dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceelqooxle ee gobolka HIiraan bishii 9-aad ee sanadkii dhamaaday. Goobta laga soo fagay meydadkaan waa deegaanka Al-Kowthar oo hoos taga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo Al-Shabaab ay geeyeen meydadka 7-da qof ee Nabadoon Cilmi Hagar uu ku jiro, iyagoo gaari ku jiidaya. Seddax bilood ka hor 29-kii Sebtember 2022 ayaa dagaalka lagu dilay raggaan wuxuu ka dhacay degaan lagu magacaabo Ceelqooxle oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaaday, xilli ay ku sugnaayeen ciidan badan oo ka soo jeeda beesha Xawaadle. Allaha u naxariistee Nabadoon Cilmi Hagar ayaa ka mid ahaa odayaashii hoggaaminayey ciidankaas, waxayna Al-Shabaab u qabeen cadaawad badan, taas oo keentay in markii ay dileen ay meydkiisa gaari ku soo jiideen isaga iyo raggii kale ee ugu waaweynaa ciidankii Xawaadle looga dilay dagaalka. Al-Shabaab ayaa meydadka 7-daas nin ayaa u soo bandhigay shacabka ku nool deegaanka Al-Kowthar oo xiligaas ay Al-Shabaab u talinayeen, waxayna maalin kadib ku rideen hal god, iyagoo aan siin xurmadii diinta suuban ee Islaamku ay u jideysay meydka muslimiinta. Meydadkaan oo laga soo fagay godkaas ayaa shalay dib loogu aasay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo salaadii Janaasada lagula tukaday. Culumadii, odayaashii dhaqanka iyo masuuliyiintii ka qeyb gashay aaska ka dhacay Maxaas ayaa sababta meydadkaan dib loogu soo saaray waxay ku macneeyeen in Al-Shabaab aysan u aasin si islaamnimo ku jirto, isla markaana ay ku xadgudbeen xurmadii uu lahaa meydka dadkaan ay dileen. Hoos ka daawo aaska The post Maxay tahay sababta loo soo fagay meydka Nabadoon Cilmi Hagar Guure? (Daawo) appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa mamnuucay in Boosaaso lagu qabto shirar siyaasadeed oo aysan la socon dowladda Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa lagu amray xarumaha shirarka lagu qabto in aysan marti-gelin shir aan lala socod-siin dowladda. Warqadda ayaa lagu sheegay in mudda kooban la joojiyay in magaalada lagu qabto shirar aan fasax qoraal ah ka haysan dowladda. Taliska Booliiska ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ay si dhow uga shaqeeyaan hirgelinta go’aankan dowladeed. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Bari oo mamnuucay shirar aysan dowladdu fasixin appeared first on Puntland Post.
  5. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamse Abdi Barre appointed a nine–member interim Electoral Committee on Tuesday to organize vacant parliamentary seats elections in the House of the People of the 11th Parliament of Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Barnaamijka Galka Baarista ee VOA ayaa toddobaadkan diirada lagu saaray miisaaniyada dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo dhawaan uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kadib markii uu ansixiyay baarlamaanka. Miisaaniyadda sanadkaan oo korortay, kana badan tii sanadkii hore ayaa gaareysa $973,985,805, oo dollar, waxaana hore aad uga dooday xildhibaanada labada gole oo ugu dambeyntii ansixiyey. Sanad kasta waxaa kororta miisaaniyadda dowladda, waxaana jira kobac dhaqaale oo dakhliga gudaha ka soo xarooda ah, sida ay qirayaan hey’adaha ku shaqada leh miisaaniyadda dowladda. Galka Baarista ayaa qeybaha uu dul istaagay ee miisaaniyadda dowladda waxaa kamid ah dhaqaalaha ku baxaya safarada iyo la-taliyeyaasha, taasi oo sanadkaan loogu daray tobanaan Milyan. “Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo qaabilsan xiriirka caalamiga waxa kharashaadka safarada iyo shirarka ugu jira shan boqol oo kun oo dollar, Wasaaradda qorsheynta Qaranka waxa ugu jira hal milyan iyo shan boqol oo kun oo dollar, halka sanadkii hore ay ka aheyd boqol iyo toddoba & konton kun oo dollar.” Muniir Sheekh Axmed oo ah aqoonyahan dhanka Bangiyada iyo Maaliyadda oo lagu wareystay Galka Baarista ayaa sheegay in kororka miisaaniyada uu inta badan ka yimid dakhliga dibedda laga helo. “Lacagta lagu bixiyo la-talinta waxay muujineysa in waddanka uusan ku kalsooneyn inay howsha fulin karaan ayada oo aan lala talin,” ayuu yiri. Wasiirka Maaliyadda ayaa asaguna dhankiisa difaacay kharashaadka safarada iyo la-taliyeyaasha, isaga oo sheegay in qeyb muhiim ah ka yihiin howlaha dowladda federaalka Soomaaliya. “Lacagahaasi marka loo eego howsha lagu qabanayo ma badan, laakiin waxay badan yihiin marka loo eego miisaaniyadeena yar iyo boqoleyda ay ka noqonayaan. Miisaaniyadeena yar ayaa soo saareysa in safarada ay badanayaan,” ayuu yiri. “Safarada waxay noqonayaan dhowr arrimood, kuwa arrimaha dibadda lagaga shaqeeyo oo kulamada caalamiga ah ee qeybta ka nahay la tago, waa ogtahay waxay u baahan tahay lacag adag oo wafdi tago oo adduunkii kamid tahay ayey noqonayaan.” Waxaa xusid mudan in miisaaniyada sanadkaan ay noqoneyso tii ugu badneyd abid ee ay meel-mariso dowladda federaalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso barnaamijka oo dhameystiran: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2023/01/09410000-0a00-0242-307f-08daed94cbdf_48k.mp3 The post Dhageyso: Galka Baarista oo shaaciyay xog dheeri ah oo la xiriirta miisaaniyadda DF appeared first on Caasimada Online.
  7. The Somali government has made a vow to revive sport especially football in parts of the country ‘scared’ by the insurgency driven by the militant sect al-Shabaab, APA can report on Tuesday. With the country reeling from a 26-year insurgency, much of the infrastructure in rural Somalia lay in ruins including sport complexes. Source: Hiiraan Online
  8. Hargeisa (HOL) - Muse Bihi Abdi, President of Somaliland, said that his government is committed to finding a solution to the week-long anti-government protests in Las Anod, the capital of the Sool region, but also cautioned the Somali government and Puntland administration not to aggravate the situation. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay xiisadda maalmihii dambe ka taagneyd Laascaanood, ayaa digniin adag u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland, oo uu sheegay inay ka dambeeyaan xaaladda taagan. Muuse Biixi ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay xal ka gaarista qalalaasaha ka taagan Laascaanood, islamarkaana ay ku filan yihiin ka maamul ahaan xalinta mushkiladaasi. “Waxaa ka shirnay dhibaatada Laascaanood ka taagan sidii loo xalin lahaa, waxaanu isla garanay in Somaliland ay ku filan tahay howlaheeda, oo ay xalin karto arrintaa. Waxaanu tacsi u diraynaa dhamaan dadkii ku dhintay Laascaanood, oo si kadis ah oo lama filaana arrintaasi Laascaanood uga dhacday,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland. Muuse Biixi ayaa muhiimadda koowaad ku sheegay sugida amniga, isaga oo tilmaamay in markaas kadib laga howl-gali doono dhibaatada dhacday iyo xalinteeda. “Talaabada ugu horaysa ee aan qaadayno waxa weeyi in nabada magaalada si buuxda loo sugo, kadibna waxgaradka reer Laascaanood lagala shaqayn doono xal u helista dhibta taagan.” Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambayso dagaalka uu maamulka Deni uu sheegay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhulkeeda difaacayso, xataa haddii shanta maamul goboleed soo weeraraan, sida uu hadalka u dhigay. “Maanta anagu waxaanu u taaganahay nabad iyo jaar wanaag, waxaananu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland, isaga oo u digay siyaasiyiinta qaarkood iyo maamulka Puntland ee ku baaqay in Somaliland ay ka baxdo Sool. Waxa uu markii u horeysay shaaciyay in Somaliland ay qabatay inta badan dadkii dilalka ka geystay magaalada Laascaanood, taasi oo sabab u aheyd in magaaladaasi ka billowdaan dibadbaxyada isku rogay rabshadaha. “Laascaanood dadka lagu dilay 2009 ilaa maanta waa 40 qof, waxa la qabtay 32 qof, 8-na waa fakad, waxaa la xukumay 23, 7 kiis kooda ayaa socda, 2-na maxkamaduhu way siidaayeen, dadk la dilay 24 ayaa ah masuuliyiin Qaran, 16-na waa shacab lagu dilay waxay taageersan yihiin dowlada Somaliland.” “Mushkilada Laascaanood Somaliland oo dhan ayaa iskugu tagaysa, anaga oo walaalahayo waxa gaadhay ka xun, waana nu xalin karnaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Muuse Biixi. The post Madaxweyne Muuse Biixi oo digniin u diray dowladda federaalka iyo Puntland appeared first on Caasimada Online.
  10. Hargeisa (Caasimada Online) – Somaliland, a self-proclaimed republic in northern Somalia, has pushed back the African Union (AU) over its comments on the security situation in LasAnod, a city that has experienced deadly clashes between anti-government protesters and security forces. The protests began a week ago and were ignited by the assassination of a youth leader and opposition Waddani party member, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi). At least 20 people have been killed in subsequent clashes between anti-government protesters and the security forces. In a statement, Souef Mohamed El-Amine said, “The security situation in LasAnod town of Sool region continues to be volatile. ATMIS encourages the stakeholders to address their differences through dialogue and negotiations for the benefit of the locality.” In response to the AU’s call for stakeholders to address their differences through dialogue, the Somaliland Foreign Ministry said, “The Government of Somaliland will not tolerate seditious statements by ATMIS that go beyond their mandate as the Republic of Somaliland is an independent country.” The ministry also called upon the international community to “condemn the provocations by some neighboring administrations and to stand by the Government of Somaliland as it ensures the security and wellbeing of its citizens.” “Finally, we call upon the international community to condemn the provocations by some neighboring administrations and to stand by the Government of Somaliland as it ensures the security and wellbeing of its citizens,” it reads. LasAnod, a city located in the disputed region of Sool between Somaliland and Puntland (a semi-autonomous region of Somalia), has been a source of contention between the two sides. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but has not gained recognition as a sovereign state by the international community. The post Somaliland rejects AU’s call for dialogue after deadly protests appeared first on Caasimada Online.
  11. (ERGO) – About 2,500 pastoralist families are returning to their villages in central Somalia’s Adado after the local authority brought in new measures to prevent waste from being dumped on grazing land. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Guddiga Ku-meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaanatay baarlamaanka 11-aad. Guddiga doorasho ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxay ka kooban yihiin 9 xubnood, sida lagu soo saaray wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Xamza ayaa magacaabistan u cuskaday qoddobada 99-aad iyo 100-aad ee Dastuurka KMG ah iyo go’aanka guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo tirsigiisu yahay GSH/B11/0522, uuna saxiixay Guddoomiyaha Golaha Shacabka. “Mudane Xamza markuu arkay wareegtadii Lr.60 ee Burinta Xeer Madaxweyne Lr.40 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu kala diray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. “Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay heshiisyadii iyo habraacyadii lagu hirgeliyay doorashooyinka dadban ee Baarlamaanka 11-aad 2021/2022 iyo sidoo kale sharciga buuxinta kursiga ka bannaanaada Golaha Shacabka ee Baarlamaanku ansixiyay 19-kii Abriil 2017, ayaa wuxuu magacaabay guddigaan.” Ra’iisul Wasaaraha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto. Xubnaha guddigaan ayaa waxay kala yihiin; Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici Cabdirisaaq Diiriye Warsame Cabdi Hiis Udan Cabdishakuur Abiib Hayir Cabdullaahi Cabdi Aden Mowliid Mataan Salaad Maxamed Aadan Cismaan Yare Yusuf Cabdikaadir Maxamed Zahra Cabdiraxmaan Maxamed Guddigaan oo isla maanta shaqo bilaabay ayaa waxa la wada sugaya sida ay ka yeelaan kuraasta banaan oo kamid yihiin kursiga laga xayiray Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin iyo kursiga uu baneeyay agaasimaha cusub ee Mahad Salaad. The post R/W Xamza oo magacaabay guddi doorasho + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi, ayaa shirguddoomiyey shir ballaadhan oo ay maanta qasriga madaxtooyada ku yeesheen madaxda qaranka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ku-xigeenkiisa, Mudane Siciid Jaamac Cali, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, ahna ku simaha gudoomiyaha Wakiilada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxgarad, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin kale, waxana kulanka diiradda lagu saaray sidii talo midaysan looga yeelan lahaa arrinta Laascaanood, loona soo afmeeri lahaa tabashada shacabka. Markii kulankaasi soo dhammaaday waxa bulshada la hadlay madaweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, waxana ay si waafi ah uga hadleen dhibka ka taagan Laascaanood, qorshaha qaran ahaan arrintaas lagu wajahi karo iyo sidii xididdada loogu siibi lahaa tabasho kasta oo dhib keenaysa, iyaga oo mar kale si wada-jir ah tacsi ugu diray ehellada dadkii dhibaatadu kasoo gaadhay Laascaanood. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si qoto dheer u sharraxay qorshaha ay ka hoggaamiyeyaal ahaan ugu talo galeen in loo wajaho arrinta Laascaanood, isaga oo waxgaradka reer Sool ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan ka shaqaynta nabadda oo fure u ah in mushkiladda laga wada hadlo, waxana uu yidhi, “Maanta waxa noo yaalla ee aannu ku hawlgelaynaa waa in laga wada-shaqeeyo nabad dadku ku degaan, anagoo arrintaasna qaybteeda ugu weyn kala shaqaynayna haldoorka, waxgaradka, dhallinyarada, madax-dhaqameedka iyo haweenka dadka deggen Laascaanood, waxana aannu leenahay waxa aynu isku khilaafsannahay waynu ka wada-hadlaynaaye horto nabadda aynu adkayno, haddii aan nabad la hayn waxba lama xallili karo, marka nabadda la helo ee magaaladu furanto ciidamadu way ka baxayaan, umana joogaan magaalada inay dadka cabudhiyaane waa kuwii difaacayey.” Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka hadlay dadkii gudaha Laascaanood lagu laayey ilaa 2009-kii iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay sidii loosoo qabqaban lahaa gacan-ku-dhiigleyaashii dadka laayey oo intoodii badnayd maanta gacanta lagu hayo,“Dadka mudaharaadayey ee ka xumaaday geerida ninkii argagixisadu dishay waxa usoo raacay afar cod oo kale oo Somaliland la dagaallamaya oo ay kow ka tahay Argagixiso, inta la hayo Laascaanood marka laga soo bilaabo 2009-kii ilaa maanta dadka lagu dilay waa 40-qof, afartankaa qofna waxa kiiskooda loo hayaa 32 qof, 8-da fakad bay ku maqan yihiin, 32-ka la qabtayna waxa la xukumay 23-ka mid ah oo jeelasha ku jira, 7-na kiiskoodu wuu socdaa, 2-na maxkamaduhu way sii daayeen,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas kusii daray, “Dadka la dilay 24 kamid ahi waxay ahaayeen masuuliyiin qaran, una badnaa maxkamadaha xeer ilaaliyayaasha iyo qaybaha amniga ee ciidanka iyo guddoomiyeyaal xisbi, 16-ka mid ahina waa shacab lagu dilayey waxay taageersan yihiin dawladda Somaliland” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu farta ku fiiqay siyaasiyiin fidno-wadayaal ah dalalka deriska kasoo jeeda oo dagaal iyo fidno kusoo afuufaya gudaha Somaliland, isaga oo si gaar ah u magacaabay siyaasi Faarax macallin oo katirsan Kenya, waxana uu yidhi,“Faarax Macallin waxa uu ahaa ninka isaga oo xildhibaan ah oo shirguddoonka ku jira halkan (Somaliland) yimi ee Laascaanood tegay ee ku dhiiraday inay Laascaanood kamid ahaato Somaliland ee carruurtiisii iyo arday kaleba kasoo kexeeyey Laascaanood ee Cammuud geeyey ee ay wax ku barteen ee mar walba la taagnaa qaddiyadda Somaliland ugu doodayey inay sharci ku fadhido, dadka siyaasadda midabbeeya warkooda waxba kasoo qaadi mayo laakiin Faarax lagama filayn inuu yidhaahdo dadku si qabali ah ha u dagaallamaan.” Madaxda maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu madaxweynuhu jawaab cad u diray, waxana uu uga digay dhibaatada ay u bu’ayaan, isaga oo ugu bushaareeyey inay Somaliland diyaar u tahay difaaca qarankeeda, “Waxa dagaal Iclaamiyey madaxweynaha maamulka Puntland iyo ku-xigeenkiisa, lagamase filayn inay Puntland dagaal ku iclaamiso, maantase annagu waxanu taagannahay nabad iyo jaar-wanaag, waxana aannu leenahay dagaal lagama faa’iidee ka joog. Haddiise aad ka fursan weydo oo aad weerar soo qaaddo wixii aad ka heshaad leedahay Somaliland inay qarannimadeeda difaacdo waa u diyaar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka iyo beesha caalamkaba ugu bushaareeyey inay mucaarid iyo muxaafidba reer Somaliland ka midaysan yihiin difaaca qarankooda, waxana uu yidhi,“Maanta Somaliland ma kala laha mucaarid iyo muxaafid, qarannimadana heegan baa loo wada yahay, saddexda xisbi-qaran oo waqtigoodii dhammaaday iyo 10-urur oo immika siyaasadda u halgamayaaba waxannu ka midaysannahay in qarannimada la difaaco, waayo dhammaantood waxay u tartamayaan inay dalka maamulkiisa qabtaan.” Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland ku filan tahay arrinteeda, cid kale oo soo faro-gelisana aanay marnaba oggolaan doonin, isaga oo madax-dhaqameedka deegaanada kala duwan fidnada ka wadana uga digay inay dhibaato hor leh abuuraan, waxana uu ugu baaqay inay wanaagga iyo daminta dhibaatada ka taliyaan. Waxa uu madaxda dawladaha Kenya iyo Ethiopia ka codsaday inay kasoo jawaabaan eedaha iyo fidnada iyo syaasiyiin dalalkaas kasoo jeedaa ka dhex wadaan gudaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo faro-gelinta ay ku hayaan dawladnimada Somaliland, isaga oo Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxdoodana uga digay faro-gelinta fidmaysan ee arrinta gobolka Sool ay ku gacan-togaalaynayaan. Dhinaca guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna madaxweynaha hadalka uga dambeeyey, ayaa bayaamiyey inay ka gole guurti ahaan madaxweynaha kala aragti yihiin hannaanka loo xallinayo dhibka Laascaanood, isaga oo si cad u sheegay in dhibaatada Laascaanood ka taagani tahay mid Somaliland oo dhan laga dareemayo oo dhammaynteeda laga midaysan yahay, waxana uu yidhi,“Waxannu cadaynaynaa inaanu intaa madaxweynuhu yidhi la qabno, kulana shaqaynayno, dadweynahana ka codsanayno inay ogaadaan in dawladoodu danahooda ka talinayso, waanna aannu ka xunnahay dadkii mudaharaadka ku dhintay, reer Laascaanood-na kamay dhimanne dhammaanteen way inaga dhinteen. Somaliland-na waysku filan tahay oo cid usoo gurmata uma baahna.” Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in qaranka Somaliland muhiimad gaar ah siinayo soo afjaridda dhibaatada Laascaanood, iyada oo arrintaasna majaraha u qaban doonaan hormuudka reer Sool,“Waxa inoo ballan ah inaynu arrinta Laascaanood xal degdeg ah u helno, iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo dadka Laascaanood u dhashay oo gacanta koowaad ay yeeshaan, inaguna kula shaqayno,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
  14. Wasiirka midigta-fog ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir ayaa maanta booqday dhismaha masjidka Al-Aqsa markii ugu horreysay tan iyo markii uu noqday wasiir, waxaa sidaas sheegay afhayeenkiisa, taasi oo ka cadheysiisay Falastiiniyiinta oo tallaabadaas u arka daan-daansi. “Dowladdeena isuma dhiibi doonto hanjabaadaha Xamas,” Ben-Gvir ayaa sidaas ku yidhi bayaan uu daabacay afhayeenkiisa, kadib markii Xamas ay ka digtay in tallaabadan ay tahay “khad cas”. Booqashada Ben-Gvir ayaa timid maalmo kadib markii uu la wareegay xilka wasiirka amniga qaranka, xilkaas oo awood u siinaya maamulka booliska. Al-Aqsa waa meesha saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka, sidoo kalena Yuhuuda ayaa u arka goobta ugu barakeysan diintooda, kuwaas oo ugu yeera Temple Mount. ” Temple Mount waa meesha ugu muhiimsan dadka Israa’iil, waxaana ilaalinaynaa xorriyadda dhaq-dhaqaaqa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta, laakiin Yuhuudda waxa ay sidoo kale fuuli doonaan buurta, islamarkaana kuwa hanjabaadda sameynaya waa in lagula macaamilaa – gacan bir ah,” ayuu yidhi. Dhismahan oo ku yaala bariga Qudus ee ay Israa’iil haysato, ayaa waxaa maamula Golaha Arrimaha Islaamka ee Waqf, iyadoo ciidamada Israa’iil ay halkaas ka howlgalaan islamarkaana maamulaan gelitaanka. Ben-Gvir ayaa u ololeeya in dib u habayn lagu sameeyo maamulka goobta si loogu ogolaado Yuhuudda inay ku tukadaan, tallaabadaas oo ay ka soo horjeesteen mas’uuliyiinta wadaaddada Yahuudda. Ilaalada Waqf ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Ben-Gvir ay la socdeen cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Israa’iil, iyadoo diyaarad aan duuliye lahayn ay dul heehaabaysay Al-Aqsa. Kadib markii uu ka tagay goobta subaxnimadii Talaadada, waxaa yimid booqdayaasha, xaaladduna waa ay deganeyd. Inkasta oo Ben-Gvir uu marar badan booqday Al-Aqda tan iyo markii uu soo galay baarlamaanka April 2021, haddana inuu tago isaga oo wasiir ah ayaa leh miisaan aad u culus. Booqasho muran dhalisay oo sanaddii 2000 uu Al-Aqsa ku tegay hoggaamiyihii mucaaradka ee xilligaas Ariel Sharon ayaa noqotay mid ka mid ah waxyaabihii ugu weynaa ee kiciyay kacdoonkii labaad ee Intifada oo socday ilaa 2005. Source
  15. Madaxweynaha Baarlamaanka Midawga Yurub ayaa bilaabay hanaan degdeg ah oo la doonayo in xasaanadda lagaga xayuubiyo laba mudane oo ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub, ka dib codsi uga yimi hay’adaha garsoorka ee dalka Belgium, kuwaas oo baadhaya fadeexad weyn oo musuqmaasuq oo ruxday Midawga Yurub. Baarlamaanka Yurub ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Roberta Metsola, inay ka codsatay dhammaan adeegyada iyo guddiyadu inay mudnaanta siiyaan arrintan, iyada oo la doonayo in la dhameeyo inta ka horraysa bisha February 13-keeda. “Waxaa markii ugu ugu horraysay uu baarlamaanka Midawga Yurub uu sameeyey wax kasta oo awooddiisa ah, si uu uga gacan geysto baadhitaanada socda, waxaanna sii wadi doonaa inaan hubinno inaanay jiri doonin meel lagaga dhuunto isla xisaabtanka” ayay tidhi Metsola, waxayna hadalkeeda sii raacisay “Kuwa ka masuulka ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Lagama raalli noqon doono masuq maasuq, waxaanuna samayn doonaa wax kasta oo lagula dagaalamayo” Xubnaha warbaahinta ee ka hawlgala ururka Midawga Yurub, ma aanay aqoonsanin labadan xubnood ee ka tirsan baarlamaanka, hase ahaatee laba masuul oo magacyadooda qariyey, maadaama oo aan loo ogolayn inay dhacdadan ka hadlaan ayaa tilmaamay in labada xubnood ay kala yihiin Andrea Cozzolinooo oo Talyaani ah iyo Marc Tarabella oo Belgium ah. Xubnahan oo lala xidhiidhay wax falcelina kama bixinin arrintan. Waxaa jira xildhibaan saddexaad oo lagu magcaabo Eva Kaili, kaas oo hore loogu soo oogay dacwado la xidhiidha inuu ku lug yeeshay eedo ku saabsan, inuu laaluush ka qaatay masuuliyiin ka tirsan Qatar iyo Morocco, kuwaas oo doonayey inay saamayn kuyeeshaan go’aano siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale. Mudanaha Kaili ayaa xabsi ku jirta tan iyo bishii December 9-keedii, iyada oo sidoo kalena xabsiga la dhigay saaxiibkeen Francesco Giorgi oo ahaa la taliye ka tirsan baarlamaanka Midawga Yurub. Source
  16. Xarunta xuquuqal insaanka madaxa bannaan ee Somaliland ayaa cambaaraysay qaabka ciidamada Somaliland ula dhaqmayaan dadka mudaharaadka ka wada magaalada Laascaanood. guddoomiyaha xarunta Yaasmiin Cumar, ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen dhimasho, dhaawac iyo xadhig loo gaystay mudaharaadayaasha. Shacabka Laascaanood ayaa markii hore ka mudaharaadayay dilalka haldoorka magalada oo aan cid loo soo qaban balse markii dambe shacabku waxa ay dalbanayaan in Somaliland ka baxdo magaalada iyo deegaamadooda kale. Mucaaradka Somaliland ayaa xukuumadda ku dhaliilay wax ka qabasho la’aanta ammaanka magaalada Laascaanood iyo weliba sida ay markii dambe ula dhaqantay dadka shacabka ah ee dareenkooda muujiyay. Somaliland ayaa wafdi u dirtay Laascaanood si xaaladda loo dejiyo. Source
  17. Dawladda Burkina Faso ayaa waddankeeda ka caydhisay safiirkii Faransiiska ee dalkaas. Danjire Danjire Luc ayaa lagu eedeeyey in uu fara geliyey siyaasaddi gudaha ee Burkina Faso. Burkina Faso ayaa noqonaysa waddankii labaad ee erida Safiir Faransiisa iyada oo hore dalka maali looga eryey Danjirihii Paris u joogay Bamako. Dalalka tallaabadan qaaday ayaa ah kuwo hore Faransiisku u gumaysan jiray isla markaana uu galaan gal xooggan iyo ciidanba ku laha gudahooda. Source
  18. Sheikh Adan Mohamed Nur, the Speaker of the Somalia Federal Parliament Mogadishu (PP News Desk) — The Speaker of Somalia Federal Parliament Sheikh Adan Mohamed Nur appointed today a committee on the situation in Lasanod. Mr Adan invoked articles 33 and 63 of the draft constitution and the debates during the seventh session of the parliament held on 2 January 2022. Made up of ten members, the committee is tasked with reporting on the situation in Lasanod where Somaliland administration militias killed more than 10 persons demonstrating against targeted assassinations in Lasanod. The appointment of the committee is unprecedented in the state-building endeavours of Somalia. MPs from Lasanod in Somalia’s bicameral legislature have submitted a motion to debate the situation in Lasanod. The report to be submitted by the parliamentary committee will be a basis for legal measures to be adopted by the federal legislatures to protect political rights of Somali citizens in Lasanod and hold perpetrators accountable for killing and maiming citizens demonstrating peacefully. © Puntland Post, 2022. The post Somalia Federal Parliamentary Speaker Appoints a Committee on “Lasanod Situation” appeared first on Puntland Post.
  19. Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Maxamud Macallin Cabdulahi ayaa la kulmay Gudoomiye kuxigeenka Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Turkiga ee loo Yaqaan AFAD. Labada dhinac ayaa kawada hadlay iskaashi & wadashaqeyn. AFAD waxay Hey’adda si gaar ah uga taageeri doontaa dhisidda kaabayaasha muhiimka u ah Maareeynta qataraha & musiibooyinka. Kulanka kadib, wafdiga Hey’adda ayaa booqday Xarunta dhexe ee isku daba ridka & Maareeynta Musiibooyinka dalka Turkiga. Source: goobjoog.com
  20. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay guddiga kumeel gaarka ee doorashooyinka kuraasta ka bannaanaatay Baarlamaanka 11aad. Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa waxa ay kala yihiin: 1. Cabdiraxiim Cabdullaahi Shaafici 2. Cabdirisaaq Diiriye Warsame 3. Cabdi Hiis Udan 4. Cabdishakuur Abiib Hayir 5. Cabdullaahi Cabdi Aden 6. Mowliid Mataan Salaad 7. Maxamed Aadan Cismaan Yare 8. Yusuf Cabdikaadir Maxamed 9. Zahra Cabdiraxmaan Maxamed Ra’iisul Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddigan cusub ayaa waxa uu faray in waajibaadkooda shaqo ay u gutaan si hufnaan iyo caddaalad ay ku jirto. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo magacaabay guddi doorasho appeared first on Puntland Post.
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda. Qoraal kasoo baxay Madashaan ayaa waxaa lagu sheegay inay u taagan tahay ilaalinta dowladnimada, xasiloonida, midnimada iyo saraynta sharciga dowladda Puntland. “Madasha waxay u taagan tahay xaqiijinta in Puntland ay ka dhacdo doorasho hufan, loo dhan yahay oo si nabad-gelyo ah ku dhacda laguna soo doorto Baarlamaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen 8-da Janaayo, 2024.” Sidoo kale waxay si weyn u cambaareyeen xasuuqa lagu hayo shacabka magaalada Laascaanod oo maamulka Somaliland si xoog ah ku haysto, sida ay sheegeen. “Madashu waxay ka tacsiyeynaysaa dadka sida arxan darrada ah magaalada loogu laynayo. Waxay ugu baaqaysaa xukuumadda iyo shacabka Puntland in ay garab istaagaan kacdoonka shacabka reer Sool.” Madasha ayaa waxay ka digtay in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland. Madasha ayaa sidoo kale waxay soo saartay baaq ka kooban 7 qoddob, kuwaasi oo kala ah; 1. In shacabka reer Puntland ka digtoonaadaan dhagarta siyaasadeed iyo marin-habaabinta lagu dhex wado nidaamka doorashooyinka. 2. In hay’addaha amnigu aanay ku dhex-milmin siyaasadda kuna ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah ayna u hogaansamaan sharciga. 3. Madashu waxay bogaadinaysaa isimada Puntland waxayna ugu baaqaysaa in ay qaataan dawrkoodii shariifka ahaa ee ay kaga jireen xasiloonida iyo midnimada Puntland. 4. In la isugu yimaado shir wada-tashi ah oo looga arrinsanayo xaaladda doorashooyinka Puntland. 5. In la joojiyo diiwaan-gelinta hubaysan ee xukuumadda wado si looga baaqsado isku dhac amni iyo shaqaaqooyin ka dhasha hanaanka doorashooyinka aan loo dhameyn. 6. Sixidda Khaladaadka ku jira habka dimuqraadiyeynta Puntland, iyadoo asaas looga dhigayo 13-kii qodob ee ururada siyaasadda Puntland soo jeediyeen. 7. Madashu iyada oo bogaadineysa taageerada deeq-bixiyayaasha, hadana waxay ka digaysaa in aysan qeyb ka noqon hanaan doorasho oo xasilooni-darro abuuri kara. Siyaasiyiinta qeybta ka ah Madashaan maanta lagu dhawaaqay ayaa waxaay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo maamulka Puntland. The post Siyaasiyiinta ugu miisaanka culus Puntland oo ku dhowaaqay madal ka dhan ah Deni appeared first on Caasimada Online.